Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Dersiga Labaad - Xaawa iyo Aadan

Ninkii iyo naagtii ugu horreeyey dadka dunidan ku noolaada ma ay ahayn wax la dhalay. Xaawa iyo Aadan mooyaane, banii-aadmiga kale oo dhammu dunidan way ku dhasheen iyagoo ilmo yar ah. Xaawa iyo Aadan way ka duwanaayeen dadka kale. Iyagu ma ay dhalan, ee Ilaah baa si toos ah abuuray.

Maalintii lixaad ee uumista, ayaa Ilaah wuxuu dhulka ka qaaday dhoobo oo wuxuu ka sameeyey nin. Ninkii sankiisii ayuu ku afuufay neeftii nolosha markaasaa ninkii wuxuu noqday qofkii banii-aadmiga ugu horreeyey ee ifka yimaada. Ilaah ninkaas wuxuu u bixiyey Aadan. Aadan Ilaah baa si toos ah u abuuray.

Ilaah wuxuu garwaaqsaday inaynan ninka ku wanaagsanayn inuu keligii ahaado, sidaas daraaddeed wuxuu Aadan u sameeyey mid isaga gargaarta. Ilaah wuxuu Aadan ku soo dejiyey hurdo weyn. Oo intii Aadan hurday, ayaa Ilaah Aadan feerahiisa dillaacshay oo wuxuu ka soo bixiyey feer. Markaasuu hilibkii awday, feertiina Ilaah naag buu ka uumay. Naagtiina Aadan wuxuu ku magacaabay Xaawa.

Ilaah wuxuu abuuray beer wanaagsan oo ninkii iyo naagtiiba halkaasuu dhigay. Wuxuu iyagii ku yiri: "Wax badan dhala oo tarma, oo dhulka ka buuxsama, oo ka sara mara dhulka, oo xukuma kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo wax kasta oo nool oo dhulka kor dhaqdhaqaaqa."
- Kitaabkii kowaad ee Muuse oo la yiraahdo Bilowgii 1:28

Ilaah wuxuu u keenay dhammaan xayawaanka oo dhan iyo shimbirraha oo dhan. "Oo ninkii baa magacyo u bixiyey xoolaha oo dhan, iyo haadda hawada, iyo dugaag kasta oo duurka jooga"
- Bilowgii 2:20

Beertii Xaawa iyo Aadan ku noolaan jireen waxaa ku dhex yiil geedo badan oo qurux leh. Ilaah wuxuu amray Xaawa iyo Aadan oo ku yiri: "Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa: laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa."
- Bilowgii 2:16,17

Xaawa iyo Aadan waxaa loo sheegay inay beerta iska dhex joogaan oo ay sidii ay rabaan wax uga cunaan, laakiinse waxaa lagu amray inaynaan waxba ka cunin geedka wanaagga iyo aqoonta si aynan kuwo xadgudbay ugu noqon.

Haddaba Shayddaan wuxuu aabbe u yahay xumaanta oo dhan, beenta iyo sharkaba. Oo Xaawa iyo Aadan buu la faqay oo ku yiri, "Si qumman baan idiin la talinayaa. Geedkaas mirihiisa cuna oo markaasaa indhihiinnu furmi doonaan".
"Oo markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon yahay, oo uu yahay geed loo doonayo in caqli lagu yeesho, ayay miro ka qaadatay, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo isagiina wuu cunay."
- Bilowgii 3:6

Shayddaan baa khiyaameeyay.

Markii Xaawa iyo Aadan ay geedka mirihiisii dhadhamiyeen, waxay ogaadeen inay qaawan yihiin. Markaasay waxay bilaabeen inay caleemihii beerta isku toshaan si ay cawradooda u qariyaan. Isla markii ay mirihii goosteen ayay Ilaah ku dhega'adkaadeen. Kanii waa dembi. Ilaah baa iyagii u yeeray oo ku yiri, "Waa maxay waxan aad samaysay?" Naagtiina waxay tiri, "Abeesadaa i khiyaanaysay, oo anna waan cunay".

Ilaah markaasuu Shayddaan habaaray isagoo leh: "Oo colaad baan idin dhex dhigi doonaa adiga iyo naagta, iyo farcankaaga iyo farcankeeda; oo madaxaaguu burburin doonaa, adiguna cedhibtiisaad burburin doontaa."
- Bilowgii 3:15

Ilaah wuxuu Xaawa iyo Aadan u sameeyey dhar harag ah oo uu cawradooda ku qariyo. Neef baa la qalay oo haraggiisaa la siiyey inay guntadaan. Dembiga Xaawa iyo Aadan ay dembaabeen aawadiis waxaa u dhintay neef aan innaba xaq qabin, si iyaga wax loo huwiyo daraaddeed.

Ilaah iyagii beertii wuu ka ceyriyey, maxaa yeelay, way ku dhega'adkaadeen. Markaasaa Aadan waxaa khasab ku noqotay inuu aad u shaqeeyo oo uu dhulka qodo si uu cunto u helo.

Haddaba nin keliya dhega'adkaantiis aawadiis ayaa kulli dembilayaal lagu wada noqday. "Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu timid, sidaasaa dhimashadiina u gaartay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay"
- Warqaddii Rasuul Bawlos u qoray dadkii Rooma 5:12

Innagu kulligeen waynu wada gefnay inaynu samayno wixii qummanaa. "Dhammaan way wada dembaabeen." - Rooma 3:23 Sidii Aadan oo kale waxaynu u baahan nahay hu' Xaawa iyo Aadan neef baa u dhintay si loo helo harag iyaga hu' u noqda. Haddaba innaguna waa inaynu helnaa wax dembiyadeenna aynu ka huwano.

Tijaabada Labaad - Xaawa iyo Aadan

Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.

Su'aalahan dhawr oo erayada dersiga ku jira kaga jawaab:

Kuwan 'run' iyo 'been' mid kaga jawaab:

Soo Xiriir: