Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 3

Way innagu adag tahay inaynu rumayno in boqor Daa'uudkan uu sababay in la dilo nin aan waxba galabsan, isagoo markaa dareemaya sida inuu yahay gacan-ku-dhiigle, ayuu baroortay isagoo leh: "Ilaahow iga badbaadi, eedda gacan-ku-dhiiglanimada." Maxaa ku dhacay oo kharribay kaamilnimadii ninkan weyn?

Jawaabtu waxay noqonaysaa, dabcan, in Daa'uud uusan kaamil ahayn. Waxaana jira oo keliya mid kaamil ah; kaasoo aan wax khalad ah gelin. Marka Eebbe laga soo tagana ma jiro qof aan khalad gelin! Daa'uud wuxuu ahaa mid xoog, xirfad, garaad, geesinnimo leh, oo ehlu diin ah, si daacad ahna Ilaah u caabuda, una hoggaansan doonista Ilaah. Laakiin wuxuu ahaa banii-aadan oo wuxuu u jilicsanaa dembiga, isla sida banii-aadamka kale. Waxaa isaga duufsaday Shayddaanka sideennoo kale, oo wuxuu ku dhacay duufsigaas.

Saqafka sare ee guriga boqortooyada waxaa ku taallay meel lagu socdo fiidkii, si uu boqorku naacaw qabow u helo oo magaalada ka daawado. Goor fiid ah, ayaa Daa'uud oo ku socda halkaas sare, meel ka hoosaysa ku arkay haweenay qubaysanaysa. Haweenaydaasu way qurux badnayd. Daa'uudna damac ayaa ka gelay. Oo wuxuu weyddiiyay: "Naagtaasu waa ayo?"

Markaasaa adeegihiisii yiri: "Haweenaydan waxaa la yiraahdaa Batshebac, waana xaaskii askariga Uuriyaah."

Haddanna Shayddaankii oo sii jirrabaya isaga, ayaa damacii Daa'uud uu naagta ku rabay baa sii kordhay. Waxaanu goostay in Uuriyaah la dilo. Dabadeedna Batshebac xaaskiisa ka dhigto. Daa'uudna wuxuu ku fekeray, Uuriyaah waa askari, oo dagaalka ayaa lagu dili kara. Askari kasta dagaal waa ku dhiman karaa. Laakiin Daa'uud taas kuma qanacsanayn, oo ma uu filaynin in Uuriyaah dagaalka ku dhinto. Waxaa markaasi uu goostay inuu xaqiijiyo in Uuriyaah dagaalka ku dhinto. Wuxuu dabadeed u sheegay sarkaalkii ciidanka in Uuriyaah uu geeyo meesha ugu khatarsan ee dagaalku ka socdo, waa meesha ugu horraysa ee dagaalka e. Qorshihiina wuu shaqeeyey oo Uuriyaah waa la dilay.

In muddo ah Daa'uud wuxuu isku dayey inuu iska dhigo inuusan khalad gelin. Askarigii u soo sheegay dhimashadii Uuriyaah wuxuu ku yiri, "Tani yaynan ku wareerin, seeftu hadba mid bay dishaa. Haddaba sidaas ku dhiirrigeli sarkaalkii ciidanka."

Laakiin qofka wareersan wuxuu ahaa Daa'uud. Wuxuu isku dayayey in isaga qudhiisu is-dhiirrigeliyo. Wuxuuna ogaa inuu khalad sameeyey oo Ilaah ka caraysiiyey. Eebbe buu xiriir sokeeye la lahaa, laakiin imminka dembigiisii ayaa dareensiiyey inuu Ilaah ka dheer yahay. Wuxuu bartay markii tanu qabsatay xaqiiqo macna weyn ku fadhida oo ah: In dembigu dadka Ilaah ka fogeeyo. Ilaah uma soo dhowaan karno oo wehelnimadiisana ma heli doonno haddii aynu oggolaanno in shar duufsado malooyinkeenna iyo ficilladeenna oo innaga dhigo inaynu dembi falno. Dembigu wuxuu halleeyaa nolosheenna, oo Ilaah isagoo ah quduus iyo daahir, la sii joogi maayo wax aan quduus ahayn. Daa'uud wuu hurdi waayey oo harsan waayey. Wuxuuna yiri: "Waxaan dareemay in gacantii Ilaah i saaran tahay, habeen iyo maalinba, oo xooggaygiina wuxuu u baxay sida kulaylka jiilaalka."

Kuwo badan oo innaga ah ayaa garanaya waxa ay tahay in la dareemo in Eebbe innaga fog yahay. Mararka qaar, sidii Daa'uud oo kale, waxaynu isku daynay inaynu isku sheegno inayan waxba innaga khaldanayn. Laakiin niyadaheenna waxaynu ka dareennaa doonis, marnaan, iyo kala fogaan. Taasina waa sida Ilaah innagu ogeysiinayo xaqiiqada dhabta ah ee dembiga iyo baahideenna aynu ku raadinayno Quduusnimadiisa.