Nolosha Cusub
Skip Navigation Links
EXO
KITAABKII LABAAD EE MUUSE EE LA YIDHAAHDO
BAXNIINTII

Si aad u hesho cutubka aad rabtid, fadlan riix lambarka liiska:


1


Reer Binu Israa'iil Oo La Cadaadiyey

1 Haddaba waa kuwan magacyadii wiilashii Israa'iil, oo Masar yimid; nin walba iyo reerkiisiiba waxay la yimaadeen Yacquub. 2 Ruubeen, Simecoon, Laawi iyo Yahuudah, 3 Isaakaar, Sebulun, iyo Benyaamiin, 4 Daan iyo Naftaali, iyo Gaad iyo Aasheer. 5 Oo dadkii ka soo go'ay xanjaadkii Yacquub oo dhammu waxay ahaayeen toddobaatan qof; Yuusufna Masar buu markii hore joogay. 6 Yuusufna, iyo walaalihiis, iyo farcankaas oo dhanba way wada dhinteen. 7 Oo reer binu Israa'iilna waa bateen, oo aad bay u kordheen, wayna tarmeen, oo aad iyo aad u xoogaysteen; dhulkiina way buuxiyeen.

8 Haddaba Masar waxaa ka kacay boqor cusub oo aan Yuusuf aqoonin. 9 Markaasuu wuxuu dadkiisii ku yidhi, Bal eega, dadkii reer binu Israa'iil waa inaga badan yihiin, wayna inaga xoog weyn yihiin. 10 Kaalaya, aynu si caqli ah ula macaamiloonnee; waaba intaasoo ay tarmaan, oo ay markuu dagaal dhaco cadaawayaasheenna inoogu darmadaan, oo intay inala diriraan ay dalka ka baxaane. 11 Haddaba sidaas daraaddeed ayay niman madax uga dhigeen si ay culaabtooda ugu dhibaan, oo waxay Fircoon u dhiseen magaalooyin wax lagu kaydiyo oo la yidhaahdo Fitom iyo Racmeses. 12 Laakiinse in kastoo ay aad u dhibeen, haddana aad bay u sii tarmeen, oo aad bay u faafeen. Oo reer binu Israa'iil aawadood ayay la murugaysnaayeen. 13 Oo Masriyiintiina waxay reer binu Israa'iil ku qasbeen inay qaxar ku adeegaan, 14 oo waxay naftoodii ku dhibeen hawl aad u adag, oo ahayd dhoobo la qaso, iyo leben, iyo hawl kasta oo beeraha laga qabto, oo hawl kastoo ay ku qasbeen inay qabtaanba way ku qaxri jireen.

15 Markaasaa boqorkii Masar wuxuu la hadlay umulisooyinkii Cibraaniyadaha ahaa, oo middood magaceeda Shifraah la odhan jiray, tan kale magaceedana Fuwah la odhan jiray, 16 oo wuxuu ku yidhi, Markii aad umulinaysaan naagaha Cibraaniyadaha, oo aad aragtaan iyagoo gambarka umusha fadhiya, haddii uu wiil yahay, waa inaad dishaan, haddayse gabadh tahay, ha iska noolaato. 17 Laakiinse umulisooyinkii Ilaah bay ka cabsadeen, mana ay samayn wixii boqorkii Masar ku amray, ee way badbaadiyeen carruurtii labka ahayd. 18 Markaasaa boqorkii Masar u yeedhay umulisooyinkii, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad waxan u samayseen, oo aad u badbaadiseen carruurtii labka ahayd? 19 Markaasaa umulisooyinkii waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Maxaa yeelay, naagaha Cibraaniyaduhu la mid ma aha naagaha Masriga, oo waa ka dhaqso badan yihiin, oo intii aan umulisooyinku u iman bay umulaan. 20 Haddaba Ilaah si wanaagsan buu u sameeyey umulisooyinkii, dadkiina waa tarmay, oo aad bay u xoogaysteen. 21 Oo waxay noqotay, in Ilaah umulisooyinkii reero u yeelay, maxaa yeelay, Ilaah bay ka cabsadeen. 22 Markaasaa Fircoon wuxuu dadkiisii ku amray, oo ku yidhi, Wiil kasta oo dhasha waa inaad webiga ku tuurtaan, laakiinse gabadh kasta waa inaad badbaadisaan.

^ Dib u celi bilawga ^

2


Dhalashadii Muuse

1 Markaasaa waxaa tegey nin reer Laawi ah, oo wuxuu guursaday gabadh reer Laawi iyana ah. 2 Markaasay naagtii uuraysatay oo waxay dhashay wiil; oo markay aragtay inuu ilmo wanaagsan yahay, ayay qarisay in saddex bilood ah. 3 Oo markay in dambe qarin kari weyday, ayay waxay soo qaadday abxad caws duur ah, oo intay dhoobo iyo daamur ku malaastay ayay wiilkii ku ridday, oo waxay dhex gelisay duur webiga qarkiisa ka baxay. 4 Walaashiisna waxay taagnayd meel ka fog, inay ogaato waxa isaga lagu samayn doono. 5 Markaasaa gabadhii Fircoon webiga timid inay ku maydhato. Gabdhihii addoommada u ahaana waxay socdeen webigii dhinaciisa. Markaasay iyadu waxay aragtay abxadda duurka ku dhex jirta, oo waxay u diratay gabadhii addoonta u ahayd inay u keento. 6 Markaasay furtay, oo waxay aragtay wiilkii; oo bal eeg, yarkii waa ooyay. Kolkaasay u naxariisatay, oo waxay tidhi, Kanu waa carruurtii Cibraaniyada midkood. 7 Markaasaa walaashiis waxay gabadhii Fircoon ku tidhi, Ma kuugu yeedhaa naagaha Cibraaniyadaha middood inay kuu nuujiso ilmaha? 8 Gabadhii Fircoonna waxay ku tidhi iyadii, Haah, tag. Gabadhiina way tagtay oo waxay u yeedhay yarkii hooyadiis. 9 Markaasaa gabadhii Fircoon waxay ku tidhi iyadii, Tag, oo ilmahan qaad oo ii nuuji, oo anna waxaan ku siin doonaa mushahaaradaada. Markaasay naagtii yarkii qaadday oo nuujisay. 10 Yarkiina waa koray, markaasay u keentay gabadhii Fircoon, oo wuxuu noqday wiilkeedii. Oo waxay magiciisii u bixisay Muuse, oo waxay tidhi, Maxaa yeelay, anaa biyihii ka soo bixiyey.

Muuse Oo U Cararay Midyaan

11 Oo waayahaas, markii Muuse weynaaday, waxay noqotay inuu walaalihiis u soo baxay, oo uu fiiriyey culaabta saaran. Markaasuu wuxuu arkay mid Masri ah oo dilaya mid Cibraani ah oo walaalihiis ka mid ah. 12 Markaasuu iska fiiriyey xagga iyo xagga, oo markuu arkay inaan ciduna joogin ayuu Masrigii kaw kaga siiyey, oo ciidda ku qariyey. 13 Markaasuu haddana maalintii labaad soo baxay, oo wuxuu arkay laba nin oo Cibraaniyo ah oo isla diriraya; oo kii gardarnaa buu wuxuu ku yidhi, War maxaad u dilaysaa wadaygaa? 14 Markaasuu wuxuu yidhi, Bal yaa amiir iyo xaakin nooga kaa dhigay? Ma waxaad doonaysaa inaad ii disho sidaad u dishay Masriga? Markaasaa Muuse cabsaday, oo wuxuu isyidhi, Hubaal wixii waa la ogaaday. 15 Haddaba markii Fircoon waxaas maqlay, ayuu wuxuu doondoonay inuu Muuse nafta ka qaado. Laakiinse Muuse waa ka cararay Fircoon hortiisii, oo wuxuu degay dalka Midyaan, oo ceel buu ag fadhiistay. 16 Haddaba wadaadkii Midyaan wuxuu lahaa toddoba gabdhood. Intay ceelkii yimaadeen ayay dhaamiyeen oo berkedihii biyo ka buuxiyeen inay waraabiyaan idihii aabbahood. 17 Markaasaa adhijirro yimaadeen oo ka eryeen, laakiinse Muuse intuu istaagay, ayuu caawiyey iyagii, oo idahoodii u waraabiyey. 18 Oo markay u yimaadeen Recuu'eel oo aabbahood ah ayuu wuxuu ku yidhi, Waa sidee, maanta waad soo dhaqsateene? 19 Markaasay waxay yidhaahdeen, Midkoo Masri ah ayaa naga samatabbixiyey gacantii adhijirrada, oo weliba biyuu noo dhaamiyey oo idaha isagaa noo waraabiyey. 20 Markaasuu wuxuu gabdhihiisii ku yidhi, Isagii meeyey? De maxaad ninkii uga soo kacdeen? U yeedha, kibis ha cunee. 21 Muusena raalli buu ka ahaa inuu ninkaas la joogo, oo isagu wuxuu Muuse siiyey gabadhiisii Siforaah. 22 Oo waxay u dhashay wiil, markaasuu magiciisii wuxuu u bixiyey Gershoom, waayo, wuxuu yidhi, Qariib baan ku ahaa dal qalaad.

23 Oo waxay noqotay in waayahaas badan dabadeed uu boqorkii Masar iska dhintay, reer binu Israa'iilna addoonnimada aawadeed ayay ula taaheen, oo way ooyeen, oo oohintoodiina waxay gaadhay Ilaah addoonnimada aawadeed. 24 Ilaahna waa maqlay cabaadkoodii, markaasaa Ilaah xusuustay axdigiisii uu la dhigtay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub. 25 Markaasaa Ilaah arkay reer binu Israa'iil, Ilaahna wuu ogaaday xaalkoodii.

^ Dib u celi bilawga ^

3


Muuse Iyo Geedka Ololayey

1 Muuse wuxuu ilaalinayay adhigii soddoggiis Yetroo oo ahaa wadaadkii Midyaan, oo wuxuu adhigii u soo kexeeyey meeshii cidlada ahayd shishadeeda, markaasuu wuxuu yimid buurtii Ilaah oo ahayd Xoreeb. 2 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay uga muuqatay dab ololaya oo ka baxaya geed dhexdiis, kolkaasuu fiiriyey oo wuxuu arkay geedkii oo ololaya oo dabku gubayo, geedkuna ma basayn. 3 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Anigu waan ku leexan doonaa, waanan arki doonaa muuqashadan weyn, iyo waxa geedku u guban waayay. 4 Oo markuu Rabbigu arkay inuu ku soo leexday inuu arko ayaa Ilaah uga yeedhay geedka dhexdiisii, oo wuxuu ku yidhi, Muusow, Muusow. Markaasuu yidhi, Waa i kan. 5 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Halkan ha u soo dhowaan, kabahana iska siib, waayo, meesha aad taagan tahay waa dhul quduus ah. 6 Oo weliba wuxuu kaloo ku yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaahii aabbahaa oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub. Markaasaa Muuse wejigiisii qariyey, waayo, wuxuu ka cabsaday inuu Ilaah eego. 7 Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Hubaal waxaan arkay dhibaatada dadkayga ku haysata Masar, oo waan maqlay oohintii ay ooyeen kuwa hawsha ku qaxraya aawadood, waayo, anigu waan ogahay caloolxumadooda; 8 oo waxaan u imid inaan ka samatabbixiyo gacanta Masriyiinta, iyo inaan ka soo bixiyo dhulkaas, oo keeno dhul wanaagsan oo ballaadhan, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan; waana meesha ay deggan yihiin reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus. 9 Oo haatan bal eeg, waxaa i hor timid oohintii reer binu Israa'iil, oo weliba waxaan arkay cadaadinta ay Masriyiintu ku cadaadinayaan iyaga. 10 Haddaba kaalay, oo waxaan kuu dirayaa Fircoon, inaad dalka Masar ka soo kaxaysid dadkayga reer binu Israa'iil ah. 11 Markaasaa Muuse wuxuu Ilaah ku yidhi, Bal yaan ahay anigu, markaan Fircoon u tegayo, oo aan reer binu Israa'iil ka soo bixinayo dalka Masar? 12 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Xaqiiqa anigaa kula jiraya, oo taasaa calaamo kuu noqonaysa, inaan anigu ku soo diray; markii aad dadka ka soo bixiso Masar, Ilaah baad buurtan ugu adeegi doontaan.

13 Markaasaa Muuse wuxuu Ilaah ku yidhi, Bal eeg, markii aan u tago reer binu Israa'iil, oo aan ku idhaahdo iyaga, Ilaahii awowayaashiin baa ii soo kiin diray, oo iyaga waxay igu odhan doonaan, De magiciisa maxaa la yidhaahdaa? Haddaba maxaan ku odhan doonaa? 14 Markaasaa Ilaah wuxuu Muuse ku yidhi, ANIGU WAXAAN AHAY KAAN AHAY; oo weliba wuxuu ku yidhi, Waxaad ku odhan doontaa reer binu Israa'iil, WAAN AHAY baa ii soo kiin diray. 15 Oo Ilaah weliba wuxuu kaloo Muuse ku yidhi, Waxaad ku tidhaahdaa reer binu Israa'iil, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii soo kiin diray; kanu waa magacayga weligay, oo laygu xusuusto ka ab ka ab. 16 Bal tag, oo isu soo ururi waayeellada reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii muuqday, isagoo leh, Hubaal waan idin soo booqday, oo waan arkay waxa laydinku sameeyey Masar dhexdeeda, 17 oo waxaan idhi, Anigu waan idinka soo wadi doonaa dhibaatada Masar, oo waxaan idin keeni doonaa dalka reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan. 18 Oo codkaaga way maqli doonaan, markaas adiga iyo waayeellada reer binu Israa'iil waa inaad u tagtaan boqorka Masar, oo waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyada ayaa nala kulmay. Haddaba waan ku baryaynaaye, Iska kaaya daa aannu meel saddex maalmood loo socdo oo cidla ah tagnee, inaannu allabari u bixinno Rabbiga ah Ilaahayo. 19 Oo anna waxaan ogahay inaanu boqorka Masar idiin sii daynayn inaad tagtaan, maya, ee wuxuuna idiinku diidayaa gacan xoog leh. 20 Markaasaan gacantayda soo kala bixin doonaa, oo waxaan Masar ku layn doonaa cajaa'ibyadayda oo dhan oo aan ku dhex samayn doono iyada, oo markaas dabadeed wuu idin sii dayn doonaa inaad iska tagtaan. 21 Oo anigu dadkan raalli baan uga yeeli doonaa Masriyiinta; oo waxay noqon doontaa in markii aad tagtaan aydnaan faromadhnaan ku tegin, 22 laakiinse naag waluba ha weyddiisato deriskeeda iyo tan guriga la joogta alaab lacag ah iyo alaab dahab ah, iyo dhar; waxaadna saari doontaan wiilashiinna iyo gabdhihiinna, oo waxaad dhici doontaan Masriyiinta.

^ Dib u celi bilawga ^

4


Cajaa'ibyadii La Tusay Muuse

1 Markaasaa Muuse jawaabay oo wuxuu yidhi, Laakiinse, bal ogow, ima ay rumaysan doonaan, codkaygana ma ay dhegaysan doonaan, waayo, waxay igu odhan doonaan, Rabbigu kuuma uu muuqanin. 2 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxaas gacantaada ku jiraa? Oo wuxuu yidhi, Waa ul. 3 Markaasuu ku yidhi, Bal dhulka ku tuur. Markaasuu dhulka ku tuuray, oo waxay noqotay abeeso. Kolkaasaa Muuse ka hor cararay. 4 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal gacanta soo fidi oo dabada ku dheg, kolkaasuu gacantii soo fidiyey oo dabada ku dhegay, kolkaasay noqotay ul gacantiisa ku jirta. 5 Sidaas yeel inay ku rumaystaan inuu kuu muuqday Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub. 6 Oo Rabbigu wuxuu kaloo ku sii yidhi isagii, Bal gacanta laabta saar, markaasuu gacanta laabta saaray, oo markii uu ka qaaday, bal eeg, gacantii baras bay yeelatay oo waxay u caddaatay sida baraf cad. 7 Markaasuu ku yidhi, Bal gacanta laabta mar kale saar. Kolkaasuu mar kale gacantii laabta saaray, oo markii uu ka qaaday laabtii, bal eeg, waxay haddana u rogmatay oo u ekaatay sida jidhkiisii kale. 8 Oo waxay noqon doontaa, hadday kugu rumaysan waayaan oo ay calaamada hore codkeeda maqli waayaan, de markaas calaamada dambe codkeeday rumaysan doonaan. 9 Oo haddana waxay noqon doontaa, hadday rumaysan waayaan labadan calaamo, oo weliba ay codkaaga maqli waayaan, de markaas bal waa inaad webiga biyo ka qaaddid oo aad dhulka engegan ku shubtid, oo biyihii aad webiga ka qaadday, markay gaadhaan dhulka engegan dhiig bay noqon doonaan. 10 Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, Rabbiyow, anigu codkar ma ahi, hadda iyo hore toona, iyo tan iyo markaad ila hadashay anigoo addoonkaaga ah, maxaa yeelay, anigu hadalka waan shigaa, waanan carrab la'ahay. 11 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Kan dadka afkiisa sameeyey waa ayo? Yaase dadka carrab tira, ama dhego tira, ama wax tusa, ama indho tira? Sow anigan Rabbiga ah ma aha? 12 Haddaba sidaas daraaddeed tag, oo anigaa afkaaga la jiri doona oo ku bari doona wixii aad ku hadli lahayd. 13 Isna wuxuu yidhi, Rabbiyow, Waan ku baryayaaye, dir kaad doonaysid inaad dirtid. 14 Markaasaa Rabbigu u cadhooday Muuse, oo wuxuu ku yidhi, Sow ma joogo walaalkaa Haaruun oo ah reer Laawi? Waan ogahay inuu isagu si wanaagsan u hadli karo. Oo bal ogow, wuu u soo socdaa inuu kula kulmo, oo markuu ku arko, qalbigiisuu ka farxi doonaa. 15 Haddaba waa inaad isaga la hadashaa, oo aad erayada afkiisa ku riddaa, oo anigu afkaagaan la jiri doonaa, iyo afkiisaba, oo waxaan idin barayaa wixii aad samayn lahaydeen. 16 Oo isagu wuxuu kuu noqon doonaa ninka dadka kuula hadla, oo waxay noqon doontaa inuu isagu af kuu noqdo, adna waxaad isaga u noqon doontaa Ilaah oo kale. 17 Haddaba waa inaad gacanta ku qaadatid ushan aad cajaa'ibyada ku samayn doontid.

Muuse Oo Ku Noqday Masar

18 Markaasaa Muuse tegey oo wuxuu ku noqday soddoggiis Yetroo, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, Bal i sii daa aan tagee, oo ku noqdo walaalahayga Masar jooga, oo aan soo arkee bal inay nool yihiin iyo in kale. Markaasaa Yetroo wuxuu Muuse ku yidhi, Nabad ku tag. 19 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi Muuse, isagoo Midyaan jooga, Tag, oo Masar ku noqo, waayo, dadkii doondoonayay inay nafta kaa qaadaan way wada dhinteen. 20 Markaasaa Muuse wuxuu watay naagtiisii iyo wiilashiisii, oo wuxuu saartay dameer, wuxuuna ku noqday dalkii Masar. Markaasaa Muuse ushii Ilaah gacanta ku qaatay. 21 Rabbiguna wuxuu Muuse ku yidhi, Markii aad Masar ku noqotid, cajaa'ibyadii aan gacantaada ku riday oo dhan Fircoon hortiisa ku samee, laakiinse anigu qalbigiisaan qallafin doonaa, oo dadka ma uu sii dayn doono inay tagaan. 22 Oo waxaad Fircoon ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu yidhi, Israa'iil waa wiilkayga curadka ah, 23 oo waxaan adiga kugu idhi, Wiilkayga sii daa, ha tagee oo ha ii adeegee. Adiguse waad u diiday inuu tago. Bal hadda ogow, waxaan dili doonaa wiilkaaga curadka ah. 24 Intay jidka sii socdeen meel bay ku habeen dhexeen, Rabbi baana ugu yimid, oo wuxuu damcay inuu dilo isaga. 25 Markaasaa Siforaah waxay qaadatay dhagax af leh, oo wiilkeedii buuryadiisii bay ku gooysay, oo waxay ku ag tuurtay cagihiisa oo tidhi, Hubaal waxaad ii tahay arooskii dhiigga. 26 Markaasuu iska daayay isagii. Kolkaasay tidhi, Waxaad ii tahay arooskii dhiigga gudniinta aawadeed. 27 Markaasaa Rabbigu wuxuu Haaruun ku yidhi, Tag inaad Muuse kaga hor tagtid cidlada dhexdeeda. Markaasuu tegey, oo wuxuu kaga hor tegey buurta Ilaah, kolkaasuu dhunkaday. 28 Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun u sheegay erayadii Rabbigu u soo faray oo dhan, iyo calaamooyinkii uu ku amray oo dhan. 29 Markaasaa Muuse iyo Haaruun tageen oo waxay isu soo ururiyeen waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan. 30 Markaasaa Haaruun kula hadlay erayadii Rabbigu Muuse u soo faray oo dhan, calaamooyinkiina dadka hortiisuu ku sameeyey. 31 Dadkiina way rumaysteen, oo markay maqleen inuu Rabbigu soo booqday reer binu Israa'iil iyo inuu arkay dhibaatadooda ayay madaxa hoos u foorariyeen oo caabudeen.

^ Dib u celi bilawga ^

5


Cadaadin Oo Sii Korodhay

1 Oo dabadeedna Muuse iyo Haaruun waxay u tageen Fircoon, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sii daa dadkaygu ha tageene, inay cidlada iigu ciidaan. 2 Markaasaa Fircoon wuxuu yidhi, Waa ayo Rabbiga ay waajibka igu tahay inaan codkiisa maqlo oo aan reer binu Israa'iil sii daayo? Anigu garan maayo Rabbiga, oo weliba sii dayn maayo reer binu Israa'iil inay tagaan. 3 Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Ilaahii Cibraaniyada ayaa nala kulmay, haddaba waannu ku baryaynaaye, Na sii daa, aannu tagnee meel cidla ah oo saddex maalmood loo socdo oo aan allabari ugu bixinnee Rabbiga ah Ilaahayaga inuusan belaayo ama seef nagu soo dejin. 4 Markaasaa boqorkii Masar wuxuu ku yidhi iyagii, Muuse iyo Haaruunow, maxaad dadka uga joojinaysaan shuqulladooda? Orda oo hawlihiinna culculus qabsada. 5 Kolkaasaa Fircoon wuxuu yidhi, Bal eega, haatan dadka dalku waa badan yihiin, oo idinku waad ka nasiseen hawlahoodii cuscuslaa. 6 Markaasaa Fircoon wuxuu isla maalintaas ku amray kuwii dadka hawsha ku cadaadin jiray iyo saraakiishoodii, isagoo leh, 7 Hadda dabadeed waa inaydnaan dadka siin caws ay leben ka sameeyaan sidii loo siin jiray, laakiinse iyagu ha tageen oo caws ha soo gurteen. 8 Oo lebenkii ay markii hore samayn jireen tiradiisii oo kale waa inaad hadda ka dib ku qasabtaan inay sameeyaan, oo waa inaydnaan waxba ka dhimin, waayo, waa caajisiin oo sidaas daraaddeed waxay u qaylinayaan, iyagoo leh, Na sii daa aannu tagnee oo aan Ilaahayaga allabari u bixinnee. 9 Haddaba nimanka ha lagu qasbo hawl ka culus intii hore inay ku hawshoodaan, oo yaanay hadal been ah u jeedin. 10 Markaasay kuwii hawsha dadka ku cadaadin jiray iyo saraakiishoodiiba dibadda u bexeen, oo waxay la hadleen dadkii, oo ku yidhaahdeen, Waxaa Fircoon idin leeyahay, Caws idin siin maayo. 11 Idinku taga oo caws ka doonta meeshii aad ka heli kartaan, laakiin hawshiinna waxba laydinka dhimi maayo innaba. 12 Sidaa daraaddeed ayaa dadku ku kala firdhay dalkii Masar oo dhan inay jirrido jajab ah soo ururiyaan meeshii cawska laga siin jiray. 13 Oo kuwii dadka hawsha ku cadaadin jirayna way daddajiyeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Dhammeeya shuqulladiinna, iyo hawshiinna intii aad maalin walba samayn jirteen, sidii markii cawsku jiri jiray oo kale. 14 Oo saraakiishii reer binu Israa'iil, oo Fircoon kuwiisa dadka hawsha ku cadaadiyaa ay dadka madaxda uga dhigeen, waa la garaacay, oo waxaa lagu yidhi, War maxaad shalay iyo maantaba hawshiinna u dhammayn weydeen oo aad lebenkii ugu samayn weydeen sidii hore? 15 Markaasay saraakiishii reer binu Israa'iil waxay u tageen oo u cataabeen Fircoon, waxayna ku yidhaahdeen, War maxaad addoommadaada sidan ugula macaamilootaa? 16 Addoommadaada caws lama siiyo, oo waxay nagu yidhaahdaan, Leben sameeya. Oo bal eeg, addoommadaadii waa la garaacaa, laakiinse gardarrada waxaa iska leh dadkaaga. 17 Laakiinse wuxuu ku yidhi iyagii, Caajisiin baad tihiin, caajisiin baad tihiin, oo sidaas daraaddeed baad u leedihiin, Aannu tagno oo aan Rabbiga allabari u bixinno. 18 Haddaba taga oo shaqeeya, waayo, caws laydin siin maayo, oo weliba waa inaad keentaan tiradii lebenkii oo kale. 19 Oo saraakiishii reer binu Israa'iil waxay arkeen in xaalkoodii xun yahay, markii lagu yidhi, Waa inaydnaan waxba dhimin lebenkii aad maalin walba samayn jirteen. 20 Oo markay Fircoon ka soo bexeen waxay ka hor yimaadeen Muuse iyo Haaruun oo jidka taagtaagan, 21 oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu ha idin fiiriyo oo ha idin xukumo, waayo, waxaad naga dhigteen wax u ura Fircoon iyo addoommadiisii si ay noo nacaan oo ay intay seefo noo qaataan noo laayaan.

Ilaah Oo Ballanqaaday Samatabbixin

22 Markaasaa Muuse mar kale Rabbiga u jeestay, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiyow, maxaad dadkan si xun ugula macaamilootay? Oo maxaad aniga ii soo dirtay? 23 Ilaa markii aan u imid Fircoon oo aan magacaaga kula hadlay isaga, wax xun buu dadkan ku sameeyey, oo adna dadkaaga kama aad samatabbixin innaba.


^ Dib u celi bilawga ^

6

1 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Haddaba waad arki doontaa waxaan ku samayn doono Fircoon, waayo, gacan xoog leh buu ku sii dayn doonaa iyaga, oo gacan xoog leh buu dhulkiisa kaga eryi doonaa.

2 Markaasaa Ilaah wuxuu la hadlay Muuse oo ku yidhi, Anigu waxaan ahay Rabbiga, 3 oo waxaan ugu muuqday Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, sidii Ilaaha Qaadirka ah, laakiinse magacayga ah RABBI iguma ay aqoonin. 4 Oo weliba axdigaygii waan la dhigtay iyaga inaan siiyo dalka reer Kancaan oo ah dalkii geeddinimadooda oo ay qariibka ku ahaayeen. 5 Oo weliba waxaan maqlay cabaadka reer binu Israa'iil oo Masriyiintu addoonsiga ku sii hayaan, oo axdigaygii baan xusuustay. 6 Haddaba waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay Rabbiga, oo waan idinka soo bixin doonaa culaabta Masriyiintu idinku hoos hayaan, waanan idinka xorayn doonaa addoonsigooda, waanan idinku furan doonaa gacan fidsan iyo xukummo waaweyn, 7 oo waxaan idiin qaadan doonaa dad ahaan, oo aan idiin noqon doonaa Ilaah, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka bixinaya culaabtii Masriyiinta. 8 Oo waxaan idin geeyn doonaa dalkii aan ku dhaartay inaan siiyo Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo idinkaan dhaxal ahaan idiin siin doonaa. Anigu waxaan ahay Rabbiga. 9 Muusena sidaasuu reer binu Israa'iil ula hadlay, laakiinse ma ayan maqlin Muuse, caloolxumadooda iyo addoonsiga aan looga tudhayn aawadood.

10 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, isagoo leh, 11 Fircoon oo ah boqorka Masar u tag, oo la hadal, si uu u sii daayo reer binu Israa'iil si ay dalkiisa uga baxaan. 12 Markaasaa Muuse Rabbiga la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, reer binu Israa'iil ima maqline, de haddaba sidee buu Fircoon ii maqli doonaa, anigoo aan bushimaha ka xalaalaysnayn?

Abtirsiinadii Muuse Iyo Haaruun

13 Markaasaa Rabbigu wuxuu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo amar buu u soo faray reer binu Israa'iil, iyo boqorkii Masar oo ahaa Fircoon, inay reer binu Israa'iil ka soo wadaan dalka Masar. 14 Kuwanu waa madaxdii reerihii awowayaashood, kuwanu waa reer Ruubeen oo ahaa curadkii Israa'iil, Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii; kuwanu waa qolooyinkii reer Ruubeen. 15 Reer Simecoonna waa kuwan, Yemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Ohad, iyo Yaakiin, iyo Sohar, iyo Shaa'uul oo ahaa wiilkii ay naag reer Kancaan ah dhashay. Kuwanu waa qolooyinkii reer Simecoon. 16 Kuwanuna waa reer Laawi magacyadoodii, iyo sidii farcankoodii kala ahaayeen; Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii. Oo Laawi cimrigiisii wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo soddon sannadood. 17 Reer Gershoon, iyo sidii qolooyinkoodu kala ahaayeenna waa Libnii iyo Shimcii. 18 Reer Qohaadna waa Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel. Oo Qohaad cimrigiisiina wuxuu ahaa boqol iyo saddex iyo soddon sannadood. 19 Reer Meraariina waa Maxlii iyo Mushii. Kuwanu waa qolooyinkii reer Laawi iyo sidii ay farcankoodii kala ahaayeen. 20 Oo Camraam wuxuu guursaday Yookebed oo eeddadiis ahayd, oo waxay u dhashay Haaruun iyo Muuse. Oo Camraam cimrigiisiina wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo soddon sannadood. 21 Reer Isehaarna waa Qorax, iyo Nefeg, iyo Sikrii. 22 Reer Cusii'eelna waa Miishaa'eel, iyo Elsaafaan, iyo Sitrii. 23 Haaruunna wuxuu guursaday Eliishebac ina Cammiinaadaab oo ahayd Naxshoon walaashiis; oo waxay u dhashay Naadaab iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar. 24 Reer Qoraxna waa Asiir, iyo Elqaanaah, iyo Abii'aasaaf. Kuwanu waa qolooyinkii reer Qorax. 25 Markaasaa Elecaasaar oo ahaa ina Haaruun wuxuu guursaday gabdhihii Fuutii'eel middood, oo waxay u dhashay Fiinexaas. Kuwanu waa madaxdii reer Laawi, iyo qolooyinkoodii siday kala ahaayeen. 26 Kuwanu waa Haaruun iyo Muuse kuwii Rabbigu ku yidhi, Reer binu Israa'iil ka soo wada dalka Masar sida ay dadkooda guutooyinkoodu yihiin. 27 Kuwanuna waa kuwii la hadlay boqorkii Masar oo Fircoon ahaa, inuu dalka Masar ka bixiyo reer binu Israa'iil. Iyagu waa Muusahaas iyo Haaruunkaas.

Haaruun Oo U Hadlaya Muuse

28 Maalintii Rabbigu la hadlay Muuse oo dalka Masar jooga, 29 wuxuu Rabbigu ku yidhi Muuse, Anigu waxaan ahay Rabbiga. Boqorka Masar oo Fircoon ah la hadal oo waxaad u sheegtaa wixii aan kugula hadlo oo dhan. 30 Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi Rabbiga, Bal eeg, anigu bushimaha kama xalaalaysni, de haddaba sidee buu Fircoon ii maqlayaa?


^ Dib u celi bilawga ^

7

1 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal fiiri, waxaan Fircoon kaaga dhigay sidii ilaah oo kale, walaalkaa Haaruunna wuxuu ahaan doonaa nebigaaga. 2 Adigu waa inaad ku hadasho waxa aan kugu amrayo oo dhan; walaalkaa Haaruunna waa inuu Fircoon la hadlo si uu reer binu Israa'iil u sii daayo si ay dalkiisa uga baxaan. 3 Oo Fircoon qalbigiisana waan qallafin doonaa, calaamooyinkayga iyo cajaa'ibyadaydana waan ku badin doonaa dalka Masar. 4 Laakiin Fircoon kuma maqli doono, markaasaan gacantayda saari doonaa Masar, oo aan soo bixin doonaa ciidankayga oo ah dadkayga reer binu Israa'iil, waanan kaga soo saari doonaa xukummo waaweyn dalka Masar. 5 Markaasaa Masriyiintu ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, markii aan gacantayda Masar ku kor fidiyo, oo aan reer binu Israa'iil ka dhex bixiyo iyaga. 6 Markaasaa Muuse iyo Haaruun sidaas yeeleen. Sidii Rabbigu ku amray, ayay yeeleen. 7 Muusena markaas wuxuu jiray siddeetan sannadood, Haaruunna wuxuu jiray saddex iyo siddeetan sannadood markay Fircoon la hadleen.

Usha Haaruun Oo Noqotay Abeeso

8 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi, 9 Markii Fircoon idinla hadlo, oo idinku yidhaahdo, Cajaa'ib i tusa; markaas waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada qaado, oo Fircoon hortiisa ku tuur, si ay abeeso u noqoto. 10 Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay u tageen Fircoon, oo waxay yeeleen sidii Rabbigu ku amray, markaasaa Haaruun ushiisii ku hor tuuray Fircoon iyo addoommadiisii, oo waxay noqotay abeeso. 11 Fircoonna markaasuu wuxuu u yeedhay raggiisii xigmadda lahaa iyo saaxiriintiisii, markaasaa falalowyadii Masarna iyana yeeleen sidii si le'eg oo falfalkoodii ku sameeyeen. 12 Waayo, nin waluba wuxuu tuuray ushiisii, markaasay waxay noqdeen abeesooyin, laakiinse ushii Haaruun baa wada liqday ulahoodii oo dhan. 13 Qalbigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi.

Belaayadii Dhiigga

14 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon waa macangag, oo wuu diidayaa inuu dadka sii daayo. 15 Bal subaxda Fircoon u tag, waayo, aroorta wuxuu tagaa biyaha. Haddaba waxaad istaagtaa webiga qarkiisa inaad la kulantid isaga; oo gacanta waxaad ku qaadataa ushii abeesada noqotay. 16 Oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyada ayaa ii soo kaa diray, oo wuxuu kugu yidhi, Sii daa dadkaygu ha tageene, inay cidlada iigu adeegaan; oo bal eeg, hadda ka hor ima aad maqlin. 17 Oo waxaa Rabbigu ku leeyahay, Tan ayaad ku ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay, bal ogow, ushan aan gacanta ku hayo ayaan ku dhufan doonaa biyaha webiga ku jira, markaasay waxay u rogman doonaan dhiig. 18 Oo kalluunka biyaha ku jiraana way wada bakhtiyi doonaan, markaasaa webigu soo uri doonaa; kolkaasaa Masriyiintu aad u nebcaan doonaan inay webiga biyo ka cabbaan. 19 Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada qaado, oo gacanta ku kor fidi biyaha Masar, iyo webiyaashooda, iyo durdurradooda, iyo galalkooda, iyo balliyadooda biyaha ah oo dhan, si ay u noqdaan dhiig; oo dhulka Masar oo dhammu wuxuu noqon doonaa dhiig miidhan, oo ku jiri doona weelasha qoriga ah iyo weelasha dhagaxa ahba. 20 Markaasaa Muuse iyo Haaruun yeeleen sidii Rabbigu ku amray; kolkaasuu ushii kor u qaaday, oo biyihii webiga ku jiray ku dhuftay Fircoon iyo addoommadiisii hortooda, markaasaa biyihii webiga ku jiray oo dhammu waxay u rogmadeen dhiig. 21 Kalluunkii webiga ku jirayna way wada bakhtiyeen; webigiina waa uray, Masriyiintiina biyo way ka cabbi kari waayeen webigii; dhulkii Masar oo dhammuna wuxuu noqday dhiig miidhan. 22 Markaasaa saaxiriintii Masarna waxay yeeleen sidii si le'eg oo falfalkoodii ku sameeyeen. Qalbigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi. 23 Kolkaasaa Fircoon noqday oo gurigiisii tegey, waxanna qalbigiisii maba uu gelin. 24 Markaasaa Masriyiintii oo dhammu waxay qoteen webiga dhinacyadiisa inay helaan biyo ay cabbaan, waayo, biyihii webiga way cabbi kari waayeen. 25 Oo intii Rabbigu webiga kharribay toddoba maalmood baa ka dambaysay.

^ Dib u celi bilawga ^

8


Belaayadii Raha

1 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbigu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene inay ii adeegaan. 2 Oo haddii aad diiddo inaad sii daysid, bal hadda ogow, waddankaaga oo dhan waxaan ku soo dayn doonaa rahyo. 3 Oo webiga waxaa ka buuxsami doona rahyo, markaasay waxay tegi doonaan oo geli doonaan gurigaaga, iyo qawladdaada aad seexatid, iyo sariirtaada dusheeda, iyo guryaha addoommadaada oo dhan, iyo dadkaaga dushiisa, iyo foornooyinkaaga dhexdooda, iyo weelashaada wax lagu cajiimo oo dhan; 4 oo rahyadu waxay kor fuuli doonaan adiga, iyo dadkaaga, iyo addoommadaada oo dhanba. 5 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Gacanta adoo ushaada ku haysta ku fidi webiyaasha dushooda, iyo durdurrada dushooda, iyo balliyada dushooda, oo rahyo ku soo daa dalka Masar. 6 Markaasaa Haaruun gacanta ku kor fidiyey biyihii dalka Masar oo dhan, kolkaasaa rahyadii soo baxeen oo qariyeen dalkii Masar. 7 Saaxiriintiina sidaas si le'eg bay yeeleen oo falfalkoodii ku sameeyeen, oo rahyo bay keeneen dalkii Masar. 8 Markaasaa Fircoon wuxuu u yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga noo barya inuu rahyada naga qaado aniga iyo dadkaygaba; oo markaasaan dadka sii dayn doonaa inay tagaan oo ay Rabbiga allabari u bixiyaan. 9 Kolkaasaa Muuse wuxuu Fircoon ku yidhi, Adaa amarka leh; goormaan idiin baryaa adiga iyo addoommadaada iyo dadkaaga, iyo in rahyada laga baabbi'iyo adiga iyo guryahaagaba, oo ay ku hadhaan webiga keliya? 10 Markaasuu ku yidhi, Berri. Isaguna wuxuu yidhi, Sidaad u tidhi ha noqoto, bal inaad ogaatid inaanu jirin mid la mid ah Rabbiga ah Ilaahayaga. 11 Oo rahyadu waa ka tegi doonaan adiga iyo guryahaaga, iyo addoommadaada, iyo dadkaagaba, oo waxay ku hadhi doonaan webiga oo keliya. 12 Kolkaasay Muuse iyo Haaruun ka tageen Fircoon; markaasaa Muuse Rabbiga ugu qayshaday wax ku saabsan rahyadii uu ku soo daayay Fircoon. 13 Rabbiguna wuu yeelay siduu Muuse yidhi, oo rahyadii waa ka idlaadeen guryihii, iyo barxadihii, iyo beerihiiba. 14 Kolkaasay isu soo wada ururiyeen oo meelo ku tuuleen, markaasaa dalkii uray. 15 Fircoonse markuu arkay inay wixii joogsadeen ayuu qalbiga ka sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi.

Belaayadii Injirta

16 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada fidi oo ciidda dhulka ku dhufo si uu dalka Masar oo dhammu injir miidhan u noqdo. 17 Markaasay sidii yeeleen. Kolkaasaa Haaruun ushiisii gacanta ku fidiyey, oo wuxuu ku dhuftay ciidda dhulka, kolkaasaa injiru gashay dadkii iyo duunyadiiba; ciiddii dhulka oo dhammuna waxay noqotay injir miidhan oo qulqulaysa dalkii Masar oo dhan. 18 Saaxiriintiina saasay yeeleen, oo waxay damceen inay injir falfalkoodii ku keenaan, laakiinse way kari waayeen; injir baana ku jirtay dadkii iyo duunyadiiba. 19 Markaasaa saaxiriintii waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Tanu waa fartii Ilaah. Qalbigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi.

Belaayadii Duqsiyada

20 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Aroor hore kac oo Fircoon hortiisa istaag, waayo, markaasuu biyaha tegayaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbigu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene inay ii adeegaan. 21 Haddii kalese haddaadan dadkayga sii daynin inay tagaan, bal ogow, waxaan idiin soo diri doonaa duqsiyo faro badan, adiga, iyo addoommadaada, iyo dadkaaga, iyo guryahaaga dhexdooda; oo guryaha Masriyiinta oo dhanna waxaa ka buuxsami doona duqsiyo faro badan, iyo weliba dhulka ay joogaanba. 22 Inaad ogaatid inaan anigu dhulka dhexdiisa ku ahay Rabbiga, maalintaas waan ka duwi doonaa dalka Goshen oo dadkaygu deggan yahay, inaan duqsiyo badanu halkaas jirin innaba. 23 Oo dadkayga iyo dadkaagana waan kala sooci doonaa; calaamadaasuna berri bay ahaan doontaa. 24 Rabbiguna sidii buu yeelay, oo duqsiyo badan oo baas ayaa yimid gurigii Fircoon, iyo guryihii addoommadiisa, oo dalkii Masar oo dhanna duqsiyadii badnaa aawadood ayuu u kharribmay. 25 Markaasaa Fircoon wuxuu u yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi, Taga oo Ilaahiin dalka dhexdiisa allabari ugu bixiya. 26 Kolkaasaa Muuse ku yidhi, Sidaas inaan yeelno ma habboona; waayo, karaahiyada Masriyiinta ayaannu Rabbiga Ilaahayaga ah u bixinaynaa. Bal eeg, miyaannu karaahiyada Masriyiinta ku allabarinnaa iyagoo noo jeeda? De sow na dhagxin maayaan? 27 Meel saddex maalmood loo socdo oo cidla ah ayaannu tegaynaa, oo allabari ugu bixinaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, siduu nagu amri doono. 28 Markaasaa Fircoon wuxuu ku yidhi, Waan idin sii daynayaa inaad tagtaan inaad cidlada allabari ugu bixisaan Rabbiga Ilaahiinna ah, laakiinse waa inaydnaan aad u fogaan. Iina soo duceeya. 29 Muusena wuxuu ku yidhi, Bal eeg, waan kaa baxayaa oo waxaan Rabbiga ka baryi doonaa inay duqsiyada badanu berri ka tagaan Fircoon iyo addoommadiisa, iyo dadkiisa, laakiinse Fircoon yuusan mar dambe khiyaano nagula macaamiloon, isagoo aan daynin dadka inay tagaan si ay allabari ugu bixiyaan Rabbiga. 30 Markaasaa Muuse ka tegey Fircoon, oo wuxuu baryay Rabbiga. 31 Rabbiguna sidii Muuse yidhi ayuu yeelay; duqsiyadii badnaana wuu ka kexeeyey Fircoon, iyo addoommadiisii, iyo dadkiisiiba. Mid qudh ahna kama hadhin. 32 Markanna Fircoon qalbiga ayuu ka sii qallafsanaaday, oo dadkiina siima uu dayn inay tagaan.

^ Dib u celi bilawga ^

9


Belaayadii Ku Dhacday Xoolaha

1 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyadu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan. 2 Waayo, haddii aad sii dayn weydo, oo aad sii haysatid, 3 bal ogow, gacanta Rabbigu waxay ku dhici doontaa xoolahaaga berrinka jooga, ha ahaadeen fardaha, dameeraha, geela, lo'da, iyo adhigaba; waxaana dhici doona cudur baas. 4 Oo Rabbigu waa kala sooci doonaa xoolaha reer binu Israa'iil iyo xoolaha Masar; oo waxa reer binu Israa'iil ay leeyihiinna waxba kama dhiman doonaan. 5 Rabbiguna wakhti buu u qabtay, isagoo leh, Berri Rabbigu waxan ayuu dalka dhexdiisa ku samayn doonaa. 6 Rabbiguna waxaas waa sameeyey maalintii dambe, oo xoolihii Masar oo dhammuna way wada bakhtiyeen; laakiinse xoolihii reer binu Israa'iil midna kama bakhtiyin. 7 Markaasaa Fircoon cid diray, oo bal eeg, xoolihii reer binu Israa'iil xataa mid kama bakhtiyin. Laakiinse Fircoon wuu madax adkaaday, dadkiina siima uu dayn inay tagaan.

Belaayadii Boogaha

8 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Waxaad qaadataan cantoobooyin dambaska foornada ah, oo Muuse samada ha u saydho Fircoon hortiisa. 9 Oo waxay noqon doontaa habaas dhulka Masar oo dhan dul yaal, oo dalka Masar oo dhan waxaa dadka iyo duunyadaba ka soo bixi doona boogo xunxun. 10 Markaasay qaadeen dambaskii foornada, oo waxay hor istaageen Fircoon; kolkaasaa Muuse xagga samada kor ugu saydhay, markaasaa dadkii iyo duunyadiiba waxaa ka soo wada baxay boogo xunxun. 11 Oo saaxiriintiina Muuse ma ay hor istaagi karin boogaha dartood, waayo, booguhu waxay ka soo bexeen saaxiriintii iyo Masriyiintii oo dhan. 12 Rabbiguna waa sii qallafiyey Fircoon qalbigiisii, oo isna ma uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu Muuse ku yidhi.

Belaayada Roobdhagaxyaale Baas Ah

13 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Aroor hore kac, oo Fircoon hortiisa istaag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga Ilaaha Cibraaniyada ah wuxuu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan. 14 Waayo, waxaan markan qalbigaaga, iyo addoommadaada, iyo dadkaagaba ku soo dayn doonaa belaayadayda oo dhan, inaad ogaatid inaan dhulka oo dhan lagu arag mid anoo kale ah. 15 Waayo, haatan haddaan gacantayda fidin lahaa, oo aan belaayo kugu dhufan lahaa adiga iyo dadkaagaba, de markaas adiga dhulka waa lagaa baabbi'in lahaa, 16 laakiin sababtan aawadeed ayaan kuu taagay, inaan xooggayga kaa muujiyo iyo in magacayga laga sheego dhulka oo dhan. 17 Ma weli baad dadkayga iska weynaynaysaa, oo aanad sii daynin? 18 Bal ogow, berrito haddaa oo kale waxaan soo daadin doonaa roobdhagaxyaale baas oo aan weligiis lagu arag Masar tan iyo maalintii la dhisay ilaa haatan. 19 Haddaba cid u dir oo la soo dhaqso lo'daada iyo waxa berrinka kuu jooga oo dhan; waayo, dad iyo duunyo wixii berrinka laga helo oo dhan oo aan guryaha la soo gelin, waxaa ku soo degi doona roobka dhagaxyada leh, wayna dhiman doonaan. 20 Markaasaa mid kasta oo addoommadii Fircoon ka mid ahaa oo ka cabsanayay ereygii Rabbiga, addoommadiisii iyo lo'diisii ayuu xagga guryaha u eryay; 21 kii aan dan ka lahayn ereygii Rabbigase addoommadiisii iyo lo'diisiiba ayuu berrinka ku daayay.

22 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Gacanta xagga samada u fidi, in roobka dhagaxyada leh ku soo dego dalka Masar oo dhan, dadka dushiisa iyo duunyada dusheeda iyo dhalatada duurka ku taal dusheeda oo dhan ee dalka Masar dhammaantiis. 23 Markaasaa Muuse ushiisii u fidiyey xagga samada, oo Rabbigu wuxuu soo diray onkod iyo roobdhagaxyaale, waxaana dhulka ku soo degay dab; oo Rabbigu wuxuu dalkii Masar ku soo daayay roobdhagaxyaale. 24 Sidaas daraaddeed waxaa ku soo da'ay roobdhagaxyaale baas, roobka dhagaxyada lehna waxaa ku qaldanaa dab, kaas oo kalena weligiis kama di'in dalka Masar oo dhan tan iyo maalintii ay quruun noqotay ilaa haatan. 25 Oo roobkii dhagaxyada lahaana wuxuu laayay wax alla wixii dalka Masar oo dhan duurkiisa joogay, dad iyo duunyoba; oo dhalatadii duurka oo dhanna roobkii dhagaxyada lahaa baa laayay, oo dhirtii duurka oo dhanna wuu jejebiyey. 26 Waxaa keliyahoo aan roobdhagaxyaale ku di'in dalkii Goshen oo reer binu Israa'iil joogeen. 27 Markaasaa Fircoon cid u diray, oo u yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Markan waan dembaabay; Rabbigu waa xaq, aniga iyo dadkaygubana shar baannu leennahay. 28 Bal Rabbiga noo barya, waayo, roobkan dhagaxyada leh iyo onkodkan weynu waa nagu filan yihiin; oo waan idin sii dayn doonaa, oo idinku mar dambe sii joogi maysaan innaba. 29 Kolkaasaa Muuse wuxuu isagii ku yidhi, Isla markii aan ka baxo magaalada ayaan gacmahayga u kala bixin doonaa Rabbiga, oo onkodku waa joogsan doonaa, roobdhagaxyaale dambena ma jiri doono, si aad adigu u ogaatid inuu Rabbigu dhulka leeyahay. 30 Laakiin waan ogahay in adiga iyo addoommadaadu aydnaan weli ka cabsanayn Rabbiga Ilaaha ah. 31 Oo cudbigii iyo shaciirkiiba waa baabbe'een; waayo, shaciirku waa midhaystay, cudbigana ubax baa ka baxayay. 32 Laakiinse sarreenkii waxba kuma dhicin; waayo, weli aad uma uu bixin. 33 Oo Muusena magaaladii buu ka baxay, wuuna ka tegey Fircoon, oo gacmihiisii buu u kala bixiyey Rabbiga. Markaasaa onkodkii iyo roobkii dhagaxyada lahaaba joogsadeen, roobkiina dhulka kuma shubmin. 34 Fircoonna kolkuu arkay inay joogsadeen roobkii iyo roobdhagaxyaalihii iyo onkodkiiba, ayuu weliba sii dembaabay, oo qalbigiisiina wuu sii qallafiyey, isaga iyo addoommadiisiiba. 35 Oo Fircoon qalbigiisiina waa sii qallafsanaaday, oo reer binu Israa'iilna siima uu dayn inay tagaan, sidii Rabbigu Muuse afkiisa kaga hadlay.

^ Dib u celi bilawga ^

10


Belaayadii Ayaxa

1 Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Orod oo Fircoon u gal, waayo, qalbigiisii waan qallafiyey, iyo qalbiyadii addoommadiisa, inaan calaamooyinkaygan dhexdooda ka muujiyo, 2 iyo inaad adigu u sheegtid dhegaha wiilkaaga, iyo wiilkaaga wiilkiisa, wixii aan ku sameeyey Masriyiinta, iyo calaamooyinkaygii aan ku dhex sameeyey, inay iyagu ogaadaan inaan anigu ahay Rabbiga. 3 Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay u tageen Fircoon, oo ku yidhaahdeen, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyadu wuxuu kugu yidhi, Ilaa goormaad diidaysaa inaad hortayda is-hoosaysiiso? Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan. 4 Laakiinse haddii aad diiddo inaad dadkayga sii dayso, bal ogow, berrito dalkaaga ayax baan ku soo dayn doonaa, 5 oo dhulkuu qarin doonaa, si aan dhulka loo arkin, oo wuxuu cuni doonaa wixii ka baxsaday roobkii dhagaxyada lahaa oo idiin hadhay, oo wuxuu kaloo cuni doonaa geed kasta oo duurka idiinka baxaya. 6 Oo wuxuu ka buuxsami doonaa guryahaaga, iyo guryaha addoommadaada, iyo guryaha Masriyiinta oo dhan; si aan aabbayaashiin iyo awowayaashiin midkoodna arag tan iyo waagii ay dhulka joogeen ilaa maantadan. Kolkaasuu ka noqday oo ka tegey Fircoon. 7 Markaasaa Fircoon addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Ilaa goormuu ninkanu dabin inagu noqonayaa? Inaga sii daa nimanka, Rabbiga Ilaahooda ah ha u adeegeene. War miyaadan weli ogayn in Masar baabba'day? 8 Markaasaa Muuse iyo Haaruun mar kale loo keenay Fircoon. Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Taga oo Rabbiga Ilaahiinna ah u adeega, laakiinse waa ayo kuwa tegayaa? 9 Muusena wuxuu yidhi, Annagu waannu tegaynaa yar iyo weynba, oo waxaannu la tegaynaa wiilashayada iyo gabdhahayaga, iyo adhyahayaga, iyo lo'dayada oo dhan; waayo, waxaannu u iidaynaa Rabbigayaga. 10 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbigu ha idinla jiro, haddaan idin sii daayo idinka iyo yaryarkiinnaba, laakiinse bal ogaada in wax xumu idinka horreeyaan. 11 Sidaas ma aha; ee intiinna ragga ahu taga, oo Rabbiga u adeega; waayo, taasu waa wixii aad doonayseen. Kolkaasaa Fircoon hortiisa laga eryay iyagii.

12 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Gacantaada ayaxa ugu fidi dalka Masar korkiisa, inuu kor yimaado dalka Masar, oo uu cuno geed yar oo kasta, oo ah in alla intii roobkii dhagaxyada lahaa ka baxsatay. 13 Markaasuu Muuse ushiisii dalkii Masar ku kor fidiyey, oo Rabbigu maalintaas oo dhan iyo habeenkii oo dhan, wuxuu dhulkii ku soo daayay dabayl bari ka timid, oo markii waagii beryay ayaa dabayshii bari ayaxii keentay. 14 Kolkaasaa ayaxii dalkii Masar oo idil dul fuulay, oo wuxuu ku soo degay dalkii Masar oo dhan; wuxuuna ahaa ayax baas; hortiisna lama arag ayax saas oo kale ah, dabadiisna ma jiri doono kaas oo kale. 15 Waayo, wuxuu qariyey dhulka dushiisa oo dhan, kolkaasaa dalkii gudcur noqday; oo wuxuu cunay dhalatadii waddanka oo dhan, iyo midhihii dhirtii roobkii dhagaxyada lahaa ka baxsaday oo dhan; oo dalkii Masar oo dhanna wax cagaar ahuna kuma hadhin ama dhir ha noqoto ama dhalatada duurka. 16 Markaasaa Fircoon dhaqso ugu yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku dembaabay Rabbiga Ilaahiinna ah iyo idinkaba. 17 Haddaba waan ku baryayaaye, iga cafi dembigayga markan keliya, oo ii barya Rabbiga Ilaahiinna ah, inuu iga qaado dhimashadan keliya. 18 Kolkaasuu Fircoon dibadda uga baxay oo Rabbiga baryay. 19 Markaasaa Rabbigu wuxuu soo leexiyey dabayl aad iyo aad u xoog badan oo galbeed ka timid, kolkaasay ayaxii kor u qaadday oo waxay ku gurtay Badda Cas, oo xataa ayax qudha ahi kuma hadhin dalka Masar oo dhan. 20 Markaasaa Rabbigu sii qallafiyey Fircoon qalbigiisii, mana uusan sii dayn reer binu Israa'iil inay tagaan.

Belaayadii Gudcurka

21 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Gacantaada xagga samada u taag, in gudcur ku soo dego dalka Masar, kaasoo ah gudcur aad u daran. 22 Kolkaasaa Muuse gacanta xagga samada u taagay; oo waxaa dalkii Masar ku soo degay gudcur weyn oo in saddex maalmood ah jiray; 23 oo midkoodna midka kale ma arkin, ama midkoodna meeshiisii kama kicin in saddex maalmood ah; laakiinse reer binu Israa'iil oo dhan guryahoodu iftiin bay lahaayeen. 24 Markaasaa Fircoon Muuse u yeedhay oo wuxuu ku yidhi, Taga oo Rabbiga u adeega; laakiinse adhyihiinna iyo lo'diinnu ha joogeen; yaryarkiinnuse ha idin raaceen. 25 Muusena wuxuu yidhi, De waa inaad weliba na siisaa allabaryo iyo qurbaan la gubo, oo aannu u bixinno Rabbiga ah Ilaahayaga. 26 Lo'dayaduna waa inay na raacdaa, oo waa inaan neef keliyahu dib nooga hadhin, waayo, iyada waa inaannu wax ka qaadannaa si aannu ugu adeegno Rabbiga ah Ilaahayaga. Annagu garan mayno wax aannu ugu adeegno Rabbiga jeeraannu tagno xaggaas. 27 Laakiinse Rabbigu waa sii qallafiyey Fircoon qalbigiisii, mana u doonaynin inuu iyaga sii daayo. 28 Markaasaa Fircoon wuxuu isagii ku yidhi, War iga tag, oo iska jir, si aadan wejigayga mar dambe u arkin, waayo, maalintii aad wejigayga aragtid hubaal waad dhiman doontaa. 29 Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi, Adigu si wanaagsan baad u hadashay, oo wejigaaga mar dambe arki maayo.

^ Dib u celi bilawga ^

11


Belaayadii Oo Ku Dhacday Curadyada

1 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Weli belaayo kale ayaan Fircoon iyo Masar ku soo dejin doonaa; oo dabadeedna wuu idin sii dayn doonaa inaad halkan ka tagtaan, oo markuu idin sii daayo, giddigiin ayuu halkan idinka sii wada eryi doonaa. 2 Haddaba dadka dhegihiisa maqashii, oo nin waluba ha weyddiisto deriskiisa, naag walubana ha weyddiisato deriskeeda alaab lacag ah iyo alaab dahab ah. 3 Rabbiguna Masriyiintii ayuu dadkii raalli uga dhigay. Oo weliba ninkii Muuse ahaa wuxuu dalka Masar ku ahaa mid aad u weyn xagga Fircoon addoommadiisa iyo xagga dadkaba.

4 Muusena wuxuu yidhi, Waxaa Rabbigu leeyahay, Habeenbadhka baan dalka Masar ku dhex soconayaa, 5 oo curadyada dalka Masar jooga oo dhammu way wada dhiman doonaan, curadka Fircoon oo ku fadhiya carshigiisa, ilaa la gaadho curadka gabadha addoonta ah oo ka dambaysa dhagaxshiidka, iyo curadyada xoolaha oo dhan. 6 Oo waxaa dalka Masar oo dhan jiri doonta oohin weyn, taas oo kale aan hore loo arag, hadda kaddibna aan la arki doonin marnaba. 7 Laakiinse reer binu Israa'iil dad iyo duunyo toona xataa eeyna afka u kala qaadi maayo, si aad u ogaataan in Rabbigu kala duway Masriyiinta iyo reer binu Israa'iil. 8 Oo addoommadaadan oo dhammu anigay ii iman doonaan, oo anigay ii sujuudi doonaan, iyagoo leh, Iska bax, adiga iyo dadka kula socda oo dhammuba; oo markaas dabadeed ayaan bixi doonaa. Oo wuxuu Fircoon kaga tegey cadho aad u kulul.

9 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon hadalkaaga dhegaysan maayo, inay cajaa'ibyadaydu dalka Masar ku sii bataan aawadeed. 10 Muuse iyo Haaruunna cajaa'ibyadan oo dhan waxay ku sameeyeen Fircoon hortiisa; Rabbiguna waa sii qallafiyey qalbigii Fircoon oo isna ma uusan sii dayn reer binu Israa'iil inay dalkiisa ka baxaan.

^ Dib u celi bilawga ^

12


Kormariddii Rabbiga

1 Oo Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun kula hadlay dalka Masar, oo ku yidhi, 2 Bishanu waxay idiin noqonaysaa tii bilaha ugu horraysay; oo waxay idiin noqonaysaa sannadda bisheedii kowaad. 3 Shirka reer binu Israa'iil oo dhan la hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, Maalinta tobnaad oo bishan waa in nin waluba wan qaataa sida reeraha aabbayaashood yihiin, qoys waluba wan ha qaato; 4 oo haddii qoys uusan wada qaadan karin wan, de markaas waa in isaga iyo deriskiisa oo ah kan qoyskiisa ku xiga ay mid wada qaataan oo ay u qaybsadaan sida tirada dadku tahay; nin walba sida cuntadiisu tahay waa inaad u tirisaan kalaqaybinta wanka. 5 Wankiinnu waa inuu ahaadaa mid aan iin lahayn, waana inuu ahaadaa mid lab oo sannad jiray, waana inaad wananka ama orgiyada ka bixisaan, 6 oo waa inaad gooni u xidhaan ilaa bisha maalinteeda afar iyo tobnaad; oo ururka shirka reer binu Israa'iil oo dhammu waa inay makhribkii qalaan. 7 Oo waa inay dhiigga wax ka qaataan, oo ay mariyaan fayaaradda albaabka labadeeda dhinac iyo meesheeda sare oo ah guryaha ay wax ku dhex cuni doonaan. 8 Oo habeenkaas waa inay cunaan hilibka oo dab lagu dubay, iyo kibis aan khamiir lahayn, oo ha ku cuneen caleemo qadhaadh. 9 Ha cunina isagoo ceedhiin ama biyo lagu kariyey, laakiin waxaad cuntaan isagoo dab lagu dubay, oo qaba madaxiisa iyo mijihiisa iyo waxa gudihiisa ku jira qaba. 10 Oo waa inaydnaan waxba ka reebin ilaa subaxda, laakiin waxa ka hadha markuu waagu beryo waa inaad dab ku gubtaan. 11 Oo sidan waa inaad u cuntaan, idinkoo guntan, oo kabihiinnu cagaha idiinku jiraan, ushiin