Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Geesiyad Rumaysi Weyn oo ka soo Jeedda Dooxada Hoose ee Jubba

Tabitha Maria Magdalena Marwaale

1915-1990

Xaawo Marwaale waxay qiyaastii sannadkii 1915 ku dhalatay tuulada Moofi, oo ka tirsan Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose. Tuulada Moofi waxaa degey dadka la yiraahdo WaZigua (oo sidoo kale loogu yeero Mushunguli). Dadkan awooweyaashood waxay ka yimaaddeen waqooyiga bari ee Tansaaniya oo waxaa addoonsaday Carabta (Omar A. Eno and Mohamed A. Eno 2014, Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil 2015) bilowgii qarnigii 19-aad, dabadeedna waxaa iyaga laga iibiyey Soomaalidii beeraha waaweyn lahayd ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Tiro badan oo dadkaas ka mid ah ayaa baxsaday oo qarnigii 19-aad dhexdiisii degey dooxada hoose ee Jubba, halkaas oo ay ku haysteen dhaqankoodii, iyo sidoo kale luuqaddoodii Baantuuga ahayd (Omar Eno and Van Lehman, 2003). Marka la barbardhigo qolada deriskooda ah ee Shambaara/Gosha/Reer Goleedka, WaZigua waxay ilaashaadeen in kuwaas ka badan, oo luuqaddoodii iyo dhaqankoodii ah (Menkhaus 2003). Xataa 1980, dad qaarkood oo Moofi ku noolaa ayaan afka Soomaaliga si fiican ugu hadli kari jirin.1Tabitha%201988

Markii ay cunugta yar ahayd, Xaawo (Tabitha) waxay ahayd jirrooley. Waalidiinteedii ayaa iyada siiyey Masiixiyiintii reer Sweden ee tuuladooda ka soo booqday Kismaayo. Swedish Evangelical Mission ayaa xaruntoodii ugu horreysey halkaas ka aasaasay 1898 (Thoresen 2014:51). Markii hore, hooyadeed way diidey, laakiinse Xaawa aabbaheed ayaa oggolaaday, isaga oo sheegay inay arrintaasi fursad fiican u tahay gabadha. Wuxuu isagu dadka reer Sweden-kii u sheegay inay iyada u qaadan karaan iskuulkoodii ay carruurta ku hayeen ee Kismaayo ku yaalley, oo haddii ay dhimatana ay mas’uul ka ahaayeen inay iyada aasaan. Nin Herman Lundin la odhan jirey iyo haweeney iyana magaceedu Selma Göransson ahaa ayaa Xaawo geeyey iskuulkii Kismaayo ku yaalley ee Swedish Evangelical Mission lahaayeen, halkaas ayayna gabadhii caafimaadkeedii dib ugu soo celiyeen.

Intii ay iskuulka dhiganaysey ayay Xaawo la baxday magaca “Tabitha” (oo ahaa magaca haweeney Masiixiyiintii hore ah oo lagu sheegay kitaabka Falimaha Rasuullada 9:36. Waxay iyadu bilowday inay wax ka barato fasallo ay Masiixiyiintii reer Sweden ku dhigi jireen afka Sawaaxiliga. Intii ay baranaysey Baybalka oo waxbarashadeeda qayb ka ahaa, ayay ugu dambaystii aamintey Ciise Masiix. Kaddib markii ay iskuulkii ka qalinjebisey, Tabitha way guursatey oo dhashay laba carruur ah. Laakiinse, ninkeedii iyo labadeedii carruurta ahaaba waxay xanuun ugu dhinteen Kismaayo.

1935, dowladdii Faashiistaha ahayd ee Talyaaniga ee uu Mussolini hoggaaminayey ayaa Itoobiya ka soo weerartay Eritrea iyo Soomaaliya oo ay gumaysan jirtey. Dawladda Sweden ayaa inay weerarkaa ka soo horjeeddo ka caddaysay Jamciyadda Qaramada (League of Nations), xukunkii gumaysiga ku hoos jirey ee Soomaaliyana wuxuu taas kaga jawaabey inuu Masiixiyiintii reer Sweden oo dhan ka saaro Dooxada Jubba. Maaddaama ay Tabitha carmalad ahayd, oo ay iyagu ogaayeen inay Soomaaliya ka baxayaan, Masiixiyiintii reer Sweden ee kala ahaa Per Olsson iyo Herman Lundin waxay Tabitha dib ugu soo celiyeen waalidkeedii iyo reerkeedii Moofi degganaa.

Markii hore, Tabitha silcin weyn bay kala kulantay wiilashii walaalaheed ee ka weynaa oo iyada u sheegay inay mar kale guursato oo dib u Islaamto. Iyadu taas way ka diidey, oo u sheegtay inaanay mar kale guursan doonin iyo inay Masiixi sii ahaan doonto. Walaalaheed ayaa si xun u jidh-diley Tabitha oo saddex bilood ayay ku qaadatay taas ka bogsooto. Laakiinse, aabbaheed ayaa iyada difaacay, oo u sheegay inay caqiidadeeda Masiixiyadda sii haysan karto. Ka hor intii uusan Tabitha aabbaheed dhiman, iyada wuu barakeeyey. Wuxuu iyada u sheegay inay mustaqbalka dad booqasho ugaga imaan doonaan Ameerika, Talyaaninga, iyo Ingiriiska, oo ay dadkaa soo booqday iyo iyadu Ilaahay si farxad leh u wada caabudi doonaan. Wuxuu kaloo aabbaheed sii sheegay inay Tabitha Masiixi sii ahaan doonto ilaa iyo intay ka geeriyooneyso.

Labaatankii sannadood ee xigay wakhtiyo adag ayay Tabitha ku ahaayeen intii ay colaaddu uga imaanaysey qoyskeeda iyo bulshadeeda. Sidaas oo ay tahay, may aargoosan, laakiinse waxay aamintey Badbaadiyaheeda Ciise Masiix oo nacaybkii lagu hayey waxay kaga jawaabtey jacayl.

Sannadihii 1950-aadkii, Tabitha mar kale ayay guursatey. Ninkeedii Xasan ayay Masiixa la wadaagtey, oo isaga Injiilka la qaybsatay, isaguna wuxuu iyada la qaatay aaminaadda Ciise Masiix. Xasan wuxuu geeriyoodey 1982 ama 1983.2%20Tabitha%20%20Masiixiyiintii%20kale%201959

Bartamihii 1950 ilaa iyo 1972, nolosha Tabitha way wanaagsanayd. Somali Mennonite Mission ayaa Jamaame iyo degaanka ku harreeraysan ka shaqaynayey, oo iyada iyo Masiixiyiin kale oo ka haray kuwii degaanka ee wakhtigii Swedish Evangelical Mission ayaa si joogto ah Ilaahay ula caabudi jirey Masiixiyiintaa Ameerika iyo Kanada ka yimid. Nin Victor Dorsch la odhan jirey ayaa gurigii Moofi ku yaaley ee Tabitha uga dhisay bakaar shamiinto ka samaysan oo galleyda lagu kaydiyo, taas oo jirtey intii ay iyadu noolayd oo dhan.

Dakhtar Ivan Leaman ayaa isaga oo ka hadlaya waxa uu Tabitha ka xasuusto sidan qoray, “Iyadu aad bay noo soo jiidatey markii ugu horreysey ee aanu la kulanay3%20Tabitha%20&%20Xasan%201960s 1960. Waxaanu xasuusanaa qosolkeedii dheeraa ee farxaddu ka buuxdey. 1960 iyo 1961, intii aan weli nalaga joojin aanu tuulada booqano, waxaa xusuus fiican noo ah socdaalladii aanu galabaha Axadaha ku tegi jirney tuuladeeda oo aanu halkaas Xasan iyo Tabitha Ilaahay kula caabudi jirey taas oo ay qasiidooyin af Sawaaxili ahina ku jireen. Sawirkani waa Xasan iyo Tabitha oo taagan gurigooda hortiisii oo waxaanu qaadnay booqashooyinkaas middood.”

Tabitha waxay lahayd martigelin, iyada oo Masiixiyiintii degaanka ee dooxada Jubba ku soo dhoweyn jirtey inay gurigeeda isticmaalaan. Waxay iyada u arkeen inay tahay Macallimad aqoonteedii qotoda dheerayd ee Baybalka iyo rumaysigeedii xoogganaa ee ay Masiixa ku qabtay daraaddeed. Marka ay Masiixiyiintii kale ee Soomaalida Baantuuga ahi tuuladeeda iyada ku booqdaan, iyadu rumaysigooda ayay xooggeyn jirtey.

Tabitha waxay aad uga soo horjeedi jirey khuraafaadka sixirka iyo qoob ka ciyaar oo dhaqammada degaanka ka mid ahaa. Aqoon fiican bay u lahayd daawooyinka laga sameeyo geedaha degaanka ka baxa oo dadka degaankeeda ayay u caawin jirtey sidii dhakhtar dhaqameed. Waxay isku hallayn jirtey daawooyinka dhaqanka ee degaanka iyo ducadeeda magaca Ciise Masiix dartii. Waxay ka mid ahayd dhowrka haweeney ee tuuladeeda wax akhrin-qori karey, oo waxay aqoon aasaasi ah u lahayd nafaqada iyo nadaafada. Afkeedii hooyo ee af-Zigua, waxaa u dheeraa inay si fiican ugu hadli jirtey af Sawaaxiliga, iyo sidoo kale afafka Soomaaliga iyo Maayga.

Waxaa mararka qaarkood Tabitha soo booqan jirey Masiixiyiin qalaad. Gaar ahaan tani muhiimad gaar ah ayay u ahayd wakhtigii labaad ee kelinimada ee nolosheeda, sannadihii u dhexeeyey 1972 markii Masiixiyiintii Mennonite-ka lagu khasbay inay Isbitaalka Jamaame baxaan (Leaman and Leaman 2021) iyo 1985.

4%20Tabitha%20&%20Aadan%20Jimcaale%201983-4Mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii kaniisaddii Muqdisho, Aadan Jimcaale Faarax wuxuu hore ugu noolaan jirey Jamaame. Wuxuu meeshaas ku laabtay 1985 si uu Masiixiyiin waddamo kale ka yimid oo Dooxada Jubba joogey isu baro Tabitha iyo kuwo kale oo haraankii Masiixiyiintii degaanka ah. Mar dambena, qaar Masiixiyiintaa qalaad ah ayaa si marar badan Tabitha ku booqan jirey gurigeeda.

Si farxad leh ayay iyaga u salaami jirtey, iyada oo badanaa ka timid beerteedii galleyda ahayd ee ay faleysey. Marka ay kildhiga shaaha ah dabka saarto kaddib, gurigeeda ayay iyaga u furi jirtey oo martideeda gudaha ku soo dhoweyn jirtey. Derbiga gurigeeda, waxaa ku dheganaan jirey kalandarkii 1960-kii oo ay ku sawiran yihiin sawiro kala duduwan oo dhacdooyin Baybalka ah ku salaysan; way bedbedeli jirtey oo marba sawir ayay dusha soo marin jirtey. Iyadu ma garanayn marka ay Masiixiyiintaa saaxiibbadeed ahaa soo booqan dooneen, sidaas daraaddeed, taas umay samayn jirin inay iyaga is tusto. Dabadeedna, inta shaahu karayo, Tabitha waxay sarriirteeda hoosteeda ka soo saari jirey sanduuqeedii saxaaradda ahaa oo ay ku jireen Bayballo, buuggaag qasiidooyin ah, iyo qoraallo kale oo Masiixi ah oo af Sawaaxili ama Soomaali ah. Dadkaa soo booqday ayay buuggaagta qasiidooyinka ah u qaybin jirtey. Iyadu waxay jeclayd inay ku qasiidayso af Sawaaxili iyo af Soomaali labadaba, markaa, ayay martideeda ka codsan jirtey inay isla heesaan oo Ilaahay isla ammaanaan. Qasiidooyinka badankooda dusha ayay ka taqaaney.5%20Tabitha%201985

Mar ayaa mid soo booqday oo waddan shisheeye ka soo jeedaa arkay inay dad badan (oo badankoodu carruur ahaayeen) gurigeeda ku soo uruureen oo dhegeysanayeen intii ay heesaysey, oo wuxuu weydiiyey miyaanay ahayn inay yara taxaddarto oo aanay cod dheer ku qasiideyn. Tabitha waxay ugu jawaabtey, “Aniga waa la i jidh diley, oo la i karbaashey, oo la i xabisay rumaysigayga daraaddiis. Markaa, ma cabsanayo.” Qofkaasi martida ahaa wuu isku xishooday baqdintiisa dartiis.

Mid Masiixiyiintii shisheeyaha ahaa ayaa markii uu Tabitha la kulmay 15 sanno kaddib qoray, “Sharaf weyn bay annaga noo ahayd inaanu iyada mar kale kula kulano booqashadii aanu Soomaaliya ku tagnay…1987. Booqashadayadii aan hore loo qorshayn waxay dib noo xusuusisay beryihii hore ee aanu af Sawaaxiliga qasiidooyinka ku wada qaadi jirney … (iyadu waxay lahayd) rumaysi qotodheer oo weyn intii ay noolayd oo dhan, oo waxay kaas la wadaagi jirtey dadka kale.” (Dakhtar Ivan Leaman).6%20Tabitha%20&%20Ivan%20&%20Mary%20Ellen%201987

Dhowrkii sanno ee nolosheeda ugu dambeeyey, Tabitha waxay u marar badan u socdaali jirey magaallooyinka kale ee gobolka ku yaalla oo Ilaahay la caabudi jirtey Masiixiyiin tiro yar oo Soomaali ah iyo kuwo shisheeye ah isugu jirey. Inta la qasiideynayo, oo Baybalka la akhriyayo, oo wacdiga la dhegeysanayo, Tabitha badanaa oohin baa ka imaan jirtey. Farxad iyo murugo ayay labadaba dareemi jirtey, iyadoo xasuusanaysa wakhtiyadii hore ee ay Masiixiyiinta kale Ilaahay wada caabudi jireen…oo haddana hore u sii filaysa/fiirinaysa wakhti aanay iyadu dib dambe u ooyi doonin, oo ay Ciise Masiix Yerusaalemta Cusub kula caabudi doonto Masiixiyiinta adduunka oo dhan sida ku qoran kitaabka Muujintii 21. 7%20Tabitha1988

Markii uu dagaalkii sokeeye Dooxada Jubba soo gaarey 1990, Tabitha halis weyn bay gashay. Masiixi bay ahayd, iyo carmalad da’ weyn, oo aan carruurteedii midna noolayn si ay iyada u daryeelaan. Tuulooyinkii Soomaalida Baantuuga ee Webiga Jubba jiinkiisa ku yaalley dabley iyo hub midna ma lahayn. Degaankaasi wuxuu noqday meel ay ku dagaallamaan kooxo qabiileedkii ka soo jeedey Kismaayo iyo meelihii waqooyiga iyo bariga ka xigey. Tuullooyinkii Soomaalidii Baantuuga intoodii badnaa waxaa raashinkii ka dhacay kooxihii dagaallamayey. Dhowr Soomaalidii Masiixiyiinta ahaa ayaa Tabitha u diray lacag si ay raashin ugu iibsan karto, laakiinse taasna waa laga xaday. Wararka loogu kalsoon yahay waxay sheegayaan inay Tabitha u geeriyootey macaluul darteed Nofeembar 1990.

Tabitha waa sida awliyada lagu qeexay kitaabka Cibraaniyada 11 , geesiyad rumaysi weyn oo dhab ah leh. Waxay ahayd qof diiradda ku haysa oo sii eegaysa waddan kaas oo kan ka fiican, mid samaawi ah. Marka fekerka adduunka loo eego, Tabitha waxay ahayd mid daciif ah oo aan muhiim ahayn, xubin qabiil laga tiro badan yahay oo la yaso oo aan awood siyaasadeedna lahayn. Intaa waxaa u dheeraa, iyadu waxay ka tirsanayd kaniisad yar oo Soomaaliyeed. Sidaas oo ay tahay, sida ku qoran kitaabka 1 Korintos 1:27 Ilaahay kuwa daciifka ah ayuu u doortay inuu kuwa xoogga is bidaya ku ceebeeyo. Tabitha waxay nicmada iyo awoodda Ilaahay dartiis inooga tagtay markhaati xoog badan.

Haddii aad jeceshay inaad markhaatifurkii Tabitha dhegeysato iyo afar qasiido oo ay iyadu qaadayso, halkan guji. Waxaa cajaladdan iyada lagaga duubey gurigeedii ku yaalley Moofi 1986.

Tixraacyada:

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil. 2015. Halgankii Tukeyaasha. Carabtu Sidee U Jileen Madowga? Lino Type-setters, Nairobi, Kenya. Pages 95-110.

Leaman, Ivan with Mary Ellen Leaman. 2021. Born For A Purpose. A Memoir From The Horn of Africa. Masthoff Press, Morgantown, PA, USA. pp 190-192.

Menkhaus, Ken. 2003. Bantu ethnic identities in Somalia In: Annales d'Ethiopie. Volume 19, année 2003. pp. 323-339.

Omar Eno and Dan Van Lehman. 2003 The Somali Bantu. Their History and Culture. Center for Applied Linguistics, The Cultural Orientation Resource Center Washington, DC, USA.

Omar A. Eno and Mohamed A. Eno. 2014 The African Diaspora within Africa and the Impact of Slavery and Stigma in the Islamic Society: A Case Study of Somalia. JOURNAL OF SOMALI STUDIES Volume 1, Issue 2:61-89.

Thoresen, Frank-Ole. 2014. A reconciled Community of Suffering Disciples. Aspects of a Contextual Somali Ecclesiology. New York: Peter Lang Publishing Inc.

Thoresen, Frank-Ole. 2006. The SEM Venture. Unpublished manuscript.