Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Markhaatifurka Carraale

Qaybta 1aad

Waxaan ku noolahay Soomaaliya, magaceyguna waa Carraale. Waxaan ahay Masiixi Soomaaliyeed. Waxaan rabaa inaan idiin sheego sida aan ku fahmey oo ku badbaadey, waayo waxaa badbaada ruuxii hela wadada badbaadada ee Masiixiga.

Anigu inta badan wakhtigeyga waxaan u soo qaatey dalka Kiinya, halkaas oo aan waxbarasho u joogey. Iskuulka aan dhigan jirey ardayda iyo macallimiiinta intooda badani Masiixiyiin ayay ahaayeen, inta kalena Muslimiin. Anigu si fiican baan u fahmi jirey waxa ay macallimiinta Masiixiyiinta ahi noo dhigaan, oo wanaag, jacayl iyo nabad ayaa iyaga ka muuqatey.

Markii aan dugsiga hoose dhammeeyey ayaan dalxiis u aadey magaalada Thika, oo isla Kiiniya ah, oo aan laba bilood joogey. Halkaas oo aan ku arkay inay diinta Masiixigu tahay wax fiican iyo badbaado, waxaana jeclaadey inaan Masiixi noqdo, laakiinse, weli waxaa igu jirey shaki iyo laba-labayn. Muddo kaddib ayaan waxaan ku laabtay Soomaaliya, waxaana su’aalo ku saabsan Masiixiga ka baadhey Google. Dabadeedna waxaan soo dejistey Kitaabka Quduuska ah ee Baybalka oo bilaabay inaan akhristo. Markii ku xigtey waxaan raadiyey website-yo iga caawiya fahanka Masiixiyadda. Kii ugu horreeyey ee aan helayna wuxuu ahaa Somali Christian Ministry oo uu wadaad Andrew la yidhaahdo sabti walba ii soo diri jirey wacdis maqal ah. Website-kii labaad waxaa lahaa Cabdi Ducaale oo halkaana waxaan ka baran casharro Ilaah Keliya iyo Jid keliya.

Markii ay akhrintaydii Baybalku gaadhey Injiilka sida uu Matayos u qoray cutubka 1aad, aayaddana 5aad, waxaan u batay dhinaca Masiixiyadda. Ilaahay ayaa igu caawiyey Ruuxa Quduuska ah oo waxaan bilaabay inaan Isaga ammaano. Waxaa marba marka ka dambaysa sii korayey fahankaygii Eragya Ilaahay iyo rumaysigaygii. Dhibaatadu waxay ahayd in meesha aan joogey aan Masiixiyiin kale joogin, oo ay argagixisadu ku badanayd oo ay baqdin jirtey, xataa baqdin xagga reerkayaga iiga imaanaysey.

War, jirka bini’aadanka muddo dheer wax ma qarin karo; durbadiiba waxaan bilaabay inaan asxaabtayda aan ku kalsoonahay Baybalka wax uga sheego, balse waxay i weydiiyeen su’aalo badan oo Masiixiga ku saabsan oo aanan aqoon u lahayn. Afar maalmood kaddib, kuwo qaraabadayda ah ayaa maqlay inaan dad Masiixa wax uga sheegay oo way ii hanjabeen, balse anigu waxaan sii watay inaan asxaabtayda iyo qaar qaraabadayda ah wax uga sii sheego waddada badbaadada. Dhibaato ayay iyagu ii geysteen, oo muddo ayaan xabsi guri ku jirey. Nasiib wanaag waan baxsaday iyada oo ay walaashayda iga yari i caawisay, oo waxaan tegey Xamar, halkaas oo aan ka helay wiil aan iskuulka isku fasal ahaan jirey oo saaxiibkay ah. Isagu shaqo ayuu halkaas iiga helay. Intaan Xamar joogey qoyska iyo qaraabadu hanjabaado ayay iga soo daba diri jireen – inay i dili doonaan haddii ay i helaan. Sannad kaddib … (qaybta labaad ee waxa wiilkan ku dhici doona la soco qoraalkeenka kan ku xiga)

Qaybta 2aad

Maanta waxaan dhammaystirayaa sheekadii ku saabsanayd sida wanaagsan ee uu Eebbe iigu doortay jidka wanaangsan ee Badbaadada iyo wixii aan soo maray.

Sannad kaddib, cadaadis ayaa waalidintaydii ka soo gaadhey kaddib markii ay Alshabaab kordhisey cashuurtii ay dadka ka qaadi jireen iyo amaro badan kale oo dhinaca beerashada dhulka iyo daaqa ku saabsan oo adadag oo ay dadkii dusha ka saareen. Hooyaday ayaanu si gaar ah isula xidhiidhi jirney, markii ay dhibaatadan ii sheegtayna waxaan bilaabay inaan reerkii caawiyo oo aan biilka iyo baahida dhaqaalle ee reerka aan daboolo. Si tartiib ah ayaan u kasbaday reerka iyo dhallinyaro badan oo xaafadda ku noolayd. Laakiinse, waxaa igu adkaatay inaan aabbahay kasbado. Maaddaama uu isagu ahaa shiikh la yaqaano wuxuu u cabsanayey sharaftiisii uu bulshada ku lahaa.

Bilooyin kaddib waxaan maqlay inuu aabbahay xanuunsan yahay, waxaana u soo baxay magaalladii (amni-xumo darteed magaaladdiisa lama sheegayo) aan ku noolaa si aan aabbahay, oo waxaan bilaabay inaan aabbe xanuunkiisii la tacaalo. Waxaan aabbe u qaaday cisbitaal ku yaalla Kiiniya halkaas oo uu qalniin ku galay. Wuxuu aabbe go’aaansaday inuu joogo xeryaha qaxootiga ee Kiiniya oo halkaas ayuu iska degey. Aniguna waxaan ku soo laabtay Soomaaliya si aan hooyo ula joogo oo uga war hayo.

Qofka sheekadan akhrinayow, waxaa adduunkan ka dhaca waxyaalo mucjiso ah. Mucjiso aniga igu dhacday ayaan halkan rabaa inaan ka qiro.

Habeen habeenadda kamid ah, waxaa igu dhashay shaki ku saabsan inay diinta Masiixiyadda ee aan rumeeyey run tahay iyo in kale, iyo waxa ii caddaynaya taas. Sidee ayaan ku ogaanayaa inuu Ilaahay aniga i aqbalay oo aan hadda Masiixi dhab ah ahay? Ayaan anigu is weydiiyey.

Habeenkii markii aan seexday riyo ayaa waxaa la igu tusay aniga oo dhibaatysan oo harraadsan oo ku jira mee mugdi ah. Dhanka kale waxaa la iga tusay meel udgoon oo ay joogaan dad dhar cadcad huwan, meeshaas oo ay ka muuqdaan jacayl, xasilooni, iyo iftiin. Anigoo mugdigii jooga ayaan maqlay dhawaaq ka imaanaya qof kaas oo aad u nuuraya oo nuurka awgiigii aan jidhkiisa la arkayn. Riyadii oo halkaa maraysa ayaa waagii beryey oo aan hurdadii ka toosay. Subaxnimadii ayaan riyadii fasirtay, oo ogaaday inay ahayd jawaab cad oo Ilaahay i siiyey – rumaysigayga ku saxsanahay. Runtii, wax walba oo aan ku ducaysto waan heli jirey. Waxaan galay nolol cusub oo ka macaan middii hore een aan ku jirey; waxaan yeeshay kalsooni iyo jacayl, oo noqday qof ku nool rajo wanaagsan.

Waddankayga waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo la xidhiidha dhinaca xorriyadda diinta. Waxaa jira dhibaatooyin badan oo i soo gaadhay oo aanan halkan ku sheegin, balse, samirka iyo cafiska ayaa ah waxa keliya ee aad ku heleyso farxad iyo jacayl. Hadda waxaan ka fekerayaa sidii aan badbaadan iyo jacaylkan xerta Ciise Masiix lagu manaystay u gaadhsiin lahaa kuwa mugdiga ku jira ee ay xumaanta iyo nacaybku la fiican yihiin. Waxaan ogahay in wakhti hore Soomaaliya kaniisad ku taalley oo ay dadku cabsi la’aan cibaadeysan jireen, maanta ma laga yaabaa inaynu noqono kuwo sidaa u nasiib badan? Haddaynu Soomaalida Masiixiyiinta ah nahay, goorma ayaynu walaalaheena Soomaaliyeed tusi doonaa weynaanta Sayid Ciise Masiix iyo nolosha Cusub?

Walaalahayow, waxaan sheekadayda u soo qoray inaan caddeeyo inaan mugdigii ka baxay – maalin uun baan si fool-ka-fool ah iidinka sheekayn doonaa innaga oo isla joogna. Taasna mar walba waan ku ducaysanaa. Walaalkayga Masiixiga ahow, fahma in maanta nasiibka aan helay ay dad aad u yari haystaan.

Ballanteenu waa jannada,
Barakooba.