Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 2

FARRIINTIISU AMAR BAY LEEDAHAY

Waxaa jiray wax qarsoodi ah oo Ciise Masiix kaga duwanaa kuwa kale. Wuxuuna u muuqday inuu la mid ahaa dadka kale. Taasina waxaa loola jeedaa inuu u dhashay sida dhallaanka caadiga ah, u koray ama u qaangaaray, u noolaa, una shaqayn jiray sida dadka kale. Xagga muuqaalka jirka, isagu waxba kama duwanayn nebiyadii ka horeeyey. Laakiin Ruuxiisa ayaa isaga mid khaas ah oo aan wax la mid ah jirin ka dhigay. Ruuxiisu ma ahayn sida kan dadka oo kale ee Eebbe abuuray. Ilaah baase isaga lagu muujiyey. Isagu wuxuu ahaa Erayga Eebbe, oo aan lagu qorin kitaab sida muujinnadii Ilaah ee kale ahaayeen, laakiin lagu muujiyey sida qaab qof ahaaneed, kaasoo la arki karo, la taaban karo, dadkuna u iman karaan. Waxbaridda, mucjisooyinka, iyo ishoosaysiinta Midkan (waa Ciise Masiix e), ayaa jacaylka ugu sarreeya ee Ilaah lagu muujiyey. Ruuxan isaga ka buuxay ayuu ahaa kan u hadlayey si amar rabbaaniya leh.

Markii Ciise Masiix, ka korayey carruurnimadiisii, wuxuu ahaa mid u hoggaansanaa waayo-aragnimada caadiga u ah dadka, si dadku u arkaan inuu garanayey baahidooda iyo itaaldarradooda. Dadku waxay isaga ka arki kareen daryeelka iyo jacaylka Eebbe.

Kaddib markii Yooxanaa ugu markhaati kacay Webi Urdun agtiisa ayaa Ciise Masiix bilaabay shaqadiisii ahayd waxbaridda iyo ku wacdinta runta. Wuxuu dadkii baray sida loogu noolaado hab Ilaah raalligeliya. Sidii nebiyadii ka horreeyey oo kale ayuu dadka baray in Eebbe dembiyada ciqaabo laakiin uu hab badbaadin u keeno kuwa aqbala badbaadadaas. Bal aynu si kooban u qaadaadhigno qaar ka mid ah waxbaridihii Ciise Masiix. Waxaynu arki doonaa inay si buuxda u kaamilayaan wixii aynu ka soo maqalnay nebiyadii.

Muhiimadda Erayga Eebbe

Bilowgii hawshiisa, Ciise waxaa ka hor yimid dhibaatooyin la mid ah kuwa caadi ahaan innagoo dhan inaga hor yimaadda: Shayddaanku ayaa isku dayey inuu shaki geliyo ama jirrabo isaga. Xaqiiqdii Ciise Masiix, wuxuu lahaa awood oo dhan oo uu Shayddaanka iskaga caabbin karo. Isagoo tusaale inooga dhigayo ayuu muujiyey awoodda Erayga Eebbe ee qoran. Wuxuuna yiri sida ku qoran Kitaabkii 5aad ee Muuse oo la yiraahdo Sharciga Kunoqoshadiisa, cutubka 8, aayadda 3, oo leh: "Waa qoran tahay: Dadku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan, laakiinse waa inuu eray walba oo afka Rabbiga ka soo baxa ku noolaado."

Kibista, oo dhergisa damaca jirka, ayaa inooga dhigan waxyaalaha dunida ee aynu raadinno. Shayddaanku wuxuu isku dayaa inuu innagu jirrabo si aan Ilaah uga baadiyowno oo aynu maankeenna ugu mashquulinno helitaanka hantida noloshan amase ka daba orodno raaxada dunida. Ciise Masiix, wuxuu ina baray muhiimadda ay leedahay in daacad la ahaado, iyadoo la aqbalayo lana raacayo muujinnada Ilaah. Waxaase aad muhiim u ah in Ciise Masiix ku adkeeyey arrintan bilowgii hawshiisa wacdiska, hadalladan oo ay tahay inaynu mar kasta xusuusano oo ah: "Dadku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan, laakiin waa inuu eray walba oo afka Rabbiga ka soo baxa ku noolaado."

Ciise Masiix wuxuu sii waday inuu muujiyo Qorniinka oo uu ku soo xigto waxbaridiisii oo dhan. Wuxuu u tilmaamay xertiisii qaybo ka mid ah Qorniinka oo muujinayey in noloshiisa iyo hadalladiisuba ay kaamilayaan wax-sii-sheegidda. Banii-aadanku waxay ahayd inay ogaadaan in doonista iyo jacaylka Ilaah lagu muujiyey eraygiisa, iyo in Eraygaasi uu noqdo hoggaankeenna ka bilaabata dhalashada ilaa iyo dhimashada.

Caddaaladda Iyo Ciqaabta Ilaah

Ciise Masiix si cad buu dadka u baray wax ku saabsan xaqnimada rabbaaniga ah iyo caddaaladda quduuska ah. Erayo xoog leh ayuu ku sheegay ciqaabta ku imanaysa kuwa u fasaxa noloshooda in dembi xukumo. Dabeecadda Ilaah ee xaqa iyo caddaaladda ah ayaa doonaysa in kuwa diida isaga ay ku waajib tahay inay hoos yimaadaan ciqaabtiisa. Kuwa aan toobadkeenin dembigooda oo aan Ilaah ka helin cafiska dembiyadooda waxaa lagu ciqaabi doonaa dabka aan dhammaan weligiis. Isagoo soo xiganaya Daa'uud iyo Ishacyaah, ayuu Ciise Masiix ugu digay dadka inay toobadkeenaan oo ka baxsadaan ciqaabta.

Jacaylka Iyo Daryeelka Ilaah

Ciise Masiix wuxuu baray in Eebbe dadka u yahay sida aabbe kalgacal leh oo kale, oo si weyn u daneeya una xiiseeya dhan walba ee noloshooda. Dadka waa abuuristiisa ugu sarraysa, oo markii ay u nool yihiin si waafaqsan qorshihiisa, waxay isaga u yihiin farxaddiisa ugu weyn. Markiise ay diidaan oo ay addeeci waayaan isaga, wuu calool-xumaadaa oo wuxuu doonaa inuu arko iyagoo isaga u soo laabtay. Ciise Masiix wuxuu inoo sheegay in Ilaah si ficil leh u raadiyo dadka. Iyaga ayuu doondoonaa oo u yeeraa, wuxuuna u soo bandhigaa badbaado. Ciise Masiix wuxuu arrintan ku muujiyey noloshiisii adduunka, markii uusan, sida xaqiiqda ah, ka dheeraan dembiilayaasha. Iyaguu doondoonay, booqday, la sheekaystay, oo siyaabo badan ayuu tusay jacaylka iyo danaynta Ilaaha markuu dhexdooda joogay.

Ciqaabta Dembiga Iyo Dib U Heshiisiinta

Khudbado, mas'aalooyin, iyo tusaalooyin ayuu Ciise Masiix ku sharraxay runta ah in dembigu hubaal ahaan keenayo ciqaabta ah silic iyo ka-fogaan Eebbe oo weligeed ah. Sidaas darteed, maadaama dadka oo dhan ay dembaabeen, ciqaabtani way saamaynaysaa dadka oo dhan. Haddii ciqaabtan la dhaqangelin lahaa, si naxariis la'aan ah, qof walba waxaa lagu xukumi lahaa dhimasho daa'in ah. Ilaah baa wuxuu keenay qurbaankii allabbariga xoolaha, si uu sharraxaad uga bixiyo sida caddaaladda iyo jacaylka laysugu dhinac wadi karo. Markii tusaalahan la fiiriyo ayaa dembiga la saaray neefka. Neefka ayaa loo dilay beddelkii dadka dembiilaha ah, markaana qiimihii waa la bixiyey oo jacaylka Eebbe baa keenaya badbaado. Ciise wuxuu soo kaamilay waxbaridda ku saabsan arrintan, isagoo sii sheegaya siduu ugu hoggaansami doono inuu noqdo Allabbariga Kaamilka ah. Wuxuuna kafaaraggudi doonaa dembiyada dunida, isagoo noloshiisa u bixin doona madaxfurashada kuwo badan. Wuxuu xertiisii siiyey warbixin ku filan oo ku saabsan qarsoodigan si ay u gartaan sababtii uu u silcay, oo ay dabadeed u awoodaan inay dadka kale baraan farriinta badbaadada.

Caabudaadda Dhabta Ah Ee Niyadda Ka Timaada

Waxaynu xusuusannaa in nebi Ishacyaah uu u hadlay Rabbiga, sida ku qoran Kitaabka Ishacyaah 29:13, oo leh:

"Dadkanu way ii soo dhowaadaan, oo afkooda iyo bushimahooda ayay igu maamuusaan, laakiin qalbigooda way iga fogeeyeen, oo cabsida ay iga qabaanna waa amarka dadka laga bartay."

Ciise Masiix mar kale ayuu dadkii u muujiyey in caabudaaddu ahaato mid si daacad ah uga timid niyadda. Waxaanu dadkii uga digay inay iska jiraan istustuska ficil diimeedka ah, kaasoo aan lahayn cibaadaysi iyo ammaan Ilaah oo dhab ah. Mar ayaa la weyddiiyey inuu ka hadlo muhiimadda ay leeyihiin meelaha khaaska ah ee wax lagu caabudo. Jawaabtiisuna waxay ahayd in su'aasha ugu muhiimsani aanay ahayn meesha qudheeda.

Wuxuuna yiri sida ku qoran Injiilka Yooxanaa u qoray, cutubka 4, aayadda 24: "Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta."

Rumaysad Iyo Addeecis Dadka Laga Doonayo

Waaqdhaaca ama Allabbariga Wanka Ilaah ee aan iinta lahayn ayaa ku filan inuu soo furto dadka oo dhan. Laakiin cafiska dembiga wuxuu u iman karaa oo keliya kuwa si kalsooni ah u aqbala, oo si daacadnimo ah u rumeeya in Waaqdhaacii ay iyagu leeyihiin. Dadku doorashadooda ayay dembi ugu dhaceen, doorashadoodayna badbaado ku heli karaan. Eebbe wuxuu dadka u fidiyey casumaad, sidaynu ka maqalnay nebi Ishacyaah, markuu lahaa: "Ii kaalaya oo i dhegaysta." Isagu dadka ma qasbo. Dadka uma aqbalo ama uma diido si shaki ku jiro. Qof kasta ayaa heli kara faa'iidada jacaylka iyo naxariista Ilaah. Rumaysad iyo addeecis ayaa loo baahan yahay. Ciise Masiix wuxuu yiri, "Waad heli doontaan wax waliba oo aad weyddiisataan, haddii aad rumaysataan."

Tusaalayaashan waxaan ka arki karnaa in waxbaridda Ciise Masiix ay ahayd soo koobidda, gunaanadka iyo kaamillidda wax kasta oo ay nebiyadii dadka bareen. Kuwii maqlay isaga ayaa aqoonsaday amarka uu ku hadlayey. Amarka Ciise Masiix wuxuu ahaa amarka Eebbe, waayo wuxuu yiri sida ku qoran Matayos 5:17:

"Ha u malaynina inaan u imid inaan sharciga iyo qorniintii nebiyada baabi'iyo; uma aan iman inaan baabi'iyo, laakiin waxaan u imid inaan wada yeelo."