|
Kutubta Taariikhda ah
OGEYSIIS:
Fayalka kutubtan kulligood ma bandhigan. Fadlan nala
dulqaad...waxaannu rajaynaynaa dhowr bil gudaheed inaannu dhammaystirno dhisidda
boggan.
Guji halkan si aad heshid Kitaabka Yashuuca
Kitaabka Yashuuca waxaa ku fushan ballanqaadkii Ilaah. Reer banii-Israa'iil
waxaa loo soo gacan galiyey dhulkii Kancaan. Waxay burbureen qaran farabadan oo
sanamcaabud ah.
Guji halkan si aad heshid Kitaabka Xaakinnada
Markuu Yashuuca dhintay, kaddib qof kastaa wuxuu sameeyey sidii uu isagu doono.
Dowlad rasmi ah kuma jirin waddankood. Hase ahaatee, Ilaah ballankiisa ma jabin
inkastoo dadkiisii ku caasiyoobay. Marar badan ayaa xaakinnada ka badbaadiyeen cadowgooda.
In badan ayaa xaakinnadu Ilaah xaggiisa u soo hoggaaminayeen.
Kitaabkii Ruut
Waa kitaabkan yar ee fiican oo isla xilliga Kitaabka Xaakiinnda, isna wuxuu ku saabsan yahay Ilaah oo waddada u diyaariyay Ciise Masiix. Naagtii dhallinyarada ahayd Ruut ee reer Moo'aab ayaa Ilaah dhanka Israa'iil u jaheeyey. Waxay ka mid tahay firkii nebi Daa'uud iyo Ciise dhanka hooyada.
Kitaabka 1aad & Kitaabka 2aad Samuu'eel
Kitaabka 1aad & Kitaabka 2aad Boqorradii
Kitaabka 1aad & Kitaabka 2aad Taariikhda
Kutubtanu waxay qorayaan taariikhdii reer banii-Israa'iil markay boqorradu xukumeen. Boqorkii ugu horreeyey, Saa'uul, waxaa caleema saaray xaakinkii ugu dambeeyey oo ahaa Samuu'eel. Markaa Saa'uul boqornimadiisa waxaa diiday Ilaah sababta oo ah wuxuu ahaa mid Ilaah ku caasiyey. Ilaah wuxuu boqor ka dhigay Daa'uud Boqor Daa'uud ka bacdi, waxaa boqor noqday Suleymaan [ama Saleebaan], ka bacdina farcankiisii. Xukunkii boqor Suleymaan ka bacdi Israa'iil waxay u kala dillaacday labo qaybood. Labadii qabiil ee Yahuudda iyo Benyaamiin, waxay raaceen wiilashii Daa'uud.
Tobankii qabiil ee kale waxaa u taliyey boqorro Ilaah aamminsan iyo kuwo caasiya. Hase ahaatee, boqorradu si kastoo ay ahaayeenba, dadka iyagu ma badbaadin karin. Dadku markay intii waqti ah Ilaah caabudaanba, marka dambe caasi ayey noqonayeen. Ilaah iyaga ciqaab ayuu dul saaray, isagoo idmay in tobankii qabiilba maxbuus ahaan dalka Ashuur loogu kaxaysto. Tobankaas qabiil dadkoodii waxay ku dhex qasmeen dadyowgii bariga. Boqol iyo konton sano kaddibna, labadii qabiil ee Yahuudah iyo Benyaamiin, ayaa iyagana maxaabiis ahaan waddankii Baabuloon loogu kaxaystay. Dalka Baabuloon iyo dalka Ashuurba waa meela ka mid ah dalka maanta loo yaqaan waddanka Ciraaq. Toddobaatan sano ka bacdi, xoogaa ka soo haray kuwii maxbuuska loo kaxaystay ayaa waddankooda ku soo noqday. Qabiiladaasi ma istaahilin in la soo cesho, laakiin Ilaah wuxuu ballanqaaday in Badbaadshuhu ka imaan doono qabiilka Yahuudah, waana ka yimid. Eebbe mar walba ballankiisii ayuu fuliyaa. Kitaabka Taariikhda ku taal qisada kitaabka Boqorrada oo kale. Laakiin inta badan kitaabtaasu waxay ku eg yihiin labada qabiil ee Yahuudah iyo Benyaamiin. Sida boqorradu u sameeyeen habka Ilaah caabudka dadka kutabtaas waa laga garan karaa. Waxaa kaloo laga garan karaa sida Ilaah joogto ahaan eraygiisa u kaydshay. Waana boqorka dhabta ah ee Israa'iil.
Kitaabkii Cesraa
Kitaabkii Nexemyaah
Kitaabkii Esteer
Waxay ka hadlayeen taariikhdii qabiilka Yahuudah ay maxbuuska ahaayeen iyo ka bacdi, gaar ahaan dib-u-dhisidda magaalada Al-Qudus oo ah Yeruusaalem. Markuu wadaadka Cesraa si cad u bareen sharciga, reer banii-Israa'iil way wada qirteen dembiyadooda.Mar kasta Ilaah wuxuu dadkiisa ka badbaadshaa khatar [gaar ahaan wakhtigii boqoradda Esteer. Baahida loo qabo badbaadshe waa soo badanaysaa.
|
"Rabbiyow, jidadkaaga i tus, Oo waddooyinkaagana i bar.
Runtaada igu hoggaami, oo i bar, Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda,
Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa.
." Sabuurka 25:4-5
|
|
|
|
|