Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Sidee Baad u Aragtaa Masiixa

What%20do%20you%20think%20of%20Messiah%20cover

C.R. Marsh

Sidee baad u aragtaa Masiixa? Wax kasta waxay ku xiran tahay jawaabta aad ka bixisid su'aashan: farxaddaada nolosha hadda ah iyo meesha aad ku qaadan doonto nolosha soo socota waa aakhiro e. Mar dhow Ciise wuu soo noqon doonaa, wuxuuna ku weyddiin doonaa sidii uu dad badan oo kaleba u weyddiiyey, "Waa maxay fikrada aad aniga iga qabtaa?" (Matayos 22:42)

Waxaan ahay Masiixi, sidaas daraadeed saaxiibbo ayaynu nahay. Runtii waxaan doonayaa inaad ogaatid ka uu Ciise yahay, waana muhim inaan qofna fikrad khalad ah kaa siin arrintan. Waxaa laga yaabaa inaad u malaynayso inuu Ciise yahay oo keliya nebi, qof wanaagsan ama mid ka mid ah kuwo badan oo jiray. Laakiin isagu waa mid khaas ah, waana mid aan mid la barbardhigo lahayn. Kuma jiro mid la mid ah dunidan aynu ku nool nahay iyo tan soo socotaba. Bal arrintaas ka fikir!

WAA KUMAA MASIIXA? (waxaa ka sheekeeynayaa Gerhard Nehls)

Al-Masiix miyaa? Masiixa! Haa, laakiin kani waa magac oo keliya, wax macne ahna ma samaynayo ilaa macnaha ku habboon la siiyo mooyee.

"Masiix" waa habka Carabi ahaan loo yiraahdo, erayga af Cibraaniga ah ee la yiraahdo"Mawshi’akh". Waxaan kaloo ognahay in af-Giriigga lagu macneeyo "Kiristoos," waxaan kaloo ognahay inuu kani yahay magaca Ciise. Laakiin weli maynu garan macnihiisa. Haddii uu Ciise ku dhex dhalan lahaa dadka loo yaqaano Inkaska (Inca) oo ku nool Koonfurta Ameerika ama hadduu ku dhalan lahaa dalka Jabbaanka, oo markaa dadka loo sheegi lahaa inuu yahay Masiixa, sidee ayaad u malaynaysaa inay u fahmi lahaayeen? Wax macne ah uma samayseen, waayo may garteen macnaha erayga Masiixa iyo ujeeddada ka dambaysa toona. Waxaa jiray qolo keliya oo taqaanay, waxayna ahaayeen Yuhuudda.

Way sugayeen Masiixa! Kitaabkooda oo keliya ayaa lagu muujiyey magaca iyo ujeeddada Masiixa. Sharcigii lagu soo dejiyey Muuse ayaa Ilaahay Muuse kaga amray in dadka loo doortay shaqooyinka quduuska ah in loogu subko saliid lagu daray waxyaabo udgoon. Arrintani waxay calaamad u ahayd ama tusaysay in qofkaas Ruuxa Qoduuska ee Ilaahay loogu subkay kaasoo awood u siinaya inuu fuliyo ujeeddooyinka Ilaahay. Tan marar badan ayaa la samayn jiray si loo doorto wadaaddada, nebiyada iyo boqorrada reer banii-Israa’iil.

Waxyiyo kale ayaa sii sheegay in mid khaas ahi uu iman doono oo xukunka Ilaahay hirgelin doono, ma aha Yuhuudda oo keliya laakiin dhammaan dadka kale. Waxay ahayd inuu nabadda Ilaahay keeno dhulka. Ilaahay ayaa isagoo isticmaalaya nebi Daanyeel 600 oo sano ka hor sii sheegay magaciisa iyo wakhtiga imaanshihiisa.

Yuhuuddu way sugayeen Masiixa laga bilaabo wakhtigaas (inkastoo ay intooda badan rumayn waayeen markuu yimid!) Warbixinno ku saabsan wakhtigii dhalashadii Ciise ayaa inoo sheegaya in dhowr Yuhuud oo Ilaahay u go’day ay imaanshihiisa ku sugayeen Macbudka.

Kuwaani waxay ahaayeen kuwo akhriyey oo fahmay waxyigii lagu soo dejiyey nebi Daanyeel.

Markii Ciise yimid kuwo badan ayaa gartay inuu Masiixa yahay. Quraanku wuxuu soo qaatay magacan "Masiix" isagoo aan tafaasiil ka bixinayn xilkii Ciise Masiix. Haddaba si aan macnihiisa u ogaanno waa inaan u leexanaa meesha keliya ee laga heli karo taasoo ah Axdiga Cusub ama Injiilka. Injiilka dhexdiisa ayaa Ciise ku weyddiiyey Faarisiinta oo ahaa cadawgiisa xagga diinta su’aashan aad u muhimsan, maadaama ay innaga oo dhan inoo leedahay muhimmad ballaaran, aynu mar kale eegno. Su’aashaasina waxay ahayd:

Sidee baad ADIGU u aragtaa Masiixa?

Sidee baad u aragtaa DHALASHADIISII YAABKA LAHAYD?

Qofna u ma dhalan siduu u dhashay oo kale. Isagu waa Ciise ina Maryama. Ismaaciil waxaad ugu yeeraan ina Ibraahim, Yaxyena ina Sakariyas, Maxamedna ina Cabdalla. Nimanka kale oo dhammi waxay qaataan magacyada aabbayaashood, maxaa Ciise u qaatay magaca hooyadii? Waayo aabbe adduunka jooga ma lahayn. Wuxuu ka dhashay Maryantii bikradda ahayd, wuxuu ku dhashay awoodda Eebbe (Qaddarta Ilaah), wax banii-aadan ahina shaqo kuma lahayn dhalashadiisa. Toddoba boqol oo sano dhalashadiisii ka hor, nebi Ishacyaah ayaa sii sheegay inuu dhalan doono: "Haddaba Rabbiga qudhiisa ayaa calaamad idin siin doona. Bal ogaada gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta, oo waxay dhali doontaa wiil oo magaciisana waxay u bixin doontaa Cimmaanuu’eel. Cimmaanuu’eel macnihiisu waxaa weeye ‘Ilaah baa inala jooga.’" (Ishacyaah 7:14) Tanina waxay u dhacday sidii nebigu horey u sheegay, sida aad ka akhrin kartaan Matayos 1:18-25 oo ah qayb Injiilka ka mid ah.

Ilaahay wuxuu aabbaheen Aadan ka abuuray dhoobo, dhammaanteena waxaynu nahay carruurtii Aadan, xataa nebiyadii. Waxaynu nahay kuwo laga sameeyay adduunka, laakiin Ciise wuxuu ka soo degay samada. Waxaa loogu yeeray "Al-Manzul" kii soo degay. Wuxuu ahaa daahir iyo nadiif ah sida roobka ama barafka. Kuwa kale oo dhammi waa sida dhulka waana wasakh aan daahir ahayn oo dembi kharribay. Waxaan akhrinaa "Ciise wuxuu dunida u yimid inuu badbaadiyo dembilayaasha." (1 Timoteyos 1:15) Wuxuu yimid meel qalaad. Waxaad ku dhalateen halkan, laakiin Ciise wuxuu joogay Ilaahay hortiisa intaanu iman ka hor. Isaga ayaa doortay inuu adduunka yimaado si uu inoo badbaadiyo. "Bilowgii waxaa jiray Ereyga." Isagu wuxuu ahaa oo yahay Ereygaas. Wuxuu qaatay jir banii-aadan oo noqday nin. Wuxuu ka yimid xagga samada. "Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Ilaah, Ereyguna wuxuu ahaa Ilaah. Isagu Ilaah buu la jiray bilowgii, wax walbana waxaa laga sameeyay xaggiisa, oo wixii la sameeyay lama samayn isaga la’aantiis…Ereyguna jir buu noqday oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii, taasoo ahayd ammaantii u ekayd tan wiilka keliya ee Aabbaha, ee nimco iyo run ka buuxa." (Yooxanaa 1:1-3, 14)

Laba nin ayaa beri ku dhacay god dheer. Mid baa midkii kale ku yiri, "War iga badbaadi meeshan xun, waan ku baryayaaye iga saar dhiiqadan iyo wasakhdan." Kii kale ayaa ugu jawaabay, "Sidee ayaan kuu badbaadin karaa nacasyahow? Anigaba dhibaato taadoo kale ahayaa i haysatee." Labadooduba god ayay ku jireen midnaba ka kale ma caawin karin. Laakiin cod ayay xagga sare ka maqleen kaasoo u sheegaya inay qabsadaan xadhigga. Nin aan godka ku dhicin oo keliya ayaa badbaadin karay iyaga. Wuxuu caawimaad ka keenay xagga sare. Kii ugu fiicnaa nebiyada oo dhammi inaga ma badbaadin karin godka dembiga. Laakiin Ciise ma lahayn dabeecad dembi ka buuxo. Xagga sare ayuu ka soo degay, Ilaahay ayaana malaa’igo soo diray si ay u sii sheegaan dhalashadiisa (akhri Matayos 1:20 iyo Luukos 2:9). War yaab badanaa arrintani! Weli ninna sida ninkan oo kale uma dhalan. Dhalashadiisu waa gaar, wax la barbardhigi karaana ma laha.

Sidee baad u aragtaa DABEECADDIISA?

Wuxuu ahaa kaamil. Weligii ma dembaabin. Weligii khalad ma gelin, weligiina uma baahan inuu dembidhaaf dalbado. Nin kasta oo Ilaahay ka cabsadaa waa inuu dembigiisa qirtaa oo Ilaah dembidhaaf weyddiistaa. Daa‘uud baa sidan sameeyay, Ibraahimna waa sameeyay. Run ahaantii mid ka mid ah nebiyadii ayaa inoo sheegay inuu Ilaahay dembidhaaf weyddiistay 70-jeer maalin kasta. Kitaabka Quduuska ah iyo Quraanka ayaad baari kartaa, waanad ka quusan doontaa haddaad isku daydo inaad ka soo saarto aayad keliya oo Ciise dembidhaaf ku weyddiistay. Uma uu baahan in la cafiyo, waayo dembiga ma lahayn. Saaxiibbadiisii ugu dhowaa isaga ayaa wax ka qoray iyaga oo yiri, "Dembi ma aan u aqoon. Dembi ma lahayn. Dembi kuma jirin isaga." Waxay ahaayeen niman aad u yaqaanna isaga.

Ilaahay wuu cafiyey nebiyada markay dembiyadooda qirteen, laakiin Ciise wax cafis ah u ma baahnayn, waayo dembiga ma lahayn. Wuxuu awood u lahaa inuu kuwii cadawgiisa ahaa ku yiraahdo, "Midkiinnee baa dembi igu caddaynaya?" (Yooxanaa 8:46) Ma jirin mid keliya oo awooday inuu farta ku fiiqo hal dembi oo uu Ciise sameeyay. Keennee ayaa sidaas oo kale isaga difaaci kara cadaawayaashiisa? Ciise ayaa mar dembi been ah lagu soo oogay lana hor keenay xaakinkii la oran jiray Bilaatos, laakiin Bilaatos wax khalad ah waa ka waayey Ciise, markaasuu intuu faraxashay yiri, "Waan ka daahirsanahay dhiigga ninkan xaqa ah." Ma jirin nin kale oo aan dembi lahayn. Wuxuu ahaa nebiga keliya ee aan dembi lahayn. Isagu waa mid khaas ah, oo mid la barbardhigi karaana ma jiro.

Sidee baad u aragtaa ERAYADIISA?

Mar ayaa cadaawayaashiisu u direen booliis si ay u soo qabtaan isaga, markii booliiskii u tegay waxay dhegeysteen waxbariddiisii, markaasaydib isaga soo noqdeen iyagoon soo qaban, waxayna iyagoo yaaban yiraahdeen, "Ninna weligiis uma hadlin sida ninkaasi u hadlay." (Yooxanaa 7:46)

Bal u fiirso waxa uu yiri, "Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa gudcur kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha." (Yooxanaa 8:12) Mid Muslin ah oo saaxiibkay ah ayaa iigu sharraxay sidan, "Ma ogtahay saaxiibow nebiyadu inay dayaxa oo kale yihiin. Dayaxu wuxuu soo ifaa habeenkii, nebiyaduna waxay ilayska Ilaahay keeneen adduunkan daciifka ah mugdigana ah. Dayuxu waa sida nebiga oo kale, marba ilayskiisu wuu soo kordhaa ilaa inta uu ka noqonayo ilays buuxa, ka bacdina wuu libdhaa, laakiin ha baqin dayax kale ayaa meeshiisii ku soo beddelmayee. Nebiyaduna sidoo kale midba mid ayuu ka dambeeyay, mid ayaa waxyooday wuuna dhintay, mid kale ayaana meeshiisii lagu soo beddelay. Quruun kastaa waxay heshay ilays Ilaahay ka yimid." Diimaha dadku sameeyay waa sida ilayska, shumaca ama dayaxa, laakiin yaa kuwan yaryar ilayskooda u baahan markay qorraxdu soo baxdo? Ciise ayaa yiri, "Waxaan ahay nuurka dunida."(Yooxanaa 8:12) Isagu waa qorraxdii xaqnimada. Weligaa ma aragtay qorraxda oo yaraata ama ilayskeedu is dhimo? Maya, weligeed ma baaba’do, qof kasta ayay ifisaa dal kasta ha joogee. Ciise waa sida qorraxda oo marna isma dhimo. Inkastoo daruuraha dembiga iyo rumayn la’aantu marmar hareeyaan, haddana mar kasta dhalaalkiisu wuu joogaa. Ciise wuxuu u yimid qofkasta dal kasta ha joogee.

Sayid Ciise ayaa mar kale yiri, "Waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee." (Yooxanna 14:6) Nebiyadoo dhammi waxay u yimaadeen inay dadka u tilmaamaan jidka Ilaahay loo maro, waxayna yiraahdeen, "Kani waa jidka Ilaahay, raaca kan, qaata waxbariddiisa, kani waa jidka, ee dhawraa marradiisa." Laakiin Ciise wuxuu yiri, "Anigu waxaan ahay jidka ah, i soo raaca."

Wiil yar ayaa beri ku lumay magaalo weyn. Wuxuu ka yimid dal kale, markaa wixii uu doonayey si fiican uguma sheegan karayn luuqadda laga isticmaalo meeshaas uu ku lumay. Nin booliis ah ayuu weyddiiyey bal inuu u tilmaamo jidkii uu gurigooda u mari lahaa. Ninkii booliiska ahaana wuxuu ku yiri, "Jidkan raac, marka koowaad bidixda u leexo, marka labaadna midigta, ka bacdina buundada ka gudub, meesha baabuurta badani maraysana ka wareeg ilaa aad jidka dhexe gaaro..." Wiilkii yaraa oohin ayaa ka soo booday. Ninka booliiska ahi jidka saxda ah wuu u sheegay, laakiin wiilka yar ayaa aad u itaal darnaa, aadna u cabsanayey, tilmaantana aan raaci karin. Laakiin isla markiiba nin ay wiilka yar isku tuulo yihiin ayaa yimid, gacanta ayuuna qabtay oo kaxeeyay. Wiilka yari aad buu u daalanaa socodkuna wuu ku adkaa, laakiin ninkii ayaa garabka saaray oo gurigiisii geeyay. Ninka booliiska ahi jidka ayuu tusay, laakiin ninka ay isku tuulada ahaayeen ayaa jidka ahaa. Ciise wuxuu yiri, "Waxaan ahay jidka, jidka aada guriga Aabbaha."

Sidee baad u aragtaa qisooyinkiisii yaabka lahaa? (Akhri Luukos 15). Sidee baad u aragtaa yeeriddiisii yaabka lahaa? Wuxuu yiri, "Ii kaalaya kulligiin kuwiinna hawshaysan oo culaabaysanow, oo anigu waan idin nasin doonaa." (Matayos 11:28) Sidee baad u aragtaa erayadiisii? Ninna sida ninkaas oo kale weligii u ma hadlin. (Yooxanaa 7:46) Isagu waa mid khaas ah, mid la barbardhigi karaana ma jiro. Mid isaga la mid ah lagama helayo adduunka iyo jannadaba.

Sidee baad u aragtaa MAGACYADIISA?

Nebi kasta wuxuu leeyahay magacyadiisa u gaarka ah oo loogu yeero. Ibraahim waxaa loogu yeeri jiray saaxiibkii Ilaahay (Khaliilu-Allah), Muusena kii Ilaahay la hadlay (Kalimu-Allah). Kuwo kalena waxaa loogu yeeray Ruuxu-Allah, ama Kalimatu-Allah, kaasuna waa Ciise Masiix. Maxamedna wuxuu Quraanku ugu yeeraa Xabiibu-Allah. Haddaba kee baa qofku jecel yahay, ma saaxiibkii (waa xabiib), mise ruuxiisa,niyaddiisa, fekerkiisa, ama erayadiisa, kuwaasoo ah naftiisa? Haddaba bal daacad noqo oo u oggolow in qalbigaagu jawaab bixiyo. Haa, Ciise waxaa loogu yeeray Ruuxu-Allah iyo Kalimatu-Allah.

Injiilka waxaan ka akhrinnaa Ilaah oo Ciise ka hadlaya oo leh, "Kanu waa wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga."(Luukos 9:35) Mar labaad baan ku weyddiinayaaye, "kee baa qof jecel yahay, ma wiilkiisa mise saaxiibkiis?" Jawaabtu waa wiilkiisa. Haddaba Ilaahay si uu Ciise uga duwo kuwa kale oo dhan, waxa uu isaga ugu yeeray Wiilkiisa. Muxuu Ilaah ula jeeday taas? Waxaan niraahnaa wiilka wuxuu u eg yahay ama matalaa aabbihii. Markaan Ciise aragno Ilaahna aad baynu u naqaannaa. (Yooxanaa 14:9) Wiil waxa uu istaagi karaa meeshii aabbihiis, kana wakiil noqon karaa, wuuna u hadli karaa aabbihii. Sidani waa sidii Ciise sameeyay markuu dunida joogay. Sababtaas daraaddeed ayaa loogu yeeray Erayga Ilaah. Ilaahay ayaa isaga ka dhex hadlay. (Cibraaniyada 1:3) Magacyadiisu waa khaas, wax la barbardhigi karaana ma jiraan!

Sidee baad u aragtaa AWOODDIISA?

Wax kasta wuu samayn karaa. Awood iyo xukun oo dhan isaga ayaa la siiyey. Ma jirto shaqo Ilaahay qabto oo aan Ciise qaban intuu adduunka joogay. Yaa dadka soo noolayn kara oo aan Ilaahay ahayn? Ciise wuu soo nooleeyay. Run ahaantii kee baa bogsiin kara dadka baraska qaba oo aan Ilaahay ahayn? Ciisena wuu nadiifiyey oo bogsiiyey dad baras qabay. Kee baa indholayaasha arag siin kara oo aan Ilaahay ahayn? Ciisena waxaas oo dhan buu sameeyay. Wuxuu bogsiiyey cudur kasta, mana jirin qof xanuun qaba oo intuu Ciise u yimid laga eriyey isagoo aan la bogsiin karin. Eray keliya ayuu ku saari jiray jinka. Dad badan ayuu naftooda beddelay oo xataa ka badbaadiyey dembiyo.

Nebiyo badan ayaa mucjisooyin ku samayn jiray, oo dadka ku bogsiin jiray magaca Ilaahay. Laakiin Ciise weligii magaca Ilaahay waxba kuma bogsiin. Mar kasta wuxuu ragga iyo dumarka ku bogsiin jiray awooddiisa iyo magaciisa. Nin aan 38 sano socon oo curyaan ahaa ayuu marku yiri, "Waxaan kugu leeyahay istaag oo soco." Ninkiina wuu istaagay oo socday.(Yooxannaa 5:5-9) Ciise weligii daawo ma isticmaalin, laakiin wuxuu isticmaali jiray magaciisa iyo awooddiisa.

Nin Laasaros la oran jiray ayaa beri dhintay, markaasaa intay aaseen ayay Ciise u yeedheen. Markuu Ciise yimid Laasaros wuxuu aasnaa afar maalmood. Ciisena xabaashii dhinaceeda intuu istaagay ayuu yiri, "Laasarosow soo bax."(Yooxanaa 11:43) Ninkii dhintayna wuu ka soo baxay xabaashii. Kama shakiyi karno awooddii uu Ciise u lahaa inuu dadka soo nooleeyo, waayo Isaga ayaaba yiri,

"Waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha."(Yooxanaa 11:25) Maalin ayaa iman doonta markaasoo ay dhammaan dadka xabaalaha ku jiraa codkiisa maqli doonaan, soona bixi doonaan. Haddii aad dhimatid xabaasha waad ka soo bixi doontaa, sidaas oo kale ayay Muuse, Ibraahim iyo nebiyadii oo dhammi u soo bixi doonaan. Laakiin weliba hadda Ciise nolol cusub wuu ku siin karaa, taasoo ah nolosha Ilaahay, nolosha weligeed ah. Dad badan oo adduunka dacalladiisa ku kala nool ayuu maanta noloshooda beddelayaa. Xataa taadana wuu beddeli karaa. Sidee baad u aragtaa awooddiisa weyn? Waa mid khaas ah, awood badan, oo mid la barbardhigi karaana ma jirto.

Sidee baad u aragtaa SILCIDDIISII?

Sidee baad u aragtaa dhimashadiisii? Adigu ma ogtahay meesha aad ku dhiman doonto? Dalka aad joogtid mise dal kale? Badda dhexdeeda, jidka, sariirtaada dusheeda, xaggee? Mase ogtahay sida aad u dhiman doonto? Ma xanuun baad u dhiman doontaa, mise shil, mise dhimasho iska caadi ah? Waxaa laga yaabaa inaad tan ka jawaabi kartid. Goorma ayaad dhiman doontaa? Meeqa sano ayaadse jiri doontaa? Maalintee, bishee, sannadkee? Maxaase kugu dhici doona dhimashada kaddib? Adiga iyo aniguba waa inaynu qiranaa inaynaan ogayn waxyaalahan oo dhan. Ilaahay uun baa og oo go'aankooda leh.

Laakiin Ciise wuu ogaa oo horey ayuu u sii sheegay meeshii uu ku dhiman lahaa oo Yeruusaalem ahayd. Wuxuu sheegay sidii uu u dhiman lahaa, isagoo tafaasiil ka bixinayey sida uu u dhiman doono.(Luukos 18:31-33) Xertiisii ayuu u sii sheegay goorta uu dhiman doono. Waxayna ahayd maalinta allabbariga, maalintaa soo qof walba qalayey wan si ay ugu dabbaal-degaan Ciidda Kormaridda, wuxuuna u dhintay sidii isagoo ah, "Wanka Ilaah oo dembiga dunida qaaday." (Yooxanaa 1:29) Wuxuu kaloo u sheegay inuu maalinta saddexaad soo sarakici doono. Waxyaalahan oo dhammina sidii uu yiri uun bay u dhaceen. Wuu ogaa. Isagu ma ahayn sida dadka kale, waayo innagu ma ogin, nebiyadii kalena ma ogayn dhimashadooda. Adiga iyo anigu waxaan ku dhiman doonaa meeshii, sidii iyo goortii uu Ilaahay go'aansado.

Laakiin Ciise wuxuu yiri, "Ninna igama qaado, laakiin anaa iska bixiya. Waxaan leeyahay amar aan ku bixiyo, waanan leeyahay amar aan haddana ku soo qaato."(Yooxanaa 10:18) Weligii ma dembaabin, sidaas daraaddeed muu muteysan dhimasho. Isaga oo aan dhiman ayuu samada aadi karay, laakiin isaga ayaa doortay inuu dhinto si uu kuwo kale u badbaadiyo. Noloshiisa innaga ayuu inoo bixiyey, si aynu dembigeenna uga badbaadno. Adiga ayuu kuu dhintay. Isagu waa adhijirka wanaagsan, naftiisana wuxuu u bixiyey idahiisa. Daa’uud, Ishacyaah iyo nebiyadii kale way sii sheegeen Ciise dhimashadiisii.

Nebi Daa’uud ayaa wax ka sheegay Ciise Masiix dhimashadiisii sida ku qoran Sabuurka 22:15-18, waxaana qoran sidatan, "Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, oo carabkaygiina daamankayguu ku dhegay, oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada. Waayo, waxaa i hareereeyay eeyo oo waxaa hareerahayga isku wareejiyey shirkii xumaanfalayaasha oo waxay iga mudeen gacmaha iyo cagaha. Lafahaygii oo dhan waan tirin karaa, oo iyagu way i fiiriyaan oo igu dhaygagaan, Dharkayga bay qaybsadaan, Oo maradaydana saami bay u ritaan."

Nebi Ishacyaah ayaa isaguna ka hadlay wax ku saabsan Sayid Ciise Masiix dhimashadiisii, sida ku qoran kitaabka Ishacyaah 53:3-12 oo leh: "Isaga waa la quudhsaday, waana la diiday, oo wuxuu ahaa nin murugeed, oo xanuun bartay, waana la quudhsaday sida mid dadku wejiga ka qarsado, mana aynaan xurmayn. Sida runta ah wuxuu xambaartay xanuunyadeennii, wuxuuna qaatay murugadeennii, laakiinse waxaynu ku tirinnay mid belaayo ku dhacday, oo Ilaah dilay, oo dhibaataysan. Laakiinse waxaa isaga loo dhaawacay xadgudubyadeenna, waxaana loo nabareeyay xumaatooyinkeenna, edbintii nabaadiinadeennana dushiisay ku dhacday, dildilaaciisiina waynu ku bogsanay. Dhammaanteen sidii ido baynu u hallownay, midkeen waluba jidkiisuu u leexday, oo Rabbigu wuxuu isaga dul saaray xumaanteenna oo dhan. Isaga waa la dulmay waana la dhibay, laakiin innaba afkiisa ma uu kala qaadin. Isaga sidii wan la qalayo baa loo kaxeeyay, oo sidii lax ku aammusan kuwa dhogortaka xiira hortooda, isagu afkiisa ma uu furin. Isaga dulmi iyo xukun baa lagu sii qaaday.

Haddaba bal yaa qarnigiisii ka mid ahaa oo u maleeyayin isaga laga gooyay dalkii kuwa nool? Xadgudubka dadkayga daraaddiis ayaa isaga loo garaacay. Xabaashiisiina waxaa lagu daray kuwii sharka lahaa, dhimashadiisiina mid taajir ahaa, in kastoo uusan dulmi samayn, khiyaanona aanay afkiisa ku jirin. Habase ahaatee waxaa Rabbigu raalli ka noqday inuu isaga nabareeyo. Wuxuu isaga ku riday xanuun. Markaad naftiisa qurbaan dembi ka dhigtid ayuu arki doonaa farcankiisii, cimrigiisuna waa dheeraan doonaa, oo Rabbiga doonistiisuna gacantiisay ku liibaani doontaa. Wuxuu arki doonaa waxay naftiisu ku dhibtootay, wuuna u riyaaqi doonaa. Addoonkayga xaqa ahuna aqoontiisa ayuu kuwa badan xaq kaga dhigi doonaa, wuxuuna xambaari doonaa xumaatooyinkooda. Sidaas daraaddeed waxaan isaga wax ula qaybin doona kuwa waaweyn, isna wuxuu boolida la qaybsan doonaa kuwa xoogga badan, maxaa yeelay, isagu naftiisuu geeri u huray, waxaana lagu tiriyey kuwa xadgudbay, weliba wuxuu xambaartay kuwa badan dembigood, wuuna u duceeyay kuwa xadgudbay." Weli ninna uma dhiman siduu u dhintay, isagu waa mid khaas ah oo aan mid la barbardhigi karo lahayn.

Sidee baad u aragtaa SIDII UU DHIMASHADA UGA GUULEYSTAY?

Wuu dhintay dad ayaana aasay, cadaawayaashiisiina si kasta ayay isku dayeen si aanu xabaasha uga soo bixin. Dhagax aad u weynayay xabaasha afka ka saareen, xabaasha hareereheedana waxay ku wareejiyeen waardiyeyaal. Shaki kuma jirin inuu dhintay, dadkuna intay samayn kareen ayay sameeyeen si aan xabaasha looga bixin. Laakiin dhimashadii wuu ka sarakacay, wuxuuna isagoo nool is tusay xertiisii, Butros, Maryan iyo 500 oo qof oo kale. Wuu sarakacay siduu isaguba hore u sheegay. Ilaahay ayaa doonayey inuu tuso qof kasta oo adduunka jooga inuu oggolaaday shaqadii Ciise Masiix, dadkaas oo dhammina way arkeen, taabteen, wax la cuneen, waxna la cabeen. Markuu dhimashada ka sarakacay kaddib wuxuu iyaga tusay nabarradii kaga yaallay gacmaha, cagaha iyo dhinaca.

Dhimashadu waa cadow weyn, adiga iyo aniguba waa khasab inaynu dhimanaa, goor ay ahaataba. Nebiyadii oo dhammi way dhinteen welina dhimashay ku sugan yihiin, laakiin Ilaah baa ammaan iska leh, Ciise Masiix dhimashada wuu ka guuleystay, maantana waa nool yahay. Wuxuu awoodaa inuu badbaadiyo dhammaan kuwa Ilaah isaga u soo mara, waayo wuxuu u nool yahay inuu iyaga u duceeyo. Ma jiraa nebi kale oo maanta nool ka bacdi dhimashadiisii? Ciise oo keliya ayaa dhimashada ka sara kacay. Isagu waa mid khaas ah oo aan mid la barbardhigi karo lahayn. Mana jiro mid isaga la mid ah dhulka iyo samadaba.

Sidee baad u aragtaa SARE U BIXIDIISII?

Falimaha Rasuullada 1:9-11 ayaa waxaan ka akhrinnaa sidatan, "Oo kolkuu waxyaalahaas yiri dabadeed, iyagoo eegaya, ayaa sare loo qaaday isagii, oo daruur baa indhahoodii ka qarisay. Oo intuu sii socday, iyagoo samada aad u fiirinaya, ayaa waxaa isa soo ag taagay laba nin oo dhar cadcad qaba, oo waxay ku yiraahdeen, Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa." Sidoo kale Warqaddii rasuul Bawlos u qoray dadkii Filiboy 2:6-11 ayaa leh: "Isagu wuxuu lahaa suuradda Ilaah, oo inuu Ilaah la mid ahaado kuma uu tirin in taasu tahay boobis, laakiinse wuu is madhiyey, oo wuxuu qaatay addoon suuraddiis, oo wuxuu noqday mid dad u eg, oo markuu nin u ekaaday, ayuu is-hoosaysiiyey oo addeecay inuu dhinto, xataa inuu iskutallaabta ku dhinto. Haddaba sidaa daraaddeed Ilaah isaga aad buu u sarraysiiyey, oo wuxuu isaga siiyey magaca magac kasta ka sarreeya; in jilib kastoo ah waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka jooga iyo waxyaalaha dhulka ka hooseeyaaba, ay magaca Ciise u wada sujuudaan, iyo in carrab kastaaba qirto in Ciise Masiix yahay Rabbiga in Ilaaha Aabbaha ah lagu ammaano."

Haddaba haddii aan Yuhuudda weyddiin lahaa qofkii ay fadhiisin lahaayeen meesha jannada ugu sarraysa, waxay oran lahaayeen Muuse, Muslinkuna Maxamed, Masiixiyiintuna Ciise. Si kastaba ha ahaatee Ilaahay uma baahna inuu la tashado Yuhuudda, Muslinka ama Masiixiyiinta, laakiin isaga ayaa sarray siiyey Ciise, siiyeyna magac ka sarreeya magac kasta. Taasi waa arrin Ilaahay sameeyay. Xataa dadka isla waaweyn ee kibirka badani waa inay u sujuudaan Ciise.

Sidee baad u aragtaa KU SOO NOQOSHADIISA ADDUUNKA?

Wuu soo noqonayaa. Isaga ayaa sidaas yiri.(Yooxanaa 14:1-3) Malaa’igtiina sidaas bay tiri.(Falimaha Rasuullada 1:11) Dhammaan Masiixiyiinta runta ahina way sugayaan soo noqoshadiisa. Muslimiintu xataa way og yihiin inuu soo noqonayo oo wax xukumayo. Wuxuu u imanayaa inuu qaado kuwiisa si ay isaga ula joogaan jannada. Wuxuu u imanayaa inuu adduunka oo dhan xukumo. Isagu waa boqorka adduunka, waa inuu xukumaa ilaa iyo inta cadaawayaashiisa oo dhan laga gelinayo cagahiisa hoostooda.(1 Korintos 15:25) Dadka qaarkiis waxay yiraahdaan wuxuu wax xukumi doonaa afartan sano, laakiin Ilaah wuxuu yiri kun sano. Tan Ilaah yiri ayaan rumaysan ahay. Wuu soo noqonayaa qof kastaana markaa wuxuu qiran doonaa inuu Ciise Masiix yahay Boqorka boqoradda iyo Sayidka sayidyada. Isagu wuu soo noqon doonaa, hortiisa ayaanad istaagi doontaa, xaakinkaaga ayuuna ahaan doonaa.

Markaad fool ka fool isu aragtaan, wuxuu ku weyddiin doonaa: "Sidee baad aniga ii aragtaa?" Maxaad ugu jawaabi doontaa? Haddii aad tiraahdid, "Waxaad tahay mid ka mid ah nebiyadii," haddana wuxuu ku weyddiin doonaa; "Maxaad u raaci wayday amarradayda?" Waana lagu eedayn doonaa, waayo waxaad rumaysnayd inuu yahay mid ka mid ah nebiyadii badnaa, marka uu runtii yahay mid aan wax la barbardhigi karo lahayn, oo ah badbaadiyaha keliya. Yaa soo noqon doona si uu u xukumo? Muuse, Ibraahim, Daa’uud ama mid kastoo nebiyadii kale ka mid ah midna soo noqon maayo, laakiin Sayid Ciise oo keliya ayaa soo noqon doona, noqonna doona xaakinka dunida. Ilaahay ayaa caddayn siiyey banii-aadanka oo dhan, markuu ka soo sarakiciyey isaga kuwii dhintay. Wuu soo noqon doonaa il kastaana way arki doontaa. Isagu waa mid khaas ah, oo aan mid la barbardhigi karo lahayn.

Sidee baad u aragtaa WAXYAALAHA UU KAA DOONAYO?

Sayid Ciise Masiix ayaa yiri sida ku qoran Injiilka sida Matayos u qoray 11:28 oo leh sidatan: "Ii kaalaya kulligiin kuwiinna hawshaysan oo culaabaysanow, oo anigu waan idin nasin doonaa." Adiga ayuu kuu yeerayaa maanta. Markuu u yeeray xertiisii ugu horaysay, way ka tageen guryahoodii, waalidkoodii, shaqooyinkoodii iyo wax kastoo ay ahaayeenba, isaga oo keliya ayayna raaceen. Adiga ayuu maanta kaa codsanayaa inaad raacdid isaga, aammintid isaga, una rumaysid isaga sida badbaadiyahaaga, noloshaadana aad isu dhiibtid isagoo ah Sayidkaaga. Wuxuu ku weyddiisanayaa inaad naftaada oo dhan u hibayso isaga. Banii-aadanka dhammaan buu weyddiisanayaa. Haddii uu yahay midka uu sheeganayo inuu yahay, sheegashadiisuna waa wax caqli gal ah. Isagu waa khaas, aan midna la barbardhigi karin marka laga eego dhinaca dhalashadiisii, iyo noloshiisii aan dembiga lahayn, dabeecaddiisii, magacyadiisii gaarka u ahaa, erayadiisii yaabka lahaa, awooddiisii sarraysay, siliciisii iyo dhimashadiisii. Maanta wuu nool yahay, wuxuuna la joogaa kuwa aammina oo dhan, wuxuu uga soo duceeyaa jannada dhammaan kuwa rumeeya oo dhan. Mar dhow ayuu imanayaa. Ma jiro mid isaga la mid ah samada iyo dhulkaba. Sababtaasina waa tan uu kuu weyddiisto inuu noqdo Boqorka iyo Sayidka noloshaada.

Isagu wuu soo noqon doonaa, xertiisii ayuu u sheegay inuu dhakhso u iman doono, iyaguna waxay ugu jawaabeen, "Rabbi Ciisow, kaalay."Annaguna waxaannu weli ku ducaysanaa sidaas oo kale, "Haa, Rabbi Ciisow dhakhso u kaalay. Aamiin. Aamiin. Aamiin."