|
Ku soo dhowaada Nolosha Cusub!
Hordhac
Naftu waxay u baahan tahay Adduun iyo Aakhiraba, farxad, nabad, guul iyo nolol wacan
oo wanaagsan. Hase yeeshee, marka la eego xaaladaheenna adduunkan, inta badan ma
sahlana, waxaa jira duruufo innaga hor taagan in aan helno farxad iyo waxa ay nafteennu
si dhab ah ugu baahnayd, taasina waxaa sabab u ah sidaan carrabka ku soo dhufanay
dhibaatooyin farabadan oo ina soo food saaray sida: dagaal sokeeye oo sababay bara
kac iyo qax, qariibnimo, iyo cuduro, dandarro, caasinnimo iyo caddaaladdarro.
Boggan waxaad ka heleysaan aqoonta jidka nolosha cusub oo kugu hoggaaminaysa wanaagga,
nabad ku-wada-noolaanshaha, barwaaqada qalbiga, iyo barakada aan ka heleyno Eebbaheennna
ina abuuray ee ina jecel dhammaanteen. Boggani waa hoggaan u horseedaya ummadda
af-Soomaaliga ku hadasha wanaag iyo inay ku waarto nolol tayo leh! Ujeeddadayadu
waa inaan idin siinno dhiirrigelin ku salaysan ballamada Rabbiga, ballamadaas oo
qarni hore Ilaah u soo waxyooday nebiyada iyo rasuullada.
|
"Kaasu wuxuu ahaa nuurka runta ah oo iftiimiya nin walba oo dunida
yimaada. Dhammaanteen waxaynu buuxnaantiisa ka helnay nimco ka nimco. Waayo, sharciga
waxaa loo soo dhiibay Muuse, laakiinse nimcada iyo runtu waxay ku yimaadeen Ciise
Masiix." Injiilka sida Yooxaanaa u qoray 1:9, 16-17
|
|
|
|
|