Qoraal
Maqal/Muuqaal
Kitaabka Quduuska Ah
Jadwalka Idaacadda
La Xiriir
Nagala soo xiriir
Aqoondirsad
Qoraal Gaaban
Suugaan
Ilaah Keliya Iyo Jid Keliya
Wixii Aan Ka Maqalnay Nebiyada
Dersiga Kowaad - Ilaah keliya
Dersiga Labaad - Xaawa iyo Aadan
Dersiga Saddexaad - Qaabiil iyo Haabiil
Dersiga Afraad - Nebi Nuux
Dersiga Shanaad - Nebi Ibraahim
Dersiga Lixaad - Nebi Muuse
Dersiga Toddobaad - Nebi Daa'uud
Dersiga Siddeedaad - Sayid Ciise Masiix
Dersiga Sagaalaad - Dembi
Dersiga Tobnaad - Ducada iyo carnal ka san
Dersiga Kow-iyo-tobnaad - Waxyaalaha dhici doona
Dersiga Laba-iyo-tobnaad - Jid keliya
Hordhac
Casharka 1aad - Nuux
Casharka 2aad - Ibraahim
Casharka 3aad - Yuusuf
Casharka 4aad - Muuse
Casharka 5aad - Daa'uud
Casharka 6aad - Ishaacyaah
Casharka 7aad - Yooxanaa Baabtiisaha
Casharka 8aad - Ciise
Qirashada Iimaanka
Baryada Rabbiga
Maragfurka Shahiidkii Mehdi Dibaaj
Miyaad Faraxsan Tahay?
Masiixinimo?
Waxba ha ka cabsan
Diin oo keliyaa?
Qaynuunka dahabkaa
Ilaahow na tilmaanoo
Xalay Baan Masiixii Arkoo
Guullow Ilaahow
Nuurkii Adduunka
Koobka Adduunka 2010
Duruus
Qasiidooyin
Kartuun
Qasiidooyin-Fiidayaw ah
Sidee baad u aragtaa Masiixa?
Jidka Caddaaladda
Taariikhda Kiniisadda
Aan Iska Daayno Qaadka
Tafsiirta Kitaabkii Bilowgii
Tafsiirta Warqaddii loo qoray dadkii Cibraaniyada
Arrimaha Guurka iyo Qoyska
Qasiidooyin Ilaah Ammaan Ah
Codadka Iftiinka - 1
Codadka Iftiinka - 2
Qasiidooyin Qadiimi Ah
Axdigii Hore
Axdiga Cusub
Tawreedda
Taariikhda
Gabayga
Waxyiga
Bilowgii
Baxniintii
Laawiyintii
Tirintii
Sharciga Kunoqoshadiisa
Yashuuca
Xaakinnada
Ruud
Kitaabkii Kowaad ee Samuu'eel
Kitaabkii Labaad ee Samuu'eel
Kitaabkii Kowaad ee Boqorradii
Kitaabkii Labaad ee Boqorradii
Kitaabkii Kowaad ee Taariikhdii
Kitaabkii Labaad ee Taariikhdii
Cesraa
Nexemyaah
Esteer
Ayuub
Sabuurradii
Maahmaahyadii
Wacdiyahii
Gabaygii Sulaymaan
Ishacyaah
Yeremyaah
Baroorashadii Yeremyaah
Yexesqeel
Daanyeel
Hoosheeca
Yoo'eel
Caamoos
Cobadyaah
Yoonis
Miikaah
Naxuum
Xabaquuq
Sefanyaah
Xaggay
Sekaryaah
Malaakii
Qisadooyin Injiilka iyo Falimaha Rasuullada
Waraaqihii rasuul Bawlos qoray
Warqaddii Cibraaniyada iyo Waraaqaha Guud
Muujintii Ciise Masiix
Matayos
Markos
Luukos
Yooxanaa
Falimaha Rasuullada
Rooma
1 Korintos
2 Korintos
Galatiya
Efesos
Filiboy
Kolosay
1 Tesaloniika
2 Tesaloniika
1 Timoteyos
2 Timoteyos
Tiitos
Filemon
Cibraaniyada
Yacquub
1 Butros
2 Butros
1 Yooxanaa
2 Yooxanaa
3 Yooxanaa
Yuudas
Idaacadda Kale
Bogag af-Carbeed
Bogag af-Soomaali
Filinka ku saabsan Sayid Ciise Masiix
Hoyga
>
Qoraal
>
Aqoondirsad
>
Ilaah Keliya Iyo Jid Keliya
>
Dersiga Tobnaad - Ducada iyo carnal ka san
Qof kale u dir
Ilaah Keliya Iyo Jid Keliya
Dersiga Tobnaad
Ducada iyo camalka san
Ducada
Ducadu ama tukashadu waa quwad weyn oo banii-aadmigu uu yaqaan midkood. Duco baynu kaga adkaan karnaa dhibaatooyinka la moodo inaan laga adkaan karin. Soohdimo adduunka ka dhexeeya oo aan laga tallaabi karin baa duco kaga gudbi karnaa. Habase ahaatee, intaynan ducada gelin waa inaynu kaamilnaa waxyaalaha laynaga doonayo.
Baryadaadu waa in la baryaa kan saxa ah. Ilaahyada dhagaxyada ahu baryo ma maqli karaan. Ilaahyada qoryaha ahu duco garan mayaan. Ilaah keliya oo baryo maqla oo ka soo jawaabaa waa Ilaaha nool oo runta ah. Ilaahii Sayidka Ciise Masiix u soo diray si uu banii-aadmiga aawadiis ugu dhinto, weeye kan ay waajibka kuugu tahay inaad u tukatid.
Baryadaadu waa inay daacad ahaataa. Waa inaadan Ilaah weyddiisan inuu aad taajir kaaga dhigo. Waxaa suurtowda in Ilaah doonin inaad taajir noqotid. Kuwan waa dhawr baryo ama tukasho oo Ilaah aqbali karo:
Ilaahow, ii naxariiso, dembile baan ahay.
Ilaahow, i caawi si aan u garto waxaad damacday naftayda.
Ilaahow, iga caawi si aan ugu noolaado nolol nadiif ah oo markhaatifur aan kaaga noqdo dadka xaggaaga.
Ilaah wuxuu maqlaa oo ka soo jawaabaa ducooyin badan oo kale. Wuxuuna doonayaa inaad dhibaatooyinkaaga u keento. Wuxuu rabaa inuu noloshaada dhan kastaba u hoggaamiyo.
Baryado waa inay waafaqsanaataa waxa Ilaah rabo.
"Oo tanu waa kalsoonaanta aynu isaga u qabno taasoo ah haddaynu wax un doonistiisa ku barinno, isagu wuu ina maqlaa. "
-Warqaddii kowaad oo Yooxanaa 5:14
Ilaah wuu maqlaa, wuuna u jawaabaa kuwa Sayidka Ciise Masiix aqbalay. Waxaa suurtowda inuusan baryadeenna ka soo jawaabin markiiba. Waxaa suurtowda oo kale inuusan baryadeenna uga soo jawaabin sida aynu doonayno. Habase ahaatee Isaga wuu og yahay waxaa inoo wanaagsan oo baryadeennana wuxuu uga jawaabi doonaa si qumman.
Waa in lagu ducaystaa magaca Ciise Masiix. Ciise Masiix oo keliya ayaa ah dhexdhexaadiyaha, Ilaah iyo dadka u dhexeeya. Ciise Masiix qudhiisu wuxuu yiri,
"Wax alla waxaad Aabbaha magacayga ku weyddiistaan, uu idin siiyo."
- Injiilka sida Yooxanaa u qoray 15:16
Ma doonaysaa in ducadaada laga soo jawaabo? Xusuusnow waxaa laga rabo:
Tan kowaad: Waa inaad baridaa kan saxa ah.
Tan labaad: Waa inaad baryadaadu daacad ahaataa.
Tan saddexaad: Waa inaad u ducaysataa siduu Ilaah raalli ka yahay.
Tan afraad: Waa inaad ku ducaysataa magaca Ciise Masiix.
CAMAL SUUBBAN
Camalka suubban waa lagamamaarmaan, in qof kasta noloshiisu lahaato. Wax yar mooyaane, qof waliba ee jiri jirayba wuxuu sameeyey ficillo wanaagsan. Qaar baa waxay caawiyeen dad jirran. Qaarna waxay sadaqo siiyeen masaakiinta. Qaar waxay u naxariisteen cadaawayaashooda.
Waxyaalahaas oo dhammu waa camallo suubban. Habase ahaatee, camalladaa wanaagsan xataa midka mid ah kaama yeelo inaad xagga Ilaah qummaatidid. Nebi Ishacyaah wuxuu ku yiri,
"Xaqnimadayada oo dhammuna waa sida dhar wasakh ah."
- Kitaabka Ishacyaah 64:6
Waxaa wax ugu wanaagsan oo aan samayn karnaa ay Ilaah hortiis ku yihiin, sidii calalo wasakh ah oo kale. Waxaa suurtaggal ah inaad ducaysatid oo aad shuqul wanaagsan samaysid habeen iyo maalinba oo aad haddana cadaabta gashid. Waayo, ducada iyo camalka suubbani ma aha sida Ilaah wax ku aqbalo. Sida keliya oo Ilaah wax ku aqbalo waa inaad Ciise Masiix aammintid.
Markaad Ciise Masiix aqbasho waa muhiim inaad camal wanaagsan samayso. Markaad Sayidka Ciise Masiix weyddiisatid inuu ahaado taliyaha noloshaada waa inaad isaga ka farxisid oo aad u noolaatid.
"...mana aha xagga shuqullada, si aan ninna ugu faanin."
-
Warqaddii Rasuul Bawlos u qoray dadka Efesos 2:9
Sababta Ilaahi inoogu diidayo in aynu dembidhaafkeenna shaqaysanno, waa si aanan loogu faanin. Maanta Ilaah wuxuu dembidhaafka siinayaa qofka u qaadanaya hadiyad ahaan oo kale. Dembidhaafkaas oo aan lagu heli karin shaqo ama duco, laakiinse lagu heli karo aqbalidda Ciise Masiix oo keliya.
"Waayo, idinku waxaad ku badbaadeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid, laakiinse waa hadiyadda Ilaah."
- Efesos 2:8-9
Tijaabada Tobnaad
Ducada iyo camalka san
Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.
1. Baryada waa in la baryo
Ilaahyo badan.
Nin kasta.
Ilaah, laguna baryo xagga Ciise Masiix oo uu soo diray isaga.
2. Ilaah wuxuu ka jawaabi doonaa ducada caynkan oo kale ah
Ilaahow, ii naxariiso, anigu dembile baan ahay.
Ilaahow taajir iga dhig.
Ilaahow i caawi si aan madaxweyne ku noqdo.
3. Ilaah wuxuu yiri, Shuqulkeenna wanaagsanu waa.
Wax isaga ka farxiya.
Sidii dhar wasakh ah.
Mid ina geyn doona jannada.
4. Dembidhaafka
Waxaa lagu heli karaa shuqul wanaagsan.
Waxaa lagu heli karaa lacag la bixiyo.
Waa hadiyad.
5. Markii Ciise Masiix kuu noqdo taliyaha noloshaada, waa
Inaad isaga ka farxisid oo aad Isaga u noolaatid.
Inaad iskaga istareexdid raaxaysiga dunida.
Inaad lacag fara badan lahaataa.
Su'aalahan dhawr oo erayada dersiga ku jira kaga jawaab:
6. Ilaah muxuu hadiyad ahaan u bixinayaa maanta?
7. Jidka keliya ee Ilaah kugu aqbali karaa waa maxay?
8. Markaan Ciise Masiix aqbalo maxaa igu waajib ah inaan sameeyo?
Kuwan "run" iyo "been" mid kaga jawaab:
9. Ducadu waa quwadda weyn oo uu banii-aadmigu yaqaan mid ka mid ah.
Run
Been
10. Ciise Masiix waa dhexdhexaadiyaha keliya oo u dhexeeya Ilaah iyo banii-aadmiga.
Run
Been
Magacaaga oo dhan
:
Cinwaanka Iimaylka
:
Magaalada
:
Waddanka
:
Su'aal ama Ra'yi
:
"
Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa,
Waayo, Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo,
Haddaba bal binu-aadmigu muxuu igu samayn karaa?
"
Sabuurka 56:4
Nagala soo Xiriir
|
Site Map
|
© Copyright 2006 Nolosha Cusub. All rights reserved.