SANADKA CUSUB OO RAJADU SII KOBOCDO- SIDEE AYAY KU SUURTOOBAYSAA?
Walaalayaal u fiirsada xaaladaha ka jira dunidan aan ku noolnahay ee dhibaatada miidhan ah: dhibaatooyin dhaqaale oo ka jira qaaradda Yurub isla markaasna saameeyay Ameerika, Aasiya, iyo Afrika. Kacdoonnada siyaasadeed ee ka sii socda waddamada Carabta iyadoo dhulal badan aan la garanaynin mustaqbalkoodu waxa uu ku dambayn doono. Intaas kaddib, haddii aan eegno Geeska Afrika waxa aan arki karnaa labaatan sano iyada oon weli wax xal ah loo helin dagaallada sokeeye iyo dawlad la’aanta ka taagan waddankeenna Soomaaliya. Laga yaabaa in aan xoogaa rajo ah lahayn bilo dhowra kahor, laakiin ilaa hadda waxa adag kobcitaanka rajada.
Hase ahaatee, Kitaabka Quduuska ah waxa aan ka akhrin karnaa: “Ilaaha rajadu ha idinka buuxiyo farxad iyo nabad oo dhan, idinkoo rumaysan, si rajadiinnu ugu badato xoogga Ruuxa Quduuskaa.” Middani waxay ahayd ducadii Rasuul Bawlos adeegsaday marka uu gabaggabaynayo Warqaddii uu u qoray Masiixiyiintii Rooma (cutubka 15:13).
Rasuul Bawlos waxa uu u qorayay dad waajahayay mustaqbal aan la hubin. run ahaantiina in ka yar 15 sano kaddib, isaga laftiisa ayaa shahiid ahaan ugu dhiman doonay Rooma. Kiniisaddii halkaasi waxa soo foodsaari doonay cadaadis iyo silcin kaga imanaysay Kaysarkii shar leh oo lagu magacaabi jiray Nero. Si kastaba ha ahaatee, Bawlos ujeeddo ayuu ka lahaa qoritaanka ereyadan dhiirrigelinta ah. Waxa uu dib u eegi karayay naftiisa iyadoo markaasna ay u muuqanaysay sida Ilaah u beddelay isaga shakhsiyaddiisa. Asal ahaan, sida aan ka akhrin karno Falimaha Rasuullada 9, Bawlos (magaciisu ahaa Sawlos) waxa uu cadaw ku ahaa xerta Ciise Masiix isaga oo si xun u silcin jiray. Sawlos wakhtigaa sida uu ka dhignaa waxa lagu qiyaasi karayay dadka xagjirka ah ee aan maanta ka arki karno Internetka iyaga oo gawracaya ama qoorta ka jaraya Masiixiyiinta.
Hase ahaatee, Ilaah ayaa Sawlos la kulmay isaga oo ku sii jeeda mgaaladii Dimishaq. Sawlos waxa isu muujiyay Ciise Masiix kaddibna noloshiisii gebi ahaanba way is beddeshay. Halkii uu ka ahaa cadowga uugu daran ee kiniisadda Masiixa, Sawlos hadda waxa uu noqday Bawlos, oo ka mid ah rasuulladii hoggaaminayay Warka Wanaagsan ee Injiilka. Bawlos waxa uu rumaystay in Ilaah uu nimcadiisa kaga badbaadiyay noloshiisii rajo la’aanta ahayd ee ku socotay dhimashada. Waxa uu garawsaday in isku hallaynta shaqada uu dhammaystiray Ciise Masiix ee badbaadada aadanuhu, ay tahay midda uu ku waajihi karo mustaqbal ku dhisan rajo iyo farxad. Bawlos waxa uu fahmay in markii Ciise Masiix ku dul dhintay iskutallaabta isla markaana uu saddex casho kaddib saro kacay, uu kafaaraggud u noqday denbiyada aadanaha, isaga oo cadhada Ilaah ka badbaadiyay caasinimadeenna. Ruuxa Quduuska ahi waxa uu furay indhaha iyo maanka Bawlos si uu u fahmo xaqiiqooyinkan qaaliga ah.
Nimcada iyo naxariista Eebbe aawadeed, Bawlos waxa uu awooday inuu fahmo gebi ahaanba Axdigii Hore oo sii tilmaamay imaatinka Masiixa. Waxa uu fahmay in ballanqaadkan ugu horrayntii loo sameeyay Aadan iyo Xaawa kaddib markii ay ku dhaceen denbiga. Ilaah waxa uu furay idhaha Bawlos si uu markale u fahmo ballanqaadyadii Ilaah siiyay Ibraahim, kaddibna Muuse, iyo sidoo kale Daa’uud. Bawlos ugu dambayntiina waxa uu fahmay in dhalashada, silcitaanka, dhimashada iyo sarakicista Ciise Masiix ay ahaayeen dhacdooyin hore ay usii sheegeen nebiyadu, sida tusaale ahaan Ishacyaah iyo Miikaah.
Haddaba walaalayaal, sanadka cusub ee 2012 muxuu inoo keeni doonaa? Nabad mise dagaallo dheeraad ah? Farxad mise murugo? Waxa aan idinkula talinaynaa in uu boggani idiin noqdo jid aad ku barataan ballanqaadyada Ilaah. Waxa aan idinkula talinaynaa in aad raacdaan tusaalaha Bawlos, kaasi oo iska beddelay xagjir isla markaana noqday rasuul rajo, farxad iyo jacayl. Aan u ducayno in kuwo badan oo isku halleeya awoodda qoriga caaradiisu ay is beddelaan kaddibna ay noqdaan kuwo raaca Masiixa, Amiirka Nabadda.
|