Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

MACNAHA ERAYO MASIIXIYADDA KU SAABSAN:

ENGLISH-SOMALI THEOLOGICAL TERMS

MAHADCELIN: Waxaa mahadsan abwaanka la odhan jirey Dr. Bogumil Witalis Andrzejewski “Macallin Guush” oo erayo diimeedkan taladiisa ka dhiibtey markii ugu horreysey ee la diyaarinayey 1992.

ASCENSION: Sare u bixid ama samada aadid. Ciise wuxuu aaday samada ama samada ayaa loo qaaday iyadoo ay xertiisu arkayaan, halkaas ayuuna kasoo laaban doonaa. U sare bixiddii Ciise ee ilaa samadu waxay tusaysey inuu isagu yahay Sayidka ugu sarreeya iyo inuu dhammeeyey shaqadiisii bixinta (Sabuurkii 110:1; Luukos 24:50-53; Yooxanaa 6:62; Falimaha Rasuullada 1:6-11, 2:29-36; Efesos 1:20-21, 4:10; Cibraaniyada 1:3).

ALTAR: Meesha allabbariga, waaqdhaca ama qurbaanka lagu gawraco. Wakhtigii Axdigii Hore dadku marka ay neef allabbari u bixinayaan, waxay u dhisi jireen meel laga sameeyey dhagxaan iyo qoryo la is dul saarsaaray. Meeshaas ayaanay neefka ku gawrici jireen (Bilowgii 8:20; Baxniintii 17:15; Sharciga Kunoqoshadiisa 27:6; Matayos 5:23; Luukos 11:15; Yacquub 2:2).

ALMS: Sadaqo, ama bixin la bixiyo waxa aad haysato adigoo siinaya qof u baahan. Sadaqada waxaad siin kartaa qof u baahan ama kiniisaddaba (Sharciga Kunoqoshadiisa 15:11; Sabuurka 112:9; Luukos 21:1-4; Falimaha Rasuullada 20:35).

ALMIGHTY: Qaadirka, waa Ilaaha qaadirka ah ee abuuray wax kasta. Isaga ayaana leh wax kasta, mana baahdo, waayo wax kasta isagaa leh (Bilowgii 17:1; Samuu'eel Labaad 5:10; Rooma 9:29; Muujintii 11:17).

ANTICHRIST: Ka kasoo horjeeda Masiixa. Wuxuu noqon karaa mid iman doona oo Shayddaanku adeegsanayo oo la dagaalami doona Masiixa. Mararka qaarkood wuxuu Baybalku ugu yeedhaa "Ninka dembiga ah ama wiilka hallaaga.” Ka kasoo horjeeda Masiixu wuxuu kaloo ku saabsanaan karaa macallimiinta beenta ee Ciise dafira, kuwaas oo akhbaarkiisana qalloociya (1 Yooxanaa 2:18,22; 2 Yooxanaa 1:7; 2 Tesaloniika 2:3).

ANNOINT: Subko, subkid, subkaday. Dadka Ilaah doortay waxaa loogu subki jiray saliid, iyadoo taasi tusi jirtay inay quduus yihiin ama loo doortay jago sida nebi ama boqor (Baxniintii 28:41;40:13; Boqorradii Labaad 9:3).

ANGEL: Malag, malaa'igtu. Waa farriin-wadayaal Ilaah, inta badan lamana arki karo waayo iyagu jidh ma leh oo waa ruux (Bilowgii 16:7; Tirintii 20:16; Samuu'eel Labaad 24:16; Matayos 1:20; Luukos 1:26).

APOSTLE: Rasuul. Waa qof markhaati ah hawsha Ciise Masiix markii ayuu dunida joogay oo farriinwade. Waxaana doorta Ilaah sidii rasuul Bawlos iyo labiyo tobankii xerta ahaa ee Ciise Masiix (Rooma 1:1,5; 1 Korintos 1:1, 9:1, 12:28; 2 Butros 1:1).

ATHEISM: Ilaah inkirid ama mulxidnimo. Waa caqiido diidan jiritaanka Ilaah, laakiinse ay wax walba dabeecaddu keentay (Sabuurkii 14:1).

ATONEMENT: Kafaaraggud. Ereygan waxaa loola jeedaa midayn taasoo laba wax oo kala fogaa la midaynayo. Ciise ayaa ahaa kafaaraggud, waayo wuxuu mideeyey Ilaah iyo dadka oo dembiileyaal ahaa. Taasina waxay dhacday markii uu iskutallaabta ugu dhintay dembiyadeenna daraaddood (Baxniintii 29:30,37; Laawiyiintii 1:4;5:10; Rooma 3:25; Cibraaniyada 2:17;9:5).

BAAL: Waa magaca ilaah sanam ah “Bacal” oo dadkii Bariga Dhexe ku noolaa ay caabudi jireen, gaar ahaan reer Kancaan (Sharciga Kunoqoshadiisa 4:3; Xaakinnada 6:32; Boqorradii Kowaad 18; Rooma 11:4).

BAPTISM: Maquurin/baabtiis. Waa mid ka mid ah labada caado ee bulshada Masiixiyiinta ah ee uu dejiyey Sayid Ciise Masiix si ay calaamad ugu noqdaan Masiixiyiinta iyo kaniisadaha taas oo tusaysa inay ka duwan yihiin dadka aan Ilaahay rumaysnayn. Baabtiisku wuxuu ka kooban yahay 1) inuu qofku qirto inuu Masiixa rumaysan yahay, 2) inay bulshada Masiixiyiintu taas ka markhaati furaan, 3) waxaa loola jeedaa in qofka noloshiisii hore ee dembiga lahayd la duugey, haddana uu bilaabayo nolol cusub oo uu saldhig u yahay Ciise Masiixii qofkaas uu dhintay ee u sarakacay, iyo 4) inuu qofku xubin ka noqday bulshada Masiixiyiinta ama kaniisada (Matayos 28:18-20; Rooma 6:4). Sidoo kale, baabtiisku wuxuu beddelaa gudniinta xilligii Axdigii Hore oo calaamad u ah axdiga u dhexeeya Eebbe iyo aadanaha (Falimaha Rasuullada 16:33; Kolosay 2:11-12).

BIBLE: Kitaabka Quduuska ah ama Erayga Ilaah. Kitaabka Masiixiyiinta waxaa loogu yeeraa Baybal, ereygaasoo ka yimid af Giriig “bibliya” macnihiisuna yahay buug. Wuxuuna u kala baxaa laba qaybood, Axdigii Hore oo ah; kitaabadii Tawreedda, Sabuurradii iyo kitaabadii ay qoreen nebiyadii reer banii-Israa'iil. Iyo Axdiga Cusub oo ah Injiilka Sayid Ciise Masiix iyo warqadaha ay qoreen rasuullada (Luukos 24:44-45; 2 Timoteyos 3:14-17; 2 Butros 1:16-21).

BLESSING: Barako, ama kaalmo uu Ilaah ina kaalmaynayo. Rabbigu mar kasta wuu la jiraa wuuna kaalmeeyaa kuwa isaga la caabuda ama ka cabsada (Bilowgii 27:4; Tirintii 6: 24-27; Sabuurka 103:4; Maahmaahyadii 10:22; Rooma 10:12). In kasta oo ay barakooyinku noqon karaan maal/xoolo adduun, barakooyinka ugu waaweyni waa kuwa ruuxiyanka ah ee lagu helo rumaynta Ciise Masiix daraaddeed (Efesos 1:3-14; Rooma 4:1-8).

BREAD: Rootiga laga sameeyo qamadiga ayaa Baybalku mararka qaarkood ugu yeeraa kimis. Ciise wuxuu isku meteley kimista nolosha oo ka soo degtay samada si ay nolol weligeed ah u siiso qof kasta oo rumaysta. Tani waxay ku saabsan tahay shaqadiisii badbaadinta ee uu iskutallaabta ku qabtay taas oo sidoo kale ay Cashada Rabbigu sawir ka bixinayso. Cunida kimista ee Cashada Rabbigu waxay tusaysaa aaminaadda uu qofka Masiixiga ahi ku qabo Ciise Masiix iyo xidhiidhka qotada dheer ee uu la leeyahay Masiixiyiinta kale ee kaniisada uu ka tirsan yahay (Matayos 26:26; Yooxanaa 6:26-59; 1 Korintos 10:16-17; 11:23-32).

BLASPHEMY: Caayid, ama ku xadgudbid lagu xadgudbayo magaca Ilaah, iyadoo aan la siinayn sharaftii iyo weynaantii uu mudnaa. Waa ku dheeldheelid ama ku kajamid magaca Ilaah (Baxniintii 22:28; Yexesqeel 20:27; Muujintii 13:6).

BOOK OF LIFE: Kitaabka Nolosha. Waxaa og Ilaahay, Isaga ayaana leh, waana buug ay ku qoran yihiin dhammaan kuwa nolosha weligeed ah lehi. Qofkii magaciisa laga waayo buuggaas waxaa lagu tuurayaa dab aad u holcaya ama u ololaya (Filiboy 4:3; Muujintii 3:5, 13:8, 20:15, 21:27).

CHURCH: Kiniisadda/kaniisadda. Waa guriga Ilaahay. Inkastoo dadka qaarkiis ay kiniisadda u yaqaaniin dhismaha laftiisa, laakiin kiniisadda dhab ah waa dad badan oo Ciise Masiix rumaysan oo isku meel wax ku caabudaya (Matayos 16:18; Falimaha Rasuullada 8:1, 9:31, 14:23, 20:28; 1 Korintos 3:16-17; Efesos 1:22-23, 2:11-22; 1 Timoteyos 3:1-15; 1 Butros 2:3-5). Haddii ay suuraggal tahay qof kasta oo Masiixi ahi waa inuu xubin ka noqdaa kaniisad ku taal meesha uu deggan yahay (Matayos 18:15-20; 1 Korintos 1:2, 5:17, 10:17, 11:18, 12:12-27, 14:12; Efesos 4:1-16).

CHRIST: Magaca Masiix loogu yeedho afka Giriigga “Kiristoos” oo ka yimid magaca af-Cibraaniga ah ee “Mashiyakh” macnihiisu waa “ka la subkay” (Eeg macnaha MESSIAH: Matayos 1:1; 16:16; Markos 14:61-62; Yooxanaa 4:25-26; 20:30-31; Falimaha Rasuullada 3:20). Darajadan waxaa kaloo loo isticmaalay sida magac caadiga ah ee Ciise (1 Korintos 1:2-17).

CHRISTIAN: Masiixiyiinta, Kirishtaan. Waa kuwa raacay Ciise Masiix, magacani wuxuu soo baxay markii uu Ciise Masiix samada aaday kaddib (Falimaha Rasuullada 11:26, 26:28; 1 Butros 4:16).

CIRCUMCISION: Gudniinka. Markii uu Ibraahim rumeeyay Ilaahay, Ilaahay ayaa wuxuu ku amray inuu is gudo isaga iyo wiilashiisa, taasoo calaamad u ahayd in uu Ilaahay doortay isaga, reer banii-Israa'iilna sidaas oo kale ayay samayn jireen. Laakiin Ciise Masiix wuxuu Masiixiyiinta u sheegay in hadday rumaysad la yimaadaan uu Ilaahay doortay iyaga, oo aan loo baahnayn gudniin iyadoo loola jeedo calaamad doorasho (Bilowgii 17:11; Falimaha Rasuullada 7:8; Rooma 2:29; Galatiya 5:1-13; Kolosay 2:11-12).

COMMUNION: Cashada Rabbiga. Waa mid ka mid ah labada caado ee bulshada Masiixiyiinta ah ee uu dejiyey Sayid Ciise Masiix si ay calaamad ugu noqdaan Masiixiyiinta iyo kaniisadaha taas oo tusaysa inay ka duwan yihiin dadka aan Ilaahay rumaysnayn. Waa cashadii ugu dambeysey ee uu Sayid Ciise la cunay xertiisa ka hor intii aanu iskutallaabta ku dhiman. Wuxuu xertiisii siiyey rooti iyo khamri, oo meteleyey jidhkiisii iyo dhiiggiisii. Wuxuu kaloo iyaga u sheegay inay sidaas oo kale sameeyaan mar kasta oo ay awoodaan si ay isaga u xusuustaan, Masiixiyiinta oo dhammina sidaas ayay ilaa maantadan sameeyaan. Cashada Rabbigu waxay ka kooban tahay: 1) xusuusta dhimashadii Ciise ee shaqsiyanka ah iyo ta guud ahaaneed, 2) xoojinta rumaysnaanta Masiixa iyo xidhiidhka qotada dheer ee Masiixiyiinta (kaniisadda) ka dhexeeya, 3) waxay sawir ka bixinaysaa hawshii badbaadinta ee uu Ciise iskutallaabta ku qabtay iyo midnimada aynu isaga iyo dhexdeennu leenahay, 4) waxay kaloo sii tilmaamaysaa rajada ah wehelka abadiyanka ah ee aynu Ilaahay samada iyo adduunka cusub kula lahaan doono, iyo 5) waa caado joogto ah oo ay Masiixiyiintu leeyihiin oo kaniisadda lagaga dhaqmo (Matayos 26:26-29; 1 Korintos 10:16-17; 11:23-32).

CONFESSION: Qirasho. Waa qirasho aad Ilaahay u qiranayso dembiyadaada, isla markaana waa inay qirashadaas ku xigtaa dembidhaaf aad Ilaahay weyddiisatid, adigoo ka toobadkeenaya dembiyadii aad qiratay (Cesraa 10:11; Nexemyaah 9:3; Matayos 3:6; 1Yooxanaa 1:9).

CONVERSION: Hanuunid. Ilaah u soo noqosho ama u toobadkeenid Ilaah xagga Ciise Masiix (Yooxanaa 5:24; Falimaha Rasuullada 2:41, 16:27-34; 26:18; 2 Korintos 5:17; 1 Tesaloniika 1:9-10). Ilaahay ayaa hanuunkan ku keenaa nicmadiisa iyo Ruuxiisa (Yexesqeel 36:26-27; Yooxanaa 3:1-8; Efesos 2:1-10; Tiitos 3:3-7).

COUNSELOR: La-taliye. Waa mid ka mid ah magacyada Ciise (Ishacyaah 9:6). Ruuxa Quduuska ahna waxaa loogu yeedhaa La-taliye (Yooxanaa 14:16-26, 15:26).

COVENANT: Axdi ama heshiis la wada galay. Ilaahay wuxuu mar kasta axdi la dhigan jiray dadkii reer banii-Israa'iil iyo nebiyadii hore, laakiin Ciise Masiix ayaa ah axdigii ugu dambeeyey ee uu Ilaahay dadka la dhigtay. Ilaahay iyo dadkuna waxay ku heshiin karaan oo keliya dhiigga Ciise Masiix (Bilowgii 6:18, 9:12, 15:1-20, Samuu’eel Labaad 23:5; Ishacyaah 55:3; Yeremyaah 31:31-34; Yexesqeel 37:26; Matayos 26:28; Markos 14:24; 2 Korintos 3:14; Cibraaniyada 7:22, 8:13, 12:24).

CROSS, CRUCIFIXION: Isku-tallaabta, laanqayr ama saliibka. Waxay ahayd caado hore oo ay Roomaaniyiintii dadka dembiilayaasha ah ku dili jireen, iyadoo laba qori oo la is-dulsaaray lagula dejin jiray musbaaro. Ciise Masiix ayaa inaga daraaddeen loogu musbaaray isku-tallaabtaas oo kale (Matayos 16:24, 27:32-44, 28:5; Luukos 24:7; Yooxanaa 19:18; Falimaha Rasuullada 2:23; Rooma 6:6; 1 Korintos 1:23; 2 Korintos 13:4; Galatiya 2:20, 6:14; Muujintii 11:8).

DEMONS: Jinniyada. Waa malaa’igo Ilaahay ku falaagoobey oo u adeega Shayddaanka. Dad badan ayay noloshooda qabsadaan oo ay waali ku ridaan. Ciise Masiix ayaa dadka ka saari jiray jinniga, Isaga ayaana ka adkaa. Xataa xertiisa wuxuu siiyey awood ay dadka kaga saaraan jinniyada. (Sharciga Kunoqoshadiisa 32:17; Matayos 8:16, 10:1 Markos 5:1-20; Luukos 4:41; Muujintii 12:7-9). Jinniyadu sidoo kale dadka ayay ku siraan waxbarid khaldan. Masiixiyiintu waxay waxbariddan khaldan kula dagaalamaan runta Ilaahay (1 Timoteyos 4:1; Efesos 6:10-20).

DISCIPLES: Xer. Kuwii ugu horreeyey ee Ciise raacay oo rumeeyay ayaa waxaa loogu yeedhi jiray xertii Ciise Masiix. Masiixiyiinta oo dhammina waa xertiisa (Matayos 5:1, 10:42, 28:18-20; Luukos 14:25-33; Yooxanaa 8:31, 13:35).

GENEOLOGY: Abtirsiinyo. Waa magacyo la taxay oo sheegaya ama tusaya awoowayaashii ama meesha uu qofkaasi ka soo jeedo. Xataa Baybalka waa lagu qoray abtirsiinyada Ciise, iyadoo loogu abtirinayo Yuusuf oo ahaa ninkii Maryan, Ciise hooyadii qabay. Abtirsiinyooyinka Baybalku waxay leeyihiin muhiimad ruuxiyan ah. Marka dhinaca Ciise ee banii-aadannimadiisa la eego, wuxuu ka soo farcamay Aadan, Ibraahim, iyo Daa’uud, isaga oo Shayddaanka ka adkaan dooney, oo barakada Ilaahay siin dooney qaramada oo dhan, oo noqon dooney boqorka abadiyinka ah ee dunida (Bilowgii 3:15, 12:1-3; Samuu’eel Labaad 7:16; Matayos 1:1-17; Luukos 1:30-35, 3:23-28). Qof kasta wuxuu Shayddaanka kaga xoroobi karaa oo cunugga Ilaahay ku noqon karaa marka uu Ciise Masiix rumaysto (Yooxanaa 1:11-13, 8:39-47; Galatiya 3:7-9; 26-29; 1 Yooxanaa 3:8-10).

GENTILES: Waa dadka aan Yuhuudda ahayn (Nexemyaah 5:8; Ishacyaah 42:6; Matayos 10:5; Falimaha Rasuullada 22:21; Efesos 2:11-22).

GLORY, GLORIFY: Ammaanta iyo sharafta. Ilaahay ayaa leh ammaan iyo sharaf aan weligeed dhammaanayn. Ilaahay wuxuu inoo abuuray inaynu isaga sharafno. Waxaynu Ilaahay ku sharafnaa innagoo isaga jeclaanayna oo amarradiisa addeecayna. (Baxniintii 24:16, 33:18-23, 34:5-8; Sabuurka 19:1, 34:3, 96:3; Ishacyaah 6:3, 43:7; Daanyeel 4:37; Luukos 24:26-27; Yooxanaa 1:14, 12:27-32, 15:8-10; Rooma 8:18, 11:36; 1 Korintos 10:31; Efesos 1:3-14; Kolosay 3:4; 1 Timoteyos 1:17; 1 Butros 2:12, 4:13-16; 2 Butros 1:3; Muujintii 21:23).

GOD: Ilaah ama Eebbe. Ilaahay waa kan wax walba abuuray, wax walbana maamulaa (Bilowgii 1:1; Sabuurka 2, Sabuurka 46:10, Ishacyaah 44:6; Matayos 12:28; Markos 1:1; Yooxanaa 1:1-5; 1 Timoteyos 6:15-16; Cibraaniyada 12:29; 1 Yooxanaa 1:5, 4:16).

GOSPEL, GOSPELS: Injiilka. Waa afarta kitaab ee ugu horreeya Axdiga Cusub, oo ay qoreen xertii Ciise Masiix la socon jirtay ee markhaatiyaasha ka ahaa noloshiisii, dhimashadiisii, iyo sarakiciddiisii. Weliba, waa soo koobiddan shaqsiga iyo shaqada Ciise Masiix waa war wanaagsan adduunka. Erayga Carabiga “Injiil” wuxuu ka yimid erayga Giriigga ee warka wanaagsan/ akhbaarka wanaagsan: “yu’aangeliyon" (Matayos 4:23, 24:14; Markos 13:10; Falimaha Rasuullada 14:7; Rooma 1:15; Galatiya 1:9; Efesos 6:19; Kolosay 1:5; Muujintii 14:6).

GRACE: Nimco. Waa wax uu Ilaahay kuugu deeqay adigoo aan mutaysan ama aan istaahilin. Ciise Masiix dhimashadiisii uu banii-aadanka isku-tallaabta ugu dhintay, waxay ahayd nimcadii ugu weynayd ee uu banii-aadanku helay (Bilowgii 32:10, 33:11; Baxniintii 33:19; Yooxanaa 1:16; Falimaha Rasuullada 15:11; Rooma 5:2, 5:20, 6:14, 11:6; Galatiya 2:21; Efesos 2:4-9; Tiitos 3:4-7).

HALLELUJAH: Ilaah baa ammaan leh ama Ilaah ammaana. Waa erey af-Cibraani ah oo macnihiisu sidaas yahay (Muujintii 19:1,4,6).

IDOLATRY: Sanam caabudid. Wax kasta oo aan ahayn Ilaaha dhabta ah oo la caabudaa waa sanam, kii caabudaana waa sanam caabude (Baxniintii 20:3-6; Samuu'eel Kowaad 15:23; Ishacyaah 44:9, Yexesqeel 23:49; 1 Korintos 10:14; 1 Yooxanaa 5:20-21).

IMMANUEL: Ilaah baa inala jira ama Ilaah baa inala jooga. Magacani waa af-Cibraani “Cimmaanuu’eel”, Ciise ayaana loo bixiyey magacan, waayo wuxuu ahaa Ilaahay oo dadka dhex yimid Isagoo jidh banii-aadmi leh (Ishacyaah 7:14; Matayos 1:23; Yooxanaa 1:14).

INCARNATION: Jidh-qaadashada Sayid Ciise Masiix. Qofka labaad ee abadiyanka ah ee Saddex-Midnimada ayaa qaatay dabeecad banii-aadan, oo awoodda Ruuxa Quduuska ah daraaddeed ka dhashay bikrad. Ciise Masiix waa hal shakhsi oo laba dabeecadood leh: mid ilaahiyan ah iyo mid banii-aadan. Labadan dabeecadood si buuxda ayay u jiraan iyaga oo isku qasmayn, is beddeleyn, oo haddana aan kala qaybsanayn (Luukos 1:26-Yooxanaa 1:1-18; 1 Yooxanaa 1:1-4, 4:1-3).

JUDGEMENT: Xukun. Ilaahay wuxuu xukumi doonaa dadka oo dhan, wax kasta oo ay sameeyeen, wanaag iyo xumaanba (Ayuub 19:29, 36:17; Wacdiyaha 3:17; Matayos 5:21-22, 16:27, 25:31-46; Rooma 14:10-12; 2 Korintos 5:10; Cibraaniyada 9:27).

JUSTIFICATION: Xaq ka dhigid. Sharciyayn Ilaahay ka timid oo ah in dembiile la saamaxay oo uu Ilaahay hortiisa xaq ku yahay taas oo u salaysan xaqnimada Ciise Masiix oo dembiilahaa la huwiyey rumaysigiisa daraaddeed (Bilowgii 15:6; Luukos 18:9-14; Rooma 3:21-31, 4:1-8; 2 Korintos 5:21; Galatiya 2:16, 3:1-14; Filiboy 3:7-9).

LAMB OF GOD: Wankii Ilaahay. Axdigii Hore, dhimashadii/qalidii wananka beddelkii dembiileyaasha ayaa ogeysiis ahaan u sii tilmaamaysey dhimashadii Ciise Masiix ee iskutallaabta. Ciise Masiix ayaa ahaa wankii Ilaahay oo loo bixiyey dembiyada adduunka oo dhan (Bilowgii 22:8; Baxniintii 12:3-13; Ishacyaah 53:5-7; Yooxanaa 1:29; Falimaha Rasuullada 8:32-35; 1 Korintos 5:7; Cibraaniyada 10:1-25; 1 Butros 1:18-19; Muujintii 5:6-12, 12:11, 14:4, 21:22-27).

MANNA: Waa cunto Ilaahay samada uga soo daadin jiray dadkii reer banii-Israa'iil, afartankii sanno ee ay lamaddegaanka Siinay ku soo jireen, markii ay kasoo amba-baxeen Masar oo lagu gumaysan jiray. Muusena uu hoggaamiyaha u ahaa (Baxniintii 16:4, 13-18, 31-35; Yooxanaa 6:31; Muujintii 2:17).

MEDIATOR: Dhexdhexaadiye. Sayid Ciise Masiix ayaa ah dhexdhexaadiyaha inaga iyo Ilaahay, Isaga oo keliya ayaana Ilaahay loo mari karaa. Wuxuu kaloo Ciise isu soo dhoweeyey Ilaahay iyo banii-aadanka, kabacdi markii uu isku-tallaabta ku dhintay (Yooxanaa 10:7-11; 14:6; 16:23-24, 26-28; Rooma 8:34; Kolosay 1:19-22; 1 Timoteyos 2:5-6; Cibraaniyada 7:25; 8:6, 9:15, 12:24; 1 Yooxanaa 2:1).

MESSIAH: Masiixa. Waa mid ka mid ah magacyada Ciise, waa erey af-Cibraani ee “Mashiyakh”, oo macnihiisu "kii la doortay oo loo subkay" (Laawiyiintii 6:22; Samuu’eel Kowaad 12:7; Boqorradii Kowaad 19:16). Darajadan Ciise leeyahay waa isaga oo loo aqoonsan yahay boqorkii la ballanqaaday ee boqortooyadii Daa’uud kaas oo ka adkaan dooney sharka oo dhan, oo samatabixin dooney dadka Ilaahay, oo adduunka ka aasaasi dooney xukunka Ilaahay ee abadiyanka ah (Samuu’eel Kowaad 2:10; Samuu’eel Labaad 7:11-16; Sabuurka 2; Ishacyaah 9:6-7, Matayos 1:1; 16:16; Markos 14:61-62; Luukos 1:32-33; Yooxanaa 4:25-26; 20:30-31; Muujintii 11:15). Eeg macnaha CHRIST.

PARABLE: Masaal. Waa hab wacdis ah oo Sayid Ciise isticmaali jiray, marka uu wax wacdiyayo, Isagoo sheegi jiray sheekadaas oo leh macne diiniyan ah oo qoto dheer. Dadku way jecel yihiin inay dhegeystaan masaalada laakiinse masaaladu waxay kaloo leeyihiin saamayn kala qaybineed: muuminku fahan dheeraad ah buu ka helaa, kufaarkuna qalbi adkaan buu ka qaadaa (Matayos 13:1-53; Markos 7:14-23; 12:1-12; Luukos 12:35-48).

PASSOVER: Iidda Kormarida. Waa dabbaaldeg u caado ahaa reer banii-Israa'iil, oo ay ku xusuusan jireen markii Ilaahay kasoo saaray dalkii Masar ee ay addoonsiga u joogi jireen, markaasoo Ilaahay belaayooyin ku saliday Masaaridii. Reer banii-Israa'iil waxay habeenkan oo kale sameeyaan oo cunaan kimis aan khamiir lahayn, wanna way gowracaan (Baxniintii 12:1-28; Cesraa 6:19; Matayos 26:2, 17-19; Yooxanaa 6:4)

PENTECOST: Waa maalinta kontonaad ee Iidda Kormarida kaddib. Maalintani waa maalin muhiim u ah Masiixiyiinta, wayna xusaan, waayo waa maalintii Ruuxii Quduuska ahaa ee Ciise xertiisii ugu ballanqaaday uu ku soo dayey iyaga (Laawiyiintii 23:15-16; Sharciga Kunoqoshadiisa 16:9-10; Falimaha Rasuullada 2:1-36).

PENTATUECH: Waa shanta kitaab ee ugu horreeya Kitaabka Quduuska ah, ee loo yaqaano Tawreed, waxaana qoray nebi Muuse. Waxayna kala yihiin: Bilowgii, Baxniintii, Tirintii iyo Laawiyiintii (Yashuuca 23:6; Boqorradii Labaad 23:25; Taariikhdii Labaad 34:14; Luukos 24:44; Yooxanaa 5:45-47).

PERSECUTION: Cadaadin, dhibid ama darxumeyn. Masiixiyiintu waxay la kulmaan arrimahan oo dhan, iimaankooda aawadood. Laakiin Ciise Masiix wuxuu ugu ballanqaaday abaalgud haddii ay u adkaystaan (Matayos 5:10-12, Markos 13:11-13; Yooxanaa 15:20; Falimaha Rasuullada 8:1; 1 Korintos 4:12; 2 Korintos 4:9; 2 Timoteyos 3:12; 1 Butros 2:21, 4:12-14).

PERSEVERANCE: Adkaysi. Masiixiyiinta waxaa lagu amray inay u dulqaataan dhibaatooyinka ay adduunka kala kulmaan, waayo abaalgudka uu Sayid Ciise jannada ugu diyaariyey ayaa aad u weyn (Matayos 6:19-33; Luukos 18:1-8; Rooma 5:3-5; 2 Korintos 4:16-18; Cibraaniyada 12:1; Yacquub 1:2-4; 1 Butros 1:3-9).

PHARISEES: Farrisiintu. Waxay ahaayeen dariiqadii wadaado Yahuuddii ah, kuwaasoo aad u ilaalin jirey sharcigii diintii Muuse, oo ku daray caadooyin ay iyagu samaysteen. Sayid Ciise ayay kasoo horjeedeen markuu dunida joogay, marar badana wuu dhalleeceeyey iyaga, waayo waxay ahaayeen kuwo u maleeya inay Ilaahay dadka kale uga dhow yihiin iyo laba-wejilayaal (Matayos 3:7-10, 16:6, 23:13; Markos 3:1-6, 7:1-13; Luukos 16:14-15, 19:39; Filiboy 3:5).

PRAYER: Tukashada ama baryada Ilaah la baryo oo dadkana loo duceeyo. Masiixiyiintu wax kasta oo ay u baahan yihiin Ilaahay ayay weyddiistaan, waayo Ilaahay ayaa yiri "Weyddiista oo waa laydin siin doonaa” (Matayos 6:5-15, 7:7-11; Luukos 18:1). Dadka Ilaahay way isu duceeyaan, oo sidoo kale u duceeyaan dowladaha iyo dadka aan Ilaahay aaminsanayn (Bilowgii 20:7; Efesos 6:19; 1 Timoteyos 2:1-4; Yacquub 5:13-18). Tukashadu waxay keliyoo u baahan tahay rumaysi oo aad Ilaahay la hor tagto. Ilaahay wuxuu maqlaa oo ka jawaabaa ducada lagu baryo magaca Ciise: awooddiisa, dabeecaddiisa, iyo doonistiisa (Yooxanaa 15:16, 16:23-28; Yacquub 4:1-4; 1 Yooxanaa 3:21-23, 5:13-15).

PREACHING: Wacdiska. Masiixiyiinta waxaa lagu amray inay Erayga Ilaahay ku wacdiyaan oo Injiilka bandhigayaan dhammaan banii-aadanka meel kasta ha joogeene, si ay dembiyadooda uga toobadkeenaan (Ishacyaah 61:1; Matayos 10:7, 24:14; Rooma 10:14-17). Waxaa keliyoo loo oggol yahay inay kaniisadda ka wacdiyaan wadaado istaahila ama u qalma (1 Timoteyos 2:8-3:7; 2 Timoteyos 2:2, 4:1-5). Ilaahay wuxuu wacdiska u isticmaalaa inuu dembiileyaasha badbaadiyo oo kaniisaddiisana ku koriyo (1 Korintos 1:18-2:5; Efesos 4:11-16).

PREDESTINATION: Doorashada/qasdiga oo Eebbe diyaariyey kuwa rumaysanayaan Injiilka (Yooxanaa 6:37, Rooma 8:29-30; Efesos 1:3-14).

PROPHECY: Waxyi, nebiyadu way waxyoon jireen, oo waxay dadka u sheegi jireen waxa dhici doona ee uu Ilaahay samayn doono. Nebiyo badan ayaa ka sii waxyooday oo sii-sheegay dhalashadii Ciise Masiix intaanu dhalan ka hor (Daanyeel 9:24; Matayos 1:20-23; Markos 1:1-9; Luukos 24:44-47; Yooxanaa 19:23-24; Rooma 1:1-3; 2 Butros 1:16-2:3).

PROPITIATION: Cadho-tir. Dhiigga Ciise Masiix ayaa qanciyey carada Ilaahay ee ku aaddan dembiyada banii-aadmiga (Rooma 3:25; Cibraaniyada 2:17; 1 Yooxanaa 2:2).

RECONCILIATION: Heshiisiin. Sayid Ciise ayaa heshiisiiyey Ilaahay iyo banii-aadanka dembiilayaasha ah, Isagoo ku heshiisiiyey dhiiggiisii isku-tallaabta ku qubtay inaga daraaddeen (Rooma 5:10,11; 2 Korintos 5:18-20; Kolosay 1:19-22).

REGENERATION: Dib-u-dhalashada. Nolosha cusub ee kuwa Masiixa aaminsani helaan. Noloshan ruuxiyanka ah iyo is beddelka qalbigu waa haddiyad uu Ruuxa Quduuska ahi bixiyo (Yexesqeel 36:25-26; Yooxanaa 1:12-13, 3:1-21; Efesos 2:1-10; Tiitos 3:5; 1 Butros 1:3, 23).

REPENTANCE: Toobadkeen. Ilaahay wuxuu qof kasta ku tilmaamay dembiile, qof kastana waxaa looga baahan yahay toobadkeen, Ilaahna waa saamax badan yahay. Toobadkeenka macnihiisu waa inaad si Erayga Ilaahay qaabilsan u beddesho niyaddaada iyo qalbigaaga, oo aad ka leexatid inaad Ilaahay ku dembaabtid (Ayuub 42:6; Yeremyaah 15:19; Matayos 3:2; Luukos 24:47; Falimaha Rasuullada 26:18).

REVELATION: Muujin. Ilaah nebiyadiisa iyo rasuulladiisa wax buu u muujin jiray si ay dadka ugu sii sheegaan, si ay u gartaan oo u caabudaan Ilaahay (Bilowgii 35:7; Sharciga Kunoqoshadiisa 29:29; Caamoos 3:7; Rooma 1:1-6, 16-17; 3:21-26; Efesos 3:1-6; 1 Butros 1:10-12). Kitaab Baybalka ka mid ahna waxaaba loogu yeedhaa Muujintii (Muujintii 1:1-3). Muujinta ugu weyn ee Ilaahay waa Ciise Masiix (Yooxanaa 1:14-18, 14:6-9; Cibraaniyada 1:1-3; 1 Yooxanaa 1:1-4).

REDEEMER: Bixiye ama fure. Ciise Masiix ayaa inaga furtay ciqaabtii dembiga, oo Ilaahay iyo inaga heshiis ina dhex dhigay, Isaga oo keliya uun baynuna Ilaah ugu tegi karnaa (Samuu'eelka Labaad 7:23; Ayuub 19:25; Luukos 24:21; Tiitos 2:14).

RESURRECTION: Sara-kicid, ama ka sarakicidda dhimashada. Ciise ayaa ka sarakacay dhimashada oo ka guuleystey Shayddaanka, taas oo caddaysay inuu yahay Wiilka Ilaahay iyo badbaadiyaha dunida. Qof kasta oo Ciise rumaysani isaga ayuu la soo sarakacayaa maalinta Yowmal-Qiyaamaha (Matayos 28:5-6; Luukos 24:1-12; Yooxanaa 11:25; Falimaha Rasuullada 1:22; Rooma 1:4; 1 Korintos 15; 1 Tesaloniika 4:13-18).

REWARD: Abaalgud. Masiixiyiinta waxaa Ciise ugu ballanqaaday abaalgud weyn oo uu ugu diyaarinayo jannada, abaalgudkaas oo kale qofna ma maqlin weligii, qofna ma arkin, caqliga banii-aadankuna ma meteli karo (Matayos 5:12; Luukos 6:35; 1 Korintos 2:9, 3:10-15; Efesos 6:8).

SADUCEES: Sadukiinta, waxay ahaayeen, dariiqada wadaado reer banii-Israa'iil ka mid ah laakiin u janjeedhay xagga siyaasadda, mana ay rumaysnayn nolol dhimashada kaddib (Matayos 16:1, 22:34; Luukos 20:27; Falimaha Rasuullada 23:6-8).

SANCTIFICATION: Quduus-noqonshaha. Waa horumarka nolosha xerta Ciise Masiix inta ay iyagu Ciise u sii ekaanayaan (Rooma 8:29; Efesos 5:26; 1 Tesaloniika 4:3, 5:23; Cibraaniyada 10:14).

SCRIPTURES: Qorniinka. Waa magac kale oo loogu yeedho Kitaabka Quduuska ah ama Baybalka. Baybalka waxaa muujiyey Ilaahay oo waa bilaa khalad. Waa awoodda kama dambaysta ah, oo ku filan badbaado iyo nolol (Markos 12:10; Luukos 4:21, 24:44-45; Falimaha Rasuullada 1:16; 1 Timoteyos 4:13; 2 Timoteyos 3:16-17; Tiitos 1:1-3; Cibraaniyada 6:13-18; 2 Butros 1:16-21).

SON OF GOD: Wiilka Ilaah. Waa eray-sawireed uu Baybalku u isticmaalo marka uu ka hadlayo xidhiidhka khaaska ah ee uu Ilaahay la lahaa Aadan, Israa’iil, iyo Boqortooyadii Daa’uud. Saddexdan waxaa ugu dambayntii kaamilay Ciise Masiix. Odhaahdan waxaa kaloo si khaas ah loogu isticmaalaa Ciise Masiix marka laga hadlayo dabeecaddiisa iyo shaqsiyaddiisa Ilaahiyanka ah isagoo weligiis midinimo lahaa Ilaahay (eeg TRINITY) (Bilowgii 1:26-27; Baxniintii 4:22-23; Samuu’eel Labaad 7:14; Sabuurka 2:7; Hoosheeca 11:1; Matayos 2:14-15, 3:17, 11:27, 16:16, 17:5; Markos 1:1, 14:61-62; Luukos 1:30-35; 3:38; Yooxanaa 1:1-18,49, 17:5,24, 20:31; Kolosay 1:15-19; Cibraaniyada 1:1-2:9).

SYNAGOGUE: Sunagog. Guriga ay Yuhuuddu Ilaahay ku caabudaan, ilaa iyo hadda meelaha ay Yuhuuddu Ilaahay ku caabudaan waxaa loogu yeeraa magacan. (Matayos 12:9; Markos 6:2; Luukos 4:16-21; Falimaha Rasuullada 17:1-3).

TABERNACLE: Teendhada Rabbiga. Waa meel Ilaahay uu reer banii-Israa'iil ku amray inay Rabbiga u dhisaan berigii Muuse markii ay Masar kasoo baxeen. Halkaa ayaa waxaa joogtay Rabbiga ammaantiisa, meeshaas oo Ilaahay dadkiisa kula kulmi jirey oo ay wadaadadu ku bixin jireen allabariyo dembiyada loogu kafaaraggudo (Baxniintii 25:9, 40:35; Falimaha Rasuullada 7:44; Cibraaniyada 9).

TEN COMMANDMENTS: Tobanka sharci. Waa tobankii sharci ee Ilaahay Muuse ku siiyey buur Siinay. Waxay muujiyaan dabeecadda iyo doonista Ilaahay ee quduuska ah, oo kashifaan dembiga, oo inoo geeyaan Ciise Masiix si aynu u badbaadno, oo inagu caawiyaan inaynu garano sida saxda ah ee aynu u noolaan lahayn (Baxniintii 20, 31:18, 34:28; Laawiyiintii 4:13, Sharciga Kunoqoshadiisa 5; Matayos 5:17-20; Rooma 7:7-25; Galatiya 3:15-29, 5:14; Yacquub 2:8-13).

TRANSFIGURATION: Ciise Masiix muuqiisa waa isbeddelay. Marka ayuu koray buur oo xerta Butros, Yooxanaa iyo Yacquub raacay oo ammaantiisii ayaa iyaga daaha looga rogey (Matayos 17:1-13; 2 Butros 1:16-18).

TRIBULATION: Dhibaatooyin. Waa dhibaatooyin ay la kulmayaan dadka Masiixiyiinta ahi intay dunidan joogaan, Ilaahna waa u sii sheegay inay dhibaatooyinkaasi jiraan (Matayos 13:21, 24:21; Yooxanaa 16:33; Rooma 8:35, 12:12; Muujintii 7:14).

TRINITY: Saddex-midnimada Ilaah. Baybalku wuxuu muujinayaa in hal Ilaah jiro, laakiin midnimada Ilaahnimadu waxay ka kooban tahay saddex shaqsi: Ilaaha Aabbaha ah, Wiilka, iyo Ruuxa Quduuska ah; wuxuu kaloo iyagoo mid ah oo midkood kasta leeyahay Ilaahnimo buuxda; shaqsiyado u gaar ah; qabtana adeeg rabbaani ah oo u gaar ah oo kaamilayaa shaqada guud ee badbaaddada (Bilowgii 1:1-2; Sharciga Kunoqoshadiisa 6:4; Sabuurka 110:1, 45:6-7; Daanyeel 7:9-14; Matayos 28:19; Yooxanaa 1:1-18; 5:17-40, 10:27-38, 14:6-11,25-26, 15:26, 16:7-15, 17:5,20-24; Falimaha Rasuullada 1:4-11, 2:1-4; 32-33; Rooma 8; 2 Korintos 13:14; Efesos 1:3-14; 1 Butros 1:3-12; Muujintii 4-5). Inaad hesho faahfaahin dheeraad ah, halkan guji .

WORSHIP: Caabud, Caabudaad. Ilaah oo keliya ayaa ah kan istaahila in la caabudo, laakiin banii-aadmiga qaarkii waxay caabudaan wax ay gacmaha ku samaysteen ama uu Ilaahay sameeyey (Bilowgii 22:5; Baxniintii 10:8; Sabuurka 95:6; Matayos 2:1-2; Rooma 1:18-23, 12:1-2; 1 Korintos 14:25).

ILAHA LA ISTICMALAAY

Anon. 1982. Qasiidooyin Ilaah Amman Ah. Eastleigh Fellowship Center (Mennonite), Nairobi, Kenya. 28 p.

Columbo, Salvatore. 1981. Kitaab Tukasho. Roman Catholic Diocese, Muqdisho, Somalia. 64 p.

2008, Kitaabka Quduuska Ah. Bible Society of Kenya, Nairobi. (Axdigii Hore 1,224 p., Axdiga Cusub 374 p,. Erayada Masiixiga 8 p.)

Luling, Virginia. 1987. Somali-English Dictionary. Dunwoody Press, Wheaton, MD, USA. 605 p.

Yaasiin C. Keenadiid. 1976. Qaamuuska Af-Soomaaliga. Ministry of Higher Education & Somali Academy, Muqdisho. 498 p.