Nolosha Cusub
Skip Navigation Links
Kutubta habka Gabayga u qoran

OGEYSIIS:
Fayalka kutubtan weli ma bandhigan. Fadlan nala dulqaad...waxaannu rajaynaynaa dhowr bil gudaheed inaannu dhammaystirno dhisidda boggan.


Kitaabkii Ayuub
Kitaabkan wuxuu ku qoran yahay gabay Cibraani ah, wuxuuna muujinayaa in aan Shayddaanku dadka waxyeelayn karin, haddii Ilaah aanu isaga u fasixin. Ayuub wuxuu ahaa nin Ilaah yaqaan. Hase yeeshee, inkastoo Ayuub ahaa nin xaq ah, ma istaahilin tixgeliska ama taageeridda Rabbiga. Ilaah dadkiisa ah waa la jiraa; haddii ay ku jiraan; calool xumo shaki iyo hadday xataa isaga ku caasiyaanba.

Kitaabka Sabuurrada waxaa kooban yahay 150 Sabuur.
Waana qasiidooyin oo muujinaya sida Ilaah ummadiisu u xajinayso hadalkiisa. Sabuur wuxuu muujinayaa dadka Ilaah faraxoodii, shakigoodii, saraysiintoodii, xasilloonaantoodii, qalbiqaboojintii, ku tiirsanaantii iyo barwaaqadii ay ku haysteen xagga Ilaah. Sabuurrada inta badan waxaa lagu qorayey boqor Daa'uud.

Kitaabka Maahmaayadii iyo Wacdiyaha
Kutubtaan xigmaddaysan wuxuu ku saabsan yahay xigmadda Rabbaanigaa, xigmadda Ruuxa Qoduuska ah. Boqor Suleymaan ayuu qoray labadaba. Waxay tusaalaynayaan xigmad qoto dheer oo ku saabsan caqli xumada banii-aadamka. Banii-aadamka caqli xumadiisa waxaa ka toosan karta xigmadda Ilaah. Waa inaad garatid marka kitaabka Maahmaahyadu ku isticmaalo xarafka "xigmad", waxaa badanaaba loola jeedaa Masiixa.

Gabaygii Suleymaan
Gabaygii Suleymaan waa hees waxyi ku saabsan jacayl nadiif ah ee nin iyo naag, labo aroosa, oo u muuqda sidii hadiyada badbaado oo Ilaah. Jacaylkaas aalaaba waxaa loo qaataa inuu calaamad u yahay jacaylka Masiixu dadkiisa u qabo.




"Rabbiyow, jidadkaaga i tus, Oo waddooyinkaagana i bar. Runtaada igu hoggaami, oo i bar, Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda, Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa. ." Sabuurka 25:4-5