Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 3

ILAAH WUXUU XUKUMAY BANII-AADANKA Xukun Baa Loo Baahnaa

Inkastoo uu samir badnaa, waxaa yimid wakhti markaasoo ay ahayd inuu Eebbe caddeeyayo inaanu u sii oggolaan karin in sharka dadku aanu dunida sii kharribin.

Markaana Ilaah wuxuu yiri sida ku qoran Kitaabkii kowaad ee Muuse oo la yiraahdo Bilowgii 6:7, 13, 17. Waxaana qoran sidatan:

"Oo Rabbigu wuxuu yiri, Waxaan dhulka ka baabi'in doonaa dadkii aan abuuray; dadka, iyo weliba dugaagga, iyo waxa gurguurta, iyo haadda hawada; maxaa yeelay, waan ka qoomammooday samayntii aan sameeyey iyaga. Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yiri, Intii jir leh oo dhan dhammaadkoodii aan dhammayn lahaa ayaa gaaray; waayo, dhulkii waxaa ka buuxsamay dulmi iyaga ka yimid, oo bal eeg, iyagaan dhulka la baabi'in doonaa. Oo bal eeg, anigu daad biyo ah baan ku soo dayn dhulka, inaan baabi'iyo inta jirka leh oo dhan oo neefta noloshu ku jirto, inta samada ka hoosaysa; wax kasta oo dhulka joogaaba way dhiman doonaan"

Bani-aadanka oo dhan waxay ka hor yimaadeen doonista Eebbe -- iyaga un baa isku kalsoonaaday oo waxay ka hor yimaadeen addeecista Ilaah. Marka si kale loo yiraahdana, dadku waxay ka hor yimaadeen ulajeeddada jiritaankooda. Marka ay sidan tahayna, Ilaah hortiisa way isku baabi'iyeen. Waxay kharbudeen ama dhalanrogeen wixii Ilaah iyaga siiyey. Dabeecadda Eebbe oggolaan kari mayso sharka sidaas oo kale ah in uu wasakheeyo abuuristiisa. Ilaah oo ah run iyo daahir waxay ahayd inuu xukumo dembiga.

Waxaad garanaysaa aabbaha wanaagsan, inkastoo uu jecel yahay carruurtiisa, haddana uma oggolaan karo inay waxay rabaan sameeyaan oo magaciisa kharribaan isagoon waxba ka qaban. Sharafta magaca qoyska lama dayici karo. Carruurtana ma aha inay addeeci waayaan oo ixtiraami waayaan aabbahood. Waa khasab inuu canaanto haddii ay ku sii adkaystaan falalkooda xunxun. Aabbaha wanaagsan ma jecla inuu carruurtiisa ciqaabo, laakiin dan baa badi inuu sidaas yeelo. Dullinnimada carruurtiisa ayaa ciqaabta ka dhigta lagamamaarmaan. Ciqaabtaasina, oo jacayl aawadii loo sameeyey, ayaa keenaysa inay carruurta ku hoggaamiso waddada toosan ee lagu gaaro sharaf, balse aan ceebta keenayn.

Ilaahna wuxuu la mid ahaa aabbaha kaasoo sharafxumada iyo addeecidarrada carruurtiisa u soo jiiday silic. Taasi waxaa weheliya, in dabeecadda Ilaah ay gebi ahaan quduus tahay. Quduusnimadaasna wax lama wadaagi karto dembi. Quduusnimadu waa inay xukunto dembiga.