Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Cutubka 1

1 Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Hoosheeca ina Be'eeri wakhtigii dalka Yahuudah ay boqorrada ku ahaayeen Cusiyaah, iyo Yootam, iyo Aaxaas, iyo Xisqiyaah, iyo wakhtigii dalka Israa'iil uu boqorka ku ahaa Yaaraabcaam ina Yoo'aash.

Naagtii Iyo Carruurtii Hoosheeca

2 Rabbigu markuu Hoosheeca markii ugu horraysay la hadlay, wuxuu Rabbigu Hoosheeca ku yidhi, Tag, oo waxaad guursataa naag dhillo ah oo waxaad yeelataa carruur dhillo dhashay, waayo, dadka dalku Rabbigay ka fogaadaan sida naagu ninkeeda uga sinaysata.

3 Sidaas daraaddeed wuu tegey oo wuxuu guursaday Gomer oo ahayd ina Diblaayim, oo iyana way uuraysatay, oo wiil bay isagii u dhashay.

4 Markaasaa Rabbigu isagii ku yidhi, Magiciisa waxaad u bixisaa Yesreceel, waayo, in yar dabadeed waxaan dhiiggii Yesreceel ka aar gudi doonaa reerka Yeehuu, oo boqortooyada dadka Israa'iilna waan joojin doonaa.

5 Oo maalintaas ayaan qaansada dadka Israa'iil ku jebin doona dooxada Yesreceel.

6 Oo haddana mar kalay uuraysatay oo gabadh bay dhashay. Markaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Waxaad magaceeda u bixisaa Lo-Ruxaamaah, waayo, anigu mar dambe dadka Israa'iil u naxariisan maayo, oo sinaba u saamixi maayo.

7 Laakiinse waxaan u naxariisan doonaa dadka Yahuudah, oo waxaan iyaga ku badbaadin doonaa Rabbiga Ilaahooda ah, oo kuma badbaadin doono qaanso, ama seef, ama dagaal, ama fardo iyo fardooley toona.

8 Oo haddana markii ay Lo-Ruxaamaah naaskii ka gudhisay ayay uuraysatay, oo waxay dhashay wiil.

9 Markaasaa Rabbigu isagii ku yidhi, Waxaad magiciisa u bixisaa Lo-Cammii, waayo, idinku dadkayga ma ahidin, oo aniguna Ilaahiin idiin ahaan maayo.

10 Laakiinse tirada dadka Israa'iil waxay ahaan doontaa sida cammuudda badda oo kale, taasoo aan la qiyaasi karin, lana tirin karin, oo waxay noqon doontaa meeshii laga yidhi iyaga, Dadkayga ma ahidin, waxaa laga odhan doonaa, Idinku waxaad tihiin wiilashii Ilaaha nool.

11 Oo dadka Yahuudah iyo dadka Israa'iilba waa laysu soo wada ururin doonaa, oo waxay dooran doonaan mid madax iyaga u ah, oo dalkana way ka bixi doonaan, waayo, maalinta Yesreceel maalin weyn bay ahaan doontaa.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 2

Ciqaabtii Iyo Soo Celintii Israa'iil

2 Hooyadiin barya, ee barya, waayo, iyadu ma aha afadaydii, oo aniguna ma ahi ninkeedii. Oo wejigeeda ha ka fogayso dhillanimadeeda, oo sinadeedana ha ka fujiso naasaheeda dhexdooda,

3 si aanan iyada u qaawin, oo aanan uga dhigin sidii maalintii ay dhalatay, oo aanan uga dhigin sidii meel cidla ah, oo aanan uga dhigin sidii dhul engegan, oo aanan harraad ugu dilin.

4 Haah, oo carruurteeda uma aan naxariisan doono, waayo, waa dhillo carruurteed.

5 Waayo, hooyadood waa dhillowday, oo tii iyaga uuraysatay waxay samaysay wax ceeb weyn ah, waayo, waxay tidhi, Anigu waan daba gelayaa kuwa i caashaqa ee i siiya kibistayda iyo biyahayga, iyo suufkayga, iyo waxayga linenka ah, iyo saliiddayda, iyo cabniinkayga.

6 Haddaba bal eeg, anigu jidkaaga waxaan ku awdi doonaa qodxan, oo deyr baan iyada hor dhigi doonaa, si ayan dhabbaheedii u helin.

7 Oo iyana waxay daba geli doontaa kuwa iyada caashaqi jiray, laakiinse ma ay gaadhi doonto. Way doondooni doontaa, laakiinse innaba ma ay heli doonto. Kolkaasay odhan doontaa, Waxaan ku noqon doonaa ninkaygii hore, waayo, markaasaa iiga roonayd siday haatan tahay.

8 Waayo, iyadu ma ay ogayn inaan anigu siiyey hadhuudhka, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaan iyada ku badiyey lacag iyo dahab ay iyagu Bacal ugu isticmaali jireen.

9 Haddaba sidaas daraaddeed anigu hadhuudhkayga wakhtigiisa waan ceshan doonaa, oo khamrigaygana xilligiisa waan ceshan doonaa, oo suufkayga iyo waxayga linenka ah ee cawradeeda dedi lahaana waan ka qaadi doonaa.

10 Oo haatan waxaan soo bandhigi doonaa ceebteeda iyadoo ay u jeedaan kuwa iyada caashaqi jiray, oo ninna iyada kama samatabbixin doono gacantayda.

11 Oo weliba farxaddeeda oo dhanna waan wada joojin doonaa, tan ciidaheeda, iyo bilaheeda cusub, iyo sabtiyadeeda, iyo shirarkeedaba.

12 Oo waxaan baabbi'in doonaa geedaheedii canabka ahaa iyo dhirteedii berdaha ahayd oo ay iyadu tidhi, Kuwanu waa kiradaydii ay kuwii i caashaqi jiray i siiyeen. Oo waxaan iyaga ka dhigi doonaa duud, waxaana daaqi doona xayawaanka duurka.

13 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan iyada u taqsiiri doonaa maalmihii ay fooxa Bacaliim u shidday, oo ay isku sharraxday hilqadaheedii iyo dahabkeedii, oo ay daba gashay kuwii iyada caashaqi jiray, anigase ay i illowday.

14 Haddaba bal eeg, qalbigeedaan soo jiidi doonaa, oo cidladaan iyada keeni doonaa, oo si qabow baan ula hadli doonaa.

15 Oo waxaan iyada halkaas ka siin doonaa beeraheedii canabka ahaa, oo dooxada Caakoorna waxaan uga dhigi doonaa albaab rajo, oo iyana halkaasay ku jawaabi doontaa, sidii waagii ay dhallintayarayd oo kale, iyo sidii maalintii ay dalkii Masar ka soo baxday.

16 Oo waxay maalintaas noqon doontaa inaad iigu yeedhid, Ninkaygiiyow, oo aadan mar dambe iigu yeedhin, Bacalkaygiiyow, ayaa Rabbigu leeyahay.

17 Waayo, afkeeda waan ka fogayn doonaa magacyada Bacaliimta, iyana mar dambe magacooda lama soo qaadi doono.

18 Oo maalintaas waxaan iyaga aawadood axdi ula dhigi doonaa xayawaanka duurka, iyo haadda samada, iyo waxa dhulka gurguurtaba, oo dalka dhexdiisa waan ka baabbi'in doonaa qaansada iyo seefta iyo dagaalkaba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay si ammaan ah u jiifsadaan.

19 Oo waan ku guursan doonaa inaad weligaaba tayda ahaatid. Haah, oo waxaan kugu guursan doonaa xaqnimo, iyo caddaalad, iyo raxmad, iyo naxariis.

20 Oo xataa waxaan kugu guursan doonaa daacadnimo, oo adna Rabbigaad ogaan doontaa.

21 Oo waxay maalintaas noqon doontaa inaan jawaabo, ayaa Rabbigu leeyahay. Waxaan u jawaabi doonaa samooyinka, oo iyana waxay u jawaabi doonaan dhulka.

22 Oo dhulkuna wuxuu u jawaabi doonaa hadhuudhka, iyo khamriga, iyo saliidda, oo iyaguna waxay u jawaabi doonaan Yesreceel.

23 Oo anna dhulkaan iyada ku beeran doonaa, oo waan u naxariisan doonaa tii aan naxariista heli jirin, oo kuwo aan dadkayga ahaan jirin ayaan ku odhan doonaa, Idinku dadkaygaad tihiin, oo iyana waxay igu odhan doonaan, Adna waxaad tahay Ilaahayo.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 3

Maslaxaddii Hoosheeca Ee Afadiisa

1 Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Haddana tag, oo waxaad jeclaataa naag la caashaqo oo dhillo ah, sida Rabbigu u jecel yahay dadka Israa'iil in kastoo ay ilaahyo kale u jeestaan, oo ay jeclaadaan wax sabiib ah.

2 Sidaas daraaddeed iyadaan ku soo iibsaday shan iyo toban xabbadood oo lacag ah, iyo xomeer iyo badh oo shaciir ah.

3 Oo waxaan iyada ku idhi, Waa inaad wakhti dheer ii joogtaa, oo aadan dhilloobin, oo aadan innaba nin kale naagtiis noqon, oo aniguna sidaas oo kalaan kuu ahaan doonaa.

4 Waayo, dadka Israa'iil wakhti dheer bay joogi doonaan boqorla'aan, iyo amiirla'aan, allabarila'aan, iyo tiirla'aan, eefodla'aan, iyo teraafiimla'aan.

5 Oo markaas dabadeedna dadka Israa'iil way soo noqon doonaan, oo waxay doondooni doonaan Rabbiga Ilaahooda ah, iyo Daa'uud oo boqorkooda ah, oo ugu dambaysta ayay cabsi ula iman doonaan Rabbigooda iyo wanaaggiisa.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 4

Ashtako Lid Ku Ah Israa'iil

1 Dadka Israa'iilow, Rabbiga eraygiisa maqla, waayo, Rabbigu dacwad buu la leeyahay dadka dalka deggan, maxaa yeelay, dalka dhexdiisa laguma arko run, ama naxariis, ama aqoonta Ilaah toona.

2 Innaba wax kale laguma arko dhaarasho been ah, iyo axdijebin, iyo dilid, iyo xadid, iyo sino mooyaane. Way soo fara baxsadaan, oo dhiiggelid baa dhiiggelid ku xigsata.

3 Oo sidaas daraaddeed ayaa dalku u barooran doonaa, oo mid kastoo dhexdiisa degganuba waa macaluuli doonaa, oo xayawaanka duurka iyo haadda samada, iyo xataa kalluunka badduna way wada baabbi'i doonaan.

4 Laakiinse ninna yuusan murmin, oo ninna yuusan mid kale canaanan, waayo, dadkaagu waa sida kuwa wadaadka la murma.

5 Oo adna maalinnimo waad turunturoon doontaa, oo habeennimona nebigu waa kula turunturoon doonaa, oo anna hooyadaa waan baabbi'in doonaa.

6 Dadkaygu waxay u baabba'aan aqoondarro daraaddeed. Aqoonta aad diidday aawadeed ayaan adiga kuu diidi doonaa, oo innaba wadaad ii ahaan maysid, maxaa yeelay, waxaad illowday sharcigii Ilaahaaga, oo aniguna waxaan illoobi doonaa carruurtaada.

7 Sidii ay u tarmeen si le'eg ayay igu dembaabeen, haddaba sharaftoodii ayaan ceeb u beddeli doonaa.

8 Iyagu waxay quutaan dembigii dadkayga, wayna jeclaystaan xumaantoodii.

9 Oo waxay ahaan doontaa in wadaadku noqdo sida dadka oo kale, oo jidadkooda waan ciqaabi doonaa, oo falimahoodana waan ka abaalmarin doonaa.

10 Wax bay cuni doonaan, kamana dhergi doonaan, way sinaysan doonaan, mana tarmi doonaan, maxaa yeelay, waxay ka tageen inay Rabbiga dhegaystaan.

11 Sinada iyo khamriga iyo khamriga cusububa qalbigay la tagaan.

12 Dadkaygu waxay talo weyddiistaan waxooda qoriga ah, oo ushooduna wax bay u sheegtaa, waayo, damaca sinada ayaa iyaga qalday, oo Ilaahoodii way ka tageen sida naag ninkeeda ka dhillowda.

13 Waxay allabari ku bixiyaan buuraha dhaladooda, oo foox bay ku shidaan kuraha korkooda iyo geedaha alloon iyo libneh iyo eelaah la yidhaahdo hoostooda, maxaa yeelay, waxay leeyihiin hoos wanaagsan, haddaba gabdhihiinnu way dhilloobaan oo aroosadihiinnuna way sinaystaan.

14 Anigu ma aan ciqaabi doono gabdhihiinna markay dhilloobaan amase aroosadihiinna markay sinaystaan, waayo, ragga qudhooduba waxay raacaan dhillooyin, oo waxay allabari la bixiyaan sharmuutooyin, oo dadkii aan wax garanaynna waa la wada afgembiyi doonaa.

15 Dadka Israa'iilow, in kastoo aad dhillowdaan, yaan dadka Yahuudah isla dembigaas ku eedaysnaan, oo Gilgaal ha imanina, oo Beytaawen ha tegin, hana ku dhaaranina Rabbiga noloshiisa.

16 Dadka Israa'iil waxay u madax adkaadeen sidii qaalin lo'aad oo madax adag. Haddaba Rabbigu miyuu iyaga u daajinayaa sidii neef baraar ah oo berrin bannaan jooga?

17 Reer Efrayim wuxuu raacay sanamyo, haddaba iska daa.

18 Cabniinkoodii waa dhanaanaaday. Had iyo goorba way sinaystaan. Taliyayaashooduna aad bay ceebta u jecel, yihiin.

19 Dabayshu waxay iyaga ku soo duudduubtay baallaheedii, oo iyana allabaryadooda ayay u ceeboobi doonaan.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 5

Xukunkii Ku Dhacay Israa'iil

1 Wadaaddadow, tan maqla, oo dadka Israa'iilow, dhegaysta, oo reerka boqorkow, dhegta u dhiga, waayo, xukun baa idinku dhacaya, maxaa yeelay, waxaad ahaydeen dabin Misfaah ku yaal, iyo shabag Buur Taaboor ku kala fidsan.

2 Oo caasiyiintii aad iyo aad bay layntii ugu dheeraadeen, aniguse kan dhammaantood canaanta baan ahay.

3 Anigu waan aqaan reer Efrayim, dadka Israa'iilna igama qarsoona, waayo, haatan reer Efrayimow, waad sinaysateen, dadka Israa'iilna way nijaasoobeen.

4 Falimahoodu u oggolaan maayaan inay Ilaahoodii ku soo noqdaan, waayo, damaca sinadu waa ku dhex jiraa, oo Rabbiga ma ay yaqaaniin.

5 Waxaa dadka Israa'iil ku marag fura kibirkooda, haddaba dadka Israa'iil iyo reer Efrayimba waxay ku turunturoon doonaan xumaantooda, dadka Yahuudahna way la turunturoon doonaan iyaga.

6 Waxay kaxayn doonaan adhyahooda iyo ishkinkooda iyagoo Rabbiga doondoonaya, laakiinse isaga ma ay heli doonaan, waayo, wuu ka noqday iyaga.

7 Rabbiga khiyaano ayay kula macaamiloodeen, waayo, waxay dhaleen carruur garacyo ah, haddaba bil baa lagu baabbi'in doonaa iyaga iyo waxoodaba.

8 War buunka Gibecaah ka afuufa, turumbadana Raamaah, oo Beytaawen ka dhawaaqa. Reer Benyaamiinow, waa laydin daba socdaa.

9 Dalka reer Efrayim wuxuu ahaan doonaa meel cidlo ah maalinta canaanta. Waxaan qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhexdooda ka ogeysiiyey waxa xaqiiqa ahaan u dhici doona.

10 Amiirrada dalka Yahuudah waxay la mid yihiin kuwa durkiya calaamada soohdinta. Cadhadayda ayaan ugu dul shubi doonaa sida biyaha oo kale.

11 Reer Efrayim waa la dulmay, oo xukun baa lagu burburiyey, waayo, raalli bay ku ahaayeen inay amarka daba socdaan.

12 Haddaba sidaas daraaddeed reer Efrayim waxaan u ahay sida balanbaallista oo kale, oo dadka Yahuudahna waxaan u ahay sida waxa qudhmay oo kale.

13 Reer Efrayim markuu arkay cudurkiisa, oo dadka Yahuudahna ay dhaawacooda arkeen, markaasaa reer Efrayim wuxuu tegey dalka Ashuur, oo wuxuu u cid dirsaday Boqor Yaareeb. Laakiinse isagu ma awoodo inuu ku bogsiiyo, oo dhaawacaaga kaa dawayn maayo.

14 Waayo, waxaan reer Efrayim ku noqon doonaa sidii aar libaax oo kale, oo dadka Yahuudahna waxaan ku noqon doonaa sidii aaran libaax oo kale. Anigu qudhayda ayaa jeexjeexan doona oo bixi doona, waan la tegi doonaa, oo mid iga samatabbixiyaana ma jiri doono.

15 Anigu waan tegi doonaa oo waxaan ku noqon doonaa meeshaydii, jeeray iyagu xumaantooda qirtaan oo ay i doondoonaan. Iyagoo cidhiidhi ku dhex jira ayay aad ii doondooni doonaan.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 6

Toobadkeenidla'aantii Israa'iil

1 Ina keena aan Rabbiga ku noqonnee, waayo, isagaa ina dillacshay, oo isagaa ina bogsiin doona, isagaa wax inagu dhuftay, oo isagaa nabraheenna inoo duubi doona.

2 Laba maalmood dabadeed ayuu ina soo noolayn doonaa, oo maalinta saddexaadna wuu ina soo sara kicin doonaa, oo hortiisaynu ku noolaan doonnaa.

3 Oo aynu ogaanno, oo aynu dadaalno inaan Rabbiga ogaanno. Soobixitinkiisa sida subaxda baa loo hubaa, oo wuxuu inoogu iman doonaa sida roobka, sida roobka dambe oo dhulka biyeeya.

4 Reer Efrayimow, bal maxaan idinku sameeyaa? Dadka Yahuudahow, bal maxaan idinku sameeyaa? Waayo, wanaaggiinnu waa sida daruurta subaxnimo, iyo sida sayaxa aroor hore baabba'a.

5 Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku gooyay gacantii nebiyada, oo waxaan ku laayay erayadii afkayga, oo xukummadayduna waa sidii iftiinka soo baxa.

6 Waayo, waxaan doonayaa naxariis ee ma aha allabari, oo aqoonta Ilaahna waan ka jeclahay qurbaanno la gubo.

7 Laakiinse iyagu sidii Aadan oo kale ayay axdigii ku xadgudbeen, oo halkaasay khiyaano iigula macaamiloodeen.

8 Gilecaad waa magaalada kuwa xumaanta ka shaqeeya, oo dhiig baa wasakheeyey.

9 Oo sidii guutooyin shufta ahu ay nin ugu gabbadaan ayaa guuto wadaaddo ahu dhiig ku daadisaa jidka u baxa Shekem, oo wasakhnimo bay sameeyeen.

10 Dadka Israa'iil waxaan ku dhex arkay wax aad iyo aad u xun. Reer Efrayim waxaa laga dhex helay sino, dadka Israa'iilna way nijaasoobeen.

11 Dadka Yahuudahow, markaan dadkayga maxaabiisnimada ka soo celiyo, beergoosasho laydiin amray baa idiin taal.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 7

1 Haddaba markii aan damco inaan dadka Israa'iil bogsiiyo ayaa waxaa la soo bandhigaa xumaantii reer Efrayim, iyo sharnimadii dadka Samaariya, waayo, waxay sameeyaan wax been ah, oo tuuggiina guduhuu galaa, guutada shuftada ahuna dibadday wax ka dhacaan.

2 Oo qalbiga kagama ay fikiraan inaan xumaantooda oo dhan xusuusto. Haatan waxaa iyagii dhinacyada ka hareereeyey falimahoodii, oo way i hor yaallaan.

3 Waxay boqorka kaga farxiyaan xumaantooda, oo amiirradana beentooda.

4 Dhammaantood waa dhillayo, oo waa sida foorno uu kibisdubuhu kululeeya oo dabka ololintiisa joojiyaa uun markuu cajiinka cajiimayo ilaa uu cajiinku khamiiro.

5 Maalinta boqorkayaga amiirradu way isku bukaysiiyeen kulaylka khamriga, isagu wuxuu gacanta u taagay kuwo wax quudhsada.

6 Waayo, iyagu waxay qalbigoodii u diyaariyeen sidii foorno oo kale intii ay wax u gabbanayeen, oo kibisdubahoodiina wuu hurdaa habeenkii oo dhan, oo aroortiina qalbigu waa u qaxmayaa sida dab ololaya oo kale.

7 Iyagu dhammaantood waxay u kulul yihiin sida foorno oo kale, oo waxay baabbi'iyaan xaakinnadooda, oo boqorradii oo dhammuna waxay yihiin kuwa dhacay, oo dhexdooda lagama arko innaba mid i barya.

8 Reer Efrayim dadyowguu isku dhex qasaa, reer Efrayim waa sida kibis aan la wada dubin.

9 Shisheeyayaal ayaa xooggiisa dhammeeyey, oo isna maba oga. Xataa cirraa ka soo baxday, oo isna maba oga.

10 Waxaa dadka Israa'iil ku marag fura kibirkooda, laakiinse iyagu uma ay soo noqon Rabbiga Ilaahooda ah, mana ay doondoonin isaga in kastoo ay waxyaalahaa oo dhan sameeyeen.

11 Reer Efrayim waa sida qoolley doqon ah oo aan waxgarasho lahayn, waayo, iyagu waxay u yeedhaan Masar oo waxay tagaan dalka Ashuur.

12 Markay tagaan waxaan ku kor fidin doonaa shabaggayga, oo iyagaan u soo dejin doonaa sida haadda samada, oo sidii ururkoodu maqlay ayaan iyaga u edbin doonaa.

13 Iyagaa iska hoogay, waayo, way iga ambadeen! Halaag ha ku dhaco, waayo, way igu xadgudbeen! In kastoo aan iyaga soo furan lahaa haddana been bay iga sheegeen.

14 Oo qalbigooda igama ay baryin, laakiinse sariirahooday ku kor ooyaan. Waxay u soo wada shiraan hadhuudh iyo khamri aawadood, oo anigana way igu caasiyoobaan.

15 In kastoo aan wax baray oo aan gacmahooda xoogeeyey, ayay weliba shar ii fikiraan.

16 Way soo noqdaan, laakiinse uma ay soo noqdaan kan sarreeya. Iyagu waa sida qaanso khiyaano badan oo kale. Amiirradooduna seef bay ku le'an doonaan cadhada carrabkooda daraaddeed. Tanu waxay dalka Masar ku noqon doontaa wax iyaga lagu quudhsado.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 8

Israa'iil Oo Goosanaya Ufo

1 Buunka afkaaga saar. Cadowgu sidii gorgor buu u imanayaa guriga Rabbiga, maxaa yeelay, dadku axdigaygay jebiyeen, oo sharcigaygiina way ku xadgudbeen.

2 Way ii qayshan doonaan, iyagoo leh, Ilaahayow, annagoo dadka Israa'iil ahu waannu ku naqaan.

3 Dadka Israa'iil way iska xooreen wixii wanaagsanaa, oo iyaga cadowgu waa eryan doonaa.

4 Boqorray boqradeen, laakiinse iyagu ma aha kuwa aan amray, waxayna doorteen amiirro laakiinse anigu ma aan aqoonsan. Lacagtoodii iyo dahabkoodiiba ayay sanamyo ka samaysteen, oo sidaas darteed ayaa loo baabbi'in doonaa.

5 Samaariyey, weyshaadii wuu diiday isagoo leh, Cadhadaydii aad bay ugu kululaatay iyaga. Ilaa goormayan karayn inay daahir noqdaan?

6 Waayo, xataa dadka Israa'iil ayaa kanu ka yimid, oo nin saanac ahu baa sameeyey, oo Ilaah ma aha. Hubaal weysha Samaariya waa la burburin doonaa.

7 Waayo, waxay beertaan dabaysha, oo dabaysha cirwareenta ah ayay soo goosan doonaan. Hadhuudh taagan ma leh, baalkuna midho ma dhali doono, oo hadduu dhalona, shisheeyaa cuni doona.

8 Dadka Israa'iil waa la liqay, oo haatan waxay quruumaha u dhex joogaan sidii weel aan la doonayn.

9 Waayo, iyagu waxay u keceen dalka Ashuur, oo waa sidii dameer banjoog ah oo keligiis jooga. Reer Efrayim waxay soo kiraysteen kuwa caashaqa.

10 In kastoo ay quruumaha dhexdooda dad ka soo kiraystaan, haatan waan soo ururin doonaa iyaga, oo waxay bilaabayaan inay la yaraadaan sabab ka kacday culaabtii uu boqorkii amiirradu iyaga saaray.

11 Reer Efrayim waxay badiyeen meelo allabari, wayna ku dembaabeen, oo sidaas daraaddeed meelaha allabarigu waxay iyaga u noqdeen wax iyaga dembaajiya.

12 In kastoo aan iyaga u qoraa kumanyaalka amar ee sharcigayga, haddana waxaa lagu tiriyaa sida wax qalaad oo kale.

13 Oo weliba allabaryadii qurbaannadayda ahaana waxay ku allabaryaan hilib, wayna iska cunaan, laakiinse Rabbigu iyaga ma aqbalo. Haatan wuu soo xusuusan doonaa xumaantoodii, oo dembiyadoodiina wuu ciqaabi doonaa, oo Masar bay ku noqon doonaan.

14 Waayo, dadka Israa'iil Abuurahoodii way illoobeen, oo waxay dhisteen daaro waaweyn, dadka Yahuudahna magaalooyin deyr leh aad bay u badsadeen, laakiinse anigu magaalooyinkooda ayaan dab ku soo dul dayn doonaa, oo wuxuu wada gubi doonaa daarahooda waaweyn oo dhan.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 9

Ciqaabta Israa'iil

1 Dadka Israa'iilow, farxad ha ku rayraynina sida dadyowga, waayo, waxaad ka tagteen Ilaahiinnii sida naag ninkeeda ka dhillowday, oo waxaad aad u jeclaateen inaad caashaq lacag ku kiraysataan goob kasta oo hadhuudh.

2 Goobta hadhuudhka lagu tumo iyo macsarada khamriguba iyaga ma ay quudin doonaan, oo khamriga cusubuna wuu gabi doonaa.

3 Iyagu ma ay degganaan doonaan Rabbiga dalkiisa, laakiinse reer Efrayim Masar bay ku noqon doonaan, oo cunto wasakh ah ayay ku dhex cuni doonaan dalka Ashuur.

4 Iyagu Rabbiga uma ay shubi doonaan qurbaanno khamri ah, oo isagana kama ay farxin doonaan. Allabaryadoodu waxay iyaga ula mid noqon doonaan sida cuntada kuwa baroorta. In alla intii wax ka cuntaana way wada nijaasoobi doonaan, waayo, cuntadoodu waxay ahaan doontaa mid ay nafsadoodu u hamuunta, oo sooma ay geli doonto guriga Rabbiga.

5 Bal maxaad samayn doontaan maalinta shirka weyn, iyo maalinta iidda Rabbigaba?

6 Waayo, bal eeg, iyagu waxay ka tageen halligaad, laakiinse Masar baa iyaga soo urursan doonta, oo waxaa iyaga aasi doonta magaalada Mof. Waxyaalahooda wacan oo lacagta ahna waxaa qaadan doona maraboob, oo teendhooyinkoodana waxaa ka soo dhex bixi doonta qodxan.

7 Maalmihii ciqaabiddu waa yimaadeen, oo maalmihii abaalmarintu waa yimaadeen. Dadka Israa'iilna way ogaan doonaan. Nebigu waa nacas, ninkii ruuxa lahuna waa waalan yahay, waana xumaantaada badatay aawadeed, iyo cadownimada badatay aawadeed.

8 Reer Efrayim wuxuu ahaa waardiye Ilaahay la jira, laakiinse nebigii jidadkiisa oo dhan waxaa loo dhigay dabinkii shimbirrodabadka, oo gurigii Ilaahiisna cadownimo baa ku jirta.

9 Iyagu aad bay isu kharribeen sidii wakhtigii Gibecaah. Isagaa soo xusuusan doona xumaantooda oo wuxuu soo ciqaabi doonaa dembiyadooda.

10 Waxaan gartay in dadka Israa'iil ay la mid ahaayeen canab cidlada ku dhex yaal, oo waxaan arkay in awowayaashiin ahaayeen sidii berdaha xilliga hore bislaada, laakiinse iyagu waxay yimaadeen Bacal Fecoor, oo waxay gooni isugu sooceen waxaas ceebta miidhan ah, oo waxay u karaahiyoobeen sidii wixii ay jeclaayeen oo kale.

11 Oo weliba reer Efrayimna sharaftoodu waxay u haadi doontaa sidii shimbir oo kale, oo innaba dhalasho, iyo uuraysi, iyo wallacid ma jiri doonaan.

12 In kastoo ay carruurtooda koriyaan haddana waan gablamin doonaa si aan ninna u hadhin aawadeed, oo weliba iyagaa iska hoogay markii aan ka tago!

13 Sidii aan Turos u arkay ayaa reer Efrayim meel wacan lagu beeray, laakiinse reer Efrayim wuxuu carruurtiisa u soo bixin doonaa kan wax laaya.

14 Rabbiyow, iyaga wax sii. Maxaad siin doontaa iyaga? Waxaad siisaa maxal dhiciya iyo naaso gudhay.

15 Xumaantoodii oo dhammu waxay ku jirtaa Gilgaal, waayo, iyaga halkaas baan ku necbaaday. Haddaba xumaanta falimahooda aawadeed ayaan iyaga uga eryi doonaa gurigayga. Mar dambe ma aan jeclaan doono, waayo, amiirradooda oo dhammu waa caasiyiin.

16 Reer Efrayim wax baa lagu dhuftay, xididkoodiina waa qallalay, oo innaba midho ma ay dhali doonaan! Oo xataa in kastoo ay wax dhalaan, haddana waan wada layn doonaa midhaha ay jecel yihiin oo maxalkooda.

17 Ilaahay waa xoori doonaa, maxaa yeelay, codkiisii ma ay dhegaysan, oo waxay quruumaha dhexdooda ku ahaan doonaan kuwa warwareega.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 10

1 Dadka Israa'iil waa geed canab ah oo barwaaqaysan, kaasoo midhihiisa soo bixiya, oo sida midhihiisu u bateen ayuu meelihiisa allabariga u badiyey, oo sida dalkiisu u barwaaqaysan yahay ayay u samaysteen tiirar qurqurxoon.

2 Qalbigoodu waa kala qaybsan yahay, oo haatan waxaa lagu heli doonaa gardarro. Meelahooda allabariga ayuu wax ku dhufan doonaa, oo tiirarkoodana wuu wada kharribi doonaa.

3 Sida xaqiiqada ah hadda waxay odhan doonaan, Annagu boqor ma lihin, waayo, Rabbiga kama cabsanno, haddaba bal maxaa boqor noo taraya?

4 Waxay ku hadlaan erayo aan waxba ahayn, iyagoo si been ah ugu dhaaranaya markay axdiyo gelayaan. Sidaas daraaddeed xukunku wuxuu u soo bixi doonaa sidii dacarmariid ka soo baxa beerta jeexjeexeeda.

5 Dadka dalka Samaariya degganu aad bay u cabsan doonaan sanamyada weylaha ah ee Beytaawen aawadood, waayo, dadkiisa iyo weliba wadaaddadii ku rayrayn jiray way u barooran doonaan sanamka, waana sharaftiisii aawadeed, maxaa yeelay, way ka tagtay.

6 Oo weliba sanamkii waxaa loo qaadi doonaa dalka Ashuur inuu Boqor Yaareeb gabbaro u noqdo aawadeed. Reer Efrayim wuxuu heli doonaa ceeb, oo dadka Israa'iilna waxay ka ceeboobi doonaan taladooda.

7 Oo weliba Samaariyana boqorkeedii wuxuu u baabba'ay sida xumbada biyaha dul sabbayso.

8 Oo weliba meelaha sare ee Aawen ku yaal oo dembiga dadka Israa'iil ahna waa la wada dumin doonaa. Meelahooda allabarigana waxaa ka soo kor bixi doona qodxan iyo yamaarug. Waxay buuraha ku odhan doonaan, War na qariya. Oo gumburahana waxay ku odhan doonaan, Nagu soo dhaca.

9 Dadka Israa'iilow, tan iyo wakhtigii Gibecaah waad dembaabayseen. Halkaasay istaagaan si aan dagaalkii lala dagaallamay carruurta dembigu Gibecaah u gaadhin.

10 Markaan damco ayaan iyaga edbin doonaa, oo dadyowga ayaa isugu soo wada ururi doona iyaga, markii loo xidho labadoodii xadgudub aawadood.

11 Oo reer Efrayim waa sidii qaalin lo'aad oo la tababbaray, taasoo jecel inay hadhuudhka ku tumato, laakiinse anigu waan u tudhay surkeedii qurxoonaa. Reer Efrayim waxaan korkooda saari doonaa mid iyaga fuula. Dadka Yahuudah dhulkay jeexi doonaan, reer Yacquubna waxay burburin doonaan ciidda qallalan.

12 Nafsaddiinna xaqnimo wax ugu beerta, oo si naxariista waafaqsan wax u goosta, oo jabsada dhulkiinna jeexan, waayo, waa wakhti ku habboon in Rabbiga la doondoona, ilaa uu yimaado oo uu xaqnimo idinku soo dejiyo.

13 Waxaad falateen sharnimo, waxaad soo goosateen xumaan, oo waxaad cunteen midhihii beenta, waayo, waxaad isku hallayseen jidkiinna iyo raggiinna tirada iyo xoogga badan.

14 Haddaba sidaas daraaddeed buuq baa dadkiinna ka dhex kici doona, oo qalcadihiinna oo dhanna waxaa loo wada baabbi'in doonaa sidii Shalman Beytarbeel maalintii dagaalka u baabbi'iyey oo kale. Hooyada iyo carruurteediiba ayaa dhulka lagu tuuray.

15 Sidaas oo kalaa Beytel laydinkaga samayn doonaa, waana sharnimadiinna weyn daraaddeed. Markii waagu beryo ayaa boqorka dalka Israa'iil dhammaantiis la baabbi'in doonaa.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 11

Jacaylkii Ilaah Ee Israa'iil

1 Markii Israa'iil ilmo yar ahaa waan jeclaan jiray, oo wiilkaygii Israa'iil waxaan uga yeedhay dalka Masar.

2 Sidii loogu yeedhay ayay iyagii uga fogaadeen. Waxay allabari u bixiyeen Bacaliim, oo foox bay u shideen sanamyo xardhan.

3 Oo weliba reer Efrayim waan socod baray, oo gacmahaygaan ku xambaaray, laakiinse iyagu ma ay ogayn inaan bogsiiyey iyaga.

4 Waxaan iyaga ku soo jiiday dad xadhkihiis iyo jacayl xidhmihiis, oo waxaan u ahaa sidii kuwa daamankooda harqoodka ka dejiya, oo waxaan hortooda dhigay cunto.

5 Iyagu kuma noqon doonaan dalkii Masar, laakiinse waxaa boqor u noqon doona kii reer Ashuur, maxaa yeelay, iyagu way diideen inay noqdaan.

6 Oo seef baa waxay ku dhici doontaa magaalooyinkooda, oo waxay baabbi'in doontaa qataarradooda, oo way wada dhammayn doontaa iyaga, waana taladooda daraaddeed.

7 Dadkaygii waxay ku tashadeen inay dib iga noqdaan. In kastoo iyaga loogu yeedhay Kan ugu sarreeya, innaba midnaba isaga ma sarraysiin doono.

8 Reer Efrayimow, sidee baan idiin sii dayn karaa? Dadka Israa'iilow, sidee baan idiin gacangelin karaa? Sidee baan idiinka dhigi karaa sidii Admaah? Oo sidee baan idiinka dhigi karaa sidii Seboyim? Qalbigaygii wuu igu dhex rogmadaa oo naxariis buu la dhaqaaqaa.

9 Anigu soo dayn maayo kulaylka cadhadayda, oo u soo noqon maayo inaan reer Efrayim baabbi'iyo, waayo, waxaan ahay Ilaah, oo qof aadmi ah ma ihi. Anigu dhexdiinna waxaan ku ahay Kan Quduuska ah, oo magaalada cadho la geli maayo.

10 Iyagu waxay daba geli doonaan Rabbiga oo sidii libaax buu u ciyi doonaa, Markuu ciyo ilmihiisu xagga galbeed bay ka iman doonaan iyagoo gariiraya.

11 Waxay iyagoo gariiraya u iman doonaan sidii shimbir Masar ka soo baxday, iyo sidii qoolley ka soo baxday dalka Ashuur, oo anigu waxaan iyaga ka dhigi doonaa inay guryahooda iska degganaadaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

Dembigii Reer Binu Israa'iil

12 Reer Efrayim waxay igu hareereeyaan been oo waxaa dadka Israa'iil igu hareereeyaan khiyaano, laakiinse dadka Yahuudah weli Ilaah bay wax la xukumaan, oo Kan Quduuska ah ayay daacad u yihiin.



^ Dib u celi bilawga

Cutubka 12

1 Reer Efrayim waxay quutaan dabayl oo waxay daba galaan dabaysha bari. Had iyo goorba been iyo baabba' bay badiyaan, oo waxay axdi la dhigtaan dadka dalka Ashuur, saliidna Masar bay u qaadaan.

2 Oo weliba Rabbigu dacwad buu la leeyahay dadka Yahuudah, oo wuxuu reer Yacquub u ciqaabi doonaa si waafaqsan jidadkooda, oo wuxuu u abaalmarin doonaa si waafaqsan falimahooda.

3 Yacquub markuu uurka ku jiray walaalkiis buu cedhibta ku dhegay, oo markuu nin noqdayna Ilaah buu la dagaallamay.

4 Haah, oo wuxuu la dagaallamay malaa'igtii, wuuna ka adkaaday, wuuna ooyay oo baryay. Wuxuu isagii ka helay Beytel, oo halkaasuu nagula hadlay.

5 Rabbigu waa Ilaaha ciidammada. Rabbigu waa magiciisa lagu xusuusto.

6 Haddaba sidaas daraaddeed Ilaahaaga u soo jeeso, oo naxariista iyo garsooridda xaji, oo had iyo goorna Ilaahaaga sug.

7 Dadkaygu waa baayacmushtari, oo waxaa gacanta ugu jira kafadihii khiyaanada, waxay jecel yihiin inay wax dulmaan.

8 Oo reer Efrayim wuxuu yidhi, Sida xaqiiqada ah taajir baan noqday, oo maal baan helay, oo innaba hawlahayga oo dhan lagama heli doono xumaan dembi ah.

9 Laakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa inaad mar kale teendhooyin degganaataan sidii wakhtigii iidda.

10 Oo weliba waxaan la hadlay nebiyadii, oo waxaan badiyey waxyaalo aan tusay, oo nebiyadana waxaan u soo dhiibay masaalooyin.

11 Reer Gilecaad waa xumaan miidhan oo iyagu dhammaantood waa wax aan waxtar lahayn. Waxay Gilgaal ku allabaryaan dibiyo, oo weliba meelahooda allabarigu waa sida tuulmooyin ku dhex yaal jeexjeexyada beerta oo kale.

12 Yacquub wuxuu ku dhex cararay beertii Aram, oo Israa'iil inuu naag helo buu u shaqeeyey oo ido u ilaaliyey.

13 Oo Rabbigu reer binu Israa'iil nebi buu kaga soo bixiyey dalkii Masar, oo nebi baa iyagii lagu ilaashay.

14 Reer Efrayim si qadhaadh bay Rabbiga uga xanaajiyeen, haddaba dhiiggoodu korkooduu ku hadhi doonaa, oo ceebtoodana Sayidkoodu waa ku soo celin doonaa.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 13

Caradii Rabbiga Ee Reer Binu Israa'iil

1 Markii reer Efrayim hadleen waxaa jiray gariir, oo dalka Israa'iil ayay isku dhex sarraysiiyeen, laakiinse markay Bacal ku gardarnaadeen ayay dhinteen.

2 Oo haatan aad bay u sii dembaabaan, oo waxay lacagtooda ka samaysteen taswiiro la shubay kuwaasoo ah xataa sanamyo ay u samaysteen sida ay waxgarashadoodu tahay, oo dhammaantoodna waxaa weeye nin saanac ah sancadiis, oo waxay ka sheegaan, Dadka allabariga bixiya weylaha sanamyada ah ha dhunkadeen.

3 Haddaba sidaas daraaddeed waxay noqon doonaan sida daruurta subaxnimo, iyo sida sayaxa aroor hore baabba'a, iyo sida buunshaha dabayshu ka kaxayso goobta hadhuudhka lagu tumo, iyo sida qiiqa sholadda ka baxa.

4 Laakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waa inaydaan aqoonsan ilaah kale aniga mooyaane, oo badbaadiye kale ma jiro innaba aniga mooyaane.

5 Anigu waan idin iqiin markii aad dhex joogteen cidladii ahayd dalka abaarta badan.

6 Markii ay wax daaqeen ayay dhergeen, oo markay dhergeen dabadeed ayaa qalbigoodii kor u kacay, haddaba sidaas daraaddeed bay ii illoobeen.

7 Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku ahay sida libaax oo kale, oo sida shabeel ayaan jidka ku ag dhawri doonaa.

8 Oo waxaan iyaga uga hor iman doonaa sida orso gabneheedii laga gablamiyey, oo waxaan jeexjeexi doonaa xuubkii wadnahooda, oo halkaasaan iyaga ku baabbi'in doonaa sidii gool libaax oo kale, oo waxaa iyaga dildillaacsan doona dugaagga.

9 Dadka Israa'iilow, baabbi'inna waxaa sabab u ah cadownimada aad ii qabtaan anoo caawiyihiinna ah.

10 Haddaba magaalooyinkiinna oo dhan ha idinku badbaadiyee meeh boqorkiinnii? Oo meeye xaakinnadiinnii aad ka tidhaahdeen, Na sii boqor iyo amiirro?

11 Anigoo xanaaqsan ayaan boqor idin siiyey, oo haddana anigoo cadhaysan ayaan idinka qaaday.

12 Xumaantii reer Efrayim waa xidhxidhan tahay, oo dembigoodiina meel baa lagu kaydiyey.

13 Oo waxaa iyaga ku soo kor degi doonta murugtii naag foolanaysa. Iyagu waa sida wiil aan caqli lahayn, waayo, haatan waa wakhtigii uusan ku sii raagin meeshii carruurtu ka soo dhalan jireen.

14 Anigu waxaan iyaga ka soo furan doonaa xoogga She'oolka, oo waxaan ka soo badbaadin doonaa dhimashada. Dhimashoy, meeye belaayooyinkaagii? She'oolow, meeday baabbi'intaadii? Toobaddu indhahayga way ka qarsoonaan doontaa.

15 In kastoo uu walaalihiis dhexdooda ku dhal badan yahay, waxaa iman doonta dabayl bari ka timid, taasoo ah neefta Rabbiga oo cidlada ka soo baxaysa, oo ishiisa biyood way engegi doontaa, oo durdurkiisuna wuu iska gudhi doonaa, oo waa laga wada dhici doonaa khasnadda alaabta qaaliga ahu ugu jirto.

16 Reer Samaariya gardarradooda way qaadi doonaan, waayo, way ku caasiyowdeen Ilaahoodii. Seef baa lagu layn doonaa, dhallaankoodana dhulkaa lagu tuuri doonaa, oo naagahooda uurka lehna waa la dooxi doonaa.


^ Dib u celi bilawga

Cutubka 14

Toobadkeeniddu Barakay Leedahay

1 Dadka Israa'iilow, u soo noqda Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, xumaantiinnii waad ku dhacdeen.

2 Erayo ula taga Rabbiga, oo waxaad ku tidhaahdaan, Xumaanta oo dhan naga fogee oo si wanaagsan noo aqbal, oo annaguna waxaan sidii dibi qurbaan ah kuu siin doonnaa caabudidda bushimahayaga.

3 Reer Ashuur na badbaadin maayo, oo annagu fardo fuuli mayno, oo weliba sancada gacmahayagana mar dambe ku odhan mayno, Waxaad tihiin ilaahayo. Waayo, agoontu adigay naxariis kaa helaan.

4 Dibunoqoshadooda waan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u jeclaan doonaa si ikhtiyaar ah, waayo, cadhadaydii way ka noqotay.

5 Waxaan dadka Israa'iil u noqon doonaa sida sayaxa oo kale, oo iyaguna waxay u ubxin doonaan sida ubaxa oo kale, oo waxay xididdada u mudan doonaan sida Lubnaan oo kale.

6 Laamahoodu way kala bixi doonaan oo quruxdooduna waxay ahaan doontaa sidii geedka saytuunka, oo caraftooduna waxay ahaan doontaa sidii Lubnaan oo kale.

7 Oo kuwa hadhka hoos joogaana way soo noqon doonaan. Waxay u soo noolaan doonaan sida hadhuudhka oo kale, oo waxay u ubxin doonaan sida canabka oo kale. Udgoonkooduna wuxuu ahaan doonaa sida khamriga Lubnaan oo kale.

8 Reer Efrayim waxay odhan doonaan, Bal maxaa mar dambe annaga iyo sanamyo noo dhexeeya? Anna waan u jawaabay oo waan fiirin doonaa. Waxaan ahay sida geed beroosh ah oo qoyan, midhihiinna xaggaygaa laga helaa.

9 Kii xigmad lahu waxyaalahan ha fiirsado. Kii miyir lahuna ha garto. Waayo, Rabbiga jidadkiisu waa qumman yihiin, oo kuwii xaq ahuna way ku socon doonaan, laakiinse kuwa xadgudbaa way ku dhex dhici doonaan.

^ Dib u celi bilawga