Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Codadka Iftiinka - 1

Waa 15 qasiido oo xul ah oo la duubay Itoobiya sannadkii 2001kii. Habka waa mid casri ah, biyaano, cuud, kaban [kulligood isku dubbarriday kombiyuterka] iyo codad farabadan.

1. Haye aan ammanno

Haye aan ammaanno!
Haye aan ammaanno!
Ilaahii na uuntay.
Haye aan ammaanno!

1. Wuu na eegayaayoo
na ilaaliyaayee.
IIlaahii na uuntay.
Haye aan ammaanno!

2. Indhihiiyo dhegaha
iyo afarta addin
Isagaa na siiyee.
Haye aan ammaanno!

3. Waa ayaan wanaagasane.
Alla noo inshaaree.
Haye aan ammaanno!

4. ‘Alxamdulilaahi!’
Inta aan niraahno!
Ilaaheenna fiican.
Haye aan ammaanno!

5. Intii Eraygiisa
addeecdoo rumaysa
wuu u abaal gudaaye.
Haye aan ammaanno!

6. Intii aammintoo dhan
inamuu ka yeelee.
Haye aan ammaanno!

7. Waa wankii Ilaahoo;
Iinna aan lahayne.
Haye aan ammaanno!

8. Allabbarigeenna
inuu noo ahaado,
Inan buu na siiyee.
Haye aan ammaanno!

9. Ibliiskiyo jinniga
Isagaa ka adagee.
Haye aan ammaanno!

2. Duceeya

Duceeya, duceeya;
Dadkiiyow duceeya!
Duceeya, duceeya;
Dadkiiyow, duceeya!

1. Deeqlaha ina uumay,
inuu dembigeenna
innaga wada daayo.
Dadkiiyow duceeya!

2. Masiixa la doortay
daruurta sideeda
u soo degi doonaa.
Digriga ugu heesaa!

3. Masiixa darteenna
dhammaan dembigeenna
dushiisa ku qaatay.
Damiirka u sheega!

4. Markay deldeleenna
dhiiggiisii u daatay
dadkiisa jacaylka.
Cadaab ka difaacay.

5. Midkii dunida oo dhan
iftiinka ku daaray
dabbaaldeg u muujiya !
Ammaan ugu deeqa!

Duceeya, duceeya!…

6. La doona! La doona!
Dadkeenna la doona!
La doona! La doona!
Dadkeenna la doona!

7. Kitaabka la doona!
Injiilka la doona!
Wanaagga la doona!
Iftiinka la doona!

Duceeya, duceeya!
Dadkiiyow duceeya!
Duceeya, duceeya!
Dadkiiyow, duceeya! (3x)

3. Ciise wuu imanayaa

1. Ciise wuu imanayaa.
Ciise wuu imanayaa.
Ilaahay baa sheegayoo
Ereygu been ma aha oo
Inanka kii diidayow
ayaantii way dhowdahoo
Ciise wuu imanayaa.
Ciise wuu imanayaa.

2. Eebbe wuxuu diiday buu …
Eebbe wuxuu diiday buu …
…uunka yidhi daaya oo
Eebbe wuu nici jiroo.
Waa ammaan inaan xusnoo
Ayaantii way dhowdahoo
Ciise wuu imanayaa.
Ciise wuu imanayaa.

3. Ummadda wuu doonayoo.
Ummadda wuu doonayoo.
Wuu asxaan fali jiroo.
Addimo kaan haysan buu
Orod yidhoo socon jiroo.
Ayaantii way dhowdahoo
Ciise wuu imanayaa.
Ciise wuu imanayaa.

4. Kii indhaha waayey buu…
Kii indhaha waayey buu…
…aragtidiisa u furoo.
Waa Amiirka runta oo
Aayado muujiyoo
Ayaantii way dhowdahoo
Ciise wuu imanayaa.
Ciise wuu imanayaa.

5. Waa albaabkii jannada…
Waa albaabkii jannada…
…kii muftaaxa u ahoo.
Kii inkiray baa lumoo…
Naarta ku asqoobayoo.
Ayaantii way dhowdahoo
Ciise wuu imanayaa.
Ciise wuu imanayaa.

4. Ilaah aan baahane

Ilaah aan baahane loo baahan yahayow!
Ilaah aan baahane loo baahan yahayow!
Adaan ku baahannahaye. Noo bishaaree!

1. Ilaah aan baahane loo baahan yahayow!
Ba’a lagu sheegay aakhiro ! Naga badbaadi!

2. Ilaah aan baahane loo baahan yahayow!
Qiyaamaha baaska yaallaa! Naga badbaadi!

3. Ilaah aan baahane loo baahan yahayow!
Xisaab ba’an baa la sheegee. Naga badbaadi!

4. Ilaah aan baahane loo baahan yahayow!
Adaan boqorow ku barinee ! Naga badbaadi!

5. Ilaah aan baahane loo baahan yahayow!
Belaayada taal aduunyada; Naga badbaadi!

6. Ilaah aan baahane loo baahan yahayow!
Inaan baadiyowno Eebbow; Naga badbaadi!

7. Ilaah aan baahane loo baahan yahayow!
Naan bidciyowno Eebbow; Naga badbaadi!

8. Ilaah aan baahane loo baahan yahayow!
Masiix inaan ka baydhnaa; Naga badbaadi!

9. Ilaah aan baahane loo baahan yahayow!
Bakhti iyo booli iyo been! Naga badbaadi!

10. Ilaah aan baahane loo baahan yahayow!
Bushi iyo baahi iyo ceeb! Naga badbaadi!

11. Ilaah aan baahane loo baahan yahayow!
Baybalkoo aan ka boodnaa; Naga badbaadi!

5. Ilaahay waa raxiim

1. Raxmaankeygaan jecelahay.
Riyaan ku arkay isaga.
Rubadku wuu ii farxaa.
Malaa’igo ruxubo ah baa
raabraabo u soo degoo;
Runtii bay ku heesayaan.
Ilaahay waa Raaxim (2x)

2. Rajaan la farxaa anigu.
Risiq Eebbaan cunaa;
Rafaad weligay ma galo oo
Jannada Rooxada ku taal;
Ayaan ku riyaaq ayoo
Raxmad Eebbaan fishaa .
Ilaahay waa Raaxim. (2x)

3. Ruuxaan ka samaysan ahay
Rabbuuna xaggii ka yimid.
Ramaadkiyo doogga baxa
Caanaha ramadka ee la dhamo
Raaxada hurdada ee la tago
Casiiskaa inoo rakibay.
Ilaahay waa Raxiim. (2x)

6. Kaalaya aan ammaannee

1. Rabbi baa awood leh,
aayo iyo khayr badan;
Ilwaad iyo sharaf leh.
Kaalaya aan ammaannee!

2. Rabbi baa adkaan leh,
caqli aan go’ayn iyo
ilays aan damayn leh.
Kaalaya aan ammaannee!

3. Adduunkuu badbaadshoo;
Dembigeennii aawgii
Isagaa u iishee.
Kaalaya aan ammaannee!

4. Ibliiskiyo jinniga,
aadanaha lumiyaa,
Isagaa ka adagee.
Kaalaya aan ammaannee!

5. Ninkii Ruuxa aammina,
Rabbigiisa addeecaa,
axdi baa u yaallee.
Kaalaya aan ammmaannee!

6. Kii amarka raacee,
Ilaahii rumeeyaa,
axdi baa u yaallee.
Kaalaya aan ammaannee!

7. Arxankeennii weeyaan,
ayaan Eebbe weeyaan
aakhiro iyo adduunkee.
Kaalaya aan ammaannee!

7. Baaqiga Eebbow

Baaqiga Eebbow dunida beeray;
Ballan kuu sheegay,
ka baaqan maayo.

1. Buuraha korkooda haddaan bil joogo,
barafku i garaacana ,
beenbeenin maayo
Badbaadshahayga .

2. Boqol sano haddaan ban joogo,
beer iyo xooliyo
bilcaanba waayana ,
beenbeenin maayo
Badbaadshahayga.

3. Haddii lay bireeyo ,
bad laygu tuuro,
bur layla dhacana ,
beenbeenin maayo
Badbaadshahayga!

4. Haddii aan baahdo,
beesa aan waayo,
beenbeenin maayo
Badbaashahayga!

5. Bugtaa i haysay,
beerkay i xanuunjin,
Isagaa i baanto ,
iga bogsiiya,
beenbeenin maayo
Badbaashahayga.

6. Baaqiga Eebbow dunida beeray;
Ballan kuu sheegay
ka baaqan maayo.

8. Qoraalku sidii uu yidhi

1. Qoraalku sidii uu yidhi.
Qoraalku sidii uu yidhi.
Qiyaas Rabbi baa u dhigan
Intaan ifku qaybsamin .
Qudhiinuna taagan tahay
Qayaamuhu aanu dhicin.

Ilaahay maad qirtaan
Qawlkiisa rumaysataan?
Ilaahay maad qirtaan
Qawlkiisa rumaysataan?

2. Quruumaha dunida jira …
Quruumaha dunida jira …
inkastoo quwodo is bidaan
mar baa laga qaban naftoo
dhammaan laga qaadayaayee.
Intaydaan wada qallalin

Ilaahay maad qirtaan? Ilaahay maad qirtaan
Qawlkiisa rumaysataan?
Ilaahay maad qirtaan
Qawlkiisa rumaysataan?

3. Qaynuunku sidii uu yidhi, …
Qaynuunku sidii uu yidhi, …
Ducada kii aan qadderin
salaaddana qiimo siin
Qaadirka um tegi karo,
Kii oon Sayidka u qasdiyin .

Ilaahay maad qirtaan
Qawlkiisa rumaysataan?
Ilaahay maad qirtaan
Qawlkiisa rumaysataan?

9. Gacmahaaga noo fidi

1. Dembigaan galeyniyo
waxaan geysannoo idil;
Giddi waan ka beyrnoo
xaqii baanu garannaye. (2x)

Guullow Allahayow!
Goor iyo ayaanba
Gacmahaaga noo fidi (2x)

2. Golihii Iblayskiyo
gudcurkii inaanan
ugu noqon gadaalbuu.
Naga yahay go’aankee . (2x)

3. Nimcadaada guud iyo
kuwaan garan Injiilka
inuu Erayga gaaraan
u gallaa socdaalkee . (2x)

4. Gabbalkii dhacay iyo
waagi soo guduutaba
noogu deeq gargaarkiyo
raxmaddaada gaarka ah.

10. Waxaan ahay dembiile

1. Waxaan ahay - dembiile,
waxaan ahay - dembiile.
Dunuubtii aan falay baa …
dunuubtii aan falay baa …
… daraaddeed, laguugu qodbay iskutallaabtee.
… daraaddeed, laguugu qodbay iskutallaabtee.

2. Waxaan ahay – dembiile
Waxaan ahay - dembiile.
Dulmigaan samey baa…
Dulmigaan samey baa …
… daraaddiis laguugu qodbay iskutallaabtee.
… daraaddiis laguugu qodbay iskutallaabtee.

3. Waxaan helay - dembidhaafka,
waxaan helay - dembidhaafka.
Nolol daa'ima inaan helo …
nolol daa'ima inaan helo …
… daraaddeed laguugu qodbay iskutallaabtee.
… daraaddeed laguugu qodbay iskutallaabtee.

4. Waxaan ahay - adeegahaaga.
Waxaan ahay - adeegahaaga.
Dembidhaafka inaad i siisaa …
Dembidhaafka inaad i siisaa …
… daraaddeed laguugu qodbay iskutallaabtee.
… daraaddeed laguugu qodbay iskutallaabtee.

11. Toobadda Rabbi

1. Haddii dadku ila tashado ee
kuwii oon iga tegin,
tilmaan baan siin lahaayoo
tibaax baan u jeedin lahaayoo
xaqaana tis qaaddi lahaa. (2x)

2. Talada aan odhan lahaa
wax weyn bay tari lahayd, …
… hadday Sayidka u tagaanoo
toobadda Rabbi raacayaan.
… hadday Sayidka u tagaanoo
toobadda Rabbi raacayaan. (2x)

3. Haddii dadku uu wax tebo oo
ku taamaan inay helaan,
tayey ka rajaynayaan oo
inay tiiraanyadiyo
xanuunkuba kag tagaan. (2x)

4. Inay tubta roon maraan
Wax weyn bay tari lahayd.
Hadday Sayidka u tagaanoo
Toobadda Rabbi raacayaan.
Hadday Sayidka u tagaanoo
Toobadda Rabbi raacayaan (2x)

12. Guullow Ilaahow

Guulow Ilaahow,
Adigaa noo gargaaray .
Guulow Ilaahow,
Adigaa noo gargaaray.

1. Galab iyo subaxba,
Adaa noo garaagay.
Gelin horiyo gelin dambeba ,
Adaa noo gargaaray.

2. Cagta waaberigaan
gurigaaga galnaa.
Gacantoo fidsan baan
ku soo hoos goglaynaa .

3. Gabbalkoo dhacay baan
ku garwaaqsanaynaa .
Girgir foox ka buuxaan
kuula soo gelaynaa.

13. Xalay baan Masiixii arkoo

Xalay baan Masiixii arkoo.
Xamdi baygu waajibayee.

1. Xumaantaydii buu u dhintoo;
Xamdi baygu waajibayee.

2. Xinjirtiisii buu igu dhaqoo;
Xamdi baygu waajibayee.

3. Dembigaygii buu xalayoo;
Xamdi baygu waajibayee.

4. Geeriduu ka xoog badiyoo;
Xamdi baygu waajibayee.

5. Xabaashuu ka soo baxayoo;
Xamdi baygu waajibayee.

6. Xertiisii ayaa aragtoo;
Xamdi baygu waajibayee.

7. Xaqiiq ayaan helayoo;
Xamdi baygu waajibayee.

8. Ibliiskii ayuu xabbisoo;
Xamdi baygu waajibayee.

9. Cadaabtii xor baan ka ahoo;
Xamdi baygu waajibayee.

10. Iimaankaygii baa xasiloo;
Xamdi baygu waajibayee.

11. Xumaantoo dhan buu iga tiroo;
Xamdi baygu waajibayee.

12. Kitaabkiisii baan xafidoo;
Xamdi baygu waajibayee.

13. Xalaal quudataan ahayoo;
Xamdi baygu waajibayee.

14. Xargii ibliiska jaroo;
Xamdi baygu waajibayee.

15. Xabiibkii Allaan noqdayoo;
Xamdi baygu waajibayee.

16. Quduuskay xiriiriyeyoo;
Xamdi baygu waajibayee.

17. Xaakinkaan xusuusanahoo;
Xamdi baygu waajibayee.

18. Jannadaan la soo xarmadoo;
Xamdi baygu waajibayee.

19. Lay xisaabin maayo berroo;
Xamdi baygu waajibayee.

14. Ciise waa Masiix

Ciise waa Masiix, waa markhaati run ah.
Maalintuu yimaado ninka moog ayaa
murugo iyo dhiib qaba.

1. Magaciisa baa dembi maydhiyoo.
Maamuus runtuu ku mutaystay sharaf.
Waana muran la’aan.

2. Dhakhtar maadiyo Midhka uu yidhaa
Loo mabsuudayoo.
Ifka oo mugdi ah Maalin buu ka dhigay.

15. Nuurkii Adduunka

1. Nabar aan dawo lahayn
oo lala nusqaamiyo,
naf go’day oo xabaalani
nooleeyahiiyow.
Nuurkii adduunkow,
Naruuradaada qaaliga,
Nimcadaada wax naga sii;
Nimcadaada wax naga sii!

2. Markii aan nuglaannee
niyadda naga xumaatee,
qalbigu naafo gaaro,
Naxariistahiiyow!
Ciise nuurkii dunidow,
Naruuradaada qaaliga ah,
Nimcadaada wax naga sii;
Nimcadaada wax naga sii!

3. Adaa nacabka Shayddaan ee
qalbiga nagida ku ahaa.
Niyadda iiga saaroo
naarta iga xoreeyee.
Kuwa naca xanbaarsanee
aan garan nasteexada,
Nimcadaada gaarsii;
Nimcadaada gaarsii!