Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Masaal

Xigmadda Sheekha

Marka la arko isagoo suuqa maraayo, cid ku fikirtay malahan inuu sheekha waayeelka ah ee aadka u xigmadda badan yahay. Wuxuu hor joogsaday ninka cuntada gadaayo dukaankiisa. Ninka cuntada gadaayo wuxuu ku qaylinaayey shaqaalihiisa oo ahaa wiil oo xisaabta uu qora. Codkiisa kor ayuu u qaaday, ilaa dad badan ay ku soo wareegsameen. Kaddibna sheekha oo ahaa nin fiicnaa oo xigmadna lahaa, wuxuu ku dhahay ninka cuntada gaadayo, “Saaxiibow, maxaad aad ugu xanaaqsan tahay wiilkan? U naxariiso, maxaa yeelay naxariistu waa calaamadda dadka deeqsiga ah.”

Ninka cuntada gadaayo wuxuu ku jawaabay, “Mudane, wiilkan dhibaato badan ayuu ii geystay. Markaan shaqada siiyay, wuxuu ii xaqiijiyey in uu yaqaano sida loo qoro oo xisaabta loo dejiyo. Waan rumaystay oo masuuliyad ayaan uga dhigay ganacsigayga. Hadda markaan buugaagta xisaabta furay, waxa meesha ku qoran si sax ah uma qorin wiilka. Sii cad looga ma jeedo deynta aan bixinay iyo kuwa nagula leeyahay. Si kastaba ha noqotee, way caddahay inaan ku dhowahay inaan shiid noqdo.”

Sheekhii ayaa ugu jawaabay, “Ilaahay wuxuu ku tusinayaa in badanaa waxyaalaha wanaagsan ee adduunku ay nacasyada helaan dhibkeedana ay maraan kuwa xigmadda leh.”

“Haddaad si fiican uga fikirto arrintan, waxaad arkaysaa inaad ku qaldantahay xisaabta Ilaahay, sida wiilka ugu qalday xisaabtaada. Tan kale, ma ogid maanta sida wax u dhici doonaan Maalinta Qiyaamaha, haddii ay jirto faa’iido mise khasaaro. Ka jooji wiilka qaylada, bal adiga is qabo marka hore, waxaa laga yaabaa markaa in aad aragto in afkaaga wax badan kasoo baxayaan.”

Intuu sheekhu hadlayay, qof walba si fiican ayuu hadalka sheekha u dhageysanaayey. Markaasaa qof soo booday oo dhahay, “Waad saxsantahay, Sheekhow, nimco waad mudan tahay. Haddaba inoo macnee hadalladaada, maxaa yeelay, way nagu adag yihiin in aan fahanno.”

Sheekha ayaa yiri, “Waxaan idin sheegayaa sheeko macno qurux badan leh.” Wuxuu fariistay dukaanka agtiisa wuxuuna bilaabay inuu dadkii la hadlo.

Markaasuu yiri, “Sannado badan ka hor, waxaa jiray nin, maalin isagoo keligiis ahaa bilaabay inuu tiriyo sannadaha da’ ahaan uu jiro. Wuxuu ogaaday inuu lixdan jir yahay. Wuxuuna tiriyey inta maalmood ee ku jiraan sanadahaas, way ka badnaatay 21,000 oo maalmood.

Kolkaasuu is yiri, ‘War maxaan qof xun ahay! Haddii aan sameeyey hal dembi oo keliya maalintii, dembiyadaydu waxay noqon lahaayeen in badan. Sidee ayaan ula kulmi karaa Rabbigayga, aniga oo tiradaan badan ee guuldarada iyo dembiyada wata!’ Ceeb ayuu dareemay, dhulka ayuu ku dhacay ninkii oo yiri, ‘Maxaa haddaba igu dhici doona, haddaan halka maalin keliya aan marar badan dembiyo sameeyo? Qalbigaygu shartiisa intuu la eg yahay haddaan si xuriyad leh u dembaabi karo!’ Wuxuu aad ugu murugooday fikirka qalbigiisa sharta leh ka soo baxaayo iyo xisaabtan xun. Dhulka ayuu cabbaar sii jiifay, isagoo ku daalan cabsi iyo murugo.”

Sheekha markuu dhammeeyey sheekada yaabka badnayd, dhagaystayaashiisa oo dhan dib ayay ugu noqdeen naftooda, waxay ka fikireen ficilladooda sharta ah, iyo waxa ay ka qaban lahaayeen marka dembiyadoodii badnaa la isku dardaro. Mid ka mid ah ayaa ku jawaabay, “Laakiin waxaan sameeynay camal wanaagsan oo dembiyadeenna tirtiraaya.” Sheekhii ayaa ugu jawaabay, “Walaalow, iska jir inaad isku halleeyso ficilladaada wanaagsanaa; ii oggolow inaan kuu sheego waxa igu dhacay markii aan ka fikiray camalkayga wanaagsan.”

“Maalin maalmaha ka mid ah,” ayuu sii waday, “Waxaan jeclaystay inaan xisaabiyo wixii aan ka xasuusto qaladaadkayga iyo camalkaygii wanaagsanaa. Ugu dambayntii, waxaan ogaaday in qaladaadka ay ka badan yihiin camalka wanaagsan, waana miyirbeelay oo aan seexday. Kadib waxaan ku riyooday riyo aad u xun. Riyada waxaa laygu tusay inaan dhex fadhiyey gurigayga, buug ayaa lay soo hor dhigay oo la ii kala furay.

Wuxuu ahaa buuggayga xisaabta, waxaan ka arkay dembiyadayda dhinaca deynta oo waxaan bilaabay inaan tiriyo, laakiin tirade aad bay u badnayd oo waan xisaabin waayey. Dhinaca amaahda waxay ahaayeen camalkayga wanaagsan. Kuwaani aad bay u yaraayeen, oo waxaa kor looga dul qoray erayo cabsi leh, “oo xaqnimadayada oo dhammuna waa sida dhar wasakh ah” Ishacyaah 64:61 . Markii aan sidaas ugu fiirsaday, waxaan bilaabay inaan ku dhex ooyo riyadayda waxaanna soo kacay, anigoo weli ooynayo.”

Markaas ayuu sheekha dhahay, “Saaxiibayaal, riyadii aan ku riyooday waxay ahayd riyo run ah. Isla erayadan ayuu mid ka mid ah nebigii Ilaah, oo la yiraahdo Ishacyaah, ku hadlay. Way inoo roon tahay kulligayna inaan cabsanno, waayo camalkeenna wanaagsan waxaa laga heli karaa inay wax ka maqan yihiin oo aan la aqbali karin Maalinta Qiyaamaha.

Laakiinse nebigan, oo sharaxay camalkeenna wanaagsan, intaas kuma uusan joogsanin. Kitaabkiisa wuxuu kaga hadlay Badbaadiye wayn oo Ilaah soo diri doono si uu dadka uga badbaadiyo dembiyadooda Ishacyaah 53:1-12 . “Saacaddan dadka indhahooda ayuu ka tirtiri lahaa ilmada murugada iyo towbadda.” Ishacyaah 25:8-9. Sayidka Rabbiga ahuna weji kastaba ilmada wuu ka tirtiri doonaa, oo ceebta dadkiisana dhulka oo dhan wuu ka qaadi doonaa.”

”Marka meeshan la maraayo ninkii cuntada gadaayey wuu ooyay, “Allah ha u naxariisto waalidiinteenna! Bal nooga sheeg nebiga wuxuu ka dhahay ku saabsan Badbaadiyaha.”

Sheekhii wuxuu ugu jawaabay ninka, “Dhageysta waxa nebiga yiri, “Laakiinse waxaa isaga loo dhaawacay xadgudubyadeenna, waxaana loo nabareeyey xumaatooyinkeenna, edbintii nabaadiinadeennana dushiisay ku dhacday, dildillaaciisiina waynu ku bogsannay.” Ishacyaah 53:5

“Isagu naftiisuu geeri u huray, waxaana lagu tiriyey kuwa xadgudbay, weliba wuxuu xambaartay kuwa badan dembigood, wuuna u duceeyey kuwa xadgudbay.” Ishacyaah 53:12

Ninka cuntada gadaayo ayaa yiri, “Maskaxdayda caqli ku filan malahan oo ay ku fahamto erayadan, laakiin erayadan waxay ka macaan yihiin malab. Waan ku baryaa ee ii sheeg, Badbaadiyahaas yuu yahay oo naftiisa u huray geeri dembigeenna dartiis.”

“Walaalkayga qaaliga ahow,” ayuu yiri sheekha, “soo bax ii soo raac gurigayga, waxaan si faahfaahsan kaaga dhex sharaxi doonaa Kitaabka Ilaahay.

Ninka cuntada gadaayo baa wiilkii uu ku qaylin jiray ku yiri, “Dukaanka hadda xir oo nabad ku bax. Berri soo noqo, haddii Eebbe idmo.”

Kadib sheekhii ayuu raacay. Markii ay imaadeen gurigiisa, sheekha wuxuu bilaabay inuu u akhriyo Kitaabyada nebiyada iyo Sabuurrada ee Boqor Daa’uud oo nebi ahaa. Waxay isla akhriyeen waxyiyaal qusaaya Badbaadiyaha.

Kadib wuxuu tusay Injiilkii Ciise, isagoo tusinaya sida waxyiyaashan loogu fuliyay si sax ah shakhsiga Ciise Masiixa. Labadooduna way la yaabeen jacaylka wayn ee Eebbe waxayna ku farxeen jidka cajiibka ah ee badbaadada.

Saaxiibow, isla sida aan uga wada simannahayba waa inaad ka fikirtaa sida qalbigaaga u xun yahay iyo dembiyadaada intay la’egyihiin. Iska tiri tiradooda hana ku dhiirranaanin inaad ka fikirto inay yaryihiin, haddii kale waad is khiyaamaysaa. Nebi Daa’uud oo ahaa nin Ilaah iyo amarkiisa jecel, wuxuu tiriyey dembiyadiisa. Wuxuuna ogaaday inay badan yihiin oo wuxuu yiri, “Waayo, xumaatooyinkaygii waxay ka sare mareen madaxayga, Sida rar culus ayay igu culus yihiin aad iyo aad.” Sabuurka 38:4

Ha u maleynin in dembiyadaada sida ay dadka uga qarsoon yihiin inay ka qarsoomi karaan Ilaah, maxaa yeelay wax isaga ka qarsoon ma jiraan. Dhageyso waxa Nebi Daa’uud ka yiri arrintan, “Ilaahow, waad og tahay nacasnimadayda, Oo dembiyadayduna kaama qarsoona.” Sabuurka 69:5

Is fiiri oo Ilaahay u laabo una toobadkeen. Ku tixgeli erayadan rabaaniga ah qalbigaaga iyo maskaxdaada oo dhan. Raadi badbaadada Ilaah, Badbaadiyaha, Sayid Ciise Masiix. Isagu wuxuu nafsadiisa u bixiyey oo uu u dhintay dembiyadaada dartood, wuuna ka soo sarakacay kuwii dhintay, si adigana sidoo kale aad uga soo sarakacdid, markaad dhimato oo Isaga ula noolaato weligaa.

Waxaan rajaynaynaa inaad ka heshay akhriska farriintan. Haddaad doontid inaad hesho daabacadaheenna kale, halkan guji:

Haddaad jeceshahay inaad nala soo xariirto mise su’aalo waydiiso, waan ku faraxsan nahay inaan farriintaada helno:

Email: noloshacusub@gmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/BishaaroWeyn

Macnaha erayada

Shiid waa lacag la’aan ama hanti la isaga gudo deynta aanan lahayn

Xisaabin dajinta waa hab farsamo ah ama lagu xafido diiwaan maaliyadeed

Qaybta deynta waa waxyaabaha deynta ah oo lagu diiwaangeliyey koontada; waa kasoo horjeedka amaahda.

Ilaahnimadu waa wax Ilaahay iska leh oo u gaar ah; sidoo kale, waa qiimaha ama dabeecad Eebbe leh oo u gooni ah

Masiixa waa eray Cibraani ah oo macnihiisu yahay “Midka loo subkay.” Ciise wuxuu loogu subkay inuu ahaado Badbaadiyaha aadanaha oo dhan. Erayga “Masiixa” af Gariigga waxay dhahaaan “Kiristoos”.