Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Aamminaadda ilaa dhimashada!

Muslin hore oo marqaatifuraya

Muddo sagaal sanadood ah ayuu Mehdi Dibaj ku xirnaa xabsi ku yaala Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan isagoo sugaaya dilkiisii. Markii la soo daayey wax yar kadib baa waxaan maqalnay war ku saabsan sida silaca ee Mehdi Dibaj loogu dilay caasimadda Tehran. Kuwani waa hadalladiisa ugu dambeeyey markii maxkamadda la hor keenay oo dad waynaha dhegaysanaayeen. Tani waa waxa anaga oo dhan na baraya inaan dhiirranaano oo aan u istaagno si geesinimo leh Sayidkeenna, kaasoo weligiis aan dayrin kuwa isaga u adeega.

Marqaatifurka

Kuwani waa hadallada Mehdi Dibaj:

Ka baxso fasahaadda…

Waxaan ahay Masiixi, dembiile ah oo aamminay Ciise inuu iskutallaabta ugu dhintay dembiyadayda dartood, sarakiciddiisa iyo guushii uu ka guulaystay dhimashada baa kan xaqa ah iga dhigay Ilaahayga Quduuska ah hortiisa. Ilaahayga runta ah wuxuu arrimahiisa kaga dhex hadlaa Eraygiisa Quduuska ah ee Injiilka. Ciise magaciisa macnihiisa waa Badbaadiye, waayo, dadkiisa ayuu dembiyadooda ka badbaadin doonaa. Ciise ciqaabteenna ee dembiga ayuu nooga baxshay dhiiggiisa oo na siiyey nolol cusub si aan ugu noolaanno ammaanta Ilaahay iyadoo uu Ruuxa Quduuska ah na caawinayo, ayaan noqonaa sida biyoxireen derbi adag oo ku dadban fasahaadda. Oo ahaanaynaa kanaal barako iyo bogsiin leh; Oo lagu ilaaliyey jacaylka Ilaah.

Xitaa hadday jirkayga dilaan...

Naxariistuu i tusay kadib wuxuu i waydiistay inaan naftayda diido oo aan isaga isku dhiibo oo xertiisa ahaado, anigoo ka baqaynin dadka xitaa hadday jirkayga dilaan. Waa inaan isku halleeyo kan nolosha abuuray kaasoo i siiyey taajka naxariista. Kaasoo kuwii uu jeclaaday u ah ilaaliyaha iyo abaalgudka wayn.

Diin ma lahayn…

“Waxay dhahaan, ‘waxaad ahayd Muslin oo Masiixi baad noqotay.’ Maya, waqti dheer baan diin la’aan ahaa. Markaan baaritaan sameeyey oo aan waxyaabo badan akhristay baa waxaan aqbalay wicitaanka Ilaahay, waana aamminay Rabbiga Ciise Masiixa si aan u helo nolosha weligeed ah. Dadku way doortaan diintooda laakiin Masiixiyiinta waxaa doortay Ciise Masiixa. Wuxuu yiri, ‘Idinku ima aydnaan dooran, laakiinse anaa idin doortay.’ Gormee? Adduunkoon la abuurin ka hor. Dadku waxay dhahaan, ‘Muslinnimaad ku dhalatay.’ Laakiin Ilaahay wuxuu leeyahay, ‘Ilaa bilowgii baad Masiixi ahayd.’ Wuxuu dhahay, kumanaan sanoo la soo dhaafay buu Isaga na doortay, xitaa inta aan adduunka la abuurin ka hor, si aan madaxfurashada Ciise Masiixa ugu noqona kuwiisa! Masiixi macneheedu waa mid ka mid ah kuwa Ciise Masiix. Waxay igu yiraahdaan, ‘Soo laabo!’ Laakiin gacmaha Ilaahayga yaan ugaga laabtaa? Miyey sax tahay in aan waxa dadka sheegayo aqbalo beddelkii aan Erayga Ilaaha addeeci lahaa? Haddaba waa 45 sanadood oo aan Ilaaha mucjisada leh raacsanahay, oo naxariistiisana waxay ii noqotay sida hooska oo kale abaal badan buu igu leeyahay jacaylkiisa Aabbonimada iyo iga welweliddiisa uu i tusay darteed. Jacaylkan Ciise Masiixa wuxuu buuxiyay naftayda oo dhan waxaan ka dareemayaa diirimaadka jacaylkiisa jirkayga oo dhan.

Sagaal sano oo xabsi ah…

“Ilaaha, waa ammaantayda, iyo sharaftayda iyo ilaaliyahayga, ayaa igu shaabbaddeeyey barakadiisa iyo mucjisooyinkiisa aan dhammaanaynin. Jirribaadda iimaanku waa tusaale cad. Ilaahan fiican oo naxariista badan wuxuu canaantaa oo ciqaabaa kuwa uu jecelyahay. Wuxuu u jirribaa inuu iyaga u diyaariyo jannada. Ilaahii Daanyeel, ee ilaaliyey saaxiibadiisa iyagoo dabka iyo ololka foornada ku jiray, baa anigana sagaal sano oo xabsi ah igu ilaaliyey, wixii xumaa oo dhan waxay ku beddelmeen wanaaggeenna iyo faa’iidodeenna, taasoo aniga iga buuxisay farxad iyo mahadcelin. Ilaaha Ayuub wuxuu jirrabay iimaankayga iyo ka go’aanshahayga si aan u xoojiyo samirkayga iyo aamminaaddayda. Sagaalkaas sanadood wuxuu iga xoreeyey masuuliyaddayda si aan waqti ugu qaato ilaalinta Magaciisa barakada leh ducada iyo akhriska Eraygiisa. Anigoo ku raadinaya qalbi jajabnaan iyo qushuuc waxaan ku koray aqoonta Rabbigayga. Waxaan Rabbiga uga mahadcelinayaa fursadan gaarka ah darteed. `Xiritaankaygan baad fursad igu siisay, dhibaatadaydan adkayd waxay ii keentay boogsasho oo naxariistaadana way i soo noolaysay. Ilaahay barakooyin waawayn buu u hayaa kuwii isaga ka baqaa!

Ma aammusi karo.. “Waxay ii diideen inaan wacdiyo. Laakiin ‘Haddaad nin indhoole ah ku aragtid ceel agtiisa oo aad iska aammustid, waxaad gashay dembi’ (gabey reerka Iraan). Waa waajib diineed inta uu albaabka naxariista Ilaah furan yahay waa inaanu ka dhaadhicinaa kuwa xumaanta sameeynaya inay kasoo laabtaan jidkooda dembiga ah oo ay ku magangalaan isaga, si ay uga badbaadaan carada Ilaaha xaqa ah iyo ciqaabta cabsida badan leh ee soo socota.

Noloshayda isageey gacantiisa ku jirtaa

“Ciise Masiixa wuxuu yiri, ‘Waxaan ahay illinka, haddii qof uun xaggayga ka soo galo, wuu badbaadi doonaa.’ ‘Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee.’ ‘Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno.’ Nebiyada Ilaahay oo dhan, Ciise oo keliya ayaa dhimashada kasoo sarakacay, wuxuu inoo yahay subkaynta nolosha weligeed ah. Isagu waa Badbaadiyaheenna iyo Wiilka Ilaah. Garashadiisa waxay la mid tahay adigoo garatay nolosha weligeed ah. Anigoo ah dembiile aan waxtar lahayn ayaan aamminay kan la jeclaysto Masiixa iyo Erayadiisa iyo mucjisooyinkiisa oo lagu qoray Injiilka. Noloshayda waxay ku dhammaystirantahay gacmahiisa. Noloshu waxay ii tahay fursad aan Ilaahay ugu adeego, dhimashadu waaba fursad kaloo ka wanaagsan waayo Masiixaan lajoogi doonaa. Intaa kadib keliya kuma qanacsani inaan xabsiga ugu jiro sharafta Magaciisa Quduuska ah darteed, oo waxaan diyaar u ahay inaan Ilaahay naftayda siiyo oo aan boqortooyadiisa mar dhow galo. Halkaasoo kuwii Ilaahay doortay ay galaan nolol weligeed ah oo kuwii sharka ahaana naarta weligeed ah ku jiri doonaan.

“Hooska naxariista Ilaahay iyo barakada gacantiisa iyo cafinta ha idinla jirto weligeed. Aamiin. “Ixtimraam gaar ah Maxabuuskaaga Masiixiga ah, Mehdi Dibaj

Su’aalo aan jeclaan lahayn inaan ku waydiino:

  1. Maxay kula tahay markaad dhahdid “Masiixi baan ahay?” (Rooma 6:23, Efesos 2:8-9)
  2. Masiixinimada waa raacid iyo is dhiibid buuxda tan iyo markaad aqbashid Ciise. Markaad aqbashay Masiixa miyaad isaga isku dhiibtay? (1 Butros 3:15, Rooma 12:1)
  3. Dadku waxay doortaan diintooda, laakiin Masiixiyiinta Rabbigaa doortay. Miyaad raacaysaa ra’yiga binu-aadanka halkii aad raaci lahayd jidkii Ilaahay? (Falimaha Rasuullada 4:19, Ishacyaah 53:1)
  4. Sidee baad uga falcelisaa jirribaadaha Ilaah ee noloshaada? (Cibraaniyada 11:17, 12:4- 11)
  5. Weligaa miyaad si dhab ah u xisaabisay qiimaha Ciise raaciddiisa ku baxa? (Filiboy 1:21, Yooxanaa 12:24-25)

Waxaan rajaynaynaa inaad ka heshay akhriska farriintan. Haddaad doontid inaad hesho daabacadaheenna kale, halkan guji:

Haddaad jeceshahay inaad nala soo xariirto mise su’aalo waydiiso, waan ku faraxsan nahay inaan farriintaada helno: Email: noloshacusub@gmail.com Facebook: https://www.facebook.com/BishaaroWeyn