Nolosha Cusub
Skip Navigation Links
JOS

YASHUUCA

Si aad u hesho cutubka aad rabtid, fadlan riix lambarka liiska:




1


Ilaah Wixii Uu Amray Yashuuca

1 Addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa markuu dhintay dabadeed, Rabbigu wuxuu la hadlay Yashuuca ina Nuun, oo Muuse midiidin u ahaa, oo wuxuu ku yidhi, 2 Addoonkaygii Muuse ahaa waa dhintay, haddaba kac, oo webigan Urdun ka tallaaba, adiga iyo dadkan oo dhammuba, oo waxaad u gudubtaan dalka aan siinayo iyaga, kuwaasoo ah reer binu Israa'iil. 3 Meel kasta oo aad cagta dhigtaanba waan idin siiyey, sidaan Muuse ugu sheegay. 4 Oo soohdintiinnu waxay noqon doontaa marka laga bilaabo cidlada, iyo Lubnaantan, iyo xataa tan iyo webiga weyn oo ah Webi Yufraad, iyo dalka reer Xeed oo dhan, iyo tan iyo badda weyn ee xagga qorraxdu u dhacdo. 5 Cimrigaaga oo dhan ninna isma kaa hor taagi kari doono. Sidaan Muuse ula jiray ayaan adigana kuula jiri doonaa. Kuma aan gabi doono, kumana aan dayrin doono. 6 Haddaba xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, waayo, dadkan waxaad dhaxalsiisaa dalkii aan ugu dhaartay awowayaashood inaan iyaga siiyo. 7 Xoog uun yeelo, oo aad u dhiirranow inaad dhawrtid oo aad yeeshid si waafaqsan sharcigii addoonkaygii Muuse kugu amray oo dhan. Si aad ugu liibaantid meel kastoo aad tagtidba, sharcigaas ha uga leexan midigta iyo bidixda toona. 8 Kitaabkan sharcigu waa inaanu afkaaga ka tegin, laakiinse waa inaad u fiirsataa habeen iyo maalinba, si aad u dhawrtid wax alla waxa ku qoran oo dhan, waayo, markaasaad jidkaaga ku barwaaqoobi doontaa, waanad liibaani doontaa. 9 Miyaanan kugu amrin? Xoog yeelo, oo aad u dhiirranow. Ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ahu wuu kula jiraa meel kastoo aad tagtidba.

10 Markaasaa Yashuuca wuxuu amray saraakiishii dadka, oo ku yidhi, 11 Bal xerada dhex mara, oo waxaad dadka ku amartaan, oo ku tidhaahdaan, Saadkiinna diyaarsada, waayo, saddex maalmood waa inaad kaga gudubtaan webigan Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu hanti ahaan idiin siinayo.

12 Oo Yashuuca wuxuu la hadlay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu ku yidhi, 13 Bal xusuusta eraygii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray isagoo leh, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idin nasinayaa, oo wuxuu idin siin doonaa dalkan. 14 Dumarkiinna, iyo dhallaankiinna, iyo xoolihiinnuba waxay joogi doonaan dalkii Muuse idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa, laakiinse raggiinna xoogga leh oo hubka sita oo dhammu waa inay walaalahood ka hor gudbaan, oo ay caawiyaan iyaga, 15 ilaa Rabbigu walaalihiin nasiyo, siduu idinkaba idiin nasiyey, oo ay iyana hantiyaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga siinayo; oo markaasaad ku soo noqon doontaan dalkii hantidiinna, oo waad hantiyi doontaan dalkii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa oo ah xagga qorrax ka soo baxa. 16 Markaasay Yashuuca ugu jawaabeen, Kulli wixii aad nagu amartay oo dhan waannu yeeli doonnaa, oo meel alla meeshii aad noo dirtoba waannu tegi doonnaa. 17 Oo sidii aannu Muuse wax walba uga dhegaysan jirnay ayaannu adigana kaaga dhegaysan doonnaa. Rabbiga Ilaahaaga ahu uun ha kula jiro siduu Muuse ula jiray oo kale. 18 Oo ku alla kii amarkaaga caasiya oo aan dhegaysan erayadaada iyo wax alla wixii aad ku amartid oo dhanba, kaas waa in la dilaa; laakiinse xoog yeelo oo aad u dhiirranow.

^ Dib u celi bilawga ^

2


Raxab Iyo Basaasiintii

1 Markaasaa Yashuuca ina Nuun wuxuu Shitiim si qarsoon uga diray laba nin oo basaasyo ah, oo wuxuu ku yidhi, Bal taga oo soo ilaaleeya dalka iyo magaalada Yerixoo. Markaasay tageen, oo waxay galeen guri naag dhillo ah oo magaceeda la odhan jiray Raxab, oo halkaasay jiifsadeen. 2 Oo markaasaa boqorkii Yerixoo loo sheegay oo lagu yidhi, Niman reer binu Israa'iil ah ayaa caawa magaalada yimid si ay dalka u ilaaleeyaan. 3 Markaasaa boqorkii Yerixoo cid u diray Raxab, oo ku yidhi, Soo bixi nimankii kuu yimid oo gurigaaga galay, waayo, waxay u yimaadeen si ay dalka oo dhan u ilaaleeyaan. 4 Laakiin naagtii mar horay kaxaysay labadii nin, wayna qarisay; oo waxay tidhi, Haah, nimankii waa ii yimaadeen, laakiinse ma aan garanaynin meel ay ka yimaadeen, 5 oo markii iridda la xidhi lahaa oo ay gudcur noqotay ayay nimankii baxeen. Meeshii nimankii tageenna anigu garan maayo; haddaba dhaqso u raacdeeya, waayo, waad gaadhi karaysaan. 6 Laakiinse waxay iyagii keentay saqafkii dushiisa, oo waxay ku qarisay caws linen la yidhaahdo oo ay qummaati ugu dhigtay saqafka dushiisa. 7 Nimankiina markaasay u raacdaysteen xagga Webi Urdun ilaa meeshii laga gudbi jiray; oo isla markii kuwii iyaga raacdaynayay baxeen ayaa iriddii la xidhay. 8 Oo intaanay seexan ka hor ayaa naagtii saqafkii ugu timid iyagii, 9 oo waxay nimankii ku tidhi, Anigu waan ogahay in Rabbigu dalka idin siiyey, oo cabsidiinnii baa nagu dhacday, iyo in kuwa dalka deggan oo dhammu ay hortiinna ku dhalaaleen. 10 Waayo, waxaannu maqalnay sidii Rabbigu hortiinna uga engejiyey biyihii Badda Cas, markii aad Masar ka soo baxdeen, iyo wixii aad ku samayseen labadii boqor oo Siixon iyo Coog oo ahaa reer Amor, ee joogay Webi Urdun shishadiisa, oo aad wada baabbi'iseen. 11 Oo isla markii aannu maqalnay ayaannu dhalaalnay, oo idinka daraaddiin ninna xoog kuma hadhin; maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaaha samada sare iyo dhulka hooseba jooga. 12 Haddaba sidaas daraaddeed waan idin baryayaaye, Rabbiga iigu dhaarta inaad reerka aabbahay ugu roonaanaysaan sidaan idiinku roonaaday oo kale, oo i siiya calaamo run ah; 13 iyo inaad badbaadinaysaan aabbahay, iyo hooyaday, iyo walaalahay, iyo waxay haystaan oo dhan, iyo inaad naftayada dhimasho ka samatabbixinaysaan. 14 Markaasaa nimankii waxay naagtii ku yidhaahdeen, Naftayadu waxay u bixi doontaa tiinna, haddaydnan sheegin xaalkayaga, oo markii Rabbigu dalka na siiyo roonaan iyo daacadnimo ayaannu kugula macaamiloon doonnaa. 15 Kolkaasay xadhig daaqadda kaga dhex dejisay, waayo, gurigeedu wuxuu ku yiil magaalada derbigeeda, oo waxay degganayd derbiga dushiisa. 16 Oo waxay iyagii ku tidhi, Buurta xaggeeda taga, yaan raacdadu idin heline, oo intii saddex maalmood ah halkaas ku dhuunta, ilaa ay raacdadu ka soo noqonayso; dabadeedna jidkiinna iska mara. 17 Kolkaasaa nimankii waxay iyadii ku yidhaahdeen, Bal ogow, annagu eed kuma yeelan doonno dhaartaadan aad nagu dhaarisay. 18 Markii aannu dalka nimaadno, xadhiggan dunta guduudan ah waa inaad ku xidhaa daaqaddii aad naga dejisay. Oo waa inaad guriga gudihiisa ku soo urursataa aabbahaa, iyo hooyadaa, iyo walaalahaa, iyo reerka aabbahaa oo dhan. 19 Oo waxay ahaan doontaa, in ku alla kii ka baxa albaabbada gurigaaga oo jidka maraba, uu dhiiggiisu ahaan doono dushiisa, oo annana aannan eed ku yeelanaynin, iyo in ku alla kii guriga kugula jira haddii far la saaro, uu dhiiggiisu dushayada ahaan doono. 20 Laakiinse haddaad xaalkayaga sheegto, de markaas eed kuma yeelan doonno dhaartaadii aad nagu dhaarisay. 21 Kolkaasay waxay ku tidhi, Sidaad tidhaahdeen ha ahaato. Kolkaasay iska dirtay, oo iyana way ka tageen; markaasay xadhiggii guduudnaa daaqaddii ku xidhay. 22 Kolkaasay tageen, oo waxay yimaadeen buurtii, oo halkaasay saddex maalmood joogeen, ilaa ay raacdadii ka soo noqotay; oo raacdadiina jidka oo dhan bay ka doondooneen, laakiinse ma ay helin. 23 Markaasaa labadii nin noqdeen; buurtii bay ka degeen, oo intay webigii gudbeen ayay u yimaadeen Yashuuca ina Nuun; kolkaasay u sheegeen wixii ku dhacay oo dhan. 24 Oo waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Sida runta Rabbigu dalka oo dhan gacmaheennuu geliyey, oo weliba, kuwa dalka deggan oo dhammu horteenay ku dhalaalayaan kulligood.

^ Dib u celi bilawga ^

3


Ka Gudbiddii Webiga Urdun

1 Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo Shitiim way ka guureen, oo Webi Urdun yimaadeen, isagii iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo halkaasay degeen intaanay gudbin ka hor. 2 Oo saddex maalmood dabadeed saraakiishii xeraday dhex mareen, 3 oo waxay dadkii ku amreen oo ku yidhaahdeen, Markaad aragtaan sanduuqii axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah, iyo wadaaddada reer Laawi oo isaga sida waa inaad meeshiinna ka guurtaan, oo daba gashaan isaga. 4 Oo weliba waa in meel bannaan oo qiyaasteedu dhan tahay laba kun oo dhudhun idiin dhexaysaa idinka iyo sanduuqa. Ha u soo dhowaanina isaga, si aad u ogaataan jidkii aad mari lahaydeen; waayo, idinku hadda ka hor ma aydaan marin jidkan. 5 Markaasaa Yashuuca wuxuu dadkii ku yidhi, Quduus iska dhiga, waayo, berri Rabbigu wuxuu dhexdiinna ku samayn doonaa waxyaalo yaab leh. 6 Oo Yashuuca wadaaddadii buu la hadlay, oo ku yidhi, Sanduuqa axdiga qaada, oo dadka ka hor gudba. Kolkaasay waxay qaadeen sanduuqii axdiga, oo dadkiina way ka hor mareen. 7 Markaasaa Rabbigu Yashuuca ku yidhi, Maantaan bilaabayaa inaan kugu weyneeyo reer binu Israa'iil hortooda, inay ogaadaan in sidii aan Muuse ula jiray, aan adigana kuula jiri doono. 8 Oo waa inaad amartaa wadaaddada sanduuqa axdiga sida, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii aad gaadhaan biyaha Webi Urdun qarkooda waa inaad Webi Urdun isdhex taagtaan.

9 Markaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Kaalaya halkan, oo maqla erayada Rabbiga Ilaahiinna ah. 10 Oo Yashuuca wuxuu yidhi, Sidan baad ku ogaan doontaan in Ilaaha nool idin dhex joogo, iyo inuu shakila'aan hortiinna ka eryi doono reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Xiwi, iyo reer Feris, iyo reer Girgaash, iyo reer Amor, iyo reer Yebuus. 11 Bal eega, Rabbiga dhulka oo dhan sanduuqiisii axdiga ayaa idin hor maraya xagga Webi Urdun dhexdiisa. 12 Haddaba sidaas daraaddeed laba iyo toban nin ka soo bixiya qabiilooyinka reer binu Israa'iil, qabiil walba nin. 13 Oo markii wadaaddada sida sanduuqa Rabbiga ah Rabbiga dhulka oo dhan ay calaacalaha cagahoodu taabtaan biyaha Webi Urdun, ayaa biyaha Webi Urdun kala go'i doonaan, kuwaasoo ah biyaha kor ka imanaya, oo markaasay meel istaagi doonaan iyagoo tuulan. 14 Oo markii dadku ka tegey teendhooyinkooda si ay Webi Urdun uga gudbaan aawadeed, iyadoo ay ka horreeyaan wadaaddada sida sanduuqii axdiga, 15 oo markii kuwa sanduuqa sida ay soo gaadheen Webi Urdun, oo wadaaddada sida sanduuqa ay cagahoodu galeen biyaha qarkooda, (waayo, xilliga waxgoosashada oo dhan Webi Urdun qararkiisa oo dhan buu buuxdhaafaa) 16 ayay biyaha kor ka imanayay istaageen, iyagoo tuulan, oo meel aad u fog bay istaageen oo u dhow magaalada la yidhaahdo Aadaam oo ku ag taal Saaretaan. Kuwii hoos u kacay xagga badda Caraabaah, taasoo ah Badda Cusbada leh, iyana kulligood waa go'een; oo dadkii wuxuu u gudbay meel ku toosan Yerixoo. 17 Oo wadaaddadii siday sanduuqii axdiga Rabbiga waxay istaageen dhul engegan oo Webi Urdun dhexdiisa ah, oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku gudbeen dhul engegan, ilaa ay quruuntii oo dhammu ka wada gudubtay Webi Urdun.


^ Dib u celi bilawga ^

4

1 Oo markii quruuntii oo dhammu ay ka wada gudubtay Webi Urdun, ayaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi, 2 Dadka kala bax laba iyo toban nin, qabiil walba nin, 3 oo waxaad iyaga ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Webi Urdun dhexdiisa oo ah meeshii cagaha wadaaddadu istaageen, waxaad ka qaaddaan laba iyo toban dhagax, oo waxaad ula gudubtaan dhanka kale, oo waxaad dhigtaan meeshaad caawa ku dhaxaysaan. 4 Markaasaa Yashuuca u yeedhay laba iyo tobankii nin, oo uu ka diyaariyey reer binu Israa'iil, oo qabiil walbana nin buu ka soo soocay. 5 Oo Yashuuca wuxuu ku yidhi iyagii, Ka hor gudba sanduuqa Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waxaad tagtaan Webi Urdun dhexdiisa, oo midkiin waluba dhagax garabka ha ku qaado, inta reer binu Israa'iil qabiilooyinkooda tiradoodu tahay, 6 in taasu idiin ahaato calaamo idin dhex taal, oo wakhtiga soo socda markii carruurtiinnu idin weyddiiyaan, oo idinku yidhaahdaan, Maxaad ula jeeddaan dhagaxyadan? 7 Waxaad ku odhan doontaan, Sababtu waxa weeye, biyihii Webi Urdun baa ku hor kala go'ay sanduuqa axdiga Ilaah; oo markii uu ka gudbayay Webi Urdun ayay biyihii Webi Urdun kala go'een; oo dhagaxyadanu xusuus bay u ahaan doonaan reer binu Israa'iil weligood. 8 Oo reer binu Israa'iil waxay yeeleen sidii Yashuuca ku amray, oo waxay Webi Urdun dhexdiisa ka qaadeen laba iyo toban dhagax, oo ah intii qabiilooyinka reer binu Israa'iil tiradoodu ahayd sidii Rabbigu u sheegay Yashuuca, oo waxay u gudbiyeen meeshii ay ku dhaxeen, oo halkaasay dhigeen. 9 Oo Yashuuca wuxuu laba iyo toban dhagax qotomiyey Webi Urdun dhexdiisa, taasoo ah meeshii wadaaddada sida sanduuqa axdiga ay cagahoodu istaageen; oo ilaa maantadan weli meeshii bay jiraan. 10 Waayo, wadaaddadii siday sanduuqa waxay istaageen Webi Urdun dhexdiisa, ilaa ay dhammaadeen wax waluba wixii Rabbigu ku amray Yashuuca inuu dadka kula hadlo, sidii wixii Muuse ku amray Yashuuca oo dhan, oo dadkiina way degdegeen oo gudbeen. 11 Oo waxaa dhacday markii ay dadkii oo dhammu wada gudbeen inuu sanduuqii Rabbiguna gudbay, isaga iyo wadaaddadiiba, dadkii oo arka. 12 Oo reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis ayaa reer binu Israa'iil ka hor gudbay, iyagoo hub leh, sidii Muuse kula hadlay iyaga. 13 Qiyaas afar kun oo nin oo hub leh oo dagaal diyaar u ah ayaa Rabbiga hortiisa ka gudubtay oo dagaal ugu kacday xagga bannaanka Yerixoo. 14 Oo maalintaas Rabbigu wuxuu Yashuuca ku weyneeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda; oo cimrigiisii oo dhanba way ka cabsadeen isagii, sidii ay Muuse uga baqi jireen oo kale.

15 Markaasaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi, 16 Wadaaddada sanduuqa maragga sida waxaad ku amartaa inay ka soo baxaan Webi Urdun. 17 Oo sidaas daraaddeed Yashuuca baa amray wadaaddadii, oo ku yidhi, Ka soo baxa Webi Urdun. 18 Oo markii wadaaddadii siday sanduuqa axdigii Rabbiga ay ka soo dhex bexeen Webi Urdun, oo ay cagaha u qaadeen dhul engegan, ayay biyihii Webi Urdun meeshoodii ku soo noqdeen, oo ay qararkiisii oo dhan ka daateen sidii markii hore. 19 Oo dadku waxay Webi Urdun ka soo bexeen maalintii tobnaad oo bishii kowaad, oo waxay degeen Gilgaal oo xagga bari ka xigta Yerixoo. 20 Oo laba iyo tobankii dhagax oo ay ka soo qaadeen Webi Urdun dhexdiisa ayuu Yashuuca qotomiyey Gilgaal. 21 Markaasuu ka hadlay reer binu Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Wakhtiga soo socda markii carruurtiinnu aabbayaashood weyddiiyaan, oo yidhaahdaan, Maxaad ula jeeddaan dhagaxyadan? 22 Waxaad carruurtiinna ogeysiisaan, oo ku tidhaahdaan, Reer binu Israa'iil Webigan Urdun waxay kaga soo gudbeen dhul engegan. 23 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah baa hortiinna ka engejiyey biyihii Webi Urdun, ilaa aad ka soo gudubteen, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu u galay Badda Cas oo kale, tii uu hortayada ka engejiyey ilaa aannu ka gudubnay, 24 si ay dadka dhulka jooga oo dhammu u ogaadaan gacanta Rabbigu inay xoog badan tahay; oo ay weligood uga cabsadaan Rabbiga Ilaahiinna ah.

^ Dib u celi bilawga ^

5


Gudniinkii Laga Sameeyey Gilgaal

1 Oo boqorradii reer Amor oo dhan oo joogay Webi Urdun xaggiisa shishe oo galbeed, iyo boqorradii reer Kancaan oo dhan oo badda dhinaceeda degganaa, markay maqleen sida Rabbigu biyihii Webi Urdun u engejiyey reer binu Israa'iil hortooda ilaa aannu soo wada gudubnay, ayay wada dhalaaleen, oo xoog dambena kuma jirin, reer binu Israa'iil aawadood.

2 Oo markaasuu Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Waxaad samaysaa mindiyo dhagax adag ah, oo reer binu Israa'iil haddana ku gud mar labaad. 3 Markaasaa Yashuuca wuxuu samaystay mindiyo dhagax adag ah, oo wuxuu reer binu Israa'iil ku guday meel la yidhi Buurta Buuryada. 4 Oo Yashuuca sababtii uu u gudayna waxay ahayd sidan: dadkii dalkii Masar ka soo baxay oo dhammu, intii labka ahayd, xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo dhammuba waxay ku dhinteen cidlada intay jidka ku jireen markay Masar ka soo bexeen dabadeed. 5 Oo dadkii soo baxay oo dhammu way gudnaayeen; laakiinse kulli dadkii cidlada ku dhashay intay jidka ku jireen markay Masar ka soo bexeen dabadeed, kuwaas lama gudin. 6 Waayo, reer binu Israa'iil waxay cidlada dhex socdeen afartan sannadood, ilaa quruuntii oo dhan ay ka dhammaadeen xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo Masar ka soo baxay oo dhammu, waayo, waxay maqli waayeen codkii Rabbiga; kuwaas oo Rabbigu ugu dhaartay inaanu u oggolaanayn inay arkaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashood inuu annagana siin doono, dalkaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan. 7 Oo carruurtoodii oo uu Rabbigu meeshoodii ka kiciyey, ayaa Yashuuca guday; maxaa yeelay, waxay ahaayeen buuryoqab, waayo, jidka laguma soo gudin. 8 Oo markay quruuntii oo dhan wada gudeen, waxay iska joogeen meelahoodii ahaa xerada dhexdeeda ilaa ay ka bogsadeen. 9 Oo Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Maantaan idinka rogay ceebtii Masar, oo sidaas daraaddeed meeshaas ilaa maantadan la joogo waxaa lagu magacaabaa Gilgaal.

10 Oo reer binu Israa'iil waxay degeen Gilgaal; oo bisha maalinteedii afar iyo tobnaad markay fiidkii ahayd ayay bannaankii Yerixoo ku sameeyeen Iiddii Kormaridda. 11 Oo maalintii Iidda Kormaridda ka dambaysay waxay cuneen hadhuudhkii dalkii ka baxay, kaas oo ahaa kibis aan khamiir lahayn, iyo hadhuudh la dubay, maalintaas qudheeda. 12 Oo maannadiina maalintii dambe ayay ka joogsatay, markay cuneen hadhuudhkii dalkii ka baxay dabadeed, oo reer binu Israa'iilna ma ay helin maanna dambe, laakiinse sannaddaas waxay cuneen midhihii dalkii Kancaan ka baxay.

Qabsashadii Yerixoo

13 Oo markii Yashuuca joogay Yerixoo agteeda ayuu indhihiisa kor u taagay oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay nin isaga ka soo hor jeeda oo seeftiisii oo gal la' gacanta ku haysta. Markaasaa Yashuuca intuu u tegey ku yidhi, War ma annagaad nala gees tahay mise colkayagaad la gees tahay? 14 Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Maya; laakiinse waxaan haatan u imid inaan madax u ahaado ciidanka Ilaah. Markaasaa Yashuuca wejigiisii dhulka saaray, wuuna sujuuday, oo wuxuu isagii ku yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad anoo addoonkaaga ah igu odhan lahayd? 15 Markaasaa kii ciidanka Rabbiga madax u ahaa wuxuu Yashuuca ku yidhi, Kabtaada iska siib, waayo, meeshaad ku taagan tahay waa quduus. Oo Yashuucana sidaasuu yeelay.


^ Dib u celi bilawga ^

6

1 (Haddaba Yerixoo waxaa loo xidhay reer binu Israa'iil aawadood; oo lamana geli jirin, lagamana bixi jirin.) 2 Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Bal eeg, adigaan gacanta kuu geliyey Yerixoo, iyo boqorkeeda, iyo ragga xoogga leh. 3 Oo waa inaad magaalada hareeraysaan, oo raggiinna dagaalyahannada ah oo dhammu magaalada mar ku soo wareega. Oo sidaas waxaad yeeshaan lix maalmood. 4 Oo toddoba wadaad waa inay sanduuqa hortiisa socdaan iyagoo wata toddoba buun oo wanan geesahood ah, oo maalinta toddobaad waa inaad magaalada ku soo wareegtaan toddoba jeer, oo wadaaddaduna waa inay buunanka afuufaan. 5 Oo markay aad u afuufaan buunanka wananka geesahooda ah, oo idinku aad maqashaan dhawaaqa buunka, dadka oo dhammu qaylo dheer waa inay ku qayliyaan, oo markaasaa derbiga magaaladu meeshiisa ku dhici doonaa, dadkuna waa inuu nin waluba hortiisa qummaati ugu socdaa. 6 Markaasaa Yashuuca ina Nuun wadaaddadii u yeedhay, oo ku yidhi, Sanduuqa axdiga kor u qaada, oo sanduuqa Rabbiga toddoba wadaad ha la hor socdeen toddoba buun oo wanan geesahood ah. 7 Oo waxay dadkii ku yidhaahdeen, Socda oo magaalada hareereeya, oo ragga hubka sitaana ha ka hor mareen sanduuqa Rabbiga. 8 Oo sidii bay noqotay. Markii Yashuuca la hadlay dadkii waxaa socday oo Rabbiga hortiisa maray toddobadii wadaad oo sidda toddobadii buun oo wanan geesahood ah; oo waxay afuufeen buunankii; oo sanduuqii axdiga Rabbiguna waa lala daba socday. 9 Oo raggii hubka sitayna waxay hor socdeen wadaaddadii buunanka afuufayay, oo ururkii intiisii kalena waxay daba socdeen sanduuqa, oo wadaaddaduna buunankay afuufayeen intay socdeen. 10 Oo Yashuuca wuxuu dadkii ku amray oo ku yidhi, Waa inaydnaan qaylin, codkiinnana waa inaan la maqlin, afkiinnana eray qudh ah yaanu ka soo bixin, ilaa maalintii aan idinku amro inaad qaylisaan; oo markaas waa inaad qaylisaan. 11 Oo sidaasuu sanduuqii Rabbiga ugu soo wareejiyey magaaladii, oo mar bay ku soo wareegeen hareeraheeda; oo markaasay ku noqdeen xeradii, waxayna u hoydeen xeradii.

12 Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo wadaaddadiina waxay kor u qaadeen sanduuqii Rabbiga. 13 Toddobadii wadaad oo sidday toddobadii buun oo wanan geesahood ahna, waxay had iyo goorba hor socdeen sanduuqii Rabbiga, oo waxay afuufeen buunankii; oo raggii hubka sitayna iyagay ka horreeyeen; ururkii intiisii kalena waxay daba socdeen sanduuqii Rabbiga, wadaaddaduna waxay afuufayeen buunankii intay socdeen. 14 Oo maalintii labaadna mar bay ku soo wareegeen magaaladii, oo waxay ku noqdeen xeradii; oo sidaasay intii lix maalmood ah yeeleen. 15 Oo maalintii toddobaad aroor horay keceen markii waagu beryay, oo sidii oo kale ayay magaaladii toddoba jeer ugu soo wareegeen; laakiin maalintaas ayay magaalada toddoba jeer ku soo wareegeen. 16 Oo markii toddobaad, markii wadaaddadii afuufeen buunankii ayaa Yashuuca dadkii ku yidhi, Qayliya, waayo, Rabbigu waa idin siiyey magaalada. 17 Oo magaalada waa inay xaaraan ka noqoto cid kale Rabbiga mooyaane, iyada iyo waxa gudaheeda ku jiraba; waxaa keliyahoo ka noolaanaya dhillada la yidhaahdo Raxab iyo inta guriga kula jirta oo dhan, maxaa yeelay, waxay qarisay basaasyadii aannu dirnay. 18 Oo idinku waa inaad si walba isaga dhawrtaan waxa la xarrimay, waayo, waaba intaasoo markii aad xarrintaan, aad haddana wax ka qaadataan alaabtii la xarrimay. Sidaas haddaad yeeshaan waxaad xaaraan ka dhigi doontaan oo aad dhibi doontaan xerada reer binu Israa'iil. 19 Laakiinse lacagta, iyo dahabka, iyo alaabta naxaasta iyo birta ah oo dhammu waxay quduus u yihiin Rabbiga, oo iyaga waa in la soo geliyaa khasnadda Rabbiga. 20 Sidaas daraaddeed dadkii way qayliyeen, oo wadaaddadiina buunankii bay afuufeen, oo markii dadkii maqleen dhawaaqii buunka ayaa dadkii ku qayliyey qaylo dheer, oo markaasaa derbigii meeshiisii ku dhacay, oo sidaasay dadkiina ku galeen magaaladii, oo nin waluba hortiisuu qummaati ugu socday, oo magaaladii bay qaateen. 21 Markaasay wax alla wixii magaalada ku jiray wada baabbi'iyeen, raggii iyo dumarkii, iyo dhallinyaradii iyo kuwii da'da weynaaba, iyo dibidii iyo idihii, iyo dameerradiiba, kulli waxay ku laayeen seef. 22 Oo Yashuuca wuxuu ku yidhi labadii nin oo dalka soo basaastay, Gurigii dhillada gala, oo ka soo bixiya naagtii, iyo wax alla waxa ay haysato sidii aad iyada ugu dhaarateen. 23 Oo markaasay dhallinyaradii basaasyada ahaa gurigii galeen oo soo bixiyeen Raxab, iyo aabbeheed iyo hooyadeed, iyo walaalaheed, iyo wixii ay haysatay oo dhan, oo qaraabadeedii oo dhanna way soo bixiyeen, oo waxay geeyeen xeradii reer binu Israa'iil dibaddeeda. 24 Markaasay magaaladii iyo wixii ku jirayba dab ku gubeen, oo waxay keliyahoo khasnaddii Rabbiga geliyeen lacagtii iyo dahabkii, iyo alaabtii naxaasta iyo birta ahayd. 25 Laakiinse wuxuu Yashuuca badbaadiyey dhilladii Raxab, iyo reerkii aabbeheed, iyo wixii ay haysatay oo dhan, oo ilaa maantadan la joogo waxay dhex deggan tahay reer binu Israa'iil, waayo, waxay qarisay basaasyadii Yashuuca u diray inay Yerixoo soo basaasaan. 26 Markaasaa Yashuuca dhaariyey, oo wuxuu iyagii ku amray, oo ku yidhi, Kii kaca oo dhisa magaalada Yerixoo Rabbiga hortiisa inkaaru ha ku dhacdo. Markuu aasaaskeeda dhigo curadkiisuu waayi doonaa, markuu irdaheeda dhisona wiilkiisa ugu yar. 27 Haddaba Rabbigu wuxuu la jiray Yashuuca, oo warkiisiina wuxuu gaadhay dalkii oo dhan.

^ Dib u celi bilawga ^

7


Dembigii Caakaan

1 Laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku xadgudbeen alaabtii la xarrimay, waayo, waxaa alaabtii la xarrimay qaar qaatay Caakaan ina Karmii, ina Sabdii, oo ahaa ina Serax, oo ahaa qabiilka Yahuudah; oo markaasaa Rabbigu aad ugu cadhooday reer binu Israa'iil.

2 Oo Yashuuca wuxuu niman ka diray Yerixoo oo u diray Aacii, taasoo ku tiil Beytaawen dhinaceeda, oo xagga bari ka jirtay Beytel. Oo intuu la hadlay wuxuu iyagii ku yidhi, Bal taga oo dalka soo basaasa. Oo nimankii intay tageen ayay Aacii soo basaaseen. 3 Oo markaasay Yashuuca ku soo noqdeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Dadka oo dhammu yaanay wada tegin; laakiinse laba ama saddex kun oo nin ha tageen, oo ha baabbi'iyeen Aacii; oo dadka oo dhan halkaas ha ku daalin, maxaa yeelay, iyagu way yar yihiin. 4 Sidaas daraaddeed waxaa dadkii ka tegey oo halkaas u kacay in saddex kun oo nin ku dhow, oo waxay ka hor baqdeen dadkii reer Aacii. 5 Oo markaasaa dadkii reer Aacii waxay iyagii ka laayeen lix iyo soddon nin; oo magaalada iriddeedii ayay ka eryadeen tan iyo Shebaariim, oo waxay ku laayeen meesha dhaadhaca ah, markaasaa dadkii qalbigiisii dhalaalay, oo biyo oo kale noqday. 6 Markaasaa Yashuuca intuu dharkiisii jeexjeexay ayuu wejiga dhulka saaray oo wuxuu ku hor sujuuday sanduuqii Rabbiga tan iyo fiidkii, isaga iyo waayeellada reer binu Israa'iilba; oo waxay madaxa iska mariyeen boodh. 7 Markaasaa Yashuuca wuxuu yidhi, Way, Sayidow, Rabbiyow, ma waxaad dadkan Webi Urdun uga soo gudbisay inaad nagu riddo gacmaha reer Amor iyo inaad na halligto? Waxaa noo wanaagsanaan lahaa inaannu degno Webi Urdun shishadiisa oo halkaas raalli ku ahaanno. 8 Sayidow, maxaan idhaahdaa mar hadday reer binu Israa'iil cadaawayaashoodii dhabarka u jeediyeen? 9 Maxaa yeelay, reer Kancaan iyo kuwa dalka deggan oo dhammu waxay maqli doonaan warkaas, oo markaasay na hareerayn doonaan oo ay magacayaga dhulka ka tiri doonaan; oo markaas maxaad u samaynaysaa magacaaga weyn? 10 Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Sara joogso, maxaad sidaas wejigaaga isugu tuurtay? 11 Reer binu Israa'iil way dembaabeen; xataa weliba waxay ku xadgudbeen axdigaygii aan iyaga ku amray; xataa waxay wax ka qaadeen alaabtii la xarrimay, oo wax bay xadeen, khiyaanana way sameeyeen, oo waxay weliba ku dhex darsadeen alaabtoodii. 12 Oo sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil cadaawayaashooda isma hor taagi karaan, oo cadaawayaashooday dhabarka u jeediyeen, maxaa yeelay, waxay noqdeen wax la xarrimay. Anigu mar dambe idinla jiri maayo, inaad alaabtii la xarrimay dhexdiinna ka baabbi'isaan mooyaane. 13 Kac, oo dadka quduus ka dhig, oo waxaad ku tidhaahdaa, Berri quduus iska dhiga, waayo, Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, waxaa idinku dhex jira alaab la xarrimay, oo isma aad hor taagi kartaan cadaawayaashiinna, ilaa aad dhexdiinna ka fogaysaan alaabtii la xarrimay. 14 Haddaba aroorta waxaa laydiin soo dhowayn doonaa qabiil qabiil, oo qabiilkii Rabbigu soo sooco ha ii soo dhowaado iyagoo reer reer ah; oo haddana reerkii Rabbigu soo sooco, ha iigu soo dhowaadeen xaas xaas; oo haddana xaaskii Rabbigu soo sooco nin nin ha iigu soo dhowaadeen. 15 Oo kii laga helo alaabtii la xarrimay dab baa lagu gubi doonaa isaga iyo wuxuu haysto oo dhanba; maxaa yeelay, wuxuu ku xadgudbay axdigii Rabbiga, oo wuxuu reer binu Israa'iilna ku dhex sameeyey xumaan.

16 Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo wuxuu reer binu Israa'iil u soo dhoweeyey qabiil qabiil, oo markaasaa waxaa la soocay qabiilkii Yahuudah. 17 Markaasuu hadda wuxuu soo dhoweeyey qabiilkii Yahuudah; oo wuxuu ka soocay reerkii Serax. Markaasuu xaaskii Serax u soo dhoweeyey nin nin, oo waxaa lala baxay Sabdii. 18 Markaasuu reerkiisii nin nin u soo dhoweeyey, kolkaasaa waxaa la soocay Caakaan ina Karmii, ina Sabdii, oo ahaa ina Serax ee qabiilkiisuna ahaa Yahuudah. 19 Markaasaa Yashuuca wuxuu Caakaan ku yidhi, Wiilkaygiiyow, waan ku baryayaaye, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ammaan, oo isaga wax u qiro; oo anna hadda ii sheeg waxaad samaysay, oo ha iga qarinin. 20 Markaasaa Caakaan wuxuu Yashuuca ugu jawaabay, Sida runta ah waan ku dembaabay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo waxaan sameeyey sidaas iyo sidaas: 21 markaan alaabtii boolida ahayd ku dhex arkay dhar wanaagsan oo Baabuloon laga keenay, iyo laba boqol oo sheqel oo lacag ah, iyo waslad dahab ah oo miisaankeedu yahay konton sheqel ayaan damcay, oo qaatay, oo bal eeg waxay haatan ku qarsoon yihiin dhulka meel teendhadayda dhexdeeda ah, lacagtuna way ka hoosaysaa. 22 Markaasaa Yashuuca cid u diray, oo teendhaday ku ordeen, oo bal eeg, alaabtii waxay ku qarsoonayd teendhadiisii, oo waxaa ka hoosaysay lacagtii. 23 Oo markaasay ka bixiyeen teendhadii dhexdeedii, oo waxay u keeneen Yashuuca, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxay hor dhigeen Rabbiga. 24 Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhan oo isaga la jira waxay qaadeen Caakaan ina Serax, iyo lacagtii, iyo dharkii, iyo wasladdii dahabka ahayd, iyo Caakaan wiilashiisii, iyo gabdhihiisii, iyo dibidiisii, iyo dameerradiisii, iyo idihiisii, iyo teendhadiisii, iyo wixii uu haystay oo dhan; oo waxay keeneen dooxadii Caakoor. 25 Markaasaa Yashuuca wuxuu yidhi, War maxaad noo dhibtay? Rabbiguna maantuu ku dhibi doonaaye. Markaasaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay isaga la dheceen dhagaxyo; oo haddana waxay iyaga ku gubeen dab, oo dhagaxyona way la dheceen. 26 Oo waxay ku kor tuuleen dhagaxyo badan oo jira ilaa maantadan la joogo. Markaasaa Rabbigu ka soo noqday cadhadiisii kululayd. Sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Dooxadii Caakoor, oo waa loo yaqaanna ilaa maantadan la joogo.

^ Dib u celi bilawga ^

8


Aacii Oo La Baabbi'iyey

1 Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Ha cabsan, hana qalbi jabin. Ragga dagaalyahannada ah oo dhan kaxayso, oo kac oo waxaad tagtaa xagga Aacii, oo bal eeg, adigaan gacanta ku geliyey boqorka Aacii, iyo dadkiisa, iyo magaaladiisa, iyo dalkiisaba; 2 oo Aacii iyo boqorkeedaba waxaad ku samaysaa wixii aad ku samaysay Yerixoo iyo boqorkeedii; alaabteeda iyo xoolaheedase waa inaad dhacdaan oo qaadataan. Oo magaalada xagga dambe ka gaad. 3 Sidaas daraaddeed Yashuuca waa kacay, isagii iyo raggii dagaalyahannada ahaa oo dhammu, si ay Aacii u tagaan, oo Yashuuca wuxuu dooray soddon kun oo nin oo ah rag xoog leh, oo wuxuu diray goor habeennimo ah. 4 Oo wuxuu ku amray oo ku yidhi, Bal maqla, waxaad gaaddaan magaalada xaggeeda dambe, oo ha ka fogaanina magaalada, laakiinse kulligiin diyaar ahaada; 5 oo aniga iyo dadka ila jira oo dhammuba waxaannu u dhowaan doonnaa magaalada, oo markay dibadda noogu soo baxaan sida kolkii ugu horraysay, waannu ka carari doonnaa hortooda. 6 Markaasay na soo eryan doonaan ilaa aannu iyaga magaalada ka fogayno; waayo, waxay is-odhan doonaan, Sidii markii ugu horraysay bay naga cararayaan, oo sidaasaannu uga hor carari doonnaa iyaga. 7 Oo markaas waa inaad gaadmada ka timaadaan, oo aad magaalada qabsataan, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa gacanta idiin gelin doona iyada. 8 Oo markii aad magaalada qabsataan, waa inaad dab qabadsiisaan magaalada, oo waxaad yeeshaan si waafaqsan ereyga Rabbiga; bal eega, sidaasaan idinku amraye. 9 Markaasaa Yashuuca iyagii diray; oo waxay tageen meeshii gaadmada, oo waxay joogeen meel u dhaxaysa Beytel iyo Aacii, oo galbeed ka xigta Aacii; laakiinse habeenkaas Yashuuca dadkii buu ku dhex baryay.

10 Kolkaasaa Yashuuca aroor hore kacay, oo dadkii isu ururiyey, oo isagii iyo waayeelladii reer binu Israa'iil waxay dadkii u hor kaceen xaggii Aacii. 11 Oo dadkii dagaalyahannada ahaa oo dhan oo ah kuwii isaga la jiray way wada tageen oo intay soo dhowaadeen ayay magaaladii hor yimaadeen, oo waxay degeen dhinaca woqooyi oo Aacii; oo dooxo baa u dhexaysay isaga iyo Aacii. 12 Markaasuu wuxuu kaxaystay rag shan kun ku dhow, oo wuxuu gaadmo u diray meel u dhexaysa Beytel iyo Aacii, oo magaalada ka xigta xagga galbeed. 13 Markaasay diyaariyeen dadkii oo dhan, xataa ciidankii magaalada xagga woqooyi ka xigay oo dhan, iyo kuwoodii gaadmada ugu qarsoonaa magaalada xaggeeda galbeed, oo Yashuucana habeenkaas wuxuu dhaxay dooxadii dhexdeeda. 14 Oo markii boqorkii Aacii taas arkay, ayay isaga iyo dadkiisa oo dhammu aroor hore keceen oo dhaqsadeen, oo markaasay dadkii magaaladu dagaal ugu bexeen reer binu Israa'iil wakhtigii la yidhi, oo waxay wada tageen meel ka horraysa Caraabaah, laakiinse ma uu ogayn in rag gaadmo ugu qarsoon yahay magaalada dabadeeda. 15 Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay iska dhigeen sidii iyagoo laga adkaaday, oo waxay ku carareen xaggii jidka cidlada. 16 Markaasaa dadkii magaalada joogay oo dhan waxaa loogu wada yeedhay inay eryadaan reer binu Israa'iil, oo intay Yashuuca eryanayeen ayaa iyagii laga fogeeyey magaaladii. 17 Oo nin keliyahu kuma hadhin Aacii iyo Beytel toona, oo aan daba gelin reer binu Israa'iil; oo magaaladii oo furan bay ka tageen, oo waxay eryadeen reer binu Israa'iil. 18 Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Waranka gacantaada ku jira xagga Aacii ku taag, waayo, adigaan gacanta kuu gelin doonaa Aacii. Markaasaa Yashuuca warankii gacantiisa ku jiray wuxuu ku taagay xaggii magaalada. 19 Markaasaa haddiiba raggii gaadmada u qarsoonaa ka soo bexeen meeshoodii ay ku jireen, oo markuu gacanta taagay ayay haddiiba soo ordeen, oo waxay galeen magaaladii, wayna qabsadeen; oo intay dhaqsadeen ayay magaaladii dab qabadsiiyeen. 20 Oo dadkii reer Aacii markay dib u eegeen ayay waxay arkeen qiiqii magaalada oo samada kor ugu baxaya, oo mana ay lahayn xoog ay ugu cararaan xaggan ama xaggaa; oo dadkii u cararay xagga cidlada waxay dib ugu soo jeesteen raacdadii daba joogtay. 21 Oo markii Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu arkeen in raggii gaadmada ahaa ay magaaladii qabsadeen, iyo in magaalada qiiqeedii kor u baxay, ayay dib u soo noqdeen, oo waxay laayeen dadkii reer Aacii. 22 Oo kuwii kalena waxay iyaga kaga soo bexeen magaaladii, sidaas daraaddeed waxay ku dhex jireen reer binu Israa'iil, iyadoo qaarna dhinacan ka xigo, qaarna dhinacaas ka xigo; oo way wada laayeen, oo midna kama reebin, qofna kama baxsan. 23 Oo boqorkii Aacii isagoo nool bay qabteen, oo waxay u keeneen Yashuuca. 24 Oo markii reer binu Israa'iil dhammeeyeen oo ay dadkii Aacii degganaan jiray ku wada laayeen duurkii, iyo cidladii ay u eryadeen, oo ay seef ku wada le'deen ilaa ay wada baabbe'een, ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku soo noqdeen Aacii xaggeedii, oo waxay ku laayeen seef. 25 Oo intii maalintaas le'atay rag iyo dumarba waxay ahaayeen laba iyo toban kun, oo intaasuna waxay ahayd dadkii reer Aacii oo dhan. 26 Waayo, Yashuuca gacantii uu waranka ku taagay dib uma celin ilaa uu wada baabbi'iyey dadkii Aacii degganaa oo dhan. 27 Oo reer binu Israa'iil waxay keliyahoo dheceen xoolihii iyo alaabtii magaalada, sidii erayga Rabbiga uu Yashuuca ku amray ahaa. 28 Sidaasaa Yashuuca u gubay Aacii, oo wuxuu ka dhigay tuulmo cidla weligeed ah ilaa maantadan la joogo. 29 Oo boqorkii Aaciina geed buu ka soo deldelay, oo wuxuu sudhnaa ilaa makhribkii, oo qorraxdhicii ayaa Yashuuca amray, markaasay meydkiisii geedkii ka soo dejiyeen, oo waxay ku tuureen iridda magaalada laga soo galo, oo waxay ku tuuleen dhagaxyo badan oo jira ilaa maantadan.

Axdigii Oo Lagu Soo Cusboonaysiiyey Buur Ceebaal

30 Markaasaa Yashuuca wuxuu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Buur Ceebaal uga dhisay meel allabari, 31 sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa reer binu Israa'iil ugu amray, iyo sida ku qoran kitaabkii sharciga Muuse, oo waxay ahayd meel allabari oo ah dhagaxyo aan la qorin oo aan ninna bir u qaadin; oo waxay Rabbiga ugu kor bixiyeen qurbaanno la gubo, iyo qurbaanno nabaadiino. 32 Oo wuxuu dhagaxyadii ku qoray naqil sharcigii Muuse ah oo uu ku qoray reer binu Israa'iil hortooda. 33 Oo reer binu Israa'iil oo dhan iyo waayeelladoodii, iyo saraakiishoodii, iyo xaakinnadoodiiba, waxay istaageen sanduuqii dhankiisa shishe iyo dhankiisa soke oo ka horreeya wadaaddada reer Laawi oo siday sanduuqii axdiga Rabbiga, qariibka iyo kii waddanka ku dhashayba, oo badhkood wuxuu is-hor taagay Buur Gerisiim, badhkoodii kalena wuxuu is-hor taagay Buur Ceebaal sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray inay marka hore u duceeyaan reer binu Israa'iil. 34 Oo dabadeedna wuxuu akhriyey erayadii sharciga oo dhan, ducadii iyo habaarkiiba, siday ahaayeen wixii ku qornaa kitaabkii sharciga oo dhan. 35 Oo ma jirin eray Muuse amray oo aan Yashuuca ku hor akhriyin shirkii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo dumarkii, iyo dhallaankii, iyo kuwii qariibka ahaa oo iyaga dhex socdayba.

^ Dib u celi bilawga ^

9


Khiyaanadii Reer Gibecoon

1 Oo Webi Urdun shishadiisa, iyo dhulka buuraha, iyo dhulka dooxada ah, iyo badda weyn xeebteeda oo ka horraysa Lubnaan boqorradii degganaa oo dhammu markay maqleen, waxaa dhacday inay reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuusba 2 iswada urursadeen inay isku si ula diriraan Yashuuca iyo reer binu Israa'iil.

3 Laakiinse dadkii Gibecoon degganaa markay maqleen wixii Yashuuca ku sameeyey Yerixoo iyo Aacii, 4 iyana markaasay khiyaano sameeyeen, oo intay tageen bay iska dhigeen sidii iyagoo ah wakiillo dalal kale, oo waxay dameerradoodii ku qaateen joonyado gaboobay, iyo sibraarro khamri oo khamri oo gaboobay oo dildillaacay oo la xidhxidhay. 5 Oo waxay gashadeen kabo duugoobay oo la karkaray, oo waxay xidheen dhar gaboobay, oo kibistii ay soo sahaydeen oo dhammuna waxay ahayd mid engegan oo caaryaysatay. 6 Oo waxay u tageen Yashuuca oo jooga xeradii ku tiil Gilgaal, oo waxay ku yidhaahdeen isagii iyo raggii reer binu Israa'iilba, Annagu waxaannu ka nimid dal fog; haddaba sidaas daraaddeed axdi nala dhigta. 7 Oo raggii reer binu Israa'iil waxay ku yidhaahdeen kuwii reer Xiwi, War mindhaa annagaad na dhex deggan tihiin, oo haddaba sidee baannu axdi idiinla dhiganaynaa? 8 Oo waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu nahay addoommadaada. Markaasaa Yashuuca wuxuu ku yidhi, Yaad tihiin? Oo xaggee baad ka timaadeen? 9 Kolkaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Magaca Rabbiga Ilaahaaga ah aawadiis ayaannu annagoo addoommadaada ah waddan aad u fog uga nimid, waayo, waxaannu maqalnay warkiisii, iyo kulli wixii uu Masar ku dhex sameeyey oo dhan, 10 iyo kulli wixii uu ku sameeyey labadii boqor oo reer Amor oo ka shisheeyey Webi Urdun, kuwaas oo ahaa Siixon oo boqor ka ahaa Xeshboon, iyo Coog oo boqor ka ahaa Baashaan, oo degganaa Cashtarod. 11 Oo odayaashayadii iyo dadkii waddankayaga degganaa oo dhammu waxay nagu soo yidhaahdeen, Sodcaalka aawadiis sahay u qaata, oo taga si aad ula kulantaan iyaga, oo waxaad ku tidhaahdaan, Annagu waxaannu nahay addoommadiinna, ee haddaba axdi nala dhigta. 12 Oo kibistan iyadoo kulul baan guryahayagii sahay uga soo qaadannay maalintii aan idiin soo kacnay; laakiinse bal hadda eega, way engegtay, wayna caaryaysatay: 13 oo sibraarradan khamriga oo aannu soo buuxsannay way cusbaayeen, oo bal eega haatan waa dildillaacsan yihiin, oo dharkayaga iyo kabahayagu waxay ku duugoobeen sodcaalkii aad u dheeraa aawadiis. 14 Oo markaasay nimankii wax ka qaateen sahaydoodii, oo Rabbigana talo ma ay weyddiisan. 15 Oo Yashuucana wuu la nabday iyagii, oo axdina wuu la dhigtay inuu naftooda u daayo; oo amiirradii shirkuna way u dhaarteen iyagii. 16 Oo markay axdigii la dhigteen saddex maalmood dabadeed waxay maqleen inay yihiin deriskooda, oo ay dhexdooda deggan yihiin. 17 Oo reer binu Israa'iil way sodcaaleen, oo maalintii saddexaad waxay yimaadeen magaalooyinkoodii. Oo magaalooyinkooduna waxay ahaayeen Gibecoon, iyo Kefiiraah, iyo Bi'irod, iyo Qiryad Yecaariim. 18 Oo reer binu Israa'iilna ma ay layn, waayo, amiirradii shirku waxay iyagii ugu dhaarteen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. Oo markaasaa shirkii oo dhammu waxay ka gunuunaceen amiirradii. 19 Laakiinse amiirradii oo dhammu waxay shirkii oo dhan ku yidhaahdeen, Waxaannu iyaga ugu dhaarannay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil; oo haddaba sidaas daraaddeed waa inaynaan taaban iyaga. 20 Oo sidan baan u yeelaynaa, oo naftooda ayaan u daynaynaa waaba intaas oo dhaartii aannu ugu dhaarannay daraaddeed cadho inoogu dhacdaaye. 21 Oo amiirradii waxay ku yidhaahdeen, Naftooda u daaya, ha noolaadeene. Sidaas daraaddeed waxay shirkii oo dhan u noqdeen kuwo xaabada gura oo biyaha dhaansha, sidii amiirradii kula hadleen iyagii. 22 Markaasaa Yashuuca u yeedhay iyagii, oo intuu la hadlay buu ku yidhi, War maxaad noo khiyaanayseen oo noogu tidhaahdeen, Waannu idinka fog nahay, idinkoo na dhex deggan? 23 Sidaas daraaddeed waad habaaran tihiin, oo weligiin laydinka waayi maayo addoommo ah kuwa xaabada u gura, biyahana u dhaamiya guriga Ilaahayga. 24 Oo waxay Yashuuca ugu jawaabeen, Maxaa yeelay, hubaal waxaa annagoo addoommadaada ah lanoo sheegay sida Rabbiga Ilaahaaga ahu addoonkiisii Muuse ahaa ugu amray inuu idin siiyo dalka oo dhan, iyo in dadka dalka deggan oo dhan hortiinna laga baabbi'iyo; oo sidaas aawadeed naftayada aad baannu ugu cabsannay idinka daraaddiin, oo waxanna sidaas baannu u yeelnay. 25 Oo haddaba bal eeg gacantaadaannu ku jirnaa. Sidii kula wanaagsan oo kula qumman inaad nagu samaysid yeel. 26 Oo sidaas buu u yeelay, oo ka samatabbixiyey gacantii reer binu Israa'iil inaanay dilin. 27 Oo maalintaasuu Yashuuca iyagii ka dhigay kuwo xaabada u gura, biyahana u dhaamiya shirka iyo meesha allabariga Rabbiga, taas oo ku taal meel alla meeshuu doortoba, ilaa maantadan la joogo.

^ Dib u celi bilawga ^

10


Qorraxdii Oo Istaagtay

1 Oo boqorkii Yeruusaalem oo Adonii Sedeq ahaa markuu maqlay siduu Yashuuca Aacii u qabsaday, oo uu dhammaanteed u baabbi'iyey, iyo siduu Yerixoo iyo boqorkeediiba ku sameeyey, oo uu haddana sidaas oo kale ku sameeyey Aacii iyo boqorkeediiba, iyo siday dadkii Gibecoon degganaa oo ku dhex jiray ula nabdeen reer binu Israa'iil, 2 ayuu aad u cabsaday, maxaa yeelay, Gibecoon waxay ahayd magaalo weyn sida mid ka mid ah magaalooyinka boqorrada, waayo, way ka sii weynayd Aacii, oo dadkeeda oo dhammuna waa xoog badnaayeen. 3 Sidaas daraaddeed boqorkii Yeruusaalem oo ahaa Adonii Sedeq wuxuu u cid diray boqorkii Xebroon oo ahaa Hoohaam, iyo boqorkii Yarmuud oo ahaa Firaam, iyo boqorkii Laakiish oo ahaa Yaafiica, iyo boqorkii Cegloon oo ahaa Debiir, oo wuxuu ku yidhi, 4 Ii kaalaya, oo i caawiya, oo ina keena aynu Gibecoon baabbi'innee; waayo, waxay la nabadday Yashuuca iyo reer binu Israa'iil. 5 Sidaas daraaddeed shantii boqor oo reer Amor waa iswada urursadeen, oo kuwaasu waxay ahaayeen boqorkii Yeruusaalem, iyo boqorkii Xebroon, iyo boqorkii Yarmuud, iyo boqorkii Laakiish, iyo boqorkii Cegloon; iyaga iyo ciidammadooda oo dhammu kor bay u bixiyeen oo waxay hor degeen Gibecoon oo dagaal ku qaadeen. 6 Oo dadkii reer Gibecoon waxay u cid dirteen Yashuuca oo joogay xeradii Gilgaal, oo waxay ku yidhaahdeen, Gacantaadu yay ka raagin addoommadaada, noo soo dhaqso, oo na badbaadi, oo na caawi: maxaa yeelay, boqorradii reer Amor oo buuraha degganaa oo dhammu way isu kaayo urursadeen. 7 Sidaas daraaddeed Yashuuca wuxuu ka tegey Gilgaal isagoo ay la socdaan dadkii dagaalyahannada ahaa oo dhan iyo raggii xoogga lahaa oo dhammuba. 8 Oo markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Iyaga ha ka cabsan, waayo, iyaga gacmahaagaan kuu soo geliyey. Midkoodna isma kaa hor taagi doono. 9 Oo sidaas daraaddeed Yashuuca ayaa ku soo kediyey iyagii, waayo, habeenkii oo dhan buu ka soo guuraynayay Gilgaal. 10 Oo markaasaa Rabbigu cabsi ku riday iyagii reer binu Israa'iil hortooda, oo Gibecoon agteeda ayuu aad ugu laayay, oo wuxuu u eryaday xagga jidkii kor loo baxo Beytxooroon, oo wuxuu ku laynayay ilaa Caseeqaah iyo tan iyo Maqeedaah. 11 Oo markay ka carareen reer binu Israa'iil, intay ku sii jireen dhaadhaca Beytxooroon, ayaa Rabbigu wuxuu iyaga samada kaga soo daayay roob dhagaxyo leh oo waaweyn ilaa Caseeqaah, oo way dhinteen; oo intii roobkii dhagaxyada lahaa ku dhimatay baa ka sii badnayd intoodii reer binu Israa'iil seefta ku laayeen.

12 Markaasaa Yashuuca Rabbiga la hadlay maalintii Rabbigu reer Amor u dhiibay reer binu Israa'iil, oo wuxuu reer binu Israa'iil hortooda ka yidhi,
Qorraxday, istaag Gibecoon korkeeda,
Adiguna, Dayaxow, waxaad kor istaagtaa dooxada Ayaaloon.
13 Oo markaasaa qorraxdii istaagtay; dayaxiina waa joogsaday,
Ilaa ay quruuntii ka aarsatay cadaawayaashoodii.
Tanu miyaanay ku qornayn kitaabkii Yaashaar? Oo qorraxdii waxay ku joogsatay samada dhexdeeda, umana ay degdegin inay hoos u dhacdo maalin dhan.
14 Oo maalintaas maalin la mid ahu kamana horrayn, kamana dambayn, ee uu Rabbigu maqlay nin codkiis: waayo, Rabbigu wuxuu u diriray reer binu Israa'iil.

15 Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku noqdeen xeradii ku tiil Gilgaal.

Shan Boqor Oo Reer Amor Ah Oo La Dilay

16 Kolkaasaa shantii boqor carartay, oo waxay ku dhuunteen godkii ku yiil Maqeedaah. 17 Oo markaasaa Yashuuca loo sheegay, oo waxaa lagu yidhi, Shantii boqor waxaa la helay iyagoo ku qarsoon god ku yaal Maqeedaah. 18 Markaasuu Yashuuca yidhi, Dhagaxyo waaweyn ku giringiriya godka afiisa, oo rag dhawrana ag taaga; 19 laakiinse intiinna kale ha joogsanina; ee cadaawayaashiinna eryada, oo laaya intooda ugu dambaysa, oo ha u oggolaanina inay galaan magaalooyinkooda; waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa iyaga gacanta idiin geliyey. 20 Oo markii Yashuuca iyo reer binu Israa'iil ay dhammeeyeen layntii weynayd ee ay raggii laayeen, ilaa ay wada baabbi'iyeen oo firxadkii ka soo hadhayna ay galeen magaalooyinkii deyrarka lahaa, 21 ayaa dadkii oo dhammu nabdoonaan ku soo noqdeen Yashuuca oo joogay xeradii ku tiil Maqeedaah, oo mid qudh ahu afka uma kala qaadin reer binu Israa'iil. 22 Oo markaasuu Yashuuca yidhi, Godka afkiisa banneeya oo shantii boqor ka soo bixiya godkii oo ii keena. 23 Kolkaasay sidii yeeleen, oo waxay isagii u keeneen shantii boqor oo ay ka soo bixiyeen godkii, kuwaas oo ahaa boqorkii Yeruusaalem, iyo boqorkii Xebroon, iyo boqorkii Yarmuud, iyo boqorkii Laakiish, iyo boqorkii Cegloon. 24 Oo markay boqorradii u keeneen Yashuuca ayuu u yeedhay raggii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu raggii dagaalyahannada ahaa oo isaga raacay madaxdoodii ku yidhi, Soo dhowaada, oo boqorradan qoorta kaga joogsada. Oo kolkaasay soo dhowaadeen, oo boqorradii qoorta kaga joogsadeen. 25 Markaasaa Yashuuca wuxuu iyagii ku yidhi, Ha cabsanina, hana qalbi jabina; xoog yeesha oo aad u dhiirranaada; waayo, Rabbigu sidaasuu u geli doonaa cadaawayaashiinna aad la diriraysaan oo dhan. 26 Oo markaas dabadeed ayuu Yashuuca wada laayay, oo uu shan geed ka soo deldelay, oo waxay geedihii ka soo laalaadeen ilaa fiidkii. 27 Oo kolkay qorraxdu dhacday ayaa Yashuuca amray in laga soo dejiyo geedihii, oo kolkaasay ku tuureen godkii ay markii hore ku dhuunteen, oo markaasay dhagaxyo waaweyn godkii afkiisii saareen, oo waa sidii ilaa maantadan.

28 Oo Yashuuca maalintaasuu qabsaday Maqeedaah, oo wuxuu dadkeedii ku laayay seef, iyo xataa boqorkeedii; oo dadkii ku jiray oo dhan wuu wada baabbi'iyey, oo waxba kama uu reebin, oo boqorkii Maqeedaah wuxuu ku sameeyey sidii uu ku sameeyey boqorkii Yerixoo.

Qabsashadii Magaalooyinka Koonfureed

29 Oo Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu way dhaafeen Maqeedaah oo waxay tageen Libnaah, oo la dirireen reer Libnaah; 30 oo Rabbigu iyada iyo boqorkeediiba wuxuu gacanta u geliyey reer binu Israa'iil, oo wuxuu seef ku laayay iyada iyo dadkii ku jiray oo dhan, oo waxba kama uu reebin, oo boqorkeediina wuxuu ku sameeyey sidii uu ku sameeyey boqorkii Yerixoo.

31 Oo Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu way dhaafeen Libnaah, oo waxay tageen Laakiish, kolkaasay degeen meel ka soo hor jeedda oo dagaal ku qaadeen; 32 oo Rabbigu wuxuu Laakiish geliyey gacantii reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyana qabsaday maalintii labaad, oo dadkii ku jiray oo dhan wuxuu ku laayay seef, oo wuxuu u galay sidii uu Libnaah u galay oo kale.

33 Markaasaa Laakiish waxaa u soo hiiliyey boqorkii Geser oo ahaa Horaam, kolkaasaa Yashuuca laayay isagii iyo dadkiisiiba, ilaa uusan waxba ka reebin.

34 Markaasay Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu dhaafeen Laakiish oo waxay tageen Cegloon; kolkaasay degeen meel ka soo hor jeedda, oo dagaal ku qaadeen; 35 oo maalintaasay iyana qabsadeen oo dadkii ku jiray oo dhan waxay ku laayeen seef, oo maalintaasuu wada baabbi'iyey, oo wuxuu ku sameeyey sidii uu ku sameeyey Laakiish oo kale.

36 Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu way dhaafeen Cegloon oo waxay tageen Xebroon, wayna la dirireen, 37 oo iyana way qabsadeen, oo waxay ku wada laayeen seef dadkeedii iyo boqorkeedii iyo magaalooyinkeedii oo dhan iyo dadkii ku jiray oo dhanba; waxba kama reebin, sidii uu Cegloon ku sameeyey oo kale, laakiinse wuu wada baabbi'iyey iyadii iyo dadkii ku jiray oo dhanba.

38 Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku noqdeen Debiir, oo dagaal bay ku qaadeen. 39 Oo iyana wuu qabsaday, iyo boqorkeedii, iyo magaalooyinkeediiba, oo waxay ku laayeen seef, oo dadkii ku jiray oo dhanba way wada baabbi'iyeen oo waxba kama uu reebin; oo wuxuu Debiir iyo boqorkeediiba ku sameeyey siduu ku sameeyey Xebroon iyo weliba siduu markii hore ku sameeyey Libnaah iyo boqorkeediiba.

40 Sidaasuu Yashuuca u wada laayay dadkii dalkii oo dhan, kaas oo ahaa waddankii buuraha ahaa, iyo xaggii Koonfureed, iyo dooxooyinkii, iyo dhaadhacyadii, iyo xataa boqorradoodii oo dhan, oo waxba kama uu reebin; laakiinse wuu wada baabbi'iyey intii neefsanaysay oo dhan, sidii uu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ku amray. 41 Oo Yashuuca wuxuu laayay iyagii ilaa Qaadeesh Barneeca iyo tan iyo Gaasa, iyo dalkii reer Goshen oo dhan, iyo xataa tan iyo Gibecoon. 42 Oo boqorradaas iyo dalkoodii oo dhan Yashuuca isku mar buu wada qabsaday, maxaa yeelay, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil baa u diriray reer binu Israa'iil. 43 Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku noqdeen xeradii ku tiil Gilgaal.

^ Dib u celi bilawga ^

11


Boqorradii Waqooyi Oo Laga Adkaaday

1 Oo markuu boqorkii Xaasoor oo ahaa Yaabiin waxaas maqlay ayuu u cid diray boqorkii Maadoon oo ahaa Yoobaab, iyo boqorkii Akshaaf, 2 iyo boqorradii jiray xagga woqooyi, kaas oo ahaa dalka buuraha leh, iyo kuwii joogay xagga ban Caraabaah oo koonfur ka xigta Kinnered, iyo xagga dooxooyinka, iyo dalka sare oo Door ee xagga galbeed jira, 3 iyo kuwii reer Kancaan oo jiray bari iyo galbeedba, iyo reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Yebuus oo degganaa dalka buuraha leh, iyo reer Xiwi oo degganaa dalkii Misfaah oo ka hooseeyey Xermoon. 4 Kolkaasay baxeen, iyagii iyo ciidammadoodii oo la jirayba, oo waxay ahaayeen dad badan, oo tiradoodu waxay ahayd sida cammuudda taal badda xeebteeda, waxayna wateen fardo iyo gaadhifardood aad u badan. 5 Oo boqorradaas oo dhammu way isu yimaadeen, oo waxay wada degeen biyihii Meeroom agtooda si ay reer binu Israa'iil ula diriraan. 6 Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Ha ka cabsan iyaga, waayo, berri hadda oo kale ayaan reer binu Israa'iil gacanta u gelin doonaa, iyagoo la wada laayay. Oo waa inaad fardahooda boqno gooysaa, oo gaadhifardoodkoodana waa inaad dab ku gubtaa. 7 Markaasay Yashuuca iyo raggii dagaalyahannada ahaa oo dhammu biyihii Meeroom agtooda kaga soo kediyeen oo weerareen iyagii. 8 Oo Rabbigu wuxuu iyagii geliyey gacantii reer binu Israa'iil, oo way laayeen, oo waxay u eryadeen xagga Siidoonta weyn, iyo xagga Misrefood Mayim, iyo xagga dooxadii Misfaah oo bari xigta, oo way laayeen ilaa aanay waxba ka reebin. 9 Oo Yashuuca wuxuu ku sameeyey iyagii wixii Rabbigu u sheegay; oo fardahoodii wuu boqno gooyay, oo gaadhifardoodkoodiina dab buu ku wada gubay.

10 Oo markaasaa Yashuuca dib u noqday, oo wuxuu qabsaday Xaasoor, oo boqorkeediina wuxuu ku dilay seef; waayo, markaas ka hor Xaasoor madax bay u ahaan jirtay boqortooyooyinkaas oo dhan. 11 Oo dadkii ku jiray oo dhan waxay ku laayeen seef, wayna wada baabbi'iyeen; oo wax neefsadaa kuma hadhin, Xaasoorna dab buu ku gubay. 12 Oo Yashuuca wuxuu wada qabsaday boqorradaas magaalooyinkoodii oo dhan, iyo boqorradoodii oo dhan, oo wuxuu ku wada laayay seef, oo wuu wada baabbi'iyey; sidii uu addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray. 13 Laakiinse reer binu Israa'iil waxba kama gubin magaalooyinkii buurahoodii ku yiil, Xaasoor mooyaane, taasna waxaa gubay Yashuuca. 14 Oo magaalooyinkaas alaabtoodii oo dhan iyo xoolahoodii oo dhanba reer binu Israa'iil way dhaceen, laakiinse nin kasta waxay ku dileen seef ilaa ay wada baabbi'iyeen, oo waxba kama ay reebin intii neefsatay oo dhan. 15 Wixii Rabbigu addoonkiisii Muuse ahaa ku amray ayuu Muusena Yashuuca ku amray, oo Yashuucana sidaasuu yeelay, oo kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray wax aanu samayn ma jirin.

16 Oo Yashuuca wuxuu qabsaday dalkaas oo dhan, kaas oo ahaa dalkii buuraha lahaa, iyo Koonfur oo dhan, iyo dalkii Goshen oo dhan, iyo dalkii dooxada ahaa, iyo bankii Caraabaah, iyo dalkii reer binu Israa'iil oo buuraha lahaa, iyo intiisii dooxada ahayd, 17 haddii laga bilaabo Buur Haalaaq, taasoo kor u kacsan ilaa Seciir, iyo xataa tan iyo Bacal Gaad oo ku taal dooxadii Lubnaan oo ka hoosaysa Buur Xermoon; oo wuxuu wada qabsaday boqorradoodii oo dhan, oo intuu dilay buu wada laayay. 18 Oo Yashuuca wakhti dheer buu la dirirayay boqorradaas oo dhan. 19 Oo lama arag magaalo la nabadday reer binu Israa'iil, reer Xiwi oo Gibecoon degganaa mooyaane: oo dagaal bay kulligood ku wada qabsadeen. 20 Waayo, xagga Rabbiga ayay ka timid inuu qalbigooda adkeeyo, si ay dagaal ugu soo baxaan reer binu Israa'iil, oo uu dhammaantood u baabbi'iyo, oo aanay waxba inna raallinimo ka helin, laakiinse uu u wada baabbi'iyo sidii Rabbigu Muuse ku amray.

21 Oo markaasaa Yashuuca yimid, oo wuxuu reer Canaaq ka tiray dalkii buuraha lahaa, kaas oo ahaa Xebroon, iyo Debiir, iyo Canaab, iyo xaggii dalkii reer Yahuudah oo buuraha lahaa oo dhan, iyo dalkii reer binu Israa'iil oo buuraha lahaa oo dhan; oo Yashuuca dhammaan iyagii iyo magaalooyinkoodiiba wuu wada baabbi'iyey. 22 Oo dalkii reer binu Israa'iil mid reer Canaaq ahu kuma hadhin, laakiinse waxaa wuxoogaa ku hadhay Gaasa, iyo Gad, iyo Ashdood oo keliya. 23 Sidaasuu Yashuuca u wada qabsaday dalkii oo dhan, oo wuxuu wada yeelay sidii Rabbigu kula hadlay Muuse; oo Yashuuca wuxuu dalkii dhaxal u siiyey reer binu Israa'iil, oo wuxuu ugu qaybiyey sidii qabiilooyinkoodu ahaayeen. Oo dalkiina dagaal wuu ka nastay.

^ Dib u celi bilawga ^

12


Tiradii Boqorradii Laga Adkaaday

1 Haddaba kuwanu waa boqorradii dalka, oo ay reer binu Israa'iil laayeen oo ay dalkoodii ka qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo qorrax ka soo baxa ka xigta, markii laga bilaabo dooxadii Arnoon iyo tan iyo Buur Xermoon, iyo inta banka Caraabaah xagga bari ka xigta oo dhan: 2 oo waxay ahaayeen boqorkii reer Amor oo ahaa Siixon, oo degganaa Xeshboon, oo xukumi jiray Carooceer oo ku tiil dooxadii Arnoon darafteeda, iyo magaaladii ku tiil dooxadii dhexdeeda, iyo Gilecaad badhkeed, iyo tan iyo Webi Yabboq, kaasoo ku yiil soohdintii reer Cammoon, 3 iyo bankii Caraabaah iyo tan iyo baddii Kinnered, iyo xagga bari, iyo tan iyo baddii Caraabaah, taas oo ah Badda Cusbada leh, oo bari, ee ku taal jidkii Beytyeshimood, ee xagga koonfureed, ee ka hoosaysay dhaadhacyadii Fisgaah: 4 iyo xuduudkii Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, oo ka hadhay reer Rafaa ee Cashtarod agteeda joogay, Edrecii agteedana joogay. 5 Kaasu wuxuu xukumi jiray Buur Xermoon, iyo Salkaah, iyo Baashaan oo dhan, iyo tan iyo soohdinta reer Geshuur iyo kan reer Macakaad iyo Gilecaad badhkeed, iyo xuduudka Siixon oo boqor u ahaa Xeshboon. 6 Addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa iyo reer binu Israa'iil baa laayay iyagii, oo addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ayaa reer Ruubeen iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkood hanti ahaan u siiyey.

7 Oo kuwanu waa boqorradii Yashuuca iyo reer binu Israa'iil ka laayeen Webi Urdun shishadiisa xagga galbeed ka xigta, markii laga bilaaba Bacal Gaad oo ku tiil dooxadii Lubnaan iyo tan iyo Buur Xaalaaq oo kor u kacsan Seciir; oo Yashuuca wuxuu siiyey qabiilooyinkii reer binu Israa'iil, oo hanti ahaan buu ugu qaybiyey, 8 xagga dalkii buuraha lahaa, iyo dalkii dooxooyinka ahaa, iyo bankii Caraabaah, iyo dhaadhacyadii, iyo cidladii, iyo xagga Koonfureed, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus. 9 Oo waa kuwan boqorradii, boqorkii Yerixoo, iyo boqorkii Aacii tii u dhowayd Beytel, 10 iyo boqorkii Yeruusaalem, iyo boqorkii Xebroon, 11 iyo boqorkii Yarmuud, iyo boqorkii Laakiish, 12 iyo boqorkii Cegloon, iyo boqorkii Geser, 13 iyo boqorkii Debiir, iyo boqorkii Geder, 14 iyo boqorkii Xormaah, iyo boqorkii Caraad, 15 iyo boqorkii Libnaah, iyo boqorkii Cadullaam, 16 iyo boqorkii Maqeedaah, iyo boqorkii Beytel, 17 iyo boqorkii Tafuu'ax iyo boqorkii Heefer, 18 iyo boqorkii Afeeq, iyo boqorkii Lashaaroon, 19 iyo boqorkii Maadoon, iyo boqorkii Xaasoor, 20 iyo boqorkii Shimroon Meroon, iyo boqorkii Akshaaf, 21 iyo boqorkii Tacanaag, iyo boqorkii Megiddoo, 22 iyo boqorkii Qedesh, iyo boqorkii Yoqnecaam oo Karmel tiil, 23 iyo boqorkii Door oo ku tiil meesha ugu dheer Door, iyo boqorkii quruumaha degganaa Gilgaal, 24 iyo boqorkii Tirsaah. Oo boqorradii oo dhammuna waxay ahaayeen kow iyo soddon.

^ Dib u celi bilawga ^

13


Dalka Hadhay Oo La Qabsan Doona

1 Yashuuca waa da' weynaa, gaboowna wuu la dhacay, oo kolkaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Adigu waad da' weyn tahay oo gaboowna waad la dhacday, laakiinse weliba waxaa hadhay dal badan in la hantiyo. 2 Oo dalka weli hadhay waxa weeye kan: gobollada reer Falastiin oo dhan iyo reer Geshuur oo dhan, 3 tan iyo Shiixoorta ku taal Masar horteeda, iyo xataa tan iyo soohdinta Ceqroon ee xagga woqooyi, ee loo tiriyo reer Kancaan, iyo shanta amiir ee reer Falastiin oo u taliya reer Gaasa, iyo reer Ashdood, iyo reer Ashqeloon, iyo reer Gad, iyo reer Ceqroon, 4 iyo xataa reer Caw oo xagga koonfureed xiga, iyo dalka reer Kancaan oo dhan, iyo Mecaaraah tan ay reer Siidoon leeyihiin, iyo ilaa Afeeq, iyo tan iyo soohdinta reer Amor, 5 iyo dalka reer Gebal iyo Lubnaan oo dhan, xagga qorrax ka soo baxa, inta laga bilaabo Bacal Gaad tan ku taal Buur Xermoon hoosteeda, iyo tan iyo meesha laga galo Xamaad. 6 Dadka deggan dalka buuraha leh oo dhan, tan iyo Lubnaan iyo ilaa Misrefood Mayim, iyo xataa reer Siidoon oo dhan kulligood waxaan ka eryi doonaa reer binu Israa'iil hortooda; laakiinse waa inaad dhaxal ahaan ugu qori riddaa reer binu Israa'iil sidaan kugu amray. 7 Haddaba dalkan dhaxal ahaan ugu qaybi sagaalka qabiil iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis,

Kala Qaybintii Dhulka Xagga Bariga Ee Webi Urdun

8 Kuwaasoo ay reer Ruubeen iyo reer Gaadba la heleen dhaxalkoodii uu Muuse ka siiyey xagga bari oo Webi Urdun ka shishaysa, xataa sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa uu u siiyey iyaga, 9 tan iyo Carooceer oo ku taal dooxadii Arnoon darafkeeda, iyo magaalada ku taal dooxada dhexdeeda, iyo banka Meedebaa oo dhan iyo xataa tan iyo Diibon, 10 iyo dhammaan magaalooyinkii Siixon oo boqor u ahaa reer Amor uu ku xukumi jiray Xeshboon, tan iyo soohdinta reer Cammoon, 11 iyo Gilecaad, iyo soohdinta reer Geshuur, iyo reer Macakaad, iyo Buur Xermoon oo dhan, iyo Baashaan oo dhan iyo ilaa Salkaah, 12 iyo boqortooyadii Baashaan ku tiil oo dhan oo Coog ka xukumi jiray Cashtarod iyo Edrecii (Isagu wuxuu ka hadhay reer Rafaa), waayo, kuwaas waxaa laayay Muuse, wuuna eryay. 13 Habase yeeshee reer binu Israa'iil ma ay eryin reer Geshuur iyo reer Macakaad toona; laakiinse reer Geshuur iyo reer Macakaad waxay dhex deggan yihiin reer binu Israa'iil ilaa maantadan la joogo. 14 Oo waxaanu dhaxal siin qabiilkii reer Laawi oo keliya. Sidii Rabbigu kula hadlay isaga, waxaa dhaxal u ahaa qurbaannada loo