Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 1

Waxaad si buuxda u hubsan kartaa xiriirka aad Ilaah la leedahay. Waxaad waaya-aragnimadii Ibraahim ka baran kartaa sida qudhaadu aad ugu hoggaansami lahayd Eebbe oo aad u heli lahayd barakadii uu ballanqaaday. Ilaah wuxuu Ibraahim u doortay in uu noqdo khaaddunkiisa iyo saaxiibkiis. Ilaah wuxuu tan u sameeyey si uu u hawlgal ka dhigo qorshihiisii uu ku barakadaynayey dadka dhaqangeliya doonistiisa.

Qisada noloshii Ibraahim waxaad ku arkaysaa caqiidooyin loo baahan yahay inaad noloshaada ugu rogto dhinaca ulajeeddadeeda runta ah. Ibraahim wuxuu aqoonsaday dabeecadda iyo khatarta dembiga. Wuxuuna rumaystay in Eebbe isaga iyo dadkiisaba danaynayey. Wuxuuna aqbalay ballankii Ilaah. Wuxuu addeecay tusmooyinkii Ilaah. Wuxuu naftiisa si buuxda ugu hoggaamiyey doonista Eebbe isagoo la imanaya addeecis iyo jacayl.

Casharkan waxaad ku baran doontaa wax badan oo ku saabsan caqiidooyinkaas iyo sida aad ugu dhaqmi lahayd isla sidii Ibraahimba sameeyey. Waxaad kaloo garan doontaa waxa loola jeedo in la noqdo saaxiibka Ilaah.

Casharkan waxaad ka baran doontaa...

  • Ibraahim wuxuu ka jawaabay baaqii Ilaah.
  • Ibraahim wuxuu muujiyey rumaysadka.
  • Ibraahim wax kasta Ilaah buu siiyey.

Casharkani wuxuu kaa caawinayaa inaad...

  • Faallo ka bixiso xiriirka dadku la leeyahay Eebbe.
  • Tafaasiir ka bixiso sidii Ibraahim u muujiyey rumaysiga iyo hoggaansanaanta.
  • Garato sidii aad baaqa Eebbe uga jawaabi lahayd.

IBRAAHIM WUXUU KA JAWAABAY BAAQII ILAAH

Ilaah Wuxuu Isticmaalaa Dadka

Maxaad keligaa samayn kartaa? Haddaanay jirin qof kaloo ku caawinaya adiga amase wax kula wadaagaya, amase ku wehelinaya, maxaad awoodi lahayd inaad dhammayso?

Keligaa waad tukan kartaa, laakiin markaad tukanaysid waxaad aqoonsataa in lagula joogo. Ilaah ayaa kula joogaa.

Keligaa waad akhrin kartaa, laakiin markaad wax akhriso aqoonsataa inay jiraan kuwo kale. Kuwaasoo noqon kara mid qoraa ah, mid wax daabaca, ama laga yaabo aqoonyahan kaasoo calaamado u sameeyey luuqaddaada oo haddii kale noqon lahayd wax aadan waxba ka garateen isaga la'aantiis.

Way yar yihiin waxa aad keli ahaan u samayn karto.

Muxuu Eebbe keli ahaan samayn karaa? Ilaah ayay awood oo dhan u sugnaatay. Cidna kuma xirna, oo qofna fasax kama qaato. Isagu waa awood madax bannaan oo caalanka oo dhan ka sarreeya. Abuuris kasta gacantiisay ka soo baxdaa ulajeeddadeeduna waa inay ammaan magaciisa u keento.

Iyadoo ay saas tahay ayuu haddana dadka abuuray waayo ma aanu doonayn inuu keli ahaado. Wuxuuna dadka u abuuray inay isaga la wadaagaan nolosha iyo bilicsamida abuuristiisa oo ay la xiriiraan oo caabudaan isaga.

Waxaynu og nahay in Eebbe qorshe u hayay dadka uu abuuray. Wuu u carooday markii ay dembiga ku dhacaan. Daad buu xukun ahaan dadkii ugu halligay, si uu u muujiyo sida dembigu u xun yahay, waayo wuxuu dadka ka fogeeyaa Ilaah. Daadkii weynaa kaddib, Ilaah wuxuu mar kale bilaabay inuu dadkiisa la shaqeeyo oo uu dhammeeyo ulajeeddadii uu iyaga ka lahaa. Wuxuu bilaabay inuu dhiso qaran si daacad ah isaga u raacsan oo magaciisa sharaf u keena; barakeeyana dadka oo dhan.

Mar kale Eebbe wuxuu muujiyey ama tilmaan cad ka bixiyey dabeecadda xiriirka uu la leeyahay dadka. Ilaaha weyn wuxuu doortay inuu shaqadiisa dadka u adeegsado. Keli ahaantiisa ayuu wax kasta samayn karay, laakiin mas'uuliyaddii buu qaybiyey oo wuxuu dadkii u xil-saaray inay adduunka wakiillo uga noqdaan. Waxaa taasi ina baraysaa in nolosheenna ay isku laran yihiin ulajeeddada Eebbe. Heli mayno nabad haddii aynaan samayn doonistiisa. Oo isagu inama deyriyo isagoon ina siin naxariis. Waa qayb ka mid ah dabeecaddiisa inuu innaga doono inaan u soo jawaabno. Ma uusan bilaabin qarankiisa cusub isagoo keligiis shaqaynaya. Waxaase uu helay nin kaasoo uu xaggiisa ku caddeyay si loo aqoonsado doonistiisa. Wuxuu doortay in Ibraahim noqdo Aabbihii rumaystayaasha. Wuxuuna Ibraahim ku magacaabay saaxiibkiis.