Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Dersiga Laba-iyo-tobnaad - Jid keliya

Sida ay xaqiiqo u tahay in Ilaah keliyuhu jiro, sidaas oo kale waxaa jira jid keliya oo Jannada lagu maro. Waa maxay jidkaasi?

  • Ma baryo baa? Maya baryo ma aha.
  • Ma ficilo wanaagsan baa? Maya, ficilo wanaagsan ma aha.
  • Ma lacag la bixiyaa? Maya, lacag la bixiyo ma aha.
  • Ma samaynta wixii kugu wanaagsan ee aad samaysaa baa? Maya, ma aha samaynta wixii wanaagsan.

Haddaba waa maxay jidka jannada loo maro?

SAYIDKA CIISE MASIIX wuxuu yiri, ANIGA WAXAAN AHAY JIDKA. Ma isagaa ah jidka keliya? Haa, Isagu waa jidka keliya ee jannada loo maro. Ma jiro mid qudha oo madaxda bin aadamka ka mid ah oo ina tusayo jidka qudha ee jannada loo maro. Laakiin Ciise Masiix oo qudha ayaa tilmaamayaa JIDKA KELIYA oo jannada loo maro. Isagu waa jidka. Haddii aynaan Ciise Masiix raacin, inaga inaba jannada tagi mayno.

Waxaad goosan kartaa inaad raacdo jidka ku geynaya nolosha waligeed ah iyo jannada, ama waxaad raaci kartaa jidka ku geynaya dhimashada iyo cadaabta weligeed ah.

Ilaah wuxuu doonayaa inaan doorto jidka taga nolosha weligeed ah. Shayddaanka wuxuu doonayaa inaad dooratid jidka taga dhimashada weligeed ah. Shayddaankuna kuguma qasbi karo inaad dooratid jidka cadaabta taga . Adigu waxaad leedahay ikhtiyaar. Adigu waxaad dooran kartaa meeshii aad doonayso inaad aakhiro tagtid. Waa inaad maanta doorataa. Haddii aadan sayid Ciise Masiix maanta dooran waxaad raaci doontaa jidka cadaabta tago. Haddii aadan haddeer go'aan gaarin, waxaad dooratay dhimashada weligeed ah. Waxaa suurtaggeli karta in aan ilaa berrito lagula sugin intaad go` aan ka gaarayso. Waxaa suurtaggeli karta inaad dhimato.

"Waayo, wuxuu leeyahay, wakhti la aqbalay ayaan ku dhegeysatay, Oo maalintii badbaadinta na ayaan ku caawiyey. Bal eeg, hadda waa wakhtigii la aqbalay; bal eeg, hadda waa maalintii badbaadinta."
- Warqaddii labaad ee rasuul Bawlos u qoray dadkii Korintos 6:20

Sayid Ciise Masiix wuxuu iskutallaabta ugu dhintay dambigeenna aawadiis. Wuxuu ku dhintay meeshii aad ka dhiman lahay, oo wuxuu qaatay ciqaabtaadii.
"Sida runta ah wuxuu xambaartay xanuunyadeennii, wuxuuna qaatay murugadeennii, laakiinse waxaynu ku tirinnay mid belaayo ku dhacday. Oo Ilaah dilay, oo dhibaataysan. Laakiinse waxaa isaga loo dhaawacay xadgudubyadeenna, waxaana loo nabarreeyay xumaatooyinkeenna, edbintii nabaadiinadeennana dushiisay ku dhacday, dildillaaciisiina waynu ku bogsannay. Dhammaanteen sidii ido baynu u hallownay, midkeen waluba jidkiisuu u leexday, oo Rabbigu wuxuu isaga dul saaray xumaanteenna oo dhan."
- Kitaabkii Ishacyaah 53: 4-6

Aqbal Masiixa kuu dhintay, oo waa inaad Ilaah ku tiraahdaa, "Anigu waxaan ahay dambiile, oo waxaan galabsaday ciqaab. Waxaan hadda rumaystay in Ciise Masiix ii dhintay oo uu dembi iga dhaafay. Hadda waxaan u aqbalay inuu badbaadiyahaygii yahay, oo waxaan isku dayi doonaa inaan isaga u noolaado wixii hadda ka dambeeyo."

ILAAH KELIYA IYO JID KELIYA! Haa, waxaa jira Ilaah keliya oo run ah.
Waxyaalaha kale oo ilaahyada lagu sheego oo dhammi waa wada been.
Waxaa jira jid keliya oo run ah , oo jidadka kale oo idil waa wada been.
Aammin Ciise Masiix oo hubsana inaad ku taagan tahay ama aadayso jannada.
Ciise Masiix wuxuu yiri, "Kii ii yimaadaa ma eryi doono." - Injiilka sida Yooxanaau qoray 6:37

Tijaabada Laba-iyo-tobnaad - Jid keliya

Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.

Su'aalahan dhawr oo erayada dersiga ku jira kaga jawaab:

Kuwan 'run' iyo 'been' mid kaga jawaab:

Soo Xiriir: