Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qasiidooyin Bishaaro Ah - 2

Waa 12 qasiido oo xul ah oo la duubay magaalada Nayroobi sannadkii 1992kii. Habka waa sida qaraamiga oo kale, kaban iyo laba cod.

1. Ciise Waa Nool Yahay

Ciise! Ciise! Maanta waa nool yahay
oo wadnahayguu ku jiraa.
Alxamdulillah maanta!
Ciise Kristoos! Maanta waa nool yahay
oo dembigayga wuu dhaafay.
Ciise waa nool yahay!

2. Inankaygiyow

1. Inankaygiyow , inankaygiyow,
qalbigaaga i sii!
Inankaygiyow, inankaygiyow,
qalbigaaga i sii!
Waan caddaynayaa qalbigaaga;
Inankaygiyow ii kaalay!
Waan safaynayaa qalbigaaga;
Ii kaalay maanta!

2. Inankaygiyow, imminkada
wadnahaaga i sii!
Inankaygiyow, imminkada
wadnahaaga i sii!
Waan ku sugayaa , inankaygiyow.
Imminkada ii kaalay!
Waan ku sugayaa, inankaygiyow!
Ii kaalay maanta!

3. Inankaygiyow, imminkada,
dembigaaga ii keen!
Inankaygiyow, imminkada,
wadnahaaga ii keen!
Waan ka saarayaa dembigaaga.
Imminkada ii kaalay!
Waan ku sugayaa, inankaygiyow!
Ii kaalay, kaalay!

3. Miyaad U Tagtay Ciise

Miyaad ku mayratay dhiigga baraarka?
Miyaad rumaysanin
raxmaddiisa saacaddan?
Miyaad ku mayratay dhiigga baraarka?

2. Miyaad ku mayratay?
Miyaad ku mayratay dhiigga Masiixa?
Miyuu qalbigaagu nadiifsan yahay?
Miyaad ku mayratay dhiiggiisa?

4. Waa Inaan Badbaado Helaa

1. Baadi lunsan baan ehee.
Waa inaan badbaado helaa.
Baadi lunsan baan ehee.
Waa inaan badbaado helaa.
Badbaado helaa, badbaado helaa.
Baadi lunsan baan ehee.
Waa inaan badbaado helaa.

2. Barbaar buka baan ehee.
Waa inaan bogsiin helaa.
Barbaar buka baan ehee.
Waa inaan bogsiin helaa;
Bogsiin helaa, bogsiin helaa.
Barbaar buka baan ehee.
Waa inaan bogsiin helaa.

3. Baraar baxsadan ehee.
Waa inaan bixiye helaa.
Baraar baxsadan ehee,
Waa inaan bixiye helaa.
Bixiye helaa, bixiye helaa.
Baraar baxsadan ehee,
Waa inaan bixiye helaa.

5. Haye Aan Ammaanno

Haye aan ammaanno!
Haye aan ammaanno!
Ilaahii na uuntay.
Haye aan ammaanno!

1. Wuu na eegayaayoo
na ilaaliyaayee.
IIlaahii na uuntay.
Haye aan ammaanno!

2. Indhihiiyo dhegaha
iyo afarta addin
Isagaa na siiyee.
Haye aan ammaanno!

3. Waa ayaan wanaagasane.
Alla noo inshaaree.
Haye aan ammaanno!

4. ‘Alxamdulilaahi!’
Inta aan niraahno!
Ilaaheenna fiican.
Haye aan ammaanno!

5. Intii Eraygiisa
addeecdoo rumaysa
wuu u abaal gudaaye.
Haye aan ammaanno!

6. Intii aammintoo dhan
inamuu ka yeelee.
Haye aan ammaanno!

7. Waa wankii Ilaahoo;
Iinna aan lahayne.
Haye aan ammaanno!

8. Allabbarigeenna
inuu noo ahaado,
Inan buu na siiyee.
Haye aan ammaanno!

9. Ibliiskiyo jinniga
Isagaa ka adagee.
Haye aan ammaanno!

10. Haye aan ammaanno!
Haye aan ammaanno!
Ilaahii na uuntay.
Haye aan ammaanno

6. Baryada Rabbiga

Eebbow sarreeyow , waan kuu salaadnaa.
Eebbow sarreeyow, waan kuu salaadnaa!
Samaa isinkaaga lahaa suubbanaan ! Samaa isinkaaga lahaa suubbanaan!
Sayidnimadaa ha soo degatoo! Sayidnimadaa ha soo degatoo!
Samada say ku tahay dhulkana ka sin !
Samada say ku tahay dhulkana ka sin!

1. Na sii cunno iyo waxaan cabnaba!
Na sii cunno iyo waxaan cabnaba!
Na sii saaka soortaan u baahan nahay!
Na sii saaka soortaan u baahan nahay!

2. Waxaannu samayno noo saamax …
Waxaannu samayno noo saamax …
… sidaan innaba u saamaxayno!
…sidaan innaba u saamaxayno!

3. Ha na saarin miisaankaaga !
Ha na saarin miisaankaaga!
Ha nagu sii dayn siriqda Shayddaan!
Ha nagu sii dayn siriqda Shayddaan!

7. Masiixeennii Weynaa

Masiixeennii weynaa kama maarannoo.
Mugdigii qiyaamaa lagu moodayaa.

1. Isagaa Mulki loo mahad loo naqo,
Mugdigii qiyaamaa lagu moodayaa.

2. Maalintay xumaataan laga maarminoo.
Mugdigii qiyaamaa lagu moodayaa.

3. Mirirkii dembiguu naga maydhayoo.
Mugdigii qiyaamaa lagu moodayaa.

4. Magaciisa diidaa malcuun raacayoo.
Mugdigii qiyaamaa lagu moodayaa.

5. Macbuudkeennii weynaa ina maammuloo.
Mugdigii qiyaamaa lagu moodayaa.

6. Musbaaxdii adduunkuu naga yeelayoo.
Mugdigii qiyaamaa lagu moodayaa.

7. Milixdii adduunkuu naga yeelayoo.
Mugdigii qiyaamaa lagu moodayaa.

8. Maangaabka uumbaa ka murmaayoo;
Mugdigii qiyaamaa lagu moodayaa.

9. Dhiiggiisa macaan buu nagu maydhayoo.
Mugdigii qiyaamaa lagu moodayaa.

8. Qalbigayga Ku Doortay

Masiixii deeqda badnaayoow!
Qalbigaygaa ku doortayey.

1. Daraadday baa laguu dulmoo;
Qalbigaygaa ku doortayey.

2. Dembigaygaa laguu dilayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

3. Diintaadii baan ku diirsadayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

4. Dembigii wayga daahirisoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

5. Dhiiggaagii baygu daahirisoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

6. Dariiqii jannadaad tahayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

7. Rabbiyoow daacad baan ahayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

8. Xumaantaad naga dabooshayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

9. Daayinkey baad la nooshahayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

9. Xalay Baan Masiixii Arkoo

Xalay baan Masiixii arkoo.
Xamdi baygu waajibayee.

1. Xumaantaydii buu u dhintoo;
Xamdi baygu waajibayee.

2. Xinjirtiisii buu igu dhaqoo;
Xamdi baygu waajibayee.

3. Dembigaygii buu xalayoo;
Xamdi baygu waajibayee.

4. Geeriduu ka xoog badiyoo;
Xamdi baygu waajibayee.

5. Xabaashuu ka soo baxayoo;
Xamdi baygu waajibayee.

6. Xertiisii ayaa aragtoo;
Xamdi baygu waajibayee.

7. Xaqiiq ayaan helayoo;
Xamdi baygu waajibayee.

8. Ibliiskii ayuu xabbisoo;
Xamdi baygu waajibayee.

9. Cadaabtii xor baan ka ahoo;
Xamdi baygu waajibayee.

10. Iimaankaygii baa xasiloo;
Xamdi baygu waajibayee.

11. Xumaantoo dhan buu iga tiroo;
Xamdi baygu waajibayee.

12. Kitaabkiisii baan xafidoo;
Xamdi baygu waajibayee.

13. Xalaal quudataan ahayoo;
Xamdi baygu waajibayee.

14. Xargii ibliiska jaroo;
Xamdi baygu waajibayee.

15. Xabiibkii Allaan noqdayoo;
Xamdi baygu waajibayee.

16. Quduuskay xiriiriyeyoo;
Xamdi baygu waajibayee.

17. Xaakinkaan xusuusanahoo;
Xamdi baygu waajibayee.

18. Jannadaan la soo xarmadoo;
Xamdi baygu waajibayee.

19. Lay xisaabin maayo berroo;
Xamdi baygu waajibayee.

10. Ilaaheennii Weynaa

1. Aan ammaanno Rabbiga!
Aan ammaanno Rabbiga!
Aan ammaanno Rabbiga,
Ilaaheennii weynaa!

2. Isagaa na fakiya.
Isagaa na fakiya.
Isagaa na fakiya
Ilaaheennii weynaa.

3. Dembiguu naga hayaa.
Dembiguu naga hayaa.
Dembiguu naga hayaa,
Ilaaheennii weynaa.

4. Aan rumayno Eraygiisa!
Aan rumayno Eraygiisa!
Aan rumayno Eraygiisa,
Ilaaheennii weynaa!

5. Aan caabudno Isaga!
Aan caabudno Isaga!
Aan jeclaano Jaliilka,
Ilaaheennii weynaa!

6. Aan jeclaano Jaliilka !
Aan jeclaano Jaliilka!
Aan jeclaano Jaliilka,
Ilaaheennii weynaa!

11. Waa La Rogay

1. Waa la rogay, waa la rogay, waa la rogay;
Culays kastoo qalbigayga waa la rogay.
Waa la rogay, waa la rogay, waa la rogay;
Culays kastoo qalbigayga waa la rogay.
Dembigayga oo dhan dhiigga Ciise hoostiisa.
Waa la rogay, waa la rogay, waa la rogay;
Culays kastoo qalbigayga waa la rogay.

2. Waa la duubay , waa la duubay, waa la duubay;
Culays kastoo qalbigayga waa la duubay.
Waa la duubay, waa la duubay, waa la duubay;
Culays kastoo qalbigayga waa la duubay.
Dembigayga oo dhan dhiigga Ciise hoostiisa.
Waa la duubay, waa la duubay, waa la duubay;
Culays kastoo qalbigayga waa la duubay.

12. Ciise Waa I Jecel Yahay

Kitaabkiisaa ii sheegaa.
Anigu waa kiisiiba
Isaguna waa kayga.
Haa, Ciise i jecel yahay!
Haa, Ciise i jecel yahay!
Haa Ciise i jecel yahay!
Kitaabkiisuu ii sheegaa.

2. Ciise waa ku jecel yahay.
Kitaabkiisuu kuu sheegaa.
Dhiiggiisana waa ku siiyey.
Imminkaduu kuu yeerayaa.
Haa, Ciise ku jecel yahay!
Haa, Ciise ku jecel yahay!
Haa, Ciise ku jecel yahay!
Kitaabkiisuu kuu sheegaa.

3. Ciise waa ii dhintay;
Dhiiggiisana i siiyey.
Dembi wayga qaadayaa.
Qalbi cusub i siinayaa.
Haa, Ciise i jecel yahay!
Haa, Ciise i jecel yahay!
Haa, Ciise i jecel yahay!
Kitaabkiisuu ii sheegaa.