Nolosha Cusub
Axdigii Hore

Kitaabka Quduuska ah wuxuu ka kooban yahay 66 kitaab, 39 waa Axdigii Hore. Kitaabadii Axdigii Hore oo dhammi way isla xiriiraan oo isku duuban yihiin. Sayid Ciise Masiix wuxuu si bayaan ah ugu sheegay xertiisii oo innagana maanta ina saamaynaya, in Axdigii Hore ku saabsan yahay isaga iyo imaanshihiisa iyo hawshiisa. Axdigii Hore waa Eebbe oo hadlaya, marka la soo koobana wuxuu ka hadlayaa oo uu ku saabsan yahay Masiixa. Axdigii Hore waxaa kale oo loogu yeeraa, is muujintii Ilaah isku muujiyey Masiixa. Kitaabkaas oo ka kooban: taariikh, qasiidooyin, waxyi iyo Ilaah ammaan. Haddii aad doonaysid inaad garato sida Ilaah isugu muujiyey Masiixa waa inaad Axdigii Hore si taxaddar leh u baratid.


Axdigii Hore wuxuu leeyahay afar qaybood:

Guji halkan si aad u heshid Tawreedda nebi Muuse
Guji halkan si aad u heshid Kutubta Taariikhda
Guji halkan si aad u heshid Kutubta habka Gabayga u qoran
Guji halkan si aad u heshid Kutubta Waxyiga




3 Rabbiyow, mahad baan kuugu naqi doonaa dadyowga dhexdooda,
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa quruumaha dhexdooda.
4 Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda,
Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha.
5 Ilaahow, samooyinka ka sarree,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,
6 Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed,
Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab
.
Sabuurka 108:3-6