Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Mustafa iyo qabiilka Al Hanoji

Wiil Mustafa la dhaho ayaa ku noolaa tuulo buuraha geeskooda ku taalay. Wuxuu ahaa agoon madi ah, waayo aabbihiis iyo qaraabadiisoo dhan waxaa lagu dilay dagaal dhexmaray iyaga iyo qabiil ay deris yihiin. Mustafa wuu ogaa in markuu waynaado oo gar usoo baxo ay kuwii aabbihiis iyo reerkiisa dilay usoo laaban doonaan oo ay isagana dili doonaan. Laakiin ma uusan baqayn. Wuxuuna naftiisa ku yiri, “Waan is ilaalin doonaa waxna iguma dhici doonaan.’’

Mustafa markuu nin wayn noqday, maalin isagoo shaqadiisii beerta kasoo socda ayaa waxaa jidka kula kulmay nin oday ah oo si fiican u labbisan oo uusan garanayn. Ninkii ayaa Mustafa si jilacsan ula hadlay wuxuuna waydiiyey xaaladdiisa. Mustafa aad ayuu ugu farxay saaxiibtinimada cusub, waayo shisheeyadu badanaa tuuladiisa ma imaan jirin. Dhowr maalmood kadib, isla ninkii shisheeyaha ahaa ayaa Mustafa kula kulmay tuulada meel ka baxsan waxayna isku salaameen salaan saaxiibtinimo ah. Kadib ninkii shisheeyada ahaa ayaa Mustafa ku yiri, “Waxaan ku noolahay meeshan meel ka fog, waxaan aqaanay aabbahaa reerkiisa ee siyaabo badan ayaanna u caawiyey. Hadda waan arkaa inaad nin wayn oo qurux badan caqlina leh noqotay. Haddaba waxaan u imaaday inaan ogaado haddaan kuu caawin karo sidii aan aabbahaa u caawin jiray, waayo cimrigaaga ayaad ku luminaysaa tuuladan, aan wax ka jirin beero maahee, wax laga faa’iidaana jirin timir iyo saytuun maahee.”

Mustafa aad ayuu uga helay inuu ninkii dhegaysto. Markuu ninkii shisheeyaha ahaa ku casuumay maqaayad yar si ay isla cunteeyaan, Mustafa si dhaqso ah ayuu u aqbalay. Maqribkaas qorrax dhacu aad buu u qurxoonaa tuuladana waxaa ka baxay dad faraxsan oo meelaha iska soconayaa. Maqaayadda dhexdeedana waxaa meel gees ah ka fadhiyey nin duq ah oo dadka tuulada ka tirsan, wuxuuna si taxaddar leh u fiirinayey Mustafa iyo ninkii shisheeyaha ahaa oo cuntadooda ku dul sheekaysanaya. Kadib ninkii shisheeyaha ah ayaa lacagtii cuntaday cuneen bixiyey. Mustafana aad buu ugu mahadceliyey, ninkii shisheeyaha ahaana wuu iska tagay.

Mustafa wuxuu taagnaa albaabka maqaayadda, isagoo ku fikiraya inuu yahay qof nasiib badan leh maadaama uu haysto saaxiib deeqsi ah, kaas oo laga yaabo inuu ka saaro noloshan caajiska ah oo maalin walba ay tahay in beerta laga shaqeeyo. Waqti wanaagsan baa soo socdaa.

Markii uu ninkii shisheeyaha ahaa tagay, nin odayaasha tuulada ka tirsanaa oo magaciisu yahay Bashiir, ayaa Mustafa u yimid oo ku yiri, “Kaalay wiilkaygiyow, i soo raac. Wax baan rabaa inaan kuu sheego.” Mustafa oo raba marmarsiinyo uu beerta shaqadeeda kaga baaqdo ayaa dalabkii odayga aqbalay. Waxay heleen meel fiican oo ay fariistaan oo ahayd geed saytuun ah oo ku yaalay tuulada bannaankeeda hoostiisa.

Bashiir oo si kulul ula hadlaya wiilkii Mustafa ahaa, ayaa waaniyey wuxuuna ku yiri, “Wiilkaygiyow, iska ilaali ninkan shisheeyaha ah ee inuu kula saaxiibo raba. Wuxuu u dhashay qabiilka Al Hanoji, wuxuuna la yimid qorshe xun. Yaan lagugu khiyaanin saaxiibtinimada beenta ah. Maadaama uu hadda ku yaqaano ma nasan doono ilaa uu ku dilo. Ma awoodo inuu kugu dilo dadka dhexdooda, sidaas darteed wuxuu isku dayi doonaa inuu kugu khiyaano inaad u raacdid meel aan dad joogin halkaasoo uu si qarsooni ah kuugu dili doono.”

Mustafa aad bay hadalladii odayga u dhibeen. Xaqiiqdii, weli wuxuu ku jiray saameynta ammaantii faraha badnayd ee ninka shisheeyaha ah, taasoo ku kalliftay oona galisay inuu ku riyoodo nolol waxyaalo wanaagsan ka buuxaan. Bashiir waqti dheer ayuu hadlay si taxaddar ku jiro ayuuna u hadlay ilaa riyooyinkii Mustafa ee ahaa inuu nasiib badan yahay iyo inuu wax fiican heli doono ay burbureen, wuxuuna ogaaday inuu khatar ku jiray. Ugu dambayntiina wuxuu yiri, “Bashiirow, waad ku mahadsantahay waanadaada. Waan is ilaalin doonaa hadduu mar kale soo laabto.”

Bashiir si taxaddar leh ayuu usii hadlay wuxuuna ku yiri, “Wiilkaygiyow, awooddaada iyo xigmaddaada kuma badbaadin kartid naftaada. Waayo, qabiilka Al Hanoji aad ayey u xoog badan yihiin una caqli badan yihiin. Ninkan wuu ku khiyaani doonaa ilaa aad u raacdo sidii lax meeshii lagu qali lahaa loo wado. Laakiin waxaan kuu sheegayaa meel la hubo inaad ku badbaadi doonto. Ma aragtaa buurahaas dhinaca fog ee bariga ku yaala? Buurahaas dhexdooda waxaa ku yaala magaalada quruxda badan ee Al Malja. Amiirka magaalada Al Malja iyo aabbahaa waxay weligood ahaayeen saaxiibo. Waxaana xaqiiq ah Amiirka Al Malja aabbahaa ayuu u hadli jiray sidaas darteed ayaa qabiilka Al Hanoji u xanaaqeen. Waxayna isku dayeen inay Amiirka dilaan. Isku daygaas dartiis ayaana qabiilka Al Hanoji looga cayriyey magaalada Al Malja, haddii ay galaanna waa la dilayaa. Haddii aad awoodid inaad u cararto magaaladaas, taasi oo ah meesha aad ku baxsan lahayd, waayo cadowgu ma awoodi doono inuu wax ku gaarsiiyo. Waanadayda qaado oo carar inta uusan cadowgaagu soo laaban. Haddana nabad ku tag!”

Maalmihii waqtigaas ka dambeeyey Mustafa aad ayuu u dhibaataysnaa. Dadka tuuladuna waxay sheegeen inay qof ka tirsan qabiilka Al Hanoji tuulada ku arkeen. Laakiin Mustafa tuuladiisa wuu jeclaa oo ma uusan rabin inuu ka tago. Sidaas darteed, dib ayuu u dhigay inuu u cararo meeshii uusan garanayn ee uu ku baxsan lahaa.

Maalmo badan iyo toddobaad badan ayaa kasoo wareegatay. Kadib maalin ayuu Mustafa aaday maqaayadda, wuxuuna arkay ninkii Al Hanojiga ahaa oo maqaayadda albaabkeeda fadhiya. Ninkii ayaa Mustafa si fiican u salaamay wuxuuna rabay inuu si gooni ah wax ugu sheego. Mustafa wuu ka laballaabeeyey ma wuxuu aamminaa saaxiibtinimada ninka shisheeyada ah mase wuxuu qaataa waanadii adkayd ee oday Bashiir. Laakiin ugu dambayntii, Mustafa rabitaankiisa wuxuu ahaa inuu isagu wax walba ogaado ayaa ninkii Al Hanojiga ahaa jidka kula lugeeyey.

Ninkii Al Hanojiga ahaa ayaa yiri, “Waan ogahay doqomo badan oo tuuladaada deggan inay iga kaa waaniyeen. Laakiin waxaan kuu caddayn doonaa inaan wanaaggaaga oo keliya rabo. Waxaad tahay nin geesi ah oo xoogna leh waadna i caawin kartaa. Waanna ku abaalmarin doonaa. Duurka geeskiis ayaan waxaan ka helay meel ay tuugadii waagii hore jirtay wax ku qarsan jireen hanti badan ayaana ku duugan halkaas. Haddaad igu caawiso dhammaystirka qoditaankeeda, hantida nuskeed ayaad lahaan doontaa.”

Jirrabaadda aad ayuu ugu badnaa Mustafa. Waxaa u soo jiidatay nolosha wanaagsan iyo rajada uu ka qabay inuu taajir noqon doono. Waxayna ku heshiiyeen inay meesha isku raacaan markuu dayaxu soo baxo, oo ku beegan sideed saac oo habeennimo. Habeenkaas Mustafa wuxuu seexday meel dad waynuhu ku qubaystaan si aan loo ogaan markuu baxayo. Mustafa iyo ninkii kale waxay ku kulmeen duurka geeskiisa markuu dayaxa iftiinkiisu soo baxayeyna waxay heleen meeshii laga galayey godkii ay tuugadu wax ku qarsan jireen. Mustafa ayaa hor galay meeshii geedaha badnayd iyadoo uu ninkii Al Hanojiga ahaa daba socdo. Wuxuuna bilaabay inuu baqdin dareemo waayo ma muuqan in meesha horay loo qoday, wax qalabka qoditaanka ah iyo dhiiqana ma uusan arkin. Isla markiina wuxuu ku baraarugay sida ay u fududdahay in Al Hanojigu dilo. Qofna ma joogin meesha, dadkii tuuladiisa oo dhanna way hurdeen. Markii uu isaga si taxaddar leh u fiirsanayey, ayuu dareemay in ninkii Al Hanojiga ahaa uu si xun u fiirinayo. Wadnahiisina si aad ah ayuu u garaacmay argaggax dartiis.

Kadib isla markiiba, Mustafa wuxuu dhinacii waddada ka maqlay cod uu garanayo wuxuuna ahaa oday Bashiir oo heesaya. Inta uusan ninkii Al Hanojiga ahaa istaajin ayuu Mustafa u fakaday dhinacii waddada wuxuuna u cararay saaxiibkiis Bashiir, markaasaa oday Bashiir yiri, “Rabbigaa ammaan leh! Ee i soo raac.” Mustafa markuu wax yar nastay kadib ayuu Bashiir waydiiyey, “Saaxiibow, sidee baad ii soo daba gashay?” Bashiir ayaa ugu jawaabay, “Aniga xitaa waxaan seexday meesha lagu qubaysto. Waanna ogaa in ninkii Al Hanojiga ahaa shalay kusoo booqday, waanna ku fiirinayey oo waxaan rabay inaan ogaado waxa dhici doona. Markaad kacday oo aad kasoo tagtay meeshii qubayska waan kusoo daba galay. Haddaba wiilkaygiyow, hadalkayga aammin. Qorshe shar ah ayaa lagula rabaa. Ninka Al Hanojiga ah haraadkuu u qabo dhiiggaaga ma dagi doono ilaa uu ku dilo. Wiilkaygiyow, u carar Al Malja (taasi oo ah meesha badbaadada). Waqtina ha ku luminin inaad gurigaaga soo fiiriso.” Waanada Bashiir aad bay degdeg u ahayd Mustafana aad buu u argaggaxsanaa wuxuuna u cararay magaalada Al Malja.

Maalintii labaad galabkeedi markii la gaaray, Mustafa wuxuu meel fog ka arkay derbiyaasha magaalada qorraxda iftiinkeeda ku dhalaalaya. Maskaxdiisana waxaa ka buuxay shaki badan. Ma xaqiiqbaa in Amiirku isaga kusoo dhowayn doono magaalada Al Malja? Ninkii Al Hanojiga ahaana muxuu samayn doonaa? Ma run bay ahayd inuu isku dayey inuu dilo Mustafa? Hadday sidaas tahayna waxaa laga yaabaa inuu magaalada Al Malja albaabyada u isaga ku sugo!

Subixii dambe markii waagu baryey Mustafa wuxuu usii dhowaanayey albaabyada magaalada Al Malja. Albaabyadu waxay furmayeen qorrax soo baxa. Sida ay qorraxdu ammaanteeda ugu soo baxdo, wuxuuna meel fog ka arkayey in albaabyadu la furmeen si soo dhowayn ku jirto. Isla markiiba isagoo duurkii kasoo baxaya ayuu dhinaca buuraha ka arkay cadowgiisii oo soo socda. Mustafa aad ayuu u cararay isagoo uu ninkii Al Hanojiga ahaa cayrsanayo. Magaalada albaabyadeedana waxaa taagnaa odayaashii oo uu amiirkii dhexda kaga jiro oo usoo baxay inay wiilka soo dhoweeyaan.

Ugu dambayntii markuu usoo dhowaaday albaabyadii magaalada, wax yar ayaa u dhaxeeyey Mustafa iyo cadowgiisa argaggaxa leh. Ninkii Al Hanojiga ahaa ayaa madaxii wiilka kusoo aadiyey mindidiisii afka badnayd. Isla markiiba Mustafa oo aad u daalan ayaa isku tuuray albaabkii magaaladiina galay. Ugu dambayntiina wuu nabad galay! Amiirkii ayaa foorarsaday oo kor usoo kiciyey wuxuuna horay ugu sii kaxeeyey magaaladiisii ammaanka ahayd. Ninkii Al Hanojiga ahaana wuu ogaa inuusan intaas in ka badan Mustafa sii cayrsan karin, kadib intuu si nacayb ku jiro wiilkii iyo amiirkii u fiiriyey ayuu iska cararay. Amiirkii ayaa la hadlay odayaashii oo ku yiri, “Waan garanayaa wiilkan waa wiilka saaxiibkay oo ay dileen qabiilka Al Hanoji. Igula farxa in uu gacanteenna ammaan ku yahay.’’ Mustafa aad ayuu u farxay ammaan ayuuna dareemay. Waayo wuxuu ka nabad galay cadowgiisii isku dayey inuu khiyaano oo uu u kaxeeyo dhimasho. Hadda nabad ayuu ugu noolaan karaa meeshaas, halkaasoo uusan cadowgiisu ku dhicin in uu ka hor yimaado Amiirka xukuma.

Akhriyaha qaaliga ahow, waxaa jiray dagaal u dhexeeya binu-aadanka iyo dembiga laga soo bilaabo waqtigii aabbaheen Aadan ilaa hadda.

Waxaana jira hal meel oo aad uga badbaadi kartid dembiga, waana hal meel oo uu Ilaahay doortay. Waana Ciise Masiix, kaasoo ku caddeeyey noloshiisii iyo sarakiciddiisii in uu awood aan xad lahayn uga guulaystay dembiga. Sida uu Kitaabka Quduuska ah noo sheegayo, “Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix.’’(Rooma 6:23). Isaga keligiis ayaana dhihi kara, “Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha.’’ (Yooxanaa 14:6), sidaas darteed: “Laakiin in alla intii aqbashay, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan, kuwaasu waa kuwii magiciisa rumaystay” (Yooxanaa 1:12).

Masiixu wuxuu si furan noogu hayaa albaabka meesha aan ku baxsan lahayn. Wuxuuna yiri, “Waxaan ahay illinka, haddii qof uun xaggayga ka soo galo, wuu badbaadi doonaa, wuuna soo geli doonaa oo bixi doonaa, daaq buuna heli doonaa“ (Yooxanaa 10:9). Ciise wuxuu kaloo kuwii u yimid oo dhan ku yiri, “Oo waxaan iyaga siiyaa nolosha weligeed ah, weligoodna ma lumi doonaan, oo ninna kama dhufsan doono gacantayda“ (Yooxanaa 10:28).

Waad u imaan kartaa Ciise Masiix hadda, si aad u hesho nolol cusub. Wuxuu u istaagsan yahay sida albaabka gala “Magaalada nolosha”, wuxuuna diyaar u yahay inuu kusoo dhoweeyo si dhammaystiranna kaaga difaaco xoogga dembiga. Waxa lagaa rabo oo keliya waa inaad qalbigaaga u furto Ciise Masiix. Dhegayso casuumaaddiisa dabacsan: “Ii kaalaya kulligiin kuwiinna hawshaysan oo culaabaysanow, oo anigu waan idin nasin doonaa. Harqoodkayga dushiinna ku qaata oo wax iga barta; waayo, waan qaboobahay, qalbigayguna waa hooseeyaa, oo naftiinna nasashaad u heli doontaan. Waayo, harqoodkaygu waa dhib yar yahay, oo rarkayguna waa fudud yahay“ (Matayos 11:28-30).

Walaalka qaaliga ahow, adigaba waad soo ogaan kartaa, sababta uu Ciise Masiix u yahay midka keliya ee dembiyadaada cafin kara, iyo sababta uu u yahay midka keliya ee lagu baxsan karo noloshan iyo tan qiyaamo ee soo socota.

Waxaan rajaynaynaa inaad ka heshay akhriska farriintan. Haddaad doontid inaad hesho daabacadaheenna kale, halkan guji: https://www.noloshacusub.net/Literature/Tracts/Messiah.aspx

Haddaad jeceshahay inaad nala soo xariirto mise su’aalo waydiiso, waan ku faraxsan nahay inaan farriintaada helno:

Email: noloshacusub@gmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/BishaaroWeyn