Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 1

Miyuu Ilaah kula hadlaa adiga?

Haah. Ilaah wuxuu la hadlaa mid kasta ee siiya isaga fursad.

Dabcan waxaynu u isticmaalnaa kalmadda ah hadlid innagoo uga gol leh "aynu wada xaajoonno" ama "xiriir aan wada yeelanno." Waxaa taasi ku jira dhowr nooc oo hadallo ah. Waxaynu imminka soo baranay sidii Eebbe Yuusuf ugula hadlay riyo. Taasina waxaa weeye, in Ilaah iyo doonistiisaba loo garansiiyey Yuusuf sidatan.

Waxaynu xusuusannaa in Ilaah la hadlay Nuux, isagoo wax uga sheegaya daadka. Wuxuu ula hadlay sida macallin hoggaamiye ah yeeli lahaa, si deggan isagoo faallo ka siinaya dhismaha doonnida. Hubaashii Eebbe wuxuu sida badan la hadli jiray Ibraahim. War muxuu cadaa ama fasiix ahaa codkii u yeeray si uu u bilaabo farac cusub. Maxayse hadalladii Ilaah ee lagu joojiyey billaawihii wiilka saarnayd oo inankiisiina lagu badbaadiyey ahaayeen kuwa yididdiilo leh.

Isagoo dad khaas ah la hadlaya, Ilaah wuxuu gaaray saddex ulajeeddo. Marka ugu horraysa wuxuu ogeysiiyey iyaga jiritaankiisa. Waxaa kaloo uu u caddeeyey inuu doonayo wehelnimadooda. Waxaa kaloo uu siiyey tusmooyin si ay horey ugu ambaqaadaan qorshooyinkiisa.

Imminka waxaynu arkaynaa in Eebbe aanu doonayn oo keliya in uu la hadlo dadka qaar, laakiinse uu doonayo inuu la hadlo dadka oo dhan meel kastoo ay joogaanba. Dooni maayo oo keliya inuu bixiyo tusmooyin khaas ah, laakiin wuxuu doonayaa in doonistiisa dunida oo dhan laga ogaado. Marka ay sidan tahay wuxuu jecel yahay in hadalka la qoro. Markaana iyadoo ay ugu wacan tahay habka uu dadka ula shaqeeyo, ayaa Ilaah doortay qof.

Casharkan waxaynu ku soo qaadanaynaa cutub ka mid ah kuwa ugu xiisaha badan ama ugu muhiimsan ee taariikhda aadanaha -- waana noloshii iyo shaqadii Muuse, ninkii ugu horreeyey ee Eebbe hadallo muujin ah oo qoran ka helay.

Casharkan waxaad ka baran doontaa...

  • Sababta Ilaah Muuse ugu yeeray.
  • Waxaynu run ka barannaa Erayga Eebbe.
  • Waxay tahay inaynu ixtiraamno oo addeecno Erayga Eebbe.

Casharkani wuxuu kaa caawinayaa inaad...

  • Faallo ka bixiso sababtii Eebbe ugu yeeray Nebi Muuse.
  • Ka sheekayso xaqiiqooyin ku saabsan Tawreedda.
  • Ka mahadceliso Erayga Eebbe.
  • Fahanto oo addeecdo Erayga Eebbe.

SABABTA ILAAH MUUSE UGU YEERAY

Dadka Ilaah mar kale ayay dhibaato ku jireen. Eebbe baa dhawray iyaga markii uu Nebi Nuux la hadlay wakhtigii daadka. Waxaa kaloo uu ka ilaaliyey inay sanam-caabudidda ku sii socdaan markii uu Ibraahim u yeerey. Abaartiina wuxuu kaga badbaadiyey markii uu Yuusuf u yeerey. Markaas waxay u baahnaayeen ka samatabbixinta addoonsiga naxariisdarrada ah iyo dullinimada ku hareereysan ee reer Masar in laga soo furto.

Waxaan ka akhrinaynaa Kitaabkii labaad ee Muuse oo la yiraahdo Baxniintii, cutubka 2, aayadaha 23 iyo 25, sidatan:

"Oo waxay noqotay in waayahaas badan dabadeed uu boqorkii Masar iska dhintay, reer banii-Israa'iilna addoonnimada aawadeed ayay ula taaheen, oo way ooyeen, oo oohintoodiina waxay gaartay Ilaah addoonnimada aawadeed. Markaasaa Ilaah arkay reer banii-Israa'iil, Ilaahna wuu ogaaday xaalkoodii."

Marka Ilaah baa Muuse u yeerey inuu hoggaamiyo dadkiisa, sida ku qoran Kitaabka Baxniintii 3:7, 10, oo leh:

"Rabbiguna wuxuu ku yiri, "Hubaal waxaan arkay dhibaatada dadkayga ku haysata Masar, oo waan maqlay oohintii ay ooyeen kuwa hawsha ku qaxraya aawadood, waayo anigu waan og ahay caloolxumadooda; haddaba kaalay, oo waxaan kuu dirayaa Fircoon, inaad dalka Masar ka soo kaxaysid dadkayga."

Muuse wuxuu ahaa nin xoog badan oo xigmad leh. Wuxuu ka bartay hooyadiis in Eebbe badbaadiyey isaga markii uu dhallaanka ahaa. Wuxuu garanayey jidadka Ilaah oo wuxuu ahaa mid Ilaah u hoggaansan. Si kastaba ha ahaatee markii uu Ilaah hadalladiisa maqlay, buu is-hooseysiiyey oo wuxuu Ilaah ku yiri, "Bal yaan ahay anigu, inaan dadkaaga hoggaaminayo? Lagaba yaabo in dadku ayan i raacin. Sidee baan iyaga ugu sharraxayaa inaad adiga Rabbigayga ahi, i soo dirtay? Maxaan oran doonaa haddii ay i weyddiiyaan magaca Rabbigayga?"

Eebbe wuxuu Muuse u sheegay inuu ku tago magaca Ilaaha Ibraahim. Dabadeedna wuxuu siiyey awoodda uu ku sameeyo calaamado mucjiso si dadku u rumeeyo.

Waxaynu aragnay in dad kale loogu yeeray inay sameeyaan hawlo khaas ah markay Ilaah u adeegayaan. Laakiin hadda ka hor Ilaah cidna uma dhiibin hawl la mid ah tii uu Muuse u dhiibay.

Hawshiisu waxay ahayd hawl hoggaamiyannimo toos ah iyo ka dhaadhicin ah. Waxaa loo diray in dadka kale uu u sheego doonista Eebbe iyaga ka leeyahay oo uu ku hoggaamiyo inay xiriir la yeeshaan Ilaah. Ilaah ayaa isaga saddex siyoodba ugu diyaariyey hawshiisa: Muujinta uu u muujiyey Magaciisa, Awooddiisa, iyo Sharcigiisa ama Qaynuunadiisa.

Erayga magac ayaa qorniinka quduuska ahi ku macneeyaa dabeecadda iyo baxaalliga hoos ahaaneed ee qofka. Waxay muujinaysaa jiritaan iyo ulajeeddo. Rabbiga wuxuu Muuse u sheegay inuu isticmaalo magaca ah, "WAXAAN AHAY KAAN AHAY", sida ku qoran Kitaabka Baxniintii 3:14. Waxaana taasu muujinaysay dabeecadda aan isbeddelaynin iyo daacadnimada Eebbe. Shaqada Muuse iyo hadallada uu qori lahaa oo dhan waxay ahayd inay ku salaysnaadaan dabeecadda Ilaah.

Awoodda Ilaah waxaa lagu muujiyey calaamadihii iyo masiibooyinkii kuwaasoo uu Muuse ka kor samaynayey. Wakhtigaas ka hor, Ilaah weligiis cidna mucjiso kama uusan kor samayn. Wuxuu Muuse u sheegay inuu mucjisadan calaamad ahaan u isticmaalo "si ay u rumeeyaan in Ilaahii Ibraahim uu kuu muuqday". Awoodda Eebbe aawadeed ayaa Muuse ushiisii noqotay mas; oo gacantiisiina waxa ku dhacay baras dabadeedna waa la bogsiiyey; marna biyihii ayaa waxay noqdeen dhiig markii dhulka lagu soo daadiyey. Calaamadahan awoodda leh ayaa waxay adkeeyeen shaqada Muuse. Mar dambena Ilaah wuxuu awooddiisii muuqaal ahaan ugu dul muujiyey buur Siinay si uu u adkeeyo eraygiisa qoran.

Qaynuunada Ilaah waxaa Muuse u soo dhiibay Ilaah qudhiisa. Muuse waxay ahayd inuu dadka ku hoggaamiyo waddada Eebbe. Sidaas darteed, Ilaah wuxuu isaga siiyey sharciyo ay ficilladooda ku cabbiraan. Waxay ahayd addeecista sharciyada inay keento guul, ayna ka caawis dadka inay nabad Ilaah kula noolaadaan oo iyaguna nabad ku wada noolaadaan. Markaana waxaynu arkaynaa in shaqada iyo erayada Muuse ay ku salaysnaayeen dabeecadda Ilaah, laguna adkeeyey calaamado mucjisooyin ah, dadka dhexdiisana lagaga dhaqangeliyey sharciyadii Ilaah.