Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Nadiifnimada waxay u dhowdahay quduusnimada

Sida ay dadku dhahaan. Laakiin ma run baa? Waxaa jira waxyaala badan oo fiican oo la sheegay inay jirkeenna ka dhigi kara nadiif: Waxay kordhinaysaa caafimaadkeenna, waxay buuxinaysaa aasaasiga ee nadaafadda, waxay ku siinaysaa oggolaanshada bulshada. Laakiin miyey naga dhigaysaa kuwa uu Ilaahay sidaas isugu soo dhowayo?

Saaxiibteenna Faadumo waxay jeceshahay cunto karinta! Waxay aad uga farxiyaa inay quudiso reerkeeda oo aad u tiro badan. Waxay u dirtaa ninkeeda Mustafa inuu suuqa kasoo adeego, wuxuuna ogyahay hadduusan soo gadin waxay Faadumo ka codsatay oo dhan, way ku qaylinaysaa iyadoo weli jaceyl tusaysa!

Isla markii uu Mustafa kasoo laabto suuqa, Faadumo howsheedii ayay sii diyaarsataa, howsheedii caadiga ahayd ee maalin kasta. Wax walba si taxaddar leh oo fiican ayay u dhaqdaa, u jarjartaa, u walaaqdaa, u maraqaysaa ilaa ay cuntada ugu dambayntii diyaar ka noqoto. Saacaddo badan oo shaqo adag kadib baa qalbigeeda waxaa ka buuxsamaa farxad. Markay reerkeeda ay aad u qiimayso miiska soo fadhistaan, Ilaah bay ku mahadnaqaan oo horey ka cunaan.

Markuu qof walba dhammeeyo cunista, Faadumo gabadheeda ugu yar Sahra way ogtahay inay shaqadeeda tahay alaab dhaqidda. Waxay soo ururisaa koobabka iyo weelasha waxayna ku dartaa digsiyo safan oo u baahan dhaqitaan. Kadibna midmid ayay usoo qaadataa oo si taxaddar leh ugu nadiifisaa keliya dusha. Waxay iska rugta meelaha dheriga dabka ka qabtay oo gubay iyo birtaawooyinka dushooda. Waxay u ekayd inaysan dareemin in gudaha sidoo kale u baahan yahay nadiifis!

Walaalyaalow, weligayn sidan oo kale wax uma dhaqi laheen, miyeysan ahayn? Diimaha badankood, waxaa lagu arkaa isku dayga daahirnimada oo noocyo badan oo nadiifin leh: Islaamka ma loo qaadanaya salaad dhammaystiran haddii aad marka hore weysaysanin oo Ilaahayna kaa ma aqbalaayo; diinta Hindida sida caadadooda tahay dadka waxay ku qubaystaan biyaha Webiga Ganges, webiga ugu karaamada badan Hindiya; Masiixinnimada baabtiiska waxaa loo arkaa sidoo kale inuu yahay caado aasaasi ah oo uu qofka kusoo bandhigo rumaysadkiisa.

Hase yeeshe, sida ay u adag tahay in la ilaaliyo heerarka bannaanka ee nadaafadda iyo dhaqidda, ma laga yaabaa in aan iswaydiinno su’aasha ah, ka warran qalbi nadiif ah? Shaki kuma jiro, Ilaahay waa quduus; Ilaaha quduuska ahna wuxuu aad ugu xiiso qabaa qalbi nadiif ah in ka badan gacmo, cago iyo ilko nadiif ah.

Matayos 23:25-26, Sayid Ciise wuxuu ugu yeeray hoggaamiyayaashii bannaanka iska dhigeen inay diinta u go’een, labawajiilayaal oo indhoolayaal kale hoggaaminaya, oo xooggiina saareen koobka iyo saxanka in bannaanka ka nadiifiyaan. Laakiin gudaha way daayeen iyagoo „dulun iyo damacabadnaan ka buuxa”.

Waxaan rumaysanahay inaan dhammaanteen u baahannahay inaan fahanno macnaha ah in Ilaaha nool aad iyo aad ugu walaacsan yahay xaaladda gudaha ee nolosheenna marka loo eego xaaladda dibadda ee jirkeenna.

Ilaah wuxuu ku leeyahay Eraygiisa Quduuska ah, “Rabbigu wax uma arko sida dadku wax u arko, waayo, dadku wuxuu fiiriyaa muuqashada dusha, Rabbiguse qalbiguu fiiriyaa.” (Samuu’eel Kowaad 16:7)

Immisa lacag ah, waqti iyo tamar ah ayey dadku maalgashadaan si ay u horumariyaan muuqaalkooda bannaanka, si ay kuwa kale u bogaadiyaan ama ay u dhammaystiraan khaladaadka kale.

Laakiin bal ka fikir tan: Maadaama ay ka muhiimsan tahay waxa aan ka nahay waxa aan haysanno, sidaas darteed sifooyinkayaga gudaha ayaa aad uga sarreeya kuwayaga dibidda. U fiirsashada Boqor Sulaymaan waxaa laga yaabaa inay uga timid khibrad shaqsiyeed: “Kii cadhada u gaabiyaa waa ka wanaagsan yahay kii xoog badan, Oo kii ruuxiisa xukumaana waa ka wanaagsan yahay kii magaalo qabsada.“ (Maahmaahyadii 16:32)

Waxay sidoo kale naga caawin kartaa inaan tixgelinno in dabiicadda Ilaah ay tahay inuu amro daahirnimo kaamil ah ee qalbiga taasoo uu ka doonaayo dhammaan kuwa doonaya inay ku noolaadaan nolol isaga u dhow. Markuu Ilaah la galay xariir go’aan dadkiisa Buur Siinay wuxuu dejiyey halbeeg dhammaystiran: “Waa inaad quduus ahaataan, waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ahuba quduus baan ahay.“ (Laawiyiintii 19:2)

Inaad quduus ahaato macnaheedu waxaa weeye inaad “gooni noqotaan“, oo aad noqotid hantida gaarka ah ee kan anaga na leh; Ilaaheenna ina abuuray ah.

Maadaama uusan u dulqaadan doonin wax sanam ah inuu qaato booska ilaah kale oo aan isaga ahayn, sidaas darteed wuxuu kaloo doonayaa xaquuq gaar ah oo ah lahaanshaha nolosheenna. Khudbaddiisii Caanka ahayd ee Buurta Wacdigii caanka ahaa Ciise dadka ku wacdiyey markuu buurta joogay, Ciise intuu fikiray ayuu xitaa sii yiri, “Waxaa barakaysan kuwa qalbiga ka daahirsan, waayo, Ilaah bay arki doonaan.“ (Matayos 5:8)

Sheekada waxaa looga sheekeeyey cirbixiyeenkii Gagarin Shuuciyadda, kaasoo si ku celcelin ah ugu dhaleeceeyey dhagaystayaashiisa hadalkii adkaa ee ahaa “inuusan ilaah halkaas joogi karin, haddii kale wuxuu ku ogaan lahaa isaga“ safarkiisa ee hawada sare. Mid ka mid ah kulamadiisii, gabadh yar ayaa si geesinimo leh u istaagtay iyadoo si fudud u sheegaysa, “Jaalle Gagarin, waxaan ku xasuusinayaa in erayga Eebbe uu inoo sheegayo in dadka qalbi daahirsan oo keliya ay arki karaan Ilaah.“ Runta hooseeya waa noo caqabad innaga dhammaanteen taagan. Haddii adiga iyo aniga aan doonayno inaan nolosha weligeed ah ku qaadanno joogitaanka Ilaahay hortiisa, ma jirto jid kale oo u qalmo oo aan ka ahayn qalbi daahirsan. Boqor Daa’uud ayaa waydiiyey, “Bal yaa fuuli doona Rabbiga buurtiisa? Oo bal yaa dhex istaagi doona meeshiisa quduuska ah?“ Wuxuuna ka sii waday jawaabta, “Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahiryahay…“ (Sabuurkii 24:3-4)

Laakiin tani way ka fududdahay in afka laga dhaho meesha lagu ficiltami lahaa. Sideen ugu noolaan karnaa nolol qumman oo nadiif ah, markii nolosha danaysiga iyo waxyaabaha guuldarradda akhlaaqiyeed hoos inoo jiidanayaan iyaga oo aad u xoog wayn? Xaqiiqdii, waxay u muuqataa wax aad u adag in la noqdo nin ah siduu Ilaah qalbigiisu doonayo, sidii Daa’uud lagu yaqaanay beddelkii la raaci lahaa buuggii diinta ee sharciga iyo waajibaad dibadda ugu yimaaday wata.

Waxaan la yaabanahay hoggaamiyaashaas diineed ee waagii Ciise siday ka dareemeen in loogu yeero “koox munaafiqiin ah“. Si murugo leh, rumaystayaal badan oo caadi ah oo ku kala jira nidaamyada diineed ee kala duwan ayaa inta badan u haysta in madax xariifnimo iyo qalbiyo nadiif ah had iyo jeer wada socdaan. Tani waa qalad wayn. Ma aha in dadka nacaska ah keliya ay jabiyaan sharciga oo ay noqdaan dembiilayaal. Markaa kuma dhiirranaan karno inaan dilno damiirkeenna anagoo tixraacayna hoggaamiyayaasheenna diinta markaan la kulanno heerarka Ilaah ee xaqnimada iyo daahirnimada gudaha. Sababta oo ah Maalinta Qiyaamaha sidaasaa midkeen kastaba Ilaah ula xisaabtami doonaa. (Rooma 14:12)

ADIGA maxaad ugu jawaabi doontaa Abuurahaaga? Ka jawaabidda su’aashan dib ha u dhigin!

Runta waa inaad aqbasho: ma sameeyn karaysid inaad gaartid heerka ugu sarreeya uguna fiican ee Ilaah, adiga oo masaakiin ah oo dadaalkaaga daciifba ha ahaadee haddii wanaag loola jeedo way noqon karaan. Waxaad noqon kartaa dembiile yar oo wanaagsan marka la barbardhigo kuwa kale ee kugu hareeraysan, laakiin anaga oo dhan waxaan waaynay heerkii sare ee Ilaaha. Dhammaanteen dabcan waa la helayaa maalin aan dhar aan qorshaynayno inaan xeranno kuwaas oo kowdii u muuqday kuwo hagaagsan ilaa aan ku fiirinno iftiinka qorraxda mar labaad. Shaki kuma jiro, waxaan si deg deg ah ugu beddelnay dhar nadiif ah. Saaxiibow, markii aad u soo baxdo iftiinka qorraxda ee quduusnimada iyo daahirnimada Eebbe, waa inaad qirataa sidii aan anigaba sameeyey in isla xaqnimadaada keliya kugu filnayn! Marnaba mala gaari doono sida la iska rabo oo la aqbali karo Kan Ugu Quduusan, Aabbaha Iftiinka Jannada, maxaa yeelay waa wax aan ka badnayn halbeegga u gaarka ah ee wanaaggeenna ama daahirnimadeenna.

Yaa naga caawin karaa inaan helno daahirnimada iyo qalbiga nadiifsan oo Ilaah aqbali karo? Ciise Masiix wuxuu ku yiri, “Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa, gudcurka kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha.“ (Yooxanaa 8:12)

Haddii arrintani ku dhibtootid sida ay aniga ii dhibtay, waxaan kugu dhiirrigelinaaya inaad u tagto qof Masiixi ah oo aad ku kalsoontahay, si aad u heshid talo iyo caawimaad. Waxaan rajaynaynaa inaad ka heshay akhriska farriintan. Haddaad doontid inaad hesho daabacadaheenna kale, halkan guji:

Haddaad jeceshahay inaad nala soo xariirto mise su’aalo waydiiso, waan ku faraxsan nahay inaan farriintaada helno:

Email: noloshacusub@gmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/BishaaroWeyn