|
LEV LAAWIYIINTII
KITAABKII SADDEXAAD EE MUUSE EE LA YIDHAAHDO
Si aad u hesho cutubka aad rabtid, fadlan riix
lambarka liiska:
1
Qurbaanka La Gubo
1 Rabbigu wuxuu Muuse uga yeedhay teendhadii shirka oo intuu
la hadlay ayuu ku yidhi, 2 Reer binu Israa'iil la hadal oo
waxaad ku tidhaahdaa, Markii nin idinka mid ahu uu Rabbiga qurbaan u bixinayo, qurbaankiinna
waxaad ka bixisaan xoolaha, kuwaasoo ah lo'da iyo idaha.
3 Oo haddii qurbaankiisu yahay qurbaan la gubo oo lo' ah,
waa inuu bixiyaa neef lab oo aan iin lahayn, oo waa inuu ku bixiyaa teendhada shirka
iriddeeda, si isaga Rabbiga hortiisa loogu aqbalo. 4 Oo waa
inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka la gubayo, oo waxaa loo aqbali doonaa
inuu isaga u ahaado kafaaraggud. 5 Oo dibiga waa inuu Rabbiga
hortiisa ku gowraco, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga keenaan,
oo ay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga ee teendhada shirka
horteeda taal. 6 Oo neefka qurbaanka la gubayo waa inuu haragga
ka bixiyaa, oo haddana waa inuu xubin xubin u googooyaa.
7 Oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay meesha allabariga
dab ku shubaan oo haddana waa inay qoryo ku dul hagaajiyaan dabka,
8 oo markaas wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu xubnaha iyo madaxa iyo baruurta
ha ku dul hagaajiyeen qoryaha dabka meesha allabariga saaran,
9 laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku
meesha allabariga dusheeda dhammaantiis ha ugu gubo qurbaan la gubo oo ah qurbaan
dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
10 Oo haddii qurbaankiisu yahay neef adhi ah, ha ahaado wan
ama orgi oo qurbaan la gubo loo keenay, ha bixiyo neef lab oo aan iin lahayn.
11 Oo neefka waa inuu Rabbiga ku hor gowraco meesha allabariga dhinaceeda
woqooyi, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu dhiiggiisa ha ku dul rusheeyeen hareeraha
meesha allabariga. 12 Oo haddana isagu xubin xubin ha u kala
googooyo, iyo madaxiisa iyo baruurtiisa, oo markaas wadaadku waa inuu ku dul hagaajiyo
qoryaha dabka meesha allabariga saaran, 13 laakiinse neefka
uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku dhammaantiis ha bixiyo,
oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan
dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
14 Oo haddii qurbaankiisa uu Rabbiga u bixinayo uu yahay
haad qurbaan la gubo ah, markaas qurbaankiisa ha u bixiyo qoolleyo ama xamaam yaryar.
15 Oo wadaadku ha keeno meesha allabariga agteeda, oo madaxa
ha ka maroojiyo, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, oo dhiiggana ha lagaga
miiro meesha allabariga agteeda. 16 Oo waa inuu ka soo bixiyaa
gulgulada iyo baalasheeda oo ha ku tuuro meesha allabariga dhinaceeda bari, kaasoo
ah meeshii dambaska. 17 Oo garbaha ha ka jeexo, laakiinse
yuusan kala dillaacin dhammaanteed, oo wadaadku ha ku dul gubo qoryaha dabka meesha
allabariga saaran, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo
Rabbiga caraf udgoon u ah.
^ Dib u celi bilawga ^
2
Qurbaanka Hadhuudhka Ah
1 Oo markii qof qurbaan hadhuudh ah Rabbiga u bixinayo, qurbaankiisu
ha ahaado bur, oo waa inuu saliid ku shubaa, oo fooxna saaraa.
2 Oo isagu ha u keeno wadaaddada wiilasha Haaruun ah, oo cantoobo muggeed ha ka
qaato burka, iyo saliidda, iyo fooxa oo dhan, oo wadaadku xusuus ahaan meesha allabariga
dusheeda ha ugu gubo, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon
u ah. 3 Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadhana waxaa
iska leh Haaruun iyo wiilashiisa; oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga
ee dab lagu sameeyo.
4 Oo markaad bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo foorno lagu
dubay, ha ahaado moofo aan khamiir lahayn oo laga sameeyo bur saliid lagu daray,
ama canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay.
5 Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo digsi lagu dubay, ha ahaado
bur aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray. 6 Waa inaad
cad cad u kala jejebisid oo aad saliid ku shubtid, waayo, waa qurbaan hadhuudh ah.
7 Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo birdaawe
lagu dubay, markaas ha laga sameeyo bur saliid lagu daray.
8 Oo qurbaanka hadhuudhka ah oo waxyaalahaas laga sameeyey waa inaad
Rabbiga u keentaa, oo waa in wadaadka loo dhiibaa, oo isna meesha allabariga ha
keeno. 9 Oo wadaadku qurbaanka hadhuudhka ah waa inuu ka
qaadaa intii xusuusta ahayd, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa
qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. 10
Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadho waa in Haaruun iyo wiilashiisu iska lahaadaan,
oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.
11 Qurbaan hadhuudh ah oo aad Rabbiga u bixinaysaan waa inaan khamiir
lagu samayn, waayo, waa inaydaan khamiir iyo malab toona sidii qurbaan Rabbiga dab
loogu sameeyo u gubin. 12 Iyaga waa inaad Rabbiga ugu bixisaan
sidii qurbaan midhaha ugu horreeya ah, laakiinse waa inaan meesha allabariga loogu
dul gubin caraf udgoon aawadeed. 13 Oo qurbaan kasta oo ah
qurbaankaaga hadhuudhka ah waa inaad cusbaysaa, oo waa inaadan innaba u oggolaan
in cusbadii axdiga Ilaahaaga ay ka maqnaato qurbaankaaga hadhuudhka ah. Qurbaannadaada
oo dhan waa inaad cusbo la bixisaa.
14 Oo haddaad Rabbiga u bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo
midhaha ugu horreeya ah, qurbaankaaga hadhuudhka ah oo midhaha ugu horreeya ah waxaad
u bixisaa sabuul qoyan oo la dubay oo la tumay. 15 Oo waa
inaad saliid ku shubtaa, fooxna saartaa, waayo, taasu waa qurbaan hadhuudh ah.
16 Oo wadaadku waa inuu gubaa intii xusuusta ahayd, oo qaarkeed
ha ahaado hadhuudhka tuman, qaarkeedna ha ahaado saliiddeeda, iyo fooxeeda oo dhan,
waayo, taasu waa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.
^ Dib u celi bilawga ^
3
Allabariga Qurbaannada Nabaadiinada Ah
1 Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino
ah, oo uu lo'da ka bixinayo, lab ama dhaddig midduu yahayba, waa inuu Rabbiga hortiisa
ku bixiyaa neef aan iin lahayn. 2 Oo waa inuu gacanta saaraa
madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu ku ag gowracaa iridda teendhada shirka,
oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha
meesha allabariga. 3 Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada
ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydha gudaha ku duuban,
iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan, 4 iyo labada
kelyood iyo xaydha dushooda ku taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul
yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado. 5 Oo wiilasha Haaruun
waa inay ku dul gubaan meesha allabariga iyo qurbaanka la gubayo oo kor saaran qoryaha
dabka, waayo, taasu waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
6 Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino
ah oo uu adhiga ka bixinayo, lab iyo dhaddig miduu yahayba, waa inuu bixiyaa neef
aan iin lahayn. 7 Oo hadduu qurbaankiisa wan yar ku bixinayo,
Rabbiga hortiisa ha ku bixiyo. 8 Oo waa inuu gacanta saaraa
madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu teendhada shirka horteeda ku gowracaa, oo
wiilashii Haaruun waa inay neefka dhiiggiisa ku dul rusheeyaan hareeraha meesha
allabariga. 9 Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa
inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydhiisa iyo badhidiisa oo dhan,
taasoo uu ka gooyo meesha ay lafta dhabarka ka haysato, iyo xaydha gudaha ku duuban,
iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,
10 iyo labada kelyood, iyo xaydha dushooda ku taal, oo xanjaadka
u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado.
11 Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu
waa cuntadii qurbaanka Rabbiga dabka loogu sameeyo.
12 Oo haddii qurbaankiisu neef riyo ah yahayna, Rabbiga hortiisa
ha ku bixiyo. 13 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka,
oo teendhada shirka horteeda waa inuu ku gowracaa, oo wiilasha Haaruunna neefka
dhiiggiisa waa inay ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.
14 Oo isagu ha bixiyo qurbaankiisii, kaasoo ah qurbaan Rabbiga dab
loogu sameeyo oo ah xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta
oo dhan, 15 iyo labada kelyood, iyo xaydha ku dul taal oo
xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado.
16 Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu
waa cuntadii qurbaankii dabka loogu sameeyo caraf udgoon. Xaydha oo dhan Rabbigaa
iska leh. 17 Tan iyo ab ka ab waa inuu qaynuun joogto ah
ku ahaadaa meel kastoo aad deggan tihiinba inaydaan cunin xaydh iyo dhiig midnaba.
^ Dib u celi bilawga ^
4
Qurbaanka Dembi Lagu Bixiyo
1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi,
2 Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii
mid kama' ugu dembaabo waxyaalihii Rabbigu amray inaan la samayn, oo uu sameeyo
waxyaalahaas qaarkood, 3 iyo haddii wadaadka subkanu uu dembaabo
oo uu sidaas dadka dembi ugu keeno, markaas waa inuu dembigiisa uu dembaabay aawadiis
Rabbiga qurbaan dembi ugu bixiyaa dibi yar oo aan iin lahayn.
4 Oo dibiga waa inuu Rabbiga ugu hor keenaa iridda teendhada, oo waa inuu gacanta
saaraa madaxa dibiga, oo uu dibiga Rabbiga hortiisa ku gowracaa.
5 Oo wadaadka subkanu waa inuu dhiigga dibiga qaarkiis qaadaa oo
uu teendhada shirka keenaa, 6 oo markaas wadaadku fartiisa
dhiigga ha geliyo, oo dhiigga toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka
meesha quduuska ah. 7 Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis
mariyaa geesaha meesha allabariga ee fooxa oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada
shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka
meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal.
8 Oo dibiga qurbaanka dembiga loo bixinayo xaydhiisa oo dhan waa
inuu ka bixiyaa, waana xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta
oo dhan, 9 iyo labada kelyood, iyo xaydha ku dul taal, oo
xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado,
10 sida dibiga allabariga qurbaannada nabaadiinada ah looga
qaado oo kale, oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga ee qurbaanka la gubo.
11 Oo dibiga haraggiisa iyo hilibkiisa oo dhan, iyo madaxiisa,
iyo addimmadiisa, iyo uurkujirtiisa, iyo uuskiisa, 12 iyo
xataa dibiga oo dhan waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu geeyaa meel daahirsan,
taasoo ah meesha dambaska lagu soo daadiyo, oo intuu qoryo saaro waa inuu dab ku
gubaa. Meesha dambaska lagu soo daadiyo waa in lagu gubaa.
13 Oo ururka reer binu Israa'iil oo dhammu hadduu qaldamo,
oo ay waxaasu indhaha shirka ka qarsoon yihiin, oo ay sameeyaan wax ka mid ah waxyaalihii
uu Rabbigu amray inaan la samayn, oo ay saas eed ku leeyihiin,
14 dembigii ay dembaabeen markii la ogaado, shirku waa inuu dibi
yar qurbaan dembi u bixiyaa, oo uu dibiga keenaa teendhada shirka horteeda.
15 Oo odayaasha ururku waa inay Rabbiga hortiisa gacmahooda ku saaraan
madaxa dibiga, oo dibiga Rabbiga hortiisa ha lagu gowraco.
16 Oo wadaadka subkanu waa inuu dibiga dhiiggiisa keenaa teendhada shirka,
17 oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo toddoba jeer
waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka. 18 Oo isagu waa
inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga oo Rabbiga hortiisa taal
oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag
shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka
taal. 19 Oo dibiga xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa,
oo meesha allabariga ku dul gubaa. 20 Oo dibiga ha ku sameeyo
siduu ku sameeyey dibigii qurbaanka dembiga oo kale, oo kanna sidaas oo kale ha
ku sameeyo; oo wadaadku iyaga kafaaraggud ha u sameeyo, oo iyana waa la cafiyi doonaa.
21 Oo dibiga waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu gubaa
siduu dibigii hore u gubay oo kale, waayo, kaasu wuxuu shirka u yahay qurbaanka
dembiga.
22 Markii qof madax ahu dembaabo oo uu kama' u sameeyo mid
ka mid ah waxyaalihii Rabbiga Ilaahiisa ahu uu amray inaan la samayn, oo uu saas
eed ku leeyahay, 23 haddii la ogeysiiyo dembigiisii uu dembaabay,
waa inuu qurbaankiisa aawadiis u keenaa neef riyo ah, waana inuu ahaadaa mid lab
oo aan iin lahayn. 24 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa orgiga,
oo uu ku gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo oo Rabbiga hortiisa ah,
waayo, kaasu waa qurbaan dembi. 25 Oo wadaadku waa inuu dhiigga
qaarkiis ku qaadaa fartiisa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la
gubo, oo dhiiggana waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga qurbaanka la gubo.
26 Oo xaydhiisa oo dhanna waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga,
sidii xaydhii allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo kale, oo wadaadku waa inuu
kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii, oo isna waa la cafiyi doonaa.
27 Oo dadka dhulka mid ka mid ahu hadduu kama' ku dembaabo,
oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, oo uu
saas eed ku leeyahay, 28 haddii la ogeysiiyo dembigiisii
uu dembaabay, waa inuu qurbaankiisa aawadiis u keenaa neef riyo ah, waana inuu ahaadaa
mid dhaddig oo aan iin lahayn, dembigiisii uu dembaabay aawadiis.
29 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka ah qurbaanka dembiga,
oo waa inuu neefka ah qurbaanka dembiga ku gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka
la gubo. 30 Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis fartiisa
ku qaadaa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo, oo dhiigga
oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga.
31 Oo xaydhiisa oo dhanna waa in laga bixiyaa sidii xaydha looga bixiyo allabarigii
qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa,
si ay Rabbiga ugu ahaato caraf udgoon; oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud u
sameeyaa, oo isna waa la cafiyi doonaa.
32 Oo hadduu neef ido yar ah u keeno qurbaanka dembigana
waa inuu neef dhaddig oo aan iin lahayn keenaa. 33 Oo waa
inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka dembiga ah, oo waa inuu qurbaanka dembiga
ugu gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo. 34 Oo
wadaadku waa inuu qurbaanka dembiga dhiiggiisa qaarkiis fartiisa ku qaadaa oo uu
mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo lagu baxsho, oo dhiigga oo dhanna
waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga. 35 Oo xaydhiisa
oo dhanna waa inuu ka bixiyaa sidii xaydhii laga qaado wanka yara oo ahaa allabarigii
qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga,
sidii qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyo, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud
u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.
^ Dib u celi bilawga ^
5
1 Haddii qof ku dembaabo cod dhaar ah oo uu maqlay, ee uu
isagu marag ka yahay, hadduu arkay iyo hadduu gartayba, hadduusan sheegin waa inuu
dembigiisa qaataa. 2 Ama haddii qof taabto wax nijaas ah,
hadduu yahay bahal nijaas ah baqtigiis, ama neef xoolo ah oo nijaas ah baqtigiis,
ama waxyaalo gurguurta oo nijaas ah baqtigood, haddii taasu ay isaga ka qarsoon
tahay, oo uu saas ku nijaasoobo, markaas isagu wuxuu ahaan doonaa mid eed leh.
3 Ama hadduu taabto qof nijaastiis, nijaasta uu ku nijaasoobay wax
kastoo ay tahayba, haddii taasu ay isaga ka qarsoon tahay, markuu ogaado wuxuu ahaan
doonaa mid eed leh. 4 Ama haddii mid uu bushimihiisa degdeg
ugaga dhaarto inuu samaynayo xumaan ama samaan, wax kasta ha ahaadeene wixii qof
degdeg ugu dhaarto, hadday waxaasu isaga ka qarsoon yihiin, markuu waxaas ogaado
wuxuu ahaan doonaa mid waxyaalahan midkood eed ku leh. 5
Oo markuu ahaado mid waxyaalahan midkood eed ku leh waa inuu qirtaa wixii uu ku
dembaabay, 6 oo markaas waa inuu dembigii uu dembaabay aawadiis
Rabbiga ugu keenaa qurbaankii xadgudubkiisa, oo waa inuu adhiga ka soo qabto neef
dhaddig ah, oo ah nayl ama waxar oo qurbaan dembi ah, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud
uga sameeyaa dembigiisii. 7 Oo haddii lacagtiisu ayan ugu
filnayn inuu neef baraar ah keeno, markaas dembigii uu dembaabay aawadiis waa inuu
qurbaankii xadgudubkiisa Rabbiga ugu keenaa laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar,
oo mid qurbaan dembi ha ka dhigo, midda kalena qurbaan la gubo.
8 Iyaga waa inuu wadaadka u keenaa, oo isna marka hore ha bixiyo
tan qurbaanka dembiga ah, oo madaxa ha ka maroojiyo, laakiinse waa inuusan kala
dillaacin. 9 Oo qurbaanka dembiga dhiiggiisa qaarkiis waa
inuu ku rusheeyaa meesha allabariga dhinaceeda, oo dhiigga intiisa kalena ha lagaga
miiro salka meesha allabariga, waayo, taasu waa qurbaan dembi.
10 Oo tan labaadna waa inuu qurbaan la gubo ugu bixiyo si qaynuunka waafaqsan, oo
wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la
cafiyi doonaa.
11 Laakiinse haddii lacagtiisu ayan ugu filnayn laba qoolley
amase laba xamaam oo yaryar, markaas wixii uu ku dembaabay aawadood qurbaankiisa
ha u keeno eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis oo bur ah, kaasoo qurbaan dembi
ah, oo waa inuusan saliid ku shubin, waana inuusan waxba foox saarin, waayo, waa
qurbaan dembi. 12 Oo waa inuu wadaadka u keenaa, oo wadaadkuna
waa inuu cantoobo muggeed uga qaataa xusuus, oo meesha allabariga ha ku dul gubo,
sidii qurbaannada Rabbiga dabka loogu sameeyo, waayo, waa qurbaan dembi.
13 Oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeya dembigiisii uu ku
dembaabay wax kasta oo waxyaalahan ka mid ah, oo isna waa la cafiyi doonaa, oo inta
kalena waxaa iska leh wadaadka, sidii qurbaankii hadhuudhka.
Qurbaanka Xadgudubka
14 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
15 Haddii qof xadgudbo oo uu si kama' ah ugu dembaabo Rabbiga waxyaalihiisa
quduuska ah, markaas waa inuu Rabbiga u keenaa qurbaankii xadgudubkiisii aawadiis,
kaasoo ah wan aan iin lahayn oo idaha laga soo bixiyey, oo aad ku qiimaysay lacag
intuu sheqel yahay, iyadoo lagu miisaamay sheqelka meesha quduuska ah, oo kaas qurbaan
xadgudub ha u bixiyo. 16 Oo alaabtii quduuska ahayd oo uu
ku dembaabay waa inuu magdhabaa, oo weliba iyadoo shan meelood loo dhigay meesheed
waa inuu ku daraa, oo waa inuu wadaadka u dhiibaa, oo wadaadkuna waa inuu isaga
kafaaraggud uga dhigaa wankii ahaa qurbaanka xadgudubka oo isna waa la cafiyi doonaa.
17 Oo haddii qof dembaabo oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii
uu Rabbigu amray inaan la samayn, in kastoo uusan ogayn, weli eed buu leeyahay,
oo waa inuu dembigiisa qaataa. 18 Oo isagu waa inuu idaha
ka soo bixiyaa wan aan iin lahayn oo aad adigu qiimaysay, oo waa inuu wadaadka ugu
dhiibaa qurbaan xadgudub, oo wadaadkuna waa inuu kafaaraggud u sameeyaa wixii uu
kama' ugu qaldamay isagoo aan ogayn, oo isna waa la cafiyi doonaa.
19 Waa qurbaan xadgudub, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah isagu Rabbiga
hortiisa eed buu ku leeyahay.
^ Dib u celi bilawga ^
6
1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 Haddii qof dembaabo oo uu Rabbiga ku xadgudbo, oo uu si aan daacad
ahayn deriskiisa kula macaamiloodo wax ku saabsan carbuun, ama rahmad, ama dhicid,
amase hadduu deriskiisa dulmo, 3 amase hadduu helo wax lumay
oo uu waxaas qarsado oo uu been ku dhaarto, hadduu waxyaalahaas midkood sameeyo
oo uu saas ku dembaabo, 4 markaas hadduu dembaabay oo uu
eedaysan yahay waa inuu soo celiyaa wixii uu dhacay, ama wixii uu dulmi ku qaatay,
ama carbuunkii isaga loo dhiibtay, ama wixii lumay oo uu helay,
5 amase wixii uu beenta ugu dhaartay, waa inuu celiyaa iyagoo kaamil
ah, oo weliba waa inuu ku daraa iyada oo shan meelood loo dhigay meesheed. Oo waa
inuu siiyaa kii waxaas lahaa maalintii la ogaado inuu isagu eedaysan yahay.
6 Oo isagu qurbaanka xadgudubkiisa aawadiis waa inuu Rabbiga ugu
keenaa wan aan iin lahayn oo uu idaha ka soo bixiyey ee aad qiimaysay, oo qurbaan
xadgudub aawadiis wadaadka ha ugu keeno. 7 Oo wadaadkuna
waa inuu isaga kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa, oo isna waa laga cafiyi
doonaa wixii uu sameeyey oo uu ku eedaysan yahay oo dhanba.
Qurbaanka La Gubo
8 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
9 Haaruun iyo wiilashiisa amar oo waxaad ku tidhaahdaa, Kanu waa
sharciga qurbaanka la gubo ku saabsan: qurbaanka la gubo waa inuu habeenkii oo dhan
saarnaadaa qoryaha meesha allabariga saaran tan iyo ilaa waagu ka baryo; oo dabka
meesha allabarigana waa in laga sii ololiyaa. 10 Oo wadaadkuna
waa inuu xidhaa dharkiisa wanaagsan, oo sirwaalkiisa marada wanaagsan laga sameeyeyna
waa inuu gashadaa, oo waa inuu qaadaa dambaskii qurbaanka la gubayay oo dabku meesha
allabariga dusheeda ku baabba'saday, oo waa inuu meesha allabariga ku ag shubaa.
11 Oo markaas waa inuu dharkiisii iska furaa oo uu dhar kale
xidhaa, oo dambaska waa inuu meel daahirsan oo xerada dibaddeeda ah u qaadaa.
12 Oo dabka meesha allabarigana waa in had iyo goor la sii ololiyaa
oo waa inuusan marna demin; oo wadaadku waa inuu subax kasta qoryo saaraa, oo uu
qurbaanka la gubona ku dul hagaajiyaa, oo xaydha qurbaanka nabaadiinadana waa inuu
ku dul gubaa. 13 Oo dab joogto ah waa in meesha allabariga
dusheeda laga sii ololiyaa had iyo goorba, oo waa inuusan marna demin.
Qurbaanka Hadhuudhka Ah
14 Oo kanuna waa sharciga qurbaanka hadhuudhka ku saabsan:
Wiilashii Haaruun waa inay ku hor bixiyaan meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa
ah. 15 Oo isagu waa inuu cantoobadiisa muggeed ka qaadaa
burka wanaagsan ee qurbaanka hadhuudhka ah iyo saliiddiisa, iyo kulli fooxa saaran
qurbaanka hadhuudhka oo dhan, oo waa inuu meesha allabariga ugu dul gubaa caraf
udgoon ee xusuus u ah Rabbiga. 16 Oo wixii qurbaankaas ka
hadhayna Haaruun iyo wiilashiisu ha cuneen. Iyadoo aan khamiir lahayn waa in meel
quduus ah lagu cunaa; oo iyagu waa inay ku cunaan barxadda teendhada shirka.
17 Waa inaan khamiir lagu dubin. Anigu taas waxaan iyaga u siiyey
qaybtoodii ay ka heli lahaayeen qurbaannadayda dabka lagu sameeyo. Iyadu waa ugu
quduusan tahay oo waa sidii qurbaankii dembiga iyo sidii qurbaankii xadgudubka.
18 Oo qof kasta oo lab ah oo reer Haaruun ka mid ahu waa
inuu wax ka cunaa, oo tan iyo ab ka ab intaasaa looga amray qurbaannada Rabbiga
oo dabka lagu sameeyo; oo ku alla kii taabtaana quduus buu ahaan doonaa.
19 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
20 Kanu waa qurbaanka Haaruun iyo wiilashiisu ay Rabbiga u bixin
doonaan maalintii isaga la subko, waana eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay
meeshiis, oo ah qurbaan hadhuudh oo joogto ah, oo intaas badhkeed subaxdii ha la
bixiyo, badhka kalena fiidkii ha la bixiyo. 21 Oo waa in
lagu sameeyo digsi oo saliid lagu sameeyo, oo markii la isku qooshay waa inaad gudaha
soo gelisaa. Xabbad xabbad la dubay waa inaad u bixisaa qurbaanka hadhuudhka oo
Rabbiga caraf udgoon u ah. 22 Oo waxaa bixin doona wadaadka
subkan oo reer Haaruun oo isaga meeshiisa joogi doono, oo qaynuun weligiis ah waa
in dhammaan Rabbiga loogu gubaa. 23 Oo qurbaan kasta oo hadhuudh
ah oo wadaadku bixiyoba waa in dhammaantiis la wada guba, oo waa inaan la cunin.
Qurbaanka Loo Bixiyo Dembiga
24 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
25 La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Kanu
waa sharciga ku saabsan qurbaanka dembiga: meesha qurbaanka la gubo lagu gowraco
waa in qurbaanka dembigana lagu gowracaa Rabbiga hortiisa, waayo, kaasu waa kan
ugu wada quduusan. 26 Oo wadaadka dembiga aawadiis u bixiyaa
waa inuu cunaa, waana in lagu cunaa meel quduus ah oo ah barxadda teendhada shirka.
27 Oo wax alla wixii hilibkiisa taabtaana quduus bay ahaan
doonaan, oo dhiiggiisana haddii dhar lagu saydho, wixii uu kaga saydhmay waa inaad
ku maydhaa meel quduus ah. 28 Laakiinse weelka dhoobada ah
oo lagu kariyey waa in la burburiyaa, oo haddii weel naxaas ah lagu kariyana waa
in la xaquuqaa oo biyo lagu dhaqaa. 29 Oo wadaaddada intooda
laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, waayo, waa kan ugu wada quduusan.
30 Oo qurbaankii dembiga oo dhiiggiisa la soo geliyo teendhada
shirka si meesha quduuska ah kafaaraggud loogu sameeyo innaba waa inaan la cunin,
waase in dab lagu gubaa.
^ Dib u celi bilawga ^
7
Qurbaankii Xadgudubka
1 Oo kanuna waa sharciga ku saabsan qurbaanka xadgudubka.
Kaasu waa kan ugu wada quduusan. 2 Meesha qurbaanka la gubo
lagu gowraco waa in qurbaanka xadgudubkana lagu gowracaa, oo dhiiggiisana waa inuu
ku dul rusheeyaa hareeraha meesha allabariga. 3 Oo isagu
waa inuu bixiyaa baruurta taasoo ah badhida, iyo xaydha gudaha ku duuban,
4 iyo labada kelyood iyo xaydha ku dul taal oo xanjaadka u dhow,
iyo xuubka beerka ku dul yaal, waa inuu kelyaha la qaadaa.
5 Oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ugu dul gubaa qurbaan Rabbiga dab loogu
sameeyo, waayo, kaasu waa qurbaankii xadgudubka. 6 Oo wadaaddada
intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, oo waa in lagu cunaa meel
quduus ah, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan. 7 Oo qurbaanka
xadgudubku waa sidii qurbaanka dembiga oo kale. Oo iyagu isku sharci ayay leeyihiin,
oo wadaadkii kafaaraggudka ku sameeyaa ha lahaado. 8 Oo wadaadkii
qof qurbaan la gubo u bixiyaa ha iska qaato haragga qurbaanka la gubo oo uu bixiyey.
9 Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo foorno lagu dubo, iyo
wax alla wixii birdaawe ama digsi lagu sameeyo waxaa iska leh wadaadka bixiya.
10 Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo saliid lagu daray amase engeg
ah waa inay wiilasha Haaruun oo dhammu lahaadaan, oo sidii mid u cuno kan kalena
ha u cuno.
Allabariga Qurbaannada Nabaadiinada
11 Oo kanuna waa sharciga ku saabsan allabariga qurbaannada
nabaadiinada ah oo Rabbiga loo bixiyo. 12 Oo hadduu mahadnaqid
aawadeed u bixinayo, waa inuu allabariga mahadnaqidda la bixiyaa moofo aan khamiir
lahayn oo saliid lagu daray, iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay,
iyo moofo saliid lagu daray oo bur la qoyay laga sameeyey.
13 Kibis khamiir leh waa inuu la bixiyaa qurbaankiisa iyo allabariga qurbaannadiisa
nabaadiinada ah mahadnaqid aawadeed. 14 Oo qurbaan kastana
waa inuu ka bixiyaa xabbad ah qurbaanka sare loo qaado oo Rabbiga loo bixiyo, oo
waxaa iska lahaanaya wadaadka saydhsaydha dhiigga qurbaannada nabaadiinada.
15 Oo hilibka allabarigiisa qurbaannadiisa nabaadiinada ah oo uu
mahadnaqidda u bixiyo waa in dhammaantiis la cunaa maalinta uu qurbaankiisa bixiyo,
oo waa inuusan waxba ka gaadhsiin tan iyo subaxda dambe.
16 Laakiinse haddii allabariga qurbaankiisu uu yahay nidar amase qurbaan uu ikhtiyaar
u bixiyo, waa in la cunaa maalinta uu bixiyo allabarigiisa, oo wixii ka hadhana
maalinta ku xigta ha la cuno. 17 Laakiinse hilibka allabariga
wixii ka hadha oo maalinta saddexaad gaadha waa in dab lagu gubaa.
18 Oo haddii hilibka allabarigiisa qurbaannada nabaadiinada ah la
cuno maalinta saddexaad, markaas la aqbali maayo, oo kii bixiyeyna loo xisaabi maayo,
laakiin taasu waxay ahaan doontaa karaahiyo, oo qofkii cunaana isagaa dembigiisa
qaadanaya. 19 Oo hilibkii taabta wax nijaas ahna waa inaan
la cunin; waase in dab lagu gubaa. Oo hilibkana qof kasta oo daahir ahu wax ha ka
cuno. 20 Laakiinse hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada
ah oo Rabbigu iska leeyahay qofkii cuna isagoo nijaastiisii ku taal waa in dadkiisii
laga gooyaa. 21 Oo qof hadduu taabto wax nijaas ah, hadday
tahay qof nijaastiis ama bahal nijaas ah amase karaahiyo nijaas ah, oo uu wax ka
cuno hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay, qofkaas
waa in dadkiisa laga gooyaa.
Cunitaankii Dhiigga Iyo Baruurta Oo La Mamnuucay
22 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
23 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Idinku
waa inaydaan cunin baruur lo'aad ama mid idaad amase mid riyood.
24 Oo neefkii iska dhinta baruurtiisa iyo neefkii dugaaggu bakhtiisto baruurtiisa
toona waa inaydaan sinaba u cunin, laakiinse siyaalo kale waa loogu isticmaali karaa.
25 Waayo, qofkii cuna baruurtii neefka dadku u bixiyo qurbaan
dab loogu sameeyo Rabbiga, qofka kaas cuna waa in dadkiisa laga gooyaa.
26 Oo waa inaydaan degmooyinkiinna oo dhan ku dhex cunin dhiig cayn
kasta ha ahaadee, hadduu yahay mid haad ama mid xayawaan toona.
27 Ku kasta ha ahaadee qofkii dhiig cuna waa in dadkiisa laga gooyaa.
Qaybta Wadaaddada
28 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
29 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Kii Rabbiga
u bixiyaa allabarigiisa qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaankiisa
uga keenaa allabariga qurbaannadiisa nabaadiinada ah. 30
Waa inuu gacmihiisa ku keenaa qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo; waa inuu
keenaa baruurta iyo sakaarka in sakaarka Rabbiga hortiisa lagu ruxruxo sidii qurbaanka
la ruxruxo. 31 Oo wadaadku waa inuu baruurta ku dul gubaa
meesha allabariga, laakiinse sakaarka waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa.
32 Oo allabariga ah qurbaannadiinna nabaadiinada waxaad ka soo bixisaan
bowdada midig oo waa inaad wadaadka siisaan, ha ahaatee qurbaan sare loo qaado.
33 Kii reer Haaruun ka mid ah oo bixiya dhiigga qurbaannada
nabaadiinada iyo baruurta ayaa qayb ahaan u leh bowdada midig.
34 Waayo, anigu reer binu Israa'iil ayaan allabariga ah qurbaannadooda nabaadiinada
kala baxay sakaarka la ruxruxo iyo bowdada sare loo qaado, oo waxaan reer binu Israa'iil
amar kaga siiyey wadaadka Haaruun iyo wiilashiisa weligoodba.
35 Taasu waa qaybtii subkidda oo Haaruun iyo qaybtii subkidda
oo wiilashiisa oo la kala baxayo qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, maalintii
iyaga loo keenay Rabbiga inay isaga uga adeegaan jagada wadaadnimada,
36 kuwaasoo maalintii la subkay uu Rabbigu amray in reer binu Israa'iil
iyaga siiyaan, oo taasna ab ka ab baa loo amray. 37 Haddaba
kanu waa sharciga ku saabsan qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka
dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, iyo kan quduuskadhigidda, iyo kan allabariga
qurbaannada nabaadiinada ah, 38 ee uu Rabbigu Muuse kaga
amray Buur Siinay maalintii uu reer binu Israa'iil ku amray inay Rabbiga u bixiyaan
qurbaannadooda iyagoo jooga cidladii Siinay.
^ Dib u celi bilawga ^
8
Haaruun Iyo Wiilashiisii Oo La Caleemasaaray
1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 Waxaad keentaa Haaruun iyo wiilashiisa oo isaga la jira, iyo dharka,
iyo saliidda lagu subkado, iyo dibiga ah qurbaanka dembiga, iyo labada wan, iyo
dambiisha ay kibista aan khamiirka lahaynu ku jirto. 3 Oo
ururka oo dhanna waxaad ku soo shirisaa iridda teendhada shirka.
4 Oo Muusena waa yeelay wixii Rabbigu isaga ku amray, oo ururkiina
waa lagu soo shiriyey iridda teendhadii shirka. 5 Kolkaasaa
Muuse ururkii oo dhan ku yidhi, Waxanu waa waxa Rabbigu amray in la sameeyo.
6 Markaasaa Muuse wuxuu soo kexeeyey Haaruun iyo wiilashiisii, oo
biyuu iyagii ku maydhay. 7 Oo wuxuu isagii u geliyey jubbaddii,
oo dhexdana wuxuu ugu xidhay dhex-xidhka, oo wuxuu u geliyey khamiiskii, eefodkiina
wuu u geliyey, oo dhexdana wuxuu ugu xidhay dhex-xidhkii eefodka oo daabaca lahaa,
oo kaasuu isagii ku xidhay. 8 Oo haddana wuxuu isagii saaray
laabgashigii, oo laabgashigiina wuxuu geliyey Uuriimkii iyo Tummiimkii.
9 Oo madaxana wuxuu u saaray duub, oo duubka dhankiisa horena wuxuu
ku dhejiyey waslad khafiif ah oo dahab ah oo ah taajka quduuska ah sidii Rabbigu
Muuse ku amray. 10 Markaasaa Muuse soo qaaday saliidda lagu
subkado, oo wuxuu ku subkay taambuuggii iyo waxyaalihii gudihiisa ku jiray oo dhan,
oo dhammaantoodna quduus buu ka dhigay. 11 Oo qaarkeedna
wuxuu toddoba jeer ku saydhsaydhay meeshii allabariga, oo wuxuu subkay meeshii allabariga
iyo weelasheedii oo dhan iyo berkeddii weysada iyo salkeedii, si uu dhammaantood
quduus uga dhigo. 12 Oo saliidda lagu subkado qaarkeedna
wuxuu ku shubay Haaruun madaxiisa, oo isagii wuu subkay si uu quduus uga dhigo.
13 Oo haddana Muuse wuxuu soo kexeeyey wiilashii Haaruun,
oo wuxuu iyagii u geliyey jubbado, wuxuuna ugu xidhay dhex-xidho, duubabna wuu u
duubay sidii Rabbigu Muuse ku amray. 14 Oo haddana wuxuu
keenay dibigii ahaa qurbaanka dembiga, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday
madaxa ka saareen dibigii qurbaankii dembiga ahaa. 15 Markaasuu
dibigii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii, oo farta ku mariyey geesihii
meesha allabariga, oo meesha allabarigana sidaasuu ku daahiriyey, kolkaasuu dhiigga
ku ag shubay salkii meesha allabariga, quduus buuna ka dhigay, si uu kafaaraggud
ugu sameeyo. 16 Oo wuxuu qaaday kulli xaydhii uurka ku jirtay
oo dhan, iyo xuubkii beerka ku dul yiil, iyo labada kelyood iyo xaydhooda, oo Muuse
intaasuu ku dul gubay meesha allabariga. 17 Laakiinse dibigii
iyo haraggiisii, iyo hilibkiisii, iyo uuskiisiiba wuxuu ku gubay meel xerada dibaddeeda
ah sidii Rabbigu Muuse ku amray. 18 Oo haddana wuxuu keenay
wankii ahaa qurbaanka la gubo, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa
ka saareen wankii. 19 Oo isna wankii wuu gowracay, markaasaa
Muuse dhiiggii ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.
20 Oo wankii xubin xubin buu u kala googooyay, markaasaa Muuse wuxuu
gubay madaxii iyo xubnihii iyo xaydhii, 21 oo isna uurkujirtii
iyo addimmadii ayuu biyo ku maydhay, markaasaa Muuse wankii oo dhan ku dul gubay
meesha allabariga, waayo, kaasu wuxuu ahaa qurbaan la gubo oo caraf udgoon loo bixiyo,
wuxuuna ahaa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
22 Oo haddana wuxuu keenay wankii kale, kaasoo ahaa wankii quduuskadhigidda,
oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen wankii. 23 Markaasuu wankii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii oo
wuxuu mariyey Haaruun caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo
suulka cagtiisa midig. 24 Oo haddana wuxuu keenay Haaruun
wiilashiisii, kolkaasaa Muuse dhiiggii mariyey caaradda dhegahooda midig, iyo suulka
gacantooda midig, iyo suulka cagtooda midig, oo Muusena wuxuu dhiiggii ku dul rusheeyey
hareeraha meesha allabariga. 25 Markaasuu soo qaaday baruurtii,
iyo badhidii, iyo xaydhii uurka ku jirtay oo dhan, iyo xuubkii beerka ku yiil, iyo
labadii kelyood, iyo xaydhoodii, iyo bowdadii midig. 26 Oo
dambiishii ay kibista aan khamiirka lahaynu ku jirtay oo Rabbiga hortiisa tiilna
wuxuu ka soo bixiyey xabbad ah kibis aan khamiir lahayn, iyo xabbad ah moofo saliid
leh, iyo xabbad canjeero ah, oo wuxuu saaray baruurtii iyo bowdadii midig,
27 oo intaas oo dhan ayuu saaray Haaruun gacantiisii, iyo gacantii
wiilashiisa, oo sida qurbaanka la ruxruxo ayaa Rabbiga hortiisa lagu ruxruxay.
28 Kolkaasaa Muuse gacmahoodii ka qaaday oo wuxuu qurbaankii la
gubayay kula dul gubay meesha allabariga, oo waxay ahaayeen quduuskadhigidda oo
caraf udgoon loo bixiyo. Taasu waxay ahayd qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.
29 Kolkaasaa Muuse qaaday sakaarkii, oo Rabbiga hortiisa ayuu ugu
ruxruxay qurbaan la ruxruxo aawadiis, oo kaasu wuxuu ahaa qaybtii Muuse ku lahaa
wankii quduuskadhigidda sidii Rabbigu Muuse ku amray. 30
Markaasaa Muuse qaaday saliiddii lagu subkado qaarkeed iyo dhiiggii meesha allabariga
ku kor yiil, oo wuxuu ku kor saydhsaydhay Haaruun, iyo dharkiisii, iyo wiilashiisii,
iyo dharkii wiilashiisa, oo wuxuu quduus ka dhigay Haaruun iyo dharkiisii iyo wiilashiisii
iyo dharkii wiilashiisaba. 31 Markaasaa Muuse Haaruun iyo
wiilashiisii ku yidhi, Hilibka waxaad ku ag karisaan iridda teendhada shirka, oo
halkaas ku cuna hilibka iyo kibista dambiisha quduuskadhigidda ku jirta, sidaan
u amray, oo aan u idhi, Haaruun iyo wiilashiisu waa inay cunaan.
32 Oo hilibka iyo kibista wixii ka hadhana waa inaad dab ku gubtaan.
33 Oo idinkuna waa inaydaan ka bixin iridda teendhada shirka
intii toddoba maalmood ah, ilaa maalmaha quduus laydinka dhigay ay dhammaystirmaan,
waayo, isagu wuxuu quduus idinka dhigayaa intii toddoba maalmood ah.
34 Oo Rabbigu wuxuu amray in la yeelo sida maantadan la yeelay,
in kafaaraggud laydiin sameeyo. 35 Oo intii toddoba maalmood
ah habeen iyo maalinba waa inaad ag joogtaan iridda teendhada shirka, oo Rabbiga
amarkiisa xajiya yeydnan dhimanine, waayo, sidaasaa laygu amray.
36 Oo Haaruun iyo wiilashiisiina way wada yeeleen waxyaalihii Rabbigu
amray oo uu gacanta Muuse u soo dhiibay oo dhan.
^ Dib u celi bilawga ^
9
Wadaaddadii Oo Bilaabay Shaqadooda
1 Oo maalintii siddeedaad ayaa Muuse u yeedhay Haaruun iyo
wiilashiisii, iyo odayaashii reer binu Israa'iil, 2 oo wuxuu
Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan
la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi.
3 Oo reer binu Israa'iilna la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaad
keentaan orgi ah qurbaan dembi, iyo weyl iyo wan oo labadooduba gu jiraan oo aan
innaba iin lahayn oo qurbaan la gubo ah. 4 Oo dibi iyo wanna
waxaad u keentaan qurbaanno nabaadiino in Rabbiga hortiisa allabari ahaan loogu
bixiyo, iyo qurbaan hadhuudh ah oo saliid lagu daray, waayo, maanta ayaa Rabbigu
idiin muuqan doonaa. 5 Oo iyana waxay teendhadii shirka horteeda
keeneen wixii Muuse amray, markaasay dadkii ururkii oo dhammu soo dhowaadeen oo
Rabbiga hortiisa istaageen. 6 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi,
Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray inaad samaysaan, oo waxaa idiin muuqan doona
Rabbiga ammaantiisa. 7 Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi,
Meesha allabariga u dhowow, oo waxaad bixisaa qurbaankaaga dembiga iyo qurbaankaaga
la gubo, oo nafsaddaada kafaaraggud u samee, iyo weliba dadka aawadiis, oo waxaad
bixisaa dadka qurbaankiisii oo iyaga kafaaraggud ugu samee sidii Rabbigu amray.
8 Sidaas daraaddeed ayuu Haaruun u soo dhowaaday meeshii
allabariga, oo wuxuu gowracay weylkii isaga nafsaddiisa u ahaa qurbaanka dembiga.
9 Oo wiilashii Haaruun ayaa isagii u keeneen dhiiggii, oo
isna fartiisii ayuu dhiiggii daray oo wuxuu mariyey geesihii meesha allabariga,
oo dhiigga intiisii kalena wuxuu ku ag shubay salkii meesha allabariga.
10 Laakiinse xaydhii, iyo kelyihii, iyo xuubkii laga soo gooyay
beerkii qurbaanka dembiga wuxuu ku dul gubay meesha allabariga sidii Rabbigu Muuse
ku amray. 11 Oo hilibkii iyo haraggiina wuxuu ku gubay meel
xerada dibaddeeda ah. 12 Oo haddana wuxuu gowracay neefkii
qurbaanka la gubo ahaa, markaasaa wiilashii Haaruun waxay isagii u keeneen dhiiggii,
oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.
13 Oo haddana waxay isagii u keeneen neefkii qurbaankii la gubo oo cad cad ah iyo
madaxii neefka, oo isna wuxuu ku dul gubay meesha allabariga.
14 Markaasuu biyo ku maydhay uurkujirtii iyo addimmadii, oo wuxuu
ku dul gubay qurbaankii la gubayay oo meesha allabariga saarnaa.
15 Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii dadka, oo wuxuu soo waday ridii dadka u ahayd
qurbaankii dembiga, wuuna gowracay oo u bixiyey dembi aawadiis, siduu kan hore yeelay.
16 Oo haddana wuxuu keenay neefkii qurbankii la gubo ahaa,
oo si qaynuunka waafaqsan ayuu u bixiyey. 17 Oo haddana wuxuu
keenay qurbaankii hadhuudhka, markaasuu cantoobo muggeed ka qaaday oo ku dul gubay
meesha allabariga, kaasoo ka gooni ah qurbaankii la gubayay oo subaxnimada.
18 Oo weliba wuxuu gowracay dibigii iyo wankii ahaa allabariga qurbaannada
nabaadiinada ah oo dadka aawadiis loo bixinayay; oo markaasay wiilashii Haaruun
isagii u keeneen dhiiggii, oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.
19 Markaasay keeneen baruurtii dibiga iyo tii wanka, iyo
badhidii, iyo xaydhii gudaha ku duubnayd, iyo kelyihii, iyo xuubkii beerka.
20 Markaasay baruurtii saareen sakaarradii, oo isna baruurtii buu
ku dul gubay meeshii allabariga. 21 Kolkaasaa Haaruun Rabbiga
hortiisa qurbaan la ruxruxo ugu ruxruxay sakaarradii iyo bowdadii midig, sidii Muuse
amray. 22 Markaasaa Haaruun gacmihiisii ku soo taagay dadka
xaggiisii, oo wuu u duceeyey iyagii; markaasuu ka soo degtay bixintii uu bixinayay
qurbaankii dembiga, iyo qurbaankii la gubayay, iyo qurbaannadii nabaadiinada.
23 Markaasay Muuse iyo Haaruun teendhadii shirka galeen, oo haddana
way ka soo bexeen oo dadkii u duceeyeen; kolkaasaa ammaantii Rabbigu dadkii oo dhan
u muuqatay. 24 Oo Rabbiga hortiisa waxaa ka yimid dab, oo
meesha allabariga dusheedii ayuu ku baabba'saday qurbaankii la gubayay iyo baruurtii,
oo dadkii oo dhammuna markay taas arkeen ayay qayliyeen oo wejigooda u dheceen.
^ Dib u celi bilawga ^
10
Dhimashadii Naadaab Iyo Abiihuu
1 Oo Naadaab iyo Abiihuu oo ahaa wiilashii Haaruun ayaa midkood
waluba qaatay idankiisii, oo dab bay ku rideen, fooxna way dul saareen, oo waxay
Rabbiga hortiisa ku bixiyeen dab qalaad oo uusan ku amrin.
2 Oo dab baa Rabbiga hortiisa ka yimid, oo iyagii baabba'saday, oo Rabbiga hortiisa
ayay ku dhinteen. 3 Markaasaa Muuse Haaruun ku yidhi, Tanu
waa wixii Rabbigu ka hadlay, oo uu yidhi, Aniga waa in quduus laygaga dhex dhigaa
kuwa ii soo dhowaada, oo waa in laygu ammaanaa dadka oo dhan hortiisa. Oo Haaruunna
wuu iska aamusay. 4 Markaasaa Muuse u yeedhay Miishaa'eel
iyo Elsaafaan, oo ahaa wiilashii Cusii'eel kaasoo ahaa Haaruun adeerkiis, oo wuxuu
ku yidhi, Soo dhowaada, oo walaalihiin ka soo qaada meesha quduuska ah horteeda
oo waxaad geeysaan xerada dibaddeeda. 5 Sidaas daraaddeed
way u dhowaadeen, oo wayna qaadeen iyagoo jubbadahoodii gashan, waxayna geeyeen
xerada dibaddeedii sidii Muuse yidhi. 6 Markaasaa Muuse ku
yidhi Haaruun iyo wiilashiisii ahaa Elecaasaar iyo Iitaamaar, Timaha madaxiinnu
yaanay arbushnaan, dharkiinnana ha dildillaacinina yeydnan dhimane, si aan Rabbigu
ugu cadhoon ururka oo dhan, laakiinse walaalihiin ah reer binu Israa'iil oo dhammu
ha ka ooyeen gubashadii Rabbigu huriyey. 7 Oo idinku waa
inaydaan ka bixin iridda teendhada shirka yeydnan dhimane, waayo, waxaa korkiinna
ku taal saliiddii subkidda oo Rabbiga, oo iyana waxay yeeleen si waafaqsan eraygii
Muuse.
8 Markaasaa Rabbigu Haaruun la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
9 Ha cabbina khamri amase wax lagu sakhraamo, adiga iyo wiilashaada
kula jira toona, markaad teendhada shirka gashaan yeydnan dhimane, oo taasu weligiin
iyo ab ka ab qaynuun bay idiin ahaan doontaa,
10 oo waa inaad kala dudaan waxa quduuska ah iyo waxa aan quduuska
ahayn, iyo waxa nijaasta ah iyo waxa daahirka ah; 11 iyo
inaad reer binu Israa'iil bartaan kulli qaynuunnadii Rabbigu iyaga kula hadlay oo
uu gacanta Muuse ugu soo dhiibay oo dhan.
12 Kolkaasaa Muuse la hadlay Haaruun, iyo wiilashiisii hadhay
oo ahaa Elecaasaar iyo Iitaamaar, oo wuxuu ku yidhi, Qurbaanka hadhuudhka ah oo
ka hadhay qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyey qaata oo isagoo aan khamiir
lahayn ku cuna meesha allabariga dhinaceeda, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.
13 Oo waa inaad ku cuntaan meel quduus ah, maxaa yeelay,
waa intii adiga iyo wiilashaadaba looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu
sameeyo, waayo, aniga sidaasaa laygu amray. 14 Oo sakaarka
la ruxruxo iyo bowdada sare loo qaado waa inaad meel daahirsan ku cuntaan adiga
iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga kula jiraaba, waayo, kuwaasu waa intii adiga iyo
wiilashaada looga amray allabaryada qurbaannada nabaadiinada ah oo reer binu Israa'iil
ay bixiyaan. 15 Oo iyagu bowdada sare loo qaado iyo sakaarka
la ruxruxo waa inay la keenaan qurbaannada xaydha oo dabka lagu sameeyo, in iyaga
Rabbiga hortiisa lagu ruxruxo sidii qurbaanka la ruxruxo, oo markaasay ahaan doonaan
inta weligiin laydiin amray adiga iyo wiilashaadaba, sidii Rabbigu amray.
16 Oo Muuse aad buu u doondoonay ridii ahayd qurbaanka dembiga,
markaasuu ogaaday in la gubay, kolkaasuu ku xanaaqay Elecaasaar iyo Iitaamaar oo
ahaa Haaruun wiilashiisii hadhay, oo wuxuu iyagii ku yidhi.
17 War maxaad qurbaanka dembiga ugu cuni weydeen meesha quduuska
ah gudaheeda, maxaa yeelay, kaasu waa kan ugu wada quduusan, oo isagu wuxuu kaas
idiin siiyey inaad qaaddaan xumaantii ururka oo aad iyaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud
ugu samaysaan? 18 Bal eega, orgiga dhiiggiisii lama soo gelin
meesha quduuska ah gudaheeda. Sida xaqiiqada ah waxaa idiin ekayd inaad meesha quduuska
ah gudaheeda ku cuntaan, sidaan idinku amray. 19 Markaasaa
Haaruun la hadlay Muuse, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, maantadan ayay Rabbiga hortiisa
ku bixiyeen qurbaankoodii dembiga iyo qurbaankoodii la gubayay, oo aniga waxaa igu
dhacay wax sidan oo kale ah, oo maanta haddaan cuno qurbaankii dembiga, taasu Rabbiga
hortiisa ma ku wanaagsanaan lahayd? 20 Muusena markuu taas
maqlay raalli buu ka noqday.
^ Dib u celi bilawga ^
11
Cuntada Nijaasta Ah Iyo Tan Daahirka Ah
1 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu
ku yidhi. 2 Reer binu Israa'iil la hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan,
Kuwanu waa waxyaalaha noolnool oo aad ka cunaysaan xayawaanka dhulka jooga oo dhan,
3 Wax alla wixii xayawaan ah oo raafkoodu kala jeexan yahay,
oo qanjaafilo leeyahay, oo calyanaqsiga raamsado waa inaad cuntaan.
4 Habase yeeshee, kuwan oo ka mid ah kuwa calyanaqsiga raamsado
oo raafka jeexan leh waa inaydaan cunin, kuwaasoo ah geela, maxaa yeelay, calyanaqsiga
wuu raamsadaa, laakiinse raafkiisu ma kala jeexna, haddaba isagu waa idinka nijaas.
5 Oo waladana ha cunina, maxaa yeelay, iyadu calyanaqsiga
way raamsataa, laakiinse raafkeedu ma kala jeexna, haddaba iyadu waa idinka nijaas.
6 Oo bakaylahana ha cunina, maxaa yeelay, isagu calyanaqsiga
wuu raamsadaa, laakiinse raafkiisu ma kala jeexna, haddaba isagu waa idinka nijaas.
7 Oo doofaarkana ha cunina, maxaa yeelay, isaga raafkiisu
waa kala jeexan yahay, oo qanjaafiluu leeyahay, laakiinse calyanaqsiga ma raamsado,
sidaas daraaddeed isagu waa idinka nijaas. 8 Haddaba kuwaas
hilibkooda waa inaydaan cunin, oo baqtigoodana waa inaydaan taaban, maxaa yeelay,
iyagu waa idinka nijaas.
9 Waxa biyaha ku dhex jira oo dhan kuwan ka cuna: wax alla
wixii baalal iyo qolfo leh oo ku dhex jira biyaha iyo badaha iyo webiyada cuna.
10 Laakiinse wax alla wixii aan baalal iyo qolfo lahayn oo
ku dhex jira badaha iyo webiyada, iyo waxa biyaha ku dhex dhaqdhaqaaqa oo dhan,
iyo kulli waxyaalaha noolnool oo biyaha ku dhex jira oo dhammu waa idinka karaahiyo.
11 Haddaba iyagu waa inay karaahiyo idinka ahaadaan; idinku
waa inaydaan hilibkooda cunin, oo baqtigoodana waa inuu karaahiyo idinka ahaadaa.
12 Wax alla wixii biyaha ku dhex jira oo aan lahayn baalal
iyo qolfo waa idinka karaahiyo.
13 Oo haaddana waxaa idinka karaahiyo ah kuwan, oo iyaga
waa inaan la cunin, waayo, iyagu waa karaahiyo, waana baqalyada, iyo babawga, iyo
saratoosiyaha, 14 iyo xuunshada, iyo shimbirlaayaha, iyo
faragooysta caynkeeda, 15 iyo cayn kasta oo tuke ah,
16 iyo gorayada, iyo aboodiga, iyo shimbirbadeedda, iyo cayn kasta
oo haadka adag, 17 iyo guumaysta yar, iyo xeebajoogta iyo
guumaysta weyn, 18 iyo guumaysgeesaleyda, iyo cantalyaaga,
iyo gorgorka, 19 iyo xuurta, iyo haadbiyoodda iyo caynteeda,
iyo ceelajoogjoogta, iyo fiidmeerta.
20 Oo wax baalal leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda
dhammaantood waa idinka karaahiyo. 21 Laakiinse wax baalal
leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda dhammaantood waxaad ka cuni kartaan
kuwa addimmada ku leh cagahooda ka kor, oo dhulka ku kor boodbooda,
22 iyaga waxaad ka cuntaan kuwa caynkan ah oo ah ayaxa iyo caynkiisa,
iyo kabajaanka iyo caynkiisa, iyo jiriqsiga iyo caynkiisa, iyo koronkorrada iyo
caynkeeda. 23 Laakiinse wax baalal leh oo gurguurta oo afarta
cagood lahu, waa idinka karaahiyo.
24 Oo kuwaas idinku waad ku nijaasoobaysaan, oo ku alla kii
baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii,
25 oo ku alla kii baqtigooda wax ka qaadaa waa inuu dharkiisa maydhaa, oo nijaas
buu ahaanayaa tan iyo fiidkii. 26 Xayawaan kasta oo raafkiisu
kala jeexan yahay, oo aan qanjaafilo lahayn ama aan calyanaqsiga raamsan waa idinka
nijaas, oo ku alla kii iyaga taabtaana wuu nijaasoobayaa.
27 Oo xayawaanka afarta addinba ku socda, wax alla wixii baabacooyinka
ku socdaa waa idinka nijaas, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa
tan iyo fiidkii. 28 Oo kii baqtigooda qaadaana waa inuu dharkiisa
maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, waayo, iyagu waa idinka nijaas.
29 Oo waxa dhulka ku gurguurta oo dhan kuwanu waa kuwa idinka
nijaas ah, waana fadhanfadhka, iyo jiirka, iyo amuurka iyo caynkiisa oo dhan,
30 iyo ilweynta iyo maansalugaleyda, iyo qorratada, iyo mulaca,
iyo jirjirroolaha. 31 Oo waxa gurguurta oo dhan kuwaasu waa
kuwa idinka nijaas ah, oo ku alla kii taabtaa markay dhintaan nijaas buu ahaan doonaa
tan iyo fiidkii. 32 Oo wax alla wixii ay ku dhacaan markay
dhintaan, nijaas bay ahaan doonaan, hadday yihiin weel qori ah, ama dhar, ama harag,
ama joonyad, weelkaasu wax kasta ha ahaadee haddii wax loogu isticmaalo waa in biyo
la dhex geliyaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, oo markaas dabadeedna
daahir buu ahaanayaa. 33 Oo weelkii dhoobo ah oo mid iyaga
ka mid ahu gudihiisa ku dhaco, wax alla wixii weelkaas gudihiisa ku jiraaba way
nijaasoobi doonaan, oo weelkiina waa inaad jebisaan. 34 Oo
waxa la cuno oo ku jira oo biyo gaadhaanba way nijaasoobi doonaan, oo weelka caynkaas
ah waxa la cabbo oo ku jira oo dhammuna way nijaasoobi doonaan.
35 Oo wax alla wixii wax baqtigooda ahu ku dhacaanba way nijaasoobi
doonaan, hadday yihiin foorno ama sholad, waa in la burburiyaa, waayo, iyagu waa
nijaas, waana inay nijaas idinka ahaadaan. 36 Habase yeeshee
il amase god ay biyo badanu ku jiraan daahir bay ahaanayaan, laakiinse wixii baqtigooda
taabtaa way nijaasoobayaan. 37 Oo wax baqtigooda ahu hadday
ku dhacaan abuur la abuurayo, kaasu waa daahir. 38 Laakiinse
abuurka haddii biyo lagu shubo oo wax baqtigooda ahu ay ku dhacaan markaas waa idinka
nijaas.
39 Oo xayawaanka aad cuni kartaan midkood hadduu dhinto,
| | |