Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Dersiga Afraad - Nebi Nuux

Nebi Nuux wuxuu dunida ku noolaa boqollaal sano oo Qaabiil iyo Haabiil ka dambaysay. Sanooyinkaas kumaankun dad ah ayaa dunida ku dhashay. Dadkii dhulka degganaa waxay bilaabeen inay ka leexdaan Ilaaha runta ah. Markii Nuux dhashay dunida xaalkeedu aad iyo aad buu u xumaa. Dadkuna waxay isku bilaabeen nooca dembi ugu xun.

"Rabbiguna wuxuu arkay in dadka sharkiisu ku badan yahay dhulka, iyo in male kasta oo fikirrada qalbigiisu ay shar keliya yihiin had iyo goorba."
- Kitaabkii kowaad ee Muuse oo la yiraahdo Bilowgii 6: 5

"Ilaahna wuxuu arkay dhulka, oo bal eeg, wuu kharribnaa; waayo, intii jidh lahayd oo dhammu jidkooday ku kharribeen dhulka. Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yiri, Intii jidh leh oo dhan dhammaadkoodii aan dhammayn lahaa ayaa gaaray; waayo, dhulkii waxaa ka buuxsamay dulmi iyaga xaggooda ka yimid, oo bal eeg, Iyagaan dhulka la baabi'in doonaa."
- Bilowgii 6: 12-13

Markaasaa Ilaah wuxuu nebi Nuux ku yiri, "Waxaad dhistaa doonni weyn". Taasu waxay ahayd wax Ilaah siiyey nebi Nuux iyo qoyskiisu inay kaga baxsadaan xukunka xun oo dhulka ku soo socotay. Intuu doonnida dhisayey, dadkii wuu wacdinayey. Wuxuuna dadkii uga digay xukunkii ka imaanayey Ilaah, oo wuxuu u sheegay in Ilaah xaqaanni yahay oo uu iyaga dembigooda daraaddiis uu wada baabi'in doono. Wuxuu u sheegay inay toobadkeenaan oo ay Ilaah u soo noqdaan, oo ay dembigooda iska daayaan si uu Ilaah iyaga ugu naxariisto.

Maalintii labaadna Ilaah wuxuu kala qaybiyey biyihii, oo wuxuu ka dhigay in samooyinka muuqdaan. Laakiinse dadkii way diideen inay dhegaystaan wacdigiisii iyo digniintiisii. Way ku majaajiloon jireen, oo way ku qosli jireen. Waxaa la soo gaaray waqtigii nebi Nuux doonnidii dhammaystiray, oo markaasaa:
"Rabbigu wuxuu Nuux ku yiri, Adiga iyo dadka gurigaaguba soo gala doonnida; waayo, waxaan arkay adigoo qarnigan xaq ku ah hortayda."
- Bilowgii 7:1

Ilaah ma uu rabin inuu wada baabi'iyo xayawaanka oo dhan iyo shimbirahaba. Haddaba, si uu qaarkood u samatabbixiyo aawadeeed, Ilaah wuxuu nebi Nuux ku amray inuu doonnida soo geliyo mid lab iyo mid dheddig oo ka kooban bahal kasta iyo haad kasta. Haddaba dad waxaa doonnidii ka galay nebi Nuux iyo xaaskiisii iyo saddexdiisii wiil iyo wiilashiisa xaasaskoodii. Markaasaa Ilaah albaabkii xiray. Nebi Nuux iyo qoyskiisii iyo xayawaankiiba doonnida gudaheeda ayay ku jireen. Intii nebi Nuux farriintiisii diiddanayd dibadday joogeen.

Maalintii xukunka Ilaah way bilaabatay, roob baa samada ka soo shubmay oo dhulkii oo dhan daad baa qaaday. Dadkii waxay u carareen buuraha, laakiinse:
"Biyihiina aad bay ugu xoogaysteen dhulka; oo dhammaan buurihii dhaadheeraa oo samada oo dhan ka hooseeyey way qarsoomeen. Shan iyo toban dhudhun baa biyihii xagga sare xoog ugu kaceen; buurihiina way qarsoomeen."
- Bilowgii 7:19-20

Bal Ilaah muxuu dadka waxaa ugu sameeyey? Dembigooda aawadiis ayay u hafteen. Kuwii doonnida galay oo keliya ayaa laga badbaadiyey daadkii dhimashada Ilaah u soo diray dhulka. Nuux iyo qoyskiisa ayaa doonnidaasi ku badbaaday. Kuwaasi dembaabay oo aan dhegaysan digniinta Ilaah way halaagmeen.

Xukunkii Eebbe ee ciqaabta ahaa waa roobkii e, wuu ku soo da'ay dadkii oo baaba'shay iyaga. Xukunkaas Eebbe ee roobka ahaa wuu soo shubmay oo ku da'ay doonnidii laakiin dadkii saarnaa waa nabadgaleen. Doonnidii xukunkii ciqaabta ahaa ee Eebbe baa waxyeeleeyey, laakiin dadkii saarnaa waxba ma gaarin.

Ilaah waa inuu ciqaabaa kuwa isaga ku dembaaba oo dhammi. Dadka oo dhammu waa dembiilayaal oo waxay ku dembaabeen Ilaah. Maxaa yeelay, waad dembaabtay, waxaad ku silci doontaa xukunka Eebbe, haddii aadan sidii nebi Nuux oo kale, aadan lahayn meel aad ku magangasho. Ilaah wuxuu kuu diyaariyey meel aad ku magangasho si aad uga baxsato ciqaabtiisa. Adigu ma doonaysaa inaad ka badbaaddo xukunka Ilaah?

Tijaabada Afraad - Nebi Nuux

Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.

Su'aalahan dhawr oo erayada dersiga ku jira kaga jawaab:

Kuwan 'run' iyo 'been' mid kaga jawaab:

Soo Xiriir: