Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 5

BIXIYAHA IYO CASUMAADDA

Midda ugu muhiimadda ballaaran ee laga helo ballammada Ilaah inoo soo mariyey Ishacyaah waxaa weeye in Eebbe yahay Bixiyaheenna. Eraygaas bixiye ama madaxfure marar badan baa lagu isticmaalay Qorniinka nebigan. Wuxuu eraygaasu lahaa micne khaas ah oo sharciga iyo caadadii jirtay wakhtigii Ishacyaah.

Si loogu caddeeyo banii-aadanka baahida furashada, ayaa Ilaah isticmaalay xeerka ama caadada waaqdhaaca xoolaha. Sida aynu casharkeenna ku soo aragnay, dembiga waa in dhimashada lagu ciqaabaa. Ilaah isagoo quduus iyo caddaalad ah dembi fasixi maayo. Laakiin, jacayl iyo naxariis buu inagu siiyey qorshe furasho. Markii dadkiisu ka toobadkeeneen oo weyddiisteen cafis, Eebbe wuxuu aqbalay waaqdhaaca xoolaha, kaasoo calaamadda u ahaa in qaantii la bixiyey. Sida badan neefka wuxuu ahaan jiray baraar kaamil ah oo aan wax iin ah lahayn. Wuxuu qaaday ciqaabta, oo dhiiggiisii la daadiyey ayaa calaamad u ahaa daahirinta dembiga. Markii neefku u galo beddelkii qofka sida tan, ayaa waxaa daboolka laga qaaday sida dembigu u xun yahay. Xeerkaas ayaa dadka ku caawiyey inay gartaan inayan iska badbaadin karin dembiga. Waxay u baahnaayeen bixiye.

Markii Ishacyaah Ilaah ku macneeyey sida Bixiyaha, wuxuu ka waday in Ilaah oofin doono ballamadiisii dadka oo Ilaahna dadka aad ugu dhow yahay sida dadkuba qaraabo ahaan isugu dhow yihiin. Xitaa, wuxuu ka wadaa in Eebbe diyaar u yahay inuu bixiyo qiima kasta si dadkiisa uu uga soo furto qaamaha dembigooda. Wuxuu bixinayaa ciqaabtii lagu lahaa. Oo wuxuu ka soo furanayaa addoonnimadooda.

Markaas Ilaah wuxuu bilaabay inuu dadkiisa wax baro, isagoo farriinta u soo marinaya nebiyada, inuu waaqdhaaca xooluhu ahaa calaamad aan joogta ahayn. Waxaad xusuusataa sidii Ilaah qudhiisu u keenay waaqdhaacii si uu wiilkii Ibraahim uga samatabbixiyo mindida? Sida xaqiiqda wuxuu ahaa waaqdhaac weyn oo la bixiyey. Wuxuu ahaa sawir qurux badan oo u taagan waaqdhaac weyn kaasoo loo keeni doonay inuu soo furto banii-aadamka oo dhan. Waaqdhaacaas Bixiyaha ah, wuxuu maalin uun ka dhex muuqan doonaa dadka isagoo la mid ah muujintii Eebbe ee banii-aadanka.

Dabcan, Ilaah wuxuu ogaa ilaa bilowgii dunida inuu is muujin doono isagoo ah Bixiyaha dhabta ah ee dadkiisa. Taas ayaa ah akhbaarka wanaagsan ee inooga yimid bushimihii nebi Ishacyaah. Ishacyaah maanu garanayn faahfaahinta ka dambaysa qarsoodigan yaabka leh, laakiin si daacadnimo leh ayuu ugu wacdiyey farriimihii ballanka iyo qalbiqaboojinta, isagoo leh: "Dhammaantiin farxa, oo kulligiin hees ku dhufta, waayo Rabbigu dadkiisii wuu qalbi-qaboojiyey. Oo iyaga wuu soo furtay. Oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna waxay wada arki doonaan badbaadada Ilaah."

Ishacyaah wuxuu sii sheegay in Ilaah shaaca ka qaadi doono Bixiyaha ama Madaxfuraha isagoo soo hormarin doona wargeeye kale. Ninkaasuna wuxuu ahaan doonaa ogeysiiye ama caddeeye imaanshaha Bixiyaha. Wuxuuna ahaan doonaa, Kan cidlada ka dhawaaqaya ee leh: "Jidka Rabbiga hagaajiya". Wuxuuna dadka niyadahooda u diyaarin lahaa imaanshaha Masiixa.