Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Deyntii Rashiid Daa’uud

Ma jirin wax gaar u ah oo ku saabsan tuulada Rashiid Daa’uud iyo reerkiisa deganaayeen. Sidoo kale ma jirin wax gaar u ah Rashiid iyo reerkiisa. Wuxuu ka shaqaynayey dukaan yar kaasoo uu ka heli jiray faa’iido yar oo aan ka badnayn isaga iyo reerkiisa, oo aan ku filnayn inuu ganacsigiisu waynaado.

Maalin ayuu Rashiid saaxiibkiis ka maqlay in shaqo fiican laga helo waddan kale oo waddankiisa ka fog. Waxaa loo xaqiijiyey inuu halkaas lacag fiican ka heli doono, oo uu reerkiisa si fiican u masruufan doono, sidoo kalana lacag uu mustaqbalka wax ku qabsado meel u dhigto.

Rashiid oo fikraddii ay aad u xiiso galisay ayaa go’aansaday inuu isku dayo nasiibkiisa waddankan cusub. Lacagtii uu dukaanka ku iibiyey buu awooday inuu ku bixiyo safarkiisa, oo reerkiisana wax yar ka siiyo (kuwaasoo uu rajaynaayey inay isaga soo raaci doonaan waqti yar kadib), kadibna lacag yar buu soo reebtay si ay uga caawiso nolosha cusub ee uu ka bilaabaayo waddankan cusub.

Si dhaqso ah ayuu waddanka cusub uga helay guri raqiis ah, kaasoo uu hormaris yar bixiyey kadibna bilaabay inuu shaqo raadsado. Laakiin waa murugo waayo shaqada heliddeeda dhib bay ku noqotay. Maalin walba ayuu shaqo raadinaayey, lacagtiisa way sii dhammaanaysay. Hadduusan lacag isticmaalaynin haddaba sidee buu wax ku cuni lahaa? Waqti yar kadib baa lacagtii ka dhammaatay oo wuxuu waayey lacag uu ijaarka ku bixiyo.

Labo bilood kadib baa ninkii guriga iska lahaa imaaday si uu lacagtiisa ijaarka u qaato. Rashiid waxay ku noqotay waqti ceeb badan. Maarkaasuu yiri, “Mudane, fadlan ii dulqaado waayo weli shaqo ma helin, sidaas darteed ma awoodi inaan deyntaad igu leedahay bixiyo.” Ninkii guriga lahaa oo naxariis u dareemay baa Rashiid fiiriyey oona oggolaaday inuu lacagtii mar kale u yimaado.

Haddana Rashiid wuxuu raadiyey shaqo, laakiin muusan helin. Bishii saddexaad markay gaartay, buu ogaaday inuusan waxba haysan oo aan ka ahayn deyn lagu leeyahay iyo welwel ku sii kordhaayey.

Haddana ninkii guriga lahaa baa imaaday, Rashiid oo haddana ceeb dareemayey. Ereyadan ayuu ugu dambayntii ku jebiyey aammusnaantiisa daba dheeraatay, “Mudane, dadka waxay yiraahdaan waxaad tahay nin deeqsi ah, oo naxariis leh. Sidaas darteed ii cafi deyntii saddexda bilood, kadibna hadda ka bilaabato lacagta waan bixin doonaa.”

Markaasaa ninkii guriga lahaa yiri, “Waa run, waxaan ahay nin naxariis leh oo deeqsi ah, laakiin sidoo kale waxaan ahay nin xaqnimada ku dhaqma. Sidaas darteed waa inaad bixisaa deyntaada ee saddexda bilood, waayo deynta mustaqbalka la bixinaayo ma u istaagayso bixinta deynta la soo dhaafay. Balse ii oggolow inaan kugula taliyo inaadan oggolaanin in deyntaadu sii badato oo ay dhib kugu noqoto bixinteeda.” Hadalladaas kadib ninkii guriga lahaa wuu tegay.

Waqti badan baa ka soo wareegatay. Bishii Ramadaanka ee la soomayey baa dhammaanaysay. Rashiid ma haysanin wuxuu ku afuro waxan kibis qallalan ka ahayn. Anagoon ilaawin deyntiisii taasoo qoortiisa ku raran sida bir culus ee silsilad ah. Wuxuu ogaa in ninkii guriga lahaa soo laaban doono waqtigii Ciidda. Isagina wuxuu ka baqay dabbaaldeggan soo socdo. Hadduu bixin kari waayo deynta, waa hubaal in jidka lagu tuuri doono, wuxuuna noqon doonaa nin hoy la’aan ah oo jooga waddan kale. Ciddii waynayd baa la gaaray, Rashiidna ma haysan lax uu qalo, mana haysan dhar fiican oo uu gashto ku ciido. Siduu ugu wareegayey saaxiibbadiis oo caawimaad u waydiisanaayey baa mid walba diiday inuu isaga caawiyo. Mid walba wuxuu ku yiri, “Walaalow, waxaan haysanin kuma siin kari, aniga xitaa waxaan ahay qof deyn lagu leeyahay, waxaan sugaa keliya wax walboo isoo mara.”

Sidaas darteed Rashiid wuu ku daalay lacag tuugsiga. Maalintii ku xigtay wuu soomay oo madaxa ayuu hoos ugu foorariyey labadiisa gacmood dhexdooda, isagoo ka fikiraaya nasiibkiisa halkuu ku dambayn doono. Jahawareerkiisii murugada ahaa baa isku beddelay xaalad xanaaq iyo nacayb ah.

Waa hubaal, waxay ahayd sidii uu Rashiid filayey, habeenkaasi albaabka baa la garaacay. Haba ahaatee ma ahayn ninkii guriga lahaa, laakiin wuxuu ahaa wiilkii ninka guriga lahaa kaasoo isaga soo hor istaagay. Rashiid oo xanaaq la karkaraaya baa wiilkii ninka guriga iska leh ku yiri, “Ma doonaayo inaan ku arko.” Laakiin sida xun ee Rashiid ku soo dhoweeyey, isaga weli gacan saaxiibtinimo buu siiyey, wuxuuna kula hadlay hadal fiican, kaasoo qalbiga qof walboo jahawareersan qaboojinaya.

Markaasuu wiilkii ku yiri, “Walaalow, uma imaanin inaan ku canaanto, laakiinse waxaan u imaaday inaan war wanaagsan kuu keeno. Aniga iyo aabbahay waan ogaanay inaad tahay masaakiin waanna ka xumaanay. Waxaanna ognahay inaad murugaysantahay, waayo waddankaaga waad ka fogtahay. Waa run in aabbahay yahay nin xaqnimo ku dhaqma oo deyntaada kuu cafin karin. Laakiin naxariistuu kuu dareemay darteed buu igu dhiirrigeliyey inaan kuu iibiyo dhaxalkayga qaar. Anigana saas baan sameeyey. Lacagta aan deyntaada ku bixin lahaa, waan hayaa waana ku faraxsanahay inaan ku siiyo. Berri waxaad u tagtaa aabbahay oo si geesinimo ah ugu sii lacagtiisa, Ilaahayna ha kula jiro.”

Laakiin Rashiid beddelkii uu u mahadcelin lahaa, buu wiilkii fiiriyey, isagoo nacayb ka buuxo oo si kibir leh ugu jawaabay, “Waxba ma kaa rabi oo mana doonaayo caawimaaddaada. Markaan aabbahaa arkana aniga ayaa is ilaalin doona. Haddaba lacagtaada qaado oo tag.” Intuu lacagta wiilka ku tuuray, ayuu ku amray inuu albaabka uga baxo sida ugu dhaqsiyaha badan. Wiilkii ninka guriga lahaana wuu iska aammusay isagoo si murugo leh Rashiid ku fiirinaayo buu tegay.

Maalintii ku xigtay ninkii guriga lahaa baa u imaaday. Isagoo weli xanaaqsan oona wareersan, haddaba Rashiid muxuu sameeyn karaa oo aan ka ahayn inuu lugahiisa isku tuuro oo ka baryo naxariis iyo cafis?

Ninkii guriga iska lahaa wuxuu ugu jawaabay, “Xalay waxaan wiilkayga la soo diray naxariis iyo cafiskayga, laakiin ma aadan oggolaanin isaga iyo wuxuu kuu keenay. Haddaba fursaddaada way tagtay. Ma hayo qaab kale oo aan naxariistayda kugu tuso. Haddaba Rashiid muxuu dhihi lahaa? Isla waqtigaasna siduu ka baqayey, gurigii baa laga saaray oo jidkaa lagu tuuray albaabkiina waa laga xiray. Rashiid guri ilaa guri, magaalo ilaa magaalo buu socday isagoo tuugsanaaya ilaa laga gaaray maalin uu qabow iyo gaajo daran la dhibaatooday, si xun buuna u dhintay isagoo waddankiisa, dadkiisa, saaxiibbadiisa iyo kuwii isaga jeclaa ka fog. Walaalow, adigana miyaad tahay sida Rashiid? Ka bilaabato maalintii aad kala garatay xumaan iyo wanaag deyntaada Ilaahay xaggiisa way ka korortay. Marar badan baad sameeysay waxyaalihii Ilaahay diiday, oo aad dayacday inaad sameeyso waxyaalihii uu isaga kaa filaayey. Waqti ilaa ka waqti waxaad gaartay go’aan inaad bilow cusub bilawdid. Markaad saas sameeysayna, waxaad u malaysay inuu Ilaahay deyntaada kaa tiraayo. Laakiin waad qaldantahay. Dantaada iyo go’aankaaga wanaagsan, toobadkeeniddaada iyo camalladaada wanaagsan, xitaa ducooyinkaaga iyo soonkaaga weligood makaa cafinayaan dembigaaga hore.

Sidoo kale kuwa kale ama nebiyada ama kuwa quduuska ah ma ku caawin karaan inay dembigaaga cafiyaan, waayo iyaga xitaa waa bini-aadan sidaada oo kale. Iyaga xitaa waxay leeyihiin deyn oo ay Ilaahay u bixiyaan, waayo qof walba waa inuu masuul ka noqdaa naftiisa, keligiis Maalinta Qiyamaha.

Laakiin Ilaahay ma doonaayo in qofna uu waayo halkaan cajiibka ah ee farxadda leh taasoo isaga la joogitaankiisa ah. Sida ninkii guriga iska lahaa u soo diray wiilkiisa Rashiid, sidoo kale baa Ilaahay u soo diray Wiilkiisa Ruuxiga ah, Ciise Masiixi, inuu dadka ka badbaadiyo ciqaabta dembigooda. Hubaal, Ciisahan ayaa ah badbaadiyaheenna keliya sababtoo ah Isaguu Ilaah nagu siiyey cafiga dembiga iyo ka badbaadidda dhimashada, taasi ay heli doonaan dhammaan kuwa si ishoosaysiin leh ku oggoladeen hadiyaddan.

Walaalkayga qaaliga ahow, miyaad u malaynaynin Rashiid inuu doqon yahay markuu edeb la’aan u diiday hadiyadda naxariista badan leh oo uu ninkii guriga iska lahaa wiilkiisa isaga siiyey? Wax kalana ma ahan, laakiinse kibirkiisa baa u geystay inuu deynta iska bixin waayo iyo inuu diido wixii la siin rabay, si ay deyntiisa oo dhan uga bixiso.

Saaxiibow, haku sii darsanin culayska dembiyadaada oo aad si nacasnimo ah u diido hadiyadda Ilaahay oo cafinta dembiga oo laga helaayo Ciise Masiixa. Bal aqbal Masiixa sida Ilaahay u saaray dembiga, oo hadiyaddiisa xor leh ee naxariis badan taadi bay noqonaysaa haddaba, intaad waqti haysatid. Injiilka Quduuska ah arrintan buu xaqiijiyey: Ciise wuxuu yiri, “Ii kaalaya kulligiin kuwiinna hawshaysan oo culaabaysanow, oo anigu waan idin nasin doonaa. Harqoodkayga dushiinna ku qaata oo wax iga barta; waayo, waan qaboobahay, qalbigayguna waa hooseeyaa, oo naftiinna nasashaad u heli doontaan. Waayo, harqoodkaygu waa dhib yar yahay, oo rarkayguna waa fudud yahay.” Kitaabka Quduuska ah, Matayos 11:28-30

Waxaan rajaynaynaa inaad ka heshay akhriska farriintan. Haddaad doontid inaad hesho daabacadaheenna kale, halkan guji:

Haddaad jeceshahay inaad nala soo xariirto mise su’aalo waydiiso, waan ku faraxsan nahay inaan farriintaada helno: Email: noloshacusub@gmail.com Facebook: https://www.facebook.com/BishaaroWeyn