Nolosha Cusub
Skip Navigation Links
Skip Navigation LinksHoyga > Kitaabka Quduuska Ah Qof kale u dir Boggan iimayl ugu dir saaxiib  

Kitaabka Quduuska Ah

Walaalayaal, ma doonaysaan inaad fursad u heshaan akhriska Ereyga Eebbe? Qorshahayagu waa inaannu Kitaabka Quduuska ah ku soo bandhigno boggayaga/webkayaga. Haddii Eebbe idmo, waxaannu hawshaas ku dhamaystiri doonnaa lix bilood gudahooda.


Halkan waxaad akhrin kartid Kitaabka Quduuska ah oo si taxaddar leh loo turjumay afka-hooyada. Qasdiga Ilaah waa in Qawlkiisa loo turjumo luqud kasta, sababtoo ah ma jirto luuqad si khaas ah qoduus u ah in Baybalku ku qoranaado. Khaasnimada Baybalku kuma jirto nooca luuqada uu ku qoran yahay, laakiin waxay ku jirtaa akhbaarta Baybalka lafteeda. Af-Soomaaliga waa siman yahay af-Ingirisiga amaba af-Shiinaha, xataa af-Carbeed, sow ma aha?

Erayga la yiraahdo "Baybal" wuxuu ka yimid luuqada Griigga; kalmadda "Biblos" waxaana micnihiisu yahay "buug". Sidiisaba micnihiisa asliga ah haddii loo raaco wax saas ah oo lala yaabo kuma jiraan, waayo Baybal waa buug ama kitaab. Hase ahaatee Baybalku ma aha buug caadi ah, waana Kitaabka Qoduuska ah. Si khaas ah ayuu ku yimid. Wax hal qof hal luuqo sannadkoo ku qoray ma ahan, laakiin waxaa qoray qoraayaal kala duwan kuna qoray luuqada kala nooc ah wakhti dhan 1600 oo sannadood. Baybalku wuxuu ka kooban yahay 66 kutub. Kitaab kastaba wuxuu leeyahay taariikh gooni ah, hab gooni ah, wax gooniya oo ku qoran iyo erayo gooniya oo loo doortay. Matalan, kitaab baa wuxuu yahay gabay, mid waa taariikh, midna wuxuu sheegayaa mustaqbal ama waxa soo socda. Baybalka waxaa ku jira 66 kutub oo kala duwan, laakiin 66ka kutubba waa kuwo isku ujeeddo ah: "Ilaah oo nala hadlaya". Kulligood waxay muujinayaan akhbaarta Ilaah una sheegayaan qarni kasta iyo dadka oo dhan.

Saaxiibayaalow, Kitaabka Quduuska ah waxaa leeyahay laba qayb: Axdigii Hore iyo Axdiga Cusub. Axdigii Hore waxaa loo qoray wakhtiga nebi Muuse ilaa iyo nebi Malaakii [waa 400 sanno ka hor dhalashadii Sayid Ciise Masiix] Axdiga Cusub waxaa loo qoray rasuullada oo goobjoog ahaayeen nolosha Sayid Ciise Masiix. Axdigii Hore iyo Axdiga Cusub, labadaba waad u baahan tihiin. Ma aad garan kartid Axdiga Cusub kan Hore la'aantiis; mana aad garan kartid Axdigii Hore kan Cusub la'aantiis. Labada qaybood ee Kitaabka lama kala goyn karo.

Guji halkan si aad heshid Axdigii Hore
Guji halkan si aad heshid Axdiga Cusub

OGEYSIIS:

Hoos waxaa jira xiriir kuu geyn kara website kale. Markaad gaartid "e-Sword" fadlan hoos ka eeg liiska turjumaada luqadaha fara badan, ilaa aad gaartid "Modricker Somali Bible". Haddii aad bartaas gujisid, waxaad ka heli kartaa Kitaabka Quduuska Ah oo dhan kombiyuutarkaaga.

Guji halkan si aad heshid Kitaabka Quduuska Ah


"Rabbiyow, jidadkaaga i tus, Oo waddooyinkaagana i bar. Runtaada igu hoggaami, oo i bar, Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda, Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa. ." Sabuurka 25:4-5