Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Allah-u-akbar: In intee la’eg ayay awoodda Ilaah dhantahay?

Xaaskayga oo macalimad ah waxay ii sheegtay inaysan fahansanayn aysanna garanaynin ilaa ay fasalkeeda ugu horreeyey ka gasho oo ay kala kulanto ardayddeeda aan waydiinin oo keliya su’aalaha sida, “Maxaa?” ama “Goormaa”; laakiin qabeen su’aalaha sida, “Sidee?” ama “Sababtee”. Su’aalo in intee la’eg oo noocaan ah ayaan ka qabnaa Ilaah? Waxaan Ilaah ku mahadinaynaa inuu awoodo raallina ka yahay inuu nagu caawiyo inaan helno jawaabaha.

Kii muddo dheer la sugayeyna, Masiixa, isaguna ugu dambayntii wuxuu yimid waqtigii Ilaah doortay, wuxuuna ka dhashay gabadha keliya ee bikradda ah oo wax dhashay ee taariikhda lagu qoray. Maxaysan u dhici karin? Ilaah miyuusan ahayn Ilaah awood u leh oo sameeyn kara wax walboo uu rabo, sida xitaa uu Qur’aankuba sheegay marar badan? Xitaa wuxuu ka dhalan doonaa bikro aan nin lahayn. Markii ay Maryan waydiisay siday arrintan ku dhici karta iyadoo nin lahayn, markaasuu malaa’ig Jibriil ku yiri, “Ruuxa Quduuska ah ayaa kugu soo degi doona, oo xooggii Kan ugu sarreeyaa ayaa hoosiis kuu noqon doona, sidaa darteed kan quduuska ah oo kaa dhalan doona waxaa loogu yeeri doonaa Wiilka Ilaah” (Luukos 1:35).

Tani micnaheedu ma ahan (sida ay dadka qaar si qaldan ugu aammineen ama u su’aaleen) in Ilaah xiriir galmo ah la yeeshay Maryan. Ilaah ayaa xumaan ka fog! Dhalashada Ciise wax galmo ah kuma imaan!

Su’aashu waxay tahay, “Ma jiraa qof taariikhda soo maray oo Ciise Masiix la mid ah?” Maya, ma jiro binu aadan kale oo Isaga lala barbardhigi karo. Ruuxii Ilaah ee joogay ilaa waqtigii adduunka la abuuray, ayaa soo galay xaaladdeenna aadanaha ah Isagoo loo aqoonsaday iskuna tilmaamay dhibaatadeenna kuna yimid shaqsiyadda Ciise Masiix. Hadduu Ilaah aad u wayn yahay, Allah Akbar, ma jiraa qof Ilaahaas wayn Maya ku dhihi kara? Miyaan Isaga ku dhihi karnaa “ma dhacayso!”?

Maskaxdeenna xadka leh kama dhihi karno, “Ilaah waa sidan iyo sidan, laakiin ma noqon karo kan ama kaas.” Hadduu Ilaah runtii Ilaah yahay wuxuu noqon karaa wuxuu rabo inuu ahaado! Hadduu Ilaah runtii Ilaah yahay, wuxuu leeyahay awoodda uu ku go’aansado qaybta sirta ah ee uu noo muujinayo, oo ay ka mid yihiin dabeecaddiisa aan la garanayn. Ilaaha adduunka ee wax walba awooda lama xisaabtami karno inagoo ah kuwa uu Isagu abuuray ee Isagaa nagula xisaabtami kara in aan iimaan ku aqbalno ugana mahadcelino, waxyaalaha Isaga ku saabsan ee uu noo sheegay. “Waxyaalaha qarsoon waxaa iska leh Rabbiga Ilaaheenna ah, laakiinse waxyaalaha la muujiyey waxaa iska leh innaga iyo carruurteenna weligeenba” (Sharciga Kunoqoshadiisa 29:29).

Si dhammaystiran ma u fahannay sida uu jirkeennu u shaqeeyo?! Miyaan sheegi karnaa sida ay indhaheennu u awoodaan inay ula xiriiraan maskaxdeenna taasoo duubta sawirka ubaxii aan saaka aragnay, dibna usoo daysa habeenkii markay mugdi tahay oo aan sariiraheenna tagno? Miyaan fahannay sida ay caqliyadeenna, dareenkeenna iyo nafteennu u shaqeeyaan si aan si dhaqso ah u gaarno gabaggabo ku saabsan Ilaah maskaxdiisa iyo rabitaankiisa?

Way fududdahay in la fahmo in tuugsade uusan noqon karin Amiir. Ma lahaanayo ilaha ilaa uu wax barto, oo uu is siiyo aqoonta ku saabsan sida loola macaamilo maxkamadaha, dhaqanka wanaagsan iyo sida loo labbisto. Si kastaba ha ahaatee, suurtaggal ayay u tahay in Amiirku uu gashto dhar duug ah oo wasakh leh oona jeexjeexan, qasrigiisana ka tago, oo uuna aado meelaha suuqa ah oona isku dayo inuu isku ekeysiiyo masaakiinta, kuwa baahan, kuwa xanuunsan, kuwa niyadjabsan, kuwa nasiibka daran, kuwa la dulmiyey, kuwa la silciyey, kuwa gaajaysan, kuwa qaawan, iyo kuwa murugaysan ee boqortooyadiisa ku nool. Xaqiiqdiina way dhacday waxaana sameeyey boqorradii iyo amiirradii hore, waxaana naloo sheegay inay dhacday muddo yar oo kooban inta taariikhda laga qoray.

Markaan ka fikirno siday u wayn tahay awoodda iyo xigmadda Ilaah, maxay noogu adag tahay inaan ka fikirno waynaanta jacaylkiisa iyo naf-huritaankiisa? Laga yaabaa inay sababtu tahay inaan ognahay sida aysan binu aadanku u mudnayn iyo sida aan u noqon karno kuwo xun oo aan mahadnaqin.

Haa, wuxuu ahaa Ilaaha Qaadirka Ah kan kasoo tagay ammaanta jannada si uu ula soo xiriiro carruurtiisii luntay isagoo Ruuxdiisa calooshii Maryan geliyey kana abuuray Masiixa, oo ah Ilaah oo jir leh. Ilaah awooddiisa, jacaylkiisa iyo naf-huritaankiisu aad bay u wayn yihiin sida aan ku baranay wax barista Ciise Masiix iyo tusaale shaqsiyadeed.

Shayddaanka (midka uu Kitaabka Quduuska Ah ugu yeero cadowgeenna, khiyaanolaha iyo aabbaha beenta) kaasoo si adag ugu dhaga dabciga binu aadanka xitaa kadib marka ay raacaan jidadka daahirinta oo dhan, qofkana wuxuu arkaa isagoo ku laabtay dembigii oo kale ama galay mid ka xun. Dadku iyaga iskama ilaalin karaan dembiga iskamana badbaadin karaan ciqaabta dembigooda. Rabitaankooda adag ee ku aaddan lexejeclaysiga iyo baahidooda joogtada ah oo ay rabaan in si degdeg ah loogu sameeyo waxa uu jirkoodu rabo, ayaa la socota hubinta guuldarradooda. Waxaysa arkaan in aysan awoodin, ayadoon loo fiirinayn si kastoo ay u duceysteen una soomeen oo ayna u bixiyeen allabari, inay iskaga saaraan dareenkooda sharcidarrada ah ee samaynta waxa ay rabitaankooda ku mutaysteen. Ma jiro camal wanaagsan oo tiritiri kara wasakhda xumaantooda.

Ilaah lama yaabanayn xaaladdan rajo la’aanta ah ee binu aadanka haysata; marka Isaga Allah al-Xakiim (Midka Xigmadda badan) kaasoo xigmaddiisu ka wayntahay teenna, ayaa na siiyey xal “macquul ah” oo ah qaabka uu doortay. Haa, Amiirka wuu noqon karaa derbi jiif tuugsade wuuna nalasoo xiriiri karaa - midka wasakhaysan, baahan oo niyadjabsan -- si uu noogu sameeyo wax aanan anagu sameeysan karin.

  • Amiirkii wuxuu ku yimid qaab khaas ah oo aan horey loo arkin loogana arki doonin taariikhda adduunka. Wuxuu lahaa jir jirkeenna oo kale ah; wax buu bixiyey; wuxuu saameeyey agoonta, carmallada, kuwa xanuunsan, kuwa murugaysan iyo xitaa kuwa dhintay. Wuxuu dadka baray casharro qurux badan wuxuuna saxay fikirkii qaldanaa oo ay dadku Allah ka haysteen iyo waxa macnaheedu tahay in Ilaah iyo deriskaba xiriir jacayl ku dhisan lagula noolaado.


    Akhri sheekada aabbihii dareenka jacaylka lahaa iyo wiilkii caasiga ahaa (Luukos 15:11-32). Ciise muxuu isku dayeyey inuu masaalkan dadka ka baro? Maxay Yuhuudda ugu adag tahay marka loo eego Muslimiinta inay u aqoonsadaan Ciise inuu yahay Masiixa la ballanqaaday? Haddaad doontid inaad hesho daabacadaheenna kale, halkan guji:

Haddaad jeceshahay inaad nala soo xariirto mise su’aalo waydiiso, waan ku faraxsan nahay inaan farriintaada helno: Email: noloshacusub@gmail.com Facebook: https://www.facebook.com/BishaaroWeyn