Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Kaddib markii Daa'uud dilay ninkii weynaa waxaa loo doortay inuu jago sare ka qabto ciidammada. Wuxuu dadkii Eebbe u hoggaamiyey inay guulo ka soo hooyaan qaramadii sanam-caabudka ahaa ee isku dayey inay iyaga qabsadaan. Ilaah wuxuu u diyaariyey dariiq si uu u noqdo Boqor. Afartan sanno wuxuu ku talinayey awoodda Ilaah. Wuxuuna baabi'iyey sanamyo oo wuxuu abaabulay caabudadda Ilaaha dhabta ah. Wuxuu dhisay magaaladii quduuska ahayd ee Yeruusaalem, halkaasoo magaca Eebbe lagu sharfay. Dad badan oo rumaysad leh ayaa meeshaas kooxkoox u iman jirey, si ay u caabudaan Ilaah.

Guulihiisii oo dhan Daa'uud si joogta ah ayuu Ilaah ugu ammaanayey guulaha uu siiyey. Wuxuu Eebbe ku ammaanay oo ugu mahadceliyey isagoo isticmaalaya erayo xoog leh oo macaan kuwaasoo ku qoran kitaabka Sabuurrada Daa'uud.

Daa'uud baa mid ka mid ah Sabuurradiisa [118] ku yiri:

"Quruumihii oo dhammu way i wada hareereeyeen,
Laakiin anna magaca Rabbiga ayaan ku baabi'iyaa.
Dhinac walba ayey i hareereeyeen,
Laakiin anna magaca Rabbiga ayaan ku baabi'iyaa iyagii.
Gadaal baa la ii riixay oo waan dhici gaaray,
Laakiinse Rabbiga ayaa i caawiyey.
Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga;
Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda."

Waxaa kaloo uu Sabuurrada 145:1-2, 147:1 iyo 105:1-2 ku yiri:

"Ilaahayow, Boqorow, anigu waan ku sarraysiin doonaa,
Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.
Maalin kasta mahad baan kuu naqi doonaa,
Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.

Rabbiga ammaana.
Waayo, way wanaagsan tahay in
Ilaaheenna ammaan loogu gabyo,
Waayo taasu way wacan tahay,
Oo ammaantuna way habboon tahay.

Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya,
Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.
Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya,
Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla."

Dad yar oo keliya ayaa weligood jacaylka ay Eebbe ku qabaan muujiyey oo cibaadaysi buuxa ula yimid iyagoo hadallo qurux badan ku ammaanaya sidii Daa'uud yeelay. Wuxuu xiriir sokeeye la lahaa Ilaah oo faham qoto dheer ayuu ka haystay dabeecadda Ilaah. Markii aynu dareenno inaynu u baahan nahay aqoon shakhsi ahaaneed oo qoto dheer oo aynu Ilaah ka haysanno, waxaynu wax badan ka baran karnaa Sabuurrada Daa'uud. Markii niyaddeennu u hillowdo inay Ilaah ku soo dhowaato, garato runtiisa, oo fahamto muujintiisa, waa inaynu akhrinno oo ka fikirno hadalladii qaaliga ahaa ee Daa'uud.