Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaynuunka dahabkaa

qaynuunka-dahabkaa

  1. Qaynuunka dahabkaa
    Qalbi khayr ku jiro buu
    Qaneeco u siyaadshaa.

  2. Kitaabkaan Quduuskaa
    Qoraallada falliimaha
    Qof nasiib leh baa hela

  3. Qowlkii Masiixiyo
    Ku qabownay nuurkoo
    Qalbiguu daaweeyaa

  4. Qaladkiyo habowgii
    Quraafaadka beentaa
    Naga saar qalloocii

  5. Qorraxdaas iftiinkaa
    Lama qarin karaayee
    Qunyar maad wax fahantaan

  6. Quwad loo dhawaaqdaa
    Qaadir noo sameeyee
    Qorshihiisu wacanaa

  7. Qiritaanka Ciisiyo
    Qaadashada kalaamkaa
    Qalinkuba ku xiran yahay

  8. Dembi baynu quusnoo
    Qoor dhiibadkiisii
    Naga qaad culayskii

  9. Qodobbada gacmaha iyo
    Qoobabkiisa lagu mudey
    Waqdhaacii ma loo qalay

  10. Qiyaamuhu hadduu dhaco
    Qofna lama aqbalayee
    War hoy maad isqabataan

  11. Qoonkaas la duufsaday
    Qiirada ku suganow
    Maad qoomamaysaan

  12. Qolo aan wax baarayn
    Qaflad bay u halistee
    Injiilka maad qur qur qurisaan

  13. Qayrkeen siduu yahay
    Aan quruxda gaarnee
    Qar qarsiga ma goynaa