|
DEU SHARCIGA KUNOQOSHADIISA
KITAABKII SHANAAD EE MUUSE EE LA YIDHAAHDO
Si aad u hesho cutubka aad rabtid, fadlan riix
lambarka liiska:
1
Amarka In Laga Guuro Xoreeb
1 Kuwanu waa erayadii Muuse kula hadlay reer binu Israa'iil
markay joogeen Webi Urdun shishadiisa cidlada dhexdeeda, oo ah Caraabaah oo ka soo
hor jeedda Suuf, meel u dhexaysa Faaraan, iyo Tofel, iyo Laabaan, iyo Xaseerood,
iyo Diisaahaab. 2 Oo koob iyo toban maalmood ayaa looga socdaa
Xoreeb xagga Buur Seciir ilaa tan iyo Qaadeesh Barneeca.
3 Oo sannaddii afartanaad bisheedii koob iyo tobnaad, maalinteedii kowaad ayaa Muuse
reer binu Israa'iil kula hadlay kulli amarradii Rabbigu ugu soo dhiibay oo dhan.
4 Taasuna waa ka dambaysay diliddii uu dilay Siixon oo ahaa
boqorkii reer Amor oo degganaa Xeshboon, iyo Coog oo ahaa boqorkii reer Baashaan
oo degganaa Cashtarod ee Edrecii ku taal. 5 Oo meeshaas ee
Webi Urdun ka shishaysa oo ku taal dalka reer Moo'aab ayaa Muuse ka bilaabay inuu
caddeeyo sharcigan, oo wuxuu yidhi, 6 Rabbiga Ilaaheenna
ahu wuxuu inala hadlay intaan Xoreeb joognay oo wuxuu inagu yidhi, Buurtan in idinku
filan waad degganaydeen, 7 haddaba noqda oo guura oo waxaad
tagtaan dalka buuraha leh oo reer Amor, iyo meelaha halkaas u dhow oo dhan oo ah
Caraabaah, iyo dalka buuraha leh, iyo dooxooyinka, iyo xagga koonfureed, iyo badda
xeebteeda, kuwaasoo ah dalka reer Kancaan, iyo Lubnaan, iyo tan iyo webiga weyn
oo Yufraad. 8 Bal eega, dalka waan idin hor dhigay, haddaba
gala oo hantiya dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq
iyo Yacquub inuu siinayo iyaga iyo farcankooda ka dambeeyaba
Magacaabiddii Odayaasha
9 Oo anna markaas waan idinla hadlay oo waxaan idhi, Anigu
idinma aan qaadi karo keli ahaantay. 10 Rabbiga Ilaahiinna
ahu wuu idin tarmiyey, oo bal eega, maanta waxaad u faro badan tihiin sida xiddigaha
samada oo kale. 11 Oo weliba Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin
ha idinka dhigo kun jeer in ka sii badan intaad haatan tihiin, oo ha idiin barakeeyo
siduu idin ballanqaaday! 12 Oo bal anigoo keligay ah sidee
baan u qaadi karaa culayskiinna iyo rarkiinna iyo rabshaddiinna?
13 Haddaba siday qabiilooyinkiinnu yihiin waxaad kala soo baxdaan
rag xigmad leh oo waxgarad ah oo caan ah, oo anna waxaan iyaga ka dhigayaa madax
idiin talisa. 14 Oo idinna waad ii jawaabteen oo waxaad igu
tidhaahdeen, Waxaad ku hadashay waa noo wanaagsan yihiin inaannu samayno.
15 Sidaas daraaddeed waxaan soo kaxaystay madaxdii qabiilooyinkiinna
oo ah rag xigmad leh oo caan ah, oo waxaan ka dhigay madax idiin talisa, oo ah kun
u taliyayaal, iyo boqol-u-taliyayaal, iyo konton-u-taliyayaal, iyo toban u taliyayaal,
iyo saraakiil, siday qabiilooyinkiinnu ahaayeen. 16 Oo waagaas
ayaan xaakinnadiinna amray, oo waxaan ku idhi, Maqla dacwadaha walaalihiin dhex
yaal, oo caddaalad ugu kala garsoora nin iyo walaalkiis iyo shisheeyaha isaga la
jira. 17 Oo xagga garsooridda dadka ha u kala eexanina. Kii
yar iyo kii weynba waa inaad isku si u maqashaan, oo ninna wejigiisa ha ka cabsanina,
waayo, garsooridda Ilaah baa iska leh, oo dacwaddii idinku adagna ii keena, oo anna
taas waan maqli doonaa. 18 Oo waagaas waxaan idinku amray
wixii aad samayn lahaydeen oo dhan.
Diriddii Basaasiinta
19 Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay
cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro
dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu
nimid Qaadeesh Barneeca. 20 Oo anna markaas waxaan idinku
idhi, War waxaad timaadeen dalka buuraha leh oo reer Amor ee Rabbiga Ilaaheenna
ahu ina siinayo. 21 Bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkii
buu idin hor dhigay. Haddaba u kaca, oo hanti u qaata sidii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin
uu idiin sheegay, oo ha cabsanina, hana qalbi jabina. 22
Oo mid kastoo idinka mid ahuba wuu ii soo dhowaaday oo wuxuu igu yidhi, War aynu
niman iska hor marinno, si ay dalka inoogu soo baadhaan, oo ay inoogu soo sheegaan
jidka aan marayno iyo magaalooyinka aan tegayno. 23 Oo anna
taas aad baan ugu farxay, markaasaan idinkala soo baxay laba iyo toban nin, oo qabiil
kastaba nin baan ka soocay. 24 Kolkaasay noqdeen oo buurtii
u kaceen, oo waxay gaadheen dooxadii Eshkol, wayna soo basaaseen.
25 Oo waxay gacmahooda ku soo qaadeen dalka midhihiisii, oo innagay
inoo keeneen, oo haddana intay inoo war keeneen ayay yidhaahdeen, Dalku waa dal
wanaagsan oo Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo.
Dadka Oo Ku Caasiyoobay Rabbiga
26 Laakiinse idinku waad diiddeen inaad u kacdaan, oo waxaad
ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah. 27 Oo teendhooyinkiinna
ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo
aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor
oo ay ina baabbi'iyaan. 28 Bal xaggee baynu u sii kacnaa?
Waayo, walaalaheen ayaa qalbigeennii aad u cabsiiyey, oo waxay yidhaahdeen, Dadku
waa inaga badan yahay, wayna inaga dhaadheer yihiin, oo magaalooyinkuna way waaweyn
yihiin oo deyr samada ku tolan ayaa ku wareegsan, oo weliba waxaan kaloo halkaas
ku soo aragnay reer Canaaq. 29 Oo markaasaan idinku idhi,
Ha cabsanina, hana ka baqina. 30 Waayo, waxaa idiin dagaallami
doona Rabbiga Ilaahiinna ah ee idin hor socda, si waafaqsan kulli wixii uu indhihiinna
hortooda idiinku sameeyey dalkii Masar, 31 iyo cidladii oo
aad ku soo aragteen sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu, sida nin wiilkiisa u sido, uu
idiinku siday jidkii aad soo marteen oo dhan ilamaa aad meeshan timaadeen.
32 Oo weliba waxyaalahaas kuma aydaan rumaysan Rabbiga Ilaahiinna
ah 33 oo jidkii aad soo marteen idinku soo hor kacay si uu
idiinku doondoono meel aad teendhooyinkiinna ka dhisataan, isagoo habeenkii dab
ku dhex jira, maalintiina daruur, si uu idiin tuso jidka aad mari lahaydeen.
34 Oo Rabbigu wuu maqlay codkii erayadiinna, markaasuu cadhooday
oo intuu dhaartay ayuu yidhi, 35 Hubaal dadka qarnigan sharka
ah midkoodna ma arki doono dalka wanaagsan oo aan ku dhaartay inaan awowayaashiin
siinayo, 36 Kaaleeb ina Yefunneh mooyaane; isagu wuu arki
doonaa, oo waxaan dhulkii uu cag mariyey siin doonaa isaga iyo carruurtiisaba, maxaa
yeelay, isagu dhammaan ahaanba ayuu Rabbiga u raacay. 37
Oo weliba Rabbigu wuu ii cadhooday idinka aawadiin oo wuxuu yidhi, Adiguna halkaas
geli maysid. 38 Yashuuca ina Nuun oo hortaada taagan ayaa
halkaas geli doona. Isaga dhiirrigeli, waayo, reer binu Israa'iil ayuu dalkaas dhaxalsiin
doonaa. 39 Oo weliba yaryarkiinna, oo aad tidhaahdeen, Waa
la dhacayaa, iyo carruurtiinna maanta aan khayr iyo shar kala aqoon, iyagu dalkaas
way geli doonaan, oo iyagaan siin doonaa, iyana way hantiyi doonaan.
40 Laakiinse idinku noqda oo u guura cidladii xagga jidka Badda
Cas loo maro. 41 Markaasaad jawaabteen oo waxaad igu tidhaahdeen,
Rabbiga waannu ku dembaabnay, haddaba waannu tegaynaa oo waxaannu u dagaallamaynaa
sidii Rabbiga Ilaahayaga ahu nagu amray. Oo midkiin waluba wuxuu dhexda ku xidhay
hubkiisii dagaalka, oo waxaad mooddeen inay fudud dahay inaad buurta u kacdaan.
42 Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad iyaga ku tidhaahdaa,
Kor ha u kicina, hana dagaallamina, waayo, anigu idinkuma dhex jiro, haddii kalese
waxaa laydinku layn doonaa cadaawayaashiinna hortooda. 43
Oo sidaasaan idinkula hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, illowse amarkii Rabbiga
ayaad ku caasiyowdeen, waadna kibirteen oo buurtaad u kacdeen.
44 Oo reer Amorkii buurta degganaa ayaa idinku soo baxay oo idiin
soo eryaday sida shinnida, oo waxay idinku jebiyeen Seciir iyo tan iyo Xormaah.
45 Markaasaad soo noqoteen oo Rabbiga hortiisa ku ooydeen,
laakiinse Rabbigu codkiinnii ma uu maqlin, dhegna idiinma uu dhigin.
46 Sidaas daraaddeed Qaadeesh ayaad maalmo badan degganaydeen intii
ay ahaayeen maalmihii aad halkaas degganaydeen.
^ Dib u celi bilawga ^
2
Ku Wareegiddii Cidlada
1 Markaasaynu noqonnay, oo waxaynu u guurnay cidladii ku
tiil jidka Badda Cas loo maro, sidii Rabbigu igu amray, oo in maalmo badan ah baynu
ku wareegaynay Buur Seciir. 2 Markaasaa Rabbigu ila hadlay
oo wuxuu igu yidhi, 3 Idinku buurtan wakhti dheer baad ku
wareegayseen, haddaba xagga woqooyi u leexda. 4 Oo adigu
waxaad dadka ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Idinku waxaad dhex martaan soohdinta walaalihiin
reer Ceesaw oo Seciir deggan, oo iyana way idinka cabsan doonaan, haddaba si wanaagsan
u digtoonaada, 5 hana la diririna, waayo, dalkooda idinka
siin maayo xataa intii cagta la saaro, maxaa yeelay, Buur Seciir hanti baan u siiyey
reer Ceesaw. 6 Wax aad cuntaan lacag kaga iibsada, oo weliba
biyo aad cabtaanna lacag kaga iibsada. 7 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna
ahu waa idinku wada barakeeyey shuqulkii gacantiinna oo dhan, oo isagu wuu yiqiin
socodkiinnii aad cidladan soo dhex marteen. Afartankan sannadood ayaa Rabbiga Ilaahinna
ahu idinla jiray, oo waxba uma aydaan baahan.
8 Oo sidaas daraaddeed ayaynu walaalaheen reer Ceesaw oo Buur Seciir
degganaa ku soo dhaafnay jidka Caraabaah ee ka soo baxa Eelad iyo Cesyoon Geber.
Markaasaynu leexannay oo waxaynu soo marnay jidka cidlada Moo'aab.
9 Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Reer Moo'aab ha dhibin, dagaalna ha kula diririn,
waayo, dalkooda waxba hanti idiinka siin maayo, maxaa yeelay, Caar waxaan hanti
u siiyey reer Luud. 10 (Waagii hore waxaa halkaas degganaan
jiray reer Eymiim oo ahaa dad waaweyn oo badan oo dhaadheer sida reer Canaaq.
11 Oo kuwaasna sida reer Canaaq ayaa waxaa la odhan jiray Refaa'iim,
laakiinse reer Moo'aab waxay iyaga ku magacaabaan reer Eymiim.
12 Oo reer Xorna waagii hore waxay degganaan jireen Seciir, laakiinse reer Ceesaw
ayaa daba hantiyey oo hortooda ka baabbi'iyey, oo meeshoodii degay, sida reer binu
Israa'iil ay ku sameeyeen dalkii ay hantiyeen oo Rabbigu iyaga siiyey.)
13 Haddaba kaca oo ka gudba durdurka Sered. Oo markaasaynu ka gudubnay
durdurkii Sered. 14 Oo wakhtigii u dhexeeyey waagii aan Qaadeesh
Barneeca ka soo kacnay iyo markii aan durdurka Sered ka soo gudubnay wuxuu ahaa
siddeed iyo soddon sannadood, ilamaa qarnigii dagaalyahannada ahaa oo dhan laga
wada baabbi'iyey xerada dhexdeedii, sidii Rabbigu iyaga ugu dhaartay.
15 Oo weliba gacantii Rabbigu iyaga gees bay ka ahayd, si iyaga
looga wada baabbi'iyo xerada dhexdeeda jeeray wada baabba'aan.
16 Markii dadkii dagaalyahannada ahaa oo dhammu ay wada baabbe'een
oo ay dadka dhexdiisii ka wada le'deen, 17 ayuu Rabbigu ila
hadlay oo igu yidhi, 18 Maanta waa inaad ka gudubtaa Caar
oo ah soohdinta dalka Moo'aab, 19 oo markaad u soo dhowaato
reer Cammoon, iyaga ha dhibin hana la diririn, waayo, waxba hanti idiinka siin maayo
dalka reer Cammoon, maxaa yeelay, halkaas waxaan hanti u siiyey reer Luud.
20 (Weliba dalkaasna waxaa lagu tiriyaa inuu yahay dalkii reer Refaa'iim,
maxaa yeelay, waagii hore waxaa halkaas degganaan jiray reer Refaa'iim, laakiinse
reer Cammoon waxay iyaga ku magacaabaan Samsummiim, 21 oo
ahaa dad waaweyn oo badan oo dhaadheer sida reer Canaaq, laakiinse Rabbiga ayaa
hortooda ka baabbi'iyey, kolkaasay daba hantiyeen oo meeshoodii degeen,
22 siduu reer Ceesaw oo Buur Seciir deggan u sameeyey markuu hortooda
ka baabbi'iyey reer Xor oo ay daba hantiyeen oo ay meeshoodii degeen ilaa maantadan
la joogo. 23 Oo reer Caw oo degganaa tuulooyin tan iyo Gaasa
yiil waxaa wada baabbi'iyey oo meeshoodii degay reer Kaftoriim oo ka soo baxay Kaftoor.)
Boqorkii Xeshboon Oo Laga Adkaaday
24 Haddaba kaca oo guura, oo waxaad ka gudubtaan dooxada
Arnoon. Bal eeg, waxaan gacantaada soo geliyey boqorka Xeshboon oo Siixon ah oo
reer Amor iyo dalkiisaba. Haddaba waxaad bilowdaa inaad dalka hantidid oo aad isaga
la dagaallantaa. 25 Maanta waxaan bilaabayaa inaan cabsidaada
iyo baqdintaada ku soo dejiyo dadyowga samada ka hooseeya oo dhan, oo waxay maqli
doonaan warkaaga, kolkaasay gariiri doonaan oo kaa nixi doonaan.
26 Oo anigu waxaan cidladii Qedemood uga diray boqorkii Xeshboon
oo Siixon ahaa wargeeyayaal hadallo nabdeed sida, oo waxaan ku idhi,
27 Dalkaaga aan dhex maree. Waxaan iska marayaa jidka weyn, oo u
leexan maayo xagga midigta iyo xagga bidixda toona. 28 Wax
aan cuno lacag igaga iibso, oo biyo aan cabbana lacag iga siiso, haddaba waxaa keliyahoo
aad ii yeeshaa inaan dalka cagahayga ku dhex maro, 29 oo
ii yeel siday ii yeeleen reer Ceesaw oo deggan Buur Seciir iyo reer Moo'aab oo deggan
Caar, ilamaa aan Webi Urdun uga gudbo dalkii Rabbiga Ilaahayaga ahu na siinayo.
30 Laakiinse Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon inooma dayn
inaan dalkiisa marno, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa ruuxiisa qallafiyey oo qalbigiisana
wuxuu ka dhigay wax adag, si uu isaga u soo geliyo gacantaada siday maanta tahay.
31 Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan bilaabay
inaan Siixon iyo dalkiisaba gacantaada soo geliyo, haddaba waxaad bilowdaa inaad
hantidid aad dalkiisa dhaxashide. 32 Markaasaa Siixon iyo
dadkiisii oo dhammu inagu soo kaceen oo waxay inagula dirireen Yahas.
33 Oo Rabbiga Ilaaheenna ahu isaguu soo geliyey gacanteenna, oo
innana waynu dilnay isagii iyo wiilashiisii iyo dadkiisii oo dhanba.
34 Oo waagaasaynu wada qabsannay magaalooyinkiisii oo dhan, oo magaalooyinkii
la degganaa oo dhanna waynu wada baabbi'innay, iyo dumarkii iyo dhallaankiiba, cidna
kama aynu reebin. 35 Laakiin waxaynu booli ahaan u qaadannay
xoolihii iyo alaabtii magaalooyinka aynu qabsannay. 36 Oo
magaalo inagu adag laguma arag tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon qarkeeda,
iyo tan iyo magaalada dooxada ku dhex taal iyo tan iyo Gilecaad, maxaa yeelay, Rabbiga
Ilaaheenna ah ayaa kulligood gacanta inoo geliyey. 37 Laakiinse
waxaa keliyahoo aadan u soo dhowaan dalkii reer Cammoon, iyo Webi Yabboq dhinaciisa
oo dhan, iyo magaalooyinka dalka buuraha leh, iyo meel alla meeshii uu Rabbiga Ilaaheenna
ahu inoo diiday.
^ Dib u celi bilawga ^
3
Boqor Coog Oo Laga Adkaaday
1 Markaasaynu leexannay oo waxaynu fuulnay jidka Baashaan
u baxa, kolkaasaa waxaa inagu soo baxay Coog oo ahaa boqorkii Baashaan iyo dadkiisii
oo dhan inay inagula diriraan Edrecii. 2 Markaasuu Rabbigu
igu yidhi, Isaga ha ka cabsan, waayo, gacantaan kuu geliyey isaga iyo dadkiisa oo
dhan iyo dalkiisaba, oo waxaad isaga ku samaysaa wixii aad ku samaysay Siixon oo
ahaa boqorkii reer Amor oo Xeshboon degganaa. 3 Oo sidaasuu
Rabbiga Ilaaheenna ahu Coogna oo ahaa boqorkii Baashaan iyo dadkiisii oo dhanba
gacanteenna u soo geliyey, oo waynu wada laynay ilaa aan isagii midna u hadhin.
4 Oo waagaasaynu magaalooyinkiisii oo dhan wada qabsannay,
oo magaalo aynaan isaga ka qabsan lama arag, oo waxaynu qabsannay lixdan magaalo
oo ahayd gobolkii Argob oo dhan, kaasoo ahaa boqortooyadii Coog ee Baashaan ku tiil.
5 Oo intaas oo dhammu waxay ahaayeen magaalooyin ay ku wada
deyran yihiin derbiyo dhaadheer iyo irdo iyo qataarro, oo aanay ku jirin magaalooyin
faro badan oo aan deyrnayn. 6 Oo dhammaantood waynu wada
duminnay, oo waxaynu ku samaynay sidii aynu Siixon oo boqorkii Xeshboon ahaa ku
samaynay oo kale, waynu wada baabbi'innay magaalo kasta oo la degganaa, iyo dumarkii
iyo dhallaankiiba. 7 Laakiinse waxaynu booli ahaan u qaadannay
xoolihii iyo alaabtii magaalooyinka. 8 Oo waagaas ayaynu
dalka kala baxnay farihii labadii boqor oo reer Amor oo degganaa Webi Urdun shishadiisa
tan iyo dooxada Arnoon iyo ilaa Buur Xermoon. 9 (Reer Siidoon
waxay Xermoon ku magacaabaan Siryon, reer Amorna waxay ku magacaabaan Seniir.)
10 Waxaynu wada qaadannay magaalooyinkii bannaanka ku yiil oo dhan,
iyo dalkii Gilecaad oo dhan, iyo Baashaan oo dhan, iyo tan iyo Salkaah iyo Edrecii
kuwaasoo ahaa magaalooyinkii boqortooyadii Coog oo Baashaan ku yiil oo dhan.
11 (Waayo, boqorkii Baashaan oo ahaa Coog keligiis ayaa ka hadhay
dadkii reer Refaa'iim, oo bal eeg, sariirtiisu waxay ahayd sariir bir ah, oo dhererkeedu
wuxuu ahaa sagaal dhudhun, ballaadhkeeduna wuxuu ahaa afar dhudhun, markii nin dhudhunkiis
lagu qiyaaso. Sariirtaas sow ma oollin Rabbaah oo ku taal dalka reer Cammoon?)
Kala Qaybintii Dalka
12 Oo dalkan waagaas ayaan hanti u qaadannay. Oo tan iyo
Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon agtiisa, iyo dalka buuraha leh oo reer Gilecaad
badhkiis iyo magaalooyinkiisaba waxaan siiyey reer Ruubeen iyo reer Gaad.
13 Oo waxaan qabiilka reer Manaseh badhkiis siiyey Gilecaad inteeda
kale iyo Baashaan oo dhan oo ah boqortooyadii Coog, intaasoo ah gobolka Argob oo
dhan iyo xataa Baashaan oo dhan. (Oo intaas waxaa lagu magacaabaa dalkii reer Refaa'iim.
14 Reer Yaa'iir oo ahaa ina Manasehna wuxuu qabsaday gobolka
Argob oo dhan iyo tan iyo soohdinta reer Geshuur iyo reer Macakaah, oo Baashaanna
wuu isugu magacaabay oo u bixiyey Hawood Yaa'iir, oo ilaa maantadanna waa loo yaqaan.)
15 Oo Gilecaadna waxaan siiyey reer Maakiir. 16 Oo reer Ruubeen iyo reer Gaadna waxaan Gilecaad ka siiyey tan iyo
dooxada Arnoon taas oo ah dooxada badhtankeeda oo ah soohdinta, iyo xataa ilaa Webi
Yabboq kaasoo ah soohdinta reer Cammoon, 17 iyo Caraabaah,
iyo Webi Urdun oo soohdinta ah, tan iyo Kinnered iyo xataa ilaa badda Caraabaah
oo ah Badda Cusbada oo ka hoosaysa dalcadaha Buur Fisgaah xaggeeda bari.
18 Oo waagaas waxaan idinku amray oo idinku idhi, Rabbiga
Ilaahiinna ahu dalkan buu idiin siiyey inaad hantidaan. Raggiinna dagaalyahanka
ah oo dhammu idinkoo hub wata walaalihiinna reer binu Israa'iil hor mara oo gudba.
19 Laakiinse afooyinkiinna iyo yaryarkiinna iyo xoolihiinnu
ha iska joogeen magaalooyinkiinna aan idin siiyey, (waayo, waan ogahay inaad xoolo
badan leedihiin,) 20 ilaa uu Rabbigu nasiyo walaalihiin siduu
idiin nasiyey oo kale, oo iyana ay hantiyaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu iyaga
ka siinayo Webi Urdun shishadiisa, markaas ninkiin waluba ha ku soo noqdo hantidiisa
aan siiyey.
Muuse Oo Laga Maanacay Inuu Webiga Urdun Ka Gudbo
21 Oo waagaas ayaan Yashuuca amray oo waxaan ku idhi, Indhahaagu
way arkeen kulli wixii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku sameeyey labadan boqor. Oo boqortooyooyinka
aad u gudbaysid oo dhan Rabbigu saasuu u gelayaa. 22 Haddaba
ha ka cabsanina, waayo, waxaa idiin dagaallamaya Rabbiga Ilaahiinna ah.
23 Markaasaan Rabbiga baryay oo waxaan idhi,
24 Sayidow, Ilaahow, waxaad bilowday inaad anoo addoonkaaga ah i
tusto weynaantaada iyo gacantaada xoogga badan, waayo, waa kee ilaaha ku jiraa samada
amase dhulka oo samayn kara shuqulladaada oo kale iyo falimahaaga waaweyn oo kale?
25 Haddaba waan ku baryayaaye, aan u gudbo oo aan arko dalka
wanaagsan oo ka shisheeya Webi Urdun, kaasoo ah buurtaas wanaagsan iyo Lubnaan.
26 Laakiinse Rabbigu idinka daraaddiin buu igu cadhooday,
imana uu maqlin. Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Intaasu ha kugu filnaato, oo
mar dambe xaalkaas ha igala hadlin. 27 Haddaba u kac Buur
Fisgaah dusheeda, oo indhaha ku taag xagga galbeed iyo xagga woqooyi iyo xagga koonfureed
iyo xagga bari, maxaa yeelay, adigu ka gudbi maysid Webigan Urdun.
28 Laakiinse Yashuuca amar, oo dhiirrigeli, oo xoogee, waayo, isagu
wuu gudbi doonaa oo dadkan hor kici doonaa, oo wuxuu dhaxalsiin doonaa dalka aad
arki doontid. 29 Sidaas daraaddeed waxaan degnay dooxada
ka soo hor jeedda Beytfecoor.
^ Dib u celi bilawga ^
4
Addeeciddii Qaynuunnada Oo La Amray
1 Haddaba reer binu Israa'iilow, maqla qaynuunnada iyo xukummada
aan idin barayo oo yeela si aad u noolaataan, oo aad u gashaan oo aad u hantidaan
dalkii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idin siinayo. 2
Oo erayga aan idinku amrayo wax ha ku darina, waxna ha ka dhimina, si aad u dhawrtaan
amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan idinku amrayo. 3 Indhihiinnaad
ku aragteen wixii Rabbigu sameeyey Bacal Fecoor aawadiis, maxaa yeelay, nimankii
Bacal Fecoor raacay oo dhan Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinna wuu ka wada baabbi'iyey.
4 Laakiinse intiinnii ku hadhay Rabbiga Ilaahiinna ah midkiin
kastaaba maanta waa nool yahay. 5 Bal eega, qaynuunno iyo
xukummo ayaan idiin baray sidii Rabbiga Ilaahayga ahu igu amray, inaad saas ku dhex
samaysaan dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan. 6 Haddaba
iyaga dhawra oo sameeya, maxaa yeelay, taasu waa xigmaddiinna iyo waxgarashadiinna
aad ummadaha hortooda ku yeelanaysaan, kuwaasoo markay qaynuunnadan oo dhan maqlaan
odhan doona, Hubaal quruuntan weynu waa dad xigmad leh oo waxgarad ah.
7 Waayo, bal waa tee quruunta weyn oo leh ilaaha saas iyada ugu
dhow, siduu inoogu dhow yahay Rabbiga Ilaaheenna ahu mar alla markaynu barinno?
8 Oo bal waa tee quruunta weyn oo haysataa qaynuunno iyo
xukummo xaq u ah siduu yahay sharcigan oo dhammu ee aan maanta idin hor dhigayo?
9 Laakiin digtoonaada oo naftiinna aad u dhawra, si aydaan
u illoobin wixii indhihiinnu arkeen oo ayan cimrigiinna oo dhan qalbigiinna uga
bixin, iyagase ogeysiiya carruurtiinna iyo carruurtiinna carruurtooda.
10 Xusuusta maalintii aad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa istaagteen
oo aad Xoreeb joogteen, markii Rabbigu igu yidhi, Dadka ii soo shiri, oo anna waxaan
maqashiinayaa erayadayda inay bartaan inay iga cabsadaan intay dhulka ku nool yihiin
oo dhan, oo ay carruurtoodana saas baraan. 11 Oo idinkuna
waad soo dhowaateen oo waxaad istaagteen buurta hoosteedii, oo buurtiina waxaa ka
qaxmayay dab samada ku tolan, oo waxaa jiray madow, iyo daruur, iyo gudcur qaro
weyn. 12 Markaasaa Rabbigu idinkala hadlay dabka dhexdiisii,
oo idinku waxaad maqasheen erayada codkoodii, laakiinse wax qaab leh ma aydaan arkin,
waxaase keliyahoo aad maqasheen cod. 13 Oo wuxuu idiin caddeeyey
axdigii uu idinku amray inaad samaysaan, kaasoo ah tobanka amar, oo wuxuu iyaga
ku qoray laba loox oo dhagax ah. 14 Oo markaas Rabbigu wuxuu
igu amray inaan idin baro qaynuunno iyo xukummo, inaad ku dhex samaysaan dalka aad
ugu gudbaysaan inaad hantidaan.
Caabudiddii Sanamyada Oo Laga Maanacay
15 Haddaba aad u digtoonaada, waayo, wax qaab leh ma aydaan
arkin cayn kasta ha ahaadee maalintii Rabbigu dabka dhexdiisa idinkala hadlay oo
aad joogteen Buur Xoreeb, 16 waaba intaasoo aad iskharribtaan,
oo aad samaysaan sanam xardhan qaab kasta ha lahaadee, oo u eg lab ama dhaddig,
17 ama u eg dugaagga dhulka jooga, ama u eg haadda cirka
dhex duusha, 18 ama u eg wax dhulka gurguurta, ama u eg wax
kalluun ah oo ku jira biyaha dhulka ka hooseeya. 19 Ama waa
intaasoo aad indhaha samada kor ugu taagtaan, oo markaad aragtaan qorraxda iyo dayaxa
iyo xiddigaha oo ah ciidanka samada oo dhan, laydin jiitaa oo aad caabuddaan iyaga,
oo aad u adeegtaan, kuwaasoo Rabbiga Ilaahiinna ahu u qaybiyey dadyowga samada ka
hooseeya oo dhan. 20 Laakiinse Rabbigu wuu idin qaatay, oo
wuxuu idinka soo bixiyey foornadii birta ee dalkii Masar, inaad isaga u noqotaan
dad isaga keliyahu leeyahay, siday maantadan tahay. 21 Oo
weliba Rabbigu wuu iigu cadhooday idinka daraaddiin, oo wuxuu ku dhaartay inaanan
Webi Urdun ka gudbin, iyo inaanan gelayn dalka wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu
dhaxal idiin siinayo, 22 laakiinse anigu waa inaan dalkan
ku dhintaa, oo waa inaanan Webi Urdun ka gudbayn, laakiinse idinku waad gudbi doontaan,
waanad hantiyi doontaan dalkaas wanaagsan. 23 Digtoonaada,
waaba intaasoo aad illowdaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinla dhigtay, oo aad
samaysaan sanam xardhan oo u eg waxyaalihii Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin diiday.
24 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa dab wax baabbi'iya oo
waa Ilaah masayr ah.
25 Markaad carruur dhashaan oo carruurtiinnuna carruur sii
dhasho, oo aad dalka wakhti dheer sii joogtaan, oo aad iskharribtaan, oo aad samaysataan
sanam qaab kasta ha lahaadee, oo aad samaysaan wax shar ku ah Rabbiga Ilaahiinna
ah hortiisa, oo aad isaga ka cadhaysiisaan,
26 waxaan samada iyo dhulka maanta ugu yeedhayaa inay idinku marag
furaan, inaad dhaqso uga wada baabbi'i doontaan dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan
inaad hantidaan. Dalkaas cimrigiinnu kuma raagi doono, laakiinse kulligiin waad
wada baabbi'i doontaan. 27 Oo Rabbigu wuxuu idinku kala firdhin
doonaa dadyowga dhexdooda, oo quruumaha Rabbigu xaggooda idiin hoggaamin doono idinkoo
yar ayaad ku dhex hadhi doontaan. 28 Oo halkaas waxaad u
adeegi doontaan sanamyo gacma dad lagu sameeyey oo ah qoryo iyo dhagax, oo aan waxba
arag, waxna maqal, oo aan wax cunin, waxna urin. 29 Laakiinse
haddaad halkaas Rabbiga Ilaahiinna ah ka doondoontaan, waad heli doontaan, haddaad
qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ku doondoontaan.
30 Markaad dhib ku dhex jirtaan, oo waxyaalahan oo dhammu ay idinku
dhacaan, marka u dambaysa waxaad ku soo noqon doontaan Rabbiga Ilaahiinna ah, codkiisana
waad dhegaysan doontaan, 31 maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna
ahu waa Ilaah naxariis badan, oo isagu idin gabi maayo, idinna baabbi'in maayo,
illoobina maayo axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay.
Rabbiga Waa Ilaah
32 Bal haatan weyddii waayihii tegey oo idinka horreeyey,
ilamaa maalintii Ilaah dadka ku abuuray dhulka, iyo samada geesteed ilaa geesteeda
kale, inay jireen ama la maqlay wax sidan oo kale u weyn.
33 War weligeed dad ma maqlay codkii Ilaah oo ka hadlaya dab dhexdiisa sidaad u
maqasheen oo kale, oo ma sii noolaaday? 34 Oo weligiis Ilaah
maysku dayay inuu quruun dhexdeed kala soo baxo quruun kale, oo ma kaga soo bixiyey
jirrabaadyo, iyo calaamooyin, iyo yaabab, iyo dagaal, iyo gacan xoog badan, iyo
cudud fidsan, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkoo u jeeda uu idiinku sameeyey dalkii
Masar? 35 Oo taas waxaa laydiin tusay inaad ogaataan in Rabbigu
yahay Ilaah, oo isaga mooyaane mid kale ma jiro. 36 Oo isagu
samaduu codkiisa idinka maqashiiyey si uu wax idiin baro, oo dhulka dushiisana wuxuu
idinka tusay dabkiisii weynaa, oo erayadiisiina waad ka maqashay dabka dhexdiisa.
37 Wuxuu jeclaa awowayaashiin, oo sidaas daraaddeed ayuu
doortay farcankoodii iyaga ka dambeeyey, oo wuxuu dalkii Masar idinkaga soo bixiyey
lajiriddiisa iyo xooggiisa weyn, 38 iyo inuu hortiinna ka
eryo quruumo idinka waaweyn oo idinka xoog badan, oo uu dalkooda idin geliyo oo
uu dhaxal idiin siiyo siday maanta tahay. 39 Haddaba maanta
ogaada oo qalbiga geliya in Rabbigu yahay Ilaah jooga xagga samada sare iyo xagga
dhulka hooseba, oo isaga mooyaane uusan mid kale jirin.
40 Oo waa inaad dhawrtaan qaynuunnadiisa iyo amarradiisa aan maanta
idinku amrayo, inaad idinka iyo carruurtiinna idinka dambaysaaba nabdoonaataan,
oo uu cimrigiinnu ku dheeraado dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo inaad weligiin
lahaataan.
Magaalooyinkii Magangalka
41 Markaasaa Muuse wuxuu gooni ka dhigay saddex magaalo oo
ku taal Webi Urdun shishadiisa xagga qorrax ka soo baxa,
42 in gacankudhiiglihii deriskiisa kama' u dilo, isagoo aan wakhti hore nebcayn,
uu halkaas ku cararo, iyo in hadduu magaalooyinkan middood ku cararo uu noolaado.
43 Saddexdaas magaalona waxay ahaayeen Beser oo ku taal cidlada
ah waddanka bannaan oo uu u doortay reer Ruubeen, iyo Raamod oo Gilecaad ku taal
oo uu u doortay reer Gaad, iyo Goolaan oo Baashaan ku taal oo uu u doortay reer
Manaseh.
Sharciga Oo La Hor Dhigay
44 Oo kanu waa sharcigii Muuse hor dhigay reer binu Israa'iil,
45 kuwanuna waa markhaatifurkii iyo qaynuunnadii iyo xukummadii
uu Muuse kula hadlay reer binu Israa'iil markay dalkii Masar ka soo baxeen,
46 iyagoo jooga dooxada Webi Urdun ka shishaysa oo ka soo hor jeedda
Beytfecoor oo ku taal dalkii boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo Xeshboon degganaa
oo Muuse iyo reer binu Israa'iil ay dileen waagii ay dalka Masar ka soo baxeen.
47 Oo dalkiisii bay hanti u qaateen iyo dalkii boqorkii Baashaan
oo Coog ahaa, kuwaasoo ahaa labadii boqor oo reer Amor oo joogay Webi Urdun shishadiisa
xagga qorrax ka soo baxa. 48 Waxay qabsadeen tan iyo Carooceer
oo ku taal Dooxada Arnoon qarkiisa iyo xataa Buur Sii'oon (taasu waa Buur Xermoon),
49 iyo Caraabaah Webi Urdun ka shishaysa oo dhan oo xagga
bari ka xigta, iyo tan iyo badda Caraabaah oo ka hoosaysa dalcadaha Buur Fisgaah.
^ Dib u celi bilawga ^
5
Tobankii Amar
1 Markaasaa Muuse u wada yeedhay dadkii reer binu Israa'iil
oo dhan oo wuxuu ku yidhi, Reer binu Israa'iilow, maqla qaynuunnada iyo xukummada
aan maanta dhegahiinna kula hadlayo inaad iyaga barataan oo aad dhawrtaan si aad
u samaysaan. 2 Rabbiga Ilaaheenna ahu innagoo Xoreeb joogna
ayuu axdi inala dhigtay. 3 Oo Rabbigu axdigaas lama uu dhigan
awowayaasheen, laakiinse wuxuu la dhigtay innagoo ah inteenna maanta nool oo halkan
wada joogta oo dhan. 4 Oo Rabbigu isagoo buurta jooga fool
ka fool ayuu dabka dhexdiisa idiinkala hadlay, 5 (oo anna
markaas waxaan istaagay Rabbiga iyo idinka dhexdiinna si aan idiin tuso Eraygii
Rabbiga, waayo, waxaad ka cabsanayseen dabka, oo buurtana ma aydaan fuulin,) oo
isaguna wuxuu yidhi,
6 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey
dalkii Masar, iyo gurigii addoonsiga.
7 Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.
8 Waa inaanad samaysan sanam xardhan, oo u eg waxa samada
sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.
9 Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga
oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayr ah, oo xumaantii awowayaasha
waxaan soo gaadhsiinayaa carruurtooda, iyo tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad
oo kuwa i neceb, 10 oo waxaan u naxariistaa kumanyaal ah
kuwa i jecel oo amarradayda xajiya.
11 Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu
hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu
hadal qaada.
12 Dhawr maalinta sabtida inaad quduus ka dhigto sidii Rabbiga
Ilaahaaga ahu kuugu amray. 13 Lix maalmood waa inaad hawshootaa,
oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa, 14 laakiinse maalinta
toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban,
adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama dibigaaga,
ama dameerkaaga, ama mid kasta oo xoolahaaga ah, ama qariibka irdahaaga ku jira,
si addoonkaaga iyo addoontaaduba ay u nastaan sidaada oo kale.
15 Oo waa inaad xusuusataa inaad addoon ku ahaan jirtay dalka Masar,
oo Rabbiga Ilaahaaga ahu uu halkaas kaaga soo bixiyey gacan xoog badan iyo cudud
fidsan, oo sidaas daraaddeed Rabbiga Ilaahaaga ahu wuxuu kugu amray inaad dhawrto
maalinta sabtida.
16 Aabbahaa iyo hooyadaa u maamuus sidii Rabbiga Ilaahaaga
ahu kugu amray, in cimrigaagu dheeraado, oo aad ku nabdoonaatid dalka Rabbiga Ilaahaaga
ahu ku siiyo.
17 Waa inaadan qudh gooyn.
18 Oo waa inaadan sinaysan.
19 Oo waa inaadan waxba xadin.
20 Oo waa inaadan deriskaaga marag been ah ku furin.
21 Oo waa inaadan damcin naagta deriskaaga, oo waa inaanad
damcin guriga deriskaaga, ama beertiisa, ama addoonkiisa, ama addoontiisa, ama dibigiisa,
ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay oo dhan.
22 Erayadaas wuxuu Rabbigu, isagoo buurta jooga, dab iyo
daruur iyo gudcur qaro weyn dhexdooda shirkiinna oo dhan kagala hadlay cod weyn,
wax kalena kuma uu darin. Oo wuxuu ku qoray laba loox oo dhagax ah, markaasuu i
siiyey. 23 Markaad codka ka dhex maqasheen gudcurka, iyadoo
buurta dab ka qaxmayo, ayaad ii soo dhowaateen idinkoo ah madaxdii qabiilooyinkiinna
iyo duqowdiinnii oo dhanba, 24 oo waxaad tidhaahdeen, Bal
eega, Rabbiga Ilaaheenna ahu wuxuu ina tusay ammaantiisa iyo weynaantiisa, codkiisiina
waynu ka maqalnay dabka dhexdiisa, oo maanta waxaan ogaannay in Rabbigu dadka la
hadlo oo uu isagu nool yahay. 25 Haddaba bal maxaynu u leennahay
inaynu dhimanno? Waayo, dabkan weyn baa ina baabbi'inaya, oo haddaynu sii maqalno
codka Rabbiga Ilaaheenna ah waynu dhimanaynaa. 26 Waayo,
binu-aadmiga oo dhan bal yaa weligiis codka Ilaaha nool oo dabka dhexdiisa ka hadlaya
maqlay, sidaan u maqalnay oo kale, oo sii noolaaday?
27 Haddaba adigu u dhowow oo soo maqal kulli waxa Rabbiga Ilaaheenna
ahu odhan doono oo dhan, oo noo soo sheeg kulli waxa Rabbiga Ilaaheenna ahu kuu
sheegi doono oo dhan, oo annana markaasaannu maqlaynaa oo yelaynaa. 28 Markaasaa Rabbigu maqlay codkii erayadiinna markaad ila hadasheen,
oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waan maqlay codkii erayada dadkan, oo ay kugula hadleen,
oo wixii ay ku hadleen oo dhan si wanaagsan bay u yidhaahdeen.
29 Waxaan jeclaan lahaa in qalbi sidaas ahu uu iyaga ku jiro si ay iiga cabsadaan
oo ay had iyo goorba u dhawraan amarradayda inay iyaga iyo carruurtooduba weligood
nabdoonaadaan! 30 Haddaba u tag oo waxaad ku tidhaahdaa,
Teendhooyinkiinnii ku noqda. 31 Laakiinse adigu waxaad soo
istaagtaa halkan agtayda ah, oo anaa kuu sheegaya amarka, iyo qaynuunnada, iyo xukummada
aad iyaga bari doontid oo dhan inay ku sameeyaan dalka aan hantida u siinayo.
32 Haddaba waa inaad dhawrtaan oo u samaysaan sida Rabbiga Ilaahiinna
ahu idiinku amray. Waa inaydaan u leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.
33 Waa inaad ku socotaan jidkii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku
amray oo dhan aad noolaataane inaad nabdoonaataan oo uu cimrigiinnu ku dheeraado
dalka aad hantiyi doontaan.
^ Dib u celi bilawga ^
6
Jeclaada Rabbiga Ilaahiinna Ah
1 Haddaba waxanu waa amarkii, iyo qaynuunnadii, iyo xukummadii
uu Rabbiga Ilaahiinna ahu amray inaan idin baro, inaad ku dhex samaysaan dalka aad
ugu gudbaysaan inaad hantidaan, 2 oo aad Rabbiga Ilaahiinna
ah ka cabsataan, oo aad wada xajisaan qaynuunnadiisa iyo amarradiisa aan idinku
amrayo oo dhan. Waa inaad idinka iyo wiilashiinna iyo wiilashiinna wiilashooduba
wada dhawrtaan intaad nooshihiin oo dhan in cimrigiinnu dheeraado.
3 Haddaba reer binu Israa'iilow, maqla oo yeela si aad u nabdoonaataan
oo aad ugu badataan dal caano iyo malab la barwaaqaysan sidii Rabbiga ah Ilaaha
awowayaashiin uu idiin ballanqaaday.
4 Maqal, Israa'iilow, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa Rabbi keliya.
5 Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga
oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo xooggaaga oo dhan. 6 Oo
erayadan aan maanta kugu amrayo ha ku sii jireen qalbigaaga.
7 Oo waa inaad carruurtaada aad u bartaa oo aad kula hadashaa markaad gurigaaga
fadhido, iyo markaad jid marto, iyo markaad jiifto, iyo markaad sara joogtaba.
8 Waa inaad iyaga calaamad ka dhigtaa oo gacantaada ku xidhaa, oo
iyagu ha kuu ahaadeen qardhaas indhaha dhexdooda kuugu xidhan.
9 Oo waa inaad ku qortaa tiirarka albaabka gurigaaga iyo irdahaagaba.
10 Oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalkii uu
ugu dhaartay inuu siiyo awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub, oo
uu idin siiyo magaalooyin waaweyn oo wanwanaagsan oo aydaan dhisan,
11 iyo guryo waxyaalo wanwanaagsanu ay ka buuxaan oo aydaan buuxin,
iyo ceelal qodan oo aydaan qodan, iyo beero canab ah iyo geedo saytuun ah oo aydaan
beeran, oo intaad wax ka cuntaan aad dheregtaan, 12 de markaas
iska jira oo ha illoobina Rabbigii idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.
13 Oo waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka cabsataa, oo u adeegtaa
oo magiciisa ku dhaarataa. 14 Oo idinku waa inaydaan daba
gelin ilaahyo kale oo ah ilaahyada dadyowga hareerihiinna ku wareegsan,
15 maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ah oo dhexdiinna joogaa waa
Ilaah masayr ah, waaba intaasoo Rabbiga Ilaahiinna ahu intuu aad idiinku cadhoodo
uu dhulka idinka wada baabbi'iyaa.
16 Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah u jirrabin sidaad Masaah
ugu jirrabteen oo kale. 17 Oo waa inaad aad u xajisaan Rabbiga
Ilaahiinna ah amarradiisa iyo markhaatifurkiisa iyo qaynuunnadiisa uu idinku amray.
18 Waa inaad samaysaan wixii Rabbiga hortiisa ku qumman oo
ku wanaagsan inaad nabdoonaataan oo aad intaad gashaan hantidaan dalka wanaagsan
oo Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin, 19 oo aad cadaawayaashiinna
oo dhan hortiinna ka eridaan sidii Rabbigu idiin sheegay.
20 Wakhtiga iman doona markii wiilkaagu wax ku weyddiiyo
oo kugu yidhaahdo, Markhaatifurka iyo qaynuunnada iyo xukummada uu Rabbiga Ilaaheenna
ahu idinku amray micnahoodu waa maxay? 21 Markaas waxaad
wiilkaaga ku tidhaahdaa, Annagu Fircoon baannu addoommo ugu ahaan jirnay dalka Masar,
markaasaa Rabbigu Masar nagaga soo bixiyey gacan xoog badan,
22 oo Rabbigu annagoo u jeedna ayuu Masar iyo Fircoon iyo reerkiisii
oo dhan ku sameeyey calaamooyin iyo yaabab waaweyn oo adadag.
23 Oo halkaas wuu naga soo bixiyey inuu na keeno oo na siiyo dalkii uu ugu dhaartay
awowayaasheen. 24 Oo Rabbigu waa nagu amray inaannu samayno
qaynuunnadan oo dhan oo aannu wanaaggayaga aawadiis weligayo uga cabsanno Rabbiga
Ilaahayaga ah, inuu nolosha noogu daayo siday maanta tahay.
25 Oo waxay inoo ahaanaysaa xaqnimo haddaynu dhawrno oo aynu amarkan oo dhan ku
samayno Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, siduu inoogu amray.
^ Dib u celi bilawga ^
7
Ka Eryintii Quruumaha
1 Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalka aad ugu
socotaan inaad hantidaan, oo uu hortiinna ka eryo quruumo badan oo ah reer Xeed,
iyo reer Girgaash, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi,
iyo reer Yebuus, kuwaasoo ah toddoba quruumood oo idinka weyn oo idinka xoog badan,
2 oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacanta idiin soo
geliyo, oo aad iyaga laysaan, markaas waa inaad iyaga dhammaantood wada baabbi'isaan.
Waa inaydaan axdi la dhigan, oo aydaan u naxariisan innaba.
3 Oo idinka iyo iyaga yuusan guur idin dhex marin, oo gabadhiinna wiilkiisa ha siinina,
wiilkiinna gabadhiisana ha u guurinina. 4 Waayo, isagu wuxuu
wiilkiinna ka leexin doonaa aniga lasocodkayga inay iyagu u adeegaan ilaahyo kale,
sidaas daraaddeed Rabbiga cadhadiisu aad bay idiinku kululaan doontaa, markaasuu
haddiiba idin baabbi'in doonaa. 5 Laakiinse iyaga waa inaad
sidan kula macaamilootaan, meelahooda allabariga waa inaad dumisaan, oo aad tiirarkoodana
burburisaan, oo aad geedahooda Asheeraahna gooysaan, oo aad sanamyadooda xardhanna
gubtaan. 6 Waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad
quduus ah, oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idiin doortay inaad ahaataan dad hanti
isaga uga ah dadyowga dhulka jooga oo dhan. 7 Badnaan aad
dadadka kale ka badan tihiin Rabbigu idiinma jeclaan oo idiinma dooran saas aawadeed,
waayo, idinku dadyowga oo dhan waad ugu wada yaraydeen,
8 laakiinse Rabbigu wuu idin jecel yahay, oo wuxuu doonayaa inuu
oofiyo dhaartii uu awowayaashiin ugu dhaartay, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu
idinku soo bixiyey gacan xoog badan, oo wuxuu idinka soo furtay gurigii addoonsiga
iyo boqorkii Masar oo Fircoon ahaa gacantiisii. 9 Haddaba
bal ogaada in Rabbiga Ilaahiinna ahu Ilaah yahay, oo isagu yahay Ilaaha aaminka
ah oo axdiga dhawra, oo tan iyo kun qarni u naxariista kuwa isaga jecel oo amarkiisa
xajiya. 10 Oo kuwa isaga necebna si uu u baabbi'iyo ayuu
abaalgudkooda toos u mariyaa; ka raajin maayo kii isaga neceb ee abaalgudkiisa haddiiba
toos buu u marinayaa. 11 Haddaba waa inaad dhawrtaan amarka
iyo qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idinku amrayo inaad yeeshaan.
12 Xukummadaas haddaad maqashaan oo aad xajisaan oo aad samaysaan
ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin xajin doonaa axdigii iyo naxariistii uu awowayaashiin
ugu dhaartay, 13 wuuna idin jeclaan doonaa oo idin barakayn
doonaa oo idin tarmin doonaa, oo weliba wuxuu kaloo barakayn doonaa midhaha jidhkiinna
iyo midhaha dhulkiinna oo ah hadhuudhkiinna iyo khamrigiinna iyo saliiddiinna iyo
taranka lo'diinna iyo ubadka idihiinna, dhammaan wuxuuna ku barakayn doonaa dalkii
uu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo. 14 Oo dadyowga
oo dhan waad ka barako badnaan doontaan, oo idinka iyo xoolihiinna toona lab iyo
dhaddigba laguma arki doono madhalays. 15 Oo Rabbigu wuxuu
idinka qaadi doonaa cudur kasta, oo isagu idinku ridi maayo cudurradii Masar oo
xunxumaa oo aad tiqiin midnaba, laakiinse kulligood wuxuu ku wada ridi doonaa kuwa
idin neceb oo dhan. 16 Oo waa inaad wada baabbi'isaan dadyowga
Rabbiga Ilaahiinna ahu gacanta idiin soo gelin doono, oo waa inaydaan iyaga u nixin,
oo ilaahyadoodana waa inaydaan u adeegin, maxaa yeelay, taasu dabin bay idiin noqonaysaa.
17 Oo haddaad qalbiga iska tidhaahdaan, Quruumahanu way naga
badan yihiin haddaba bal sidee baannu iyaga u hanti tiri karnaa?
18 waa inaydaan ka cabsan, oo waa inaad aad u xusuusataan wixii
Rabbiga Ilaahiinna ahu ku sameeyey Fircoon iyo dalkii Masar oo dhan.
19 Xusuusta jirrabyadii waaweynaa oo aad aragteen, iyo calaamooyinkii,
iyo yaababkii, iyo gacantii xoogga badnayd, iyo cududdii fidsanayd ee uu Rabbiga
Ilaahiinna ahu idinku soo bixiyey, oo sidaasoo kalaa Rabbiga Ilaahiinna ahu ku wada
samayn doonaa dadyowga aad ka cabsanaysaan oo dhan. 20 Oo
weliba Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu iyaga dhexdooda u soo diri doonaa xoon ilamaa
inta ka hadhay oo dhuumatay ay hortiinna ka wada baabba'aan.
21 Waa inaydaan iyaga ka baqin, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinnuu joogaa,
oo isagu waa Ilaah weyn oo laga cabsado aad iyo aad. 22 Oo
Rabbiga Ilaahiinna ahu quruumahaas aayar aayar ayuu hortiinna uga eryi doonaa. Oo
waa inaydaan iyaga mar qudha baabbi'in si aan dugaagga duurku idiinku badan.
23 Laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu gacantiinnuu soo gelin doonaa,
oo jeeray wada baabba'aan wuxuu idiinkaga nixin doonaa naxdin weyn. 24 Oo boqorradooda wuxuu soo gelin doonaa gacantiinna, oo magacooda
waa inaad ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa, oo ninnaba ma awoodi doono inuu
hortiinna istaago jeeraad iyaga wada baabbi'isaan. 25 Oo
sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo
dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu
waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo. 26 Gurigiinnana
waa inaydaan soo gelin wax karaahiyo ah, si aydaan sideeda oo kale wax xaaraan ah
u noqon. Waa inaad kulligood ka yaqyaqsataan oo aad iyo aad u nacdaan, maxaa yeelay,
waxaasu waa xaaraan.
^ Dib u celi bilawga ^
8
Ha Illoobina Rabbiga
1 Oo amarka aan maanta idinku amrayo oo dhan waa inaad wada
samaysaan si aad u noolaataan oo u tarantaan oo aad u gashaan oo u hantidaan dalkii
Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin. 2 Oo waa inaad xusuusataan
jidkii uu Rabbiga Ilaahiinna ahu afartankan sannadood idinku soo dhex mariyey cidladii,
si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo si uu u ogaado wixii qalbigiinna ku jiray,
bal inaad amarradiisa xajinaysaan iyo in kale. 3 Wuu idin
hoosaysiiyey, oo gaajuu idinku riday, oo wuxuu idinku quudiyey maanna aydaan aqoon
oo awowayaashiinna ayan aqoon, inuu idin ogeysiiyo inaan dadku kibis oo keliya ku
noolaan, laakiinse uu dadku eray walba oo afka Rabbiga ka soo baxa ku noolaado.
4 Oo afartankan sannadood dharkiinnii aad qabteen idinkama
duugoobin oo cagihiinnuna marna ma bararin. 5 Oo waa inaad
qalbigiinna kaga fikirtaan in Rabbigu idin edbiyo sida nin wiilkiisa u edbiyo.
6 Oo waa inaad xajisaan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah inaad jidadkiisa
ku socotaan oo aad isaga ka cabsataan. 7 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna
ahu wuxuu idin keenayaa dal wanaagsan oo ah dal ay ka buuxaan durdurro biyo ah,
iyo ilo, iyo biyo mool dheer oo ka soo baxaya dooxooyin iyo buuro.
8 Waa dal ay ka buuxaan sarreen iyo shaciir, iyo geedo canab ah
iyo geedo berde ah, iyo rummaan, oo waa dal ay ka buuxaan saliidsaytuun iyo malab,
9 oo waa dal aad waayitaanla'aan kibis kaga cunaysaan oo
aydaan waxba uga baahnayn, waa dal dhagaxyadiisu ay bir yihiin, oo aad buurihiisana
naxaas ka qodan doontaan. 10 Oo intaad wax cuntaan ayaad
dhergi doontaan, oo markaasaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu mahadnaqi doontaan dalka
wanaagsan oo uu idin siiyey. 11 Digtoonaada, waaba intaasoo
aad Rabbiga Ilaahiinna ah illowdaan markaad xajin weydaan amarradiisa iyo xukummadiisa
iyo qaynuunnadiisa, oo aan maanta idinku amrayo, 12 oo markaad
wax cuntaan oo aad dheregtaan, oo aad guryo wanaagsan dhisataan oo aad degtaan,
13 oo lo'diinna iyo idihiinnu ay tarmaan, oo lacagtiinna
iyo dahabkiinnuna ay bataan, oo waxaad haysataan oo dhammuna ay tarmaan,
14 uu qalbigiinnu kor u kacaa oo aad illowdaan Rabbiga Ilaahiinna
ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.
15 Isagaa idin soo dhex mariyey cidladii weynayd oo cabsida badnayd oo ay ka buuxeen
abeesooyin qaniinyo kulul iyo hangarallayaal, oo ahaa dhul oommane ah oo aan biyo
lahayn, oo dhagaxmadowgii ayuu biyo idiinka soo bixiyey.
16 Oo intaad cidladii joogtay ayuu idinku quudiyey maanna aan awowayaashiinna aqoon.
Waxaas oo dhan wuxuu u sameeyey si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo, si uu
ugu dambaystiinna wanaag idiinku sameeyo, 17 waaba intaasoo
aad qalbiga iska tidhaahdaan, Xooggayaga iyo itaalka gacantayada ayaannu maalkan
ku helnay. 18 Laakiinse waa inaad xusuusataan Rabbiga Ilaahiinna
ah, waayo, kan xoogga aad maalka ku heshaan idin siiyaa waa isaga, inuu adkeeyo
axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay, siday maanta tahay.
19 Oo haddaad Rabbiga Ilaahiinna ah illowdaan oo aad ilaahyo kale
raacdaan oo u adeegtaan oo caabuddaan, hubaal waxaan maanta idiin markhaati furayaa
inaad baabba'aysaan. 20 Sidii quruumihii Rabbigu hortiinna
ka baabbi'iyey oo kale ayaad idinkuna baabba'aysaan, maxaa yeelay, waad diiddeen
inaad codkii Rabbiga Ilaahiinna ah maqashaan.
^ Dib u celi bilawga ^
9
Ma Ahaan Xaqnimadii Reer Binu Israa'iil Aawadeed
1 Reer binu Israa'iilow, maqla, maanta waa inaad Webi Urdun
ka gudubtaan inaad gashaan oo hantidaan quruumo idinka waaweyn oo idinka sii xoog
badan iyo magaalooyin waaweyn oo deyrkoodu samada ku tolan yahay,
2 oo dadkoodu yihiin dad waaweyn oo dhaadheer oo ah reer Canaaq, oo aad taqaanaan
oo aad maqasheen in la yidhi, Bal yaa reer Canaaq hor istaagi kara?
3 Haddaba bal maanta ogaada in Rabbiga Ilaahiinna ahu yahay kan
hortiin gudbaya isagoo ah sida dab wax baabbi'iya. Iyaga wuu baabbi'in doonaa oo
hortiinnuu ku soo ridi doonaa, oo sidaasaad u eryi doontaan oo aad haddiiba baabbi'in
doontaan, siduu Rabbigu idiin sheegay. 4 Markii Rabbiga Ilaahiinna
ahu iyaga idinka hor eryo ka dib, qalbiga ha iska odhanina, Xaqnimadayada aawadeed
ayaa Rabbigu dalkan noo keenay inaannu hantinno, waayo, Rabbigu wuxuu quruumahaas
idiinka hor erya waa sharkoodii aawadiis. 5 Oo xaqnimadiinna
iyo qummanaanta qalbigiinna midna kuma aydaan hantiyin dalkooda, laakiinse Rabbiga
Ilaahiinna ahu quruumahaas sharkoodii aawadiis ayuu idinka hor eryayaa, iyo in Rabbigu
sii adkeeyo eraygii uu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo
Yacquub. 6 Haddaba ogaada inuusan Rabbiga Ilaahiinna ahu
dalkan wanaagsan idiin siinayn inaad hantidaan xaqnimadiinna aawadeed, waayo, waxaad
tihiin dad madax adag.
Weyshii Dahabka Ahayd
7 Bal xusuusta oo ha illoobina sidaad Rabbiga Ilaahiinna
ah uga xanaajiseen markaad cidladii joogteen. Oo tan iyo maalintii aad dalkii Masar
ka soo baxdeen iyo ilamaa aad halkan timaadeen Rabbigaad ku caasiyoobayseen.
8 Oo weliba markaad Xoreeb joogteenna Rabbiga waad ka xanaajiseen,
markaasaa Rabbigu idiin cadhooday oo wuxuu damcay inuu idin baabbi'iyo.
9 Oo markaan buurta fuulay inaan soo helo looxyadii dhagaxa ahaa,
kuwaasoo ahaa looxyadii uu ku qornaa axdigii Rabbigu idinla dhigtay, markaasaan
buurta joogay afartan maalmood iyo afartan habeen, oo intaasna baadna ma cunin biyana
ma cabbin. 10 Markaasaa Rabbigu wuxuu ii soo dhiibay labadii
loox oo dhagaxa ahayd oo lagu qoray fartii Ilaah, oo waxaa ku qornaa kulli erayadii
uu Rabbigu maalintii shirka idinkagala hadlay dabka dhexdiisa isagoo buurta jooga.
11 Afartan maalmood iyo afartan habeen ka dib ayaa Rabbigu
i soo siiyey labadii loox oo dhagaxa ahayd, kuwaasoo ahaa looxyadii axdiga.
12 Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Kac oo halkan dhaqso uga deg,
waayo, dadkii aad dalkii Masar ka soo bixisay way iskharribeen, oo haddiiba way
ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen sanam la shubay.
13 Oo weliba waxaa kaloo Rabbigu igula hadlay oo igu yidhi, Anigu
dadkan waan arkay oo bal eeg waa dad madax adag, 14 haddaba
iska kay daa, aan baabbi'iyee, oo aan magacooda samada hoosteeda ka tiree, oo waxaan
adiga kaa dhigi doonaa quruun iyaga ka xoog badan oo ka sii weyn.
15 Markaasaan jeestay oo buurtii hoos uga degay, oo buurtiina dab
baa ka qaxmayay, oo labadii loox oo axdiguna waxay ku jireen labadayda gacmood.
16 Oo anna wax baan fiiriyey oo waxaan arkay inaad ku dembaabteen
Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waxaad samaysateen weyl dahab la shubay ah, oo haddiiba
gees baad uga leexateen jidkii Rabbigu idinku amray. 17 Markaasaan
qaaday labadii loox, oo labadaydii gacmood ayaan ka tuuray oo indhihiinna hortooda
ku jejebiyey. 18 Markaasaan Rabbiga hortiisa ku dhacay oo
joogay afartan maalmood iyo afartan habeen sidii markii hore, oo anigu baadna ma
cunin, biyana ma cabbin, maxaa yeelay, sababtu waa dembigiinnii aad dembaabteen
oo dhan, markaad samayseen wax Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo aad isaga kaga
xanaajiseen. 19 Maxaa yeelay, waan ka cabsaday cadhadii iyo
xanaaqii kululaa oo Rabbigu dhirfay oo uu damcay inuu idinku baabbi'iyo. Laakiinse
Rabbigu markaasna wuu i maqlay. 20 Oo Rabbigu Haaruunna aad
buu ugu cadhooday, oo wuxuu damcay inuu isaga baabbi'iyo, laakiinse anigu Haaruunna
isla markaasaan Rabbiga u baryay. 21 Markaasaan qaaday dembigiinnii
ahaa weyshii aad samaysateen, waanan gubay oo ku dul joogjoogsaday oo daqiijiyey,
ilaa ay sida boodhka oo kale noqotay, oo boodhkeediina waxaan ku shubay durdurka
buurta ka soo dega. 22 Oo waxaad kaloo Rabbiga ka cadhaysiiseen
markaad Tabceeraah joogteen, iyo markaad Masaah joogteen, iyo markaad Qibrood Xatawaah
joogteen. | | |