Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Nuurkii Adduunka

Nabar aan daawo lahayn,
Oo lala nusqaamiyo,
Naf go’doo xabaalani,
Nooleeyihiiyow!
Nuurkii adduunkow,
Naruuradaada qaaliga ah,
Nimcadaada wax naga sii.
Nimcadaada wax naga sii.

Markii aan nuglaannee,
Niyadda naga xumaatee,
Qalbigu naafo gaadho,
Naxariistihiiyow!
Ciise nuurkii dunidow,
Naruuradaada qaaliga ah,
Nimcadaada wax naga sii.
Nimcadaada wax naga sii.

Adaa nacabka Shayddaan,
Ee qalbiga negida ku ahaa,
Niyadda iiga saaroo
Naarta iga xoreeyee.
Kuwa naca xambaarsanee
Aan garan nasteexada,
Nimcadaada gaarsii.
Nimcadaada gaarsii.