Nolosha Cusub
Skip Navigation Links
Skip Navigation LinksHoyga > Qoraal > Qoraal Gaaban > Qirashada Iimaanka Qof kale u dir Boggan iimayl ugu dir saaxiib  

QIRASHADA IIMAANKA


Waxaan rumaysanahay Ilaaha Aabbaha ah
Oo ah Qaadirka uumay samada iyo dhulka,
Iyo Ciise Masiix, oo ah Inankiisa madigaa,
Inuu yahay Sayidkeenna,
In Ruuxa Qoduuskaa laga uuraystay,
Oo uu ka dhashay Maryan oo bikraa,
Oo uu ku hoos silcay Bontiyos Bilaatos,
Oo iskutallaabta lagu qodbay, oo uu dhintay,
Oo la aasay, inuu maalintii saddexaad soo noolaaday,
Oo samada aaday, oo uu haatan fadhiyo gacanta midigtaa
Oo Ilaah Aabbaha Qaadirkaa;
Oo halkaasuu ka iman doonaa inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba.
Waxaan rumaysanahay Ruuxa Qoduuskaa,
Kiniisadda Ciise Masiix oo caalamigaa, ururka awliyada, cafiga dembiga,
Sarakicidda jirka, iyo nolosha daa'imiskaa.
Aammiin.


"Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa,
Waayo, Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo,
Haddaba bal binu-aadmigu muxuu igu samayn karaa?
"

Sabuurka 56:4