Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Xalay Baan Masiixii Arkoo

Xalay baan Masiixii arkoo
Xamdi baygu waajibayeey

Xumaantaydii buu u dhintoo
Xamdi baygu waajibayeey.

Xinjirtiisii buu igu dhaqoo
Xamdi baygu waajibayeey.

Dembigaygii buu xalayoo
Xamdi baygu waajibayeey.

Geeriduu ka xoog badiyoo
Xamdi baygu waajibayeey.

Xabaashuu ka soo baxayoo
Xamdi baygu waajibayeey.

Xertiisii ayaa aragtoo
Xamdi baygu waajibayeey.

Xaqiiqdii ayaan helayoo
Xamdi baygu waajibayeey.

Ibliiskii ayuu xabbisoo
Xamdi baygu waajibayeey.

Cadaabtii xor baan ka ahoo
Xamdi baygu waajibayeey.

Iimaankaygii baa xasiloo
Xamdi baygu waajibayeey.

Xumaantoo dhan buu iga tiroo
Xamdi baygu waajibayeey.

Kitaabkiisii baan xafidoo
Xamdi baygu waajibayeey.

Xalaal quudataan ahayoo
Xamdi baygu waajibayeey.

Xariggii Ibliiska jaroo
Xamdi baygu waajibayeey.

Xabiibkii Allaan noqdayoo
Xamdi baygu waajibayeey.

Quduus kay xiriirinayoo
Xamdi baygu waajibayeey

Xaakinkaan xusuusanahoo
Xamdi baygu waajibayeey.

Jannadaan la soo xarmadoo
Xamdi baygu waajibayeey.

Lay xisaabin maayo berroo
Xamdi baygu waajibayeey.

Jubbariverflood