Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 3

Wax walba waxay u dhaceen sidii Eebbe qorsheeyey. Muuse wuxuu aaday Fircoon, isagoo leh, "Dadkayga sii daa." Fircoon wuu diiday, Muusena wuxuu isticmaalay awoodihii mucjisooyinka lahaa ee uu Ilaah ka helay. Qalbigii adkaa ee Fircoon baa keenay masiibooyinka naxdinta leh ee dalka Masar wada saameeyey. Rah aan la tirin karin iyo duqsi badan ayaa qariyey guryihii oo dhan. Lo'dii way dhimatay. Dadkiina waxay ku silceen boogo xanuun badan leh, baraf cirka ka soo hoorayey oo ayax ayaa mirihii laastay, gudcur ayaana dhulka qariyey.

Ugu dambayntii Ilaah baa Muuse ku yiri sida ku qoran Baxniintii 11:1 oo leh:

"Weli belaayo kale ayaan Fircoon iyo Masar ku soo dejin doonaa; oo dabadeedna wuu idin sii deyn doonaa inaad halkan ka tagtaan, oo markuu idin sii daayo, giddigiin ayuu halkan idinka sii wada eryi doonaa."

Masiibadani waxay noqonaysay in curad walba ee waddanka jooga uu dhinto. Eebbe wuxuu u sheegay Muuse in dhacdada masiibadan ay cashar iyo calaamadba dadka u noqonayso. Waxay ahayd inay ka bartaan carada Ilaah ee dembiga iyo awoodda uu ku difaaco kuwa isaga rumaysta oo addeeca.

Ilaah wuxuu ku yiri Muuse: "Waa in qoys walba gawracaa neef baraar ah oo uu dhiig mariyaa fayaaradaha ama illinka guriga korkiisa. Waxaan dhex mari doonaa dalka oo waxaan dili doonaa curudyada oo dhan oo waxaan xukumi doonaa ilaahyada beenta ah oo dhan. Markii aan arko dhiigga marsan fayaaradaha guryihiina waan idin kormari ama dhaafi doonaa. Oo innaba baaba' idinma soo gaari doono." Mar kale ayaynu arkaynaa in waaqdhaaca xoolaha galay beddelkii nolosha dadka. Isla sidii inankii Ibraahim dhimashada looga soo furtay si la mid ah, ayaa haddana dadkii Eebbe lagaga soo furtay belaayadii khatarta ahayd dhiigga baraarka. Muxuu haddaba Ilaah doonayaa inuu tan ku yiraahdo? Waa maxay xaqiiqada ka dambaysa ee naga qarsoon? Waxaynu arki doonaa inay tilmaan ka bixinayso Waaqdhaaca Kaamilka ah ee Ilaah keenayo qarniyo badan kaddib markaas!

Muuse iyo dadkii waxay sameeyeen waxyaabihii loo baahnaa si waafaqsan hadallada Eebbe. Habeenkii naxdinta lahaa ee dhimashada ayaa yimid, sidii Ilaahba u sheegay. Dadkii Ilaah waa la ilaaliyey waayo waxay rumeeyeen Ilaah oo isagay addeeceen. Fircoon aad buu u ooyey isagoo Muuse ku leh: "Waddanka si dhaqso leh adiga iyo dadkaaguba uga baxa. Qaata alaabtiinna oo Masar ka baxa!"

Sidan baa Eebbe isticmaalay Muuse si uu dadkiisa uga kaxeeyo addoonsiga oo uu u geeyo meel halkaasoo ay hadalladiisa ku helaan oo ku bartaan inay caabudaan isaga oo ku noolaadaan si waafaqsan qorshihiisa.

Waan qiyaasi karnaa dhacdadaas markaasoo kumanaan dad ah oo xoolihii ay lahaayeen iyo hantidoodiiba wata ay ka ambabbexeen Masar. Markiiba Fircoon fikraddiisii hore wuu ka noqday oo wuxuu u soo diray askar badan si ay haddana u soo qabtaan oo dib ugu soo celiyaan. Markii ay arkeen askarta imanaysa, xaqiiqdii aad bay dadkii u cabsadeen oo Ilaah bay u qayliyeen. Mar kale bay haddana dareemeen inayan is caawin karin.

Askartii baa ka dambaysay baddiina hortooda ayay ahayd. Mana ayan jirin meel ay isku badbaadin kareen.

Ilaah baase Muuse u sheegay in ushiisa uu badda ku kor fidiyo. Biyihii baana kala tegay markiiba, oo waxaa soo baxay dhul engegan si dadkii Ibraahim u awoodaan inay ku kor socdaan dhulkaas. Laakiin markii askartii Fircoon bilaabeen inay ka soo daba ordaan, iyagoo meeshii qalalnayd ee badda dhexdeeda ahayd maraya, ayaa Ilaah biyihii badda isku keenay oo iyagoo dhanna biyihii baa hafiyey.

Hadda ugu dambayntii dadkii Eebbe si dhab ah ayay u baxsadeen. Muuse wuxuu isku dubbarriday dadkii oo ku hoggaamiyey marxaladihii kala duwanaa ee safarkoodii, isagoo ku caawiyey inay isku halleeyaan Ilaah nolol maalmeedkooda. Waxay qaadeen waddadii Eebbe u tilmaamay oo waxay degeen lamaddegaanka Siinay kaddib markii ay wax badan safrayeen.

Nebi Muuse ayaa Ilaah u tegay, kaasoo uga yeeray buurta korkeeda. Wuxuuna hadalladii Ilaah u maqlay si toos ah oo farriintii Ilaahna wuxuu u keenay dadkii. Ilaah baa ku xaqiijiyey joogitaankiisa qiic daruuro ah, onkod, hillaac iyo dhawaaqa buunka oo dheer.

Ilaah wuxuu siiyey Muuse tusmooyin dhammaystiran oo ku saabsan u shaqaynta iyo caabudaadda Eebbe iyo sharciyo ku saabsan nolol maalmeedka. Muuse wuxuu Buur Siinay ka keenay laba loox oo dhagax ah oo la yiraahdo looxyada Maragga sida ku qoran Kitaabkii Baxniintii 32:15-16 oo leh:

"Markaasuu Muuse jeestay, oo buurtii hoos uga degay, isagoo labadii loox oo maragga ahaa gacanta ku sita, looxyadana wax baa kaga qornaa labadooda dhinacba; Oo looxyada waxay ahaayeen shuqulkii Ilaah, oo farta ku qoranuna waxay ahayd fartii Ilaah oo looxyada ku xardhan."

Qisada ka samatabbixidda Fircoon laga samatobixiyey iyo heliddii dhagxaanta xardhan ee buurta ayaa waxay ina siinaysaa saddex xaqiiqo oo muhiim ah kuna saabsan xiriirka aynu Eebbe la leenahay. Marka hore, gowraciddii baraarka iyo marintii dhiigga ee la mariyey guriyaha fayaayadahooda ayaa waxay sharraxaysaa ficil rumaysi ah oo lagu qabo hadalka Ilaah. Midda labaadna, baddii laga gudbay waxay sharraxaysa awoodda Ilaah ee samatabbixinta. Tan saddexaadna, looxyada Maragga ah ayaa keenaya hubaal in Eebbe siiyo tilmaan cad iyo tusmooyin kuwa isaga dhegaysta.