Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

GABAGGABO

Socdaalkayagii Nolosha

Martha Jean Wilson Haile

Socdaalkii uu Ilaahay annaga na soo dhex mariyey wuxuu runtii ahaa socdaal uu Ilaahay oo keliyahi samayn karey. Marka aan ka fekero saddex iyo labaabtankii sanno ee shaqadayada iyo wada noolaanshahayaga, dhibaatooyinkii, caqabadihii, iyo waxyaalihii la yaabka lahaa ee aannu jidka ku soo marray, mar kasta gacanta Ilaahay ayaa ka dhex muuqatey. Axmed weligiis mar kasta jacayl qoto dheer oo waaraya buu waddankiisa iyo dadkiisa u hayey. Xataa intii ay saaxiibtinnimadayadu koreysey, Axmed wuxuu si toos ah aniga iigu sheegey muhiimadda weyn ee reerkiisa, dadkiisa iyo waddankiisu isaga u lahaayeen.

Socdaalkaygii iimaanku wuu ka duwanaa kii Axmed, oo haddii dhinacyo badan laga eegona waxay ahayd inaan anigu waxyaalo badan oo igu cusub waqti gaaban dhexdiisa ku barto. Waxaan bulshada Masiixiyiinta ah kaga soo biiray kaniisadda la yidhaahdo "The Second Missionary Baptist Church" oo ku taalla Richmond, Indiana, anigoo ah cunug yar oo joogta waqtigii fasaxii iskuulkii Baybalka lanagu bari jirey. Halkaas weeye meesha aasaaskaygii dhidibada loogu taagey, waana halkaa meesha uu socdaalkaygu ka bilowday. Laga soo bilaabo bilowgaa ayaan anigu wax badan ka bartay bulshada Masiixiyiinta ah, kaniisadda, iyo Adhijirka innaga ina hoggaamiya.

Siyaalo badan ayaa annaga naloo barakadeeyey, oo naloo xooggeeyey, oo naloogu qaniyeeyey saaxiibbo, qoys, iyo bulshada Masiixa. Sidoo kale kala duwanaanshaha iyo midnimada bulshada Masiixu waa mid aniga i tijaabisey oo i baraarujisey. Wax badan baan anigu socdaalkan ka bartay, welina waan ka sii baranayaa.

Intii aan anigu Muqdisho joogey oo dhan, karinta iyo u shubida shaaha ee dad badanu wuxuu ahaa hawl maalmeed noloshayda ka mid ah. Soo dhoweynta iyo cabbidda shaahu dhaqanka ayay ka mid tahay. Intii aan Nayroobi joogeyna, sidan uun baa dhici jirtey. Inaannu shaah wada cabnaa waxay tuseysey sidii aannu diyaarka ugu ahayn oo u dooneyney in aannu dadka kale barano. Soo dhoweyntu muhiimad weyn bay u lahayd, welina reerkayaga u leedahay. Tan yaan lagu khaldin maaweelinta dadka iyo is tusidda, waayo soo dhoweynta macnaheedu wuxuu ahaa dadka oo qalbi furan iyo guri furan lagu soo dhoweeyo. Sidii ay carruurtayadu sheegeen, tani mar kasta mid wakhtigeeda ku habboon may ahayn. Wax kasta oo aannu annagu samayno waxaa saldhig u ahaa martigelinta, iyo dabeecad weji furnaan iyo saaxiibtinnimo leh.

Kala duduwaanshaha adduunka iyo dadkiisu waa mid yaab leh. Jacaylka iyo qorshaha Ilaahay ee abuuritaankiisu maskaxaheenna wuu ka weyn yahay. Ilaahay wuxuu doonaa inuu xidhiidh firfircoon oo jacayl ku dhisan qof kasta la yeesho.

Ducadaydu waa in qisadan odaygayga Axmed ay innaga oo dhan inagu caawin doonto inaynu ku korno fahanka iyo qiimaynta aan u hayno socdaalka rumaysadka ee midkeen kasta, tan oo ina baraysa xaqiiqada ah inuu Ilaahay dhaqan kasta calaamado socdaalka ugu dambeeya tusaya kaga dhex tegey, kuwan oo aakhirka inoo geynaya aqalka uu Ciise Udub-dhexaadkiisa yahay.

Ilaahay si qaninimo leh idinka ha idiin barakeeyo.

Gabaggabo

Su’aalo Loogu Talaggalay Fikir Iyo Wax Is Weydiin - Gabaggabo – Socdaalkaygii Nolosha:

Aayadaha Aasaaska Ah ee Kitaabka Quduuska Ah: 1 Yooxanaa 1:1-4

  1. Siyaalehee ayaa fikaradihii aad Islaamka iyo Muslimiinta ka qabtey wax isaga beddeleen intii aad akhriyeysey qiso nololeedkii Axmed? Siyaalehee ayaa fikaradihii aad diinta Masiixiga iyo Masiixiyiinta ka qabtey wax isaga beddeleen intii aad akhriyeysey qiso nololeedkii Axmed? Maxaa adiga kaaga yaabiyey?
  2. Inta aad dhammeyneysid akhrinta qiso nololeedka Axmed, mar kale dib ugu noqo odhaahdiisii ahayd inuu Islaamku isaga u diyaariyey inuu rumeeyo Injiilka. Muxuu odhaahdan ula jeedaa? Sidoo kale waxaa suurtaggal ah in qaar Muslimiinta ah uu fahankooda Islaamku iyaga ka leexiyo inay Injiilka rumeeyaan. Soo saar tusaalayaal tan la xidhiidha oo qisada Axmed ku jira.
  3. Axmed wuxuu rumeysan yahay in isaga uu Ilaahay ugu yeedhay inuu safiir u noqdo Masiixa, ergay injiilka nabadda oo loo diray bulshada Islaamka dhexdeeda iyo gaar ahaan dadka Soomaaliyeed dhexdooda. Sidee ayaad u qiimaynaysaa midho-dhalka yeedhitaankan ama adeeggan Axmed? Waa maxay dabeecadda midho-dhalka ee Boqortooyada Ilaahay?
  4. Siyaalehee ayaa socdaal nololeedkii Axmed u kordhiyey wanaagga iyo doonista aad u hayso injiilka Ciise Masiix iyo dib-u-heshiisiinta uu isagu bixiyo?
  5. Maxaa khaas ahaan adiga muhiimad gaar ah kuu lahaa intii aad la socotey qiso nololeedkii Axmed?