Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Shilinka dahabka ahaa aan runta ahayn

Cabdullaahi wuxuu ku noolaa aqalkiisa ee ku yaala tuulada geeskeeda. Wuxuu ka shaqaystaa beecsharada la iibiyo khudaarta, taasoo uu ku beertay meel yar ee dhulkiisa ahayd. Shaqadan wuxuu samayn jiray markuu yaraa ee uu agoonka ahaa ilaa hadda uu qof wayn yahayna, weli shaqadii buu wadaa. Intuu wakhtiga sii gurmayey, wuu sii duqoobayey. Haddaba shaqadii beertii ilaalinta sida falka, abuurka, jaridda dhalatada iyo waraabinta, way ku badatay. Wuxuu ku noolaado keliya kama welwelaynin, laakiin waxa kale uu ka welwelsanaa siduu u bixin lahaa cashuurta. Xilli walboo gu’ ah wuxuu helaa ogaysiinta cashuurta. Badanaa meel buu dhigaa sida uu u bixiyo, markuu lacag ku filan khudaarta ka helo. Laakiin sannadkan wuxuu ahaa sannad ka duwan sannadihii hore, waayo waxaa dhacday abaar. Abuur badan baa qallalay Cabdullaahi, dalagyadiisana maysan buuxinaynin xitaa hal dambiil.

Maalin ninkii cashuurqaadaha ahaa baa la yimaaday ogaysiinta labaad. Dabcan, Cabdullaahi waxaa ka buuxday welwel oo sida uu cashuurta ku bixin lahaa ah. Wuxuuna ka fikiray inuu lacag deriskiisa ka deynsado, laakiin wuxuu xusuustay inay iyaga xitaa yihiin masaakiin. Wuuna waayey wuxuu samayn lahaa. Arrintana way sii xumaatay. Derbiyada aqalkiisa aad bay duug u ahaayeen oo hagaajisna way u baahnayeen. Markuu derbiyadii hagaajinaayey buu wuxuu arkay ashuun lagu dhex qariyey derbiyada mid ka mid ah. Isagoo faraxsan buu halkii ka soo saaray oo waxa ku jiray oo dhan ka daadiyey. Waraaqaha ku jiray way ka soo dhaceen markuu taabtay, laakiin hoostooda ayuu ku arkay shilin ah mid waqtiyadii hore la isticmaali jiray.

Markuu tijaabiyey oo tirtiray baa sida dahabka u dhalaalay. Fikirkiisa ugu horreeyey wuxuu ahaa, “Haddaba waan awoodaa inaan cashuurta bixiyo!” Wuxuuna bilaabay inuu nasto. Isagoo rajaynaya in culays ka dagi doono, oo lacag lagu baxsado leh, sonkor ka badan intii caadiga ahayd buu shaahiisa ku darsaday. Isla galabtaas baa ninkii cashuurqaadaha oo saaxiibkiisana ahaa yimaaday inuu salaamo oona ogaado xaaladda siday tahay. Wuu ogay isagoo shaqada ku jiro inuu ogaysiintii ugu dambaysay u keeni doona, si Cabdullaahi uu u bixiyo cashuurtiisa.

Markay si saaxiibtinimo ah u wada hadleen kadib, baa Cabdullaahi ninkii u sheegay wax ku saabsan shilinkii “dahabka ahaa”. Markaasaa ninkii cashuurqaadaha ahaa wuxuu rabay inuu arko. Markuu shilinkii uu keenay, baa ninkii ku tuuray dhagax, si uu u fiiriyo inay run tahay. Isagoo wajigiisa ay murug ka muuqata buu u celiyey Cabdullaahi shilinkii oo ku yiri, “Shilinkan shilin run ah ma ahan, saaxiibow.” Markaasaa Cabdullaahi waydiiyey, “Miyey ka imaanin awoowayaashayda iyo laga yaabaa awoowayaashooda ee waqtiga hore? Sidee baad ku dhihi kartaa ma fiicna?” Ninkii intuu shilinkii dhinaca kale u geddiyey, si uu si fiican u fiiriyo, kadibna wuxuu ku yiri, “Qayb ka mid ah way fiicantahay, qaybta kalena way xuntahay. Ma shaqaynayso haddaad qof siisid.”

Cabdullaahi aad buu u xanaaqay, wuxuuna yiri, “Sidee baad ku gaartay heer aad awoowyaashayda waxa xun ka sheegtid oo magacoodna hallaysid! Miyaad u malaysay inay garanaynin in shilinku xun yahay ama wanaagsan yahay?”

Markaasaa ninkii cashuurqaadaha ahaa si jilicsan ku yiri, “Walaalow, aniga waxba kama aqaani awoowayaashaada, laakiin waan ogahay in shilinku shilin run ah uu ahayn, oo la isticmaali karin. Haddaan oggolaado in lagu geeyo maxkamadda anigoon kaga canaananin, ma noqon lahayn saaxiibkaa dhabta ah.”

Haddaba Cabdullaahi wuu ka sii xanaaqay oo xitaa diiday inuu mar kale la hadla saaxiibkiisa. Ninkii cashuurqaadaha ahaana intuu kacay buu isaga nabad geliyey oo tagay. Habeenkaas Cabdullaahi ma seexan karin, waayo welwel iyo shaki baa ka buuxay. Wuxuuna bilaabay inuu isla hadlo, “Shilinkan hadduusan kan runta ah ahayn, aabbahayga iyo aabbihiisa miyey dhawri lahaayeen?”

Wuxuuna hadalkii ku soo gabaggabeeyey, shilin aan qiimo lahayn meel maba dhigeen. Markii hadalkii isku qalbi qaboojiyey, nabaddiisa baa u soo laabatay, wuxuuna go’aansaday inuusan mar kale arrintaas ka fikirin.

Isagoo weli fikraddaas qabay, ma isku dhibin inuu dadaalo oo na ogaado in shilinku kan runta ah yahay ilaa ay ka gaartay maalintii cashuurta la bixin lahaa. Mana ka fikirin haddii shilinku qiimo lahayn oo deyntiisa ee cashuurta iskaga bixin karin. Ugu dambayntii ogaysiintii ugu dambayso baa loo soo diray oo lagu yiri, “Imow xafiiska cashuurta ee lacagta iska dhiib!” Markaasaa Cabdullaahi inuu shilinkiisa “dahabka ahaa” oo dhalaalaya qaatay, buu tagay xafiiska oo safka sariflaha galay. Sariflahii baa shilinkii tijaabiyey, sidii uu ninkii kaloo cashuurqaadaha ahaa uu sameeyey, shilinkii dhagax buu ku tuuray, si uu u ogaado inuu mid run ah yahay. Markaasaa shilinkii cod aan caadi ahayn oo culus bixiyey. Sariflaha intuu shilinkii Cabdullaahi u celiyey buu ku yiri, “Walaalow, shilinkan mid run ah ma ahan, fadlan mid kale i sii.” Cabdullaahina wajigiisa baa beddelmay. Kadibna wuxuu ugu jawaabay, “Mid kale ma haysta. Waan ku baryaa, mudane, kan qaado, wuxuu qiimahiisa noqdaba, inkastoo ay bir laysku daray tahay, weli waa shilin wayn, waa inuu leeyahay qiimo.” Sariflaha baa u jawaabay, “Shaki ma lahan in dahab yar ku jira, laakiin waxay isku dhex jiraan biro aan qiimo lahayn. Kuuma oggolaan karin. Waad ogtahay in dowladdu u baahantahay dahab saafi ah. Waxaad leedahay saddex maalmood sidaad cashuurta ku bixin lahayd, bal dadaal.”

Cabdullaahi wuxuu ku hadluu waayey. Kibirkiisa ma u oggolaanin inuu u tago ninkii cashuurtaqaadaha ahaa oo ku yiraahdo, “Waxaan ahay doqon aamminay shilin aan qiimo lahayn.” Kibirkiisa darteed buu caawimaad u raadsan waayey. Saddexdii maalmood oo hartay waxba muu sameeyn karin. Maalintii afaraad baa askarta u timaaday oo Cabdullaahi geysay xabsiga. Markii la sii wadaayey baa deriskiisa maqleen wuxuu dhahaayey, “Waa doqonnimadayda, anigaa ciqaabtaan isu keenay, waxaan aamminay wax aan run ahayn.”

Saaxiibyaalow, miyaan la yaabnaa taxaddar la’aanta Cabdullaahi? Laakiin taxaddar la’aanteenana? Waa inaan u xisaab galnaa deynta Ilaahay nagu leeyahay, Rabbiga adduunkoo dhan leh, oo tijaabinaya canaankuu noo soo diray. Ilaaha Kan Ugu Sarreeya wuxuu anaga oo dhan nasiiyey saddex canaano waa inaan Maalintii Qiyaamaha isaga soo hor istaagnaa.

Canaanta ugu horreeyso waa codkii damiirka, cod yar ee kugu jiraa oo kuu kala sheegaya waxa saxda ah iyo waxa xun. Ilaahay wuxuu nagu canaantaa damiirkeenna, markaan wax xun sameeyno waa nala ciqaabi doonnaa. Tani waa sida ogaysiinta ugu horreeysay ee Cabdullaahi loo soo diray.

Tan labaad waxay la timaadaa Erayga Ilaahay oo qoran. Tawreedda (sharcigii Nebi Muuse), Sabuurrada (Sabuurradii Daa’uud), Injiilka (Warka wanaagsan ee Sayid Ciise Masiix) kuwan oo dhan waxay na baraayaaan in dhimashadu dembi darteed u timaaday, dhimashada kadibna xukun baa imaanaya. Canaantii saddexaad waa mid yaab leh oo xanuun badan. Haddaan xanuunsano oo aan u dhownahay dhimashada, xanuun baa dareenaa, anagoo og inaan mar dhow Ilaahay la kulmi doonna oo aan ka jawaabi doonno waxyaalahan samaynoo dhan. Anagoon shaki nagu jirin, waa inaan bixinaa, sida Cabdullaahi oo kaleeto. Waa waqtiga aad noloshaada fiirin lahayd. Maxaad aamminkaaga saartay? Miyey Ilaahay hortiisa run ku ahaan doontaa Maalintii Qiyaamaha?

Waxaa laga yaaba inaad aamminsantahay sida awoowayaashaada kuu keeneen, adigoo filaaya inay run tahay. Saaxiibyaalow, bal tijaabi aamminkaaga inaad ogaato inay sax tahay ee saafi tahay, inay Maalintii Qiyaamaha Ilaahay ku caawinaysa. Ilaahay wuxuu doonayaa in duco walba lagu ducaysto, iyadoo qalbigeenna saafi yahay, oo aan lahayn damac danaysi ah, xanaaq ama aargudasho. Ducadaadu miyey tahay “dahab saafi ah?” Si kastoon aan isku dayno, si kastoon mar badan u ducaysana, intaan siina masaakiinta, si kastoon daacadnimo ku soona ama xajka aan tagna, dhibkii baan weli u soo laaban doonnaa. Ilaahay wuxuu Kitaabkiisa Quduuska Ah ku yiri, “Sida qoran, Mid xaq ahu ma jiro, midnaba; Mid wax garanayaa ma jiro; Mid Ilaah doondoonaa ma jiro; Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, waxay wada noqdeen wax aan wax tar lahayn; Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.” (Rooma 3:10-12)

Markaan daacad nahay, Kitaabka Quduuska Ah iyo qalbigeenna way noo sheegaan, markaan dembi galno oo aan ammaanta Ilaahayga xaqa ah waayna. Runtii, haddaan aammino shaqadeenna fiican waa sida anagoo aammina shilinka beenta ah. Laakiin Ilaahay ma nooga tagin xaalad xun. Waa nolol sida dahab saafi ah oo dhalaalaya, waa nolol dembi la’aan ah ee nolosha Ciise kan Masiixi ah. Dartaada buu noloshiisa u bixiyey sida bixinta dembigaaga oo kaamil ah. Noloshiisa kaamilka ah waxay qancisay dalabkii Ilaaha kaamilka ah oo allabariga kaamilka ah inay gaarto dalabka sharciga kaamilka ah. Sarakiciddiisana way dhammaystirantahay oo tani waa caddayn la diidi karin.

Haddaad aamminaadkaaga Ciise Masiixa saaratid qalbigaagoo dhan wax cajiib ah baa noloshaada ku dhici doonaa. Waxaad adiga shaqsi ahaantaada samaysan karin, buu kuu sameeynayaa. Waad tabar darantahay, Isagu awood buu leeyahay. Dembi baad gashaa, Isagu dembi la’aan buu yahay. Booskiina buu ku dhintay inuu ciqaabta weligeed ah kaga badbaadiyo. Haddaad sida runta ah u aammintid inuu yahay Badbaadiyahaaga iyo Rabbigaaga, wuxuu kaa dhaqayaa dembiyadaada hore oo Ruuxiisa Quduuska ah buu kuu soo dirayaa siduu kugu dhex noolaado. Wuxuu ku siinayaa dabeecad cusub, wuxuuna ku barayaa nolol cusub ee aad Ilaahay u noolaanaysid. Beddelkaad shaqadaada wanaagsan aad u geyn lahayd Ilaahay (taasoo ah shilinka aan runta ahayn), wuxuu ku siinayaa awood cusub ee aad ku noolaan lahayd nolosha Ilaahay jecel iyo isaga la gelida nolosha weligeed ah.

Sidaa darteed saaxiibow, tuur shilinka aan runta ahayn oo aad aamminaysid. Beddelkaas ku hel iimaanka dahabka saafiga ee Masiixa aan dembiga lahayn sida Badbaadiyahaaga iyo Rabbigaaga.

Waxaan rajaynaynaa inaad ka heshay akhriska farriintan. Haddaad doontid inaad hesho daabacadaheenna kale, halkan guji:

Haddaad jeceshahay inaad nala soo xariirto mise su’aalo waydiiso, waan ku faraxsan nahay inaan farriintaada helno:

Email: noloshacusub@gmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/BishaaroWeyn