Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 3

Si uu u caawiyo dadku inay fahmaan digniinahiisa, ayaa nebigu wuxuu u sheegay qisadan soo socota:

Nin baa wuxuu goostaa inuu abuurto beer geed-canab ah. Wuxuu soo fiirsaday dhul carro san oo buuraha ka hooseeya. Markaasuu falay, dhagxaantiina ka nadiifiyaa, wuxuuna ku tallaalay geed-canabkii ugu wanaagsanaa. Waxaa markaasi uu dhistay munnaarad, si uu uga ilaaliyo qof kastoo doonaya inuu waxyeeleeyo hantidiisii ama xado miraha. Wuxuu u diyaargaroobaa beer-goynta iyo sidii uu u isticmaali lahaa mirihii uu filayey. Haddii si kale loo yiraahdana, si weyn buu ugu dadaalay beertiisa, oo geed-canabkiisana wuu dhaqaalaystay!

Muxuu filanayey inuu ka helo hawshiisan taxaddarka leh? Dabcan, wuxuu filanayey beer-goosasho wanaagsan oo ahaa canab oo qurxoon macaan badan. Laakiin waxaad haddaba ka fekertaa sida ay niyadjab ugu tahay markii uu soo qaatay xirmo bisil oo canab ah oo dhadhamiyey, dabadeedna arkay inay dhanaan badan oo qaraar tahay. Sidee bay taasi ku dhacday? Muxuuse ka dareemay niyadjabka iyo fara-marnaanta!

Maxay kula tahay in ninkaasu samayn lahaa? Waxaa ninkii yiri: "Deyrka ayaan ka qaadi doonaa beerta geed-canabka ah, oo dabadeedna waa la baabi'in doonaa. Derbigiisa waan jejebin doonaa, oo waa lagu tuman doonaa. Waxaan ka dhigi doonaa dhul engegan oo aan la tacban lana beerin, oo halkaas waxaa ka bixi doona yamaarug iyo geed qodxan leh. Waxaanan daruuraha ku amri doonaa inayan ku di'in halkaas."

Wuxuu yiri Ishacyaah, "Tani waa faallo ku saabsan waxa ka dhex dhacay Ilaah iyo dadkiisa."

Ishacyaah horey buu u sii ambaqaaday inuu faallo ka bixiyo in beerta geed-canabka ahi ay u taagan tahay dadka, oo uu abuurtay oo daryeelay Eebbe kalgacal badan. Wuxuu sameeyaa wax kasta oo suuraggal ah si uu u caawiyayo iyaga. Wuxuuna ka filayay inay ka jawaabaan kalgacalkiisii oo addeecaan isaga, laakiin waxay noqdeen sida carruur waalidiintood aflaggaaddeeya. Muxuu Ilaah tan ka samaynayaa? Wuxuu u soo diray farriin digniin ah, wuxuuna yiri sida ku qoran kitaabka Ishacyaah, cutubka 1aad, aayadda 28aad:

"Kuwa xadgudba iyo dembiilayaasha isku mar baa la burburin doonaa, oo kuwa Rabbiga ka tagana waa la wada baabi'in doonaan."

Waxaa kaloo uu yiri, sida ku qoran kitaabka Ishacyaah 1:30-31 oo leh:

"Idinku waxaad ahaan doontaan sida geed caleentiisa dhadho iyo sida beer aan biyo lahayn. Kan xoogga badanu wuxuu noqon doonaa sida xanbus oo kale, oo shuqulkiisuna wuxuu noqon doonaa sida dhimbiil oo kale, oo labadooduba way isla guban doonaan, oo lama demin doono iyaga."

Nebi Ishacyaah wuxuu yiri, Ilaah aad buu u calool-xumaaday oo u tiiraanyooday, waayo, saddex siyaaboodba dadku way u guuldarraysteen:

  1. Si kibir leh bay u dhaqmeen, iyagoo ku tiirsan jidadkooda oo aan Eebbe ku tiirsanayn.
  2. Waxay ahaayeen kuwo hunguri weyn oo naf-jeclaysi badan, iyagoo wax walba isla raba, oo khiyaameeya dadka masaakiinta ah iyo kuwa tabarta daran.
  3. Waxay isku dayeen, iyagoo weliba sharkaas ku dhex jira, inay waaqdhaac xoolo ah iyo hawlo diini ah sameeyaan. Ma ayan garan macaaniga iyo ulajeeddada waaqdhaaca iyo tukashadaba.

Codkii digitaanka ahaa ee Ilaah ayaa u yimid Ishacyaah, oo wuxuu ku yiri sida ku qoran Kitaabka Ishacyaah 29:13 oo leh:

"Dadkanu way ii soo dhowaadaan, oo afkooda iyo bushimahooda ayay igu maamuusaan, laakiin qalbigooda way iga fogeeyeen, oo caabudaadda ay ii sameeyaan waa amarka dadka laga bartay oo keliya."