Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 3

ISAGU WAA JIDKA IYO RUNTA

Qaar ka mid ahaa xertii Ciise Masiix ayaa bilowgiiba dareemay inuu ahaa Masiixii la ballanqaaday, kaasoo Eebbe ku dhex-noolaa si uu u dhammaystiro ulajeeddada uu dunida ka leeyahay. Qaar kalena waxay ogaadeen runtan markii garashadoodii la furay. Waxayna arkeen, dhan walba oo laga eego nolosha Ciise Masiix, inay kaamilayso wax-sii-sheegidihii nebiyada. Qaarkood waxay maqleen codkii samada ka dhawaaqayay markay joogeen webi Urdun qarkiisa iyo ogeysiiskii Yooxanaa Baabtiisaha. Waxay dhegaysteen waxbariddiisii khayrka lahayd. Waxay arkeen isagoo samaynaya mucjisooyin waaweyn. Waxayna niyadahooda ka dareemeen joogitaanka iyo jacaylka Ilaah ee ka yimaada ee Masiixa, kaasoo uu dunida kula heshiiyay.

Laakiin xertii Ciise Masiix waxay ahaayeen dad inala mid ah. Way shakiyeen oo su'aalo ayay weyddiin jireen Ciise Masiix. Ciise Masiix wuxuu ka hadlay siliciisa iyo dhimashadiisa uu dadka dembiyadooda kaga soo furanayo. Aad bay u adkayd in tan la fahmo. Sidee buu Eebbe ugu soo furanayaa dadka Ciise Masiix? Muxuuse Ilaah ugu oggolaanayaa silic, hoosaysiin, iyo dhimasho? Sidee baase ciqaabta dembiyada banii-aadanka oo dhan loo bixiyey hal mar oo kama dambays ah?

Isagoo sii waday wacdiska, waxbaridda, samaynta mucjisooyinka, iyo ka soo xigashada nebiyadii, ayuu Ciise Masiix si tartiib ah xertiisii ugu muujiyey dabeecaddiisa dhabta ah. Wuxuu yiri, "Ilaah wuu shaqeeyaa, aniguna waan shaqeeyaa." Taasina waxaa loola jeedaa, in Ilaah isaga ku dhex-noolaa iyadoo ulajeeddadu ahayd inuu muujiyo hawl khaas ah. Noloshiisii aan dembiga lahayn aawadeed, ayaa Ciise Masiix kaamilay dhan walba ee sharciyada Ilaah ah. Isagoo daahir ah, addeecsan, si buuxdana ugu hoggaansanaan doonista Ilaah, ayaanu isagu lahayn dembi la daboolo. Wuxuu kaamilay shuruudaha looga baahan yahay nolosha xaqa ah. Bacdamaa uu ahaa mid aan dembi lahayn, ayuu qudhiisa isku bixiyey sida Wankii Ilaah, oo ah Beddelaadda Kaamilka ah ee daboolaysa dembiga dadka. Shaqadaasuna waxay ahayd furashada dadka, sidii uu Ishacyaah horey u ballanqaaday. Eebbe wuxuu ku jiray Ciise Masiixa, si uu dadka ula heshiisiyo. Ciise Masiix wuxuu sharraxaad ka bixiyey in isaga la dili doono oo uu dabadeedna dhimashada ka soo sara kici doono si uu u dhammeeyo qorshaha Ilaah ee badbaadada.

Wuxuu yiri, sida ku qoran Yooxanaa 14:1 iyo 6 oo leh:

"Qalbigiinnu yuusan murugoon. Ilaah waad rumaysan tihiin, anigana i rumaysta.
Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha."

Dhacdooyinka noloshiisa ayaa markiiba keenay in aad loo fahmo erayadiisii. Wadaadadii sare ayaa ku eedeeyey dacwad been ah oo dhan ka ah Ciise Masiix, oo waxay maleegeen in isaga lagu qodbo iskutallaabta. Niyadahoodii isla-weynaa ee caasiga ahaa ayaan doonayn inay aqbalaan qarsoodigan la yaabka leh ee Ciise Masiix -- waana muujinta naxariista Eebbe. Waxay ula dhaqmeen sida nin caadi ah sidaas daraadeed waxay ku eedeeyeen inuu Ilaah caayay ama ku aflaggaadooday markii uu sheegtay inuu yahay Badbaadiyaha dadka oo dhan.

Waxaad markaasi aragtaan, in madaxdii diinta ay ka fekerayeen un waxyaabaha iyo marxaladaha muuqda ama la arki karo ee adduunkan. Wakhti uma ayan haynin wax iyaga ula muuqday waxbarid khaldan, taasoo ku saabsanayd beddelaadda xaaladda ruuxa. Dhab ahaan, waxaa maskaxdooda dabray xeerarkii iyo dhaqammadii ay iyaga qudhoodu sameeyeen. Sidaas daraadeed waxay goosteen inay baabi'iyaan Masiixa kaasoo daboolka ka qaaday laba-wejiilannimadooda.

Dabcan Ciise Masiix wuu ku baxsan karay awood mucjiso ah, laakiin ikhtiyaarkiisa ayuu isu dhiibay. Wuxuuna tan u sameeyey si uu u dhammaystiro ulajeeddadiisii, oo dhacda kasta waxay u dhacday si waafaqsan qorshaha Ilaah ee furashada dadka. Isla sidii nebiyadu u sheegeen, wuxuu kuwii qodbayey u addeecay sida wan loogu kaxeeyo meesha allabbariga.

Kuwii dadka u dili jiray dawladda ayaa Ciise Masiix kor saaray iskutallaabta, maadaama tani ahayd habkii wakhtigaas lagu dili jiray kuwa dembi galay. Laba tuugna waxaa laga soo laadlaadiyey laba iskutallaabood oo hareerihiisa laga qotomiyey, waxaanay tanu kaamishay wax-sii-sheegiddii taas oo ahayd in lagu dili doono kuwa sharka leh dhexdooda, inkastoo uusan eed lahayn. Mid ka mid ah labadii tuug ayaa toobadkeenay oo cafis weyddiistay. Xitaa markuu Ciise Masiix silcayey, wuxuu kala hadlay nabad kii toobadkeenay. Wuxuu kaloo ku hadlay erayo kale oo ku saabsan cafis iyo jacayl. Habkii uu waaqdhaaca isugu bixiyey iyo calaamadihii mucjisooyinka ahaa ee la socday ayaa kaamilay wax-sii-sheegid kasta. Jirkiisiina waxaa qaatay nin maalqabeen ah, oo waxaa la geliyey qabri dhagax ah, qabrigiina waxaa waardiye ka qabtay saraakiishii dawladda.

Subaxdii maalintii saddexaad ee ka soo wareegtay markii uu Ciise Masiix u bixiyey noloshiisii sida Waaqdhaaca Kaamilka ah, ayaa jirkiisii ka kacay dhimashada, isla sidii uu horey u sii sheegay. Madaxdii diintu waxay la noqotay inay baabi'iyeen Ciise Masiix, laakiin Ilaah baa tabahoodii fashilay. Ciise Masiix, inkastoo uu ku silcay dhacdadii uu waaqdhaaca ku noqday, haddana nolol buu si guul leh ugu soo noqday, si uu u ahaado midka guusha leh weligiis. Dhimashada jirka ayaa waxay tilmaamaysay silicii hoosaysiinta lahaa ee Ruuxa Ilaah marka waaqdhaaca la sameeyey si loo furto banii-aadanka oo ah, abuuristiisa ugu weyn, kuwaasoo uu aad u jeclaa. Imminka ficilkii furashada dadka waa la dhammeeyey! Waaqdhaacii ama Allabbarigii Kaamilka ahaa ee weynaana waa la bixiyey. Mucjiso weligeed saamayn ku yeelan doonta arrimaha banii-aadanka ayaa dhacday.

Kaddib markii la ogaaday in qabrigu maran yahay, ayaa qaar ka mid ah xertii Ciise Masiix la kulmeen isagoo la sara-kiciyey. Iyaguu raacay oo wuxuu kala hadlay nebiyadii. Wuxuuna ku yiri, sida ku qoran Luukos 24:25-27 oo leh:

"Nacasyo yahow oo qalbigoodu ka raagay inuu rumaysto wixii nebiyada oo dhammi ay ka hadleen, Masiixa miyaanay waajib ku ahayn inuu waxaas oo dhan ku silco oo uu ammaantiisa galo?' Markaasuu ka bilaabay Muuse iyo nebiyada oo dhan, Qorniinka oo dhanna ayuu uga micneeyey wixii isaga qudhiisa ku saabsanaa."

Nimankii maqlay isaga waxay dareemeen runta niyadahooda gubaysa. Si bayaan ah ayay u garteen in silicii iyo sarakiciddii Ciise Masiix ay dhab ahaan ahayd qorshaha Eebbe ee furashada sidii nebiyadu horey u sii sheegeen. Aad bay ugu farxeen wixii ay ogaadeen, magaaladii ayayna orod ku tageen, si ay saaxiibadood u sheegaan. Waxayna ku yiraahdeen, "Waa run, oo Ciise Masiix dhimashadii wuu ka sarakacay!"

Markaas kaddib, Ciise Masiix wuxuu u muuqday kuwo kale. Wuxuu tusay jirkiisii la sarakiciyey, oo wuxuu mar kale ku yiri, sida ku qoran Luukos 24:44-45, oo leh:

"'Kuwani waa hadalladaydii aan idinkula hadlay intii aan weli idinla jiray. Waa inay noqdaan wax walba oo sharciga Muuse iyo nebiyadii iyo sabuurrada laygaga qoray oo igu saabsanaa.' Markaasuu garashadooda u furay si ay u gartaan Qorniinka."

Wuxuu xertiisii u sheegay inay tagaan oo quruumaha oo dhan ku wacdiyaan farriinta toobadkeenka, cafiska, iyo furashada dembiga -- kuwaasoo dhammaantood Ilaah keenay, Bixiyaha lagu muujiyey Ciise Masiix. Kani waa AKHBAARKA WANAAGSAN ee Injiilka, kaasoo ay tahay in la gaarsiiyo dunida oo dhan.

Ciise Masiix samada ayaa loo qaaday -- halkaasoo uu weli ku nool yahay. Xertiisii waxaa ka buuxsamay kalsooni iyo farxad. Su'aalahoodiina waa laga jawaabay. Qofnimada iyo hawshii Ciise Masiix ayaa xaqiiqdii ahaa kaamilidda wax-sii-sheegiddii nebiyada.