Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Hordhac

HORTA AYNU WADA HADALLO

Ereyo Ka Yimid Qoraha Buuggan

Weligaa ma doontay inaad ogaato wax ku saabsan waaya-aragnimadii nebiyada? Sidii ay u dareemeen ama u ogaadeen baahida ay Ilaah u qabeen? Sidii ducooyinkooda looga jawaabi jiray? Sidii Eebbe ugu yeeray uguna hoggaamiyey inay barako u keenaan banii-aadanka? Markii aad dhammeyso koorsadan ku saabsan nebiyada kaddib, ayaad awoodaysaa inaad ka jawaabto su'aalahan.

Waxaad baran doontaa noloshii nebiyada ay ka mid yihiin Nuux, Ibraahim iyo Muuse. Waxaan u malaynayaa inaad daah furi doontid ama ogaan doontid runta ku saabsan nebiyadan; runtaasoo noloshaada beddeli doonta.

Bal marka hore fiiro gaar ah aan siinno waxyaalaha aad u baahan tahay inaad ogaatid sidii aad u baran lahayd, si guul lehna ugu dhammayn lahayd koorsadan.

Koorsadan waxay isticmaalaysaa hab waxbarasho oo casri ah, taasoo kaa caawinaysa inaad si dhib yar u baratid qaynuunada isla markaana si degdeg ah ugu dhaqmi lahayd. Bal aynu fiirinno waxbarasho hoggaamineedkan.

WAXBARASHO HOGGAAMINEEDKAAGA

Wixii Aan Ka Maqalnay Nebiyada waa buug aan ku dhibayn qaadashadiisa, kaasoo aad mar kasta sidan karto aadna akhrisan karto mar kasta oo aad wakhti firaaqo ah leedahay. Isku day inaad samaysato wakhti aad ku akhrisatid buuggan maalin kastaba. Buuggani wuxuu wataa leyligiisa.

Waxaad arki doontaa ulajeeddooyinka lagugu siiyey bilowga cashar kasta qaybta la yiraahdo "Casharkani wuxuu kaa caawinayaa inaad...." erayga ulajeeddo ayaa buuggan lagu isticmaalay, si aad u ogaatid waxa aad filayso inaad ku ogaatid waxbarashadaada. Ulajeeddo waa muraad ama qasdi. Waxaad si fiican u baran doontaa haddii aad maskaxda ku haysid ulajeeddooyinkaaga.

Hubi inaad si taxaddar leh u baratay labada baal ee ugu horreeya cashar kasta. Tani waxay maskaxdaada u sii diyaarinaysaa waxa soo raaci doona. Dabadeed u baro casharka qayb qayb adigoo raacaya tusaalooyinka ama tilmaan bixinta ku qoran bilowga Leyli kasta. Haddii aad weydo meel ku filan oo aad ku qorto jawaabaha su'aalaha ku jira barasho hoggaamineedka ku qor buuggaaga qorista, sidaas darteed dib ayaad u fiirin kartaa markaad doonaysid inaad dib u baratid ama naqtiintid casharka. Kaddib markaad dhammaysid jawaabaha leyli kasta, rog ama geddi dhammaadka casharka isuna fiiri jawaabahaaga iyo kuwa kale ee lagu siiyey.

Dhammaadka cashar kasta waxaa lagugu siiyey Imtixaanka Casharka. Akhri tilmaan bixinta lagu siiyey. Ka bacdi samee imtixaanka adigoo isticmaalaya BUUGGA ARDAYGA EE WARBIXINTA JAWAABAHA, si aad ugu qortid ama ugu kaydisid jawaabahaaga.

BUUGGAAGA ARDAYGA EE WARBIXINTA JAWAABAHA

Haddii aad u baranaysid inaad heshid shahaado, waxaad heshay buug gaar ah oo cinwaankiisu yahay BUUGGA ARDAYGA EE WARBIXINTA JAWAABAHA. Dhammee qayb kasta oo ka mid ah buuggan marka lagu weyddiiyo dhammaadka cashar kasta. Waxaad ka heli doontaa tilmaanbixin buuxda oo ah sida loo calaamadiyo waraaqda jawaabahaaga bogga labaad ee buuggan.

Haddii aad mar hore cashar kowaad si gooni ah u baratay waxaad buuxisay waraaq jawaabeed gooni ah. Marka aad hadda ka jawaabtid casharka kowaad ee buuggan, waxaad u baran doontaa naqtiin ahaan casharka 1aad.

Raac tilmaan bixinta lagugu siiyey BUUGGA ARDAYGA EE WARBIXINTA JAWAABAHA si aad ugu dirtid macallinkaaga ICI-da ka tirsan ama xafiiska ICI ee ku yaal meesha kuugu dhow. Cinwaanka ICI-da wuxuu ku qoran yahay baalka 1aad ee Horudhac ee ee buuggan iyo baalka ugu dambeeya ee BUUGGA ARDAYGA EE WARBIXINTA JAWAABAHA.

SHAHAADADAADA DHAMMAYSTIRKA

Markaad dhammaysid koorsadan iyo shaqada warbixinta ardayga, u dir BUUGGAAGA ARDAYGA EE WARBIXINTA JAWAABAHA macallinkaaga ICI-da ka tirsan. Kaddib markii la saxo ee la ogaado inaad si fiican u baratay qayb kasta oo buugga ka mid ah ayaad helaysaa Shahaado.

Eebbe ha kugu barakeeyo waxbarashadaada!