Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Codadka Iftiinka - 2

Waa 13 qasiido oo xul ah oo la duubay Itoobiya sannadkii 2005kii. Habka waa mid casri ah, biyaano, cuud, kaban [kulligood isku dubbarriday kombiyuterka] iyo codad farabadan.

1. Aabbow ha na dayrin

1. Ibliis la dagaala, dariiqaan nahee.
Aabbow ha na dayrin ,
dadkaagaan nahee!

2. Qofkii dulmi doona, dab naar ah gelayee.
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

3. Masiixa qof diiday, jinnaa la darsee .
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

4. Qofkii xaqa diiday, Ibliis dabrayee .
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

5. Masiixii daraaddeenna loo dilayow.
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

6. Dariiqii Shayddaanka ka soo durugnee .
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

7. Dhiiggaagii la daadshaa na daahiriyee .
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

8. Dabiibkii nafteenna ayaad noqotee.
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

9. Dariiqii xumaatada waan dafirree .
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

10. Inaad soo degaysaan diyaar u nahee.
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

11. Kolley ma dulloobo qof daacad ahee.
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

12. Di- soo-noqod kaaga ma aan dafirree .
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

2. Bashiirow Masiixii

Bashiirow Masiixii
kii loo bogaan,
barakaysanaynaa Boqorkeenna weyn.

1. Marka buunku yeero
laysu soo baxayo ,
barakaysanaynaa
Boqorkeenna weyn.

2. Bannaankii qiyaamaha
marka beeshu joogtaan,
barakaysanaynaa
Boqorkeenna weyn.

3. Marka baaddil suulee
bidci baadiyowbaan ,
barakaysanaynaa
Boqorkeenna weyn

4. Baraarkii Ilaahee darteen
loo bireeyey ;
Barakaysanaynaa
Boqorkeenna weyn.

5. Badbaashaha adduunkee
dembi naga badbaadshaan ,
barakaysanaynaa
Boqorkeenna weyn.

3. Baryada Rabbiga

Eebbow sarreeyow , waan kuu salaadnaa.
Eebbow sarreeyow, waan kuu salaadnaa!
Samaa isinkaaga lahaa suubbanaan ! Samaa isinkaaga lahaa suubbanaan!
Sayidnimadaa ha soo degatoo! Sayidnimadaa ha soo degatoo!
Samada say ku tahay dhulkana ka sin !
Samada say ku tahay dhulkana ka sin!

1. Na sii cunno iyo waxaan cabnaba!
Na sii cunno iyo waxaan cabnaba!
Na sii saaka soortaan u baahan nahay!
Na sii saaka soortaan u baahan nahay!

2. Waxaannu samayno noo saamax …
Waxaannu samayno noo saamax …
… sidaan innaba u saamaxayno!
…sidaan innaba u saamaxayno!

3. Ha na saarin miisaankaaga !
Ha na saarin miisaankaaga!
Ha nagu sii dayn siriqda Shayddaan!
Ha nagu sii dayn siriqda Shayddaan!

4. Maanta noo miciin

Maanta noo miciin!
Maanta noo miciin!
Maanta noo miciin!
Maanta noo miciin!

1. Masiixeennii weynaa,
Mowlaheennu doortayow !

2. Maryan kay xambaartow ,
madigii Ilaahow!

3. Midkii noo dhintow,
dembigeenna qaadow!

4. Meel kastoo aan joognoo,
magacaagaan ammaannaa.

5. Murug waa na daysoo ,
mowd ka baqi maynoo.

6. Magacaagaa sarreeyoo ,
meel walba laga ammaanaa.

7. Masiixiyiinta oo idil ,
kii ay mahadiyeenow

8. Mowlihii na uuntaa,
magac weyn ku siiyoo; Midigtiisa joogtaa.

5. Maryaamoo

Maryamoo bikraa baa Masiixii dhashoo,
markaasaa la yaaboo, mucisey ahayd.

1. Iyadoo rag moog bay malaa’ig salaantoo,
markaasay uurowdoo; Mucjisey ahayd.

2. Markuu Yuusuf arkuu ka madluumayoo.
Markaasay caddeeyeen; Mucjisey ahayd.

3. Xiddigtii Masiixaa maqaawiir arkeenoo;
Markaasay caddeeyeen; Mucjisey ahayd.

4. Boqorkii maqlay baa murugoodayoo.
Macnuhuu la yaaboo. Mucjisey ahayd.

5. Mooradii lo’aad buu mugdigii dhashoo.
Misbaax baa la moodoo. Mucjisey ahayd.

6. Maqaawiirtii markay mudanahan arkeen,
meel kalay mareennoo. Mucjisey ahayd.

7. Ari mayracii baa malaa’ig u sheegtoo;
Markaasay siyaarteen. Mucjisey ahayd.

8. Masar in la geeyoo muddo jooga baa,
Malaa’ig inshaartoo. Mucjisey ahayd.

6. Qalbigayga ku doortaye

Masiixii deeqda badnaayoow!
Qalbigaygaa ku doortayey.

1. Daraadday baa laguu dulmoo;
Qalbigaygaa ku doortayey.

2. Dembigaygaa laguu dilayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

3. Diintaadii baan ku diirsadayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

4. Dembigii wayga daahirisoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

5. Dhiiggaagii baygu daahirisoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

6. Dariiqii jannadaad tahayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

7. Rabbiyoow daacad baan ahayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

8. Xumaantaad naga dabooshayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

9. Daayinkey baad la nooshahayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

7. Boqorku soo noqonoo

Intuun Boqorku soo noqonoo
baabkana la soo xirineey,
‘Dad Allow baraaruga ee!’

1. Ballankeennu waa saaseey.
Ballankii Masiixeennii dadka baylayaashaa ba’ayoo .
Bartankii cadaabtii bay ka barooran doonaaneey.

2. Kuwa boobi boolida ee
sinada u bareeraayaa,
bartankii cadaabtii bay ka
barooran doonaaneey.

3. Qofka baaddil ruux ku dilaa
baxsan maayo aakhiro ee
bartankii cadaabtii bay ka
barooran doonaaneey.

4. Ruuxii xumaan u bogoo xan
ku baaramaa ba’ayee ;
Bartankii cadaabtii bay ka
barooran doonaaneey.

5. Ka Masiixa beeninay iyo
bidci baadi bay noqonoo.
Bartankii cadaabtii bay ka
barooran doonaaneey.

6. Xaqa kuwa ka beyrahayaa
ma badbaadi doonaan oo
bartankii cadaabtii bay ka
barooran doonaaneey.

7. Ka Masiixa baal ka maraa
bohol naar ah buu geliyoo;
Bartankii cadaabtii bay ka
barooran doonayaan.

8. Aan Ammaanno Rabbiga

Aan ammaanno Rabbiga!
Aan ammaanno Rabbiga!

1. Ilaaheenna weynoo
aadmiga abuuree .
Eraygiisa weeyee.

2. Annagoo itaal daran
oo abid isbixiyeen ;
Asagaa na saamaxay .

3. Waa Amiirka nabaddee.
Waa Iftiinka dunidee,
Allaheenna soo diray.

4. Asagaa awood loo
iin aan lahaynoo
ka adkaaday geerida .

5. Arrin weeye farxad loo.
‘Alxamdulillaahi’,
inta aan niraahno.

9. Aannu Madiixno

1. Aannu madiixno oonu murweeyno !
Aannu madiixno oonu murweeyno!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!

2. Aannu mashxaradno oonu maamuusno !
Aannu mashxaradno oonu maamuusno!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!

3. Aan marxabbayno oonu mushaaxno !
Aan marxabbayno oonu mushaaxno!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!

4. Inuu mooro jiifoo maro lagu duubay!
Inuu mooro jiifoo maro lagu duubay!
Habeen mugdiyaad baa malaa’iigu sheegtay!
Habeen mugdiyaad baa malaa’iigu sheegtay!

5. Asagaa mudane mahad aan u celinno!
Asagaa mudane mahad aan u celinno!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!

6. Waa la musmaaray wuuna murugooday !
Waa la musmaaray wuuna murugooday!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!

7. Maqawiirtii garatay meeshuu ku dhashay!
Maqawiirtii garatay meeshuu ku dhashay!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!

8. Malmal iyo fooxna Maryan loo keenyeye!
Malmal iyo fooxna Maryan loo keenyeye!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!

9. Aannu madiixno oonu murweeyno!
Aannu madiixno oonu murweeyno!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!
Masiixeennii maalintuu dhashay weeye!

10. Adiga Iftiinkayga Ah

1. Adigaa iftiinkayga Ciise Masiix.
La'aantaaduna waa ii gudcuree .
La'aantaaduna waa ii gudcuree.
La'aantaaduna waa ii gudcuree.
La'aantaaduna waa ii gudcuree.

2. Adigaa i badbaadinaya ee;
La'aantaaduna waa ii dhimashee.
La'aantaaduna waa ii dhimashee.
La'aantaaduna waa ii dhimashee.
La'aantaaduna waa ii dhimashee.

3. Adigaa i hoggaaminaya ee;
La'aantaaduna waan habaabayaa .
Habaabayaa, habaabayaa!
La'aantaaduna waan habaabayaa.

4. Adigaa i gargaarahaya ee;
La'aantaaduna waan go'ahayaa .
Go'ahayaa, go'ahayaa!
La'aantaaduna waan go'ahayaa.

5. Adigaa i kaalmaynahaya ee;
La'aantaaduna waan kufahayaa .
Kufahayaa, kufahayaa!
La'aantaaduna waan kufahayaa.

6. Adigaa i caawimahaya ee;
La'aantaaduna waan cidloobayaa.
Cidloobayaa, cidloobayaa!
La'aantaaduna waan cidloobayaa.

11. Ciise Kiristoos

Bixiyahayga Ciise buu yahay; Badbaadiyahayga oo fiican.
Ciise Kiristoos waan aamminay ;
Imminka waan raacayaa.

1. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Magaciisa waan ammaanaa ,
Dhiiggiisana waan aqbalay .

2. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Gacmihiisa waa loo qodbay
xumaantaydii aan falay .

3. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Kii ii dhintay daraaddayba .
Kii ka kacay kuwii dhintay.

4. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Dembidhaafka waan ka helay;
Carotirka buu yahay.

5. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Jacaylkiisa waa i galay;
Caasinnimo wayga saaray .

6. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Mugdigayga waa dhammaaday;
Iftiinkiisa waa i gaaray.

7. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Wuu i furay, wayga furay;
Shakigaygii wayga furay.

8. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Dembigayga wayga saaray;
Qalbi cusub wuu i siiyey.

9. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Ballankiisa waan rumeeyey,
Ruuxiisiina waa i galay.

10. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Wuxuu joogaa qalbigayga,
Gudihiisa wuu ku jiraa.

11. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Dhimashada ka biqi maayo,
sakaraadka ka cabsan maayo.

12. Ciise Kiristoos waan aamminay;
Imminka waan raacayaa.
Waxaan goostay inaan raaco;
Fakiskayga buu yahay.

12. Gabankii Eebbow

Gabankii Eebbe waa kay guushu raacdoo.
Gabankii Eebbe waa kay guushu raacdoo.
Gacmahaa loo hoorsanoo waa Guullaheennee .

1. Gefkii aan galay buu guudka iska saaroo.
Gacmahaa loo hoorsanoo waa Guullaheennee.

2. Dembigaan geysanuu geeriyoodoo.
Gacmahaa loo hoorsanoo waa Guullaheennee.

3. Gacmaha iyo gundahaba waa laga musmaaroo.
Gacmahaa loo hoorsanoo waaGuullaheennee.

4. Qofkii garan waaya uumbaa guuldarraystoo.
Gacmahaa loo hoorsanoo waa Guullaheennee.

5. Waa inaan gacashano, garano, ammaanno.
Gacmahaa loo hoorsanoo waa Guullaheennee.

6. Goortuu soo laabto oo geyigan yimaado;
Gacmahaa loo hoorsanoo waa Guullaheennee.

7. Kuwa garan doona uunbaa guushu raacdoo.
Gacmahaa loo hoorsanoo waa Guullaheennee.

8. Garsoorkii aakhiruu noo noqon Guddoonshoo.
Gamahaa loo hoorsanoo waa Guullaheennee.

13. Rabbiga aamina

Rabbiga aamminoo addeeca !
Rabbiga aamminoo addeeca!

1. Dembigeenna isagaa u dhintay.
Idilkiinba aamminoo addeeca!

2. Isagu waa Amiirka nabaddee.
Amar oo dhan isaga la siiyey.

3. Waa hubaal inuu soo noqonayoo.
Erayga Ilaah baa caddeyey .

4. Soo jeeda si aad ula kulantaan.
Sacadduna sidaa uma sii fogee.

5. Mowlaheenna mahad aan u celinee!
Masiixiisa isagaa na siiyey.