Nolosha Cusub

Nolosha Cusub

Qaybta 2

Sida Loogu Baahan Yahay Yeerista

Daadkii weynaa kaddib, ayaa Nuux Ilaah u dhisay meel lagu waaqdhaaco. Shaki la'aanna isaga iyo qoyskiisu Ilaah bay caabudeen oo waxaanay tan iyo bilowgiiba doonayeen inay doonista Eebbe samayaan. Laakiin weli xaaladda dembiga ayaa xukumaysay faracii kacay daadka dabadiis. Waxay ahaayeen kuwo aan itaal badnayn oo aan awoodin inay iska caabbiyaan jirrabaadyada. Ilaah bay diideen. Hase yeeshee waxay dareemeen baahida niyaddoodu u qabto caabudidda, maxaa yeelay, baahidan dadka oo dhan baa leh. Wax yar kaddib,waxay bilaabeen inay dayaxa iyo sanamyo ay samaysteen caabudaan.

Waxay markaasi u muuqatay in abuuristii Ilaah mar kale la baabi'in doono dullinimada dadka aawadeed. Laakiin waxaa dhulka ku kala firirsanaa dad yar oo xusuustay oo garanayey xaqiiqooyinka Ilaaha keliya ee Abuuraha ah. Ibraahim wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwii Ilaah rumaysnaa. Wuxuu diiday in uu sanamyada caabudo, inkastoo aabbihiis uu sanamyada caabudi jiray.

Ilaah kama yeelo dadka dunida kuwo aan rajo lahayn. Xitaa markii ay dembaabaan, waxaa isaga ka buuxsanaa naxariis iyo raxmad. Wuxuu u hayey qorshe dadka ka soo leexiya sanamyada oo tusa iyaga waddada runta ah. Qorshahiisu wuxuu ahaa in nin loo doorto hoggaamiye sameeya doonista Ilaah oo lagu barakadeeyo dadka oo dhan isaga.

Eebbe wuxuu arkay in Ibraahim diiday inuu caabudo sanamyada dadkiisu caabudayeen. Ilaah baa ku yiri isagii, "Ka tag waddankaaga iyo dadkaaga." Waxaa uu doonayey in Ibraahim ka tago sharka iyo sanam-caabudka oo uu bilaabo koox cusub oo ah mu'miniin raacsan Ilaah.

Ibraahim wuxuu ka socdaalay Uur tii reer Kalday oo maanta loo yaqaan waddanka Ciraaq oo wuxuu yimid dhulkii Xaaraan, isagoo ay la socdaan aabbihiis iyo qaraabo kale. Laakiin weli sanam baa ku dhex jiray iyaga. Eebbe baa la hadlay isagii mar kale, sida ku qoran Kitaabka kowaad ee Muuse oo la yiraahdo Bilowgii, cutubka 12, aayada 1, oo leh, "Ka tag waddankaaga, xigaalkaaga, iyo reerka aabbahaaba, oo dalka aan ku tusi doono u kac."

Sidaad arkaysoba, waxaa Ibraahim looga baahnaa in uu ka tago meeshaan dembi soo jiidashada leh. Markaad ku nooshahay meel agagaarahaada oo dhan lagu samaynayo dembi ayay xaqiiqo ahaan adag tahay inaad niyaddaada iyo qalbigaagaba ka weeciso soo jiidashadaas dembiga. Itaaldarrada dadka iyo xaaladaha dembiga ayaa dadka ka dhigta inay raacaan ama ku deydaan falalka kuwaas kale, xitaa mararka qaar iyagoo dareensan waxa ay sameeynayaan inay khalad yihiin. Ilaah wuxuu doonayey in Ibraahim uu gebi ahaan ka haro wixii hore, una go'o si uu u qaado ama u sii wado qorshaha Eebbe.

Danta tan laga lahaa waxay ahayd in Ibraahim laga dhigo sida xiriiriye barakada ama khayrku u soo maro malaayiin dad ah. Dabcan markii Eebbe doorto qof inuu kaga dhex shaqeeyo dadka, wuxuu doortaa qof doonaya inuu addeeco isaga. Ibraahim ma ahayn mid ka mid ah gaallada. Wuxuu diiday inuu caabudo sanamyada amase uu u sujuudo. Samada ayuu eegay, ma ahayn inuu caabudayo dayaxa ama bisha, laakiin inuu darajo siiyo Ilaaha keliya ee baaqiga ah, kan abuuray caalamka. Ibraahim wuxuu ahaa saaxiibkii Ilaah, Ilaahna wuxuu doonayey inuu dadkiisa hoggaamiyo.