Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qasiidooyin Ilaah Ammaan ah

QIAA%20hymnbook

Waa 31 qasiido oo xul ah oo tixraacayaa buugga loo magacaabey “Qasiidooyin Ilaah Ammaan ah” oo la daabacay magaalada Nayroobi sannadkii 1993kii. Habka waa sida qaraamiga oo kale, kaban iyo afar cod

1. Magaciis Baraka Leh

Magaciis baraka leh,
Magaciis baraka leh,
Magaciis baraka leh, Rabbiga.

Magaciis baraka leh,
Magaciis baraka leh,
Magaciis baraka leh, Rabbiga.

2. Kaalaya aan ammaanee

1. Rabbi baa awood leh,
aayo iyo khayr badan;
Ilwaad iyo sharaf leh.
Kaalaya aan ammaannee!

2. Rabbi baa adkaan leh,
caqli aan go’ayn iyo
ilays aan damayn leh.
Kaalaya aan ammaannee!

3. Adduunkuu badbaadshoo ;
Dembigeennii aawgii
Isagaa u iishee .
Kaalaya aan ammaannee!

4. Ibliiskiyo jinniga ,
aadanaha lumiyaa ,
Isagaa ka adagee.
Kaalaya aan ammaannee!

5. Ninkii Ruuxa aammina ,
Rabbigiisa addeecaa ,
axdi baa u yaallee.
Kaalaya aan ammmaannee!

6. Kii amarka raacee,
Ilaahii rumeeyaa ,
axdi baa u yaallee.
Kaalaya aan ammaannee!

7. Arxankeennii weeyaan,
ayaan Eebbe weeyaan
aakhiro iyo adduunkee.
Kaalaya aan ammaannee!

3. Haye aan ammaanno

Haye aan ammaanno!
Haye aan ammaanno!
Ilaahii na uuntay .
Haye aan ammaanno!

1. Wuu na eegayaayoo
na ilaaliyaayee .
IIlaahii na uuntay.
Haye aan ammaanno!

2. Indhihiiyo dhegaha
iyo afarta addin
Isagaa na siiyee.
Haye aan ammaanno!

3. Waa ayaan wanaagasane.
Alla noo inshaaree .
Haye aan ammaanno!

4. ‘Alxamdulilaahi!’
Inta aan niraahno!
Ilaaheenna fiican.
Haye aan ammaanno!

5. Intii Eraygiisa
addeecdoo rumaysa
wuu u abaal gudaaye .
Haye aan ammaanno!

6. Intii aammintoo dhan
inamuu ka yeelee.
Haye aan ammaanno!

7. Waa wankii Ilaahoo;
Iinna aan lahayne.
Haye aan ammaanno!

8. Allabbarigeenna
inuu noo ahaado,
Inan buu na siiyee.
Haye aan ammaanno!

9. Ibliiskiyo jinniga
Isagaa ka adagee.
Haye aan ammaanno!

10. Haye aan ammaanno!
Haye aan ammaanno!
Ilaahii na uuntay.
Haye aan ammaanno

4. Aan ammaanno Rabbiga!

Aan ammaanno Rabbiga!
Aan ammaanno Rabbiga!

1. Ilaaheenna weynoo
aadmiga abuuree.
Eraygiisa weeyee.

2. Annagoo itaal daran
oo abid isbixiyeen;
Asagaa na saamaxay.

3. Waa Amiirka nabaddee.
Waa Iftiinka dunidee,
Allaheenna soo diray.

4. Asagaa awood loo
iin aan lahaynoo
ka adkaaday geerida.

5. Arrin weeye farxad loo. ‘Alxamdulillaahi’,
inta aan niraahno.

5. Ilaaheennii weynaa

1. Aan ammaanno Rabbiga!
Aan ammaanno Rabbiga!
Aan ammaanno Rabbiga,
Ilaaheennii weynaa!

2. Isagaa na fakiya.
Isagaa na fakiya.
Isagaa na fakiya
Ilaaheennii weynaa.

3. Dembiguu naga hayaa.
Dembiguu naga hayaa.
Dembiguu naga hayaa,
Ilaaheennii weynaa.

4. Aan rumayno Eraygiisa!
Aan rumayno Eraygiisa!
Aan rumayno Eraygiisa,
Ilaaheennii weynaa!

5. Aan caabudno Isaga!
Aan caabudno Isaga!
Aan jeclaano Jaliilka,
Ilaaheennii weynaa!

6. Aan jeclaano Jaliilka!
Aan jeclaano Jaliilka!
Aan jeclaano Jaliilka,
Ilaaheennii weynaa!

6. Xalay baan Masiixii arko

Xalay baan Masiixii arkoo.
Xamdi baygu waajibayee.

1. Xumaantaydii buu u dhintoo;
Xamdi baygu waajibayee.

2. Xinjirtiisii buu igu dhaqoo;
Xamdi baygu waajibayee.

3. Dembigaygii buu xalayoo;
Xamdi baygu waajibayee.

4. Geeriduu ka xoog badiyoo;
Xamdi baygu waajibayee.

5. Xabaashuu ka soo baxayoo;
Xamdi baygu waajibayee.

6. Xertiisii ayaa aragtoo;
Xamdi baygu waajibayee.

7. Xaqiiq ayaan helayoo;
Xamdi baygu waajibayee.

8. Ibliiskii ayuu xabbisoo;
Xamdi baygu waajibayee.

9. Cadaabtii xor baan ka ahoo;
Xamdi baygu waajibayee.

10. Iimaankaygii baa xasiloo;
Xamdi baygu waajibayee.

11. Xumaantoo dhan buu iga tiroo;
Xamdi baygu waajibayee.

12. Kitaabkiisii baan xafidoo ;
Xamdi baygu waajibayee.

13. Xalaal quudataan ahayoo;
Xamdi baygu waajibayee.

14. Xargii ibliiska jaroo;
Xamdi baygu waajibayee.

15. Xabiibkii Allaan noqdayoo;
Xamdi baygu waajibayee.

16. Quduuskay xiriiriyeyoo;
Xamdi baygu waajibayee.

17. Xaakinkaan xusuusanahoo;
Xamdi baygu waajibayee.

18. Jannadaan la soo xarmadoo ;
Xamdi baygu waajibayee.

19. Lay xisaabin maayo berroo ;
Xamdi baygu waajibayee.

7. Alxamdulillah

1. Alxamdulilah, Alxamdulilah,
Alxamdulilah dhiigga aawadiis!
Alxamdulilah, Alxamdulilah,
dhiiga Ciise aawadiis.
Alxamdulilah, Alxamdulilah,

2. Alxamdulilah nuurka aawadiis!
Alxamdulilah, Axamdulilah,
nuurka Ciise aawadiis!

3. Alxamdulilah, Alxamdulilah,
Alxamdulilah, xoogga aawadiis!
Alxamdulilah, Alxamdulilah,
xoogga Ciise aawadiis!

4. Dhiigga Ciise waa laygu furay.
Dhiigga Ciise ayaa laygu iibshay.
Alxamdulilah, Alxamulilah,
dhiigga Ciise aawadiis!

5. Dembidhaafka waa lay siiyey;
Qalbi cusub waan helay.
Alxamdulilah, Alxamdulilah
dembidhaafka aawadiis.

8. Miyaad u tagtay Ciise

1. Miyaad u tagtay Ciise nadiifintiisa?
Miyaad ku mayratay dhiigga baraarka?
Miyaad rumaysanin
raxmaddiisa saacaddan?
Miyaad ku mayratay dhiigga baraarka?

2. Miyaad ku mayratay?
Miyaad ku mayratay dhiigga Masiixa?
Miyuu qalbigaagu nadiifsan yahay?
Miyaad ku mayratay dhiiggiisa?

9. Inankaygiyow

1. Inankaygiyow , inankaygiyow,
qalbigaaga i sii!
Inankaygiyow, inankaygiyow,
qalbigaaga i sii!
Waan caddaynayaa qalbigaaga;
Inankaygiyow ii kaalay!
Waan safaynayaa qalbigaaga;
Ii kaalay maanta!

2. Inankaygiyow, imminkada
wadnahaaga i sii!
Inankaygiyow, imminkada
wadnahaaga i sii!
Waan ku sugayaa , inankaygiyow.
Imminkada ii kaalay!
Waan ku sugayaa, inankaygiyow!
Ii kaalay maanta!

3. Inankaygiyow, imminkada,
dembigaaga ii keen!
Inankaygiyow, imminkada,
wadnahaaga ii keen!
Waan ka saarayaa dembigaaga.
Imminkada ii kaalay!
Waan ku sugayaa, inankaygiyow!
Ii kaalay, kaalay!

10. Waan kuu imanayaa

1. Waan kuu imaanayaa Ciisahaygow!
Shayddaan waan diidayaa.
Dembi iga saar.
Waan ku jeclahay;
Waan ku aamminayaa; Waan kuu imaanayaa,
Ciisahaygow!

2.Waan kuu imaanayaa,Ciisahaygow!
Qalbigayga safee!
Dhiigga igu mayr!
Waan ku jeclahay; Waan ku aamminayaa;
Waan kuu imaanayaa,
Ciisahaygow.

3. Waan kuu imanayaa,Ciisahaygow!
Qalbigayga qaado !
Kaagii buu yahay.
Waan ku jeclahay; Waan ku aamminayaa;
Waan kuu imaanayaa,
Ciisahaygow!

11. Baryada Rabbiga

Eebbow sarreeyow , waan kuu salaadnaa.
Eebbow sarreeyow, waan kuu salaadnaa!
Samaa isinkaaga lahaa suubbanaan ! Samaa isinkaaga lahaa suubbanaan!
Sayidnimadaa ha soo degatoo! Sayidnimadaa ha soo degatoo!
Samada say ku tahay dhulkana ka sin !
Samada say ku tahay dhulkana ka sin!

1. Na sii cunno iyo waxaan cabnaba!
Na sii cunno iyo waxaan cabnaba!
Na sii saaka soortaan u baahan nahay!
Na sii saaka soortaan u baahan nahay!

2. Waxaannu samayno noo saamax…
Waxaannu samayno noo saamax…
…sidaan innaba u saamaxayno!
…sidaan innaba u saamaxayno!

3. Ha na saarin miisaankaaga !
Ha na saarin miisaankaaga!
Ha nagu sii dayn siriqda Shayddaan!
Ha nagu sii dayn siriqda Shayddaan!

12. Maanta noo miciin

Maanta noo miciin!
Maanta noo miciin!
Maanta noo miciin!
Maanta noo miciin!

1. Masiixeennii weynaa,
Mowlaheennu doortayow !

2. Maryan kay xambaartow ,
madigii Ilaahow!

2. Midkii noo dhintow,
dembigeenna qaadow!

3. Meel kastoo aan joognoo,
magacaagaan ammaannaa.

5. Murug waa na daysoo ,
mowd ka baqi maynoo.

6. Magacaagaa sarreeyoo ,
meel walba laga ammaanaa.

7. Masiixiyiinta oo idil ,
kii ay mahadiyeenow

8. Mowlihii na uuntaa,
magac weyn ku siiyoo; Midigtiisa joogtaa.

13. Baaqiga Eebbow

Baaqiga Eebbow dunida beeray;
Ballan kuu sheegay,
ka baaqan maayo.

1. Buuraha korkooda haddaan bil joogo,
barafku i garaacana ,
beenbeenin maayo
Badbaadshahayga.

2. Boqol sano haddaan ban joogo,
beer iyo xooliyo
bilcaanba waayana ,
beenbeenin maayo
Badbaadshahayga.

3. Haddii lay bireeyo ,
bad laygu tuuro,
bur layla dhacana ,
beenbeenin maayo
Badbaadshahayga!

4. Haddii aan baahdo,
beesa aan waayo,
beenbeenin maayo
Badbaashahayga!

5. Bugtaa i haysay,
beerkay i xanuunjin,
Isagaa i baanto ,
iga bogsiiya,
beenbeenin maayo
Badbaashahayga.

6. Baaqiga Eebbow dunida beeray;
Ballan kuu sheegay
ka baaqan maayo.

14. Ciise Kiristoos waan aamminay

Bixiyahayga Ciise buu yahay;
Badbaadiyahayga oo fiican.
Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.

1. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Magaciisa waan ammaanaa ,
Dhiiggiisana waan aqbalay.

2. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Gacmihiisa waa loo qodbay
xumaantaydii aan falay.

3. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Kii ii dhintay daraaddayba.
Kii ka kacay kuwii dhintay.

4. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Dembidhaafka waan ka helay;
Carotirka buu yahay.

5. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Jacaylkiisa waa i galay;
Caasinnimo wayga saaray.

6. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Mugdigayga waa dhammaaday;
Iftiinkiisa waa i gaaray.

7. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Wuu i furay, wayga furay;
Shakigaygii wayga furay.

8. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Dembigayga wayga saaray;
Qalbi cusub wuu i siiyey.

9. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Ballankiisa waan rumeeyey,
Ruuxiisiina waa i galay.

10. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Wuxuu joogaa qalbigayga,
Gudihiisa wuu ku jiraa.

11. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Dhimashada ka biqi maayo,
sakaraadka ka cabsan maayo.

12. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Waxaan goostay inaan raaco;
Fakiskayga buu yahay.

15. Waxaan ahay dembiile

1. Waxaan ahay - dembiile,
waxaan ahay - dembiile.
Dunuubtii aan falay baa…
dunuubtii aan falay baa…
… daraaddeed, laguugu qodbay iskutallaabtee.
… daraaddeed, laguugu qodbay iskutallaabtee.

2. Waxaan ahay – dembiile
Waxaan ahay - dembiile.
Dulmigaan samey baa…
Dulmigaan samey baa…
…daraaddiis laguugu qodbay iskutallaabtee.
…daraaddiis laguugu qodbay iskutallaabtee.

3. Waxaan helay - dembidhaafka,
waxaan helay - dembidhaafka.
Nolol daa'ima inaan helo …
nolol daa'ima inaan helo …
…daraaddeed laguugu qodbay iskutallaabtee.
…daraaddeed laguugu qodbay iskutallaabtee.

4. Waxaan ahay - adeegahaaga.
Waxaan ahay - adeegahaaga.
Dembidhaafka inaad i siisaa…
Dembidhaafka inaad i siisaa…
…daraaddeed laguugu qodbay iskutallaabtee.
…daraaddeed laguugu qodbay iskutallaabtee

16. Qalbigaygaa kuu doortay

Masiixii deeqda badnaayoow!
Qalbigaygaa ku doortayey.

1. Daraadday baa laguu dulmoo;
Qalbigaygaa ku doortayey.

2. Dembigaygaa laguu dilayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

3. Diintaadii baan ku diirsadayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

4. Dembigii wayga daahirisoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

5. Dhiiggaagii baygu daahirisoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

6. Dariiqii jannadaad tahayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

7. Rabbiyoow daacad baan ahayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

8. Xumaantaad naga dabooshayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

9. Daayinkey baad la nooshahayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

17. Bashiirow Masiixii

Bashiirow Masiixii
kii loo bogaan,
barakaysanaynaa Boqorkeenna weyn.

1. Marka buunku yeero
laysu soo baxayo ,
barakaysanaynaa
Boqorkeenna weyn.

2. Bannaankii qiyaamaha
marka beeshu joogtaan,
barakaysanaynaa
Boqorkeenna weyn.

3. Marka baaddil suulee
bidci baadiyowbaan ,
barakaysanaynaa
Boqorkeenna weyn

4. Baraarkii Ilaahee darteen
loo bireeyey;
Barakaysanaynaa
Boqorkeenna weyn.

5. Badbaashaha adduunkee
dembi naga badbaadshaan ,
barakaysanaynaa
Boqorkeenna weyn.

18. Xoog buu leeyahay

1. Xoog buu leeyahay;
Xoog buu leeyahay;
Xoog buu leeyahay -
dhiigga Ciise Masiix.
Xoog buu leeyahay;
Xoog buu leeyahay;
Xoog buu leeyahay -
dhiigga Ciise Masiix.

2. Shayddaan waa nacayaa;
Shayddaan waa nacayaa;
Shayddaan waa nacayaa -
dhiigga Ciise Masiix.
Shayddaan waa nacayaa;
Shayddaan waa nacayaa;
Shayddaan waa nacayaa -
dhiigga Ciise Masiix.

3. Waan jecelahay;
Waan ammaanayaa;
Waan weynaynayaa -
dhiigga Ciise Masiix.
Waan aamminayaa;
Waan sarraysiinayaa;
Waan aqbalayaa -
dhiigga Ciise Masiix.

4. Xoog buu leeyahay;
Xoog buu leeyahay;
Xoog buu leeyahay -
dhiigga Ciise Masiix.
Xoog buu leeyahay;
Xoog buu leeyahay;
Xoog buu leeyahay -
dhigga Ciise Masiix.

19. Ciise waa i jecel yahay

1. Ciise waa i jecel yahay.
Kitaabkiisaa ii sheegaa.
Anigu waa kiisiiba
Isaguna waa kayga.
Haa, Ciise i jecel yahay!
Haa, Ciise i jecel yahay!
Haa Ciise i jecel yahay!
Kitaabkiisuu ii sheegaa.

2. Ciise waa ku jecel yahay.
Kitaabkiisuu kuu sheegaa.
Dhiiggiisana waa ku siiyey.
Imminkaduu kuu yeerayaa.
Haa, Ciise ku jecel yahay!
Haa, Ciise ku jecel yahay!
Haa, Ciise ku jecel yahay!
Kitaabkiisuu kuu sheegaa.

3. Ciise waa ii dhintay;
Dhiiggiisana i siiyey.
Dembi wayga qaadayaa.
Qalbi cusub i siinayaa.
Haa, Ciise i jecel yahay!
Haa, Ciise i jecel yahay!
Haa, Ciise i jecel yahay!
Kitaabkiisuu ii sheegaa.

20. Gacmahaa loo hoorsan

Gabankii Eebbe waa kay guushu raacdoo.
Gabankii Eebbe waa kay guushu raacdoo.
Gacmahaa loo hoorsanoo waa Guullaheennee.

1. Gefkii aan galay buu guudka iska saaroo.
Gacmahaa loo hoorsanoo waa Guullaheennee.

2. Dembigaan geysanuu geeriyoodoo.
Gacmahaa loo hoorsanoo waa Guullaheennee.

3. Gacmaha iyo gundahaba waa laga musmaaroo.
Gacmahaa loo hoorsanoo waa Guullaheennee.

4. Qofkii garan waaya uumbaa guuldarraystoo.
Gacmahaa loo hoorsanoo waa Guullaheennee.

5. Waa inaan gacashano garano , ammaanno.
Gacmahaa loo hoorsanoo waa Guullaheennee.

6. Goortuu soo laabto oo geyigan yimaado;
Gacmahaa loo hoorsanoo waa Guullaheennee.

7. Kuwa garan doona uunbaa guushu raacdoo.
Gacmahaa loo hoorsanoo waa Guullaheennee.

21. Masiixeennii weynaa

Masiixeennii weynaa kama maarannoo.
Mugdigii qiyaamaa lagu moodayaa.

1. Isagaa Mulki loo mahad loo naqo,
Mugdigii qiyaamaa lagu moodayaa.

2. Maalintay xumaataan laga maarminoo.
Mugdigii qiyaamaa lagu moodayaa.

3. Mirirkii dembiguu naga maydhayoo.
Mugdigii qiyaamaa lagu moodayaa.

4. Magaciisa diidaa malcuun raacayoo.
Mugdigii qiyaamaa lagu moodayaa.

5. Macbuudkeennii weynaa ina maammuloo.
Mugdigii qiyaamaa lagu moodayaa.

6. Musbaaxdii adduunkuu naga yeelayoo.
Mugdigii qiyaamaa lagu moodayaa.

7. Milixdii adduunkuu naga yeelayoo.
Mugdigii qiyaamaa lagu moodayaa.

8. Maangaabka uumbaa ka murmaayoo;
Mugdigii qiyaamaa lagu moodayaa.

9. Dhiiggiisa macaan buu nagu maydhayoo.
Mugdigii qiyaamaa lagu moodayaa.

22. Nimcaaloow

Masiixii nuurka badnaayoow! Nimcaaloow!
Naftaydii baa ku jeclaatay, Nimcaaloow!

1. Naftaadii baad inoo bixisoo; Nimcaaloow!
Naftaydii baa ku jeclaatay; Nimcaaloow!

2. Dembigaad naga nadiifisayoo;Nimcaaloow!
Naftaydii baa ku jeclaatay; Nimcaaloow!

3. Naartii baad naga najeyseyoo; Nimcaaloow!
Naftaydii baa ku jeclaatay; Nimcaaloow!

4. Neecawda jannada na siisayoo; Nimcaaloow!
Naftaydii baa ku jeclaatay; Nimcaaloow!

5. Dhiiggaagii baan ku noolaannoo; Nimcaaloow!
Naftaydii baa ku jeclaatay; Nimcaalow!

6. Kuwii dhintay baad ka noolaatoo; Nimcaaloow!
Naftaydii baa ku jeclaatay; Nimcaaloow!

7. Nabad baad nagu negeeysayoo; Nimcaaloow!
Naftaydii baa ku jeclaatay; Nimcaaloow!

8. Naq rooboo noo da'aad tahayoo; Nimcaaloow!
Naftaydii baa ku jeclaatay; Nimcaaloow!

9. Naxariistaadii baan helayoo; Nimcaaloow!
Naftaydii baa ku jeclaatay; Nimcaaloow!

10. Nuurkii dunida baad naga yeeshoo; Nimcaaloow!
Naftaydii baa ku jeclaatay; Nimcaaloow!

11. Ninkii ku nacaa nashuushooboo; Nimcaaloow!
Naftaydii baa ku jeclaatay; Nimcaaloow!

23. Waa la rogay

1. Waa la rogay, waa la rogay, waa la rogay;
Culays kastoo qalbigayga waa la rogay.
Waa la rogay, waa la rogay, waa la rogay;
Culays kastoo qalbigayga waa la rogay.
Dembigayga oo dhan dhiigga Ciise hoostiisa.
Waa la rogay, waa la rogay, waa la rogay;
Culays kastoo qalbigayga waa la rogay.

2. Waa la duubay , waa la duubay, waa la duubay;
Culays kastoo qalbigayga waa la duubay.
Waa la duubay, waa la duubay, waa la duubay;
Culays kastoo qalbigayga waa la duubay.
Dembigayga oo dhan dhiigga Ciise hoostiisa.
Waa la duubay, waa la duubay, waa la duubay;
Culays kastoo qalbigayga waa la duubay.

24. Waa inaan badbaado helaa

1. Baadi lunsan baan ehee.
Waa inaan badbaado helaa.
Baadi lunsan baan ehee.
Waa inaan badbaado helaa.
Badbaado helaa, badbaado helaa.
Baadi lunsan baan ehee.
Waa inaan badbaado helaa.

2. Barbaar buka baan ehee.
Waa inaan bogsiin helaa.
Barbaar buka baan ehee.
Waa inaan bogsiin helaa;
Bogsiin helaa, bogsiin helaa.
Barbaar buka baan ehee.
Waa inaan bogsiin helaa.

3. Baraar baxsadan ehee.
Waa inaan bixiye helaa.
Baraar baxsadan ehee,
Waa inaan bixiye helaa.
Bixiye helaa, bixiye helaa.
Baraar baxsadan ehee,
Waa inaan bixiye helaa.

25. Adigaa iftiinkayga ah

1. Adigaa iftiinkayga Ciise Masiix.
La'aantaaduna waa ii gudcuree.
… ii gudcuree.
… ii gudcuree.
La'aantaaduna waa ii gudcuree.

2. Adigaa i badbaadinaya ee;
La'aantaaduna waa ii dhimashee.
… ii dhimashee;
… ii dhimashee.
La'aantaaduna waa ii dhimashee.

3. Adigaa i hoggaaminaya ee;
La'aantaaduna waan habaabayaa.
Habaabayaa, habaabayaa!
La'aantaaduna waan habaabayaa.

4. Adigaa i gargaarahaya ee;
La'aantaaduna waan go'ahayaa.
Go'ahayaa, go'ahayaa!
La'aantaaduna waan go'ahayaa.

5. Adigaa i kaalmaynahaya ee;
La'aantaaduna waan kufahayaa.
Kufahayaa, kufahayaa!
La'aantaaduna waan kufahayaa.

6. Adigaa i caawimahaya ee;
La'aantaaduna waan cidloobayaa.
Cidloobayaa, cidloobayaa!
La'aantaaduna waan cidloobayaa.

26. Maryamo

Maryamoo bikraa baa Masiixii dhashoo,
markaasaa la yaaboo, mucisey ahayd.

1. Iyadoo rag moog bay malaa’ig salaantoo,
markaasay uurowdoo; Mucjisey ahayd.

2. Markuu Yuusuf arkuu ka madluumayoo.
Markaasay caddeeyeen; Mucjisey ahayd.

3. Xiddigtii Masiixaa maqaawiir arkeenoo;
Markaasay caddeeyeen; Mucjisey ahayd.

4. Boqorkii maqlay baa murugoodayoo.
Macnuhuu la yaaboo. Mucjisey ahayd.

5. Mooradii lo’aad buu mugdigii dhashoo.
Misbaax baa la moodoo. Mucjisey ahayd.

6. Maqaawiirtii markay mudanahan arkeen,
meel kalay mareennoo. Mucjisey ahayd.

7. Ari mayracii baa malaa’ig u sheegtoo;
Markaasay siyaarteen. Mucjisey ahayd.

8. Masar in la geeyoo muddo jooga baa,
Malaa’ig inshaartoo. Mucjisey ahayd.

27. Masiixeennii maalintuu dhashay

1. Aannu madiixno oonu murweeyno !
Aannu madiixno oonu murweeyno!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!

2. Aannu mashxaradno oonu maamuusno !
Aannu mashxaradno oonu maamuusno!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!

3. Aan marxabbayno oonu mushaaxno !
Aan marxabbayno oonu mushaaxno!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!

4. Inuu mooro jiifoo maro lagu duubay !
Inuu mooro jiifoo maro lagu duubay!
Habeen mugdiyaad baa malaa’iigu sheegtay!
Habeen mugdiyaad baa malaa’iigu sheegtay!

5. Asagaa mudane mahad aan u celinno!
Asagaa mudane mahad aan u celinno!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!

6. Waa la musmaaray wuuna murugooday !
Waa la musmaaray wuuna murugooday!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!

7. Maqawiirtii garatay meeshuu ku dhashay!
Maqawiirtii garatay meeshuu ku dhashay!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!

8. Malmal iyo fooxna Maryan loo keenyeye!
Malmal iyo fooxna Maryan loo keenyeye!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!

9. Aannu madiixno oonu murweeyno!
Aannu madiixno oonu murweeyno!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!

28. Ciise waa nool yahay

Ciise! Ciise! Maanta waa nool yahay
oo wadnahayguu ku jiraa.
Alxamdulillah maanta!
Ciise Kristoos! Maanta waa nool yahay
oo dembigayga wuu dhaafay.
Ciise waa nool yahay!

29. Goortuu yimaado

Goortuu yimaado, oo yimaado,
inuu qaado dadkiisa;
kuwa qoduusan oo nadiifsan oo
lagu mayray dhiigiisa;
Sida xiddig bay u nuurayaan.
Waa warkiisa jannada!
Farxad badan buu na siiyey -
nolol daa’imisaa.

30. Rabbiga aammiina

Rabbiga aamminoo addeeca!
Rabbiga aamminoo addeeca!

1. Dembigeenna isagaa u dhinitay.
Idilkiinba aamminoo addeeca!

2. Isagu waa Amiirka nabaddee.
Amar oo dhan isaga la siiyey.

3. Waa hubaal inuu soo noqonayoo.
Erayga Ilaah baa caddeyey.

4. Soo jeeda si aad ula kulantaan.
Saccadduna sidaa uma sii fogee.

5. Mowlaheenna mahad aan u celinee!
Masiixiisa isagaa na siiyey.

31. Ciisow na caawi

Ciisow na caawiyee, adigaa awood lehee,
Carruurtaadi yaan nahee

Ciso iyo cabuudaad, casiiskaa ku siiyee, carshigan sameeyee
Ciisow na caawiyee, adigaa awood lehee,
Carruurtaadi yaan nahee

Anigoo wareersan, walbahaar na hayaa
Waxidkay ku keeneyee,
Ciisow na caawiyee, adigaa awood lehee,
Carruurtaadi yaan nahee

Adduunkan hortiisa Ilaaheen ag joogtee
Eraybaad ahaydee

Ciisow na caawiyee, adigaa awood lehee,
Carruurtaadi yaan nahee

Ciiddaad inoo timid, carradaan ku noolnahay
Culayskii ka qaadayee

Ciisow na caawiyee, adigaa awood lehee,
Carruurtaadi yaan nahee