Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Warqad Waddan fog ka timid

Waan ogahay inaad xiisayn doontaan, markaad maqashaan sheekada Cabdulqaadir. Cabdulqaadir, isagoon labo sano gaarin, baa waalidkiisa ka dhinteen. Waxay wiilkooda u dhaafeen hanti badan iyo guriyo dhaxal ahaan. Wiilka iyo hantidiisa waxaa mas’uul looga dhigay abtigiis. Go’aankan oo kale xaalad caadi ah ayuu ku fiicnaan lahaa.

Laakiin waxaa dhacday in Cabdulqaadir abtigiis ahaa nin xun. Wiilkii yaraa buu u diray meel fog, si uu ula joogo qof qaraabo ah oo xitaa aan si fiican u daryeelin wiilkii yaraa. Kadibna abtigiis wuxuu faafiyey war sheegaya inuu Cabdulqaadir dhintay. Haddana wuxuu iibiyey hantidii oo lacagtiina ku isticmaalay damaciisa danaysiga ah.

Cabdulqaadir markuu koraayey waxaa loo sheegay inuu yahay agoon, masaakiin guri la’aan ah, wuxuuna ku noolaa sadaqada dadka kale bixiyaan. Laga bilaabo waqtigan, wuxuu ku qasbanaaday inuu ka shaqeeyo beerta, si uu u helo wuxuu ku noolaan lahaa. Sidaas darteed isaga si fiican uma garanaynin sida wax loo akhriyo ama loo qoro.

Sanado badan baa dhaafay, Cabdulqaadirna wuxuu gaaray da’da labaatan iyo labo jirka. Maalin isagoo fidkii guriga keligiis ku ah, baa wuxuu helay warqad, taasoo magaciisa lagu soo diray. Ma qiyaasi kartaa farxaddiisa, warqad isaga loo soo diray! Runtii, qofna halkaas kuma arki doona. Laakiin markuu ku laabtay beerta maalinta ku xigtay, uuna hubiyey in qofna aanu isaga ku arki doonin halkaas, ayuu warqaddii furay akhriyeyna, isagoo uu akhriska ku adkaa:

Ku socota Cabdulqaadir kan sharafta leh, wiilkii Muuse:

Nabad ha kula jirto! Aniga oo ah kan warqaddaan kuu soo qoray, waxaan ahay Sharmarke, hooyadaa walaalkeed. Sanado ka hor ayaan maqlay waxyaalihii kugu dhacay iyo inaad weli nooshahay. Aad baan ugu faraxsanahay inaad weli nooshahay, waayo jirkayga iyo dhiiggayga ayaad tahay. Qalbigayga wuu kuu danqadaa.

Mudane Cabdulqaadirow, ma ogid inaad dhex joogto cadowyo, kuwaasoo dhaxalka aabbahaa kuu dhaafay kaa qaatay. Markaan arrintan murugada leh maqlay, baan iibsaday dhaxalkaaga, si aad u lahaatid mar labaad. Haddaba sanado badan oo daal iyo silac kadib, baan waxaan bixiyey lacag badan kadibna lahaaday warqadda lahaanshaha hantidan oo dhan.

Warqadda lahaanshaha hantidan waxay gacantiisa ku jirtaa xaakinka, kaasoo aan magaciisa iyo ciwaankiisa kuusoo sheegayo. Warqadda lahaanshaha saxiixaaga oo keliya ayay u baahantay, si aad hantidan u lahaatid. Haddaba warqaddan u gey xaakinka oo u sheeg qofkaad tahay. Kadibna markaan mustaqbalka is aragno waan wada farxi doonnaa.

Cabdulqaadir intuu noolaa oo dhan weligiis waxyaalahan oo kale ma maqlin. Mana garanayn wax uu aammino, inuu yahay wiil masaakiin ah oo ku qasbanaa inuu cuntadiisa yar u shaqaysto sidii addoon ahaan? Ama inuu yahay midka dhaxlay hantidan badan? Xitaa ma xasuusan karin inta mar ee uu warqaddii akhristay, aad buuna u faraxsanaa. Ugu dambayntii warqaddii buu ku hoos qariyey dhagax si uusan sayidkiisa u arkin.

Laakiin subixii ku xigay ayuu u sheegay sayidkiisa wax walba. Isagiina aad buu uga xanaaqay arrintaas. Markaasuu ku yiri, “Doqonsanidaa! Miyaad u malaysay in adduunkoo dhan Cabdulqaadir adiga keligaa tahay? Warqaddan qof kaloo Cabdulqaadir la yiraahdo baa loo soo diray, sidaas darteed adiga ma iskalihid.”

Wiilkiina wuxuu ugu jawaabay, “Way dhici kartaa, laakiin weli magacaygaa ku qoran warqadda, sidaas darteed waa inaan u safraa halkaas oo aan soo ogaadaa arrintan, wixii dhacayana, ha dhacaan.”

Sayidkii baa aad iskugu dayey inuu ku qanciyo Cabdulqaadir inuu tuso warqadda, laakiin xitaa sayidkiisa hanjabaaddiisa may beddeli karin fikraddiisa. Gabbalkii intuu dhacin kahor, buu Cabdulqaadir si qarsooni ah u tegay halkii uu ku qariyey warqaddii oo haddana mar kale akhriyey.

Habeenkaas cashada kadib, odayaasha tuuladaas oo iyagana la casheeyeen sayidka baa la hadlay Cabdulqaadir oo ku yiri, “Yariisow, na dhegayso oo xigmaddeenna naga qaado. Ha aamminin warqaddaas laguu soo diray, waayo qof baa ku khiyaanaya oo madaxa kaaga ciyaaraya. Warqaddaas waa warqad been ah oo xitaa saxiixeedu waa saxiix been ah. Bal noo keen warqadda, waana kuu caddaynaynaa inay been tahay.” Cabdulqaadir mar kale ayuu hadalkooda ka diiday. Odayaashu inkastoo ay aad ugu xanaaqeen, waxay dareemeen inaysan waxba ka qaban karin.

Laakiin hadalladii odayaasha waxay Cabdulqaadir ku beereen shaki badan. Bal ka warran haddii ay dhacdo in waxyaalihii ay u sheegayeen ay run tahay? Wuxuu arrintaas ku xaliyey inuu waydiiyo waxa ku saabsan arrintan, subaxdii ku xigtay baa wuxuu tegay suuqa. Markuu in badan sii baaray arrintii, buu wuxuu la kulmay nin garanaya meesha warqaddaas ay ka imaatay. Sanad baa kasoo wareegatay ninka markii ugu dambaysay uu magaaladaas booqday. Ninkii wuxuu Cabdulqaadir ku yiri, “Magaaladaas waxaa ku noolaa nin la yiraahdo Sharmarke. Qof walboo magaaladaas joogana wuxuu ka hadlaa wanaaggiisa iyo dabeecaddiisa fiican. Waxay dhahaan mar wuxuu ahaa nin aad u taajir ah, laakiin dhowr sano oo la soo dhaafay wuxuu ku noolaa xaalad fakhrinimo, isagoo meelaha socdo oo dhibaataysan dakhligiisana u kaydiya ujeeddo yaab leh oo qarsoon.”

Waxay u ekayd in sababtii uu Sharmarke u dhibaataysnaa aysan u caddayn ninkii waxyaalahan u sheegayey Cabdulqaadir. Laakiin Cabdulqaadir arrintan wuu fahmay! Farxad uusan weligiis dareemin baa ka buuxsantay oo rajo ayuu helay. Wuu ogaaday sababtii uu Sharmarke shaqadaas jacaylka ku dhisan u sameeyey. Wuxuu u sameeyey isaga, Cabdulqaadir dartiis! Haddana Cabdulqaadir wuxuu sayidkiisii u sheegay inuu go’aansaday inuu magaaladaas u safro. Sayidkiina wuxuu mar labaad Cabdulqaadir ugu hanjabay inuu xabsi gelinayo. Sidaas buuna sameeyey. Laakiin Ilaahay baa la jiray Cabdulqaadir.

Habeenkii markii la joogay Cabdulqaadir aad buu uga shaqayey inuu derbiga hoostiisa ka qodo hog, kadibna wuu baxsaday. Iftiinkii bisha ayuu ku helay warqaddiisii, taasoo ku hoggaamisay magaaladii Sharmarke. Maalintii wuu is qarinayey, habeenkiina wuu safri jiray ilaa u ka fogaaday halkii oo sayidkiisa joogay. Marar badan buu warqaddii akhriyey intuu safarkii kusii jiray. Taasoo dhiirrigelisay oona siisay rajo. Dhowr toddobaad oo uu safarkii ku jiray kadib, wuxuu gaaray magaaladii, wuxuuna helay guriga xaakinka. Xaakinkii markuu furay albaabkii la garaacaayey, buu la kulmay wiil yar oo xitaa u ekayn kan dhaxalkiisu yahay hantidan badan! Cabdulqaadir wuxuu iibiyey wuxuu haystay oo dhan intuu safarka kusoo jiray oona ku isticmaalay wuxuu cuno. Wuxuu xirnaa dhar jeejeexan kabana ma qabin. Laakiin weli xaakinkii wuu ku faraxsanaa sida Cabdulqaadir uu u sheegayey qofkuu yahay una tusay warqaddii. Markaasuu xaakinkii ku yiri, “Si fiican baad sameeysay, Sharmarke ma doonaynin inuu kugu qasbo inaad timaaddid. Wuxuu doonay inuu arko inaad aamminaysid ballanqaadkiisa oo aad leedahay dhiirranaanta aad safar kusoo gasho. Haddaba waad timaadday, waa inaan warqadda lahaanshaha hantida aan dhammaystirnaa, anagoo markhaati nala joogo. Kadibna waad lahaan doontaa waxaad iskaleedahay.”

Cabdulqaadir goortuu seexanaayey, miyaad qiyaasi kartaa sida uu dareemaayey? Hadda wuu ogaaday inaysan arrintani riyo ahayn. Runtiina, wuxuu ahaa mid leh hanti iyo guriyo badan! Wuxuuna ballanqaaday inuu ilaaliyo hantidiisa cusub.

Waa inaan kuu sheegnaa siduu Cabdulqaadir u faraxsanaa waqtigaas ka bilaabato, iyo siduu u fiirsanaayey quruxda hantidiisa oo dhan. Haba ahaatee, wuxuu aad u xiisaynayey maalinta uu la kulmi doono Sharmarke. Waayo weligiis ma iloobi karin inuu ahaa isaga kan hantidiisii u soo celiyey oona siiyey. Runtii, wuxuu qaddariyey kan wax furto, kaasoo kasii qiimo badan kan la soo furay!

Saaxiibayaalow, idinka xitaa warqad ayaa idinkaga timaadday meel fog. Warqaddan waxaa waaye Axdiga Cusub (Injiilka), taasoo Ilaahay ka timaadday oo loo soo dhiibay adeegahiisa. Waxayna idiin sheegaysaa wax ku saabsan dhaxalka Ilaahay idiin diyaariyey. Dhaxalkanna ma lumaayo sida waxyaalaha dunida, oo dhammaanayaan, laakiin waa mid saafi iyo kaamil ah oo weligeedna jiraaya.

Maalkiina dhaxalka weligiis ah waxaa ka mid ah dembidhaafkiina, silaca laydiinka badbaadiyey, hadiyadda nolosha cusub iyo heshiiska aad Ilaahay la heshiiseen. Miyaad ogtihiin in Ilaahay mar hore idiin qoray dhaxalkan xagga jannada ah? Waxa keliya aad u baahantihiin waa inaad aqbashiin idinkoo si xor ah u dooranaya.

Warqaddan waxay sidoo kale idiin sheegaysaa sida Ilaahay idiinku diyaariyey dhaxalkan badan. Waxaa kale oo ay idin tusaysaa sida Ilaahay ugu soo diray Ciise Masiixa inuu idiin dhibaatoodo oo silco. Masiixa wuxuu kasoo tegay maalka iyo sharafta oo ah la joogista Ilaahay jannada ku jira, wuxuuna idiin bixiyey naftiisa. Xitaa wuxuu u yimaaday dunidan sida bini-aadan oo kaleeto inuu noloshiisa idin siiyo darteed. Ka soo sarakiciddiisa kuwii dhintay waxay xaqiijinaysaa in dhaxalkiisu runtii kiina yahay. Bal aan is waydiinno, muxuu Masiixa waxyaalahan oo dhan idiinku sameeynayaa? Sababta waxaa waaye, sida warqaddii ay sheegaysay, waxaad ku jirtaan gacanta cadowga, Shayddaanka. Wuxuu isku dayey inuu dhaxalkiina idinka qaato. Wuxuu doonay inuu mugdi iyo aqoon la’aan idinku hayo, si aadan wax ku saabsan dhaxalkiina u garanin. Laakiin Ilaahay oo idin jecel darteed, Masiixa wuu idiin dhibaatooday, si uu idinku soo furo dhaxalkiina idinkana xoreeyo xajinta Shayddaanka.

Saaxiibow, miyaad aamminsantahay ballantan Ilaahay? Miyaad leedahay dhiirranaan aad kaga soo tagto noloshaada dembiga leh iyo addoonsiga aad u ahayd Shayddaanka? Miyaad diyaar u tahay hadiyadda uu Ilaahay doonaayey inuu ku siiyo? Shaki malahan in dadka qaarkood ku niyad jabinayaan. Waxay ku dhihi doonaan noloshaadii hore ha ka tagin. Kuwa kalana waxay ku dhihi doonaan warqadda Axdiga Cusub waxaa leh qof kale, ee adiga malihid. Weli kuwa kalana waxay ku dhihi doonaan warqadda run maba ahan, farriinteeduna waa been oo xitaa ballamaheeduna waa been.

Laakiin saaxiibow, warqaddan adiga ayaa laguu soo diray, sida kuwa kale ee dembiilayaasha ahna loogu soo diray. Bal si fiican u akhriso, adigoo qalbigaaga furaya. Haddii aad aragto runta oo aad ogaatid qiimaha dhaxalka weligiis ah, qalbigaa sida Cabdulqaadir oo kale ayuu ku farxi doonaa hantidaada cusub. Cafis baad taajir ku noqon doontaa, adigoo nabad iyo nolol cusub Masiixa ku haysta. Oo waxaad sugi doontaa waqtiga aad Masiixa u mahadnaqi doontid oo aad la farxi doontid maalintuu kasoo laaban doono jannada oo uu adduunka imaanayo.

Ilaahay wuu waynyahay! Aan ammaano Ilaahayga wax walba wanaajiya!

Waxaan rajaynaynaa inaad ka heshay akhriska farriintan. Haddaad doontid inaad hesho daabacadaheenna kale, halkan guji:

Haddaad jeceshahay inaad nala soo xariirto mise su’aalo waydiiso, waan ku faraxsan nahay inaan farriintaada helno:

Email: noloshacusub@gmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/BishaaroWeyn