Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Cutubka 1

Hordhaca Kitaabka

1 Dalka Cuus la yidhaahdo waxaa joogi jiray nin magiciisa Ayuub la odhan jiray, oo ninkaasuna wuxuu ahaa nin qumman oo toosan, wuxuuna ahaa mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada.

2 Oo waxaa isaga u dhashay toddoba wiil iyo saddex gabdhood.

3 Oo weliba xoolihiisuna waxay ahaayeen toddoba kun oo ido ah, iyo saddex kun oo geel ah, iyo shan boqol oo dibi oo laba laba ah, iyo shan boqol oo dameerood oo dhaddig ah, oo weliba wuxuu kaloo lahaa addoommo aad u badan, oo sidaas daraaddeed ninkaasu wuxuu ahaa kan ugu wada weyn dadka bariga oo dhan.

4 Oo wiilashiisii way tegi jireen, oo midkood kastaaba maalintiisa ayuu gurigiisa diyaafad ku samayn jiray, oo waxay u cid direen oo u yeedheen saddexdii gabdhood oo walaalahood ahaa inay wax la cunaan oo wax la cabbaan aawadeed.

5 Oo maalmihii ay diyaafaddii hayn jireen markay dhammaadaan ayaa Ayuub carruurtiisii u cid diri jiray oo daahirin jiray, oo intuu aroor hore kaco ayuu intay ahaayeen oo dhan u bixin jiray qurbaanno la gubo, waayo, Ayuub wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo wiilashaydu ay dembaabeen, oo ay qalbigooda Ilaah wax xun kaga sheegeen. Oo Ayuubna sidaasuu yeeli jiray had iyo goorba.

Jirrabaaddii Ugu Horraysay Ee Ayuub

6 Haddaba waxaa jirtay maalin ay Ilaah wiilashiisu u yimaadeen inay Rabbiga hortiisa isa soo taagaan, oo weliba Shayddaanna wuu soo dhex galay.

7 Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, War xaggee baad ka timid? Oo Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Waxaan ka imid dhulkii aan maray, oo aan hor iyo dibba ugu dhex socday.

8 Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Addoonkayga Ayuub ma ka fikirtay? Maxaa yeelay, isaga oo kale dhulka ma joogo, waayo, isagu waa nin qumman oo toosan, oo ah mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada.

9 Markaasaa Shayddaan Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Bal Ayuub ma waxtarla'aan buu Ilaah uga cabsadaa?

10 Sow deyr kuma aad wareejin isaga, iyo reerkiisa, iyo waxa uu haysto oo dhanba? Shuqulkii gacmihiisaad barakaysay, oo xoolihiisiina dhulkay aad ugu bateen.

11 Laakiinse haddaba bal gacantaada soo fidi, oo wuxuu haysto oo dhan taabo, oo isna sida runta ah, hortaada wax xun buu kaaga sheegi doonaa.

12 Markaaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Bal eeg, wuxuu haysto oo dhammu gacantaaday ku jiraan, laakiinse isaga nafsaddiisa waa inaadan far saarin. Markaasaa Shayddaan Rabbiga hortiisii ka tegey.

13 Oo maalin ay wiilashiisii iyo gabdhihiisii wax ku cunayeen oo khamri ku cabbayeen gurigii walaalkoodii ugu weynaa ayaa

14 waxaa Ayuub u yimid mid wargeeye ah oo wuxuu ku yidhi, Iyadoo dibidii ay beerta jeexayaan oo dameerihiina ay agtooda daaqayaan

15 ayaa waxaa na soo weeraray reer Shebaa, oo waxay dheceen xoolihii, oo weliba midiidinnadiina seef bay ku laayeen, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego.

16 Oo weli intii kaasu sii hadlayay ayuu mid kale yimid, oo wuxuu yidhi, Ilaah dabkiisii ayaa samada ka soo dhacay, oo wuxuu wada gubay oo baabbi'iyey idihii iyo midiidinnadii la jirayba, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego.

17 Oo weli intii kaasu sii hadlayay ayuu mid kale yimid, oo wuxuu yidhi, Reer Kaldayiin oo saddex koox ah ayaa geelii soo weeraray, oo dhammaantiisna way dheceen, oo weliba midiidinnadiina seef bay ku laayeen, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego.

18 Oo weli intii kaasu sii hadlayay ayuu mid kale yimid, oo wuxuu yidhi, Wiilashaadii iyo gabdhahaagii waxay wax ku cunayeen oo khamri ku cabbayeen gurigii walaalkooda ugu weyn,

19 oo bal eeg, waxaa cidlada ka timid dabayl weyn, oo gurigii afartiisa rukun bay ku dhufatay, kolkaasuu ku dumay raggii dhallinyarada ahaa, oo dhammaantood way dhinteen, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego.

20 Markaasaa Ayuub sara joogsaday, oo huwiskiisii jeexjeexay, oo madaxiisiina wuu xiiray, oo intuu dhulka ku dhacay ayuu sujuuday,

21 oo wuxuu yidhi, Anigoo qaawan baan uurkii hooyaday ka soo baxay, oo haddana anigoo qaawan baan halkaas ku noqon doonaa. Rabbigaa wax i siiyey, oo haddana Rabbigaa iga qaatay, ammaan waxaa leh magaca Rabbiga.

22 Oo waxyaalahaas oo dhan Ayuub innaba kuma uu dembaabin, oo Ilaahna eed kama uu sheegin.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 2

Jirrabaaddii Labaad Ee Ayuub

1 Haddaba waxaa kaloo jirtay maalin kale oo ay Ilaah wiilashiisu u yimaadeen inay Rabbiga hortiisa isa soo taagaan, oo weliba Shayddaanna wuu soo dhex galay, si uu isna Rabbiga isu soo hor taago.

2 Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, War xaggee baad ka timid? Oo Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Waxaan ka imid dhulkii aan maray, oo aan hor iyo dibba ugu dhex socday.

3 Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Addoonkayga Ayuub ma ka fikirtay? Maxaa yeelay, isaga oo kale dhulka ma joogo, waayo, isagu waa nin qumman oo toosan, oo ah mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada. Oo weliba isagu daacadnimadiisii wuu sii haystaa, in kastoo aad igu dirtay, si aan isaga sababla'aan ugu halligo.

4 Markaasaa Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Haragba harag baa loo baxshaa, oo nin wuxuu haysto oo dhan ayuu naftiisa u baxshaa.

5 Laakiinse bal haatan gacantaada soo fidi, oo lafihiisa iyo jiidhkiisa taabo, oo isna markaasuu hortaada wax xun kaaga sheegi doonaa.

6 Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Bal eeg, gacantaaduu ku jiraa, waxaadse u daysaa naftiisa.

7 Markaasaa Shayddaan Rabbiga hortiisii ka tegey, oo wuxuu Ayuub tin iyo cedhib ku dhuftay boogo xunxun.

8 Markaasaa Ayuub wuxuu qaatay dheri burburkiis inuu isku xoqo, oo wuxuu dhex fadhiistay dambas.

9 Markaasaa naagtiisii waxay ku tidhi, War ma weli baad daacadnimadaadii sii haysanaysaa? War hoy, Ilaah wax xun ka sheeg, oo iska dhimo.

10 Laakiinse wuxuu iyadii ku yidhi, Waxaad u hadlaysaa sida naagaha nacasyada ah middood. Naa waa sidee? Ilaah gacantiisa intaynu samaan ka qaadanno, miyaynan xumaanna ka qaadanayn? Oo in kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen Ayuub innaba afkiisa kuma dembaabin.

Saddexdii Saaxiib Ee Ayuub

11 Haddaba Ayuub saddexdiisii saaxiib markay maqleen xumaantii isaga ku dhacday oo dhan ayuu midkood kastaaba meeshiisii ka yimid. Oo kuwaasu waxay ahaayeen Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii, oo iyana waxay dhammaantood ballan ku dhigteen inay u yimaadaan si ay isaga ugu tacsiyeeyaan oo ay u qalbi qaboojiyaan.

12 Oo markay isagii meel fog ka arkeen oo ay aqoon waayeen ayay codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen, oo midkood waluba wuxuu jeexjeexay huwiskiisii, oo intay boodh xagga samada u tuureen ayay madaxa isaga shubeen.

13 Oo toddoba maalmood iyo toddoba habeen ayay isagii dhulka la fadhiyeen, oo midkoodna eray keliya kuma odhan, waayo, waxay arkeen inuu aad iyo aad u xanuunsanayo.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 3

Hadalkii Ayuub

1 Markaas dabadeed Ayuub intuu afkiisa furay ayuu habaaray maalintii uu dhashay.

2 Oo Ayuub intuu hadal bilaabay ayuu yidhi:

3 Dharaartii aan dhashay ha baabba'do

Iyo habeenkii la yidhi, Wiil baa calool galay.

4 Maalintaasu gudcur ha ahaato;

Oo Ilaah yuusan iyada xagga sare kaga fiirsan,

Oo nuurkuna yuusan iftiimin.

5 Gudcur iyo hooska dhimashadu iyada mulki ha ka dhigteen.

Daruuru ha ku degto,

Oo wixii maalin madoobeeya oo dhammu ha cabsiiyeen.

6 Oo habeenkaasna gudcur weynu ha qabsado,

Oo ayaamaha sannadda yuusan ka dhex rayrayn.

Oo yuusan soo dhex gelin bilaha tiradooda.

7 Bal eeg, habeenkaasu cidla ha noqdo;

Oo cod faraxsan yaanu ka dhex yeedhin.

8 Oo isaga ha habaareen kuwa maalinta habaaraa,

Oo kicin kara bahalka la yidhaahdo Lewiiyaataan.

9 Fiidka xiddigihiisu gudcur ha noqdeen,

Iftiin ha doondoono oo yuusan helin;

Oo innaba yuusan arkin kaaha waaberiga.

10 Maxaa yeelay, isagu ma uu awdin irdihii maxalka hooyaday,

Oo indhahaygana dhib kama uu qarin.

11 Bal maxaan u dhiman waayay markaan uurka ka soo baxay?

Oo maxaa naftu iiga bixi weyday isla markaan caloosha ka soo baxay?

12 Bal jilbuhu maxay ii aqbaleen?

Amase naasuhu inaan nuugo?

13 Waayo, hadda xasilloonaan baan ku jiifi lahaa;

Oo waan iska seexan lahaa, oo waan nasan lahaa,

14 Aniga iyo boqorrada iyo lataliyayaasha dunida

Oo nafsaddooda taallooyin u dhistay,

15 Iyo amiirradii dahabka lahaan jiray,

Oo guryahooda lacagta ka buuxsaday;

16 Bal dhicis qarsoon maxaan u ahaan waayay?

Ama sida dhallaan aan innaba iftiinka arag?

17 Halkaas kuwa sharka ahu cidna kuma sii dhibaan,

Oo kuwa daallanuna halkaasay ku nastaan.

18 Maxaabiistuna halkaasay dhammaantood ku wada istareexaan,

Mana ay maqlaan kii dulmi jiray codkiisa.

19 Yar iyo weynba halkaasaa la wada joogaa,

Oo addoonkuna sayidkiisa waa ka xor.

20 Bal iftiin maxaa loo siiyaa kan dhibaataysan?

Maxaase loo nooleeyaa kan naftiisu la qadhaadhaatay,

21 Oo dhimasho u xiisooda, oo ayan u imanayn,

Oo daraaddeed dhulka u qodqoda intuu khasnado qarsoon qodi lahaa in ka sii badan,

22 Kuwaasoo aad u reyreeya,

Oo farxa hadday qabriga heli karaan?

23 Bal maxaa iftiin loo siiyaa nin jidkiisu qarsoon yahay,

Oo Ilaah deyr ku wareejiyey?

24 Waayo, intaanan wax cunin ayaan taahaa,

Oo cabaadkayguna wuxuu u shubmaa sida biyo oo kale.

25 Waayo, hadba wixii aan ka cabsado ayaa igu soo dega,

Oo wixii aan ka baqo ayaa ii yimaada.

26 Ma aan istareexsani, mana aan xasillooni, mana aan nasto;

Laakiinse hadba dhibaato baa ii timaada.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 4

Eliifas

1 Markaasaa Eliifas kii reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

2 Mid hadduu isku dayo inuu kula hadlo, ma ka xumaanaysaa?

Laakiinse bal yaa hadal iska celin kara?

3 Bal eeg, adigu kuwa badan wax baad bartay,

Oo gacmihii itaalka darnaana waad xoogaysay.

4 Erayadaadu way tiiriyeen kii sii dhacayay,

Oo jilbihii tabarta yaraana waad adkaysay.

5 Laakiinse haatan dhibaatadu aday kuu timid, oo waad taag yaraanaysaa,

Wayna ku soo gaadhay, oo waad dhibaataysan tahay.

6 War kalsoonidaadu sow ma aha cabsida aad Ilaahaaga ka cabsato,

Rajadaaduse sow ma aha daacadnimada jidadkaaga?

7 Waan ku baryayaaye bal wax xusuuso, bal yaa weligiis halligmay isagoo aan xaq qabin?

Amase xaggee baa mid qumman lagu halaagay?

8 Sidaan anigu arkay, weligoodba kuwii xumaan tacbadaa,

Oo belaayo beertaa, isla waxaasay goostaan.

9 Iyagu waxay ku baabba'aan Ilaah neeftiisa,

Oo waxay ku dhammaadaan afuufidda cadhadiisa.

10 Libaaxa cidiisii, iyo aarka cadhaysan codkiisii,

Iyo libaaxyada yaryar miciyahoodiiba waa jajabaan.

11 Libaaxa duqa ahu ugaadhla'aanta buu u bakhtiyaa,

Oo goosha dhasheediina way kala firdhaan.

12 Haddaba war baa qarsoodi la iigu keenay,

Oo dhegtayduna faqiisay qabsatay.

13 Habeenkii markay riyooyinku fikirro kiciyaan,

Oo ay dadku hurdo weyn ku fogaadaan,

14 Ayaa cabsi iyo gariiru igu dhacay,

Oo lafahayga oo dhammuna way wada ruxruxmadeen.

15 Markaasaa ruux wejigayga soo hor maray,

Oo timihii jidhkayguna waa soo wada istaageen.

16 Oo isagii wuu joogsaday, laakiinse muuqashadiisii waan kala saari waayay;

Muuqaal baa indhahayga hortooda joogay;

Intii mudda ah aamusnaan baa jirtay, dabadeedna waxaan maqlay cod leh,

17 War nin dhiman karaa miyuu Ilaah ka sii caaddilsanaan karaa?

Mase nin baa ka sii daahirsanaan kara kii isaga abuuray?

18 Bal eeg, isagu addoommadiisa iskuma halleeyo;

Oo malaa'igihiisana nacasnimuu ku eedeeyaa.

19 Intee ka sii badan buu eedeeyaa kuwa guryaha dhoobada ah deggan,

Oo aasaaskoodii boodhka ku jiro,

Oo sida balanbaallis u burbura!

20 Subaxdii iyo fiidkii inta ka dhex leh ayay baabba'aan;

Weligoodba way halligmaan iyadoo aan ciduna ka fikirayn.

21 Xadhkaha teendhooyinkoodii sow lama siibo?

Way dhintaan iyagoo aan xigmad lahayn.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 5

1 Hadda bal u yeedh, mid kuu jawaabayaa ma jiraa?

Balse kuwa quduuska ah midkoodee baad u jeesanaysaa?

2 Waayo, ninkii nacas ah xanaaqiisaa dila,

Oo kii doqon ahna ciilkiisaa dila.

3 Anba waxaan arkay nacas xidid yeeshay.

Laakiinse degdeg baan u habaaray rugtiisii.

4 Carruurtiisu nabaadiino way ka fog yihiin,

Oo iridda agteeda ayaa iyaga lagu burburiyaa,

Mana jiro mid samatabbixiyaa.

5 Kuwaas beertay goostaan waxaa cuna kuwa gaajaysan,

Oo xataa qodxanta way kala soo dhex bixiyaan,

Oo maalkoodana waxaa afka u kala haya siriq.

6 Waayo, belaayo kama soo baxdo ciidda,

Dhibaatona kama soo dhex booddo dhulka,

7 Laakiinse binu-aadmigu dhibaato buu u dhashay,

Sida dhimbiiluhu kor ugu duulaan.

8 Aniguse Ilaah baan baryi lahaa,

Oo xaalkaygana Ilaah baan u dhiibi lahaa,

9 Kaasoo sameeya waxyaalo waaweyn oo aan la baadhi karin,

Iyo waxyaalo yaab badan oo aan la tirin karin,

10 Oo dhulka roob ku di'iya,

Beerahana biyo u soo dira.

11 Oo kuwa hooseeyana kor buu u qaadaa,

Kuwa baroortana nabaadiinuu ku sarraysiiyaa.

12 Madhnaan buu ka dhigaa talada khaa'innada,

Si ayan gacmahoodu u oofin karin farsamadoodii.

13 Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa;

Oo kuwa qalloocan taladoodana degdeg baa loo rogaa.

14 Oo maalinnimada ayay gudcur helaan,

Oo hadhka ayay wax haabhaabtaan sida habeennimada oo kale.

15 Laakiinse isagu kuwa baahan ayuu ka badbaadiyaa seefta afkooda,

Iyo kuwa xoogga badan gacantooda.

16 Sidaas daraaddeed kii miskiin ahu rajuu leeyahay,

Xumaantuse afkeeday xidhaa.

17 Bal eeg, waxaa faraxsan ninkii Ilaah canaanto,

Haddaba ha quudhsan Qaadirka edbintiisa.

18 Waayo, isagu wax buu nabar u yeelaa, waana duubaa;

Wuu dhaawacaa, gacmihiisuna way bogsiiyaan.

19 Wuxuu kaa samatabbixin doonaa lix dhibaato,

Oo marka toddobaadna belaayo kuma taaban doonto innaba.

20 Wakhtiga abaarta ah dhimashuu kaa furan doonaa,

Wakhtiga dagaalkana xoogga seefta.

21 Waad ka qarsoonaan doontaa karbaashidda carrabka;

Oo baabbi'iddu markay timaadana kama aad cabsan doontid innaba.

22 Waad ku qosli doontaa baabbi'idda iyo abaarta,

Oo dugaagga dhulkana kama aad baqi doontid.

23 Waayo, axdi baad la yeelan doontaa dhagaxyada berrinka,

Oo dugaagga duurkana heshiis baad la ahaan doontaa.

24 Oo waxaad ogaan doontaa in teendhadaadu nabdoon tahay,

Oo xeradaada waad soo booqon doontaa, oo waxba kama waayi doontid innaba.

25 Oo weliba waxaad ogaan doontaa in farcankaagu badnaan doono,

Oo dhashaaduna sida cawska dhulka bay ahaan doontaa.

26 Oo cimri dheer baad qabrigaaga ku geli doontaa,

Sida xidhmo hadhuudh ah xilliga loo soo xidho.

27 Bal eeg, annagu xaalkan waannu baadhnay, oo sidaas bayna tahay,

Haddaba bal maqal, oo nafsaddaada u ogow.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 6

Ayuub

1 Markaasaa Ayuub jawaabay oo wuxuu yidhi,

2 Hahe haddii dhibkayga la miisaami lahaa,

Oo masiibadayda kafado la wada saari lahaa!

3 Wuu ka sii cuslaan lahaa cammuudda badaha,

Sidaas daraaddeed hadalkaygii degdeg buu noqday.

4 Waayo, Ilaaha Qaadirka ah fallaadhihiisii ayaa igu dhex jira,

Oo naftayduna waabaydoodii way cabbaysaa,

Oo Ilaah cabsiintiisiina anigay igu soo kacdaa.

5 Dameerdibadeedku miyuu ciyaa markuu caws haysto?

Dibiguse miyuu ciyaa markii cunto la siiyo?

6 Wixii aan dhadhan lahayn miyaa cusbola'aan la cuni karaa?

Ukunta xabkeeduse miyuu dhadhan leeyahay?

7 Naftaydu way diidaa inay taabato,

Waxay ii yihiin sida cunto la naco oo kale.

8 Hahe bal maan helo waxa aan u baryootamo,

Oo Ilaah bal muu i siiyo waxa aan u xiisoodo!

9 Oo xataa Ilaah bal muu iska jeclaado inuu i burburiyo,

Oo bal muu gacantiisa iga sii daayo oo i baabbi'iyo!

10 Markaas waan istareexi lahaaye,

Oo waxaan u adkaysan lahaa xanuun aan ii tudhayn,

Waayo, ma aanan diidin Kan Quduuska ah erayadiisii.

11 Bal xooggaygu waa maxay inaan sugo aawadeed?

Aakhirkayguse waa maxay inaan dulqaato aawadeed?

12 War xooggaygu ma xoogga dhagaxyada baa?

Mise jidhkaygu ma naxaas baa?

13 War sow ma aha inaanan iscaawiyi karayn?

Sowse xigmaddu igama fogaan?

14 Kii diyaar u ah inuu qalbi jabo waa in saaxiibkiis u naxariisto

Waaba intaasoo uu ka tago cabsida Ilaaha Qaadirka ahe.

15 Walaalahay waa u khiyaano badnaayeen sida durdur oo kale,

Sida biyaha durdurrada ee iska baabba'a,

16 Kuwaasoo barafka la madoobaaday,

Oo uu barafka cad isku qariyo.

17 Markay qorraxoodaan way libdhaan,

Oo markay kululaadaanna meeshooday ka baabba'aan.

18 Kuwa safraa gees bay uga leexdaan,

Waxay u baxaan xagga cidlada oo halkaasay ku dhintaan.

19 Waxaa fiiriyey kuwa Teemaa ka safray,

Oo socotooyinkii Shebaa ayaa fishay.

20 Way ceeboobeen, waayo, way rajeeyeen,

Halkaasay yimaadeen, oo way hungoobeen.

21 Waayo, hadda idinku sidaasaad ii noqoteen,

Waxaad aragteen belaayo, waanad baqdeen.

22 Bal anigu miyaan idhi, Wax i sii?

Amase, Maalkaaga hadiyad iiga keen?

23 Amase, Cadowga gacantiisa iga samatabbixi?

Amase, Iga furo gacanta kan i dulma?

24 Bal wax i bar, oo anna waan iska aamusayaa;

Oo i garansii wixii aan ku qaldamay.

25 Erayo runu xoog badanaa!

Laakiinse bal canaantiinna muranka ahu maxay caddaysaa?

26 Ma waxaad u malaynaysaan inaad erayo canaanataan?

Maxaa yeelay, kii quustay hadalkiisu waa sida dabayl oo kale.

27 Waxaad saami u ridan lahaydeen maalka agoonta,

Oo saaxiibkiinna waad ka faa'iidaysan lahaydeen.

28 Haddaba raalli ahaada oo bal i fiiriya,

Waayo, sida runta ah been idiin sheegi maayo.

29 Haddaba waan idin baryayaaye iska noqda, yaan caddaaladla'aanu dhicin,

Ee mar kale iska noqda, waayo, xaalkaygu waa xaq.

30 War ma caddaaladla'aan baa carrabkayga saaran?

Mase carrabkaygaan waxyaalo xunxun dhadhamin karin?



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 7

1 War sow hawl diyaar uma aha binu-aadmiga dhulka jooga?

Sowse maalmihiisu ma aha sida kuwa shaqaale oo kale?

2 Sida addoon hoos u xiisooda,

Iyo sida shaqaale mushahaaradiisa filanaya,

3 Sidaasoo kale waxaa lay siiyaa bilo aan waxtar lahayn,

Oo waxaa lay siiyaa habeenno daal badan.

4 Haddaba markaan jiifsado waxaan idhaahdaa,

Bal goormaan kici doonaa? Laakiinse habeenku waa dheer yahay

Oo tan iyo waaberiga waan rogrogmadaa.

5 Jidhkaygii waxaa ku dedan dirxiyo iyo qolfo ciid ah,

Haddaba dubkaygu waa isqabsadaa dabadeedna wuu sii dillaacaa.

6 Cimrigaygu waa ka dheereeyaa dungudbiyaha dharsameeyaha,

Oo rajola'aan baan ku noolahay.

7 Bal xusuusta in noloshaydu tahay dabayl uun,

Ishayduna mar dambe samaan ma arki doonto.

8 Kii i fiiriya ishiisu mar dambe ima arki doonto,

Indhahaagu way i fiirin doonaan, laakiinse anigu ma jiri doono.

9 Sida daruurtu ay u libidho oo ay u baabba'do,

Sidaasoo kale ayaa kii She'ool hoos u galaa uusan mar dambe kor uga soo noqonayn.

10 Isagu mar dambe gurigiisii kuma soo noqon doono,

Oo meeshiisiina mar dambe ma ay aqoon doonto.

11 Sidaas daraaddeed anigu afkayga celin maayo;

Waxaan ku hadli doonaa cidhiidhiga qalbigayga,

Oo waxaan ku caban doonaa tiiraanyada qadhaadh oo naftayda.

12 War anigu ma bad baan ahay, mase nibiriga badda,

Bal maxaad ii daawanaysaa?

13 Markaan idhaahdo, Sariirtaydaa ii raxayn doonta,

Oo gogoshaydaa cabatinkayga iga sahali doonta,

14 Ayaad riyooyin igu bajisaa,

Oo waxaad igu cabsiisaa muuqashooyin.

15 Sidaas daraaddeed naftaydu waxay lafahayga ka doorataa

Ceejin iyo geeri.

16 Noloshayda waan nacsanahay, oo dooni maayo inaan weligay sii noolaado;

War iska kay daa, waayo, cimrigaygu waa neefsasho oo kale.

17 Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo aad u weynaynaysaa,

Balse maxaad uga fikiraysaa isaga?

18 Bal maxaad subax kasta u soo booqanaysaa,

Oo aad daqiiqad kasta u tijaabinaysaa?

19 Bal ilaa goormaadan iga sii jeesanayn,

Oo aadan iska kay daynayn intaan candhuuftayda liqayo?

20 Oo haddii aan dembaabay bal maxaan kuu sameeyaa Kaaga dadka ilaaliyow?

Bal maxaad iiga dhigatay calaamad,

Si aan nafsaddayda culaab ugu noqdo?

21 Oo bal maxaad xadgudubkayga iiga saamaxi weyday? Oo dembigaygana maxaad iiga fogayn weyday?

Waayo, haatan ciiddaan ku dhex jiifsan doonaa,

Aad baadna ii doondooni doontaa, laakiinse siima aan jiri doono.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 8

Bildad

1 Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

2 Ilaa goormaad waxyaalahan ku hadlaysaa?

Oo ilaa goormaa erayada afkaagu ahaanayaan sida dabayl xoog badan?

3 War ma Ilaah baa garsooridda qalloociya? Mase Ilaaha Qaadirka ah baa caddaaladda qalloociya?

4 Haddii carruurtaadii ay isaga ku dembaabeen,

Wuxuu iyagii u gacangeliyey xadgudubkoodii.

5 Haddaad aad u barido Ilaah,

Oo aad baryootankaaga hor dhigto Qaadirka,

6 Haddaad daahir ahaan lahayd oo aad qummanaan lahayd,

Sida xaqiiqada ah haatan wuu kuu toosi lahaa,

Oo hoyga xaqnimadaadana wuu barwaaqayn lahaa.

7 Oo in kastoo bilowgaagii yaraa,

Haddana ugudambaystaadu aad bay u weynaan lahayd.

8 Waan ku baryayaaye bal qarniyadii hore wax weyddii,

Oo bal soo garwaaqso waxyaalihii ay awowayaashood fatasheen,

9 (Waayo, innagu waxaynu nahay qoonkii shalayto oo qudha, oo waxba garan mayno,

Maxaa yeelay, cimrigeenna aan dhulka joognaa waa sida hoos oo kale.)

10 War sow iyagu wax kuma bari doonaan, oo wax kuuma sheegi doonaan,

Oo sow qalbigooda kaalama hadli doonaan?

11 War miyaa cawdu ka bixi kartaa meel aan dhoobo lahayn?

Cawsduurkuse miyuu bixi karaa biyola'aantood?

12 Intuu weli cagaarka yahay oo aan la gooyn,

Wuu ka hor engegaa dhalatada kale oo dhan.

13 Kuwa Ilaah illooba oo dhan wadiiqooyinkoodu waa sidaas oo kale,

Oo ninkii cibaadalaawe ah rajadiisuna way baabba'daa.

14 Oo kaas kalsoonaantiisu way kala jajabtaa,

Oo aaminaaddiisuna waa sida xuubcaaro oo kale.

15 Wuxuu ku tiirsan doonaa gurigiisa, laakiinse gurigiisu ma taagnaan doono.

Aad buu u xajin doonaa, laakiinse siima uu adkaan doono innaba.

16 Isagu waa ku cagaar qorraxda,

Oo laamihiisa curdanka ahuna waxay ka soo kor baxaan beertiisa.

17 Oo xididdadiisuna waxay isku duuduubaan taallo dhagaxyo ah,

Oo wuxuu fiiriyaa meesha dhagaxyada.

18 Isaga haddii meeshiisa laga baabbi'iyo,

Markaasay inkiri doontaa isaga, oo waxay odhan doontaa, Anigu kumaba arag.

19 Farxadda jidkiisu waa sidaas,

Oo waxaa dhulka ka soo bixi doona kuwa kaleto.

20 Ilaah marnaba xoori maayo nin qumman,

Kuwa sharka falase tiirin maayo.

21 Wuxuu afkaaga ka buuxin doonaa qosol,

Bushimahaagana qaylo farxad leh,

22 Kuwa ku neceb waxay xidhan doonaan ceeb,

Teendhada sharrowyaduna mar dambe siima jiri doonto.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 9

Ayuub

1 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

2 Sida runta ah waan ogahay inay sidaas tahay,

Laakiinse sidee baa nin xaq ugu noqon karaa Ilaah hortiisa?

3 Oo hadduu doonayo inuu la doodo isaga,

Kunkii erayba mid qudha ugama jawaabi karo.

4 Qalbigiisu waa xigmad miidhan, oo xooggiisuna waa badan yahay;

Bal yaa intuu isaga ka qalafsanaaday barwaaqoobay?

5 Isagu wuxuu rujiyaa buuraha, oo iyana ma ay yaqaaniin,

Markuu cadhadiisa ku afgembiyo.

6 Dhulka wuu ka ruxruxaa meeshiisa,

Oo tiirarkiisuna way wada gariiraan.

7 Wuxuu amraa qorraxda, oo iyana sooma ay baxdo,

Xiddigahana wuu xidhaa.

8 Isagoo keliya ayaa samooyinka kala bixiya,

Oo wuxuu ku dul socdaa hirarka badda.

9 Oo wuxuu sameeyey ururrada xiddigaha oo la yidhaahdo Orsada iyo Oriyon iyo Toddobaadyada,

Iyo xiddigaha koonfureed.

10 Wuxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aan la baadhi karin,

Oo ah waxyaalo yaab badan oo aan la tirin karin.

11 Wuu i ag maraa, aniguse uma jeedo isaga,

Oo wuu iga gudbaa, aniguse waxba kama ogi.

12 Bal wax buu qabsadaa ee, yaa ka hor joogsan kara?

Oo bal yaa ku odhan doona, War maxaad samaynaysaa?

13 Ilaah cadhadiisa ka soo celin maayo;

Oo kalmeeyayaasha kibirka lahuna isagay hoos foororaan.

14 Haddaba bal anigu sidee baan ugu jawaabi karaa,

Oo aan erayadayda kala doortaa si aan isaga kula hadlo?

15 In kastoo aan xaq ahaan lahaa, weliba uma aanan jawaabeen isaga,

Illowse waxaan iska baryi lahaa Kan i xukumaya.

16 Haddaan baryi lahaa oo uu ii jawaabi lahaa,

Ma aanan rumaysteen xataa inuu codkayga maqlay.

17 Waayo, isagu wuxuu igu jejebiyaa duufaan,

Oo nabrahaygana sababla'aan buu u sii kordhiyaa.

18 Isagu iima oggola inaan neefsado,

Laakiinse qadhaadh buu iga buuxiyaa.

19 Bal haddaan xagga xoogga ka hadalno isagu waa itaal miidhan,

Balse xagga xukunka yaa wakhti ii sheegaya?

20 In kastoo aan xaq ahay, afkayga ayaa i xukumi doona,

In kastoo aan qummanahay, waxaa igu caddaan doonta qalloocnaan.

21 Anigu waan qummanahay, oo nafsaddayda kama fikiro,

Noloshaydana waan quudhsadaa.

22 Kulli waa isku mid, oo sidaas daraaddeed waxaan idhaahdaa,

Isagu wuu wada baabbi'iyaa kan qumman iyo kan sharka ahba.

23 Haddii belaayadu haddiiba wax disho,

Wuu ku majaajiloon doonaa jirrabaadda kuwa aan xaqa qabin.

24 Dhulka waxaa gacanta loo geliyey kan sharka ah;

Oo isna wuxuu indhasaabaa xaakinnadii dhulka.

Bal hadduusan isaga ahayn, haddaba waa ayo?

25 Haddaba cimrigaygu waa ka sii dheereeyaa nin orda,

Wuu iga cararaa, oo wanaagna ma arko.

26 Wuxuu ii dhaafay sida doonniyaha dheereeya,

Iyo sida gorgor raq ku soo deganaya.

27 Haddaan odhan lahaa, Cabatinkayga waan illoobi doonaa,

Oo tiiraanyada jaaha iga saaran waan iska tuuri doonaa, oo waan faraxsanaan doonaa,

28 Waxaan ka baqayaa caloolxumadayda oo dhan,

Waayo, waan ogahay inaadan ii haysanayn sidii mid aan xaq qabin.

29 Kolleyba waa lay xukumayaaye,

Bal maxaan waxtarla'aan u hawshoodaa?

30 Haddaan biyo baraf ah ku maydho,

Oo aan gacmahayga aad iyo aad u nadiifiyo,

31 Adigu waxaad igu dhex tuuri doontaa bohol,

Oo xataa dharkaygu waa i nici doonaa.

32 Waayo, isagu nin ma aha, sidaydoo kale, si aan isaga ugu jawaabo,

Oo aannu labadayaduba xukun u wada galno.

33 Ma jiro nin noo dhexeeya,

Oo labadayadaba gacantiisa na saari kara.

34 Isagu ushiisa ha iga fogeeyo,

Oo cabsidiisuna yaanay i bajin.

35 Markaas waan hadli lahaa, oo isaga kama aanan baqeen;

Waayo, anigu sidaas ma ahi.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 10

1 Naftaydu noloshadayday la daallan tahay,

Oo joojinla'aan waan ku sii caban doonaa,

Oo qadhaadhka naftayda waan ku hadli doonaa.

2 Waxaan Ilaah ku odhan doonaa, Ha i xukumine.

Bal waxaad i tustaa waxa aad aawadood iila diriraysid.

3 Bal miyey kuu wanaagsan tahay inaad cidhiidhisid

Oo aad quudhsatid shuqulkii gacantaada,

Oo haddana aad iftiimisid kuwa sharka ah taladooda?

4 Ma waxaad leedahay indho binu-aadmi,

Mase sida dadkaad wax u aragtaa?

5 Wakhtigaagu ma sida wakhtiga dadkoo kalaa?

Cimrigaaguse ma sida cimriga dadkoo kalaa?

6 Oo bal ma sidaas daraaddeed baad xumaantayda u daba joogtaa,

Oo aad dembigayga u baadhaysaa,

7 In kastoo aad ogtahay inaanan sharrow ahayn,

Oo uusan jirin mid gacantaada iga samatabbixinaya?

8 Gacmahaaga ayaa i qabanqaabiyey oo i dhisay dhammaantay,

Laakiin haddana intaad igu soo jeesato ayaad i duminaysaa.

9 Bal xusuuso waan ku baryayaaye inaad ii dhoobtay sidii wax dhoobo laga sameeyey,

Haddaba ma boodhkaad dib iigu celinaysaa?

10 War sow sidii caano iima aadan daadin,

Oo sidii gadhoodh oo kale sow iigama aadan dhigin?

11 Waxaad i huwisay harag iyo hilib,

Oo waxaad dhammaantay igu dhistay lafo iyo seedo.

12 Waxaad i siisay nolol iyo raallinimo,

Oo booqashadaadiina waxay xannaanaysay ruuxayga.

13 Laakiin waxyaalahaas qalbigaaga waad ku qarisay;

Oo waan ogahay in taasu ay kugu jirto.

14 Haddaan dembaabo waad iska kay fiirsataa,

Oo ma aad caddaysid inaan dembi la'ahay.

15 Haddaan sharrow ahay, anaa iska hoogay,

Oo haddaan xaq ahayna, innaba madaxayga kor u qaadi maayo

Anigoo ceeb ka buuxa

Oo dhibaatadayda fiirinaya.

16 Oo haddii madaxaygu kor isu qaadona, waxaad ii ugaadhsataa sida libaax oo kale,

Oo haddana wax laga yaabo ayaad igu samaysaa.

17 Waxaad ii keensataa markhaatiyaal cusub,

Oo dhirifkaagana waad igu sii kordhisaa,

Oo hadba waxaad igu soo daysaa col iyo belaayo isu kay bedbeddela.

18 Bal maxaad iiga soo bixisay uurkii hooyaday?

Waxaa wanaagsanaan lahayd in naftu iga baxdo iyadoo aan iluna i arag!

19 Waxaa igu habboonaan lahayd inaan ahaado sidii wax aan jirin,

Oo waxaa ii roonaan lahayd in qabriga la ii qaado isla markii aan uurka hooyaday ka soo baxay.

20 War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa

Oo i dhaaf, aan in yar nastee,

21 Intaanan tegin meesha aanan ka soo noqonayn,

Oo ah dalka gudcur iyo hooska dhimashada,

22 Kaasoo ah gudcur qaro weyn oo ah sida mugdi dam ah,

Dalkaas oo ah hooska dhimashada, oo aan innaba nidaam lahayn,

Halkaas oo iftiinku yahay sida mugdi oo kale.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 11

Soofar

1 Markaasaa Soofar oo ahaa reer Nacamaatii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

2 War sow waajib ma aha in laga jawaabo erayada faraha badan?

Balse ninka hadalka badan xaq ma laga dhigaa?

3 Amase faankaagu miyuu dadka aamusiin karaa?

Oo markaad majaajilootid miyaan ninna ku kashifi karin?

4 Waayo, waxaad leedahay, Cilmigaygu waa daahir,

Oo nadiif baan ku ahay indhahaaga hortooda.

5 Bal muu Ilaah hadlo!

Oo bal muu bushimihiisa furo isagoo kaa gees ah!

6 Oo bal muu ku tuso waxyaalaha qarsoon ee xigmadda ah,

Waayo, way badan yihiin.

Haddaba bal ogow in Ilaah kaa jisaynayo in ka sii yar ciqaabta dembigaagu istaahilo.

7 War miyaad baadhi kartaa Ilaah axwaalkiisa moolka dheer?

Miyaadse Ilaaha Qaadirka ah si kaamil ah u garan kartaa?

8 Xigmaddiisu way u sarraysaa sida samada, ee bal maxaad samayn kartaa?

Oo She'oolna way ka sii mool dheer tahay, ee maxaad garan kartaa?

9 Qiyaasteeduna waa ka sii dheer tahay dhulka, waana ka sii ballaadhan tahay badda oo dhan.

10 Oo isagu hadduu dhex gudbo, wax kastana xidho,

Oo uu garsoorid isugu yeedho, bal yaa isaga hor joogsan kara?

11 Waayo, wuu gartaa dadka waxmatarayaasha ah,

Weliba xumaantana wuu arkaa, sow kama fikirin?

12 Laakiinse ninkii waxmatare ahu waxgarasho waa ka madhan yahay,

Hubaal dadku wuxuu u dhashaa sida qayl dameerdibadeed,

13 Haddaad qalbigaaga hagaajisid,

Oo aad isaga gacmaha u fidsatid,

14 Haddii xumaanu gacantaada ku jirto iska fogee,

Oo xaqdarrona yaanay teendhooyinkaaga degin.

15 Hubaal markaasaad wejigaaga kor u qaadi doontaa isagoo aan ceeb lahayn;

Oo waad adkaan doontaa, mana aad baqi doontid,

16 Waayo, dhibaatadaada waad illoobi doontaa,

Oo waxaad u xusuusan doontaa sidii biyo ku dhaafay,

17 Oo noloshaaduna way ka sii dhalaal dheeraan doontaa hadhkii,

Oo in kastoo gudcur jiro, waxay ahaan doontaa sida subaxda.

18 Oo ammaan baad ahaan doontaa, maxaa yeelay, rajaa jirta,

Hareerahaagaad fiirin doontaa, oo nabaadiinona waad ku nasan doontaa.

19 Weliba waad jiifsan doontaa, oo waxba kuma cabsiin doonaan;

Hubaal kuwa badan ayaa raallinimo kaa baryi doona.

20 Laakiinse kuwa sharka ahu way indhabbeeli doonaan.

Mana ay heli doonaan jid ay ku cararaan,

Rajadooduna waxay ahaan doontaa nafta oo ka dhacda.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 12

Ayuub

1 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

2 Shakila'aan waxaad tihiin dadkii,

Oo xigmad baa idinla dhiman doonta.

3 Laakiinse aniguba waxgarasho baan leeyahay sidiinna oo kale,

Oo weliba idinkama aan liito.

Bal waxyaalahan oo kale kan aan garanaynu waa ayo?

4 Waxaan la mid ahay sida mid saaxiibkiisu ku maadaysto,

Anoo Ilaah baryay oo isna uu ii jawaabay,

Ninkii xaq ah oo qumman waa lagu maadaystaa.

5 Kii istareexsan fikirkiisu waa yaraystaa nasiibdarrada,

Laakiinse diyaar bay u tahay kuwa cagtoodu simbiriirixato.

6 Kuwa wax dhaca teendhooyinkoodu way barwaaqoobaan,

Oo kuwa Ilaah ka cadhaysiiyaana ammaan bay ku joogaan,

Oo Ilaahna gacmahooduu wax kasta uga buuxshaa.

7 Laakiinse haatan bal xayawaanka wax weyddii, oo iyana wax bay ku bari doonaan,

Iyo haadka hawada, oo iyana wax bay kuu sheegi doonaan,

8 Amase bal dhulka la hadal, oo isna wax buu ku bari doonaa,

Oo kalluunka badduna wax buu kuu sheegi doonaa.

9 Bal yuu yahay kan aan waxyaalahan oo dhan ka garanayn

Inay gacanta Rabbigu waxan samaysay?

10 Kaasoo gacantiisa ku haya nafta wax kasta oo nool

Iyo neefta binu-aadmiga oo dhan.

11 War sow dhegtu erayada ma kala soocdo,

Sida dhanxanagguba cuntadiisa u dhadhamiyo?

12 Odayaashu waxay leeyihiin xigmad,

Oo cimriga dheerna waxaa laga helaa waxgarasho.

13 Isagu wuxuu leeyahay xigmad iyo xoog,

Oo wuxuu leeyahay talo iyo waxgarasho.

14 Bal eeg, isagu wax buu dumiyaa,

Oo wuxuu dumiyana mar dambe lama dhisi karo,

Nin buu xidhaa oo wax furi kara lama arko.

15 Biyuhuu celiyaa, oo way iska gudhaan,

Oo haddana wuu soo daayaa, markaasay dhulka qarqiyaan.

16 Xoog iyo xigmaduba isagay la jiraan,

Oo kan la khiyaaneeyey iyo kan wax khiyaaneeyaba isagaa iska leh.

17 Taliyayaasha wuxuu u kaxaystaa sida booli la dhacay,

Xaakinnadana nacasyo buu ka dhigaa.

18 Wuxuu furaa boqorrada xidhan,

Oo dhex-xidh buuna u xidhaa.

19 Wadaaddadana sida booli la dhacay buu u kaxaystaa,

Oo kuwa xoogga badanna wuu afgembiyaa.

20 Kuwa la aaminayna wuu hadal beeliyaa,

Oo odayaashana waxgarashaduu ka qaadaa.

21 Amiirrada wuxuu ku shubaa quudhsasho,

Kuwa xoogga badanna suunkooduu debciyaa.

22 Wuxuu gudcurka ka soo saaraa waxyaalo mool dheer,

Oo hooska dhimashadana iftiinkuu u soo bixiyaa.

23 Quruumaha wuu badiyaa, oo haddana wuu wada baabbi'iyaa,

Oo quruumaha wuu ballaadhiyaa, oo haddana wuu kexeeyaa,

24 Wuxuu caqliga ka qaadaa madaxda dadyowga dhulka,

Oo wuxuu iyaga ku warwareejiyaa meel cidla ah oo aan jid lahayn.

25 Waxay wax ka haabhaabtaan gudcurka iyagoo aan iftiin lahayn,

Oo wuxuu iyaga ka dhigaa inay u dhacdhacaan sida nin sakhraan ah.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 13

1 Bal eega, waxan oo dhan ishaydu waa aragtay,

Dhegtayduna waa maqashay oo way garatay.

2 Wixii aad taqaaniin, anna waan aqaan sidoo kale,

Anigu idinkama liito innaba.

3 Sida xaqiiqada ah waxaan doonayaa inaan Ilaaha Qaadirka ah la hadlo,

Oo waxaan jeclahay inaan Ilaah la xaajoodo.

4 Laakiinse idinku waxaad tihiin kuwa beenta hindisa,

Oo dhammaantiin waxaad tihiin dhakhtarro aan waxtar lahayn.

5 Bal maad iska aamustaan!

Taasu xigmad bay idiin ahaan lahayd.

6 Haddaba bal xaajadayda maqla,

Oo baryootanka bushimahayga dhegaysta.

7 War ma Ilaah aawadiis baad xaqdarro wax ugu odhanaysaan,

Oo ma isaga aawadiis baad khiyaano ugu hadlaysaan?

8 War ma isagaad u eexanaysaan?

Oo ma Ilaah aawadiis baad u diriraysaan?

9 War miyey idiin wanaagsan tahay inuu idin baadho?

Mase sida nin loo khiyaaneeyo ayaad isaga u khiyaanaynaysaan?

10 Sida xaqiiqada ah haddaad qarsoodi dadka ugu kala eexatan

Isagu wuu idin canaanan doonaa.

11 War sow sarraysnaantiisu idin cabsiin mayso?

Oo sow baqdintiisu idinku dhici mayso?

12 Hadalkiinna xusuusta lahu waa maahmaahyo dambas ah,

Oo dhufaysyadiinnuna waa dhufaysyo dhoobo ah.

13 Haddaba iska aamusa, oo iska kay daaya aan iska hadlee,

Oo wixii dhici lahaaba ha igu dheceen.

14 Haddaba hilibkayga ayaan ilkahayga ku qaadayaa,

Oo noloshaydana gacantaydaan ku ridayaa.

15 Oo in kastoo uu i dilo, weli waan rajaynayaa,

Habase yeeshee hortiisaan kula xaajoonayaa.

16 Oo weliba kaasu wuxuu ahaan doonaa badbaadadayda,

Waayo, nin aan cibaado lahaynu hortiisa iman maayo.

17 Hadalkayga aad u dhegaysta,

Oo warramiddaydu dhegihiinna ha gasho.

18 Bal eega, hadda xaalkayga waan soo hagaajiyey,

Oo waan ogahay in xaq layga dhigayo.

19 Bal yuu yahay kan ila doodayaa?

Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.

20 Laba waxyaalood oo keliya ha igu samayn,

Oo anna markaas nafsaddayda wejigaaga ka qarin maayo.

21 Gacantaada iga fogee,

Oo waxyaalahaaga laga cabsadona yaanay i bajin.

22 Oo markaas ii yeedh, oo anna waan kuu jawaabi doonaa,

Amase anigu aan hadlo oo adigu ii jawaab.

23 Bal xumaatooyinkayga iyo dembiyadaydu waa immisa?

Bal xadgudubkayga iyo dembigayga i ogeysii.

24 Bal maxaad wejigaaga u qarinaysaa,

Oo aad iigu haysataa sidii mid cadow kuu ah?

25 Ma waxaad dhibaysaa caleen iska bidaysa?

Oo ma waxaad eryanaysaa xaab engegay?

26 Waayo, waxyaalo qadhaadh baad iga qortaa,

Oo waxaad i dhaxalsiisaa xumaatooyinkii dhallinyaranimadayda.

27 Oo weliba cagahayga waxaad gelisaa jeebbooyin,

Oo jidadkayga oo dhanna waad wada fiirisaa,

Cagahaygana xad baad u dhigtaa.

28 Oo waxaan la mid ahay wax qudhmay oo baabba'aya,

Iyo sida dhar aboor cunay oo kale.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 14

1 Ninkii naagu dhashaba

Cimrigiisu waa maalmo yar iyo dhibaato miidhan.

2 Wuxuu u soo baxaa sida ubax oo kale, oo haddana waa la gooyaa,

Oo wuxuu u cararaa sida hoos oo kale, oo innaba siima raago.

3 Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa?

Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?

4 Bal yaa wax wasakh ah wax nadiif ah ka soo bixin kara?

Xataa mid qudha oo saas yeeli karaa ma jiro.

5 Maxaa yeelay, dadka cimrigiisu waa go'an yahay, oo inta bilood oo uu jirayo tiradoodana adigaa haya,

Oo waxaad u dhigtay soohdin uusan dhaafi karin.

6 Bal ha nastee isaga ka sii jeeso,

Ilaa uu cimrigiisa ka dhammaysanayo sida shaqaale maalintiisa u dhammaysto.

7 Waayo, geed dheer haddii la gooyo rajuu leeyahay inuu mar kale soo biqlo,

Iyo in laantiisa curdanka ahu ayan joogsan.

8 In kastoo xididkiisu uu ciidda ku dhex gaboobo,

Oo ay jirriddiisiina dhulka dhexdiisa ku dhimato,

9 Biyaha urkooda ayuu ku biqli doonaa,

Oo waxaa ka soo bixi doona laamo curdan ah oo dhalato la moodo.

10 Laakiinse ninku wuu dhintaa, wuuna iska baabba'aa,

Oo ninka naftu waa ka dhacdaa, oo bal xaggee buu joogaa isagu?

11 Biyuhu badda way ka dhammaadaan,

Oo webiguna waa gudhaa oo waa iska engegaa,

12 Sidaas oo kalaa dadku u jiifsada oo mana uu kaco,

Oo jeeray samooyinku wada baabba'aan iyagu sooma toosi doonaan,

Oo hurdadoodana kama kici doonaan.

13 Hahe bal maad She'ool igu qarisid,

Oo bal maad meel qarsoon igu haysid ilaa cadhadaadu dhaafto,

Oo bal maad wakhti go'an ii qabatid, oo aad i soo xusuusatid!

14 Mar hadduu nin dhinto, miyuu soo noolaanayaa?

Maalmaha dadaalkayga oo dhan waan iska sugi lahaa

Ilaa uu isbeddelkaygu yimaado.

15 Waad ii yeedhi lahayd, oo anna waan kuu jawaabi lahaa;

Oo adna waxaa damac kaa geli lahaa shuqulkii gacmahaaga.

16 Laakiinse haatan waad tirisaa tallaabooyinkayga,

Balse miyaadan dembigayga isha ku hayn?

17 Xadgudubkaygii kolay baa lagu xidhay,

Oo xumaantaydiina meel baad ku dhuujisay.

18 Oo sida xaqiiqada ah buurtii dhacdaa waa baabba'daa,

Oo dhagaxiina meeshiisii wuu ka dhaqaaqaa.

19 Biyuhu dhagaxyaday lisaan,

Oo daadkooduna wuxuu qaada ciidda dhulka,

Oo adna sidaasoo kalaad u baabbi'isaa binu-aadmiga rajadiisa.

20 Weligaaba waad ka adkaataa isaga, oo isna wuu iska baxaa,

Oo jaahiisa waad beddeshaa, oo waad iska dirtaa isaga.

21 Wiilashiisa waa la sharfaa, laakiinse isagu waxba kama oga;

Oo haddana hoos baa loo ridaa, laakiinse isagu waxba kama garto iyaga.

22 Laakiinse xanuunka jidhkiisa oo keliya buu gartaa,

Oo nafsaddiisa oo keliya ayuu u baroortaa.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 15

Eliifas

1 Markaasaa Eliifas kii reer Teemaan isagii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

2 War nin xigmad lahu miyuu ku jawaabaa aqoon aan waxba tarayn,

Oo bal miyuu calooshiisa ka buuxiyaa dabaysha bari?

3 Miyayse ku habboon tahay inuu ku xaajowdo hadal aan faa'iido lahayn,

Amase hadallo uusan innaba wanaag ku samayn karin?

4 Cabsida waad baabbi'isaa,

Oo cibaadadana Ilaah hortiisa waad ka joojisaa.

5 Waayo, afkaaga waxaa wax bara xumaantaada,

Oo waxaad doorataa carrabka khaa'inka.

6 Haddaba waxaa ku xukuma afkaaga oo aniga ma aha;

Hubaal bushimahaaga qudhooda ayaa kugu marag fura.

7 War ma ninkii binu-aadmiga ugu hor dhashaad tahay?

Mase buuraha hortood baad soo dhalatay?

8 War talada qarsoon oo Ilaah miyaad maqashay?

Oo nafsaddaada miyaad xigmad ula hadhay?

9 War maxaad og tahay, oo aannan annagu ogayn?

Oo bal maxaad garanaysaa, oo aannan garanayn?

10 Waxaa nala jooga rag cirro leh iyo odayaal da' weyn,

Oo aabbahaa ka sii fil weyn.

11 Ma kugu yar yihiin qalbiqabowjiska Ilaah

Iyo erayga sida qabow kuula macaamiloodaa?

12 Bal maxaa qalbigaagu kuu fogeeyaa?

Maxaase indhahaagu u gabgab leeyihiin?

13 Oo aad ruuxaaga Ilaah ugu soo jeedisaa,

Oo erayo caynkaas ah aad afkaaga uga soo daysaa?

14 Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo uu daahir ahaado?

Kii naagu dhashayse muxuu yahay oo uu xaq ahaado?

15 Bal eeg, Ilaah ma aamino kuwiisa quduuska ah,

Oo xataa samooyinku hortiisa daahir kuma aha.

16 Haddaba bal sidee buu u daahir ahaanayaa nin karaahiyo iyo wasakhaan ah,

Oo dembiga sida biyo u cabbaa!

17 Bal i maqal, wax baan ku tusayaa,

Oo wixii aan arkay oo dhan waan kuu sheegayaa;

18 (Kuwaasoo rag xigmad lahu ay awowayaashood ka heleen,

Oo ayan qarin,

19 Kuwaasoo dalka keligood la siiyey,

Oo uusan shisheeye innaba dhex mari jirin.)

20 Ninkii shar ahu sida naag u foolato oo kale ayuu u xanuunsadaa cimrigiisa oo dhan,

Intaas oo ah sannadihii loo kaydiyey kuwa wax dulma.

21 Oo sanqadh cabsi leh ayaa dhegihiisa gasha,

Oo wakhtiga barwaaqadana baabbi'iyuhu waa u soo iman doonaa.

22 Isagu ma rumaysto inuu gudcurka ka noqon doono,

Iyo inay seeftu isaga sugayso.

23 Meel meel buu cunto u wareegaa isagoo leh, Meeday?

Oo wuxuu og yahay inay maalinta gudcurku isaga u diyaar tahay.

24 Waxaa isaga bajiya dhib iyo cidhiidhi,

Oo isagay uga adkaadaan sida boqor dagaal isu diyaariyey,

25 Maxaa yeelay, isagu gacantiisuu Ilaah ku taagay,

Oo Ilaaha Qaadirka ah kibir buu ku caasiyaa.

26 Wuxuu kula ordaa madax adag

Iyo gaashaammadiisa biro ku taagan yihiin.

27 Maxaa yeelay, wejiga ayuu ka cayilay,

Oo bowdooyinkana baruur buu ku yeeshay,

28 Oo wuxuu degay magaalooyin baabba' ah,

Iyo guryo aan lagu hoyan,

Oo u diyaarsan inay tuulmooyin burbur ah noqdaan.

29 Isagu taajir noqon maayo, oo maalkiisuna sii raagi maayo,

Oo dhulkana ku sii waari maayo.

30 Isagu marnaba gudcur ka bixi maayo,

Oo laamihiisa olol baa qallajin doona,

Oo neefta afkiisa ayaa qaadi doonta.

31 Yuusan wax aan waxba tarayn isku hallayn, isagoo iskhiyaaneeya,

Waayo, wax aan waxba tarayn ayaa abaalgudkiisa ahaan doona.

32 Wakhtigiisii ka hor buu dhammaan doonaa,

Oo laantiisuna ma cagaaroobi doonto.

33 Sida canabka ayuu midhihiisa ceedhiin iska ridi doonaa,

Oo sida saytuunka ayuu ubaxiisa iska daadin doonaa.

34 Waayo, ururka cibaadalaawayaashu wuxuu ahaan doonaa wax aan waxba dhalin,

Oo teendhooyinka kuwa laaluushka qaatana dab baa baabbi'in doona.

35 Iyagu waxay uuraystaan belaayo, xumaanna way dhalaan,

Oo calooshooduna waxay diyaarisaa khiyaano.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 16

Ayuub

1 Markaasaa Ayuub u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

2 Anigu waan maqlay waxyaalo badan oo caynkaas ah.

Idinku dhammaantiin waxaad tihiin qalbiqabowjiyayaal qalqalloocan.

3 Hadal dabayl ahu miyuu dhammaadaa?

Balse maxaa kaa dhirfinaya oo aad u jawaabaysaa?

4 Haddii naftiinnu ahaan lahayd naftayda,

Anigu waan u hadli kari lahaa sidiinna oo kale,

Oo hadal waan idinku kor tuuli kari lahaa,

Oo madaxaygana waan idinku ruxruxi kari lahaa.

5 Laakiinse anigu afkayga waan idinku xoogayn lahaa,

Oo tacsiyaynta bushimahayguna way idin qalbi qabowjin lahayd.

6 Anigu haddaan hadlo xanuunkaygu igama yaraado,

Oo haddaan iska aamusona miyaan in ka yar xanuunsadaa?

7 Laakiinse haatan wuu i daaliyey,

Oo guutadaydii oo dhan cidlo baad ka dhigtay.

8 Waad i qabsatay, taasuna waa marag iga gees ah,

Oo waxaa igu kaca macluulkayga, oo fool ka fool ayuu igu markhaati furaa.

9 Isagoo cadhaysan ayuu i dildillaacsaday, oo wuu i silciyey,

Wuuna igu ilko jirriqsaday,

Oo cadowgaygii indhuhuu igu caddeeyey.

10 Iyagu afkay ii kala qaadeen,

Oo quudhsasho ayay dhabanka igaga dharbaaxeen,

Oo dhammaantoodna way isu kay wada urursadaan.

11 Ilaah wuxuu gacantooda i geliyaa cibaadalaawayaasha,

Oo wuxuu igu dhex tuuraa gacmaha kuwa sharka ah.

12 Anigoo iska istareexsan ayuu i kala jejebiyey,

Oo intuu surka i qabtay ayuu i kala burburiyey,

Oo weliba intuu meel i qotomiyey ayuu goolibaadh iga dhigtay.

13 Qaansoolayaashiisii ayaa i hareereeya,

Oo kelyahaygii ayuu kala googooyaa,

Oo xammeetidaydiina dhulkuu ku daadshaa.

14 Isagu wuu i jejebiyaa oo nabarba nabar buu iiga kor mariyaa;

Oo sidii nin xoog badan ayuu orod igula soo kacaa.

15 Korkayga waxaan ku tolay joonyad,

Oo xooggaygiina ciiddaan ku riday.

16 Wejigaygii oohin buu la beddelmay,

Oo indhaha daboolkoodana waxaa ii jooga hooskii dhimashada,

17 In kastoo aanay xaqdarro ku jirin gacmahayga,

Oo uu baryootankayguna daahir yahay.

18 Dhulkow, dhiiggayga ha qarinin,

Oo qayladayduna yaanay meelay ku nasato lahaan.

19 Oo hadda bal eeg, markhaatigaygii wuxuu joogaa samada,

Oo kii ii dammiintaana xagga saruu joogaa.

20 Saaxiibbaday way igu qoslaan,

Laakiinse indhahaygu ilmo bay u daadiyaan xag Ilaah.

21 Bal muu jiro mid dadka Ilaah ula hadla,

Siduu nin deriskiisa ugu hadlo oo kale.

22 Waayo, markii dhawr sannadood dhaafaan,

Waxaan mari doonaa jidka aanan mar kale dib uga soo noqonayn.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 17

1 Ruuxaygii waa tabardarnaaday, cimrigaygiina waa dhammaaday,

Oo qabrigu waa ii diyaar.

2 Sida xaqiiqada ah waxaa ila jooga majaajilowyo,

Oo ishayduna waxay fiiro u leedahay ka cadhaysiintooda.

3 Haddaba rahaamad i sii, oo dammiin ii noqo;

Bal yaa jooga oo gacanta dhaar iigu dhiibaya?

4 Waayo, qalbigooda waxgarashadii waad ka qarisay,

Oo sidaas daraaddeed iyaga ma aad sarraysiin doontid.

5 Kii saaxiibbadiis u yeedha inay maal ka qaybgeliyaan,

Carruurtiisu way indha beeli doonaan.

6 Oo weliba isagu wuxuu iga dhigay wax ay dadku ku halqabsadaan,

Oo waxaan noqday mid ay dadku candhuuf ku tufaan.

7 Indhahaygii murug bay la arag daranyihiin,

Oo xubnahaygii oo dhammuna waxay noqdeen sidii hoos oo kale.

8 Dadkii toolmoonu waxan way la yaabayaan,

Oo kan aan xaqa qabinuna wuxuu ku kacayaa cibaadalaawaha.

9 Laakiinse kii xaq ahu jidkiisa wuu ku sii adkaysan doonaa,

Oo kii gacmo nadiifsan lahuna aad iyo aad buu u sii xoogaysan doonaa.

10 Laakiinse idinku dhammaantiin bal soo noqda oo ii kaalaya,

Oo anna nin xigmad leh idinkama heli doono.

11 Cimrigaygii waa dhammaaday,

Oo qasdigaygii iyo fikirradii qalbigayguba waa baabbe'een.

12 Habeenka waxay u beddelaan maalin,

Oo waxay yidhaahdaan, Iftiinku waa u dhow yahay gudcurka.

13 Haddaan She'ool u rajeeyo sida gurigaygii oo kale,

Ama haddaan gogoshayda gudcurka ku dhex fidsado,

14 Oo haddaan qudhunka ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay aabbahay,

Oo aan dirxigana ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay hooyaday iyo walaashay,

15 Bal markaas meeday rajadaydu?

Oo bal yaase rajadayda arki doona?

16 Waxay hoos ugu dhaadhici doontaa qataarrada She'ool,

Markaannu ciidda wada galno.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 18

Bildad

1 Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

2 War ilaa goormaad hadallo sii wadaysaan?

War bal fiirsada, oo annana dabadeed baannu hadlaynaa.

3 War bal maxaa sida xayawaan naloogu tiriyaa?

Oo bal maxaannu hortiinna ugu nijaasownay?

4 War waa adiga xanaaq daraaddiis isla jeexjeexayaye

Dhulka ma daraaddaa baa looga tegayaa?

Mase dhagaxa ayaa meeshiisa laga rujinayaa?

5 Hubaal iftiinka sharrowgu wuu demi doonaa,

Oo ololka dabkiisuna siima iftiimi doono.

6 Iftiinka teendhadiisu wuxuu ahaan doonaa gudcur,

Oo laambaddiisa kor taalna way demi doontaa.

7 Tallaabooyinka itaalkiisu way iscidhiidhin doonaan,

Oo taladiisu isagay hoos u ridi doontaa.

8 Waayo, isagu wuxuu cagta gashadaa shabag,

Oo wuxuu ku kor socdaa dabin.

9 Waxaa isaga cedhibta ku dhegi doona dabin,

Oo qool baana qabsan doona.

10 Waxaa dhulka ugu qarsan siriq,

Oo jidkana waxaa u yaal dabin.

11 Dhinac kasta waxaa ka bajin doona cabsi,

Oo xataa gadaalna way ka soo eryan doontaa.

12 Xooggiisa waxaa dili doonta gaajo,

Oo belaayona agtiisay diyaar ku tahay.

13 Oo waxay baabbi'in doontaa xubnaha jidhkiisa,

Oo curadka dhimashada ayaa xubnihiisa baabbi'in doona.

14 Oo isaga waa laga rujin doonaa teendhadiisa uu isku halleeyo,

Oo waxaa loo keeni doonaa boqorka cabsida.

15 Teendhadiisa waxaa ku jiri doona wax aan wixiisii ahayn,

Oo hoygiisana waxaa lagu soo kor firdhin doonaa baaruud.

16 Xididdadiisa hoose way qallali doonaan,

Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa.

17 Dhulka laguma xusuusan doono,

Oo jidkana magac kuma uu yeelan doono.

18 Isaga iftiin baa gudcur looga kaxayn doonaa,

Oo dunidana waa laga eryi doonaa.

19 Oo isagu dadkiisa kuma dhex lahaan doono wiil uu dhalay iyo mid uu wiilkiisii dhalay toona,

Ama mid ku hadha meelihii uu degganaan jiray.

20 Dadka ka dambeeyaa waxay ka yaabi doonaan wakhtigiisa,

Sidii ay kuwii horeba uga baqeen.

21 Sida xaqiiqada ah guryaha kuwa aan xaqa ahayn waa sidaas oo kale,

Oo kii aan Ilaah aqoon meeshiisiina waa tan.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 19

Ayuub

1 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu yidhi,

2 War ilaa goormaad naftayda dhibaysaan

Oo aad erayo igu burburinaysaan?

3 Toban jeer baad i caydeen,

Haddaba miyaydaan ka xishoonayn inaad saas oo xun iila macaamilootaan?

4 Oo sida xaqiiqada ah haddaan qaldamay,

Qaladkaygu aniguu igu hadhayaa.

5 Oo sida xaqiiqada ah haddaad iska kay weynaynaysaan,

Oo aad ceebtayda igu caddaysaan inaan dembi leeyahay,

6 Haddaba bal ogaada in Ilaah i afgembiyey,

Oo uu shabagtiisii igu wareejiyey.

7 Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo,

Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.

8 Jidkaygii ayuu ooday si aanan u dhaafi karin,

Oo wadiiqooyinkaygiina gudcur buu ka dhigay.

9 Ammaantaydii wuu iga xayuubiyey,

Oo taajkiina madaxayga wuu ka qaaday.

10 Xagga iyo xaggaaba wuu iga dumiyey, oo baabba' waan noqday,

Oo rajadaydiina sidii geed oo kale ayuu u rujiyey.

11 Aad buu iigu cadhooday,

Oo sida mid cadowgiisa ah ayuu igu tiriyaa.

12 Ciidammadiisii oo dhammu way wada yimaadaan,

Oo jid bay dhistaan si ay iigu kacaan,

Oo teendhadayda hareeraheeda ayay degaan.

13 Walaalahay wuu iga fogeeyey,

Oo kuwii aan iqiinna way iga wada shisheeyoobeen.

14 Ehelkaygii way i dayriyeen,

Oo saaxiibbadaydiina way i illoobeen.

15 Kuwa reerkayga ku hoyda, iyo gabdhaha addoommahayga ahuba waxay igu tiriyaan shisheeye,

Oo hortooda waxaan ku ahay ajanabi.

16 Waxaan u yeedhaa addoonkaygii,

Oo in kastoo aan afkayga ku baryo, iima jawaabo innaba.

17 Naagtaydu waxay nacdaa neeftayda,

Oo carruurtii hooyaday dhashayna waxay nacaan baryootankayga.

18 Xataa dhallaanka yaryaru way i quudhsadaan,

Oo haddaan sara joogsado way i caayaan.

19 Saaxiibbadaydii aan ku kalsoonaa oo dhammu way i karahsadaan,

Oo kuwii aan jeclaana way igu soo jeesteen.

20 Haraggayga iyo hilibkaygu waxay ku dhegaan lafahayga,

Oo dirqi baan ku baxsaday.

21 Saaxiibbadayow, ii naxa, oo ii naxa,

Waayo, gacantii Ilaah baa i taabatay.

22 Maxaad sidii Ilaah iigu silcisaan?

Oo bal maxaad dhibaatada jidhkayga uga dhergi weydeen?

23 Waxaan jeclaan lahaa in erayadayda la qoro!

Iyo in kitaab gudihiis lagu qoro!

24 Iyo inay weligood dhagax kula qornaadaan

Qalin bir ah iyo rasaas!

25 Laakiinse waan ogahay in kii i soo furtay nool yahay,

Iyo inuu ugudambaysta dhulka ku istaagi doono.

26 Oo markii haraggaygu sidaas u baabba'o dabadeed,

Ayaan anigoo aan jiidh lahayn Ilaah arki doonaa,

27 Kaasoo aan aniga qudhaydu arki doono,

Oo indhahaygu ay fiirin doonaan, oo aanay kuwa mid kale arkayn.

Qalbigaygu waa taag daranyahay.

28 Haddaad istidhaahdaan, War xaalkan salkiisu isagaa laga helay,

Bal maxaannu isaga u silcinnaa?

29 Si aad u ogaataan in xukun jiro,

Waxaad ka cabsataan seefta,

Maxaa yeelay, cadhadu waxay keentaa taqsiirta seefta.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 20

Soofar

1 Markaasaa Soofar oo ahaa reer Nacamaatii u jawaabay, oo wuxuu yidhi,

2 Haddaba waxaa ii jawaaba fikirradayda,

Oo sababtu waxay tahay degdegga igu jira.

3 Waxaan maqlay canaanta i ceebaysa,

Oo waxaa ii jawaabta waxgarashadayda.

4 Miyaadan ogayn in waayihii hore iyo

Tan iyo waagii binu-aadmiga dhulka la saaray

5 Ay guulaysashada sharrowyadu gaaban tahay,

Oo farxadda cibaadalaawayaashuna ay daqiiqad qudha tahay?

6 In kastoo sarrayntiisu ay samada korto,

Oo madaxiisuna uu daruuraha gaadho,

7 Wuxuu weligiis u baabbi'i doonaa sida saxaradiisa oo kale.

Oo kuwii isaga arki jiray waxay odhan doonaan,

War meeh isagii?

8 Sida riyo ayuu u libdhi doonaa, oo lama heli doono,

Hubaal waxaa loo eryi doonaa sida riyada habeenka.

9 Ishii isaga aragtay mar dambe ma ay arki doonto,

Oo meeshiisiina mar dambe uma ay jeedi doonto.

10 Carruurtiisu waxay wax ka baryi doonaan masaakiinta,

Oo gacmahooduna dib bay u celin doonaan maalkiisa.

11 Lafihiisana waxaa ka buuxa xoogga dhallinyaranimada,

Laakiinse ciidda dhexdeeduu la jiifsan doonaa.

12 In kastoo xumaantu afkiisa la macaan tahay,

In kastoo uu carrabkiisa ku hoos qarsado,

13 In kastoo uu kaydsado, oo uusan iska sii dayn,

Laakiinse uu afkiisa ku sii haysto,

14 Kolleyba cuntadiisu mindhicirkiisay ku beddelantaa,

Oo waxay uurkiisa ku noqataa waabayo jilbis.

15 Isagu maal buu liqay, laakiinse mar kaluu soo mantagi doonaa,

Oo Ilaah baa calooshiisa ka soo saari doona.

16 Wuxuu nuugi doonaa mariidka jilbisyada,

Oo waxaa isaga dili doona mas carrabkiis.

17 Oo ma uu fiirin doono webiyada,

Iyo durdurrada la barwaaqaysan malabka iyo subagga.

18 Wixii uu ku hawshooday wuu soo celin doonaa, oo ma uu liqi doono,

Oo maalka uu faa'iidada u helayna siduu yahay uguma uu farxi doono.

19 Waayo, wuxuu dulmay oo dayriyey masaakiinta,

Oo wuxuu xoog ku qaatay guri uusan dhisin.

20 Uurkiisu xasilloonaan ma lahayn,

Taas daraaddeed waxa uu jecel yahay oo dhan waxba kama uu badbaadin doono.

21 Wuxuu liqay wax ka hadhay lama arkin,

Sidaas daraaddeed barwaaqadiisu siima raagi doonto.

22 Markuu dheregsan yahay ayuu cidhiidhi dhex geli doonaa,

Oo mid kasta oo belaayaysan gacantiisa ayaa ku soo degi doonta.

23 Markuu ku dhow yahay inuu calooshiisa buuxsado,

Ayaa Ilaah wuxuu ku soo tuuri doonaa kulaylka cadhadiis,

Oo wuu ku soo shubi doonaa intuu wax cunayo.

24 Wuu ka carari doonaa hubka birta ah,

Oo qaansada naxaasta ahu fallaadh bay ka dhex dusin doontaa.

25 Wuu soo jiidaa, kolkaasay jidhkiisa ka soo baxdaa,

Hubaal caaradda dhalaalaysa ayaa beerkiisa ka soo baxda,

Oo cabsi baa isaga ku dhacda.

26 Gudcurka oo dhanna waxaa meel loogu kaydiyey khasnadihiisa;

Oo dab aan la afuufin ayaa isaga dhammayn doona,

Wuuna baabbi'in doonaa waxa teendhadiisa ku dhex hadhay.

27 Samooyinku waxay daaha ka qaadi doonaan xumaantiisa,

Oo dhulkuna isaguu ku kici doonaa.

28 Hodanka reerkiisu wuu ka dhammaan doonaa,

Oo maalinta cadhada Ilaah ayaa maalkiisu libdhi doonaa.

29 Intaasu waxaa weeye qaybta ninkii shar ahu uu xagga Ilaah ka helayo,

Iyo wixii Ilaah dhaxal ahaan ugu amray.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 21

Ayuub

1 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

2 Maqla oo warkayga aad u dhegaysta,

Oo tanuna ha noqoto wixii aad igu qalbiqabowjisaan.

3 Bal mar ii oggolaada aan hadlee,

Oo kolkii aan hadlo dabadeed iska sii majaajilooda.

4 Balse anigu ma dad baan ka ashtakoonayaa?

Maxaan u ahaan waayay mid aan dulqaadan?

5 Bal i eega, oo yaaba,

Oo afkiinna gacanta saara.

6 Oo xataa markaan soo xusuusto waan welwelaa,

Oo jidhkaygana waa hoog iyo ba'.

7 Bal maxay kuwa sharka ahu u noolaanayaan?

Oo ay u gaboobayaan? Balse maxay xoog badan u yeeshaan?

8 Farcankoodu iyagoo la jooga hortooduu ku xoogaystaa,

Oo dhashoodiina hortooday ku dhisan yihiin.

9 Reerahoodu cabsi way ka ammaan galeen,

Oo ushii Ilaahna iyaga ma kor saarna.

10 Dibidoodu way dhalaan, oo marnaba madhalays ma noqdaan,

Sacyahooduna way dhalaan, dhicis mana keenaan.

11 Dhallaankooda dibadday u baxshaan sidii adhi oo kale,

Oo carruurtooduna way cayaaraan.

12 Waxay ku gabyaan daf iyo kataarad,

Oo dhawaaqa biibiilaha way ku reyreeyaan.

13 Cimrigooda waxay ku dhammaystaan barwaaqo,

Oo dabadeedna daqiiqad ayay She'ool ku dhaadhacaan.

14 Laakiin waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag,

Waayo, dooni mayno aqoonta jidadkaaga.

15 Waa maxay Ilaaha Qaadirka ah, oo aan u adeegayno?

Balse maxaa faa'iido ah oo aannu ka helaynaa, haddaan isaga u tukanno?

16 Bal eeg, barwaaqadoodii gacantooda kuma jirto,

Kuwa sharka ahna taladoodu way iga fog tahay.

17 Immisa jeer baa laambadda kuwa sharka ah la demiyaa?

Oo immisa jeer baa belaayo ku kor degtaa?

Oo immisa jeer baa Ilaah isagoo cadhaysan xanuun u qaybiyaa?

18 Oo ay sababtaas aawadeed u noqdaan sidii xaab dabayl ka horreeya,

Iyo sidii buunshe uu duufaanu kaxeeyo?

19 Idinku waxaad tidhaahdaan, Ilaah xumaantiisii wuxuu u kaydiyaa sharrowga carruurtiisa.

Haddaba isagu sharrowga ha ugu abaalgudo si uu laftigiisu u ogaado aawadeed.

20 Indhihiisu ha arkeen halligaaddiisa,

Oo isagu ha cabbo Ilaaha Qaadirka ah cadhadiisa.

21 Waayo, waa maxay farxadda uu reerkiisa ka helo,

Markii cimrigiisa dhexda laga gooyo?

22 Bal ma Ilaah baa wax la baraa?

Maxaa yeelay, isagaa xukuma xataa kuwa sare.

23 Mid baa dhinta isagoo xooggiisu ku dhan yahay,

Oo istareexsan oo xasilloon,

24 Oo aad u buuran,

Oo dhuuxa lafihiisuna qoyan yahay.

25 Oo mid kalena wuxuu ku dhintaa naf qadhaadh,

Isagoo aan weligiis wanaag dhedhemin.

26 Habase yeeshee isku si bay ciidda u dhex jiifsadaan,

Oo dirxi baa korkooda daboola.

27 Bal eega, anigu waan ogahay fikirradiinna,

Iyo xeesha aad qaldan igu hindisaysaan.

28 Waayo, waxaad tidhaahdaan, War meeh gurigii amiirku?

Oo meeday teendhadii sharrowgu ku dhex hoyan jiray?

29 Miyeydaan weyddiin kuwa jidka mara?

Oo miyeydaan garanayn calaamooyinkooda?

30 Iyo in ninkii sharrow ah loo celiyey maalinta belaayada?

Iyo in hore loogu sii kaxaynayo maalinta cadhada?

31 Bal yaa jidkiisa isaga hortiisa ugu caddayn doona?

Oo bal yaa isaga ka abaalmarin doona wixii uu sameeyey?

32 Laakiinse isaga waxaa loo qaadi doonaa xabaasha,

Oo qabrigiisa waa la ilaalin doonaa.

33 Waxaa isaga u macaanaan doonta ciidda dooxada,

Oo dadka oo dhammuna isagay soo daba kici doonaan,

Sida kuwii aan tirada lahayn oo isagii ka horreeyeyba ay u dhinteen.

34 Haddaba bal maxaad si aan waxba tarayn iigu qalbiqabowjinaysaan,

Maxaa yeelay, jawaabihiinnii been oo keliya ayaa ku hadhay?


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 22

Eliifas

1 Markaasaa Eliifas oo ahaa reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

2 Ma nin baa Ilaah wax u tari kara?

Hubaal kii xigmad lahu isagaa wax isu tara.

3 Balse ma Ilaaha Qaadirka ah baa xaqnimadaada ku farxa?

Mase faa'iido bay u tahay isaga inaad jidkaaga qummaatisid?

4 War ma cabsidaada daraaddeed buu kuu canaantaa?

Oo saas daraaddeed miyuu dacwad kuula galaa?

5 Sow sharkaagu ma badna?

Xumaatooyinkaagu dhammaad ma laha.

6 Waayo, sababla'aan baad walaalkaa rahaamad uga qaadatay,

Oo kuwii arradnaana dharkoodii baad ka mudhuxsatay.

7 Kii daallanaana ma aadan siin biyo uu cabbo,

Oo kii gaajaysnaana cunto baad ka hagratay.

8 Laakiinse ninkii xoog badnaa isagaa dhulka haystay;

Oo ninkii sharaf lahaana isagaa dalka degganaa.

9 Carmallada baad gacan madhnaan ku eriday,

Oo agoonta gacmahoodiina waa la jebiyey.

10 Sidaas daraaddeed waxaa hareerahaaga ku wareegsan dabinno,

Oo waxaa ku dhibaya cabsi kedis ah,

11 Ama gudcur aadan waxba ku arki karin,

Oo waxaa ku qariya biyo aad u badan.

12 War sow Ilaah kuma jiro samada sare?

Oo bal eega xiddigaha dheeraantooda iyo siday u sarreeyaan!

13 Oo adna waxaad leedahay, War Ilaah muxuu yaqaan?

Oo gudcurka qarada leh miyuu wax ku dhex xukumi karaa?

14 Waxaa isaga ku wareegsan daruuro qaro waaweyn, si uusan wax u arag,

Oo isagu wuxuu ku socdaa wareegga samada.

15 War ma waxaad doonaysaa inaad sii haysatid jidkii hore

Ee sharrowyadu ku socon jireen?

16 Iyaba waxaa la dhufsaday wakhtigoodii ka hor,

Oo aasaaskoodiina daad baa baabbi'iyey.

17 Waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag,

Bal maxaa Ilaaha Qaadirka ahu nagu samayn karaa?

18 Laakiin isagu wuxuu guryahooda ka buuxiyey waxyaalo wanwanaagsan;

Talada sharrowguse way iga fog tahay.

19 Kuwa xaqa ahu way arkaan oo way farxaan,

Oo kuwa aan xaqa qabinuna way ku qoslaan oo ku majaajiloodaan,

20 Waxayna yidhaahdaan, Sida xaqiiqada ah kuwii nagu kacay waa la baabbi'iyey,

Oo kuwoodii hadhayna dab baa liqay.

21 Haddaba isaga la heshii, oo iska nabdoonow,

Waayo, sidaasaa wanaag kuugu iman doonaa.

22 Haddaba waan ku baryayaaye, sharciga afkiisa ka aqbal,

Oo erayadiisana qalbigaaga geli.

23 Waa lagu dhisi doonaa haddaad Ilaaha Qaadirka ah u noqotid,

Oo aad xaqdarrada teendhooyinkaaga ka fogaysid.

24 Khasnaddaada waxaad ku xoortaa ciidda,

Oo dahabka Oofirna waxaad ku dhex tuurtaa dhagaxyada durdurka,

25 Oo Ilaaha Qaadirka ahuna wuxuu kuu noqon doonaa khasnad,

Iyo lacag qiime badan.

26 Oo markaasaad Ilaaha Qaadirka ah ku farxi doontaa,

Oo wejigaagana Ilaah baad kor ugu qaadi doontaa.

27 Oo isagaad u tukan doontaa, oo isna wuu ku maqli doonaa,

Oo adna waxaad bixin doontaa waxyaalihii aad nidartay.

28 Adiguna wax baad amri doontaa, oo waa laguu adkayn doonaa;

Oo jidadkaaguna iftiin bay lahaan doonaan.

29 Markii hoos laguu tuuro, waxaad odhan doontaa, Waa lay sarraysiinayaa,

Oo qofkii hooseeyana isagaa badbaadin doona.

30 Oo wuxuu samatabbixin doonaa kii aan xaq qabin;

Hubaal isaga waxaa lagu samatabbixin doonaa nadiifsanaanta gacmahaaga.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 23

Ayuub

1 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

2 Xataa maantadan guryankayga cabashada ahu waa qadhaadh yahay,

Oo gacanta i saaranuna waa ka sii daran tahay cabashadayda.

3 Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado meeshaan isaga ka heli karo,

Si aan kursigiisa ugu imaado!

4 Dacwadayda ayaan hortiisa ku diyaarin lahaa,

Oo afkaygana hadallo dood ah baan ka buuxin lahaa.

5 Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado erayada uu iigu jawaabayo,

Oo aan garto bal waxa uu igu odhanayo.

6 Ma wuxuu igula diriri lahaa xooggiisa badan?

Maya, laakiinse wuu i maqli lahaa.

7 Kii qummanu halkaasuu isaga kula xaajoon kari lahaa,

Oo anna saasaan xaakinkayga uga samatabbixi lahaa weligayba.

8 Bal eega, hore baan u socdaa, laakiinse isagu halkaas ma joogo,

Oo dib baan u socdaa, laakiinse ma aan heli karo.

9 Oo waxaan tagaa xagga bidix markuu shaqaynayo, laakiinse uma aan jeedi karo;

Oo wuxuu ku dhuuntaa xagga midig laakiinse kama arki karo.

10 Laakiinse wuu yaqaan jidkaan maro,

Oo markuu i tijaabiyo waxaan u soo bixi doonaa sida dahab oo kale.

11 Cagtaydu waxay ku adkaatay tallaabooyinkiisa,

Jidkiisii waan xajiyey, oo dhanna ugama aan leexan.

12 Dib ugama noqon amarkii bushimihiisa,

Oo erayadii afkiisana waxaan u hayay wax ka qiimo badan cuntada aanan ka maarmin.

13 Laakiinse wax qudha ayuu goostay, bal yaa ka leexin kara?

Oo wixii naftiisu doonaysaba wuu sameeyaa.

14 Waayo, wuxuu oofiyaa wixii la ii amray,

Oo waxyaalo badan oo saasoo kale ah ayuu maankiisa ku hayaa.

15 Sidaas daraaddeed ayaan hortiisa uga naxaa,

Oo markaan ka fikiraba waan ka baqaa isaga.

16 Waayo, Ilaah ayaa qalbigayga itaal darreeyey,

Oo Ilaaha Qaadirka ah ayaa iga nixiyey,

17 Maxaa yeelay, gudcurka hortiis layma baabbi'in,

Oo gudcurkii qarada lahaana wejigayga kama uu daboolin.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 24

1 Ilaaha Qaadirka ahu muxuu wakhtiyo u kaydin waayaa?

Kuwa isaga yaqaanse maxay maalmihiisa u arki waayaan?

2 Waxaa jira kuwa soohdinta dalka durkiya,

Oo waxay xoog ku dhacaan adhyo, kolkaasay daajiyaan.

3 Oo waxay iska kaxaystaan dameerka agoonta,

Oo waxay rahaamad u qaataan naag carmal ah dibigeed.

4 Saboolka baahan ayay jidka ka leexiyaan,

Oo masaakiinta dhulkana dhammaantood way wada dhuuntaan.

5 Bal eeg, sida dameerdibadeedyo lamadegaanka jooga

Ayay shuqulkooda ugu baxaan, iyagoo cunto aad u doonaya;

Cidladuna carruurtooda cuntay u soo bixisaa.

6 Cuntadooda waxay ka goostaan berrinka,

Oo waxay xaabxaabaan canabka kuwa sharrowyada ah.

7 Oo habeenkii oo dhan iyagoo qaawan oo aan dhar lahayn ayay jiifsadaan,

Oo dhaxanta waxay ka huwadaanna ma leh.

8 Waxaa iyaga qoya roobka buuraha,

Oo gabbaadla'aan daraaddeed ayay dhagaxa u dugsadaan.

9 Waxaa jira kuwa agoonta naaska ka dhufsada,

Oo masaakiintana rahaamad ka qaata,

10 Sidaas daraaddeed waxay warwareegaan iyagoo qaawan oo aan dhar qabin,

Oo iyagoo gaajaysan ayay xidhmooyinka sidaan.

11 Waxay saliid ku sameeyaan nimankaas derbiyadooda gudahooda,

Macsarooyinkoodana way tuntaan, iyagoo harraadsan.

12 Dadku magaalooyinka way ka cabaadaan,

Oo nafta kuwa dhaawacanuna way qaylisaa,

Laakiinse Ilaah nacasnimadaa ma fiiriyo.

13 Kuwaasu waxay ka mid yihiin kuwa nuurka ku caasiyooba,

Oo jidadkiisa ma ay yaqaaniin,

Oo dhabbayaashiisana ma ay sii hayaan.

14 Gacankudhiigluhu kaaha waaberi wuu la soo kacaa, oo wuxuu dilaa miskiinka iyo saboolka baahan,

Oo habeenkiina isagu waa sida tuug oo kale.

15 Oo isha dhillayguna waxay sugtaa fiidka,

Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ninna ima arki doono,

Oo wuu hagoogtaa.

16 Oo goor gudcur ah ayay guryaha dhacaan,

Oo maalinnimadana meel bay isku xidhaan,

Oo iftiinka maba yaqaaniin.

17 Waayo, subaxnimadu dhammaantood waxay u tahay sida hooska dhimashada,

Maxaa yeelay, waxay yaqaaniin cabsida hooska dhimashada.

18 Isagu biyaha dushooda wuu ku dheereeyaa,

Qaybtoodii dhulkaa lagu habaaray,

Isagu uma leexdo xagga jidka beeraha canabka ah.

19 Biyaha barafka waxaa dhammaysta abaar iyo kulayl,

Oo sidaasoo kalaa She'oolna u galaa kuwii dembaabay.

20 Uurkii hooyadiis waa illoobi doonaa isaga; jidhkiisana waxaa cuni doona oo macaansan doona dirxiga,

Oo mar dambena isaga lama xusuusan doono,

Oo kii xaqdaranuna wuxuu u jabi doonaa sida geed oo kale.

21 Isagu wuxuu baabbi'iyaa madhashada aan carruurta dhalin;

Oo carmalkana wax wanaagsan uma sameeyo.

22 Oo weliba kii xoog badanna itaalkiisuu ku jiidaa;

Oo markuu kacana nafta waa laga rajo beelaa.

23 Ilaahna wuxuu iyaga siiyaa meel ammaan ah, oo halkaasay isku halleeyaan,

Jidadkoodana ishuu ku hayaa.

24 Iyaga waa la sarraysiiyaa, laakiin in yar dabadeed way wada baabba'aan;

Hubaal iyaga waa la hoosaysiiyaa, oo jidka ayaa looga tuuraa sida kuwa kale oo dhan,

Oo waxaa loo jaraa sida sabuul hadhuudh oo kale.

25 Oo haddayan saas ahayn, yaa igu caddayn kara inaan beenlow ahay,

Oo hadalkaygase yaa ka dhigi kara wax aan waxtar lahayn?


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 25

Bildad

1 Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

2 Dowladnimo iyo cabsiba isagaa leh,

Oo meelihiisa sarena nabad buu ka dhigaa.

3 Ciidammadiisu ma tiray leeyihiin?

Oo yuu yahay kan aan iftiinkiisu ku soo bixin?

4 Balse sidee baa nin u kari karaa inuu Ilaah hortiisa xaq ku ahaado?

Mid naagu dhashayse sidee buu u karaa inuu nadiif ahaado?

5 Bal eeg, xataa dayuxu hortiisa nuur kuma leh,

Oo xiddiguhuna hortiisa daahir kuma aha.

6 Intee buu ka sii liitaa nin dirxi ahu!

Iyo binu-aadmiga dirxiga ahu!


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 26

Ayuub

1 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

2 Sidee baad u caawisay midka aan itaalka lahayn!

Oo kan ayan gacantiisu xoogga lahayn sidee baad u badbaadisay!

3 Sidee baad ula talisay kan aan xigmadda lahayn!

Oo aad u muujisay aqoon wanaagsan!

4 Yaad erayo kula hadashay?

Oo yaa ruuxiisu xaggaaga ka soo baxay?

5 Kuwii dhintayna way ku hoos gariiraan

Biyaha iyo waxyaalaha dhex deggan.

6 She'ool hortiisuu yaal isagoo qaawan,

Oo Halligaadduna dabool ma leh.

7 Isagu woqooyiga wuxuu ku kala bixiyaa meel madhan,

Oo dhulkana wuxuu ka laalaadshaa wax aan waxba ahayn.

8 Biyaha wuxuu ku xidhaa daruurihiisa qarada waaweyn;

Oo daruurtuna hoostooda kama dillaacdo.

9 Wuxuu xidhaa wejiga carshigiisa,

Oo daruurtiisana wuu ku kala bixiyaa.

10 Biyaha dushooda wuxuu ku wareejiyey soohdin

Kala xidha nuurka iyo gudcurka.

11 Tiirarka samadu way gariiraan,

Oo waxay ka yaabaan canaantiisa.

12 Badda ayuu xooggiisa ku aamusiiyaa,

Oo kibirkana waxgarashadiisuu ku dhuftaa.

13 Samooyinka waxaa lagu sharraxay Ruuxiisa,

Gacantiisuna waxay mudday abeesada dheeraysa.

14 Bal eeg, waxanu waa darafyadii jidadkiisa uun;

Oo inta isaga laga maqlaana yaraan badanaa!

Laakiinse bal yaa onkodka xooggiisa garan kara?



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 27

1 Oo haddana Ayuub ayaa hadalkiisii sii waday, oo wuxuu yidhi,

2 Waxaan ku dhaartay Ilaaha nool oo xaqayga iga qaaday,

Kaasoo ah Ilaaha Qaadirka ah oo naftayda dhibay;

3 (Waayo, naftaydii weli waa igu jirtaa,

Oo ruuxii Ilaahna weli wuxuu ku jiraa sankayga labadiisa dul.)

4 Hubaal bushimahaygu xaqdarro ku hadli maayaan,

Oo carrabkayguna khiyaano sheegi maayo.

5 Ilaah ha iga fogeeyo inaan xaq idinka dhigo,

Jeeraan dhinto daacadnimadayda iska tuuri maayo.

6 Xaqnimadayda waan xajisanayaa, oo iska sii dayn maayo,

Oo qalbigaygu i ceebayn maayo intaan noolahay oo dhan.

7 Cadowgaygu sida sharrow ha noqdo,

Oo kii igu kacaana sida mid xaqdaran ha noqdo.

8 In kastoo uu faa'iido helo, cibaadalaawaha rajadiisu waa maxay,

Markii Ilaah naftiisa qaado?

9 Ilaah miyuu qayladiisa maqli doonaa,

Markii dhib ku yimaado?

10 Miyuu Ilaaha Qaadirka ah ku farxi doonaa?

Oo miyuu goor kasta Ilaah baryi doonaa?

11 Waxaan idin barayaa wax gacanta Ilaah ku saabsan,

Oo waxa Ilaaha Qaadirka ah la jirana idinka qarin maayo.

12 Bal eega, idinku kulligiin waad aragteen,

Haddaba bal maxaad dhammaantiin nacasyo u wada noqoteen?

13 Intanu waa qaybta uu Ilaah ninkii sharrow ah u kaydiyo,

Iyo dhaxalka kuwa dadka dulma ay Ilaaha Qaadirka ah ka helaan.

14 Carruurtiisu hadday tarmaan, kolleyba waxaa dili doonta seef,

Oo carruurtiisuna cunto kama dhergi doonaan.

15 Kuwii isaga ka hadhana dhimashaa xabaali doonta,

Oo carmalladiisuna uma ay barooran doonaan.

16 In kastoo uu lacag u taalaysto sida ciidda oo kale,

Oo uu dharna u diyaarsado sida dhoobada oo kale,

17 Isagaa diyaarin doona, laakiinse waxaa xidhan doona kan xaqa ah,

Oo lacagtana waxaa qaybsan doona kan aan xaqa qabin.

18 Gurigiisa wuxuu u dhisaa sida buul caaro oo kale,

Iyo sida waab waardiye samaysto.

19 Isagoo taajir ah ayuu seexdaa, laakiinse lama soo ururin doono,

Indhihiisuu kala qaadaa, oo waxba ma jiro.

20 Naxdin baa isaga qarqin doonta sida biyo daad ah,

Oo habeenkiina waxaa isaga la tegi doona duufaan.

21 Waxaa isaga kaxaysa dabaysha bari, oo isna wuu tagaa,

Oo meeshiisana way ka xaaqdaa.

22 Waayo, Ilaah baa isaga wax ku tuuri doona, umana tudhi doono;

Oo sharrowgu wuxuu jeclaan lahaa inuu gacantiisa ka cararo.

23 Dadku way ku sacbin doonaan isaga,

Oo meeshiisana foodhi bay kaga saari doonaan.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 28

1 Hubaal lacagtu waxay leedahay god laga qodo,

Oo dahabkuna wuxuu leeyahay meel lagu safeeyo.

2 Birta waxaa laga soo bixiyaa ciidda,

Oo naxaastana waxaa laga dhalaaliyaa dhagaxa.

3 Dadku gudcurkuu dhammeeyaa,

Oo tan iyo soohdinta ugu shishaysana waxay baadhaan

Dhagaxyada ku jira gudcurka qarada leh iyo hooska dhimashada.

4 Isagu god dheer ayuu ka qodaa meel ka fog meesha dadku deggan yahay.

Iyaga waxaa illooba qofka ag mara;

Oo waxay ka laallaadaan meel dadka ka fog, oo hor iyo dib bay u ruxmadaan.

5 Cuntadu dhulkay ka soo baxdaa,

Oo dhankiisa hoosena wuu rogmadaa sida wax dabku rogo oo kale.

6 Dhagaxyadiisu waa meeshii dhagaxyo safayr ah,

Wuxuuna leeyahay dahab boodh ah.

7 Wadiiqadaas haadka adagu ma yaqaan,

Oo gorgorka ishiisuna ma ay arag,

8 Bahallada kibirka lahu kuma ay joogsan,

Oo libaaxa cadhaysanina ma uu ag marin.

9 Isagu gacantiisuu soo fidiyaa oo wuxuu saaraa dhagaxa adag,

Oo buurahana wuu afgembiyaa oo xididdaduu ku rujiyaa.

10 Dhagaxyada dhexdooda wuxuu ka jeexaa keliyo,

Oo ishiisuna wax kasta oo qaali ah way aragtaa.

11 Wuxuu xidhaa durdurrada si ayan u dareerin,

Oo waxa qarsoonna wuxuu u soo bannaan bixiyaa iftiinka.

12 Laakiinse waa xaggee meesha xigmadda laga helaa?

Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?

13 Dadku qiimaheeda ma yaqaan,

Oo kuwa nool dalkoodana lagama helo.

14 Moolku wuxuu leeyahay, Iguma jirto,

Badduna waxay leedahay, Aniga ilama jirto.

15 Dahab laguma heli karo,

Lacagna looma miisaamo.

16 Laguma qiimayn karo dahabka Oofir,

Ama dhagaxa qaaliga ah oo onika la yidhaahdo ama xataa dhagaxa safayr la yidhaahdo.

17 Dahab iyo madarad toona uma qalmi karaan,

Oo beddelkeeduna ma noqon karo jawhar laga sameeyo dahab saafi ah.

18 Waxba lagama sheegi doono dhagax cas oo raamood la yidhaahdo, amase madarad,

Hubaal xigmadda qiimaheedu waa ka sii sarreeyaa luul.

19 Dhagaxa tobasiyos la yidhaahdo ee Itoobiya ka yimaadana uma qalmi doono,

Oo xataa dahab saafi ahna laguma qiimayn doono.

20 Haddaba xigmaddu xaggee bay ka timaadaa?

Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?

21 Maxaa yeelay, way ka qarsoon tahay kuwa nool indhahooda,

Oo haadka hawadana waa laga deday.

22 Halligaadda iyo Dhimashadu waxay leeyihiin,

Dhegahayaga ayaannu warkeeda ku maqalnay.

23 Ilaah ayaa jidkeeda garanaya,

Oo isagaa meesheeda yaqaan.

24 Waayo, isagu wuxuu fiiriyaa dunida darfaheeda,

Oo wuxuu u jeedaa inta samada ka hoosaysa oo dhan,

25 Markuu dabaysha miisaamo,

Oo uu biyahana qiyaaso.

26 Markuu roobka qaynuun u sameeyey,

Oo uu hillaaca onkodkana jid u sameeyey,

27 Ayuu arkay, oo ka hadlay,

Oo intuu adkeeyey ayuu weliba baadhay.

28 Oo wuxuu dadka ku yidhi,

Bal eega, Sayidka ka cabsashadiisa ayaa xigmad ah,

Oo in sharka laga fogaadona waa waxgarasho.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 29

1 Oo haddana Ayuub hadalkiisuu sii waday, oo wuxuu yidhi,

2 Waxaan jeclaan lahaa inaan ahaado sidii waayihii hore,

Iyo sidii aan ahaan jiray markii Ilaah i dhawri jiray,

3 Markay laambaddiisu madaxayga ku ifin jirtay,

Oo aan nuurkiisa gudcurka ku dhex mari jiray,

4 Markii aan xoog lahaan jiray,

Oo qarsoodiga Ilaahna teendhadayda saarnaan jiray,

5 Markii Ilaaha Qaadirka ahu ila jiri jiray,

Oo carruurtayduna ay hareerahayga joogi jireen,

6 Markay tallaabooyinkaygu subagga la barwaaqoobi jireen,

Oo ay webiyaasha saliidda ahu dhagaxa iiga soo shubmi jireen!

7 Markaan magaalada iriddeeda u bixi jiray,

Oo aan kursigayga meel bannaan ku diyaarin jiray.

8 Dhallinyaradu intay i arkaan ayay dhuuman jireen,

Oo odayaashuna intay sara joogsadaan ayay istaagi jireen,

9 Amiirraduna intay hadalka joojiyaan,

Ayay afka gacanta saari jireen.

10 Ragga gobta ahuna way aamusi jireen,

Oo carrabkoodiina dhabxanagguu ku dhegi jiray.

11 Waayo, markii dhegu i maqasho, way ii ducayn jirtay,

Oo iluna markay i aragto, way ii marag furi jirtay.

12 Maxaa yeelay, waxaan samatabbixin jiray miskiinka qaylinaya,

Iyo weliba agoonka aan wax u kaalmeeya lahayn.

13 Ka halligaadda ku dhow ducadiisa ayaa igu soo degi jirtay,

Oo ta carmalka ahna qalbigeeda waan ka farxin jiray ilaa ay gabay la rayrayso.

14 Waxaan huwan jiray xaqnimo, oo iyana dhar bay ii noqon jirtay,

Oo caddaaladdayduna waxay ii ahaan jirtay sida khamiis iyo cimaamad oo kale.

15 Kuwa indhaha la' indho baan u ahaan jiray,

Kuwa curyaanka ahna cago baan u ahaan jiray.

16 Aabbaan u ahaan jiray saboolka baahan,

Oo ka aanan aqoonna xaalkiisa waan baadhi jiray.

17 Ka xaqa daran daamankiisa waan jebin jiray,

Oo wixii uu dhufsadana ilkihiisaan ka soo bixin jiray.

18 Markaasaan is-idhi, Buulkaygaan ku dhex dhiman doonaa,

Oo cimrigayguna wuxuu u badan doonaa sida cammuudda oo kale.

19 Xididkaygu biyaha xaggooduu u faafayaa,

Oo laamahaygana habeenkii oo dhan waxaa saaran sayax.

20 Sharaftaydu way igu cusub tahay,

Oo qaansadayduna gacantayday ku cusboonaatay.

21 Dadku dhegtuu ii dhigi jiray, oo i sugi jiray,

Oo taladayda aawadeedna way u aamusi jireen.

22 Weligood igama ay daba hadlin,

Oo hadalkayguna korkooduu ku soo dhibci jiray.

23 Oo waxay ii dhawri jireen sidii roobka oo kale,

Oo waxay afkooda u kala furi jireen sidii roobka dambe loo sugo.

24 Waan u af caddayn jiray markay qalbi jabaan,

Oo nuurkii jaahaygana hoos uma ay tuuri jirin.

25 Waxaan dooran jiray jidkooda, oo sida nin madax ah ayaan u fadhiisan jiray,

Oo waxaan u dhaqmi jiray sidii boqor ciidan dhex fadhiya,

Iyo sidii mid u tacsiyeeya kuwa baroorta.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 30

1 Laakiinse haatan waxaa igu majaajilooda kuwa iga da' yar

Oo aan aabbayaashood quudhsan jiray inay xataa la fadhiistaan eeyaha adhigayga.

2 Nimanka xooggoodu dhammaaday

Itaalka gacmahoodu muxuu ii tarayaa?

3 Waxay la weydoobeen baahi iyo abaar,

Oo waxay u cararaan dhul engegan, kaasoo ah lamadegaan gudcur iyo cidlo ah.

4 Waxay gurtaan geed cusbeed oo kaynta ku yaal,

Oo cuntadooduna waxa weeye geed rotem la yidhaahdo xididdadiisa.

5 Iyaga dadka waa laga dhex eryaa,

Oo waxaa looga daba qayliyaa sida tuug looga daba qayliyo oo kale.

6 Waa inay ku hoydaan haadaamaha dooxooyinka,

Iyo boholaha dhulka iyo dhagaxyada dhexdooda.

7 Waxay ka qayliyaan kaynta dhexdeeda,

Oo waxay dhammaantood ku soo ururaan maraboob hoosteed.

8 Iyagu waa nacasyo iyo ceebaalowyo carruurtood,

Oo dhulka waxaa lagaga saaray karbaash.

9 Oo haatan gabay cay ah baan u noqday,

Oo halqabsi baan u ahay.

10 Way i karahsadaan, oo meel fog bay iga istaagaan,

Oo inay candhuufo wejiga iiga tufaanna iskama ay qabtaan.

11 Ilaah baa xadhiggaygii debciyey, wuuna i dhibay,

Oo taas aawadeed iyagu hortayda iskuma celiyaan.

12 Xagga midigtayda waxaa ka kaca ciyaalasuuq,

Oo cagtaydana way iska riixaan,

Oo waxay igu hor tuuraan jidadkoodii halligaadda.

13 Jidadkayga way halleeyaan,

Oo waxay soo deddejiyaan masiibadayda;

Oo mid caawiyaana ma jiro.

14 Jabniin ballaadhan ayay ka soo dusaan,

Oo burburka dhexdiisa ayay igaga soo dhacaan.

15 Waxaa igu soo jeesta cabsi weyn,

Oo sharaftayda waxaa loo kaxeeyaa sida dabayshu wax u kaxayso oo kale.

Barwaaqadaydiina waxay u dhammaatay sidii daruur oo kale.

16 Haddaba naftaydaa igu dhex daadatay,

Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.

17 Habeenkii lafahaygaa i muda,

Oo xanuunka i cunayaana ima daayo innaba.

18 Xoogga weyn oo cudurkayga daraaddiis ayaa dharkaygii ku xumaaday,

Oo wuxuu iigu cidhiidhisan yahay sidii jubbaddayda qoorteeda.

19 Isagu wuxuu igu tuuray dhoobada dhexdeeda,

Oo waxaan noqday sidii boodh iyo dambas oo kale.

20 Anigu waan kuu qayshadaa, adiguse iima aad jawaabtid,

Waan ku soo hor istaagaa, adiguse ima aad aragtid.

21 Calooladeeg baad igula soo jeesatay,

Oo gacantaada itaalkeeda ayaad igu silcisaa.

22 Kor baad iigu qaaddaa dabaysha,

Oo waxaad i fuushisaa dusheeda,

Oo haddana waxaad igu baabbi'isaa duufaanka.

23 Waayo, waan ogahay inaad ii kaxaynaysid dhimasho,

Iyo guriga inta nool oo dhammu ku wada kulmayaan.

24 Laakiinse ninkii hoos u dhacaya sow gacantiisa sooma fidiyo?

Markuu halligmayose sow ma qayshado?

25 Oo ninka dhibaataysan anigu sow uma ooyi jirin?

Naftayduse sow masaakiinta uma murugoon jirin?

26 Laakiinse markaan wanaagga filanayo waxaa ii iman jiray xumaanta,

Oo markaan nuurka sugana waxaa ii iman jiray gudcurka.

27 Qalbigaygu welwel buu la kacsan yahay, mana nasto,

Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.

28 Anigoo barooranaya ayaan qorraxda la'aanteed socdaa,

Waxaan ka dhex istaagaa shirka, oo caawimaad waan u qayshadaa.

29 Waxaan noqday walaalka dawacooyinka,

Iyo saaxiibka gorayada.

30 Dubkaygu intuu gubto ayuu iska diirmaa,

Oo lafahayguna kulayl bay ku gubtaan.

31 Sidaas daraaddeed kataaradaydii waxay u rogmatay baroorasho,

Oo biibiilahaygiina wuxuu u rogmaday kuwa ooya codkooda.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 31

1 Waxaan axdi la dhigtay indhahayga,

Haddaba bal sidee baan gabadh u fiirinayaa?

2 Waayo, waa maxay qaybta laga helo Ilaaha xagga sare jooga,

Iyo dhaxalka laga helo Ilaaha Qaadirka ah oo sarreeya?

3 Sow belaayo uma aha kuwa xaqa daran,

Iyo masiibo kuwa xumaanta ka shaqeeya?

4 Isagu sow uma jeedin socodkayga oo dhan?

Oo sow ma tirinin tallaabooyinkayga oo dhan?

5 Haddaan hawo been ah ku socday,

Oo ay cagtaydu khiyaano u dheeraysay,

6 (Ha laygu miisaamo miisaan siman,

Si Ilaah ku ogaado daacadnimadayda, )

7 Haddii tallaabadaydu jidka gees uga leexatay,

Oo qalbigaygu uu indhahayga raacay,

Iyo haddii ay bar ceeb ahu gacmahayga ku dhegtay,

8 Markaas anigu aan wax beero, oo mid kale ha cuno,

Oo xataa waxa beertayda ka soo baxa ha la wada rujiyo.

9 Haddii qalbigayga ay naagu sasabatay,

Oo aan albaabka deriskayga ku ag dhuuntay,

10 Markaas naagtaydu nin kale wax ha u shiiddo,

Oo kuwa kale ha ku kor foororsadeen iyada.

11 Waayo, kaasu waa dembi baas,

Oo waa xumaan ay xaakinnadu ciqaabi lahaayeen,

12 Waayo, kaasu waa dab wax dhammeeya ilaa uu baabbi'iyo,

Oo waxa ii soo baxa oo dhan wuu wada rujin lahaa.

13 Haddaan addoonkayga ama addoontayda dacwadooda quudhsaday,

Markay ila mudacayeen,

14 Haddaba bal maxaan samayn doonaa markii Ilaah sara joogsado?

Oo markuu i soo booqdose bal maxaan ugu jawaabi doonaa?

15 Kii uurka dhexdiisa igu abuuray sow isagana ma abuurin?

Oo sow uurka nalaguma dhex samayn?

16 Haddaan miskiin u diiday wax uu doonayay,

Ama aan indhaha carmalka illin ka keenay,

17 Amase haddaan quudkayga keligay cunay,

Oo ayan agoontu wax ka cunin,

18 (Saas ma aha, laakiinse isaga tan iyo yaraantaydii waan koriyey sidii mid aabbihiis koriyo oo kale,

Oo tan iyo markaan uurkii hooyaday ka soo baxayna waxaan iyada u ahaan jiray horseed, )

19 Haddaan arkay qof arrad daraaddiis u dhimanaya,

Amase sabool baahan oo aan dhar haysan,

20 Hadduusan uurka iiga ducayn,

Amase hadduusan isku kululayn dhogorta idahayga,

21 Caawimaaddaydii oo aan iridda uga jeeday daraaddeed,

Haddaan agoon gacantayda u qaaday,

22 Markaas garabkaygu ha kala fakado,

Oo gacantayduna kalagooyska ha ka jabto.

23 Waayo, masiibo xag Ilaah ka timid ayaa i cabsiisay,

Oo sarraysnaantiisa daraaddeedna anigu waxba ma aanan samayn karin.

24 Haddaan dahab rajo ka dhigtay,

Oo aan dahabka saafiga ah ku idhi, Kalsoonidayda baad tahay,

25 Haddaan ku reyreeyey maalkayga badan daraaddiis,

Iyo waxyaalaha badan oo gacantaydu heshay daraaddood,

26 Haddaan fiiriyey qorraxda oo dhalaalaysa,

Ama dayaxa oo iftiin ku socda,

27 Oo markaas qalbigayga haddii qarsoodi loo sasabtay,

Oo anoo caabudaya aan afkayga gacanta ugu dhunkaday,

28 Kaasu weliba waa dembi ay xaakinnadii ciqaabi lahaayeen,

Waayo, waxaan daacadlaawe u ahaan lahaa Ilaaha wax walba ka sarreeya.

29 Haddaan ku reyreeyey kan i neceb halligaaddiisa,

Ama aan aad u farxay markii belaayadu isaga heshay,

30 (Afkayga uma aanan oggolaan inuu ku dembaabo

Naftiisa oo aan habaar u weyddiisto;)

31 Dadka teendhadayda jooga haddayan isku odhan,

Yaa heli kara mid aan hilibkiisa ka dhergin?

32 Shisheeyuhu jidka kuma baryi jirin,

Laakiinse socotada ayaan albaabbadayda u furi jiray,

33 Haddaan xadgudubkaygii daboolay sidii binu-aadmiga oo kale,

Anigoo xumaantayda laabtayda ku qarinaya,

34 Maxaa yeelay, dadka badan waan ka baqay,

Oo quudhsiga qaraabaday ayaa i cabsiiyey,

Oo saas aawadeed ayaan ku aamusay, oo dibadda uma bixin.

35 Hoogaye haddaan lahaan lahaa mid i maqla!

(Bal eeg, waa tan calaamaddaydii, haddaba Ilaaha Qaadirka ahu ha ii jawaabo;)

Yaa i siinaya eedayntii uu cadowgaygu iga qoray!

36 Sida xaqiiqada ah garabkaygaan ku qaadan lahaa,

Oo weliba madaxaan ku xidhan lahaa sidii taaj oo kale.

37 Oo waxaan isaga u sheegi lahaa tirada tallaabooyinkaygu inta ay tahay;

Oo waxaan isaga ugu soo dhowaan lahaa sidii amiir oo kale.

38 Haddii dalkaygu uu iga qayliyo,

Oo jeexjeexiisu ay dhammaantood wada ooyaan,

39 Haddaan midhihiisa lacagla'aan ku cunay,

Ama aan sabab u noqday in kuwii lahaa ay dhintaan,

40 Sarreenka meeshiisii yamaarug ha ka soo baxo,

Oo shiciirka meeshiisiina gocondho ha ka soo baxdo.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 32

Eliihuu

1 Markaasay saddexdaas nin iska daayeen inay Ayuub u jawaabaan, maxaa yeelay, isagu xaq buu isla ahaa.

2 Markaas waxaa cadhooday Eliihuu ina Barakeel oo ahaa reer Buus oo qoladiisu ahayd reer Raam, oo aad buu Ayuub ugu xanaaqay, maxaa yeelay, isagu xaq buu isu qaatay intuu Ilaah xaq u qaadan lahaa.

3 Oo weliba wuxuu aad ugu cadhooday saddexdiisii saaxiib, maxaa yeelay, iyagu jawaab ma ay helin, ee weliba Ayuub way xukumeen.

4 Haddaba Eliihuu inuu Ayuub la hadlo ayuu sugayay, maxaa yeelay, iyagu isaga way ka waaweynaayeen.

5 Oo Eliihuu markuu arkay inaan jawaab afka saddexdaas nin lagu arag ayuu aad u cadhooday.

6 Oo Eliihuu ina Barakeel oo ahaa reer Buus ayaa jawaabay oo wuxuu yidhi,

Anigu waxaan ahay nin dhallinyar, idinkuse odayaal baad tihiin,

Sidaas daraaddeed ayaan dib isugu celiyey, oo aan ugu dhici waayay inaan ra'yigayga idiin caddeeyo.

7 Waxaan is-idhi, Waxaa roon kuwa da'da waaweynu inay hadlaan,

Kuwa cimriga dheeruna inay xigmad na baraan.

8 Laakiinse binu-aadmiga ruux baa ku jira,

Oo Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa ayaa iyaga waxgarasho siisa.

9 Kuwa cimriga weynu ma aha kuwa xigmadda leh,

Odayaashuna ma aha kuwa garsooridda garta.

10 Sidaas daraaddeed waxaan idin leeyahay, Bal i dhegaysta;

Aniguna ra'yigayga waan idiin caddaynayaa.

11 Bal eega, erayadiinnii waan sugayay,

Oo xigmaddiinniina waan dhegaysanayay,

Intaad baadhbaadhayseen wixii aad odhan lahaydeen.

12 Sida runta ah aad baan idiin dhegaysanayay,

Oo bal eega, laydinkuma arag mid Ayuub rumaysiiyey,

Amase mid erayadiisii uga jawaabay.

13 Isjira inaydaan odhan, Annagu xigmad waannu helnay;

Ilaah baa isaga ka adkaan kara, laakiinse dadi ma kari karo.

14 Waayo, isagu erayadiisii iguma uu soo jeedin,

Oo anigu hadalladiinnii isaga ugu jawaabi maayo.

15 Iyagii way yaabsan yihiin, oo mar dambena ma ay jawaabaan;

Oo wax ay ku yidhaahdaanna ma leh.

16 Haddaba anigu miyaan u sii sugaa, hadalka ay waayeen daraaddiis,

Iyo istaagiddooda daraaddeed, oo ay mar dambe jawaabi waayeen?

17 Haddaba aniguna qaybtayda waan ka jawaabayaa,

Oo ra'yigaygana waan caddaynayaa.

18 Waayo, waxaa iga buuxa erayo;

Oo ruuxa gudahayga ku jira ayaa i qasba.

19 Bal eega, calooshaydu waa sidii khamri sibraar ku jirta oo aan lahayn meelay ka neefsato,

Xataa sidii sibraarro ku dhow inay qarxaan.

20 Anigu waan hadli doonaa, si aan u qalbi qabowsado;

Oo bushimahayga waan kala qaadi doonaa, waanan jawaabi doonaa.

21 Waan idin baryayaaye, yaanan ninna u eexan,

Oo weliba ninna u bixin maayo magacyo faanid ah.

22 Waayo, anigu ma aan aqaan si loo bixiyo magacyo faanid ah,

Haddii kalese Kii i sameeyey ayaa haddiiba i qaadi lahaa.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 33

1 Habase ahaatee, Ayuubow, waan ku baryayaaye, hadalkayga maqal,

Oo erayadayda oo dhanna dhegta u dhig.

2 Bal eeg haatan, afkaygaan furay,

Oo carrabkaygu wuxuu ku dhex hadlay afkayga.

3 Erayadaydu waxay sheegi doonaan qummanaanta qalbigayga,

Oo bushimahayguna wixii ay yaqaaniin si daacad ah ayay ugu hadli doonaan.

4 Waxaa i sameeyey Ruuxa Ilaah,

Oo waxaa i noolaysa Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa.

5 Haddaba haddaad kartid ii jawaab,

Oo hortayda erayada si hagaagsan ugu sheeg oo istaag.

6 Bal eeg, aniguba xag Ilaah waxaan ahay sidaada oo kale;

Oo anigana waxaa layga uumay dhoobo.

7 Bal eeg, nixintaydu kuma cabsiin doonto,

Oo gacantayduna kuguma cuslaan doonto.

8 Sida xaqiiqada ah dhegahaygaad ku hadashay,

Waanan maqlay codkii erayadaada oo leh,

9 Anigu nadiif baan ahay, oo xadgudubna ma lihi,

Xaq ma qabo, oo xumaanuna iguma jirto innaba.

10 Bal eeg, sabab uu igu eedeeyo ayuu iga helaa,

Oo wuxuu igu tiriyaa inaan cadowgiisa ahay;

11 Cagahayga wuxuu geliyaa jeebbooyin,

Oo jidadkayga oo dhanna wuu wada fiiriyaa.

12 Bal eeg, waan kuu jawaabi doonaa, haddaba waxan xaq kuma tihid,

Waayo, Ilaah baa binu-aadmiga ka sii weyn.

13 Haddaba maxaad isaga ula asaraartantaa?

Waayo, isagu axwaalkiisa midnaba jawaab kama baxsho.

14 Waayo, Ilaah wuxuu hadlaa mar,

Ama laba jeer, in kastoo aan laga fiirsanayn.

15 Riyada iyo muujinta habeennimo,

Markii hurdo weynu dadka ku soo degto,

Oo sariirta lagu gam'o,

16 Markaasuu dhegaha binu-aadmiga furaa,

Oo waxa iyaga lagu waaniyey ayuu xaqiijiyaa,

17 Si uu dadka uga soo celiyo qasdigooda xun,

Oo uu binu-aadmiga kibir uga qariyo,

18 Oo naftiisana wuxuu dib uga hayaa yamayska,

Oo noloshiisana wuxuu ka hayaa seefta.

19 Oo weliba waxaa sariirtiisa lagu kor edbiyaa xanuun,

Iyo dagaal joogto ah oo lafihiisa ku dhex jira.

20 Sidaas daraaddeed nafsaddiisu kibista way karahsataa,

Naftiisuna cuntada macaan way nacdaa.

21 Hilibkiisu waa ka mudhuxsan yahay, oo mar dambe lama arki karo;

Oo lafihiisii aan la arki jirinuna way soo baxaan.

22 Hubaal naftiisu waxay ku dhow dahay yamayska,

Oo noloshiisuna waxay ku dhow dahay kuwii baabbi'in lahaa.

23 Hadday la joogi lahayd malaa'ig dhexdhexaadeye ah

Oo ah mid kun ka mid ahu,

Inay dadka tusto waxa ku qumman,

24 Markaas Ilaah baa u naxariista, oo wuxuu leeyahay,

Yamayska uu ku sii dhacayo ka samatabbixi,

Waayo, furasho baan helay.

25 Hilibkiisu waa ka sii jilicsanaan doonaa kan ilmaha;

Oo wuxuu ku noqdaa wakhtigii dhallinyaranimadiisa.

26 Isagu Ilaah buu baryaa, oo isna raalli buu ka noqdaa,

Sidaas daraaddeed wejigiisa farxad buu ku arkaa;

Oo wuxuu dadka u soo celiyaa xaqnimadiisa.

27 Isagu dadka hortiisa buu ku gabyaa, oo wuxuu leeyahay,

Waan dembaabay, oo waxaan qalloociyey wixii qummanaa,

Oo taasuna layguma abaalgudin.

28 Isagu naftayduu ka soo furtay yamayskii ay ku dhacaysay,

Oo noloshayduna iftiin bay arki doontaa.

29 Bal eeg, waxyaalahan oo dhan Ilaah baa binu-aadmiga ku sameeya,

Laba ama saddex jeer,

30 Si uu naftiisa yamayska uga soo celiyo,

In isaga lagu iftiimiyo iftiinka kuwa nool.

31 Ayuubow, i maqal oo aniga i dhegayso:

Adigu iska aamus, oo anna waan hadli doonaa.

32 Haddaad wax odhan lahayd, ii jawaab,

Oo hadal, waayo, waxaan jeclahay inaan xaq kaa dhigo.

33 Haddii kalese, bal i dhegayso:

Iska aamus, oo anna xigmad baan ku bari doonaa.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 34

1 Oo weliba Eliihuu wuu jawaabay oo wuxuu yidhi,

2 Raggiinna xigmadda lahow, erayadayda maqla;

Oo kuwiinna aqoonta lahow, i dhegaysta.

3 Waayo, dhegtu waxay hadalka u kala soocdaa

Sida dhabxanaggu cuntada u dhedhemiyo oo kale.

4 Aynu dooranno waxa qumman,

Oo aynu dhexdeenna ka ogaanno waxa wanaagsan.

5 Waayo, Ayuub wuxuu yidhi, Anigu xaq baan ahay,

Laakiinse Ilaah baa gartaydii ii diiday.

6 Oo in kastoo aan xaq ahay haddana waxaa laygu tiriyey inaan beenlow ahay;

Oo in kastoo aanan xadgudub lahayn, haddana nabarkaygu waa mid aan bogsan karin.

7 Ninkee baa Ayuub la mid ah,

Oo quudhsashada u cabba sida biyaha oo kale,

8 kaasoo raaca kuwa xumaanta ka shaqeeya,

Oo dadka sharka ah la socda?

9 Waayo, isagu wuxuu yidhi, Ninna wax uma tarto

Inuu Ilaah ku farxo.

10 Haddaba sidaas daraaddeed i dhegaysta, raggiinna waxgaradka ahow;

Ilaah inuu xaqdarro sameeyo way ka fog tahay;

Oo Ilaaha Qaadirka ahna inuu xumaan falo way ka fog tahay.

11 Waayo, nin walba shuqulkiisuu ka abaalmariyaa,

Oo nin kastana siduu socodkiisu ahaa ayuu ugu abaalgudaa.

12 Laakiinse hubaal Ilaah xaqdarro ma uu samayn doono,

Oo Kan Qaadirka ahuna garta ma uu qalloocin doono.

13 Bal yaa isaga ku amray inuu dhulka u taliyo?

Yaase isaga dusha ka saaray dunida oo dhan?

14 Hadduu keligiis iska fikiri lahaa,

Oo uu ruuxiisa iyo neeftiisa soo urursan lahaa,

15 Dadka oo dhammu waa wada baabbi'i lahaa,

Oo binu-aadmiguna ciidduu ku noqon lahaa.

16 Haddaba haddaad waxgarad tahay, waxan maqal;

Oo erayadayda codkooda dhegayso.

17 War mid xaqnimada neceb miyuu wax u talinayaa?

Oo ma waxaad xukumaysaa midka xaqa ah oo xoogga badan?

18 Ma waxaa boqor lagu yidhaahdaa, Shar baad tahay?

Amase kuwa gobta ah, Cibaadalaawayaal baad tihiin?

19 Haddaba ma saasaad ku odhan lahayd kan aan amiirrada u eexan,

Ama aan taajirka uga roonayn kan miskiinka ah?

Waayo, iyagu dhammaantood waa shuqulkii gacmihiisu sameeyeen.

20 Iyagu daqiiqad bay ku dhintaan,

Dadku habeenbadhkiiba way gariiraan oo naftaa ka baxda,

Kuwa xoogga badanuna way libdhaan iyadoo aan gacanna la saarin.

21 Waayo, indhihiisu waxay fiiriyaan jidadka binu-aadmiga,

Wuxuuna wada arkaa socodkiisa oo dhan.

22 Ma jiro gudcur ama hoosdhimasho toona

Oo ay kuwa xumaanta sameeyaa ku dhuuntaan.

23 Waayo, isagu uma baahna inuu in kale binu-aadmiga ka sii fikiro,

Inuu isagu Ilaah hortiisa garsoorid u tago.

24 Ragga xoogga badan ayuu u kala jejebiyaa siyaalo aan la baadhi karin,

Oo meeshoodiina kuwa kaluu ka kiciyaa.

25 Maxaa yeelay, isagu shuqulladooda wuu yaqaan;

Oo habeennimuu afgembiyaa si ay u burburaan.

26 Sharkooda daraaddiis ayuu iyaga wax ku dhuftaa,

Iyagoo dadka kale u jeedo,

27 Maxaa yeelay, lasocodkiisii way ka leexdeen,

Oo waxay diideen inay jidadkiisa midnaba ka fikiraan.

28 Sidaasay qaylada masaakiinta isaga soo gaadhsiiyeen,

Oo isna qaylada kuwa dhibaataysan ayuu maqlay.

29 Haddii quruun lagu sameeyo iyo haddii qof lagu sameeyaba,

Markuu nasiyo yaa belaayo kicin kara?

Oo markuu wejigiisa qariyana bal yaa isaga fiirin kara?

30 Inaan cibaadalaawe boqornimada qabsan,

Si uusan u jirin mid dadka shirqool u dhiga.

31 Waayo, ninna miyuu Ilaah ku yidhi,

Anigu edbintii waan qaatay, oo mar dambe ninna xumayn maayo,

32 Haddaba waxaanan u jeedin i bar,

Oo haddaan xumaan sameeyeyna mar dambe u noqon maayo?

33 Abaalgudkiisu ma wuxuu ahaan doonaa sidaad doonaysid, inaad diiddid aawadeed?

Waayo, waa inaad adigu doorataa, mana aha aniga;

Haddaba waxaad taqaanid ku hadal.

34 Nin kasta oo xigmad leh oo i maqla iyo dadka waxgaradka ahuba

Waxay igu odhan doonaan,

35 Ayuub aqoonla'aan buu ku hadlaa,

Oo hadalkiisana xigmadu kuma jirto.

36 Waxaan jeclaan lahaa in Ayuub tan iyo ugudambaysta la sii imtixaamo,

Maxaa yeelay, wuxuu u jawaabaa sida dadka sharka ah.

37 Waayo, dembigiisii wuxuu ku sii darsadaa caasinimo,

Oo dhexdeenna ayuu ka sacab tuntaa,

Erayadiisana wuxuu ku sii badiyaa Ilaah.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 35

1 Oo weliba Eliihuu wuu sii jawaabay oo wuxuu yidhi,

2 Ma waxaad u malaynaysaa in taasu xaq tahay,

Amase ma waxaad leedahay, Xaqnimadaydu way ka sii badan tahay tan Ilaah?

3 Miyey kugu habboon tahay inaad tidhaahdid, Maxay ii taraysaa?

Oo waa maxay faa'iidada aan ka helayo oo ka sii badan haddaan dembaabay?

4 Haddaba waxaan u jawaabayaa

Adiga iyo saaxiibbadaada kula jiraba.

5 Bal indhahaaga kor u qaad oo samooyinka eeg,

Oo bal daruuraha kaa sarreeya fiiri.

6 Haddaad dembaabtay maxaa xumaan ah oo aad yeeshaa?

Oo xadgudubyadaadu hadday bataanse maxaad isaga ku samaysaa?

7 Haddaad xaq tahayse bal maxaad isaga siisaa?

Isaguse muxuu gacantaada ka helaa?

8 Xumaantaadu waxay wax u dhintaa nin sidaadoo kale ah,

Oo xaqnimadaaduna waxay wax ku tartaa binu-aadmiga.

9 Dulmiga ku batay daraaddiis ayay u qayliyaan,

Oo kan xoogga badan gacantiisa daraaddeed ayay caawimaad ugu qayshadaan.

10 Laakiinse ninna ma yidhaahdo, Meeh Ilaahii i abuuray,

Oo habeenkii gabayo i siiya,

11 Oo wax na bara in ka sii badan xayawaanka dunida jooga,

Oo weliba naga sii xigmad badiya haadda samada duusha?

12 Dadka sharka ah kibirkooda daraaddiis

Ayay iyagu halkaas uga qayliyaan, laakiinse ninna uma jawaabo.

13 Hubaal Ilaah maqli maayo wax aan waxba ahayn,

Oo Kan Qaadirka ahuna innaba ka fiirsan maayo.

14 In kastoo aad tidhaahdaa, Isaga ma arko,

Dacwadii isagay hor taal, oo adna waa inaad isaga sugtaa.

15 Laakiinse haatan, isagu cadhadiisii kuma uu soo booqan,

Oo xumaantana si weyn ugama uu fikiro;

16 Haddaba sidaas daraaddeed ayaa Ayuub hadalka aan waxtarka lahayn afkiisa ugu furaa,

Oo isagoo aan aqoon lahayn ayuu erayo badiyaa.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 36

1 Oo weliba Eliihuu hadalkiisii buu watay oo wuxuu yidhi,

2 Weliba in yar ii sii kaadi, oo anna wax baan ku tusayaa,

Waayo, weli waxaan hayaa wax aan Ilaah daraaddiis u odhanayo.

3 Aqoontayda meel fog baan ka keeni doonaa,

Oo xaqnimana waan ka sheegi doonaa kii i abuuray.

4 Waayo, sida runta ah erayadaydu been ma aha;

Oo mid aqoontu kaamil ku tahay ayaa kula jooga.

5 Bal eeg, Ilaah waa xoog badan yahay, oo isagu ninna ma quudhsado,

Oo itaalka waxgarashada wuu ku xoog badan yahay.

6 Isagu uma daayo kan sharka ahu inuu sii noolaado,

Laakiinse kuwa dhibaataysan xaqooduu siiyaa.

7 Isagu indhihiisa kama qaado kuwa xaqa ah,

Laakiinse wuxuu weligoodba la fadhiisiyaa boqorrada carshiga ku fadhiya,

Oo iyaga waa la sarraysiiyaa.

8 Oo haddii silsilado lagu xidho,

Oo xadhkaha dhibka lagu kaxaysto,

9 Markaas wuxuu iyaga ku caddeeyaa falimahooda,

Iyo xadgudubyadoodii ay kibirka u sameeyeen.

10 Oo dhegtoodana wuxuu u furaa waxbaridda,

Oo wuxuu ku amraa inay xumaanta ka soo noqdaan.

11 Hadday isaga maqlaan oo ay u adeegaan,

Cimrigooda waxay ku dhammaysan doonaan barwaaqo,

Oo sannadahoodana waxay ku waari doonaan nimco.

12 Laakiinse hadday maqli waayaan, seef bay ku baabbi'i doonaan,

Oo waxay dhiman doonaan iyagoo aan aqoon lahayn.

13 Laakiinse kuwa cibaadalaawayaasha ah oo qalbigoodu beloobay waxay isa soo gaadhsiiyaan cadho,

Oo markuu iyaga xidhana caawimaad uma qayshadaan.

14 Dhallinyaranimay ku dhintaan,

Oo naftooduna waxay ku halligantaa khaniisiinta dhexdooda.

15 Isagu kii dhibban ayuu dhibaatadiisa ku samatabbixiyaa,

Oo dhegahana buu u furaa markay dhib la kulmaan.

16 Isagu dhibaato wuu kaa bixin lahaa,

Oo wuxuu ku geeyn lahaa meel ballaadhan oo aan cidhiidhi ahayn,

Oo miiskaaga waxa saaran oo dhammuna waxay ahaan lahaayeen baruur miidhan.

17 Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa,

Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.

18 Iska jir yaanay cadho ku sasabin si aad wax u majaajilootid,

Oo furashada weynaanteeduna yaanay ku leexin.

19 Taajirnimadaada iyo xoogga itaalkaaga oo dhammu

Miyey kugu filan yihiin inay dhibaato kaa saaraan?

20 Habeenka ha doonin,

Markay dadyowgu meeshooda ku wada baabba'aan.

21 Iska jir oo xumaan ha u jeedin,

Waayo, taasaad ka dooratay dhibaato.

22 Bal eeg, Ilaah baa xooggiisa ku sarreeya;

Waa ayo macallinka isaga la mid ahu?

23 Jidkiisa yaa u amray?

Yaase isaga ku odhan kara, Waxaad samaysay xaqdarro?

24 Xusuuso inaad weynaysid shuqulkiisii

Ay dadku ka gabyeen.

25 Dadka oo dhammu way wada fiiriyeen,

Oo binu-aadmiguna meel fog buu ka arkaa.

26 Bal eeg, Ilaah waa weyn yahay, oo annana isaga ma aannu naqaan;

Oo cimrigiisu intuu yahayna lama soo baadhi karo.

27 Waayo, isagu wuxuu kor u jiitaa dhibicyaha biyaha,

Oo wuxuu ka dhigaa ceeryaamo roob noqota,

28 Oo daruuraha ka soo da'a,

Oo binu-aadmiga aad ugu dul shubma.

29 Ninna miyuu garan karaa daruuraha kala faafintooda,

Iyo onkodyada taambuuggiisa?

30 Bal eeg, isagu hareerihiisa wuxuu ku faafiyaa nuurkiisa,

Oo badda salkeedana wuu daboolaa.

31 Waayo, isagu kuwaasuu dadyowga ku xukumaa,

Oo cunto badanna wuu siiyaa.

32 Gacmihiisuu hillaac ku daboolaa,

Oo wuxuu ku amraa inuu ku dhaco calaamadda uu ku liishaamay.

33 Sanqadhiisu isagay wax ka sheegtaa,

Oo weliba xayawaankuna wax bay ka sheegaan waxa soo socda.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 37

1 Oo weliba taas aawadeed qalbigaygu wuu gariiraa,

Oo meeshiisiina wuu ka dhaqaaqaa.

2 Haddaba dhegaysta qaylada codkiisa

Iyo sanqadha afkiisa ka baxaysa.

3 Wuxuu taas u diraa inta samada ka hoosaysa oo dhan,

Oo hillaaciisana wuxuu u diraa dhulka darfihiisa oo dhan.

4 Dabadiisna wax baa aad uga sanqadha,

Isagu wuxuu ku onkodaa haybaddiisa codkeeda;

Oo markii codkiisa la maqlona iyaga ma uu joojiyo.

5 Ilaah si yaab ah ayuu codkiisa ugu onkodaa,

Oo wuxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aynan garan karin.

6 Waayo, wuxuu barafka cad ku yidhaahdaa, Dhulka ku da';

Oo sidaasoo kaluu ku yidhaahdaa roobka yar

Iyo roobkiisa weynba.

7 Isagu wuxuu shaabadeeyaa nin kasta gacantiisa,

In nin kasta oo uu sameeyeyba ogaado.

8 Markaasaa bahalladu hogag galaan,

Oo waxay iska joogaan boholahooda.

9 Koonfurta waxaa ka soo baxa duufaanka,

Oo qabowguna wuxuu ka yimaadaa woqooyiga.

10 Barafku wuxuu ku yimaadaa Ilaah neeftiisa,

Oo biyaha ballaadhanuna way barafoobaan.

11 Daruurta qarada weyn ayuu ka buuxiyaa qoyaan,

Oo wuxuu kala firdhiyaa daruurta hillaaciisa,

12 Oo waxaa lagu soo wareejiyaa hoggaamintiisa,

Inay sameeyaan wax alla wixii uu kugu amro

Dunida la dego dusheeda oo dhan,

13 Hadday tahay hagaajin aawadeed, ama dalkiisa aawadiis,

Ama naxariis aawadeed, kolleyba wuxuu ka dhigay inay kuwaasu noqdaan.

14 Ayuubow, bal tan dhegayso,

Istaag oo bal ka fiirso shuqullada Ilaah oo yaabka miidhan ah.

15 War miyaad taqaan siduu iyaga u amro,

Iyo siduu hillaaca daruurtiisa u iftiimiyo?

16 Miyaad taqaan miisaaminta daruuraha,

Amase kan aqoontu kaamilka ku tahay shuqulladiisa yaabka leh?

17 Miyaad taqaan wuxuu dharkaagu u kulul yahay,

Markuu Ilaah dhulka ku xasilliyo dabaysha koonfureed?

18 Miyaad isaga la kala bixin kartaa cirka

U xoogga badan sidii muraayad la shubay?

19 Na bar wixii aan isaga ku odhan lahayn,

Waayo, annagu hadalkayagii waxaannu la odhan kari waynay gudcur aawadiis.

20 Isaga ma loo sheegi doonaa inaan hadli doono?

Ninse miyuu jecel yahay in isaga la liqo?

21 Oo hadda dadku ma fiirin karo iftiinka cirka ka dhalaalaya,

Laakiinse dabayshu waa soo gudubtaa, oo iyagay safaysaa.

22 Woqooyi waxaa ka soo baxa iftiin sida dahab u dhalaalaya,

Ilaahna wuxuu leeyahay haybad cabsi badan.

23 Annagu ma heli karno Ilaaha Qaadirka ah, waayo, isagu wuu xoog badan yahay;

Oo isagoo garsoorid iyo caddaalad ka buuxa ninna ma uu dhibi doono.

24 Sidaas daraaddeed dadku isagay ka cabsadaan;

Oo isagu ma uu fiiriyo kuwa qalbigooda xigmaddu ka buuxdo.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 38

Hadalkii Rabbiga Ee Ayuub

1 Markaasaa Rabbigu Ayuub uga jawaabay dabaysha cirwareenta ah,

oo wuxuu ku yidhi,

2 Waa kuma kan talada ku madoobeeya

Erayada aan aqoonta lahayn?

3 Haddaba sida nin rag ah dhexda u gunto,

Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.

4 Markaan dunida aasaaskeeda dhigay xaggee baad joogtay?

Haddaad waxgarad tahay, taas ii sheeg.

5 Haddaadse taqaanid yaa qiyaasteeda amray?

Amase yaa xadhiggii lagu qiyaasay ku kor fidiyey?

6 Aasaaskeedase bal xaggee baa lagu dejiyey?

Amase yaa dhigay dhagaxa geeska ah

7 Markay xiddigaha aroorya isla wada heeseen,

Oo ay carruurta Ilaah oo dhammu farxad la qayliyeen?

8 Amase yaa badda albaabbo ku xidhay markay u soo faruurantay

Sidii wax maxal ka soo baxay,

9 Iyo markaan daruurta dharka uga dhigay,

Oo aan gudcurka maro lagu duudduubo uga dhigay,

10 Oo aan hareeraheeda xad u amray,

Oo aan u yeelay qataarro iyo albaabbo,

11 Oo aan ku idhi, Ilaa halkan soo gaadh, laakiinse innaba ha soo dhaafin,

Oo hirarkaaga kibirka lahu waa inay halkan ku joogsadaan?

12 Tan iyo waagii aad dhalatay marna subaxda ma amartay?

Waaberigase ma meeshiisaad ogeysiisay,

13 Si uu u qabsado dhulka darfihiisa,

Oo sharrowyada looga hurgufo?

14 Waa loo beddelaa sidii dhoobo shaabad ka hoosaysa,

Oo wax kastaaba waxay kor uga muuqdaan sidii dhar oo kale,

15 Oo sharrowyadana iftiinkooda waa loo diiday,

Oo gacantii sarraysayna waa la jebiyey.

16 Adigu miyaad badda ilaheeda dhex gashay?

Miyaadse moolka salkiisa martay?

17 Geerida irdaheeda miyaa laguu muujiyey?

Miyaadse aragtay irdaha hooska dhimashada?

18 Miyaad garanaysaa dhulka ballaadhkiisa?

Haddaad waxaas wada taqaanid ii sheeg.

19 Rugta iftiinka jidka loo maraa waa xaggee?

Gudcurkase meeshiisu waa xaggee,

20 Si aad soohdintiisa u martid,

Oo aad u garatid wadiiqooyinka gurigiisa loo maro?

21 Shakila'aan waad taqaan, waayo, adigu wakhtigaas waad dhalanayd

Oo cimrigaaguna wuu dheer yahay!

22 Adigu miyaad dhex gashay meesha barafka cad lagu kaydiyo?

Miyaadse aragtay meesha roobdhagaxyaalaha la dhigo,

23 Kuwaasoo aan u kaydsaday wakhtiga dhibaatada,

Iyo maalinta dirirta iyo dagaalka?

24 Iftiinka jidkee baa lagu kala qaybiyaa?

Dabaysha barise sidee baa dhulka loogu kor firdhiyaa?

25 Bal yaa jid u sameeyey biyaha daadka ah,

Amase hillaaca onkodka,

26 Si roob ugu da'o dhul aan binu-aadmina joogin,

Iyo cidlada aan ninna degganayn,

27 Si uu u dherjiyo dhulka cidlo iyo baabba' ah,

Oo uu doog jilicsan uga soo bixiyo?

28 Roobku ma aabbuu leeyahay?

Yaase dhalay dhibicyaha sayaxa?

29 Barafkuse bal yuu maxalkiisa ka soo baxay?

Yaase dhalay sayaxa barafoobay ee cirka ka yimaada?

30 Biyihii waxay u adkaadeen sidii dhagax oo kale,

Oo moolka korkiisiina wuu barafoobay.

31 Adigu miyaad xidhi kartaa ururka xiddigaha ee Toddobaadyada la yidhaahdo?

Miyaadse furi kartaa ururka Oriyon la yidhaahdo?

32 Miyaad kartaa inaad xiddigaha Masarood la yidhaahdo xilligooda soo saarto?

Miyaadse ururka xiddigaha ee Orsada la yidhaahdo carruurtiisa la kaxayn kartaa?

33 Miyaad taqaan amarrada samooyinka?

Dowladnimadoodana ma dhulkaad ku dhisi kartaa?

34 Codkaaga miyaad daruuraha kor ugu qaadi kartaa,

Si biyo badanu ay kuu daboolaan daraaddeed?

35 Miyaad hillaaca diri kartaa, si ay u tagaan,

Oo ay kuugu yidhaahdaan, Waa na kan?

36 Bal yaa qalbiga xigmadda geliyey?

Yaase maanka waxgarashada siiyey?

37 Bal yaa daruuraha xigmad ku tirin kara?

Yaase qarbeddada samada biyo ka shubi kara,

38 Markii boodhku taallooyin noqdo,

Oo ciidduna ay isku dhegto?

39 Miyaad karaysaa inaad gool libaax u ugaadhid?

Miyaadse dhal libaax dherjin kartaa,

40 Markay boholahooda ku dhex dhuuntaan,

Oo ay hogga u joogaan inay wax gaadaan?

41 Bal yaa tukaha cunto ku quudiya,

Markii dhashiisu Ilaah u qayshadaan,

Oo ay cuntola'aan daraaddeed u warwareegaan?



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 39

1 War miyaad taqaan markay ri'dibadeedda qarka joogta dhasho?

Miyaadse arki kartaa markay deerooyinku dhalaan?

2 Miyaad tirin kartaa bilaha sidkoodu ku buuxsamo?

Miyaadse taqaan wakhtiga ay dhalaan?

3 Intay arruntaan ayay ubadkooda dhalaan,

Oo fooshoodana way iska saaraan.

4 Oo ubadkooda yaryaruna way kobcaan, oo waxay ku koraan berrin bannaan,

Oo intay baxaan ayaanay mar dambe soo noqon.

5 Bal yaa dameerdibadeedka xoreeyey?

Yaase dameerdibadeedka xadhkihiisii ka furay?

6 Kaas gurigiisa waxaan ka dhigay cidlada,

Oo rugtiisuna waa dalka cusbada.

7 Magaalada buuqeeda wuu quudhsadaa,

Oo kexeeyaha qayladiisana ma maqlo.

8 Xidhiidhka buurahu waa daaqiisa,

Oo wuxuu raadiyaa wax kasta oo cagaar ah.

9 Dibidibadeedku miyuu raalli ku noqon doonaa inuu kuu adeego?

Miyuuse qabaalka xeradaada ku ag hoyan doonaa?

10 Dibidibadeedka miyaad xadhko ku xidhi kartaa si uu beerta u qodo?

Miyuuse dooxooyinka kaa daba hagaajin?

11 Xooggiisa badan daraaddiis miyaad isugu hallaynaysaa?

Hawshaadase ma isagaad u daynaysaa?

12 Ma waxaad isaga ugu kalsoon tahay inuu midhahaaga guriga keeno,

Oo uu kuu soo urursho hadhuudhka goobkaaga wax lagu tumo?

13 Gorayada garabkeedu farxad buu la ruxmadaa,

Laakiinse garbaheeda iyo baalasheedu ma wax bay u roon yihiin?

14 Waayo, iyadu ugaxdeeda waxay kaga tagtaa dhulka dushiisa,

Oo ciidday ku diirisaa,

15 Oo waxay illowdaa inay cagtu burburinayso,

Iyo inuu dugaaggu ku tumanayo.

16 Waxay ku adkaataa dhasheeda, sidii iyagoo aan kuweedii ahayn,

Oo in kastoo ay waxtarla'aan u hawshooto haddana iyadu cabsi ma qabto,

17 Maxaa yeelay, Ilaah baa iyada xigmad u diiday,

Oo waxgarashona ma uu siin.

18 Oo markay kor isu qaaddo inay carartona,

Waxay quudhsataa faraska iyo kii fuushanba.

19 War ma adigaa faraska xooggiisa siiyey?

Surkiisase ma adigaa guudka ruxma huwiyey?

20 War ma adigaa ka dhigay inuu sida ayaxa u boodo?

Haybadda bururufta sankiisu way cabsi badan tahay.

21 Dooxaduu qoobka ku garaacaa, oo xooggiisuu ku reyreeyaa,

Oo intuu baxo ayuu ka hor tagaa ragga hubka sita.

22 Cabsida wuu ku qoslaa, oo ma uu baqo,

Oo seeftana dib ugama noqdo.

23 Korkiisa waxaa ka sanqadha gabooye,

Iyo waran birbirqaya iyo hoto.

24 Isagu dhulkuu ku liqaa gariir iyo cadho,

Oo buunka codkiisa hadduu maqlona ma istaago.

25 Oo mar alla markii buunku dhawaaqo ayuu <> yidhaahdaa,

Oo meel fog ayuu dagaalka ka uriyaa,

Wuxuuna maqlaa saraakiisha qayladooda onkodaysa iyo hugunka.

26 Haadka adagu ma xigmaddaaduu kor ugu duulaa?

Garbihiisase xagga koonfureed ma u fidiyaa?

27 Baqalyaduse ma amarkaagay kor ugu duushaa?

Oo ma saasay buulkeeda meelaha sarsare uga dhisataa?

28 Waxay ku hoyataa qarka dheer korkiisa, oo hoygeeduna halkaasuu ku yaal,

Xagga qarka dheer dhaladiisa, iyo meesha adag dusheeda.

29 Oo iyadoo halkaas joogta ayay ugaadh ka fiirsataa,

Oo indhaheeduna meel fog bay wax ka arkaan.

30 Dhasheeda yaryaru dhiig bay nuugaan,

Oo iyana waxay joogtaa hadba meeshii raqu taal.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 40

1 Oo weliba Rabbigu Ayuub buu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

2 Kii murmayaa ma Ilaaha Qaadirka ah buu la diriri karaa?

Kii Ilaah la doodayaa ha ka jawaabo taas.

3 Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

4 Bal eeg, wax yar baan ahay, haddaba bal maxaan kuugu jawaabaa?

Afkaan gacanta saarayaa.

5 Mar baan hadlay, jawaab dambena u noqon maayo,

Laba jeer oo qudha ayaan hadlay, laakiinse hadda ka dib sii wadi maayo.

6 Markaasaa Rabbigu Ayuub uga dhex jawaabay dabaysha cirwareenta ah, oo wuxuu ku yidhi,

7 Haddaba sidii nin rag ah dhexda u gunto,

Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.

8 War ma xukunkaygaad burinaysaa?

Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?

9 Adiguse ma waxaad leedahay Ilaah gacantiisa oo kale?

Oo codkiisa oo kale miyaad ku onkodi kartaa?

10 Haddaba waxaad isku sharraxdaa sarraysnaan iyo derejo,

Oo waxaad huwataa sharaf iyo haybad.

11 Haddaba cadhadaada buuxdhaafkeeda soo daadi,

Oo waxaad fiirisaa mid kasta oo kibir leh, oo isaga hoos u soo deji.

12 Mid kasta oo kibir leh soo fiiri oo hoosaysii,

Oo kuwa sharka ah meel alla meeshay istaagaan ku joogso.

13 Dhammaantood ciidda ku qari,

Oo wejigoodana meel qarsoon ku xidh.

14 Oo anna markaas waxaan kuu qiran doonaa

In gacantaada midig ay ku badbaadin karto.

15 Haddaba bal eeg jeerta aan u sameeyey sidaan kuu sameeyey oo kale,

Cawska bay u daaqdaa sida dibi oo kale.

16 Haddaba bal eeg, xooggeedu wuxuu ugu jiraa dhexdeeda,

Oo itaalkeeduna wuxuu ku jiraa muruqyada caloosheeda.

17 Oo dabadeedana waxay u taagtaa sida geed kedar ah oo kale,

Oo seedaha bowdooyinkeeduna way isku wada tidcan yihiin.

18 Oo lafaheeduna waa sidii tuubbooyin naxaas ah;

Oo addimmadeeduna waa sidii wax bir ah.

19 Iyadu jidadka Ilaah waa u madax,

Oo kii abuuray oo keliya ayaa seeftiisa u dhowayn kara.

20 Sida xaqiiqada ah waxaa iyada cunto u soo bixiya

Buuraha ay xayawaanka duurka oo dhammu ku cayaaraan.

21 Oo waxay hoos jiifsataa dhirta hooska badan,

Iyo meesha qarsoon ee cawsduurka iyo biyagaleenka.

22 Dhirta hooska badan ayaa hadhkooda ku qariya,

Oo waxaa iyada ku wareegsan geedaha safsaafka ah ee durdurka ku ag yaal.

23 Bal eeg, haddii webigu buuxdhaafo iyadu ma gariirto,

In kastoo Webi Urdun afka ka galo, haddana iyadu way isku kalsoon tahay.

24 Ninna miyuu iyada qaban karaa iyadoo u jeedda?

Miyaase sanka dabin lagaga duleelin karaa?



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 41

1 War bahalbadeedka Lewiiyaataan la yidhaahdo miyaad jillaab kalluun

ku soo bixin kartaa?

Carrabkiisase ma hoos baad xadhig ugu adkayn kartaa?

2 Ma sankiisaad xadhig ku xidhi kartaa?

Mase daankiisaad jillaab ku duleelin kartaa?

3 Isagu ma aad buu kuu baryi doonaa?

Mase hadal macaan buu kugula hadli doonaa?

4 Ma axdi buu kula dhigan doonaa,

Si aad addoon uga dhigatid weligiisba?

5 Ma waxaad isaga ula cayaari doontaa sidaad shimbir ula cayaartid oo kale?

Miyaadse gabdhahaaga u xidhi doontaa?

6 Kalluumaystayaashu miyey isaga iibin doonaan?

Mase baayacmushtariyaasha bay u qaybin doonaan?

7 Haraggiisa miyaad hotooyin ka buuxin kartaa?

Madaxiisase miyaad warmaha kalluunka lagu qabsado ka buuxin kartaa?

8 Gacantaada isaga kor saar,

Markaas dagaalka xusuuso, oo mar dambe saas yeeli maysid!

9 Bal eeg, in isaga la qabto rajo ma leh,

Xataa haddii isaga la arko, sow hoos loo dhici maayo?

10 Ma jiro mid ku dhaca inuu isaga kiciyo,

Haddaba waa ayo kan aniga i hor istaagi kara?

11 Bal yaa hore wax ii siiyey oo aan haatan u celiyaa?

Waxa samada ka hooseeya oo dhan anigaa leh.

12 Anigu ka aamusi maayo waxa ku saabsan addimmadiisa,

Ama itaalkiisa xoogga leh, ama jidhkiisa quruxda badan.

13 Haddaba bal yaa dharkiisa kore ka furan kara?

Oo bal yaa gowsihiisa soo geli kara?

14 Bal yaa albaabbada wejigiisa furi kara?

Ilkihiisa aad baa looga cabsadaa.

15 Qolfihiisa adag waa wuxuu ku kibro,

Oo waxay isugu wada xidhan yihiin sida wax shaabad lagu adkeeyo.

16 Midba midda kale way ku dhow dahay,

Oo innaba dabaylu dhexdooda kama dusi karto.

17 Middoodba midda kale way haysataa,

Oo way isku wada dheggan yihiin, oo innaba lama kala fujin karo.

18 Hindhisooyinkiisa waxaa ka soo widhwidha iftiin,

Oo indhihiisuna waa sidii kaaha waaberiga.

19 Afkiisa waxaa ka soo baxa wax ololaya,

Oo waxaa ka soo duula dhimbiilo dab ah.

20 Dulalka sankiisa qiiq baa ka soo baxa

Sida dheri karaya iyo cawsduur ololaya.

21 Neeftiisu dhuxulay shiddaa,

Oo olol baa afkiisa ka soo baxa.

22 Luquntiisu xoog bay leedahay,

Oo cabsina hortiisay ku booddaa.

23 Duudduubyada jidhkiisu way isku wada dheggan yihiin,

Wayna ku adag yihiin oo innaba lama dhaqaajin karo.

24 Qalbigiisu wuxuu u adag yahay sida dhagax oo kale,

Hubaal wuxuu u adag yahay sida dhagaxa shiidka ee hoose.

25 Markuu sara joogsado ayay kuwa xoogga badanu baqaan,

Oo naxdin daraaddeed ayay la waashaan.

26 In kastoo lagula kaco seef,

Iyo waran, iyo fallaadh, iyo hoto, kolleyba waxba kama tari karaan.

27 Isagu birta wuxuu ku tiriyaa sida caws engegan oo kale,

Naxaastana wuxuu ku tiriyaa sida qori bololay.

28 Fallaadhu isaga ma eryi karto,

Oo dhagaxyada wadhafkuna waxay isaga u noqdaan sidii xaab oo kale.

29 Budhadhkuna waxay isaga la yihiin sidii xaab oo kale,

Oo hotada ruxmashadeedana wuu ku qoslaa.

30 Boggiisa hoose waa sida dheryo burburradooda afaysan,

Oo wuxuu dhoobada ugu kor dhaqaaqaa sida gaadhi hadhuudh lagu tumo.

31 Isagu moolkuu u kariyaa sidii dheri oo kale,

Oo baddana wuxuu ka dhigaa sida weel cadar ku jiro oo kale.

32 Xaggiisa dambe wuxuu noqdaa jid wax ka iftiimo,

Oo moolkana waxaa loo maleeyaa sidii cirro oo kale.

33 Dhulka ma joogo mid sidiisa oo kale,

Oo cabsila'aan la abuuray.

34 Isagu wuxuu fiiriyaa waxyaalaha sare oo dhan,

Oo inta kibirsan oo dhan boqor buu u yahay.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 42

Ayuub

1 Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

2 Waan ogahay inaad wax walba kartid,

Iyo inaan qasdigaaga innaba la joojin karin.

3 Bal waa ayo kan aan aqoonta lahayn oo talada qariyaa?

Haddaba anigu waxaan ku hadlay wax aanan garanayn,

Oo ah waxyaalo aad iiga yaabiyey oo aanan innaba aqoon.

4 Waan ku baryayaaye i maqal aan kula hadlee,

Oo wax baan ku weyddiinayaaye ii sheeg.

5 Markii hore ayaan wax kugu saabsan dhegaha ku maqlay,

Laakiinse haatan indhahaan kugu arkayaa,

6 Sidaas daraaddeed waan isnacayaa,

Waanan toobadkeenayaa anigoo boodh iyo dambas ku fadhiya.

Dhammaadkii Ayuub

7 Oo markii Rabbigu erayadaas Ayuub kula hadlay dabadeed wuxuu Eliifas oo reer Teemaan ahaa ku yidhi, Cadhadaydii baa ku kululaatay adiga iyo labadaadii saaxiibba, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin, sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale.

8 Haddaba sidaas daraaddeed waxaad soo wadataan toddoba dibi iyo toddoba wan, oo waxaad u tagtaan addoonkayga Ayuub, oo waxaad nafsaddiinna daraaddeed u bixisaan qurbaan la gubo; oo addoonkayga Ayuub wuu idiin ducaynayaa, waayo, isagaan ka aqbalayaa, si aanan idinkula macaamiloon sidii nacasnimadiinnii ahayd, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale.

9 Sidaas daraaddeed Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii way tageen oo waxay u sameeyeen sidii Rabbigu ku amray, oo Rabbiguna Ayuub wuu aqbalay.

10 Rabbiga ayaa Ayuub axwaalkiisii beddelay markuu saaxiibbadiis u duceeyey; oo Rabbiguna Ayuub wuxuu siiyey wixii uu markii hore lahaa laba jibbaarkood.

11 Markaasaa Ayuub waxaa u yimid walaalihiis oo dhan, wiilal iyo gabdhoba, iyo kuwii isaga hore u yiqiin oo dhan, oo gurigiisii ayay kibis kula cuneen, wayna u tacsiyeeyeen, oo waxay uga qalbi qaboojiyeen masiibadii Rabbigu isaga ku soo dejiyey oo dhan. Oo nin kastaaba wuxuu isagii siiyey in lacag ah iyo hilqad dahab ah.

12 Oo sidaasuu Rabbigu Ayuub ugudambaystiisii u barakeeyey in ka sii badan bilowgiisii hore; oo wuxuu lahaa afar iyo toban kun oo ido ah, iyo lix kun oo geel ah, iyo laba kun oo dibi, iyo kun dameerood.

13 Oo weliba wuxuu lahaa toddoba wiil iyo saddex gabdhood.

14 Oo middii kowaad magaceedii wuxuu u bixiyey Yemiimaah, tii labaad magaceediina wuxuu u bixiyey Qasicaah, tii saddexaad magaceediina wuxuu u bixiyey Qeren Hafuug.

15 Oo waddankaas oo dhanna laguma arag dumar u qurxoon sida gabdhaha Ayuub, oo aabbahoodna dhaxal buu walaalahood la siiyey.

16 Oo wakhtigaas dabadeed Ayuub wuxuu noolaa boqol iyo afartan sannadood, oo wuxuu arkay wiilashiisii, iyo wiilashiisa wiilashoodiiba, tan iyo intii afar fac ah.

17 Markaasaa Ayuub dhintay isagoo duq ah oo cimri weyn.

^ Dib u celi bilawga