|
Jidka Caddaaladdu waa 99 barnaamijyo idaacadeed oo taxane ah kuwaasoo dhegaystayaasha ka caawin kara inay Kitaabka Quduuska ah ka bartaan wax ku saabsan dabeecadda Ilaah. Qiso kasta oo barnaamijyadan ka mid ahi waxay ina baraysaa wax ku saabsan Ilaah awooddiisa, xikamadiisa, caddaaladdiisa, naxariistiisa iyo jacaylkiisa. Qisooyinkani haddaba, waxay ku bilaabmayaan bilawgii abuurka dunida ilaa laga soo gaadhayo abuurkii Aadan iyo Xaawa iyo sidii ay denbiga ugu dhaceen. Markii haddaba, Ilaah uu iyaga kasoo saaray beer Ceeden, wuxuu Aadan iyo Xaawa u ballanqaaday Badbaadiye. Kaddib, Ilaah wuxuu axdi la dhigtay Ibraahim, isagoo sidoo kalena axdigaas cusboonaysiiyay oo la dhigtay Isxaaq iyo Yacquub. Hadana Ilaah wuxuu la hadlay Muuse, isagoo ugu yeedhay inuu reer banii-Israa’iil kasoo badbaadiyo cadaadiskii Fircoon ee Masar, kaddibna wuxuu u muujiyay oo siiyay sharciga. Markii reer banii-Israa’iil ay yimaadeen dhulkii Ilaah u ballanqaaday, waxay noqdeen kuwo Ilaah caasiyay oo kasoo horjeestay isaga. Ilaahna wuxuu doortay Daa’uud si uu iyaga boqor ugu noqdo, sidaasi darteedna isaga farcankiisa ayaa xukumay Israa’iil. Haddaba, Ilaah wuxuu iyaga u diray nebiyo badan kuwaasi oo iyaga ku waaninayay inay rumaystaan Ilaah oo dhawraan axdigiisa, iyo inay joojiyaan caabuditaanka sanamyada. Laakiinse markii reer banii-Israa’iil ay sii wadeen kasoo horjeedshada Ilaah, wuxuu iyaga Ilaah ku ciqaabay musaafiris. Haddaba, Ilaah naxariistiisa aawadeed wuxuu dadkiisa ku soo celiyey mar kale dhulkoodii ballanqaadka. Ugu dambayntiina, Ciise Masiix ayaa wuxuu yimid dunidan isagoo dhammaystiraya axdigii Ilaah la dhigtay nebiyadiisa qarniyo hore, sidaasi darteedna isaga ayaa ah kan aadanaha ka badbaadiyay denbiyadooda.
|

Si aad u soo dejisato faylka, dhanka midig ka riix falaar-wadaha ( mawska kombiyuutarkaaga), dabadeednna guji 'Save Target' si ay kuugu furanto meel aad kombiyuutarkaaga dhexdiisa ugu soo dejin karto ood ugu kaydsato faylka.
|